Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Canab Guuleed Maxamed | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
    
    Waa mareeg farshaxanoo
    Waa madal iftiinoo
    Maamuus u gaaroo
    Taariikhda mudan iyo
    Mahadhada abwaankiyo
    Murtida iyo gabayada
    Maansadiyo heesaha
    Macnahoodu culusyahay
    Midhahooda lagu qoro.
                       Abwaan  Ismaaciil Maxamed-Cali
    
     
    Barro Abwaanadda
    Canab Guuleed Maxamed
    Canab Guuleed


    Hooyooyinkiin baanu nahay Haybadda lahaayee Habka nolosha waxaa soo dhisa Habarta weeyaane Ubadkaanu haynaa Ragga waanu hananaa Hurdadaan ka toosnaa Dhulkoo himsohiimso ah Hugufkiyo xashiishkaan Gurnaa Nagu halysaanee Hantidaan dhaqnaa Reer dhan baan hab u samaynaayee Raggaa na hakradayee Dumarku waa heerkii Nololeed Hooyo Caasha Dacar,Sirta Guurka Sebtember,2011 Mareegta Farshaxan Xilli ku beegnayd 1922kii ayuu Yuusuf Maxamed Xirsi oo ku magac dheeraa Aw Yuusuf Barre tiriyey maanso uu ku magacaabey “Guur aan ka la’aado”.Wuxuu Aw Yuusuf Barre dardaarayey laba wiil oo isla reerka ahaa,xilligaana guurdoon ahaa.Sidaa darteed ayuu Aw Yuusuf Barre tilmaamay in ka badan tobaneeyo tilmaamood oo uu la beegsadey haweenka aan guur loola haweysaneyn.Waxaase sheegid mudan inuu maansada si qurux badan u dhigay oo uu dhalinyaradaa u sheegay tilmaamaha haweenka aanu guur la wadaageen isagu Aw Yuusuf Barre ahaan.Waxaanu hordhac uga dhigay dhaliilahaa tixahan: • Gaashgaashka waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe • Ha gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye • Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta • Ee guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine Gabagabada ayuu Aw Yuusuf Barre si farshaxanimo ugu soo afmeeray dhawr tuduc haweenayda uu aqal la yagleeli lahaa,dhalinyaradana u cuntameysay inay gayaan u noqoto. Waxaanu Aw Yuusuf Barre yidhi: • Allow gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo • Raaliyo garaad badan midaan, iga guhaadaynin • Adaan gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa. Sida ku cad maansadaa iyo kuwo kale oo la halmaalaba may sheegin dhaliilaha ragga aan u qalmin inay haweenay dumar guur la wadaagto.Dhaqanka bulshada ku nool aduunka ayaa kaalmeynaya arintaa.Hab-dhaqanka reer Galbeedka oo guulo lagu hafiyo ayaa tiraba laba jeer qira jiritaanka haweenka: marka alaab la iibinayo lagu xayeysiinayo iyo markay jidhkooga loogayaan.Dhaqanka bulshada ku hadasha af-soomaliga ayaa weedh kaliya ku soo koobtay hagardaamada loola badheedhay haweenka “Wixii xunba Xaawaa leh”. Reer kala tagey ayaa eedda dusha laga saaraa gabadha,loona raaciyaa “wixii lagu furay ayey qabtaa”.Laba gogol dhaafkoodii ilmo ka abuurmay ayaa ninkana guul iyo geesinimo lagu galadaa,gabadhana magacyo afku ka dhawrsanayo loogu wanqalaa.Halkay aheyd in labaduba danbiilayaal inay yihin loo aqoonsado.Waa nin rag ahi guusha uu isa siiyey, ceebna haween uu ku boqray. Sidaa darteed ayuu Aw Yuusuf Barrena tilmaamay galdaloolooyinka haweenka,ishana ka jeediyey dhaliilaha ragga.Waxaanu isdaba taxey tilmaamo tobaneeyo kor u dhaafey oo bilis xaawaley yeelatey kuna kaliftay inuu guur kaga la’aado.Hase yeeshee gu’gii 1988kii ayey Abwaanad Canab Guuleed Maxamed soo bandhigtay maanso lagu doogsaday, xagaldaacii dhaliilaha lamaanahana dheelitiraysa.Isla gu’gaas ayaa ururkii xornimada Somaliland u sabab noqdey ee SNM ay gacanta sare ku yeesheen maamuladii Hargeysa iyo Burco.Maydka Ciidamada maamulkii Afweynena rucub rucub iyagoo ah dhulka qarqiyeen. Waxaa xilligaa haasaawe dhex maray Canab Guuleed iyo wiil gayaankeeda ahaa.Dusha kamuu muujin inta u qarsoon,iyaduna “waan kaa helay” kumay qancin.Sidaa darteed ayey Canab intaanay guri la yagleelin gayaankeedaa barasho la beegsatey.Barasho horteed ha i nicin ayey Canab golaha haasaawaha seeska ugu jeexday.Muddo gaaban ka dib ayaa Canab tilmaamo badan oo aanay guri kula dhisin wiilkaa u muuqdeen. Waxaanay Canab go’aan ku gaadhey in tobaneeyo tilmaamood raggu yeesheen, sagaal ka mid ah ay diiday inay guri-billa u noqoto, midkii toosnaana uu noqon waayey guurdoonkani. Maansada hiilka u noqotay haweenka,raggana caqli celin ugu filan ayey markaa Canab Guuleed curisay uguna wanqashey magaca “Qaybta Nolosha”.Maansadani waa garnaqsi ay haweenku u soo jeedinayaan inan raggeedka qumanuhu qoorta ugu jiro.Sidoo kale waa maanso culayska bulshada ee dhan ka raran dhameystiraysa si galdaloolada ummada loo awdo. Silsiladii Siiinley dhamaan maansooyinka ku jiray waxay ahaayeen jiifto,waxaase ladhayey laba Gabay oo ay laheyd haweenayda kaliya ee ka qayb qaadatey maansooyinkaa. Waa abwaanadii Caasha Jaamac Diiriye (IHUN). Haddaba bahda Mareegta Farshaxan ayaa barnaamijkeedii “Barro Abwaanka/adda” ku soo qaadaneysa bishan sooyaalkii nololeed iyo maanseed ee abwaanada Caasha Guuleed Maxamed “Ina Guuleed Wan-Weyn”. Agagaarka Oodweyne ee dalka Somaliland, waxaa aad loogu yaqaanaa dhaqashada xoolaha nool. Qiimeynta la siiyo qof waxaa qayb weyn ka qaata kaalinta uu ruuxaasi kaga jiro dhaqashada Xoolaha. Inkastoo xoolaha lagu dhaqdo degaankaa ay ugu mug weyn yihiin geellu,haddana waxaa soo raaca dhaqashada adhiga oo milgaheeda bulsheed leh.Guuleed Maxamed ayaa ka mid ahaa xool dhaqatada degaankaa. Guuleed wuxuu aad ugu baadisoocnaa dhaqaaleynta xoolihiisa oo had iyo jeer ka dhexmuuqan jiray xoolaha kale. Guuleed Maxamed xeeldheeraanta uu u u lahaa dhaqashada xoolaha ayaa naaneys ahaan loogu bixiyey Guuleed Wan-Weyn. Waxa dhacday berri in wan weyn oo uu aad u dhaqaaleeyey laga siistay amma lagaga beddeshay shan sabeenood,waa sidaa waxa uu kula baxay (Guuleed Wan-weyn). Dhacdadaasi tilmaamnteeda gaarka ah ayey bulshada ku laheyd in Wan kuu gooyo tirada intaa leeg ee sabeenaha ah. Sidoo kale ayaa Guuleed Maxamed wuxuu aad ugu xeeldheera,aqoon dheerna u lahaa aqoonta xidigiska.Aqoontani aad bay waxtar ugu laheyd reer miyiga.Aqoontani waxay kaalin fiican ka qaadan jirtay saadaalinta xilliyada barwaaqada iyo jiilaalka.Waxay fure u aheyd sahaminta dhulka daaqsinka ah ee xoolaha loo socdaalin karo.Waa aqoon mudan in la siiyo qoraaladeeda u gaarka ah. Guuleed Maxamed tirinta maansada awood wuu u lahaa inkastoo aanu jeclayn.hase yeeshee hooyo Cibaado Faarax Qabille oo u dhaxdey Maxamed Guuleed waxay si laxaadleh uga qayb qaadatey curinta buraanburka.Xilli ku beegnayd 1968kii ayaa Guuleed Maxamed iyo Cibaado Faarax Qabille ay gabadhi ugu dhalatey Laan Mullaaxo oo ka tirsan Gobolka Oodweyne ee dalka Somaliland.Waxay labadaa waalid ugu wanqaleen gabadhaa inay ku caano maasho magaca Canab. Degaankaa Laan Mullaaxo ayey Canab Maxamed Guuleed ku barbaartey. Gu’gii 1981kii ,bishii April 6dii ayaa magaalada London lagaga dhawaaqey ururka xaq u dirirka ee SNM.Guushaa ka curatey cariga Ingiriisku waxay ibofur u noqotay inay maanta Somaliland ku naalooto nabbad iyo caano,beegsadaana horumar dhinac kasta ah. Isla gu’gaa ayey Canab Maxamed Guuleed u baqooshay magaalada Hargeysa ee dalka Somaliland. waxay Canab halkaa ka bilawday dugsigii Quraanka ,ka dibna u wareegtay ka mid noqoshada ardeyda dugsiga hoose/dhexe . Xilligaa aanay Canab Guuleed galin malcaamad Quraanka ayaa loo tiriyaa inay curisay tixihii maanso ee ugu horeeyey.Qoyska ay ka soo jeedo Abwaanad Canab Guuleed ayaa garaadkeena u fuduaynaya inaynu si fudud u soo dhaweyno maansadeeda.Waa hibo Ilaahay ku maneystay qoyskaa oo tirinta maansada lagu yaqaaney,inkastoo ay hooyo Cibaado Faarax Qabille mudnaanta koowaad yeelaneyso. Canab Guuleed ilaa yaraanteedii hibada maansadu way ka guuxaysay, hablaha qoyskoodu habeenkii marka ay ciyaarta u gudayaan way raaci jirta si ay u daawato ama ay u dhageysato heellada la is waydaarsanayo.Tixihii Maanso ee ugu horeeyey ayey Canab Guuleed ku sugaysay inay curin karto maanso iyadoon soo amaahaneyn erayada ay ka maqashey kooxda heellada tumanaysay. Sababtii ay u tirisayna waxay ahayd, iyadoo la joogo goob aroos ayaa dhallinyaradii goobta joogtay mid iyo maanso soo daayeen, dabadeed Canab oo goobta joogtay baa tidhi anaa hadhay, markaasaa Canab sacab lagu soo dhaweeyey,iyadoo la dhawrayo inanta yari waxay la shir iman doonto. Waxay maansadaa ka mid ahaa tixahan : Ereyadii horuu baxay Kuma ag wareegee Amba wayska alliftaa Canab Guuleed muddo dabadeed ayey go’aansatey inay safar dheer gasho,kuna gaalaa bixisay ilaa Caasimada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.Mudadani Canab Guuleed waxaa aad uga guuxayey maankeeda heesihii ay maqli jirtay gaar ahaan hees hawleeddadii, dhaqankii iyo noloshii miyigeenna.Waxaa aad loo jeclaa dhageysiga markay Canab ka sheekaynayso dhaqankaa iyo maansooyinkii ku xeernaa. Maansadi ugu horeysay ee ay Canab Guuleed Maxamed tirisay hanaqaadan waxaa lagu tiryaa maansada “Kala irdhow”.Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Canab Guuleed heshay dhambaal fariimeed canaan iyo eed dusha ka saaraya.Dhambaalkaasi wuxuu ka yimid gabadh ay Canab Guuleed ay aad u saaxiib ahaayeen una digo rogatey magaalada Riyaad ee cariga Sucuudi Carabiya.Canab Guuleed ayaa dhambaalkaa kaga warcelisay maanso ay tixaheega ku muujinaysay in qof walba hawli la soo gudboonaatey mashquulisay, aanayse jirin is-ilawsho ama xidhiidh go’ sida ay sheegtay saaxiibadeed.Waxaa maansadaa ka mid ahaa tixdan: Wakhtigii adkaadaa dad buu, kala irdheeyaaye Gu’gii 1988kii ayaa Canab Guuleed gayaankeed soo calmadey,doonayna inuu u soo geed fadhiisto.Waxaa xilligan suurtogashey inay Canab haasaawe la qaadey wiil guurdoon ah, hase yeeshee waxay aad uga feejignayd haye fudud.Waxay Canab Guuleed aad u dareensaneyd in guri si fudud ku dhismaa burburkiisuna qaadaneyn muddo dheer. Sidaa darteed ayey muddo gaaban ku ogaatey tilmaamo dhawr ah oo ninkani lahaa aan kaalmeynayna in ay oorri u noqoto,guriguna sidaa ku dhismi karo.Canab Guuleed xillgaas ayey curisay maanso ay ugu wanqashey magaca “Qaybta nolosha”. Maansadani waxay tusaale u tahay dumar farabadan oo si fudud ugu dhaca dabinada shabeel-naagoodka,sidoo kalena waxay caqli celin u tahay rag badan oo godob ula badheedha haweenka. Waxaana ka mid ahaa maansadaa : Adduun waa qisiyo yaab, quusayoon gudhine Marna waa qaflado iyo naxdino, qaawan abidkoode Qorraxdii dhacdiyo waagu, way kala qalloocdaane Qosolka iyo farxadeheedu wa, qaaban soconayne Marna waa qabow iyo nimcado, laysku qoofalaye Qof waliba wixii loo qoruu, qayb u helayaaye Gabaygan ay ku ladhan tahay xigmadda badani ee ay Canab tirisay waa mid ka hadlaya aaya-ka-talinta nolosheeda.Si gaar ah gabaygu wuxuu u tilmaamayaa ruuxa ay haboon tahay Canab ama haweenkuba inay la wadaagaan nolosha. Muddo yar gudahood ayaa Canab waxay ogaatay wiilkan ay guurka isla ogolaayeen inuu leeyahay tilmaamo aan haboonayn oo ay aad iyo aad uga biyo-diidday.Sidaa darteed ayey si cad oon gabasho laheyn aayaheeda ugu talisay.Canab waxay gayaankeediina farta ka saartey diidmo qayaxan oo u farshaxaneysan qaab maanseed.Waxaa maansadaa “Qaybta Nolosha” ka mid ahaa tixahan si qayaxan u sugayey diidmadeeda: Qiimo ma laha barashadu haddaan, lays qaddarinayne Qalbigaan la dhawreyni dhaqsuu, qanac u gaadhaaye Qayrkaa haddaan kuu jeclaa, waan ku qoonsadaye Ka qawedeyna qoyskaan lahaa, aysla qabataane Qormadaan yagleelaayey oo, qiimo gelinaayey Qaban qaabadii aan watiyo, qaradkii beenoowye Waxay markaa Canab gudagaleysaa inay tilmaanto sagaal tilmaamood oo ay iyadu ama haweenku gabi ahaanba u cuntameyn inay guri kula yagleelaan ragga gayaankooda ah. Waxaanay Canab Guuleed maansadaa ku sheegtay inay haboon tahay in aan nafna loo qatalin qoys dhisitaankii,kol haddii ifafaalaha dumista gurigu muuqato.Iyadoo Canab arintaa cabiraysana waxay tidhi: Qosolkiyo sasabadaad waddaa, ka qoto dheer xaale Qof liita illayn lagu hodaa, qaladkan ii dhaafe Haddaad qaafil ii haystana, dhowr qarnaan jiraye Sharaftaydii anigoo qabaan, qooni igu oollin Oo aan qal qaalina u socon, qubinna diintayda Naftoon qisaasaa waa midaan, meesha qabanayne Maansadaasi may qancin wiilkii,inkastoo aanay Canab ka soo noqon go’aankaa diidmada ah ee ay aad uga fiirsatey.Hase yeeshee Canab oo og inay guur diyaar u tahay ayey maansadaa ku soo gabagabeysay tilmaanta ay Illaahay ka bariday inuu u yeelo Ninka ay guur la wadaageyso,iyadoo waliba tilmaantay sagaal tilmaamood oo ragga ku sifooba aanay marnaba guri la yagleelayn.Waxaanay Canab Guuleed ku afmeertay maansadeeda tilmaanta wanaagsan ee ay la rabto gayaankeedu inuu yeesho, waxaanay tidhi: Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne Xilli ku beegnayd 1993kii ayaa waxaa magaalada Jabuuti ku soo noqtay gabadh ay aad Canab u saaxiib ahaayeen ,sidoo kalena qaraabo guud ahaayeen.Canab waxaa markaa la gudboonaadey inay gacan qabato gabadhan.Canab Guuleed waxay gabadhaasi dajisay gurigii ay deganaayeen iyada iyo hablo kaleba.Muddo markii ay gabadhii joogtay ayaa dhibaato hor lihi kala dhex mareen gabadhii iyo hablihi kale.Canab Guuleed dardaaran iyo wax sheeg ayey gabadhii ula jeedsatey,hase yeeshee gabadhii oo darisku raacisay dirir iyo aflagaado lama filaan ah.Canab waxay arintaasi ku noqotay ku soo booddo. Canab markaa ayey curisay maansada la yidhaa “MUUQAALKA BARASHADA”. Maanasadani waxay Canab kaga warameysaa in barashadu qaadato muddo ,una baahan tahay in jiddiin la wada cunno ama jid la wada maro.Waxaanay maansadu si qoto-dheer uga warameysaa inaan muuqa guud iyo maryaha laysku qiimeyn kareyn.Waxaany tidhi : Muuqaalka barashada haddaan, maanka ka asteeyo Maryuhuu dadkani wada sitaa, midabka guudkaase Muuq lagu gartiyo show malaha, muunad gooni ahe Mid waliba wuxuu yahay runtii, mawlahaa garane Jeerood minan ku kulantaan dadow, barasho waa mooge Markay maansadaa Canab Guulled ku sheegtay in barashadu waqtigeeda u baahan tahay, ayey farta qaniinyada kula boobeysaa iyadoo xasuusaneysa maalintii ay magan galisay gabadhaa oo hali-seegtay,waxaaney tidhi: Mabda’yga gaarka ah haddaan, miimka ka caddeeyo Hubsiimadu mudday leedahoo, loo miyiriyaaye Madh-fudayd malkuu kaa ridaa, aan macna lahayne Maalintaan ku soo doontay baan, magane hiifaaye Dusha sare mullaax baad ahayd, mudan haweenaade Imikaanse maad iyo u dhacay, mahadha joogta ahe Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge Muddo dheer ayaan waxan ahayn, laba mataanoode Inkastoon milgaha toosan iyo, marinka kuu sheego Amma aan mastuur iyo asluub, hadal macaaneeyo Maahmaah dhaxal gala ah haddaan, maandhey kuu tebiyey Adiguna waxaad maaggantaa, kuu muraayad ahe Illayn macangag ruuxii ah baan, maara loo heline Miyuu hadal ku marayaa cidlaad, muran la joogtaaye Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge Markay u caqlicelintii dhameysay Canab Guuleed ayey soo bandhigaysaa inaan dagaal iyo aflagaado la iswaydaarsado guul lagu gaadheyn.Waxaanay ku soo afmeeraysaa Canab Guuleed in had iyo jeer ay haboon tahay in la kala roonaado oo hadalka wanaagsan la gargaarsado.Sidoo kale waxay Canab soo bandhigaysaa in haddii la kala ficil qaato dhibtoo sii badata mooyee ,ay guuli durugsan tahay,waxaanay tidhi: Haddii aan masawnoo xumaan, laysu miisaamo Maqal iyo hadduu arag lumoo,laysu muruq sheegto Midkeen bay maddiiluhu ku dhici, miiska saaraniye Masiibadu intay kaa fogtaa, la iska moosaaye Aniguna haddaan miinsadoo, aan masalo raaco Mu’min iyo ninkii samir lahaa, baa macaash badane Samaan baan miciinsaday Allaha, Maaligaa jira e Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge Gu’gii 2002kii ayaa Canab Guuleed barasho gundhigeedu ahaa guur ay la wadaagtey saygeeda Ilaahay iminka isku calfey. Canab