Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Busharo Cali Baando | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
        Busharo Cali Baando waa gabadh da,yar aadna ugu heelan inay danaha guud 
    ee ummada kaga hadasho si maansaysan .Iyadoo ku cusub golaha maansooyinka
    ayaa haddana waxaa u suurtogashay inay curiso maansooyin dhawr ah oo dhinacyo 
    badan oo nolosha taabanaya ,qaabkay u xulato erayada iyo habdhaca ay ku sargoyso 
    maansooyinkeeda ayaa kahristaha ku kalifa inuu  garanwaayo goor uu dhameeyey
    akhrinta erayada murtidu ku dheehan tahay ee ka soo  burqaday  caqliga toosan ee
    Busharo ..Bahda mareegta farshaxana waxay go'aansatey inay ku darto  Busharo golaha
    abwaanada da'da danbe ,kol hadday mareegtani u banbaxday inay  ururiso qiimaysana 
    qof kasta oo dareen suugaaneed ,hogaamineed iwm ah leh  siduu abwaan ka hadlay 
    mareegtani yidhi:
    mareegtan u suntan ummadan  u heegan taariikhdeeda iyo suugaanteeda:
    
    Waa mareeg farshaxanoo
    Waa madal iftiinoo
    Maamuus u gaaroo
    Taariikhda mudan iyo
    Mahadhada abwaankiyo
    Murtida iyo gabayada
    Maansadiyo heesaha
    Macnahoodu culusyahay
    Midhahooda lagu qoro.
                       Abwaan  Ismaaciil Maxamed-Cali
    
     
Soomaliyeey Toos   Dib U laabo
    
    
    ( Dhaawac ) waa maanso an tirisay 13/09/2008 waxayna ka hadlaysaa dhibta uu qaadku leeyahay
    
    Faysaloow dharaarahan
    bulshadeeni dhacantoo
    qaadkay dhilanayaan baa
    dhibaatada u gaystoo
    dhalinyariyo waa yeel
    maskaxdoodii dhaawacay
    dhaqaalihiina kala tagay
    
     
    
    dhibtuu qaadku leeyahay
    waa kumaankun iyo dhawr
    mana wada dhammayn karo
    anigoon ku dheeraan
    dhawr aan tilmaamee
    
    imisuu dhantaaloo
    isagoon isdhaadayn
    been intuu u kala dhigey
    dhisa dabaqyo aan jirin
    
    imisuu nin dhumuc wayn
    dherer iyo laxaadba leh
    Ilaahay dhammaystiray
    dhaqashada u diido
    maanta dhereran suuqyada
    
    imisuu dhallinyaro
    ubax laba ku dhololaan
    dhabaleexsan mariyoo
    marfashyada ku dhuuntoo
    dhana laba daarood
    geesna aan u dhicin weli
    
    Imisaa is dhaafoo
    Noloshaba ka dhacayoo
    Dhaxantiyo dabaylaha
    dhawr sano markuu waday
    wuxuu maal dhaqaayiyo
    ka dhamaystay lacagtii
    illeen waa u dhuuntee
    dhib yaraan ku yidhi hadal
    
    imisuu nin dhaqan wacan
    aaminimo ku xeel dheer
    dhulka uu lagalayoo
    dhabbadii ka leexshoo
    dhishay laanta faraqa leh.
    
    dhadhamadii horeetaba
    dabin uu u dhigayoo
    dheef mooday geedkoo
    ka dhergoo intuu cunay
    dhakafaar ka qaadoo
    dhankii u ka yimi iyo
    dhabadii ka weecshoo
    cidla kaga dhaqaaqoo
    soo dhaafin gaydhkoo
    walina dhoof kuu siijira
    
    dhibta kalee uu leeyahay
    inta reer dhaqnaydee
    dhisnayd ee wacnaydee
    hadal kala dhex galayee
    qaadku kala dhantaalee
    dhibayee wax yeelee
    intuu kala dhaqaajee
    sabarayt ka kala dhigay
    dhawr kun way ka badan tahay.
    
    hadaan dhuggano meel kale
    dhibta taa kasii wayn
    inta laga dhaqaaqee
    furriin loo dhameeyee
    lagu nacay dhallaankaa
    cadadkoodu dhumayoo
    dhanna haysan maantoo
    dhaygagoodu badan yahay
    dhulka way ka buuxaan
    rabi dhawra mooyee
    dhawaaq way ka quusteen
    
    dhibta qaadkuu leeyahay
    anigoon ku dheeraan
    dhawr aan tilmaamee
    dhirtan ruuxa daaqaa
    marka uu kusoo dhaco
    ee uu dhiibto lacagta
    dhufsashada horeetaba
    farxadbaa ku dheehanoo
    waa uu dhabaabeceyaa
    dhankalena ma egee
    dhab wuxuu u adaa
    halkii uu ku dhilan lahaa
    kuna soo dhamayn laa
    
