Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

Gabdhihii Gayigaygoow

“Bal eeg wejigaagan heeran, Maxaa haragii ka saaray”

    
    xafflad balaadhan oo aad loogu maamuusayey Gabayaagii wadaniga
    ahaa ee C/laahi Suldaan -Ilaahay ha u naxariistee-ayaa lagu
    soo bandhigay arimo badan oo saamaynaya bulshada.waxay munaasibadu
    ka dhacday degmada Gabilay. Waxa haddaba dadkii halkaa joogey ay
    aad uga heleen Maanso ay  tirisay Gabadh magaceeda la yidhaahdo
    Sabaad Cali Cumar oo ay ugu magac dartey "Gabdhii Gayigaygoow".
    Waxaanu haddaba halkan ku soo qaadeynaa Maansadii ay Sabaad
    tirisay .
    
    waxay tidhi :
    
    Gabdhihii Gayiganaw garasho iska dhaafoo gob-jabtaydun noqoteen ,
    Garayskiina diidoo, Garan intaydun xidhateen
    goonyaha maro ka furan iyo wax guracan ku socoteen,
    Guduud aanad u dhalan iyo Guud cad wada jeclaateen,
    dhaqankii Gayiga iyo gees marteen Asluubtii,
    Garna waxaa la dhigateen, Hiddaheena gaarka ee wakhtigu ka gaabshee,
    Hadhaagii idinka soo hadhay,ishaa gibidha haysoo,
    gacmaha saara madaxoo, Garan waayay aniguye, Gob jabtayna maxay tahay?.
    Ma xadaarad gaadhbaa ? Ma halagu guursadaa tani ?,
    xaajadaan la guuxoo go’aankiina weeyee
    Gabayaaga joogiyo, Gaariyaa la weydiin.
    
    * * * * * * * * * * * * *
    
    Markaa guriga diidaan, galabtii carawdaan,
    Gaagaabsi daayoo Gurxankiina suuqyada,
    Gadh-cadaagii yaabeen, Guur ha iska joogee,
    Guul dariyo ciilbaa Gayaankiin u haysaan!,
    Gebagebadii waxaan idhi idinka gaabsan maayoo
    jidhku wey gilgilaniyo, haddaad garasho leedihiin.
    Guulihiin ka yaaboo Diinta gaar u haystoo
    laabtiina galiyoo xijaab Giigsan qaatoo,
    ha gees marina xishoodkii gabadhnimee,
    dhaqankana garowsada.
    
    * * * * * * * * * * * * *
    
    
    Gees kalana Gabbanadan gefka wayn ku jira ee,
    hidihii gooyay baan odhan, Isgiigiijin maahee,
    Surwaal gorada hoos iyo goonyaha u waynoo,
    Googorad la moodaad gayigii ku maraysaan,
    giir-giirte timihii, geesihii ka xiirtoo,
    guud dheer la soo hadhee, Addoon gaadhin waayeel,
    Geedkan aydun barateen, een gaajo reebayn,
    Tacliintii gar-gaarkiyo guusha aad ku hananleyd
    Dugsiyadii u goyseen,
    
    * * * * * * * * * * * * *
    
    Sidii guuman aad tihiin, Gawsihii idinka soo riday,
    Geedkan maad iska daysaan ?  Gayigiina Hodanka ah,
    Geedo maad ka beertaan, muruqiina gelisaan,
    Gaajada dadkiiniyo, Gunnimada ka reebtaan !!..?
    
    * * * * * * * * * * * * *
    
    Waxa Maansadaa Tiriyey :
    Sabaad Cali Cumar.
    Gabilay-Somaliland.
    
    
    
    
          

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.