Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Maxamed Xaaji Ismaciil Maxamuud [Barkhad Cas] | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Aan ooyee    Dib U laabo




Barkhadcas

Maxamed Xaaji Ismaciil Maxamuud [Barkhad Cas] ,

Maqaalkan waxan ka soo minguurinney jariidadda MAANDEEQ.

taariikhdii Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaaji Ismaciil Maxamuud [Barkhad Cas]

Biixi Suufi Abokor oo ay saaxiib ahaayeen marxuum
Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas), kana mid ahaa
raggii xogogaalka u ahaa ayaa isaga oo ka waramaya taariikh nololeedkii iyo
maansooyinkii abwaanka wuxu yidhi: "Run ahaantii xilligan adag ee aynu ku jirno
maan jeclayn in aan soo hadal qaado taariikhdii dhowrsanayd ee marxuum
abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud oo ku magac dheeraa
Barkhad-cas), balse waxaa igu keliftay oo aan qaadi waayey markii rag ka mid
ah saaxiibadii reer Cadmeedka ee waayo-waayo oo xogogaal u ahaa in aan wax
ka hayo taariikhdii iyo maansooyinkii abwaanka ee waayihii Cadan".

Biixi Suufi isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: "Aniga oo si gaar ah ugu
mahadnaqaya raggii hore dedaalka u muujiyey ee sida niyad-samida ah wax uga
xusay maansooyinkii marxuum Barkhad-cas ee wakhtigii dalka Cadan aniguna
haddii aan wax hagrado halay hadho," isagoo ku bilaabay sidan: "Taariikh
Nololeedkii Marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad
Cas) iyo maansooyinkiisii qaar ka mid ah ee magaalada Cadan laga soo bilaabo
sannadkii 1953kii ilaa 1958kii oo aanu isku mafras ahaan jiray, iyo mar labaad
taariikhdiisii dalka Somaliland ee 1958 ilaa 1963kii. "

Aniga iyo marxuumku xilligaanu isbaranay waxaan ahaa Booliska Cadmeed
waxaanan ka shaqayn jiray xaafadda Sheekh Cusmaan badiba marxuumka
waxaanu lahaan jiray sheeko wadaag gaar ahaan xilliga qayilaada oo aanu isku
mafras ahaan jiray xaafadaha Sheekh Cusmaan iyo Daara Sacad ee magaalada
Cadan. Biixi isaga oo sifaynaya abwaanka wuxuu yidhi:- "Waxaan ahaa ninka
qudha ee murtidiisa diiwaan geliya."

Marxuumku inkasta oo uu ahaa ragga kaftanka badan iyo weliba reer magaalka
da'da ka xanaaqa intaa aanu wada joognay marnaba da'diisa maan su'aalin
kaftanba ha ahaatee waxaan se hadda ku qiyaasi karaa in ay xilligaa da'diisu
ahayd ilaa 35-40 jir. Midabkiisu wuxuu ahaa casaan aad u qorqoran. Wuxuu lahaa
timo madow oo aad u jilicsan (timo Hindi), dhererkiisu qiyaas ahaan wuxuu ahaa
1-70. Wuxuu lahaa golxo yar oo aan wax u dhimayn joogiisa iyo muuqaalkiisa
midnaba.

Labada foole sare wuxuu ku lahaa dabar cas oo laba liid ah, oo markuu qoslaayo
aad loo jeclaysto." Biixi waxa uu intaa ku ladhay oo yidhi: "Marxuumku wuxuu
ahaa nin bulshaawi ah oo meesha uu fadhiyo lagu soo xoomo, waxaanu
hadalkiisa raacin jiray kaftan, qosol dhoola caddeyna iyo weji furan oo reer
magaalnimo ah."

