Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Cali Xasan " Cali Banfas" |   | 

  Hordhac
    
    Cali xasan Bamfas
    
     
Dardaaran    Dib U laabo
    
     	    
    Cali Xasan [Bamfas]

        Gabaygan magaciisa waxa la yidhaahdaa Dardaaran. Wuxuu Abwaanku gabaygan curiyay habeenkii caanka ahaa, ee qaaradaha aduunka ay ka diiwaan gashay dhaqdhaqaaqa ururka Somalilyeed SNM taarriikhdiisu. Waa habeenkii uu qarxaday dagaalkii 27 may 1988 kii , ee Hargeysa iyo Burcoba ay isku soo shubeen sooma-jeestayaasha SNM iyagoo oodahoodii sita. Waa habeenkii faraxada iyo naxdintaba lahaa. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa falalkii wax ku oolka ahaa, ee is-dabajooga ahaa, ee SNM ku naafaysay taliskii Faqashta ahaa ee Afweyne. Waxa kalooy burisay SNM, markii siyaasadda cadawnimada ah, ee nacasnimada ah, ee wadan nacaybka ah uu kula saxeexday Mangeste inaan dal loo haystaa aanu jirin si SNM loogu soo celiyo, loogana soo mistaafiriyo dalka Itobiya dabadana looga soo eryo. Afweyne wuxuu iska dhaadhiciyay inay siyaasadaasi u suurta galayso , tiina SNM ayaa burisay.
      Gabaygu wuxuu ku bilaabmay sidan:   heshiiskuu daraaday u galay daalinka Afweyne shaxduu dagay midbaa loo dagaye mala-daraantiisa doqonkii Ogaadeen ku waa dagaladiisiiye Itoobiya dal uma haysaniyo saynka lagu duugay inuu yahay dalaal buu u qiray duulankii shalaye xabashigu dantiisuu arkaye tayda muu dayne anigaba durkii laygu waday daabacay is rogaye hadaydaan daf soo odhan habeen idinka oo duuban si kaloon ku doona xornimo nama dawayseene dab wixii onkaday iyo wixii danab is dhaafaayay dushiinaanu so halabsanay iyo doonti Nabi Nuuxe haday maalintii nala dagto on ruux Duriyad sheegan duligaan ku noolayn marnaba kama daraateene daaraha burburay ee madfaca lagu duqaynaayay dahab iyo damaar iyo intii duunyo lagu waayay intii diric shaheediyo intii danab ku naafowday inta caydh u soo dibad baxdee een daxandaxoonaynin dir-xunkaad dhamayseen ayaan kaga dawoobaaye nimankii lahaa duub-casta iyo yayda daba joogta nimankii daluumaha xabsiga iilka nagu diiqay nimankii dibnaha eegayee hadalka noo diiday nimankii dubkoodi gubnaa aragu diidaayay daymadooda nimankii indhaha dab iga leefaayay halkaan dabada saaraba kuwii igu dul-meeraayay magacyada dugaaga ah kuwii darajo moodaayay dabar-goynti baan nahay kuwii marinka loo daayay nimankii dadkay soo xidhaan kiish la daba qaado madax-furasho lagu doonayee duunka ka colownay nimankii dukaamada liqee rag uga duuduubtay dagaagaan lahayn xeer gobeed ninaad u dayn raacdo nimankii duqayn jiray guryaha daakirkiyo laylka dugay iyo caruur iyo kuwaan dumarka dhaafaynin diricyada haweenkiyo kolay dahabka goostaanba nimankii hablaha tay damcaan duhurka xoogaayay duligaan lahayn dhaqanka iyo diin uu kaga waabto maydkooda oo daadsan baan so dul-joogsadaye ilkihii dameeraha bakhtiyay daanka faqatiira kuwii go'ay daraad iyo shalay dakharki loo gaystay gunnimado raggay damaqdaybaa noo dagaalamaye xaqa lama daboolee waxaan kuugu dabashaaray degma-laqus siday ugu dhacdiyo labbadi doofaarba ee Guul-wadihii loogu daray waan ku diirsadaye dubaaxdooda meeshaan dhignay ee dhiigo kaga daatay daruur curatay waa kow wixii da'ay mahiigaane Xamarbuu dayaankii ku dhacay danab kiciisiiye daalinkii tubtii buu maruu sii dabayshadayee' Alla haydin daayee xoriyad lagu damaashaado lixdankii mar baan daawannoo calanku waa deege kii hore daruur buu ahaa kanina waa dooge' dalku uu idiin baahanyahay waana kaa dihine dadaal waxaydun kula soo baxdoo idinku deeqaaye siday diintu xeer noogu tahay dhaqan aan duugoobin dimaqaraadi loo simanyihiyo daacad ku hogaansha dadka waa la naanaabiyee dawga ku hagaaja milatari baa nasoo daashadee dib uga faalooda nin kuu digay kumuu dilin sidaa qaba dareenkeeda damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda dabku yii iga seexanine dogobyo weyn saara daroorimad waan necebehee daadka iga moosa daldaloola badan baa jiree daah isaga yeella dadnimadu hiday noo tahay dariska nooleeya qoladii wax daandaansatana daafac ku lahaada dacr iyo inaad malab tihiin dunida gaadhsiiya ninba doobiguu kuu shubay kiisa ugu deeqa dambiyada kuwaan sii ridnayn kala dambayntiina damac iyo colaad bay is huwane isugu dulqaad yeesha daryeelkeeda Somali weyn duuga lo simane nin walbaa dagmoo leeyahaye daaqsintiyo ceelka hadba kaa dan wada leedihiin daabka wada goosta siyaasadaha layguma dagee daakhil iyo khaarij distoorkiina xaashida ku dhiga qalin aan duugoobin

    Xigasho: somaliland poets



    Soo saxa soona dhameeya


      - 

Dhadhab   Dib U laabo

Wuxuu yidhi:

    hadduu dhimiiro leeyahay qabiil dhaladka Somali'
    waxa dhab ah dhudaan ahay inaan cidina dhaafayne
    dhidibkii Salaan baan ahay oo koodi muu dhalanne
    mar haddaanu Dhuux ila hadlayn dhimay Abwaankiiye
    
    Alaylehe Dhulbahantaa jaboo dhaban ku yaalaaye
    dhedig caano weeye middii dhawrsan garan weyda
    iyadiyo dhalaankaba afkaa laga dhirbaaxaaye
    wax kastaba ha dhurtee naag la furay kii  ?????
    
    ragga hadalku so dhaafayow waa ku dhaxasheene
    dhulka maalintaad timi wixi dhacay la soo qaadye
    dhirtu wey da'daa wayse kala dhuub macaantahaye
    haddaan cadayga dhawrto iyo haddaan dhuuqsinta abaaro
    sow naaggo dhaadheer midhkii looga dhici maayo
    
    afartaa dhalaaxdiyo haddaan dhalada so qaaday
    dhicis laguma gawraco warmahaad dhiig u tumataye
    waxaan dhubuqyo heensaday raggay naga dhaxeeyeene
    dhuduc kalana waa liitidii hal aan ku dhoobaystay
    
    Dhoodaan ninbaa tumay hadduu idinku dheeraaye
    dhafoorada xadiid kala dhacay iyo dhoomayaal culuse
    dhulkaan ugu ridee waydinkaa dhawr usoo baxaye
    Cali kuma dhidhaysaan habaab shayna kaa dhicine
    
    dhalmadiyo haddii guur haween lagu dhaqaalaysto
    dhixirkooda kuma soo noqdee midaan ku dhaafaynin
    haddaad dhalan rogteen reerba reer dhinaca soo saarye
    way dhogor xumaysteen kuwii idinku dheehnaaye
    