Guuleed waxay ka dareentay gayaankeegaasi inaanu hawshan dhiniciisa ka taageerayn,siday ugu hawlan tahayna aanu ugu madax banaaneyn.Markaa ayey ayey curisay maanso hoge-tusaaleyn ah oo dhawr qaybood u qaybsan.Waxaanay maansadaa Canab Guuleed ugu wanqashey “Wax Garad”. Waxay Canab ku bilawday maansadaa duco,waxaanay tidhi : Mid wanaagsanoo Waalid iyo walaal Abti waa wadnee Wacanow adeer Wehel toosanoo Wahsan ii noqdoo Weedhaan idhaa Waydayninoo Alla waaniyaan Weynaha Ilaah Waydiistayoo Weli waan sugaa Dabadeedna waxay Canab Guuleed maansadaa “Wax Garad” ku sheegaysaa halkey ka taagan tahay arinta guurka,iyadoo xusaysa siday u argato hakadka ka muuqda gayaankeeda ay haasaawaha la wado oo u sheegay in culays badani ka saaran yahay dhinacan Jabuuti,ayna haboon tahay inay magaalada Hargeysa ee dalka Somaliland ku aqal-galaan.Waxaanay Canab tidhi: Waxaan talo ku dayn Waagaan hubsado Kaan weedhayee Wakhti iiga lumay Wiilyahow inuu Warsan adiga yahay Adigana war maqan Walaac kaaga jirin Waxaan anigu ahay Waxay Canab Guuleed ku soo afmeeraysaa maansadaa heerka ay nolosha saygeeda ka gali laheyd iyo kaalinta ay buuxin laheyd haddii Ilaahay hawshooda siday doonayaan u dhameeyo,waxaanay tidhi: Isma-weydo aan Weligood isnicin Waaxidkana cuskada Maba wiiqantee Intoon wada jirroon Wadnayaal isjecel Isku waafaqnaan Weel qudha kalgacal Ku wadaagi layn Wakhtigii kastaba Weedho faraxleh baan Kugu waanin laa Waagii baryana Werdi iyo ducaan Ku waraabin laa Wakhtigaad baxdana Weedh faraxleh baan Kugu sii waddici Gu’gii 2003kii bishii Julaay ayaa arooska Qoraaga caanka ah ee Xaaji Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye iyo abwaanadda Canab Guuleed Maxamed ka dhacey magaalada Hargeysa ee cariga Somaliland.Waxay aheyd madal la isku arkay oo ay ilyartu isqabsatey. Arooskaasi si qurux badan oo mudnaantiisa laheyd ayuu uga dhacey magaalada Hargeysa, waanay raaligalisay arooska iyo aroosadaba.Siduu u dhacey iyo siday ilaa iminka u wada nool yihiin waxay muujinaysaa in Ilaahay ducadaa ka aqbalay.Ilaahayna si iyo si ka fiican ha ugu wado –Aamiin –Aamiin-Aamiin. Nolosha baadiyaha ayaa tilmaanteeda gaarka ah ku leh xusuusta Canab Guuleed Maxamed. Waa dareen hagaya qaab nololeedka bulshada,waana sugida dhaqanka soo jireenka ee ay ummada reer Somaliland ku faanto.Dhaqankaas ayaa saameyn ku leh degaanka, duunyada iyo dadkaba. Gu’gii 2008kii ayey Canab Guuleed Maxamed u socdaashey degaanka Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan gobolka Oodweyne.Dhulkaasi waa deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna barbaartay.Canab intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay dhaqan guur ku dhacay dadka, duunyada,deegaanka iyo qalabkii reer guuraga Soomaalidu adeegsan jireen.Waxaa markaa Canab Guuleed isku qaban waayey muuqaalkii maankeega dhex mushaaxayey iyo muuqaalkan indhuhu ku dhaceen.Waxay isla xilligaa Canab Guuleed tirisay maansada “Dhaqan-Goob”. Waa maanso ay Canab Guuleed kaga hadlayso arrimahaa murugada leh ee ay aragtay intay socdaalka ku jirtay.Inkastoo dadkii degaankaa joogay aanay la qabin badankoodu fikirkan,Canab Guuleed waxaa u muuqday in dhalan-rogad saameeyey dad iyo duunyaba. Sidaa darteed ayey maansadan “Dhaqan-Goob” maskaxdeeda ka soo maaxatay maalmahaa ay Canab Guuleed socdaalkaa ku jirtay. Magaalada Hargeysa ayaa xaggaa kasta waxaa ka dhaca barnaamij si qurux badan loo soo agaasimay oo iskugu jira bandhiga suugaanta iyo Buugaagta.Waxaa loo igmadey hawshan si akhriskana loo xoojiyo,taageero laxaad lehna loogu fidiyo suugaanta bulshada.Waxaa amaanteeda leh kolay labada hormood ee ururada Redsea-Online iyo Kayd ee Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamuud Cashuur siday u kala horeeyaan.Canab Guuleed Maxamed ayaa ka mid ah dadka sida joogtada ah ugu xidhan barnaamijkaas.Sidaa darteed ayey Canab Guuleed Maxamed maansadeedii “Dhaqan-Goob” ku soo bandhigtay gu’gii 2010kii goobtaas. Maalintan ayaa ku beegnayd maalintii loo qorsheeyey suugaanta haweenka.Runtii dadkii halkaa joogay waxay maansadaasi u noqotay baraarujin iyo wacyigalin loo baahnaa aadna loo tabayey. Canab Guuleed waxay maansada u soo bandhigtay qaabka loo yaqaan “qofeynta”. Waa humaag ka mid ah humaagyada maansada lehna quruxdiisa gaarka ah.Waa dadkii, duunyadii, iyo degaankii oo si toos ah fariin ugu dhiibaya Canab si ay qaylodhaanta ugu gudbiso bulshada inteeda kale. Waxaanay maansadu ku bilaabmeysaa: Ga’da gabay haddaan gacalkayow, guudka ka higgaadsho Gilgishaye haddaan soo gambiyo, waxaan la guuxaayo Gobo’ runa haddaan sheego oon, gole ka faalleeyo Garawshiiyo maan heli tolow, garasho waa yaabe Anoo galab carraabaaya oo, beesha yara gaadhay Gadaashaa dambaa layga yidhi, gacalo soo jooge Goortii aan dayey dhaqankii baa, gacanta ii haadshay Iguhaadiyoo wuxuu i yidhi, ereyo gaagaaban Goobteed ku hoyataan ku idhi, waan guntanayaaye Wuxu yidhi go’doon baan ku jirey, goor iyo ayaane Wuxu yidhi warmaa laygu ganay, aanan geyahayne Wuxu yidhi anoo geydh qabaan, meel galluubnahaye Wuxu yidhi dadaw ii gurmada, goosan baan ahaye Maansadu waxay waqti ku filan siinaysaa dhamaan inta dhaqanguurtay si ay cabashadooda u sheegtaan,waxaanay maansadu si qurux badan oo farshaxanimo dheeraad ahi ku dheehan tahay inoola wadaageysaa dhibta jirta iyo sida aynu Ilma Aadan hagardaamo wadayaal u nahay.Waxaa maansadu ku soo afjarmaysaa duco dhibanayaashu Illahay baryayaaan in dhibta iyo hantaaqadan lala dul joogo uu Illaahay ka badbaadiyo.Waxaanay tidhi maansadu: Allahayow gacmaha hoorsannee,barako aan guurin Noo geli daruuraha giblanee, guudka naga maydha Gu’ onkoday xareed galacle iyo, rays gabbala yeesha Oon gufaaco xoogliyo lahayn, gaydh wax naga laysa Guullow Allahayow na sii, gacani waa taaye Guntimaha isdhaafiyo Allow, garawgu noo beermo Gasiinkana Allow nooga yeel, midhaha gaaxdooda Oo maalka naga gudhan Allow, godol ku soo jooji, Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Canab Guuleed Maxamed ayaa ka mid ah goobjoogayasha Bandhiga Suugaanta iyo Buugaagta ee xaggaa kasta lagu qabto magaalo madaxda Hargeysa ee cariga Somaliland. Canab Guuleed ayaa hadyad ahaan gu’gan 2011dii u geysay maanso ay ku boqrayso adeegsiga qalinka iyo qoraaleyda. Waxay Canab Guuleed maansadaa u bixisay “Baal Dahab”. Waxay maansadu ku bilaabmeysaa Magaca Illaahay iyo xuska madasha loo boholyoobey,waxaanay tidhi: Bilawgiiba furaheenna waa, lagu badbaadshaaye Baal kama maraynoo belaa, lagu xijaabaaye Bismillaahi barakada Allaa, barada noo taalle Isusoo boqoollaye dadow, barashadii waarta Baxnaanada waxaan dhawri jirey, haatan beegsadaye Barbaartii dalkeennoo sidaa, gole u soo buuxshay Baahidana waxay tabanayeen, beledka loo keenay Bandhig, buuggan loo baratan yahay, baaq isugu yeedhay Waa wax lagu badhaadhoo qalbigu, nagu bogsoodaaye Abwaanad Canab Guuleed waxay degan tahay magaalada Hargeysa ee dalka Soomaliland, waxaanay u dhaxdey qoraaga Xaaji Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceelleeye. Xaaji Cabdalla waa qoraga buuga “xeer Ciise.Waxaa kaloo Xaaji Cabdalla uu qoray qoraalo badan oo dhinaca suugaanta,dhaqanka,taariikh nololeedyadii abwaano dhawr ah,iwm. Waxaan ku soo afjareynaa qoraalkan aanu ku soo bandhignay maansooyinkii iyo sooyaalkii abwaanad Canab Guuleed Maxamed waanadii ay reerkeeda iyo reer kastoo dhisan ay ku waanisay: Isma-weydo aan Weligood isnicin Waaxidkana cuskada Maba wiiqantee Tixraac: -Qolka Kaydka ee Mareegta Farshaxan -Mareegta Doollo. -Buugga Sirta Guurka (Xasan Cabdi Madar) -Wareysi Canab Guuleed Maxamed Wareysi qaade: Xaaji Cabdalla Xaaji Cusmaan Qalinkii iyo Tifatirkii : Fu’aad Sheekh Abuubaker Bahda Mareegaha Farshaxan www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org
Qaybta Nolosha   Dib U laabo
    