Dhinaca suugaanta isaga oo faahfaahin ka bixinaya waayihii Barkhad-cas waxa
uu yidhi: "Marxuumku wuxuu ahaa abwaan hal abuurka maansooyinka Ilaahay u
siiyay deeq iyo hibo gaar ah, waxaanu kuba haasaawi jiray eray bixinta
maansada isaga oo ragga meel la fadhiya ay caado u ahayd in uu midba midh
kaftan ah ku tuuro.

Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu lahaa shakhsiyad naadir ah oo
dulqaad iyo dabeecad sami ku aroorta, waxaanse aad uga xumahay taswiirtiisii
oo aanan maanta gacanta ku haynin. Dhinaca tacliinta wuxuu si fiican ugu
wanaagsanaa Carabiga af iyo qoraalba, waxaanu ahaa nin jecel waddankiisa iyo
gaar ahaan Hargeysa oo uu mar walba afka ku hayn jiray. "

Jacaylkii Mandariin    Dib U laabo

Taariikhdiisa Cadan oo ku saabsan Gabadhii Maandariin: Biixi Suufi isaga oo ka sheekaynaya gabadha Maandariin iyo abwaanka waxa uu ku bilaabay: "Gabadhan uu isagu ku magacaabay Maandariin (waa liinta cas ee macaane) waxay ahayd gabadh u dhalatay reer Somaliland waxaanay ka shaqayn jirtay bakhaar uu nin Carbeed lahaa oo beeyada lagu hufi jiray kuna yaallay magaalada Cadan weyn abwanku wuxuu gabadha la jeclaaday in uu guursado wiil kufkeeda oo ka furta shaqadan culus ee hufida beeyada iwm. Sideedaba dhallinyartii waagaa jiray waxa guud ahaan caado iyo dhaqan wanaag u ahaa in ay gabdhaha amaanaan caydooduna way ka reebanayd sidaa awgeed gabadha wuxuu u curiyay maanso amaan ah oo uu ku shaaciyay Cadan iyo magaalooyinka kulaalaya ee Khaliijka. " Waxaanu yidhi:- Cadkaagaa waan jeclaa inaan calfadee Cidaaddaydiibay cuslaynaysee Cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee Hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa Danbaa Carabtiyo cidlada ku baddoo Cid iyo ciirsi toona kuuma hayee Ka cawlnoow bakhaarka ciida leh. Cuudiga lashitee carfiga badan lihi Carriguu ka baxiyo beriga Carabtaba Ciidaa kaga badan caynkaa xaabadee Ninkii caarifaa cidlada ka gurtee cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa danbaa Carabtiyo cidlada ku baddee ka cawlloow bakhaarka ciida leh. Reer Cadmeed ma yaqaano wixii carfiloo Canbarkii garan waaye u soo caardaye Ruuxii cisi leba isagaa caawiyee Cabdoo naasirbaan cid kuugu diroo tan iyo ciida dhow cidbaan sugayaa ka cawlow bakhaarka ciida leh. Jiilaalkoo cadaaday camalkii cuudkoo laga waayay caanaha markuu cirku hoorabaa lacabaa caleenta dhirtee carfiga badanlee shinbiruu ka ciyaan cas waaberi iyo cagaarka soo baxay la caynad tahee cadkii ilko loo hayaa la cunaa cid iyo ciirsi toona kuuma hayee cutuubay ha u jabin cadaawaha oo ka cawlow bakhaarka ciida leh. Mar aanu marxuumka ka codsanay in uu gabadha noo sifeeyo wuxuu yidhi:- Hilibka midabkiyo hanaan socodkiyo habka ay maryahiyo hubka u qaadatiyo wejigaan haybadiisa lahayn karain iyo horaadada haatan soo baxayiyo haddii ayqoslayso dhoolahaad hangatiyo horjoogeeda waw hamuunsanahee huqdeeda qalbigaan hurdada bogan iyo haytaaban halkay igaga taal Intuu hantideeni cadaw haystee Hargeysiyo hawdba maqan yahay Ragaasi halgan iyo hawlbuu ku jiraa halkana iima muuqdo wiil ku hantaa haweenka xulkoodi waan ku hubaa nin hoodo lebaa nasiib ku helee Biixiyow hagardaamo halis weeyee huqdeeda qalbigaan hurdada bogan iyo hay taaban halkay igaga taal Isaga oo sifaheedii sii wada wuxuu yidhi:- Madheera oo gaabni way dhaaftoo ma dhuubnoo baruurtu may dhicinoo dhexdeeda taakadaa is dhaafaysoo dhawaaqa hadalkeedu kuma dhibo dhalaalka midabkeeda dhaayaha midaan u dhigoon ku dherershaa may dhalan dhabarkana laguma sido. Mar uu ku calaacalayey in gabadhan Cadan laga kaxeeyo intaan la xumayn wuxuu yidhi: Intaanay mayrac barin mid soo mirataa intaanay mooda baran macdaarada maqaar baaniyaal intaan loo marmarin