    waa dhul loogu talo galay
    waa hoygii dhibaatada
    oo gogol lasii dhigay
    
    dhinacay isi saaraan
    maskax lagama dheefee
    muranbaa dhex yaaloo
    dhawaaqoodu waa xoog
    dhib kalaa se dacal taal
    dhawrkii daqiiqaba
    waysasoo dhimaayoo
    ninka xiga dhankiisuu
    ku dhurayaa warkiisii
    ka kalena dhagaysiga
    dhaguhuu u weelayn
    
    dhehe iyo dhegeystaa
    isu dhiibta sheekoo
    war is dhaafsankaraye
    
    waxa la isku dhuro oo
    laysu kala dhagays taba
    dhan kastaba ha noqotee
    marka ay dhamaystaan
    ee faraha laga dhigo
    fekerbaa ku soo dhaca.
    
    siduu dheeman haystoo
    ama dhaqaale xoog badan
    wax uu dhisaa fooq
    iyo dabaqyo dhaadheer
    dhulka siduu ka taliyuu
    marba dhinac u guuraa
    
    dhabo wuxuu ka jeexdaa
    dherer iyo ballaadhba leh
    bustaan buu dhex joogaa
    
    dhirto midhaha bixisoo
    muha uu dhexyaaliyo
    
    dhaldhalaalka beenta
    kaga dheregyey daymada
    hadba dhinac u sii raac
    hurda kala dhaqaaqoo
    wuxuu dheelmadaa
    goor ay saq dhexe tahay
    
    dhankanuu u seexdaa
    dhanka kale ku eega
    marba dhinac u jeestaa
    dhibsadaa ka toosaa
    riyo lagu dhar dhaaraa
    qarow uu u dheeryahay
    
    isagoo dhibtaa qaba
    eedaan lagu dhuftaayoo
    waagu soo dhalaalaa
    madhagaysto taasoo
    
    ma dhugtaan dareemuhu
    waxkalaa ku dheehane
    
    goor lakala dhaqaaquu
    isagoo dhan dheero leh
    dhibsanaya hadalkaba
    qaadirana u dheertahay
    halkii uu ku dheelmaday
    uu ka sii dhaqaaqaa
    
    beentuu dhisaayaa
    dhab ukala cadaatoo
    runta la isma dhaafshee
    dhalanteed ka noqotoo
    dhibtiisuu dareemaa
    
    geedku waa dhibadan yee
    alla ha ina dhaafshee
    aamin mar wada dhaha
    
    waageed na dhaawacay
    bulshadiina dhalan rogay
    dibna waa ka noo dhigay
    dhaqankaan lahayn iyo
    xishoodkana na dhaafshee
    kartideeni dhumiyee
    
    alla ha ina dhaafshee
    waa geed dhibadano
    dhaqtaradu ka doodaan
    
    
    
     

Kalgacal    Dib U laabo

    
    
    Maansadan waxay tirisay 2003 wakhtigaas oo aan magaalda Adiss ababa
     isku aragnay fanaanda kinsi xaaji aden caqaarta anigoo ku farxsan 
    in arigtada Caqaarta maadama Waaberi ka mid ahaayeen kooxa nagusoo 
    simay Fanka aan manta maalayno waxaanan tiriyey maansadan aan ugu 
    magacdaray kalgacal oo aan ku sharaxayo si ay Waaberi qaali noogu 
    yihiin maasadan waxaa la yiraa KALGACAL
    
     
    
    sabankeena maantiyo
    
    sanadii lagaadhaba
    
    hadalbaa siyaadaa
     
    
    saadaasha weligaa
    
    waxaad niyada saartaba
    
    lama seego waa kow
     
    
    sabankoo barwaaqaa
    
    cirku subixi kuuu da'ay
    
    lama saluugo rayskoo
    
    saxal iyo abaar
    
    saxare looma doorsado
    
    sahan dheera lama galo
     
    
    dayaxoo sagaaloo
    
    dhulku saafi wadayahay
    
    socod lagama baadoo
    
    gudcur lama sugo habeenkii
     
    
    banaan siman adoo yaal
    
    sadku uu ku badan yahay
    
    saameeyey roobkuna
    
    buur lama salooshee
    
    samirbaa la yeeshaa
     
    
    suugaanta dhaxalkiyo
    
    maahmaahihii sula
    
    saamaynta sharaftiyo
    
    sumcad kuwii kuqaadee
    
    taariikhda soo sugay
    
     
    
    WAABERI sidoodii
    
    adoo sawdkooda helayoo
    
    midabkooda saxayana
    
    sebi miyaa la aadaa
    
    weli sookoraayoo
    
    soojeedka maansada
    
    sifeheeda aan baran
    
     
    
    waxba yaan sarbeebine
    
    boqoradeeni sawdkee
    
    saqiir iyo kabiir
    
    somalidu ku faantaan
    
    aniguna sugaayoo
    
    sanadaan naawilaayo
    
    saakaanu kulanoo
    
    wakhtigaa isaaciday
    
     
    