    Ogaadeenkii dhiidhida galow waa dhex hurudaane
    oo dhabarka sii saaraysaan dhoobo saa'idae'
    dhulka idnila go'ay waa Isaaq dhaxal madoobeeye
    dhurwaaba idin yidhi waa hal oo dhagac ku siiseene
    
    dhankastaba hadda laga maray oo dhoombir kaga qiiqye
    waxaan lagugu dhaafaynin waa sidigti Dhaameele
    ma dhadhamin haddaad leedihiin waa ka dheregteene
    dharigiyo dhadhaarada halkuu dhoolku ka hilaaco
    
    hadba dhan ula guurtee waxaad dhagagsigaa maasho
    jidadkaad dhubqaalynayseen layska soo dhababye
    dhufayskaana laysugu jiraa ways dhalfa ogayne
    dhabalooxadiiniyo halkaa dhererantiin caawa
    
    dhabahaa ka tuugaysataan dhabarka Las-caano
    waa dhawdii Habar Yoonisoon loo dhagaatiyine
    imikaanay dhoobdhoob lahayn dhacantay mooyaane
    dhibbi waxay ka joogtaa raggii dhiigga kululaaye
    
    lagu kala dhaqaaq saaka tii aan dhudhuminaaye
    waagii dharaarow xaqqii dhayda ka cadeeye
    dhoof laguma raaggii raggi dhiirana yimide
    ma cirkay ka soo dhici haddaad dhega barjawdeene
    
    dhabar-jabintu waa xoogagay dhubuq ka siiyeene
    waxaan magaca ugu dhaatay iyo dhalasho waa hiile
    dhoomaha la tiray reerahaa dhacanta loo jiiday
    waa gaaskii dhuunyaalahee dhoodi maalmahane
    
    hilinkuu ka dheef-quudin jiray waa ka soo dhaliye
    dhakhso waan idiin jeedinee dhaaca iyo maydka
    dhudhunbaan idiin sheeganee waxase dheeraadah
    in ciidankii dharsanaa shicib u dhuuntaane
    
    dhuugaan ka riday waa hal iyo kii la dhaadhiyaye
    dacawgii dhegaatiga cuniyo dhaan dambiyo faytin
    mid dambo dhankiina ah Walloon cidi u dhiibayne
    tukihihii dhigaanka u qotomay dhiitadiyo xoorka
    
    sidaan kaaga dhaar galay ayaan loga dhaashiine
    wataad sidaa ugu dhaganayd dhiisha caanahae'
    dhalandhoolka waataan ku jiray dhuubatiyo ciile
    dhugatoobayeey waa rasaas waxaan ku dheefaaye
    
    dhafoor taabashada naaquskaan keebkaan dhaansadaye
    dhexda suunka weeyaan markaha  dhaayin lo tolaye
    dhacsadaye habeenyohow waataa dhiilka loo culaye
    eey dheega sumadii ku taal dhogor casuuslaye
    
    dhibidiyo tawaadiisu waa dhudiyo heemaale
    dhacadiid kumaan soo xarayn taan u dhiig baxaye
    dhuuni qaatayow aan wajiga dheeha ku lahayne
    dharkaad xidhato baalha madow dhuni rogadkiisa
    
    numbarada sidaad ugu dhigtiyo xeel ku dhaqankiisa
    waa waxaad dhigiin kaga hadheen ka idin dhuunsadaye
    dhukus iyo dhagaystaba hambada kii dhuftaan ahaye
    dhadhabtuu ku yidhi hoo liq eed dhuunta marin weyday
    
    waxaad dhariga kala soo baxdeen dhagax-baruurkiiye
    dhure waxaad ku soo qadhafsataan dhabaqsi mooyaane
    war dhulbaad xoraysan hungri baad u dhimateene
    
    
    
    Soo saxa soona dhameeya

    Xigasho:somaliland poets

Dhambaal   Dib U laabo
    
    
     Afrikaay dhambaalkaa socdaan hadal ku dhaafaaye
     dharaar iy habeen tuu ku  jiro nolosha dheegiisa
     dhul intuu ka legyahay khalqiga dhixitimaadkiisa
     ninba dhaayihiisa waqtiga loogu sii dhigaye
    
     Mandheelaba siduu uguu sii dhib galay dhaxalka lo aayo
     ayaa loogu dhiiba xoriyo kii u dhiig baxaye
     dhaartaan Ilaahay u galay dhoobadiyo ciida
     galbis aan ku wada dhaadaniyo calanka ii dhaaban
    
     dhirbaaxooyinkaygii haddaan meel isugu dhaabo
     kuli waa dhulkaygoon cid kale naga dhaxaynayne
    
     sow in wixii layga dhacay soo dhacsado maaha
     sow inaan dhamays tiro wixii iga dhinaa maaha
     sow inaan dhigaygaan ka hadhay dherertanaa maaha
     sow inaan ka dhawrsado waxaan ii dhadhamin maaha
    
     sow inaan dhunkado ciidu taan dhaxashadaa maaha
     sow dhuuxa ubadkii ku jiray tuu dhursugo maaha
     sow waxa dhalaan loo korshaa dhaqan rugeed maaha
     sow caalin dhibac kuu liqimay dhool gudguge maaha
     sow waxaad ka dheeftaa abwaan dhimiiradii maaha
    
     nin qabyaalad dhoobdhoobayaa dheef ku cuni waaye
     dhexdayada ninkii soo galaa ee dhibo ka doonaaya
     ee dhaan shisheeyaad wataa sow ku dhiman maayo
     dhudhub oodan kii kula damca ee bohosha dheereeya
    
     isna kuu dhegoolaynayaa  sow ku dhici maayo
     nin dhiigaygan uun muhanaya ooy dheeman uga hoortay
     bal dayoo dhafoorkaygan godan dahab ka dhoobaya
     maalintuu Ilaahay dhufto uu dhuuman kari waayo
    
     tuugii uu dheef quudin jiray wacad Aluu dhaarto
     isna dhagar la galay sow wajiga dheehu kama daadan
     
      

    Xigasho: somaliland poets

    Soo saxa soona dhameeya

Gabagabo   Dib U laabo
    
    
    nin garaada gooyaa murtida wow gu tiriyaye
    godka wow xidigiyaa hadday laxuhu guuraane
    sidaan gabanadii ugu wahmo iyo goraygi Buuhodle
    waataan gabaanaday tixihii igu gulaalaaye
    
    markan gacanta mooyee wax kale iima so galine
    dabaylahaa i guuluulayoo gaaruf bay dilaye
    gadgdoonka waxa iigu wacan gaws qaniinyadae'
    hadii aanay mawjadi galgalan badi ma guuxdeene
    
    nabsigii gariir iyo ufaba soo gudguda reenye
    gantaalaha onkoday waa halkuu gaafka soo dhigaye
    gawda iyo mahiigaankaba galowgi saanyoone'
    kuwii gocorku hudutuulin jiray gabas tukaaleeye
    
    garabasimanta iyo hoobiyaha lagu garaacaayo
    gumucaa dhabaandhaby sidii goroyo cawleede
    gufaacada inteeday sugeen gocondho daad qaadye
    hashay guufanaysyadu jaqeen geesiyow kacaye
    
    wax badanbay hilaaca u gudhnayd galalacdii Juune
    gol-qaniinka lagu maali jiray labbada gooroode
    oo gorof haraatigu ahaa guux dhagaysigae'
    may buu sidkeedi go'ay oo waa ku so godole
    
    garaad nimaan lahayn baan ogayn goor habeen tagaye
    iyo goor uu waagi baryoon saaka garanayne
    oo ganacsigii sii wadwada gibin dukaan yaale
    oo aan gadaafada xidhxidhan garab tolkii raacaye
    
    gufaaciyo dareemaba xalaa gooha lo miraye
    ninba waa intuu gashado faraska Guleede
    godkay igu xabaal nololiyeen galabta ii dhaafye
    ma godlado haddan Yusufow ciil ku gaagaxowe'
    
    ma gramo anoon gaysanayn ficil gobaadeede
    gabagabihii bay tagan tahay oo waa gam xaajaduye
    sidii aar la ganay maalintaan godobta buuleeyo
    geerida ma sheegine la waa in aan gaboodaaye
    
    gawaan kama ciyee maalintaan gadagadaynaayo
    een geda libaaxyaynayeen gego ka siigeeyo
    waxaa gedo ruquusaa nimaan gaws calaashadye
    
    gadhkaan saaray jeenyaha ishaan giirka ku hudheeyay
    galka waxaan ka soo siibay waa galabta dhigeeye
    gigta iyo dhirbaaxada kuwaan saaka kaga gooyay
    miciyaha la soo gaadhy waa gurucyo dheertiiye
    
    gabalkaan cagta u saaray baan goolba meel dhigaye
    haadku ha gigee waa waxay galabsanaayeene
    Ganaanay ka soo jeedsadeen gosankii hadhaye
    gamboor laaga maanaan jeclayn inaan gumaadaaye
    
    raaaarkii bay so galeen kaan u gaatamaye
    galin baan ka soo jeedsanoo googo'a u ridaye
    geeshka lagu cartamay maanta waa gaankii Xodayoode
    oday geeri ba'ay baa war baas loola soo galaye
    
    su'aalbaa gamuurane haddii guuti la horkeeeno
    gashi nama qabtoo waa jawaab geela yaa wadaye
    gardaradii car???? tidhi ayaan gorog ka caanayne
    kuwii madaxa noo gaabin jiray hays gumbudhiyeene
    
    goofi hadimo waa faas wixii lagu gamuuraaye
    maxaa uga gidhiisha ah iyo maxaa gaanka lagu xiiray
    maxaa nagu galaysaan hadhow waa gar kuma taale
    garyaqaanadii baa warami guul maxkamadeede
    
