Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Xasan C/laaahi "Xasan Ganay" | 

Tusmada

Hordhac

Sayloo


Gorgor

Geediga
Hayaanka


Fiidmaar

Soo Socda

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa aqoon guud oo sida aynu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Sayloo    Dib U laabo

    Sagal gaaxday roob subax	 Seerma weydo soo guday
    Waaguna ku sara kacay	         Sara  joog nindherekii
    Cadceeduna la simantahay	 Nuurkuna sabootiyay
    Oo waqal sindadabiyo	         Guulaamo socotiyo
    Kala soocday dhibicdii           Oo midab sibaaqiyo
    Madow suul dhalaal xiga          sadexdaa mid uun yahay
    Qof suureeyay kala garan	 Oo beel sanaagiyo
    Ku surmiday saraar gudhan	 saadaalinaysoo
    Bal inuu ku sima iyo		 sugayaan inuu helo
    Subaxii bariisada 		 Sideedaan jaleecada
    Saxansaxo udgoon badan		 Sanka kuula raaca
    
    	  
    
    Gorgor   Dib U laabo
    Googaa wax muuqdow, gocashoy dheh cigalle Maalmahanba guuxiyo, gaagaabsi baa jiray Wax maanka gada iyo, garashoy ma muranteen Maalmihii gudbaayoow, ma idinkaa gabaabsiyey Gow iyo ma hurin baa, malaha waa guduutiyo Gabbal dumayba muu hadhin, ma gilgilay guntiinii Xaajadu gonda xumaa, ma adduun-geddoon baa? Mise waa waa gedeedoo, iyada galgalatee Guul baa uraysoo, nasri geeddiyaa yimid Geshigeedu yaab lehe, godol iyo ma qooq baa? Saadaashu meel godan, ha inoogu gorortee Iyadaa gendaal dhalan, guntayoo haddana furay Gorgor yimid Hargeysiyo, Geney weeye faalladu Gacan-qaadna wuu dhacay, marka hore warkii guud Inaad laba gu’ iyo dayr, gobolkan waqooyiga Geestiisa bidixee, Goljano aad ku noolayd Na soo gaadhay sheekadu, marka xiga warkii gaar Fulayahow gabbanayaa, ma geyaan cadkaagee Isgalluubintaadaa, gibilku xanuunoo Waa qaran abaal gala, inaad gudeyso mooyaan Marka xigana gacaltinimo, maalmahanba gaarridu Gogoshaa xariirta ah, aday kuu guraysoo Gaashaandhigeedaa, kuu gaardinaayayoo Gabdhihii mashxaradaa, gaar kuu sugaayoo Gurboodkiyo carruurtaa, ubax wada guduutiyo Giraan kuu ruxaayoo, Garabsaar rag weeyoo Gole aad ku hirataa, guddi loo xilsaaroo Marti goor xun kuu timid, gabbaan laguma sooree Wanan badhi gurguurtiyo, goolal baa la qalayoo Midhihiyo gadhoodhbaa, kuu sudhan gedaankoo Waa gole macsuum ahe, kaa guddoomayoo waa kane Guntayoo haddana furay, gaajadii ku haysaan U gaalgaalay hadalkee, kol hadduu raggu isgalo Gar ma kala dhaqaaqee, maradii gondaha tiil Waxaan geeyay lowgee, adiguna guntiga xidho Ninka loo geb baxayoow, adiguna ha gooddiyin Fardo goonni haysiyo, gacamo is hirdiyayoo Leexo is galaashoo, tiix gabano wada iyo Yaxne geed ku naban iyo, gowdyahan gufaaciyo Galaa foolanaayee, iska giiji shaqalada Gorgoryahow lugteenuna hal gariirtay maahee Gudcur raacda socotiyo, waa guura bahallayn Dhulku waa gabaahiir, giriyaadna wuu hadhay Weli guurku waa bixid, giddi habar-dugaag baa Goonyaha ka ciyayoo, mas gurguuranaayiyo Good baa shanqadhayee, wadnuhu yaanu galow odhan Nafta gaajo yay qaban, gowdiidsi kolay tahay Gama’ iyo hurdana daa, nabarkaa gunaadka ah Ceebaha ku gaaxdiyo, eel gudaha jiifiyo Laxowgaa garaacayaa, halkuu gow ka leeyahay Dhibka jeeroo la guro, gaaroodin maynee Haloo geliyo dambaskuu, guntayoo haddana furay Gorgor daayoo dirkaagii, haad lala’ iyo Mid geed fuushan mooyee, awowgaaba muu gelin Gurigan aad u hoyatee, maxaad uga gol-leedahay? Gorgor xoolo raaca, geyiguu u kowyee Ri’da geeska weynee, siday tahay gammaan faras Guudka aad ka fuushaa, waadigan gargoortiyo Geedaha ugbaadka ah, afka ugu guraayee Guunyada ka sheenee, ganankiyo halgaaddada Ku soo gedlanaayee, ma gantaal jacayl baa Kaa gaadhay halistoo, halkuu kaaga ganay baad Gaaddada ku haysaa? Su’aalihii gun iyo baar Anigoo gunaanaday, gorgoryahow ku soo durug Gedbax oo i deeqsii Gorgorkiina wuxuu yidhi, marka hore abaalgudid Qarankiinu waa gobe, waxaad iiga geysaa Mahad aan gaboobayn, marka xiga Genayow Aqoontaadii gabaydaye, shaxdan geedka taallee Goob iyo barbaarkii, way kaa gunweyntee Garashada cilmi u doon, sirta Gaarriye u dhiib Gudbantii Hadraawiyo, Gees Cali ha loo dego Gaadhsii raggeedii. Soo gudbiye: C/Raxmaan Maxamed
    