    
      GABAYADII  CANAB  GUULEED MAXAMAD1
    
    Gabaygan magaciisa la yidhaa Qaybta nolosha waxa tirisay 
    Canab Guuleed Maxamad sannadkii 1988kii.
    
    Adduun waa qisiyo yaab, quusayoon gudhine
    Marna waa qaflado iyo naxdino, qaawan abidkoode
    Qorraxdii dhacdiyo waagu, way kala qalloocdaane
    Qosolka iyo farxadeheedu wa, qaaban soconayne
    Marna waa qabow iyo nimcado, laysku qoofalaye
    Qof waliba wixii loo qoruu, qayb u helayaaye
    
    Qasdikiyo ujeeddada haddaan, qodobka sii taabto
    Arrintii la qaataba haddii, leysla qaban waayo
    Qardoofiyo haddaan laga tireyn, camal qayaanoo dhan
    Oon qodaxda laga goyn illay, way qallibantaaye
    Qiyaastii qorshaha aadmiga, taas la qaabab ahe
    
    Qiimo ma laha barashadu haddaan, lays qaddarinayne
    Qalbigaan la dhawreyni dhaqsuu, qanac u gaadhaaye
    Qayrkaa haddaan kuu jeclaa, waan ku qoonsadaye
    Ka qawedeyna qoyskaan lahaa, aysla qabataane
    Qormadaan yagleelaayey oo, qiimo gelinaayey
    Qaban qaabadii aan watiyo, qaradkii beenoowye
    
    Inkastoo sed aan qaayibiyo, qarash la ii sheego
    Ama quruxda aad leedihiyo, qalin la faalleeyo
    Qalbigaygu wuu jabay sidii, shay quraarada e
    
    Qosolkiyo sasabadaad waddaa, ka qoto dheer xaale
    Qof liita illayn lagu hodaa, qaladkan ii dhaafe
    Haddaad qaafil ii haystana, dhowr qarnaan jiraye
    Sharaftaydii anigoo qabaan, qooni igu oollin
    Oo aan qal qaalina u socon, qubinna diintayda
    Naftoon  qisaasaa waa midaan, meesha qabanayne
    
    Quudhsigu ma fiicnee runtaan, kuu qayayxayaaye
    Qawlkaan ku leeyahay ma aha, been an kuu qoriye
    Qiyaas iiga maqal oo dhegaha, qun ugu sii deyso
                  
    Sheekada markaan qaadanniyo, quruxdi haasaawe
    In qallooca laga dhawro buu, qodobku taagnaaye
    Cilladdii la qariyaa dib bay, kuugu qaraxdaaye
    Qunyar socodka waa taan ahaa, een ku qaabbilaye
    Qiyaaniyo adaa been watoo, qubay wanaaggiiye
    Ma qayiro Ilaahay illayn, qoonkii daacadeh
    