    Ilaah baa garsoor lehe xaqaan gudanayaa dhawe
    waa laga gun gaadhiye halkuu gabaygu maaxaayo
    gun dhigeeda maansadu halakay gabagabaynayso
    waataan in badan gaaxiyee gacalayaal hooya
    
    waarabihii gaboobe dhammaan uunka wada gaabshay
    isagaba cishaa loo gashaday gumuca maadhiine
    geerida ka baashay dhufteen gabanadiisiiye
    Xamar gaada weynow markii lagu garmaameeyay
    
    bari iyo galbeed loola carar laguna soo gaadhye
    gumbur bay ka waayeen dhulkii geesna hay dhigine
    godob baa ka tiil meel kastiyo geed la tiriyaye
    gar Alle naftoodi markay kala gol-roonatay
    
    ayay gabi ka tuureen inuu wada galaaftaaye
    kana waa gadaaso cirkay guri ka ooteene
    gacal iyo sokeeyaba la waa ciday galaystaane
    gabal waliba qiiqdee haday caawa gubanayso
    
    iyadaa isa soo guri horaa loo garwaaqsadaye
    iyagoo gamuumkii sita oo gamaska dhiigeeyay
    iyo bir iyo gaaleefta way mala gadodaane
    gig hadduu Hawiye soo yidhaa waa ku kala guure
    
    gacma wada jirkeene waxaan gaar isaga yeelay
    oday geeri ba'ay baa rasaas loola soo galaye
    golihii Madheera iyo halkii gaadhka laga toogtay
    
    gobanimadu sow maalintii Gacan-libaax maaha
    goolbaa xasuus lehe midkaan galinay maaha
    halka guurtidii lagala baxay taan ka gu'in maaha
    waxa loo galaaftaa shacbiga sow kas gudhay maaha
    
    geeshkaa inoo dirirayaa garab qarsoon maaha
    gun baa nayla kala soocayaa gala dagaal maaha
    gurmadkiyo farduhu sow kuwii Cumar Galaydh maaha
    gamaankii Hargeysiyo Burcoo weerar galay  maaha
    
    gulufkaa ku hoogaantay bari sow mid gara maaha
    ciidamada gadooda kuwuu ganayay soo maaha
    gaashaandhigiyo xoogagaan soo gambiyay maaha
    guutooyinkaan laabuday iyo gaas cartamay maaha
    
    geesiyada la baxay geesigeed garanaysaan maaha
    haaftayn galaaskii Bir-jeex galiyay sow maaha
    gaadadaan la soo wada kacnee gool fajaca maaha
    geediga wadaay sow raggii noo guntaday maaha
    
    kuwaan guusha xadhiga u qabsaday gar iyo suun maaha
    gorgorkaa la siigeeyay sow dhabar gariir maaha
    gerisaha qalalay sow wadnaha kaan u galay maaha
    goobiyaalka u waa baryaba goosto Xamar maaha
    
    Alla gawracii sow wadkuu sii guntaday maaha
    soo gaadha gacalkeen aduun galin ba cayn maaha
    aroos loo gangaamiyo xoriyo golihi Juun maaha
    waa guul Alle waagu sow galalacdii maaha
    
    galadaha Ilaahay xilkaan gudanay sow maaha
    ka kaleen guudka u ritaa sow gayiga maaha
    calankaan ku wada gaaf lahaa sow garrida maaha
    lasoo galay lasoo golongolay kaan la gadin maaha
    
    sow geedba geedka u dheer gobi rugtay maaha
    gacantayda bidix sow midaan garabsadaa maaha
    sow gooshu aar kama hadhee gacaladay maaha
    hadduu gobolba gobolkiisa yahay taan u go'o maaha
    
    godka lama huraan bay Janada gogoshu  i taale
    geerida ninkii diidayow waa midaad galiye
    saddexdaan u gaylamo naftaan garab dhigaayaye
     marna inaanan gaagaabsnayn gabaygu sow maaha
    
    afartaa gigtaan riddi jiriyo garashadaydii dheh
    madfacaan garmaamayn jiriyo giririgtiise dheh
    gantaaluhu kuway hoobiyeen galabsigoodii dheh
    gobo' kalana waa liitidee hal aan garwaaqsiiyay
    
    ma gartaan abaal mana gudaan waana loo galaye
    waxa aniyo reer guura-raac maanta kala gaadha
    ee guurti loo soo bandhigo gunud jawaabteeda
    wax kastoon kala geysanaa Guba la xeer maalye
    
    garbuhuu kun naafayn jiriyo gumucyadii Yawle
    halkuu udubku gaylansanaa geela xeradiisa
    iyo ganafka tii lagu dhuftaa ee ololka googoysay
    gabankii uleeyiyo hashii galaha loo sheegtay
    
    ay gacantu laabnayd isaga waa galgaldkiiye
    doqonyahay wax gaystuu lahaa tanina waa gowe'
    guubaabadii Dhuux halkuu idinka gaadhsiiyay
    gabaygii Salaan iyo Qamaan soo gadaal noqaye
    
    goray suul madow iyo haddi goodir la xabaadho
    abidkiinba waa gu'i jirteen guusha beer dhigae'
    nirgu waa la guurayn jirteen geedi baaba'aye
    gorfo madhan cidlaa dhigi jirteen ramad u guuxayne
    
    maantana hadaad garab dhigtaan laydin kala gooye
    safarkaad galaabixin jirteen Gari ka baaleeye
    galaydii haddaa loo toltolay guufmaxaadhadae'
    garaaxdaad bidhbidhateen ayaan gaajo kaa rogine
    
    go'ee iyo had-dee nacasnimaad wada golnugtaane
    garbadaad ka luluataan sidii garar wadaameede
    galgalaha sidaad uga baxdeen waanad garnayne
    go'aankii tolkay lagu riday iyo garabsigaad eeday
    
    gudoonkii fashiistaha cirkay gogoshu kuu taale
    oon giirnax caawa u fadhiyin lay garaangaroe'
    gafuurkaad ku jiideen dhulkee reer af-gudimaale
    gobanimadu wataad shalay go'a ku boobteene
    
    guntiga aad ku si laabateen geedki Dhagaxbuure
    midii aan gumaysiga ka riday calanka guudkayga
    inaydaan gasiinka u tubnaan gobabkan hoostooda
    oydaan dhex gaadgaatinayn galiyo uurkiina
    
    


    Soo saxa soona dhameeya

    Xigasho:somaliland poets

Galbis   Dib U laabo
    
    Gabaygan, waxa uu Banfas kaga qaybgalay tartan suugaanleyda loo
    qabtay 1976kii oo uu kaalinta koowaad kaga mutaystay maansadan
    "Gelbis". Waxa uu si qaaya leh uga sheekaynayaa hannaanka guurka
    Soomaalida. Sidoo kalena waxa uu habsami xeeldheer u fasirayaa
    qaybaha dhaqankaas, iyo dabiicadda, taasoo uu hal-abuurku ku
    dhexdhigayo dadka iyo dhulka uu ka sheekaynayo.
    
    
    
    1. Marbaa geeddi loo rari abaar, geli habaas wayne
    2. Mid halkuu gu'gii degay mid kale, dayrta gelayaaye
    3. Ganuun ceel la fuuqsaday mid kale dib u galshaystaaye.
    
    4. Hadba tuu Ilaah kugu gallado, gabadhi weeyaane
    5. Nin kastaa midduu Gaasiroow. galab la haasaawo
    6. Niyaddiisu ay gaw ku tidhi, gooh u ledi waaye.
    
    7. Guurkeennu waa laba dariiq, oo is garab yaalle
    8. Waa gabadh la qaadiyo miday, guurti bixisaaye
    9. Guurtidu midday bixinaysaa, geedka loo tegiye
    10. Gar cadaawe maahee shir waa, gogol dhiggiisiiye
    11. Gadhweyntaba gadhwayn kale ayaa, laga hor geeyaaye
    12. Golo-baanistay Heeti wali, gaafo hadashaaye
    13. Oo ay niman ku geeraarayaan, gabay ku sheegaane.
    
    14. Geel kagama joogsado ninkii, caashaqeed galaye
    15. Waayeel gadaal dhowrayaan, garab ku siinayne
    16. Hadday lexejecladu gees tahoo, lays afgaran waayo
    17. Ama gabadh ka weyn lagu xidhayiyo, gaban horaan siiyey
    18. Oo gabantu way doonnan tahay, gowska ku adkaysto
    19. Ama xeer guyaal hore taxnaa, loo gef tirinaayo
    20. Garta lagu xabaashoo halkaa lays, girgirin waayo
    21. Inankii gabniin iyo xanuun, laba gardaymooye
    22. In'antiina goob kale ayay, geydha la qabtaaye.
    
    23. Kala-gurashadoodiyo faqay, sheed ka garataaye
    24. Markii uu waxgaradkii hadlee, talo go'aan joogto
    25. Inta goonni loo kala baxaa, la is gun xaadhaaye
    26. Garowshiinyona la iskula noqdaa, oo godob la baajaaye.
    