    Geediga    Dib U laabo
    geediga hayaankuba goor gaaban adigoo guri waaya laga baxay iyo ood aad gurataaba gabalkiina kuu dhacay dhirtaba geed aan la jirin ogoow lama garaacaha go'i waayay inuu jiro gar alee dadkuna qaar waa sidaa gadeeno mar hadaynu nahay gacal marna ahay gayaankaa gaar ahaana caashaqu guudkaaga igu furay garashada xauuso isii gacan walaalnimo
    
    Fiidmeer   Dib U laabo
    Xasan Xaaji Cabdillaahi "Xasan-Ganey", waxayna soo baxday sanadkii 1980kii. wuxuu yidhi:- Marbuu foolxumo ka koray-Allaha faxanbaa asturay Sadana muu fahamsanayn-Firuu duubkii la tegay. Fas dahabuu dhigay khamaar-Farsamo aan aadmi tubin. Fahdii baa lagaga helay-Fursadda walqasheediyo. Fiduhu may kala dambeyn-Halkaa lagu faataxee. Markuu faashluhu khaldamay-Inuu fidhmay muu ogaan. Ninkii finjiriir ma kicin- Fuulfuul waa caadadii Halkiibuu fooraraa- Raqdii buu fadhanayaa. Firaaqana wuxuu u helay-Ammaan uu faalalsaday. Qabiilkuu faafiyaa-Fadqaladuu daajiyaa. Naxliga faxalbuu ku yahay-Macsina wuu wada fatahay. Faquuqbaa lala tashaday-Finkaa baanaa la yidhi. Fiixdaa saarbaa la yidhi-Fidmada daa baa la yidhi fadhoocigu diid garta ee-Bartii fiintuu ka riday Xaquu faraciisa jaray-Fankii qarankuu lunsaday. Dhaqaalihii baa fakhriyay-Dulmaa food isla galay La,aanbaa timi firkada-Dadkoo gaajo u findigay. Halkaa faqash wuxuu ka yidhi-Faa’iidaan taaganahay. Walwaal faantuu wadaa-Fud weynbuu riixayaa. Buur dheerbuu fananayaa-Gadaal ula faagashada Cabbaar wuu firix dhabtee-Fig baastaa durugsanayd. Halkaa faqash waxa kaga dhacay-Wixii faraqa ugu jiray. Marku faashluhu khaldamo- Ibleyskuna fidhiqtankiyo Falaadkiyo gubashadiyo-Fajaasada wuu yaqaan. Fuluhu boogtiisii arag -Dambiga meel kale ku fiiq. Fadhigii wuxuu yidhi ka kacay -Hayeeshee faaraxaw. Falaadhu gilgilashadii-Fircoon may kaga gu’inee. Foocaarbaa soo shalwaday-Fooruhu wuxuu sidayba keen. Fagaarana way ahayd -Finigina wey jirtaa. Faqbaa hoos loogu yidhi-Fiintaa roob kaa taqaan. Hortaabay foodhyi lahayd-Fidhada caalwaagu wado Miyaa lagu faanayaa-Fadkee lagu guulayaa Filkii mo’og waalanaa-Miyuu fooldhaqan yaqaan. Faqbaa hoos loogu yidhi-Fuqii been sheegaayay Faruuryuhu balaqsan yihiin-Faqbaa hoos loogu yidhi. Riduu orgi foofiyuu-Fuuleed ugu yidhi hadhkii. Anaa kagu filanee daaq-Baqana fiidkii lahaa. Halkeen kuula firdhadaa-Faciisii hebel miyaa ?! Magaankuu fuushanaa-Inuu fagal gaabis yahay. Markuu fiirsaday gondaha-Dabayl fowfow lehiyo. Maxaa falanfooli timi-Fur iyo boorbaa ku go’an. Faqbaa hoos loogu yidhi Maxaa ceeb feedhatoo. Timaha sino loogu furay. Shinkeeda u foolatayee. Fadeexad ninkii kufsaday.Maruun filanwaa ku