masbow fadhiyoo hablihii madhiyaye intaanay ka jabin mataanaha maandariin yaa ka dhoofsha magaalada. Guurkii Maandariin iyo siduu u dhacay. Biixi Suufi isaga oo markana ka hadlaya guurkii Mandariin waxa uu ku bilaabay ereyadiisa sidan: "Amaantii maandariin ayaa meel walba ka dhacday gaar ahaan Khaliijka Carabta markaas buu Cadan yimid nin waagii hore reer Cadmeed ahaan jiray halkaas baanu ku guursaday kuna kaxaystay gabadhii Maandariin. Muddo gaaban ka dib ayuu Barkhad Cas gabadhii ka waayay bakhaarkii ay ka shaqayn jirtay oo uu maalin dhaaf ku soo booqan jiray, markaas buu curiyey maansadan soo socota ee baafinta ah, waxaanu yidhi:- Bidhaanteeda waan u boholyooboo beryahan arageeda kama boganoo bakhaarkii ka waayay beeyada e baadida lama oga barbar ay u kacdaye bulaysku waxbay badbaadshaane bal Biixow dhanka Sheekh ka soo baadh. Nin kale oo bulayska ahaa oo isagana uu diray wuxuu ku yidhi: Maxamed Caliyow ku magansadaye (Maxamed Cali Naahi ) haddii maal la xado adigaa soo maqloo malkada taarakshaan adigaa marmaree meel ay jirto maanta garan maayoo minankay joogtay way ka maqantahaye intaanay ka jabin mataanaha intaan la magaabin madhatada Maandariin meelahaa ka soo baadh. Baafin guud wuxuu yidhi:- Malaa dalkan way ka maqantahaye Macruufkiyo Carabta reer Macalow Muslinow Maandariin ma aragteen. Taariikhdii Marxuumka & Cadan Biixi Suufi isaga oo taariikhdii abwaanka ee magaalada Cadan ka waramaya waxa uu yidhi: Ka dib markii uu halgankii ay reer Somaliland kula jireen isticmaarkii Ingiriiska uu gaadhay marxalad adag Marxuumku wuxuu ahaa raggii yaraa ee reer Cadmeedka kicin jiray in ay ka qayb galaan halganka lagu jiro waxaanu ka mid ahaa raggii waqtigaa soo dhoofay ee ku biiray halganka waxaanu curiyay maansadii uu reer cadmeedka ku kicinayay ee uu ku yidhi maansadan soo socota:- Diintiiyo masjidkiiba waysku dilee halkay diircas joogto aan ka durkoo dib yaanay dhegahaygu daar u maqline duufaan hadhacoo bil yaan ka degine dusheedu marna iiga dari maysee doonidii baashucayb kac ila doon. Mar aanu su'aalay xanuun ishiisa nooga muuqday wuxuu noogu jawaabay sidan:- Deeqdiisa Ilaahay iima daroo dul iyo hoosba wuu I daajinayaa darxumo ima helin xanuun i damqaa daalkiyo Biixiyow dibnaha i qalalay dabaysha i qaaday waa dal tabyee roobkoo da'ay dooga soo baxay iyo dooxii herer ruuxa waa u dawee duufaan ha dhacoo bil yaan ka degine dusheedu marna iiga dari maysee dagaalka gobanimada aan ku darmee doonidii baashucayb kac ila doon. Sidaas buu ku soo dhoofay oo aanu tikidhkii diyaaradda ugu soo jaray. Taariikhdiisii Somaliland: Taariikhdii marxuumka ee wakhtigii uu Hargeysa ku soo laabtay isaga oo Biixi ka hadlayana waxa uu yidhi:- Markuu madaarka Hargeysa ka soo degayba wuxuu ku bilaabay weedhan:- Ayuu guulahay gargaaraayoo, ayaa garanaaya gobanimadoo, ayala gembiya gumaysiga. Abwaanku wuxuu markiiba ku biiray halgankii gobanimo doonka ee uu hoggaaminayay xisbigii SNL. Haddaba, sida weli la sii xusuusan yahay waxa waagaa dalka Somaliland gaar ahaan Hargeysa ka soo bixi jiray 3 wargeys oo la kala odhan jiray magacyada hoos ku xusan:- 1) Wargeyska Liwa oo ku hadli jiray afka Xisbiga NUF. 2) Wargeyska Qaran oo ku hadli jiray afka xisbiga SNL. War Somali side oo ku hadli jiray afka xukuumadda gaar ahaan codka Raadyow Hargeysa. Marxuumkuna wuxuu isku tilmaamay in uu yahay wargeyskii afraad oo maalin walba dalka ka soo baxa oo aan cidna laga iibinayn ee bilaasha, isaga oo arrintaa maanso ku sheegayana wuxuu yidhi:- Liwiyo, qaran iyo akhbaar sida -waxaan ahay tii afraynaysoo - aayaha waddankaa la ii egmadoo malaha ii akhri iyo afgaranwaa iib maahoo aduunyo kaama rabee Albaabadu waa ay u furanyiin.
Aan Ooyee    Dib U laabo

Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu habeen iyo maalinba waajib iskaga dhigay wacyi-gelinta dadweynaha ilaa uu waqtigu soo gaadhay markii uu dalka booqashada ku imanayay Duk Golostar oo ahaa boqorada Ingiriiska adeerkeed, haddaba iyada oo la sheegay in uu dalka soo gelaayo 28/5/59ka ayuu intii xilligaa ka horraysay dadka ku sii kiciyay si ay ugu muujiyaan nacaybka ee dowladda Ingiriiska u qabaan waxaanu yidhi:- Awawgay ninkii adoonsaday ninkii aabahay indhaha tiray ninkii anigana i iibsaday hadaan arkayoonan ka aarsan karayn hadaanan Aadanow unuunka jarayn aan ooyee albaabka ii xidha. Isagoo Iglan joogabuu i diloo ushuu soo fidshaa i iimaysoo waataa aramidii i oofa tirtaye itaal dari aan la eedaadoo aan ooyee albaabka ii xidha. Bal oggow isticmaarku abidkii iriduu marinaayo awr raran irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee Ragan aan arkayee u abasaxayow ninowna ha odhan soomaalaan ahee ordoo magacana ka iibsada. Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay Abu Riin Lo'da joogtabaa urisoo ooday jebisaa intay u dhacdoo amsaxuu ka guraa idiilkeede waakaa isticmaarkii ii daayee Ragan aan arkayee u abasaxayow in shaahiyo keegu waa urugee iimawdee axankaaga weynee. Ugaadha ninkii gatee urursada ka soo arkabaa aduun ka baxshee ninkaa imanaaya awgii waa kaa isticmaarkii ii daayee Ragan aan arkayee u abasaxayow ordoo magacana ka iibsada. Iyada oo wacyi-gelinta noocaas ahi ay dadka reer Hargeysa madaxooda ka buuxdo ayuu madaarka Hargeysa ka soo degay ninkii la sugayay maalintii 28/5/59kii markaas bay dadkii reer Hargeysa ee qaabilaadiisa u soo baxay mar qudha ay dhabarka u jeediyeen iyaga oo u muujinaya in aanay wejigiisa arki karin. Haddaba, arrintaas oo ka dhalatay wacyi-gelintii afku dirirka ahayd ee uu Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud ka buuxiyay maskaxda dadweynaha run ahaan waxay ahayd tabaha iyo xeeladaha cusub ee gumaystayaasha lagula dagaalamo mid ka mid ah oo ay marxuumkaa iyo reer Somaliland dunida ku soo kordhiyeen waana arrinta soo dedejisay gobanimadii inoo saqiirtay ee 1960kii Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Aamiin. Geeridii Marxuumka. Biixi Suufi ugu danbeyn isaga oo geeridii marxuumka ka waramaya waxa uu yidhi: "Marxuum Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Hargeysa sannadkii 1963kii. Haddaba, sharafka iyo magaca uu marxuumku ku lahaa dadka reer Hargeysa waxa dhacday maalintii la aasayey in la xidho dhammaan goobaha ganacsiga ee Hargeysa waana laga wada qayb-galay aaskiisii waddaniyada ahaa. Wax akale oo iyaduna dhacdo cusub u ahayd dadka reer Hargeysa markii ay kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu hoggaaminayey Marxuum Cabdillaahi Qarshe isagana Eebbe ha u naxariistee uu qabrigii marxuumka kaga baroortay heesta caanka ah ee uu yidhi:- Waa ayaanba ayaan Duni aakhir samaan Nin aroosanayaa Nina aas tegayaa waa xusuus ma guurto ah. Waxa kale oo isla maalintaa dhacday in marxuumka laga bedelo naanaystii hore ee Belaayo Cas, looguna bedelo Barkhad Cas, waxay se ahayd in naanaystan wanaagsan ee Barkhada ah loogu deeqo intuu noolaa ee waxtarkiisa la manaafacaadsanayay. Ilaahay waxaynu ka baryaynaa in uu u naxariisto saaxiibkeen Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Barkhad Cas iyo raggii kale ee ay geeridu ina kala fogaysay. Aamiin."
Dhalintii Wadankaanu    Dib U laabo