    27. Soomaali waa gibin ciddii, dhaqan ku gaadhaaye
    28. Ducadiyo gabbaatiga markii, la isku gacan qaado
    29. Inankii guddoonsaday xil weyn, guudka laga saarye
    30. Waa gob iyo caadkeed inay, gabadha hooyaane
    31. Soddohdiina guubaabaday, dumarka gaadhsiine
    32. Goldalooladaa laga jiraa, gacalku taageerye
    33. Maro gooddi dheeriyo xariir lagu gaddaamaaye
    34. Subaggeenii guunyada Idiin, ugu galaallaane
    35. Gadaal iyo hor baa laga maraa, labada goonyoode
    36. Gaban loo xambaarshaa oo waa, lagu gardaadshaaye
    37. Gelbis iyo damaashaad aroos, loo gimaamadiye.
    
    38. Gabadhii la qaadana haddaan idin garwaaqsiiyo
    39. Hadduu guunyo badan waayo, oo goosan kari waayo
    40. Gigdhligiyo Gammaankoo lammadan, golaha keenaynin
    41. Yaradkuu ka gabangaabsadaa, geed-fadhiisiga'e
    42. Kiiyoo Fay-gamuurtii sitiyo, laba go'oo maydhan
    43. Dabadeed isgaafgaafaya, oo ganafka taagaaya
    44. Gaashaanka iyo Teerigiyo, Gamas intuu qaato
    45. Geyiguu ka soo xulan miday, gobo'du saarnayde.
    
    46. Ganaaniyo, Garduuriyo Nugaal, aradka Gaaroodi
    47. Gadhka Saylac, geeska bari, iyo Gaarrisiyo Faafan
    48. Haddii aan Galbeed uga rogoon, Herer ku gaadhsiiyo
    49. Gadh ilaa gadaankaa ayuu, gaadhka soo marine
    50. Haddii guuto loo wada degiyo, jeesas kala gaara
    51. Gabbal kama tegaayoo dhulkuu, gelelefaayaaye
    52. Sidii gaaddo waynoow Libaax, guura-bahalleeye
    
    53. Hadduu gego bannaan kula kulmiyo, garangar hoosteeda
    54. Wuxuu gacanta soo qabanayaa, tima Gammaanleeye
    55. Marka ay la garatay dharkiyo, guran hugeediiye
    56. Gaagaabsi baa loo dusaa, gaatin-caaradeede
    57. Gigta jaanta bay dhowrayaan, geelu yuu didine
    58. Gih! hadduu yidhaa ruux qufacay, way gabbanayaane
    59. Muska giringirtiisiyo hadhkay, gudub u raacaane
    60. Raadkoodi bay gadi hadhow, yaan la soo gurine
    61. Kayn laba markii laga gudbee, gaydhu kaba duusho
    62. Gucle orod ayaa la holladaa, amase gooshaashe
    63. Gelin reerka laga jiitay bay, socod gelaayaane.
    
    64. Geshigaa ninkii lagala tegay, raacdo wuu geliye
    65. Goor ay noqto, dayn baa ku maqan, waase gudayaaye
    66. Geli awdan, geedo isku baxay, webiyo gaafkooda
    67. Garbada iyo xeeliga yaxaas, gacanka soo raacay
    68. Jeertuna gedoodayso oo, ay gurayso raadkooda
    69. Wiyil gees leh, gaatame Biciid, Goray hadaafaaya
    70. Goodir xaradh leh, Garanuugta iyo Geriga dhaadheeri
    71. Goosan Farow ah Doofaarradoo, garab ka daaqaaya
    
    72. Qarandida guclaynaysa ee, gudub u rooraysa
    73. Gantaashiyo Qodxaanyada, Dhuddada, gaar u fidhimaystay
    74. Coofaadhka gabangaabsadee, guladka buuraaya
    75. Gurdanka iyo qoobkaba dhirtoo, wada gariiraysa
    76. Maroodiga dhex-gaardiyaya iyo, Goosha iyo Aarka
    77. Shabeel giir leh, gunnufaa dhurwaa, harimcad guuxaaya
    78. Golli Dawaco, Weer gaaban, iyo Dhidar gamaamaysan
    79. Guduudane cas,Yey gulufa, iyo guuto Amayaal ah
    80. Mas gurguurta, Good iyo Abees, gulungulcaynaaya
    
    81. Godka Halaqa, Godaaddadiyo, bahalo guuraaya
    82. Raq geylaansan, Haad soo gab yidhi, gaydhankiyo boodhka
    83. Gorgor kacaya, Guumaysta, iyo Salamadh geesaas ah
    
    84. Xuur galluuban geedaha saroo, guudka kaga joogta
    85. Gocondhada iswada haystiyo, mici gabaarrayda
    86. Guulaamo roob soo onkoday, Galawgu ooyaayo
    
    87. Gudooduu la soo jiidhayaa, go'i iyo haydaare
    88. Marka lala galbado bay haween, galangalcoobaane
    89. Amay kabuhu gooyaan oo ay, socodka gaabshaane
    
    90. Gaaxgaaxiyaan oo ay kelyaha, gacanta saaraane
    91. Gurmad qayla doon iyo isagoo, kuluf ka yaabaaya
    92. Fulahaa gariiroo yidhaa, lagugu soo gaadhye
    93. Geesiga si loogala hadhaa, waa hal soo gudhay e
    94. Haddii galawda Warankaad ogayd, haanka lagu gooyo
    95. Isna wuxu galaaftaba rag ways, garab dhigaayaaye
    96. Isagoo geddaa filanaya, iyo inu ku guuleysto
    97. Ma gabbado'e Faadumo ayuu, soo hadh geliyaaye
    98. Gah-gah! buu ku haasaawiyaa, gaajo yay tabanne
    99. Googgaa iyo Cadallee, kiiyoo gedo la baadhaayo
    100. Sheekooyin gaagaabanbaa, laysu gelayaaye
    
    101. Inay gaarinnimo leedihiyo, garasha dheeraada
    102. Gedo baas hadalki uu u dhigi, gibilla saaraaye
    103. Doqonbaa gannooddee iyana, wayska garataaye
    104. Inuu gocor irmaanayn yihiyo, geesi hanan doona
    105. Markaasay miduun ugu go'daa, labada geesoode
    106. Oo ay godol ku keentaa hadhow, ama gabnowdaaye.
    
    107. Gabbal kale haddii reerihii, lagu geyoon waayo
    108. Oo uu la sii gudo caws, Qadow gabaahiira
    109. Meel garab-dhigluu seexiyaa, gaadhna ka hayaaye
    110. Haddii uu gudgude roob heliyo, Gebedhle aan qaadin
    111. Go'iisuu isugu laabiyoo, gees ka uumiyiye
    112. Giddi caawadaas oo dhanbuu, gama'a diidaaye
    113. Hadba waxay gandooddaba markay, gorodda hayn weydo
    114. Gelin-dhexe sidii Cawsha way, yara gamaartaaye
    115. Markuu soo guduutee cirkii, gees yar ka iftiimo
    116. Yuu gacalo ii toos yidhaa, Jiidhki waa gibine
    117. Iyadoon is guunguubin bay, giijin maradiiye
    118. Sidii Gool markay jimicsatee, gudub u soo eegto
    119. Laba gobol dhexda u kala go'duu, farax u guuxaaye
    120. Gosha naaska yare muuqdaybuu, yare gandoodaye
    
    121. Xishoodbaa gelaayuu haddana, gacanta laabaaye
    122. Gumar iyo, Galool iyo Maraa, xididdaleey gaaban
    123. Ama kaynu Gaadhka u niqiin, midu ka soo gooyo
    124. Cadaybuu gasiin uga dhigaa, galacda waagiiye
    125. Rag Jacaylka waw golongolaa, kuna goldheerowye
    126. Geddaasay ku wada beegsadaan, go'iyo laayaane
    127. Go'doon wuxu la soo maro harraad, gaajo iyo oonba
    128. Sidii Giir Lo'aad oo ilmaha, laga uunuun gooyey
    129. Loo sido Gandaalkii ayadiyoo, daba gah! laynaysa
    130. Isna Goray sidiisii Haldhaa, garabka taagaayo
    131. Oo geesh Malaykaad wadiyo, gacan nabaaddiino
    132. Ooy soo gardaaddihin ayay, guul ku soo hoyane.
    