yimi. Fadaro uurkii ku nacay. Fajaciisaa lala irmacayaa. Fuushadu inay duli lahayd. Haddaan laga sii fekerin. Fufkuna caal barar layimi. Farakha Aabbaa dhalayee. Maxaa loo fiigayaa. Fiidmeereey waa aroor. Maxaa boog fadhida neceb. Gacmaa lagu fiiqayaa. Fiidmeereey waa aroor Maxay habar fooxisiyo Faal been kuu sheegayaan. Fiidmeereey waa aroor. Maxaa fiqi saahidiyo. Intii faral iyo sunneba. Sujuud ugu foorartaa. Ilaahbaa ferej baxshee Baryada samada u furan. Maqbuullada laga fasaxo Far iyo suul lagugu qaad. Habaar kuusoo faraa Fiidmeereey waa aroor. Maxaa foojiganayaal. Guushooda u fooganiyo. Bulshada faydane ku jira. Muxuu foogada bannaan.Fidaa’igu eegayaa. Sidii loo fulin lahaaba. Maxay falanqaynayaan. Fiidmeereey waa aroor. Maxaa hanad fiicaniyo. Farshaxan suugaan tirshiyo. Fashiistooy Aabbahaa Waagii fool saa la yidhi. Gumaystihii wada firxaday. Wixii ferenji iska tagay. Kolay Faransiis ku tahay Haweenkii ficiltamee. Kurtood fayga u jariyo. Farriidkuna taahayaan. Shantaa dheh fadhiisinkii Markuu fasalku is bedellay. Faqii waa laga koree. Ka fool waxa loogu yidhi. Ninkii fiitada lahaa. Adduunyadu filin ahaa. Ninkay farxadda u listee. Markuu dhamo falanfalxada. Ayaamo faxaaxsadaa. Inuu fajac iyo dhibiyo. Xumaan ka finaaqi karo. Ma fahamsane waa ma jire. Ka fool waxa loogu yidhi felegga kugu yuururiyo. Waqtigu kugu faadhumee Waayuhu kugu fidi lugaha. Waxaadan fileynin iyo Falaadhiba waa naxdinee. Taladu way foolxun tehee. Miyaan fidhi kugu go’nayn. Ka fool waxa loogu yidhi Hadday foojigo wax tari. Sowtii Faacuul la dilay! Sidii Faraw iyo ugaadh. Raggii fadalkaaga guray. Faagaray kugu qabteen. Faalgureyana wey sitaan Bankuna food saaro ma leh. Furuqa oofaha degiyo. Fantana adigaa qarsaday. Muxuu foodhyaamayaa. Fogaa meel laga qufacay. Faraa kaa yaal jannada. Ninkii Faqatiir ahaa . Furaashkiisii ku olol. Waakaa doobbigii fatahay. Dukhsaa fuud kulul ku dhacay. Dhamaan ficiliyo dhacdana. Kolay tahay firi hadhuudh. Findhicil qudhi kama maqnee. Faafreebkaygu jiraa. Maxkamaddii waa la furay. Fircoonbay saarayaan Fayl weynbay daba sitaan. Ciyaal way foodhyayaan. Wadani wuu faraxsan yahay. Dadkuu wada feentaye Dhiiggiisii fuuqdasiyo. Fiqiirkuna waa mudici Falag-guna marag u noqoy. Fuulfuul waxay leeyihiin. Faduul iyo waa Berbera. Faduushii geysay waayee. Naftaada adaa falayee. Sideed u furdaamin kari. Maxaa Faqash helay wacdaro Soo gudbiye: C/Raxmaan Maxamed
    Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
    Xigasho: Mareegta Kaydka Suugaanta

    Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
  Tusmada

Soo Socda

Soo Socda

Soo Socda

Soo Socda

Soo Socda

 |