    Qofkii qool sameeyaa mar buu, qalam yidhaahdaaye
    Dabinkii aad igu qaban lahayd, qoolki kugu roorye
    Adaa qoday dalluuntee ayey, kula qadhaadhaane
    Waxa qalanjo Soomaaliyeed, inayow qayrkaaya
    Adigaan ku qoondaystay, waa qisiyo yaabe
    Qufulkaan naftaydii ku xidhay, waa qaraar go’ane
    Iga quuso adiguna ninyohow, qiil kalaad sugiye
         
    Qayliyo sawaxan iyo ma karo, ciil qarracankiiye
    Qoomamadaan hadhow qiran laa, qaladka aan geystey
    Ka qad baa runtii igala roon, ina rag qaarkiise
     Qiyaas kooban tira go’an haddaan, toban ka soo qaato
     Sagaalbuu qalbigu diidey oon qaaddacoo jaraye
    An qiyaaso kuwaan quudhsadee, qaadan kari waayey
                       
    1. Qaaddirkeen wixii uu xarrimay kuwaa, quud la geya moodey
       Qamradiyo alkoolada kuwaa, sii qudh-qudhinaaya
       Qaad iyo hadduu buuri cuno, amase qiiq nuugo
       Qalbigii inuu qoomanyahay waa, mid loo qiraye
       Qudhun iyo illayn lagama karo, qoon xun daba roore
       Gabdho aan qaaddi loo geynin buu, qolal la seexdaaye
       Quwaalow Ilaahow midkaas, nolol ha noo qaybin
     
    2. Garmaqaate keligii qummanoon, garanin qaynuunka
       Qallafsane midaan nolosha qirin, qiimo waxay leeday
       Oo qallooca oon lala heshiin, damacu waa qaybe
       Oo aan qaddarintana aqoon, qawlna kugu deeqin
       Oo haddana qabweyn iyo kas xumo, kibir is qaad qaada
       Qoys ina gumeed buu ka yimi oon, qorsho lahayne
       Quwaalow Allahayow midkaa, nolol ha noo qaybin
     
    3. Qalbigii aan daacadi ku jirin, qoon jinnaa gala e
       Qiyaaniyo midkii been yaqaan ama, qudh soo gooyey
       Qabri inuu gelaayiyo marnaba, dhimasho qoondaysan
       Qaaddirkii abuuriyo midkaan, qirin rasuulkeenna
       Oon qawl Ilaahna baran diinta waa, lagu qaboobaaye
       Oo quruxdii dhaqankeena iyo, qodobadii tuuray
       Quwaalow Ilahow midkaa, nolol ha noo qaybin
     
    4. Qaab miskiin midkii lagu xantee, qabowe sii liita
       Qorigiisa uun baa rag kale, dhayal u qaataaye
       Qarandida sideeduu ka yahay, dood rag qaybsado e
       In kastood qotomisoo rabtana, qayrkii inuu gaadho
       Ama aad xil qarisood ammaan, qiimo ku hagoogto
       Meel uun baa qalloocdoo illayn, waad ka qanacdaaye
       Quwaalow Alahayow midkaa, nolol ha noo qaybin
     
    5. Qardoofiyo midkii kugu qabsada, qofof ku soo booqday
       Quudkii aad siisiyo hadduu, qadada faalleeyo
       Qudaad iyo hadduu kugula koco, qaabka saqajaanka
       Adoo qiimaluu kugu yidhaa, qoyska yaa yimide
       Adoo dakharro sii qabey hadduu, qolofta kaa qaado
       Qol-qollada markuu raad ka dayo, waad qumbacataaye
       Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
     
    6. Qiyaas buu dadkuba leeyihiyo, qaab u gooniyahe
       Qof waliba siduu kugu yahaa, loo qaddariyaaye
       Mid qafiifa oo lagu metelo, qodobka ruux waalan
       Qasnad iyo midaan lagu ogeyn, qoob wax lagu kaydsho
       Oo hadallo aan kala qorayn, qubaya oo daadsha
       Qarda jeexa sheekada mar, buu qalad rumeeyaaye
       Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
     
    7. Qalbigaa tijaar laga noqdaa, qarashka maahaane
       Quudkiyo midkaan hoo aqoon, ee lagu qadoodaayo
       Midda uu qabiyo uma damqado, qoonka uu dhalaye
       Ehelkiyo qaraabadu hadday maruun, qof soo mooddo
       Qarshi maba hayuu dhaar qayaxan, qac uga siiyaaye
       Iqarshuu dabeed kugu yidhaa, qoon siduu dhacaye
       Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
     
    8. Ishu waxay u qabataba midkii, keligii qoondaysta
       Een quud xalaaliyo kala jeclayn, qurubka xaaraana
       Ma qasoobo oo kama cabsado, qool inuu galo e
       Qadaa-dhigyaa iyo badheedh, qayd ku shubayaaba
       Qani kuma noqdoo maalin dhow, way ka qubataaye
       Qaan iyo intaan cuni lahaa, waxaan ku qaaxoobo
       Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
     
    9. Qacda hore arooskii lagalo, quruxi weeyaane
       Qaar dambeed hadduu kaaga, dhoco qiimo laga waaye
       Qalbigaad ka raaxaysataa, nolosha qaarkeede
       Qarjajaas sedkiisii qaboo qoysas, badan yeeshay
       Qufac buu illayn kugu dilaa, quuro  iyo taahe
       Qotodiisa lama gaadhi karo, oo qorshow go’ane
       Quwaalow Allahayow midkaas, nolol ha noo qaybin
     
    10. Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
       Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
       Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
       Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
       Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
       Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
       Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
       Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
       Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
       Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne
    
    
    
    
     

Muuqaalka Barashada    Dib U laabo

    
    
    Maansadan waxay Canab tirisay 1993. Maansadan soo socota waxay
     tilmaaman buuxda ka bixinaysaa isbarashada dhabta ahi inay
     tahay marka hoy amma guri loo wada hoydo ee la wada deggan yahay.
    
     
    