    133. Gab'an loogu wehel yeelay iyo gaban lammaaneeye
    134. Meherkaa dabeed loo galaa, lana gorfeeyaaye
    135. Geddii Xaawaleeydey fashaa, geela badisaaye
    136. Gar cadaadiskaa meel habboon, lagu guneeyaaye
    
    137. Saamihi guduudnaan jiriyo, Kebeddu waa gaare
    138. Genbis daahya weynbaa aroos, loo gimaamadiye
    139. Goo-goos hariiryo leh docaha, lagu giraamaaye
    140. Gibladiyo ciyaartaa Firkada, lagu garaacaaye
    141. Toddobaad geddaasan Wiglada, loogu kala goyne
    
    142. Marka gool cad lagu joogsadiyo, Wanan tigaad goostay
    143. Gadhka culimadaa loo geshaa, xeedhyo geedo lehe
    144. Gaw ka siiye Mawliidka way, gebagebeeyaane
    145. Guuleed ayaa looga tegi, gacaladiisiiye
    146. Oo Guullahay loo baryaa, ubad gargaaraaye
    147. Sidii Aar guyaal badan qadoo, gaajo kala goysey
    148. Oo Gaaddada ka fuuloo barkaday, Geenyo miranaysa
    149. Galalaati waw ridi ninkii, gaaxsanaan jiraye
    150. Galxood iyo Karuur baa u yaal, Gocay liskeediiye
    151. Haw galo si wacan hawsha, yaa loo golleeyahaye
    152. Geeska waa la suubaaniyaa, gaatiree adage
    153. Galka lagu cidhiidhya mindida, xanaftu goysaaye
    154. In haf yidhi gedaankii kolkaa, sow la garan maayo.
    
    		  
Gargaar  Dib U laabo
    
    Maansadan soo socota oo magaceeda la yidhaah "Gargaar" wuxuu
    abwaanku tiriyey Sanadkii 1985 kii, markii uu kacaankii afwayne
    xidhxidhay dhalinyartii uu ku jiray Cali Banfas, kuwaas oo lagu
    hayey jeelka Madheera ayaa maalin ka mid ahayd maalmihii adkaa
    ee ay halkaa ku qaateen uu soo gaadhay gariir hor leh oo meel
    agtooda ah ka baxaayey. Cali Banfas oo xaqiiqsanaa in jihaadku
    si qumaaati ah u socdo ayaa maansadan gargaar u diray mujaahidiintii
    halganka ku jirtay oo uu watay Alla ha u naxariistee Mujaahid Lixle.
    
    Waxaan gabaygayga  guubaabada ciilka
     Barbaarta gedayda  Katiinadu goysay
    Gubtoon ladi waayo  inaan garab haysto
    Gariirka agtayda    ayaan ka gartaaye
    Hadaanan hadaanan  Hadaanan gadoodka
    Lixloow guga maanta  la soo hadhin guusha
    Waxaan gabaygayga    guubaabada ciilka
    Gidaar igu meersan   God la igu horjoogo
    Gaadh la iigu wareejey  Hadaan gacaloowe
     Gaashaan hidin waayey  Inaan godobtayda
    Galaydhkiyo haada   gaadhsiiyo fariinta
    ayaa ila gudboone   Hadaanan hadaanan
    Hadaanan gadoodka   Lixloow guga maanta
    la soo hadhin guusha
    
    Waxaan Gabaygayga guubaabada ciilka
    geeraar iyo maanso intaan isu geeyo
     Ragaad garanyso   Intaan u goleeyo
    Garaadka u buuxsho   Waxaan goconaayo
    Haddaan Gacantayda    Ku goosanayaaye
    Hadaanan hadaanan    Hadaanan gadoodka
    Lixloow guga maanta   La soo hadhin guusaha
    
    Waxaan gabaygayga     guubaabada ciilka
    Gammaanka cadhaysan  Gargooska ku naaxsho
    Haddaan gulufkoodaku   soo gambiyaaye
    Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
     Lixloow guga maanta La soo hadhin guusha
    
    Waxaan gabaygayaga guubaabada ciilka
    Haweenka galuubanGidaarada Jeelka
    dadkoodii la geeyey Gasiinka la taagan
    Gubtoon ladi waayo Gudaafka wuxuushtu
    Garuunkiyo qoolka wuxuu ku garaaco
     wuxuu dhangad geeshka Sarmaanta galoolka
    Gabdhaha ku uleeyo Mid gaydhka ka caayo
     waxaan gasariiro Galiilyada saanta
     Gankaygu istaago Gogaygu dubaaxsho
     Ragaad garanayso Haddaan gashigaygii
     ka soo gudayaayoon ka goosanayaaye
     Hadaanan hadaanan Hadaanan gadoodka
    Lixloow guga maanta la soo hadhin guusha
    
    
    
    

    xigasho:somaliland poets

    Soo saxa soona dhameeya
Jabuuti  Dib U laabo
    
      Jabuutaay war igu baalidaan soo burqanayaaye
      gobanimo bilaash kuma hantiyo dad u buseelaaye
      bunduqbay afkii saarantahay hub iyo baaruude
      ma badhaadho fulihii ka hadhay boodhka dirireede
    
      inkastuu gumaysigu bahdilo oo buhabuhaynaayo
      hadii ay bulshadu doonto nolol way ka baxayaane
      mar uunbay hadday bari hurdeen soo baraarugiye
      mar uunbay shakaalada birta ah baw ka kala siine
    
      mar uunbaa hadday baahsanayd laysu baydhaaye
      mar uunbuu usoo bilig yidhaa kaahi waabariye
      mar uunbuu butaacaa nabsiga waayo biirsamaye
      been ku hadli maayee hadduu dhiilki buuxsamaye
    
      Ilaahay waxaad barido uu kaa aqbalayaaye
      bisinkiina loo qabbay Nabiga barakadiisiiye
      burdhaan ku gaynoo waqtigu way is bedelayaaye
      Faransiis dabkii loo bakhtii biligti laydhkiiye
    
      maantay bishii dhalatay oon bari ku daahnayne
      cadaduna bayaan kuu tahoo ururku buuxaaye
      barigii horeetaba la eed beer laxawsigae'
      waataa buugi lagu soo hor dhigay baalki xaashidae'
    
      hadii  qalinku kaa baydho waa boqon jabkiiniiye
      hadii ay warqadi baaqato oo nacas ka baashaalo
      ama uu bartii seego oo badow khasaareeyo
      ba'e garo inay tahay rasaas boodh ku dhicisowday
    
      isna cadowgii ula soo baxo beerka kala goysay
      siyaasaduhu way badanyihiin kugu bilkeedshaaye
      qodobay usii kala baxaan wax u baneeyaaye
      hayeeshe ka baaraandaga on yaa lagaa badine
    
      dabinuu balaqayaa xadhkee jaanta kala booda
      boholaha laguu dadayee qodan ka baydhbaydha
      baastarka idin dhiba raadiyoo baaska ku afduuba
      baabuurta miinada ku xidha boos caduhu fuulo
    
      saldhigyada badbaadada garnayl baabaah kaga yeela
      ka burburiya gaadiidka oo badi u naafeeyaa
      baanisaha shirkiinii qarsoon baadi ka ilaasha
      waadaashana ha kula boodinee yara baxnaaneeya
    
      haddii uu basaas idinku jiro bixiya raadkiisa
      bakhti kuu xalaalow intaad baylahdaa tahaye
      hadii aan banaanbaxa shacbiga baladku ceeryoomin
      kala biiqday weeyaan xornimo baaqa loo tumine
    
      barbarkiina uunkii la jira beerka ka ogaada
      meel lagu bururiyoo xinjiro boqol ku geeriyootay
      yaa lagu bosiiyaa xab oo baarax loo dagiye
      babaydhyooday Maxamud Xarbiye badiya aarkiisa
    
      Ilaah baa badbaadaada hayee nolosha biimeeya
      bamka tuura waagii baryaba baqasho waa ceebe
      baruur xumi baruuryaha kalay wada bukaysiine
      balaayaa idin soo gali haddaad bahabawdaane
    
      haddaad beretantaan dawladnimo waa barkumataale
      bal ogow ragbaa jira hadhow heel soo bixiye
      haddii bowdka laga tuurayo oo beel la qixinaayo
      baarfuranka lama so qaabsado keeno qaad barane
    
      lama saaro weelkii burbura dhabiga buubaale
      hayinkaad la boobta rarkoo lagu bilaabaaye
      sida loogu bogay hawsha baa loogu bidayaaye
      hays odhan tirada buuxiyee doqonka baandheeya
    
      boqolaal haddii ay wataan booshka iga reeba
      intuu wiil barbaaryahay ayay tallo ka bodaaye
      balaysimaha waxa oodi kari boos cadaadigae'
      rag bidaartu wada xiirtay oo badiya qaanuunka
    
      isticmaar badheedh kula xarbiyay geeya barlamanka
      bidix midigiba waa labba gacmood oon madi u baahnayne
      hadday balow tidhaa midi ta kale loo barkinayaaye
      baroordiiqda waysigu xignaa kii la baadsadowe'
    
      hadduu bililiqastiyo hunguri  caddow ku soo booboo
      anigoon ku baylihin ayaan soo birmanayaaye
      bule iyo madaalaha intaan guudka kaga boodo
      sidii boone so lalay anoo baalal-laa imane
      baroorkii tigaad cunay fardaha uu u badiyaaye
    
      kuman hawd barwaaqada gugii baadka miranaayay
      kuman badhaxa loo shubi jiriyo badhi la miideeyay
      kuman biyo xun laga dhaariyoon beenyo ku aroorin
      kuman beledka seeraha ku yaal beerta lagu naaxsho
    