    KINSIYey salaan
    
    kalgacal saafiyiyo
    
    hambalyaan kusidaa
    
    soosoco kuleeyahay
    
    kuu sacaba tumayaa
    
     
    
    sidrigiyo maankiyo
    
    sambabadiyo feedhaaa
    
    saablayda ildilkeed
    
    salaan kuu mideeyoo
    
    soo dhweynta kuu huray
    
    mashxarad kugu sabootiyey
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Ha kulmaan Abwaanadu   Dib U laabo

    
    (Hakulmaan Abwaanadu) maansadan waxay tirisay 18_12_2008 waxaanan kaga qayb 
    qaatey silsiladii KALAMAAN ee uu curiyey abwaan cabdikareem sandheere
    
    Bismilahi waakow
    Hadal ugu koraysee
    Kariim kii illaah baa
    Kelmadaan nidhaahniyo
    Kalaamkeena qorayee
    Anigoon Ku dheeraan
    Kaftan iyo halaan jirin
    Kudaraynin maansada
    
    Bal ogoow kulaylkaa
    Kildhiguba u tuuraa
    Hilaygii korkiisee
    Bal aan kiciyo doodoo
    Karka debada keenee
    Ha kulmaan abwaanadu
    
    Aduun yadan kalifantee
    Beentii koodhka looxidhay
    Runtii koorta laga lulay
    Xaqa kibirka lagu nacay
    Qaxoontigan kuyuugaa
    Anfariirkan kowsaday
    
    Miyaad weli karaamiyo
    Umad kaamil noqotiyo
    Kaambayn wadaanoo
    Damac lala kutinayaa
    
    Arrin weeye kulul oo
    Kuligeen u furanoo
    Dooddu waa kal kaygii
    Waxay kaahi tidhiyo
    kildhi jabay warkeedii
    Kalamaan ka daba gee
    
    Ninba waa karaankii
    Kaalintuu ka joogsado
    Aan kaskiisa aragnee
    Ha kulmaan abwaanadu
    
    Dhulkeenii waa kifaax
    Kartibuu se sugayaa
    Kulayl iyo maleh qabow
    Shidaalka ku kaydsan iyo
    Kaluunka badeena yaal
    Macdanta korkiisa taal
    
    Aqoon lagu kala tagyoo
    Kor wayeel waa indhee
    Hadaan curadkaankorshee
    Kelif iyo dhibaatiyo
    Aan ka dhawray hadimada
    Een weliba kootkiyo
    Wuxuu kiis lahaayee
    Ka kasbadey agoomaha
    Ka cafiya raggii idhi
    
    Hadii uu kibraayoo
    Halkuu xalay ka toosiyo
    Uu ku kaajey gogoshii
    Cid an ka dac woonayaa
    Korkiis aduunka maahee
    Anaa dhalay wiilan korin
    Inaan sii kabo uun mooyee
    War kale miyaan keenayaa?
    
    Anoon idiin kala dhidhigin
    Kurbada idin haysatiyo
    Dhibaatadan aad u kulul
    Korkiinaa lagu socdaa
    Hadaydaan ka dhiidhiyayn
    Karbaashka dushiina yaal
    Kol baa laga qoomamoon
    
    Arrin weeye kulul oo
    Kuligeen u furanoo
    Dooddu waa kal kaygii
    Waxay kaahi tidhiyo
    kildhi jabay warkeedii
    Kalamaan ka daba gee
    
    Ninba waa karaankii
    Kaalintuu ka joogsado
    Aan kaskiisa aragnee
    Ha kulmaan abwaanadu
    
    Kuman wada digtoora ah
    Misna kaalintoodii
    Dadku kohanayaanoo
    Umul kaarku dhibayoo
    Kurbadiina haysiyo
    Hadii dhaawac kala yaal
    Maskax kaafiyeysiyo
    Ficil lagu kifaaxiyo
    Kartidii ka madhantoo
    Kaarjebin samayn Karin
    
    Ku darsoo siyaasiga
    Shaxda laysu kuur galay
    Ninba koone soo dagay
    Kallahiyo xafiisyada
    Kulmiyiyo hadday ucid
    Iyo udubta koodhka leh
    Kaambayn ka shicibkiyo
    Kursigaa mid kii hela
    Isu soo kalifayaan
    
    Kalkan waxaan hubsanayaa
    Ninka kayd ka maatada
    Kontonkeeda dhawree
    Kaabadaha dhisaayee
    Karti iyo wax soo saar
    Igu soo kordhinayee
    
    Haddaan kaadhka siin jiray
    Mid aan iiba kala shubin
    Laga kabay aqoon li'i
    
    
Hanti Weeye Maandeeq   Dib U laabo
    
    
    
    
    
    
    
    
    Allaa mahadleh
    
    
    
    
Dhawaaq   Dib U laabo

    
    
    
    Soo Socda
    
    
Wabiin   Dib U laabo

    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.