    Maansada rag baa tirin jiroo, magacu saarraaye
    
    Dumarkuna manuuc kama ahayn, midhihi toosnaaye
    
    Sayidkii mataantiisi baan, cidina moogayne
    
    Bal aan mariyo midhahaygu waa, lagama maarmaane
    
    
    Maggawdaye hashaan maalayaa, waa mid ii dihine
    
    Maantaan bilaaboo markuhu waa, mudh xoor badane
    
    Manfac waxay ka dheeftaba bulshada, waa mulki u yaalle
    
    Muuqaalka barashada haddaan, maanka ka asteeyo
    
    
    Maryuhuu dadkani wada sitaa, midabka guudkaase
    
    Muuq lagu gartiyo show malaha, muunad gooni ahe
    
    Mid waliba wuxuu yahay runtii, mawlahaa garane
    
    Jeerood minan ku kulantaan dadow, barasho waa mooge
    
    
    Mufti Sheekha waayeel macaan, maati la xaq dhawro
    
    Iyagu waa mageydada birtee, meel an ku ogaado
    
    Geesi magac leh doqon soo mir kacay, meela dhexe qaar ah
    
    Barbaar muuq leh muhashada qalbiga, midhaha guud saaran
    
    Haasaawe macaaniyo waxa, xadhig la miiqaayo
    
    Marwo qiimaliyo gabadh-la-mood, meel isugu dhuuntay
    
    Maaley qadhaadh iyo suniyo, malabka ceegaaga
     
    Midhahaad cuntaa baa dhadhamo, lagu maleeyaaye
    
    Maryuhuu dadkani wada sitaa, midabka guudkaase
     
    Muuq lagu gartiyo show malaha, muunad gooni ahe
    
    Mid waliba wuxuu yahay runtii, Mawlahaa garane
    
    Jeerrood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
    
    
    Mabda’yga gaarka ah haddaan, miimka ka caddeeyo
    
    Hubsiimadu mudday leedahoo, loo miyiriyaaye
        
    
    Madh-fudayd malkuu kaa ridaa, aan macna lahayne
    
    Maalintaan ku soo doontay baan, magane hiifaaye
    
    Dusha sare mullaax baad ahayd, mudan haweenaade
    
    Imikaanse maad iyo u dhacay, mahadha joogta ahe
    
    Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge 
    
    
    Muddo dheer ayaan waxan ahayn, laba mataanoode
    
    Inkastoon milgaha toosan iyo, marinka kuu sheego 
     
    Amma aan mastuur iyo asluub, hadal macaaneeyo
     
    Maahmaah dhaxal gala ah haddaan, maandhey kuu tebiyey
    
    Adiguna waxaad maaggantaa, kuu muraayad ahe
      
    Illayn macangag ruuxii ah baan, maara loo heline
    
    Miyuu hadal ku marayaa cidlaad, muran la joogtaaye
    
    Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
    
    
    Martiqaadka gobannimo markaan, maandhey kuu fidiyey
    
    Een meeshii aan seexan jiray, kugu muquuneeyey
    
    Sidaad hooyaday Maydhan tahay, marada kuu iibshay
    
    Manfac waxaad cunaysiyo daryeel, kugu masruufaayey 
    
    Macnihiyo ujeeddadu maaha, magac ku raadceeye
    
    Allayleha waxaan moodi jirey, maandhey soo gudhe e
    
    Maskaxdii aqoon laa illayn, aragta meeldheere
    
    Maan-gaab qalloocani waa midaan, maara loo heline 
    
    Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa moog
     
    
    Maar baa lagaa taagan yahay, maalin iyo layle
    
    Muslinkiyo hablii wada martoo, waana loo marage
    
    Meesheed ka keentay dacwada, igula meeraane
    
    Anna mudacyo aad igu dishaad, maandhey tumataaye
    
    Maahmaah gabawdaa ahayd, marin xaqiiqeede
    
    Maaskiisa ruuxaad toshaa, mara cad kuu gooye
    
    Magac xumada ii muuqataan, murug la jiifaaye
    
    Haddii aan masawnoo xumaan, laysu miisaamo
     
    Maqal iyo hadduu arag lumoo,laysu muruq sheegto
    
    Midkeen bay maddiiluhu ku dhici, miiska saaraniye
    
    Masiibadu intay kaa fogtaa, la iska moosaaye
    
    Aniguna haddaan miinsadoo, aan masalo raaco
    
    Mu’min iyo ninkii samir lahaa, baa macaash badane
    
    Samaan baan miciinsaday Allaha, Maaligaa jira e
    
    Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge
    
    
    Mid kalaa jirtoo aanan weli, mindhaa illaaweyne 
    
    Isla weyn ayaad erey mutuxan, igula meertaaye
    
    Mushaax iyo haddaan dano la’aan, meel iskaga tuuray
    
    Maxay tidhi haddaan la odhan, maado laga reebye
    
    Mudanow afkaygii haddaan, maanta ka adkaaday
    
    Miyaa la i mudmudi waanigii, meeriskaa xidhaye
    
    Maal baa la kala qaadi jirey, maadh ad leedahaye
    
    Mabda’adag haddaan leeyihiyo, marinno ii gaara
    
    Waa deeq Macbuudkuun baxshoo, lagu masuugeyne
    
    Maxaa adi muddici kaaga dhigay, madaxa ii buuxa
    
    Jeerood minan ku kulantaan dadaw, barasho waa mooge 
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Wax Garad   Dib U laabo

    
    Maansadan soo socota ee magaceedu yahay Wax Garad waxa 
     tirisay  Canab Guuleed Maxamad sannadkii 2002dii
    
    Mid wanaagsanoo   
    
    Waalid iyo walaal 
    
    Abti waa wadnee 
    
    Wacanow adeer 
    
    Wehel toosanoo 
    
    Wahsan ii noqdoo 
    
    Weedhaan idhaa 
    
    Waydayninoo 
    
    Alla waaniyaan
    
    Weynaha Ilaah 
    
    Waydiistayoo
    
    Weli waan sugaa 
    
    
    
    Haddaad noqon waxgarad 
    
    Waayaha adduun 
    
    Aan ka weheshadoo 
    
    Weligey dhibiyo 
    
    Wiirsiga dadkiyo 
    
    Wadeeco iga jira 
    
    Anna waajibka 
    
    Sidaan kuula wadi 
    
    Waakanee bal hoo 
    
    
    
    Inaad waayirkii 
    
    Nalka ii wadiyo 
    
    Waaxyaha jidhkiyo 
    
    Wiilkii ishiyo 
    
    Wadnahayga tahaan 
    
    Ku war qaadan laa 
    
    
    
    Haddaad wiiqantoo
    
    Welwel iyo dhibiyo
    
    Waabey kalgacal 
    
    Kugu weecatoo 
    
    Waantoobi karin 
    
    Inaan wada jirnoo 
    
    Waqal hooray iyo 
    
    Webiyada cishqiga
    
    Ka waraabsannaa 
    
    
    
    Waxse aanan hubin 
    
    Waddadaan hayaa 
    
    Wahdi inay tihiyo 
    
    Inay weecsan tahay 
    
    Wax kaloonan hubin
    
    Inay waadax tahay 
    
    Arrintaad waddiyo 
    
    Waxa kuu qarsoon 
    
    Wax kaloonan hubin 
    
    Wayd inaad tihiyo
    
    Inaad waafi noqon 
    
    Wax kaloonan hubin 
    
    Wacadkaan gallaa  
    
    Waa culusyahee 
    
    Sidaad iila wadi 
    
    
    
    Waxaan talo ku dayn   
    
    Waagaan hubsado           
    
    Kaan weedhayee            
    
    Wakhti iiga lumay           
    
    Wiilyahow inuu              
    
    Warsan adiga yahay          
    
    Adigana war maqan           
    
    Walaac kaaga jirin                       
    
    Waxaan anigu ahay                       
    
    
    
    Haddii Waaxidkiyo                                  
    
    Weynuhu yidhaa                                
    
    Nasiibkiyo wakhtiga                       
    
    Waa loo wan qali                                 
    
    Isma-weydo aan                                   
    
    Weligood isnicin                                   
    
    Waaxidkana cuskada                      
    
    Maba wiiqantee                            
    
    Intoon wada jirroon                    
    
    Wadnayaal isjecel                   
    
    Isku waafaqnaan                              
    
    Weel qudha kalgacal                       
    
    Ku wadaagi layn                  
    
    Wakhtigii kastaba                     
    
    Weedho faraxleh baan               
    
    Kugu waanin laa                               
    
    Waagii baryana                
    
    Werdi iyo ducaan             
    
    Ku waraabin laa                     
    
    Wakhtigaad baxdana          
    
    Weedh faraxleh baan                    
    
    Kugu sii waddici                              
    
    Wakhtigaad timaad                      
    
    Weji farax leh baan                 
    
    Kugu weheshan laa                     
    
    Wed haddii lahuro                     
    
    Wax kastood rabtiyo                 
    
    Waayaha iyo dantana              
    
    Wahsi hayga sugin                          
    
    Risiq waasiciyo                              
    
    Warasa khayr lahoo                 
    
    Wiilal iyo gabdhaba                       
    
    Wada saalixana                           
    
    Weynaha Allaan                            
    
    Weydiisan layn                              
    
    
    
    Waxsaan diiddanoo                      
    
    Warmo igaga daran                
    
    Inta uu wadaad                               
    
    War I raaciyoo                            
    
    Wiil la igu daro                            
    
    Wadeeciyo cidlada                   
    
    Wehel li’fadhiyo                            
    
    
    
    
    
Dhaqan Goob   Dib U laabo
    
    
    
    
    Gabaygan Dhaqan-goob waxa tirisay Canab Guuleed Maxamad
     oo loo yaqaan Ina Guuleed-Wanweyn. Bishii May ee sannadkii 
    2008dii ayey Canab Guuleed u socdaashay tuulada la yidhaa 
    Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan gobolka Oodweyne,dhulkaas oo
    ah deegaankii ay Canab ku dhalatay kuna barbaartay.Canab 
    intii ay socdaalka ku jirtay waxay indhaheeda ku aragtay 
    dhaqan guur ku dhacay dadka, duunyada,deegaanka iyo qalabkii 
    reer guuraga Soomaalidu adeegsan jireen.
    