 "Maxamad Ismaaciil Baasarce Barkhad Cas"

     Heestan magaceeda waxa la yidhaa "Dhalintii Wadankaanu nahoo",
     waxa midhaheeda ku farayaraystay Ilaahay naxariiste janno ha
     ka waraabiye abwaankii weynaa maxamad Ismaaciil Barkhad Cas.
   Heestan waxay ku bilaabantaa sidan :

 dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
 labbood iyo dhadig wax meel dhiganoo
 dhibtiyo xumihii dhammaan aragnoo
 inaanu dhaliniyo inaanu dhimano
 maantaan waxba nooga dhaxaynayn

 dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
 ninaan dhididini xornimo ma dhaxlee
 haddaanu dhirta korin daayeer ma dhergee
 inaanu dhex tagniyo inaanu dhimano
 maantaan waxba nooga dhaxaynayn

 dhalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
 afartaa dhiigayga gorfaha ku dhamma
 markay ka dhergaanna na dhabaqsada
 inaanu dhoofniyo inaanu dhimano
 maantaan waxaba nooga dhaxaynayn

 dalintii wadankiyo dhulkaanu nahoo
 calankaad dhumisen inaanu dhisnoo
 dharaar ka cadayno dhay geeloo
 inaanu dhidibniyo inaanu dhimano
 maantaan waxba noogaa dhaxaynayn

 Soo saxa soona dhameeya


             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: Mareegta Hoyga Suugaanta

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.