Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha   |
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

                                           Mahadhadii Ibraahin Xuseen Ismaaciil "Cirrosuge "

Tusmada Mahadhada

Hordhac

Heesta Calanka

Fariinta Geela

Fariinta Adhiga

Fariinta Lo'da

  Mahadhooyinkii

    Ibraahin Xuseen Warsame "Cirrosuge " Heesta Calanka

HEESTA CALANKA DALKA SOMALILAND.

Cirro


Calanyahaw babanayaa
Dhaaxay casuusiyo
Cawlaanka boodhkiyo
Ciiradu ku saarayd
Cuseyb duugi kuu xigay
midabkaagu caawana
Casaan iyo caddaaniyo
Waa cagaarka dooggoo
Caadil magaci lagu dhigay.


Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow.


Cilladii sal guurtoo
Cilmi iyo aqoonbaa
Caqligii yaboohshoo
Collob gaaxsanaydiyo
Cimilada haboonbaa
Carradii ku baahdoo
Dhalinyaro cuddoon baa
Ku caleemo saartee
Cawri iyo ilba la’aw
.

Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow

Cirkii baa da’aayoo
Balliyada camirayoo
Cuudkii baa dhalaayoo
Qawl caaro bixiyiyo
Cosob iyo tigaadiyo
Kob caleen leh joogoo
Caanihii la lulaybaa
Codcodka iyo faarkii
Weelka laga cidaadaa.


Heegan ciidankaagaa
Kaa ilaasha cadawgoo
Culumadaadi diintiyo
Carruurtiyo haweenkaa
Ku salaamay calanyahow.


Waxaa heestan calanka tiriyay Dr: Ibraahim Xuseen "Cirro Suge"

Taariikhdu markii ay aheyd October-20-2003.
Abwaankaa oo ka tirsan bahda Somalilandcenter.
Waxaad ka heli kartaa admin@Somalilandcenter.com


Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa suugaanta oo la muujiyey inay la hano-qaadayso noloshan casriga ee la isticmaalo telefoonada, Waanakan qaabka uu Ibraahin Xuseen Ismaaciil u adeegsaday suugaanta isagoo raba inuu u sheego qofka la soo hadla isagoo maqan ama aan haleeli karin inuu ka jawaabo Telephoonka inuu fariin u dhaafo halka dadka qaarkii ay adeegsadaan luqada qalaad-Fu,aad Sh…

Fariinta Geella            Dib u laabo

Awrkii Koortan Lahaa
Haddii uu kor u foofay
oo uu kaymo doog leh dhex joogo
ama uu kambadhuudhoo
kambalka uu dabran yahay
koranka soo hadlayoow
adigoon kardhanayn
fariin kooban u dhaaf.
Fariinta Adhiga            Dib u laabo

Sanqadhiisa Aleelkan
Sumalkii maqli waa
Saamalaylka ahaa
Sardhana wuu ku jiraa
Muu Saamamurin haatanee
Sogobka soo ciyayoow
Sawd fariin ah u dhaaf
Sumadaad ka hadlaysiyo
Sawracaagana sheeg
Heesta Lo'da

Dawankiisa aleelkan
Dibigii maqli waa
Dooxadii Mulaclayiyo
Sabo Doonad ku taal
Oo Doogu joogo cirkaa
Ayuu Lo’da daajinayaayoo
wuu dakaansan yahayoo
Dugsi buu yar dhakoolee
Ka Danaaniyayoow
Adigoon degdegayn
Dib ha usoo celiyee
Magacaaga u duub
                     
Dib u laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho:
  • Wargeyska Hal-Aqoon-Barwaaqo
  • Waraysi Abwaanka Laftigiisa-Fu,aad Sh.

  • Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
      Tusmada Mahadhada

    soo socda

    soo socda

    soo socda

    Soo Socda

    Soo Socda

     |