    
    Ga’da gabay haddaan gacalkayow, guudka ka higgaadsho 
    Gilgishaye haddaan soo gambiyo, waxaan la guuxaayo 
    Gobo’ runa haddaan sheego oon, gole ka faalleeyo 
    Garawshiiyo maan heli tolow, garasho waa yaabe 
    Anoo galab carraabaaya oo, beesha yara gaadhay 
    Gadaashaa dambaa layga yidhi, gacalo soo jooge 
    
    Goortii aan dayey dhaqankii baa, gacanta ii haadshay 
    Iguhaadiyoo wuxuu i yidhi, ereyo gaagaaban 
    Goobteed ku hoyataan ku idhi, waan guntanayaaye 
    
    Wuxu yidhi go’doon baan ku jirey, goor iyo ayaane 
    Wuxu yidhi warmaa laygu ganay, aanan geyahayne 
    Wuxu yidhi anoo geydh qabaan, meel galluubnahaye 
    Wuxu yidhi dadaw ii gurmada, goosan baan ahaye 
    
    Geesiga u sheeg buu i yidhi, garasha dheeraaye 
    Gaadhsii haweenkuu i yidhi, gaari dumaroo dhan 
    Waana gocasho aan sii qaboo, igu gedaannayde 
    Gabbalkii markuu dhacay miyaa, gama’la ii diiday 
    Marku waagu galac yidhi miyaan, sahanka googooyey 
    Geestaan jalleecaba miyaan, xaalki garanwaayey 
    Hadba midab guhaadlayn miyaan, wada galiilyooday 
    Gacantayda dhabankii miyaan, guudka ku illoobay 
    Hayin gibisha loo jiidayoo, gaban yar loo dhiibay 
    Gucle orod waxaan daba socdaa, geeddi sii rarane 
    Dhaqan laga gudbaan goobayaa, meesha uu galaye 
    Godka loo qodaan waayo dheer, laga gayoonayne 
    I gargaar Allahayow adaa, gacan leh oo weyne 
    
    Gudbay oo dabeed baylahdii, galay dedaalkeeda 
    Fardaa gaasabixin loo cuskaday, layligana geele 
    Guluf iyo colaad baa fardaha ugu, gadhqaad dheere 
    Gabbaan looma dhiibee nin raga, gacanta loo saarye 
    Geyi dheer ayaa lagu tagaa, orod ku gaadhaaye 
    Gurmadkiyo garmaamada markuu, fadalka goynaayo 
    Ee uu geesi guudkiisa koray, ganafka soo haabto 
    Ee qurux u gaariyo xariir, guudka laga saaro 
    Galbiskiyo damaashadka iyo, gabadh la soo doonay 
    Iyana waa gob iyo caadadeed,gola ka heenseeye 
    Arrintaa ninkii garanayaan, gacal wadaagnaaye 
    Gaadiidku wuxuu nagu ahaa, guunyo qaali ahe 
    Gammaankii fardood uu ka tegey,gobolladeenniiye 
    
    Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi 
    Raggii doob-garfaankiyo lahaa, geeljiraha naaxay 
    Raggii geeshageeshayn jiree, timaha gaydhaystay 
    Guurdoonka nimankii ahaa, gacalku xiiseeyo 
    Geesiga raggii loo yiqiin, gacanta loo taago 
    Hubka geela loo qaato iyo, gumuca maadhiinka 
    Markay garabka saaraan raggii, gelayey taariikhda 
    Waran-gacan raggii qaadan jirey, ammase gaashaanka 
    Raggii laba go’iyo garan lahaa, guudka ka iftiima 
    Waa dhaqan gaddoomo ka tage, gobolladeenniye 
    
    Gadaal dhalad dambaa soo bixiyo, guuto weerarehe 
    Gulufkay ku qaadeen dhirtii, gawda laga saaray 
    Waa gelengel kaymii ahaa, gees walba u raace 
    Galoolkiyo maraageenni baa, sii gabaabsi ahe 
    Ragga geela seeteeyey iyo, ramadka goohaaya 
    Iyaguna garaabada qallalan, gega ku ruugaaya 
    Habeenkiina guuraha ku taga, guriga reerkooda 
    Waa gurintir nagu soo baxoo, godobi noo taalle 
    
    Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi 
    Guudiyo hablii loo yiqiin, Gaasiriyo Dhuuxo 
    Hablihii garaskiyo lahaa, summad kaloo gaara 
    Hablii timaha gadafeyn jiree, joogey gurigooda 
    Hablii geela laga bixin jiriyo, gaadow faraskeenna 
    Hablii garangar beeshoo u taal, wada gargaaraayey 
    Ee qabyada ku geeraari jirey, gebagabaynteeda 
    Iyaguna gaddoomoo ka tage,gobolladeenniiye 
    Gurboodkii ka soo hadhayna nece, guri-dhiggoodiiye 
    Magaalada markay soo galeen, xaalkii garanwaaye 
    Bac guduudan bay guri hortii, gega ka waabteene 
    Garaabiyo waxay iibiyaan, geed-xun iyo shaahe 
    
    Geyaankoodi baa gabay hadday, gebi dhacleeyeene 
    Haddaydaan ka gadanaynin may, gegeda joogeene 
    Goobtaana idinkaa na dhigay, garanna maysaane 
    
    Gudbay oo haddan baylah kale,layga gacan haadi 
    Ubbadii Gedaan-dheer, qumbiyo, goobti subaggeenna 
    Guda weyne kolaygii dhacdada,guri dhan qaadaayey 
    Xeedho gobi ku kulantoo gardhiyo, giringir loo yeelay 
    Iyo gocayo haanoo gadhoodh, subag ka soo goysa 
    Gurgur saabsanoy gaari dumar, gacanta soo saartay 
    Oo wada gingimanooy dhammaan, gadaw sibbaaqaysay 
    Marke gaar leh gorfkoo la culay, geela lagu maalo 
    Masaf garawga lagu haadiyoo, wada garaaraysan 
    Garka iyo dhegaatiga dhanrare, surradda loo giijo 
    Iyo waxaan garaad koobinoo, guriga hoos yaalla 
    Gawdiidka dhigaha iyo lool, quruxda loo gaafay 
    Iyo udub gengaanka u hayoo, guriga xooggiis ah 
    Gudbanow aloolkiyo kebdaha, baraley goobaysan 
    Harrar gobolba cayn yahay xariir, magaca googoosa 
    Gabdhihii samayn jirey ka tage, gobolladeenniiye 
    
    Gob waxaan ku nahay dawlad, aan gaar u leenahaye 
    Gob waxaan ku nahay geedka iyo, gacal ku-soryeyne 
    Gob waxaan ku nahay gaadhka iyo, gogosha hoos taalle 
    Gob waxaan ku nahay gooddigiyo, talo la guulaaye 
    Gob waxaan ku nahay gacanta oon, tacab ku gaadhnaaye 
    Gob waxaan ku nahay guunyadiyo, badaha guuxaaya 
    
    Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi 
    Garka iyo wadnaha ruux la jaray, waa galbanayaaye 
    Galawga iyo fiintaa ka ciya, roobka soo guda e 
    Xidhadhkii gasiinkiyo ahaa, gaadhka iyo hooska 
    
    Quruxdeenna gaarka ah haddii, ganacsi loo qaado 
    Nin garaabo siistiyo haddaan, gudinta loo diidin 
    Innagoo gumawna iyo caydh, gororku weeyaane 
    Nimanyahaw ammuuraha gedmada, ee la garan waayo 
    Naf go’daanu celinine nin ragihi, waa gorfayn jiraye 
    Guntadoo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne 
    
    Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi 
    Cirka gudhay gu’gaa baaqday waa, galabsigeenniiye
    Gellin socod dadyaw looma jiro, guusha Eebbahaye
    Innagoo gardiid noqonno oon, garannin mooyaane
    Galladaha Ilaahay ka dhaw, gibidh isheena ahe
    Haddii aad gacmaha hoos dhigtaan, waa godlanayaaye
    Geyigeennu wuxu noqon lahaa, godan barwaaqaade
    Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne
    
    Goobtuu ku hoorana ma qoyo, geedku Genayow e 
    Daadkaa galgalad nooga tagoon, xididka gaadhayne 
    Gebiyada biyaha goostay ee, naga gaddoomaaya 
    Gacammada haddii loo xidhoo, gudubka loo leexsho 
    Gubasho iyo oonka ina helay, waan ka gami’layne 
    Geyigeennu wuxu noqon lahaa, godan barwaaqaade 
    Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne 
    
    Gudbay oo haddana baylah kale, layga gacan haadi 
    Ahminkaa gurguuranaya iyo, gorodda noo joogta 
    Gammaanka iyo geesley dhammaan, guunyada aan hayno 
    Goodirkiyo ugaadheena iyo, gorayadii heeryo 
    Guyaal joogi maayaan haddaan, geedka loo tudhine 
    Guntada oo ka kaca yeynu noqon, gegi habaas weyne 
    
    
    
    Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin 
    Noo geli raggeenniyo kuwaan, haatan garan weynay 
    Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin 
    Noo geli haweenkiyo gabdhaha, guudka fidhanaaya 
    Allahayow gacmaha hoorsannee, barako aan guurin 
    Noo geli gurboodkiyo dhallaan, guriga noo jooga 
    Allahayow gacmaha hoorsannee,barako aan guurin 
    Noo geli daruuraha giblanee, guudka naga maydha 
    Gu’ onkoday xareed galacle iyo, rays gabbala yeesha 
    Oon gufaaco xoogliyo lahayn, gaydh wax naga laysa 
    Guullow Allahayow na sii, gacani waa taaye 
    Guntimaha isdhaafiyo Allow, garawgu noo beermo 
    Gasiinkana Allow nooga yeel, midhaha gaaxdooda 
    Oo maalka naga gudhan Allow, godol ku soo jooji,  
                   Aamiin 
    
    
    
    
    
    
Baal Dahab   Dib U laabo

    
    
    Gabaygan la yidhaa Baal dahab waxa tirisay Canab Guuleed
     sannadkan 2011ka waxayna kaga qayb gashay oo ay ku soo 
    bandhigtay carwadii buugaagta ee sannadkan Hargeysa lagu 
    qabtay.Canab waa badhiggii saddexaad ee ay Hargeysa kaga qayb gasho. 
    