      kumna wiil barbaar ihi sidii baqal u kooraynin
      kuman bawdadiyo gaadadiyo baydu dhagaxawday
      kuman baadi doon iyo colaad belo u kooraysan
      iyo kuman boggoodu isku dhagay dhididku boodheeyay
    
      intaasoo bugaanbuga kun oo badhi fansaarkii leh
      buur iyo banaan iyo waxaan boholo so jeexo
      banka giri  sidii caydh intaan idinku soo boobo
      yaan bari galbeed jaha kastaba baalka kaa dhigeye
    
      barrigaan ku soo qarin malyuun lug iyo baabuure
      bada iyo cirkaan kaga hadhayn barashuud dagae'
      oon beel walaalnimo u dirir badin raqdoodiiye
      calnkaad u boholyawdaybaa baarax loo sudheye
    
      baraq jabe shisheyuhu marbuu bigilku yeedhaaye
      bahaluule koodu markuu boodh ku soo dhacoe'
      ana biligtiisay idhuhu iiigu baxayaane
      markaasaan badhaadhaha ciyaar tumani beeraaye
    
      batarkiyo  Saylici herwada boodi dhaantadae'
      maanta waa bishaariyo bil-khayr laysku baashirye
      biladdii shantii gees labba baylahoo maqane
      balankeenu waa wada jir iyo baadi doon taggae'
    
      ama buur ahaada oo iskiin madax banaanada
      ama buur ku tiirsada inaan nacab ku soo boobin
    
    
      

    Xigasho:somaliland poets



    Soo saxa soona dhameeya

Jaranjaro  Dib U laabo
    
      lixdankii jihaad kaan galee calanka lo joojay
      Jabuuti iyo Hargeysiyo halkay Xamar ka so jeedo
      Jubbada Kismaayiyo Berbera Jawhar iyo Saylac
      khadkii Xayle loo jogsadiyo Jooma Kiniyaate
    
      Somaloo jamhuuriyad qudhoon saaka kala jeedin
      anaba waayo waataan jeclayn kuna jibaysnayne
      haddaan wada jirkeedii dhacayn jixinjixii laabta
      ogow jeer dambo layga rido jar iyo haadaanta
    
      qalbigayga waataan ka jaray jeerenkii mudaye
      jarcadaynu kala goosanoo laysku jiidjiidan
      nabad aan kula jiibsanoon saas ku kala joogno
      iyo inaynu jaarinoo sidii dumarka juuq dhawrka
    
      xabadeenu  kala joogsan baa meel kuu wada joogta
      jiinbaarta maabkiyo  kobtaa saanta uga jeeban
      ninbaa qaydki lo jeexaybuu maduhu joogaaye
      jeegaan markhaati leh haddaad ood aan jirin jiido
    
      ood jabad u waageer tidhaa jilibka reer khaadun
      jeeskaad ku soo leexataba jiifto iyo xeelad
      jiridaad gabood u hadatiyo jiitadaa gurane
      jufadaynu kala maadinaa jidibka soofaysan
    
      xadkaagood ku joogtiyo inaan jalogu kuu laacin
      jelxadoynu wada dhawranaa jaarku wada noole
      iyo inaynu joohaar tago ood jabiso qaanuunka
      mitirkaaga soo jiidhinbaa meel kuu wad joogta
    
      gudintaba badhkeeda ku jira geedka ay jariye
      jilmi uu gumasigu watoo jidhifta aad moodo
      jidhku inuu jidhaagii yahoo kaa dhanna jirae'
      janaraal digtaatooriya oo jofka wiyileed leh
    
      waa waxa afrikaba jirabay jaahil xoganiye
      jirjiroole midabaynaya oo kaga jaqaaq siiya
      jiho aad u raacdiyo lahayn jid iyo ceel toona
      iyo caalinkaad jamanaysaa jaranjartaad fuusho
    
      janno gaaban kuu sahamiyaa meel kuu wada jooga
      jiritaanka Somaliland cududihii joogay
      magacaa jamhuurigu horuu ugu jaxaasnaaye
      jibsimahay u gobolaysantahay jeeni iyo waaxo
    
      socodkay ku wada jiilantahay jaanta wada qaada
      joornaal wuxuu ku dhigo jabiyhii doonay
      reer reer in laysugu jabbaa ha jawaabinae'
      shir jaraa'id oo beeniyaa joogta oo badane
    
      jaamacadihiina dalka iyo horumarkaan joogsan
      dugsigaad u jaan goyn lahayd jiika so kacaya
      labbada idin jaanjaamiyiyo jin iyo shaydaanka
      jahliga idin naanaanbiyay ee lagu jiboonaayo
    
      eed jeebka kala soo baxdaan ciriq xun o jiifa
      jacaylkii ku dhoobaynaysaan jawhartii hadiga
      xaqiiqadoon usoo  jedesanaa meel kuu wada joogta
    
    
      
      

    Xigasho:Somaliland poets

    Soo saxa soona dhameeya
Kudkude  Dib U laabo
    
        Kaahaa la wada eegayaa awr kabaal qabaye
    	Koonfur iyo Waqooyiba hadday laydhu kaafidaye
    	sidii ceel karkaarada xumbada kor uga soo tuuray
    	nabsigii karuuraaba uu soo kacaa-budhiye
    
    	kefedii rognaydbaa xaqii soo kor marayaaye
    	kacaankaad u sacabaynaysaan waa la kaarahaye
    	dharigay idiin karinayaan waa kud iyo faare
    
    	dhunkaal soo kalaankalaysa baad so kilkilsaane
    	koodhkii Afweyne iyo la tuur kab iyo xaarkeede
    	kaalintii Bukaasu galuu uu kurbanayaaye
    	kaydkii Amiin buu dhigtay oo koorihii ga'aye
    
    	ninka maanta kaalmaynayaa kayd xun dhaansadaye
    	??konton lihii Rashiid lagu diliyo Kennedi baa go'aye
    	keebka iyo liishaanku waa kama dambaystiiye
    	haddii koodh la taagiyo haddii lagaga kaw siiyo
    
    	?waqtigiisiibaa kooban oon kadab u yeelayne
    	kilaal buu dhex joogaa Cigaal waana kalidiiye
    	?dhaaxuu idin kabankaabiyo we
    	hadii aanu waran kiisu karin reer nin kaliyaale
    
    	waa inaad sidii naag la kaday kabaha qaadaane
    	mar baan koran xiniinyaha la muday kebed la saarayne
    	hogaan lagu kaxeeyiyo marbuu keena-goys yahaye
    	kaymuhuu jiboodaa intuu kadinka jeexaaye
    
    	kintaaladu jiidayo ee lagu kadeedaayo
    	ee lagu kor fuulaayo ee lagu karbaashaayo
    	dameerkuba kabaalada marbuu kabax ka siiyaaye
    	kuray yari wuxuu aar gutaa maalintuu koroe'
    
    	kukudaa ugu liitoo nin geed waa ka kiciyaaye
    	tolkayow maxaa u kuududaan laydin kooreeye
    
    
    
    	
    
    
    	Soo saxa soona dhameeya
    

    Xigasho: somaliland poets

Raamaale  Dib U laabo
    
        raxan raadka waxa iigu wacan rixinka Somali
    	raxmaad da'ay ramaas iyo xareed rayska iyo baadka
    	ramadkaygi dhalay caanihii ruuxna dhami waayay
    	raaxo lagu nagaadiyo nimcada lagu riyaaqaayo
    
    	gobonimo lasoo roornay oo weydinkii raqaye
    	ee subagii raaraa guryaha Roma loo dirayay
    	Aadan iyo Rasaaq waatay naga rakiigeene
    	Xamar raatub oon liicin oo aradka ruugaaya
    
    	rab intan ku soo idhi waanigii raado dheer galaye
    	Rashiid iyo Cigaal maalintii mawdku kala reebay
    	rabiibkii Talyaaniga ka hadhay raarta sare fuulye
    	rakada iyo salaankuu u baxay kama ridaysaane
    
    	sadddexbaa is raacaye halkii lagu rasaaseeyay
    	rumaankii xabaalaha ka baxay reer qudha cunaye
    	raqba waa rageedee shalay waa rogrogateene
    	riddo dhiigle wan kula jecla raysna daba yaale
    
    	riyo lala kacaa booday baan raasamaal dhigine
    	waxaa ruubateen maalintaad dad iska reebteene
    	Majeerteen siduu rabay hadday run u ahaan weyday
    	adaa raaf dilaacaye anigu kuma ragaadsiine
    
    	nin rakaday marbuu Khaadunow waran rideeyaaye
    	ruuxooy la qaadyeey anaad rawga ii tumiye
    	ood igu ruxanaysaa inaan soo rakaabsadoe'
    	hadaan kaaga roggi laa igaga riiq dheere'
    
    	haddaad raaxo joogtiyo haddaad raran gubyoonayso
    	wali raxanki maad galin cagaha nagu rogayseene
    	ruug cadaadiga haysta iyo adiga reexaaya
    	hadba raarta kiinii galaa waysla ruga gayne
    
    	raqda aarka hore kii dambuu reenka maqashiine
    	kuruskuu radhaayuu hadana wax uga reebaaye
    	raxan baad ku cunaysaan hashaan riiq walba u galaye
    	Daarood cadkuu kala ritaa waysla ruga gayne
    	raambaha haddii lagu turbo iyo raani iyo baashe
    	hadba yeekahaad noogu rogtaan waysla ruga gayne
    
    	rucla orodka geelaba haddii rag isku soo gaadho
    	qolo uunbaa ????? laysku go'ay libintu raacdaaye
    	caawa rayflkaa kula baxdaan waysla ruga gayne
    	tan kalee cidlada raamsata ee raafki laga daayay
    
    	raab-raabitaa raab-raabita ruux ma weecataa????
    	raganimiyo xoolaba anaa ugu radeebnaaye
    	rucdi baa iyana fuulay oo laguma rayrayne
    	kol hadaanay ood iga rogayn waysla ruga gayne
    
    	reerkii aa kala daadiseen muu rafaad bixine
    	rakaabada sidaa uga cunteen raysna dagi waaye
    	sidii bay raraydu u baxdaa roobna urin waaye
    	raaska yar ee maamula iyo adiga ruuxaaga
    
    	hadba calankii kii rahmaa waysla ruga gayne
    	raajiya la caabuday sidii sanabadii raace????
    	rukumada kursiga loo hayaa raaxo tamashlaynta
    	waraabahaa rabayseen hadduu cunayo ruuxiina
    
    	rubadiina goortuu cuno uu ruugaga ka heensho????
    	anna iiga rayn maayoo raadkuu soo qabane
    	ridaan gees lahayn bay riyuhu idaha raacshaane
    	ra'iyigaynu kala haysanaa waysla ruga gayne
    
    	Mareexaankii raamaha lahaa reer walba u taliye
    	waqtigoogiibaa roorayoo iguma raagaane
    	rayd qaadan maayee anoo raydabta Isaaq ah
    	maantaa rarada lay saarrayaa wasla ruga gayne
    
    	Riyaad bay ka gooshaan habrihii baanka loo raraye
    	riyaalkii Sucuudiga ayay labba rogaayaane
    	rajadiyo agoontii lahayd way racfaan gudane??
    	idinkiyo bah raabaco dharyaha waysku ridataane
    
    	rati qalin Islaan idin martiyay ricidh ma siisaane
    	riiq dheerahaad nagu disheen ruuxa naga gooye
    	Iidoor rag weeyoo mar uun way ka soo rogiye
    	abtiyaal maxaa naga rabtaan way srogrogataane
    
    
    
    	


    Soo saxa soona dhameeya

    somalilandpoets.

Raahib   Dib U laabo
    
    1978-kii ayay kooxaha hore oo u hamuumaya hoggaanka hasha
    ay haaneedkeeda ku caana maaleen waxay Inqilaab dhicisoobey
    ka rideen dalka ayagoo malaha tamanniyey in maadaama ay hororka
    hayb wadaag yihiin in xitaa haddii hadafkoodu hirgeli waayo aanay
    hantaaqo weyn la kulmayn. Afweyne oo waagaas shaadh Waddaninimo
    hullaabtay si aan loo garan wuxuu dabar jaray kooxihii
    isku dayey inay maamulka ka maroorsadaan.
    Nin ragi waa hoog iyo ba' u jooge, durbadiiba waxay kooxdaasi
    bilawday cabaad, cataw iyo cay ay "guubaabo" ku magacaabeen oo
    shacabkii aanay talo gelin ku hiifayaan.
    Khaliif Sh Maxamuud oo mawjadaha gabaygu sidaan ayaa markaa
    bilaabay Silsiladda "Maruuryo" oo aannu ugu magac darnay
    cabaadkiisii ahaa;Maruuryoodayeey xalay miyaan miray calooshayda
    
    
    Cali Xasan Aadan Banfas oo ka mid ah abwaannadii ka jawaabay
    gabayga ninka "Majeerten" waa kii lahaa.
    
    
    
    Rashiid iyo Cigaal maalintuu mawdku kala reebay
    Raahibkii Talyaaniga ka hadhay raarta sare fuulye
    Raqba waa rageedee shalay waad ragragateene
    Riddo dhiigle waan kula jeclaa raysna daba yaale
    Waxaad ruubateen maalintaa dad iska reebteen
    Majeerteen siduu rabay hadday run ahaan weydey
    Adaa raaf-dilaacaye anigu kuma ragaadsiine
    Haddaan kaag rogi laa adaa igaga riiq dheere
    Hadaad raaxo joogtiyo hadaad raran gubyooneyso
    Weli raranki maad gelin cagaa nagu rogeyseene
    Adinkiyo Ba Raabaco dheryaha waysku ridataane
    Ruugcadaadigaa haysta iyo adigan riixaaya
    Hadba raarta kiinii galaa waysla ruga geyne
    Raambaha haddii lagu turbo raani iyo baashe
    hadba Yeekahaa nagu rogtaan waysla ruga geyna
    Reerkii aad kala daadiseen muu rafaad bixine
    Rakaabada sidaa uga cunteen rayna degi waaye
    Sidiibay raraaydu u baxdaa roobna urin waaye
    Raaskaa yaree maamula iyo adigan rawrawle
    Hadba calanka kiinii rahmaa waysla ruga geyne
    Waraabahaa rabayseen hadduu cunayo ruuxina
    Ridaan gees lahayn riyuhu? idaha raacshaane
    Ra'yigaynu kala haysanaa waysla ruga geynee
    
        
Daalo   Dib U laabo
    
    Gabaygan waxaa loo tiriyey Cali Banfas.Waxananu
    wali raadinaynaa inuu Cali Banfas ka jawaabay iyo in kale..
    Gabay hore, Dood Waayeel, ee waano, wax-u-sheega, iyo
    tusaalaynta ahaa  siduu sheegtay Yuusuf ayuu Cali Banfas
    dhag u dhigi waayey,
    dacdaradii uu Yuusuf uga digayna markii ay ku habsatay Cali
    iyo haybtiisiiba, ayuu Yuusuf Colaad gabaygan Sagooti la
    magac baxay tiriyey.  Yuusuf wuxuu leeyahay in badan baan
    war ka daa u idhiyee ka naasnaasi wataa ku sidata ee.
    Mar labaad Yuusuf Colaad wuxuu yidhi:
    
    In dhawayba deelayda gabay, kuma dadaalayne
    Wakhtigaa igu daadihinayee, doon is ma lahayne
    Marse haddaan dawaarka u qabsado, daalay ma aqaane
    Aan daleeyo waa taad murtida, igu dareenteene
    
    Duulkaad kicisay Caliyoow, muxuu dano ku gaadhsiiyey?
    Dabkaad ololiseen soo ma gubin, dagalka reerkiina?
    Duunyo iyo waxaad maal lahayd, sow ma kala daadan?
    Iskuuladii dareereed Jigjiga, daabulka u gaysay
    Daroogiyo khamradii aad barteen, sow ma dabar goynin?
    Dalka madaxdii kuu joogtay ee, dibada kuu saartay
    Ee aan damiirkaba lahayn, soow wax duwan ma aha?
    
    Taa wax lays kuma daree, deel maka higaadshay
    Ma dareeyey maansada intaan, diiradda u eegay
    Degdeg hadalku iigama baxee, daalac ma u yeelay
    Ninkii doonayaba ka maqlee, dibadda ha u dhoofo
    Ha dalxiiso waa taan wax badan, daaya ku lahaaye
    
    Dood kalana waa reerka yidhi, dunidda aafeeya
    Iidoor wuxuu damacsanaa, diirka ka cadeeye
    Kii dibada joogiyo midkii, duunyo dhaqanaayey
    Dukaamiyo dilaal iyo xamaal, dumar wuxuu haystay
    Dawar wuxuu kusoo helay, intuu dunida meeraayey
    Isticmaarku wuxuu soo dariyey, dab iyo gaadiidba
    Dad iyo duunyo wuxuu maal lahaa, doolar iyo xoolo
    Waxay docanayeen tobonka sanno, soo diyaarsade e
    Wuxuu dilay kun daaduuban, iyo kuman daroogaysan
    Iyo kuman intay dabar go'een, duraydu yeedhayso
    Iyo kuman amxaarku u dawaro, daafidii Adari
    Iyo kuman xabsiga loo diroon, ciddi danaynaynin
    Iyo laba kun oo duurka galay, ooy raadco daba joogto
    Intaasuu dadkaagii noqdiyo, doxorkii Iidoor e
    Haday dibintii huurada lahayd, deeray ku hayaane
    
    Lafaha daadsan, daaraha burburay, dumarka ooyaaya
    hablihii darafta laalaadin jiray, diilalyada haysa
    Waa kuwaa siddii adhi dibjiray, dooxa yuurura e
    Darxumiyo rafaadkay qabaan, dacaska loowaayey
    Adigaa qaxooti u diraye duxi, ma kaa raacday?
    