    
    Bilawgiiba furaheenna waa, lagu badbaadshaaye 
    Baal kama maraynoo belaa, lagu xijaabaaye
    Bismillaahi barakada Allaa, barada noo taalle
    Isusoo boqoollaye dadow, barashadii waarta
    
    Baxnaanada waxaan dhawri jirey, haatan beegsadaye
    Barbaartii dalkeennoo sidaa, gole u soo buuxshay
    Baahidana waxay tabanayeen, beledka loo keenay
    Bandhig, buuggan loo baratan yahay, baaq isugu yeedhay
    Waa wax lagu badhaadhoo qalbigu, nagu bogsoodaaye
    
    Bogga kale haddaan dayo sidii, aan u kala baahnay
    Bayhoofkii nagu dhacay markaan, bara kacnee guurnay
    Kolkuu bahal u soo dhacay dadkii, badaha sii jiidhay
    Bari iyo galbeediyo intii, baallaha u yaacday
    Beertay dhashee beelo kale, baylah kala raacday
    Berritaa waxay nagu af garan, baaqa geeddiga e
    Baal dahaba buu noogu yaal, buug ninkii qoraye
    Beertaan dhallaa baa u hadhi, bohoradeenniiye
    Waa baratan duniduye dadow, baadida asteeya
    
    Nin birmada nin baaqiyo midkii, soo bidhaan urursha
    Nin u booya kii beerraqiyo, nin u buseelaaya
    Nin baxsada nin boobiyo ninkii, baylahda ilaasha
    Nin waliba wuxuu beri qabtay, beeshu werisaaye
    Buug wixii ku yaal bay bulshadu, beri u aydaaye
    Beertaan dhallaa baa u hadhi, bohoradeenniiye
    Waa beratan duniduye dadow, baadida asteeya
    
    Bishaaree waxaan bixinayaa, hadiyad buura ahe
    Berrigeenna nabaddiyo ilaa, baradan aan joogno
    Beledkii Jabuutiyo ilaa, Kilalkan baasheenna
    Bari iyo galbeediyo ilaa, badhaha Soomaali
    Badanaa dadkaygow kuwaan, beerka ka ogsoonay
    
    Ragga diinta noo baahiyee, baawarkaba haysta
    Barbaar hawlkariyo baarri dumar, odayo noo baaqa
    Bahda dhaqanka buug ruux qoriyo, baaxadda abwaanka
    Badanaa dadkaygow kuwaan, beerka ka ogsoonay
    
    Baallahayga kuwa jooga waan, booqan karayaaye
    Dadka beled shisheeyaa ku maqan, een is baran doonno
    Birta hadalka qaaddaay dhammaan, baahin ugu faafi
    Billadaha dadkaan siinayaan, soo bandhigayaaye
    Sed billaydh yar lagu soo ridoo, beelo lagu sooray
    Kollay baahi-beel ma leh dhadhamo,barako mooyaane
    Dadka qaar na wow burinayaa, waanse baqayaaye
    Ba’da kuma astayn karo dadkaan, beegso leeyahaye
    Bahdaydaay dulqaad ila ogow, weydin badateene
    Baal dahaba buu noogu yaal, buug ninkii qoraye
    
    Bi’i waaye Aw Jamac baa, buunka noo tumaye
    Beegsiga Rashiid baa ka dhigan, biixiyaha dheere
    Boorama ninjoogoo Camuud, baarka sare haysta
    Been haddaan la sheegayn Sulee, waa bardaan culuse
    Bar tilmaan waxaa iigu jira, Boobe ina Yuusuf
    Belo-ma-arke Aw Geeddi baa, baahshay dhaqankiiye
    Birlab Jaama Muusaa ka badan, boqol halyey yaahe
    Baarrida Ayaan baan u bogay, baaxadday tahaye
    Bilistii haween waxay ku tidhi, boqorad noo dhalatay
    Baga iyo bagee ay rag badan, baro ka dheeraatay
    Inay baarka sare tahay ayaa, kaga bakhaylaaya
    
    Cabdi Guri barwaaqaa ka culus, buurti Jabal qaafe
    Barbaartii Jabuutaan rag badan, beerka ku hayaaye
    Beleloo iyo ina-Xaaji baan, baaq u dirayaaye
    Riiraash na uu naga bukaa, Eebbe loo bariye
    Rabiyow ninkaa noo bogsii, waa bud-dhige weyne
    
    
    
    
    Barbaarsame ninkii qoraan wax badan, baafis u ahaaye
    Billad dheemanaan siinayaa, Baashe ina-Xaaji
    
    Dadka badan waxaan Baasha-yare, baro u dheereeyey
    Hooyadii wixii ay bartiyo, beesha dhaqankeenna
    Barkhad-qabe xilkii bogay intuu, baadidoon tagaye
    Dhaqankeenni baaduu ka qoday, godiyo booraane
    Badhaadhaha adduunyada haween, waa barta u mudane
    Hableheenni bilicdiyo lahaa, arag bidhaan nuurta
    Basarkiyo hablii lagu yiqiin, baarri dhaqankeeda
    Baqashada hablii aan aqoon, beratan mooyaane
    Bariidiyo bidhaan halacsigay, barasho joogtaaye
    Hablihii ninkii beri arkaa, baafin jirey waayo
    Baydida hablii nooga tegey, badaha suugaanta
    Bayluuli quruxliyo baftiyo, beeg subeeciyada
    Boqorkiyo dhaclaa iyo hablii, balagga loo raacshay
    Sindiyaha gacmaha lagu biliyo, bidix cunnaabaysan
    Jeeniqaarka beerkiyo dhexdiyo, adhaxda beegaaya
    Timaha baal haldhaaga ah habli, tidic ku baandheeyey
    Barkimada hablii looga dhigay, baydhsanka asluubta
    Hablii haybaddoodaa baxsanee, laysku bara dhaafshay
    Berrigeenna nabaddiyo ilaa, baradan aan joogno
    Beledkii Jabuutiyo ilaa Kililkan baasheenna	
    Bari iyo galbeediyo ilaa badhaha Soomaali
    Baydida hablii nooga tegey, badaha suugaanta
    Barni iyo Busaad iyo Basriyo, Baarcad ina-Xaaji
    Wixii ay buraanburiyo gabay, amma ba’lay heesa
    Geeraarro bilan iyo sitaad, ubad-ku-baashaalka
    Botorkiyo ciyaaraha dar-bila, hawl in lagu beego
    Iyo baaqi sii raacayoo, aan ka bogan waayey
    Oo baylahoo kala lumuu, buug ku soo qoraye
    Boholyowgi aan qabay wuxuu, baahi iga gooyey
    Boogaan dareemaayey buu, baan u soo helaye
    Basaasta iyo diiftii ku tiil,baarka timahayga
    Burcad lagu subkuu noo heloo, waannagaa bilane
    
    
    Baashow balaayada adduun,baal lagaa mariye
    Beerkiyo wadnaha iyo indhuhu, kuma bukoodaane
    Biixiyaha Ilaah kaaga yeel, baaxad iyo xooge
    Badhbadhaadh ku noolow intaad, baaqi sii tahaye
    Aakhirana bushaarada jannada, lagugu soo beegye 
                                                                                      
                                                                              
          Aamiin
    
    
    
Soo SOcda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.