    Waa taan wax badan kuu digay, eed diidday waanada e
    Waa taa dubihii kaaga dhacay, duudka feedhaha e
    Duufkiyo ilamada kaaga taal, daamankiyo laabta
    Dacalada ka leef waa waxaan, daaya ku lahaaye
    
    Dagmo kibirtay abidkeedba waa, inay duloowdaaye
    Reer Caad dabkii lagu rogaad, idina doonteene
    Deeqlihii ku uuntaad afxumo, ugu dadaasheene
    Inaan Sayidku kugu soo degdegin, waxaw daliilkiiye
    Intuu kuu dulqaataad ogayd, daalin baad tahaye
    Dulqafaar kuwii lala dhacay yaad, duray wadaagtaane
    Diintii Rasuulkiyo sharciga, waad ka durugteene
    Wax badan baad dad iga iibisay, duunyo iyo maale e
    Afrikada raggii laga diree, dibada loo qaaday
    Idinkaa dilaal yahoow ka gaday, duulkii Reer Yurub e
    Danbi kama xishootaane waad, dalaq tidhaahdaane
    Wax dhaaxaa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
    Dakadaha wax badan baa ascaar, kaaga soo dagaye
    Dadka deyrka yaalana adaa, ugu dan roonaaye
    Deeqii la xaasido Alluhu, waaba dumiyaaye
    Maamaahda duuga ah haddaan, dacal kasoo qaado
    Qalbigaa dabool laga gashaa, duul hadduu lumiye
    
    Shinbir duulis badanoow haddaad, dagi aqoon wayday
    Mar unbaad libaax labadii daan, dalaq tidhaahdaaye
    Duul kuwaa ka dhigan waaw eg yahay, Daba Cayuunkiiye
    Soomaali oo rag iyo dumar, gees isugu duuban
    Dawlad qaran ah reer baan ku dumin, taa caqligu diidye
    Damaacigii is gaysaba miyaa, diifka ku cunsiiyey???
    Haddii aad duqoow leedihiin, dowga garanaysa
    Dugsiguu fadhiyey waalidkiin, kuma duqayseene
    Haddii aadan dad kale eersanayn, dan iyo yeelkaaga
    
    Nimanyahoow af laba daan leh, baan muranka daynayne
    Hadba dunida duulbaa iblays, dacal ka taabtaaye
    Wax badan baa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
    Wax dhaaxay dirgado kuu dhiseen, dawladii sare e
    Intuu odaygu daayaba hayey, yaad Dalal is moodeene
    Dagaalkii sokeeyeed jeclayd, daadku ku xambaarye
    
    Dunjigeedba Soomali oo, ul iyo diirkeed ah
    Dadkoo nabad ah waataad xumaan, ugu dadaasheene
    Samaroon dacaayad iyo cay, waw dudubiseene
    Daaxuur baa dagtood dinbadnihii, daalku kuu dagaye????
    Degmo kama jeclide kusii, dalagi beertiiye???
    Waa kuwaa dibtaba kaa jariyo, saynta dabadiiye
    Sida doogsin roob kaaga dharag, dumarkii Reer Nuure e
    Ma inaad ergo usoo dirtay, dani ku yeelsiisay?
    
    Danqashada Hawiye haatanay, dibinta ruugaane
    Xarar Dheere duulkii fadhiyey, maqal dareenkiiye
    Iyaguna dakanadooda way, daba galaayaane
    
    Dadka kale sidii la arki jiray, yaad u dagaasheene
    Ninka seedigii dilay haddana, daabcadda u qaday
    Ee qoodhihii dadab u jaree, dacal ku soo qaaday
    Ee walaashii soo dul dhigay, oo ilmada duugi
    Ee yidhi dantaadii bal qabo, dooxay inankiiye
    Waa waxaan dalkeenaba ka dhicin, doorkan ka horoow e
    Ka dumaali ama guursanow, dan iyo yeelkaaga
    
    Daarood waqii kuuma shirin, kuma doonayne
    Wax dafiic ah buu kuu arkiyo, tuulo dabayaale
    Mid haddaad is dagaashaan ka kale, kuma dareemayne
    Maantana dalkuu kugu arkaba, wuu ku dilayaaye
    Danbigaana adigaa leh ee, dan iyo yeelkaaga
    
    Dadkoo nabad ah waa taad, dafaha duni ka qaadeene
    Dacawada godkeedii raggaad, dubuq ku siinaysay
    Eegay ku daydayahayaan, ooy ku dabayaane
    Dabac kama sugaysid iyo inuu, diirku kuu naxo e
    Danbigaaga adigaa iska lahee, dan iyo yeelkaaga
    
    Aftartaa wax layskuma daree, deel ma ka higaadshay
    Ma daleeyay maansada intaan, diiradda u eegay
    Degdeg hadalku iigama baxee, daabac ma u yeelay
    Ninkii doonayaaba ha maqlee, dibada ha u dhoofo
    Ha dalxiiso waataan wax badan, daaya ku lahaaye
    Dood kalana waa ciidamada, daafaca u jooga
    
    Cabdi Casiis dagaalkii Togdheer, daalinkii jabiye
    Intaan laba tuke is dayin yey, dabada taageene
    Waataa Jigjiga loo dawaro, duruqlahoodiiye
    Darbaddii labaad baad ku timid, damashii weyneyde
    Daakhilkii Hargaysaad tagteed, daaqadahaad furatay
    Haddaad mooday mid dowrtay, aan ciddi danaynanin
    Ragbaa calanka inay daafacaan, loo diyaar saday e
    
    Dalka haddii nin khaa'imo ku kaloo, daacadaa jira e
    Qaar duca qabaa nooga yimid, dowladii sarre e
    Dayax aan dhacayn baan Allana, uga duraantaaye
    
    Kolkii Jananku siddii aar wax dilay, kugu dinaahyeeyey
    Ilaahay hadaayee kolkuu, amarka deqsiiyey
    Ee kaarayaashii la daday, daaha laga qaaday
    Dagaal galiyihii Jees kolkuu, garabka duubaayey
    Diigaanyo ciidan ah kolkuu, idinku sii daayey
    Daloonada iyo sheedaha kolkaad, dadab u rooraysay
    Ee koore saanyani dul baxay, waan ku diirsadaye
    Ma inaad qoryaha daadiseey, dani ku yeelsiiasay?
    
    Danbaab lama hadlee Maxamed Sheekh, daafac magaciiye
    Darajuu bilayskii ku helay, shalay dagaalkiiye
    Saldhigay u dalandoolayeen, dacarta leefsiiyeye
    
    Dakhariyo daraawiishtii way, wada dadaaleene
    Doqon ma waaye iyo kaalmihiyo, dacaladii baanka
    Meelahay rabeen inay degaan, daadshe meyd badane
    
    Duli lama amaanee Cabdoow, ciidankii dirirye
    Iidoor beenta ha daldalo, dibadihiisaase
    Dayax gacmeedyadii baa sawiray, diray Maraykaane
    Damaashaadka waa kii shacbigu, daaraha u koraye
    
    Haddii aad dagaal la hortimaad, amase duulaanba
    Dalka inaad ka tagi waad ogayd, Dabacayuunoow e
    Nin waliba wixii dili lahaa, yuu dib uga yaabaaye
    Ayaxaad dareenteen miyaa, digada kaa yeelay
    
    Diintiyo shareecada haddaan, dib ugu soo laabto
    Abidkiinba gaal dooralaaad, daba ordayseene
    Dad horraa ku sheegiyo Sayidkii, daacada ahaaye
    Haddaad Maxamed diideen, anaan kugu dukhuulayne
    Maantana masiirahaygii dafire daalimiintaniye???
    
    Dulucdeeda maansada haddaan, dib ugu soo laabto
    Waan kula dardaarmiye Caloow, maqal dabuubtayda
    Oo daacad baan kuu ahaye, duuba hadalkayga
    
    Dhaaxaad degaan iyo kufriga, daris ahaydeene
    Dabcigaaga nimankii yiqiin, amase dookhaaga
    Dilaal iyo khamriba waad ka heli, duulkii Reer Yurub e
    Dusuuda u xashaa iyo si kale, kuugu dabacyaaba
    Ingiriiska kuu doodayaa, meel uun kuu dirane
    Dibadaha u dhoof howshii kale, laysu dacareeye
    
    Dumarkiyo caruurtana ka taga, waanu daadihine
    Haddaad diido ama yeesho, waa dan iyo yeelkaaga
    Dibse haddaad usoo noqoto, waa dabar go'iinii dheh
    
    
        
Soo Socda  Dib U laabo               Dib U laabo Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan) Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta   Mareegta Aftahan Mareegta Kaydka Suugaanta Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.