Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

Aabbihii Waxbarashada: Maxamuud Axmed Cali

    Waxa igu takhlan wax badan. Waxaan tebanayaa wax badan. Waxaan tiigsadaa wax maqan, waxana tasoobi kara wax badan.Tilmaanta lagu soo baadi sooci karo magaca Maxamuud Axmed Cali in ay tahay Aabbihii Tacliinta ummaddeenna waa arrin lagu wada qanacsan yahay oo aanu maanta muran ka taagnayn. Hase yeeshee waxa tabashada dareenku sii kordhaysaa, guhaad iyo canaan kobocsan oo qalbiga ogoggiisa ka soo go’ayna kugu taagmayaan marka intaas hoos looga sii daadego ee wax la iska weydiiyo sooyaalka iyo taariikh-nololeedkii shakhsiyaddaas mudan,shakhsiyaddaas magaceedu maamuuska iyo milgaha leeyahay,shakhsiyaaddaas maqaamka sare ku leh taariikhda ummadda,godka ma-guuraanka ahna ka fadhiisata sooyaalka ummadda iyo dhigaalladeeda ay ku dhaashato, kuna indha kuulato ee hiraalkeeda ku astaysan.  

    Dad badan oo weliba u togan inta isku tirisa in ay aqoonta ehel u yihiin, waxna barteen, ayaa waxa aanay ogayn ama aanay soo rogan karin wax dhaafsiisan ama ka durugsan in Maxamuud Axmed Cali ahaa Aabbihii waxbarashada, waxana suurta gal ah in dad badan oo jiilasha dambe ka mid ahina aanay xitaa intaasba haynin, in xitaa magacuba aanu maskaxdooda ku jirin, soona hor marin ogaalkooda. Miyaanay suurta gal ahayn in magacuba tasoobo, in da’faceedda hadda koraysa iyo kuwa soo socdaaba aanay la kulmin magaca Maxamuud Axmed Cali iyo inta kale ee inta badan ka mudan! Ma jirto dunida guudkeeda meel iska bannaani. Halka wax ka baxaan iskama bannaanaato ee waxa buuxiya wax kale. Tolow maxaa dhacaya haddii magaca Maxamuud Axmed Cali iyo hebello kale halkooda ka baxaan? Miyaanay suurta gal ahayn in wax sawaaban oo taban, boolina ahi soo baxaan oo halkooda fadhiistaan! Ummad aan taariikh sugan lahayni waa ummad aan jiritaan sugan lahayn!

    Halistaas bidhaamaysa ayaa joogtaynaysa in loo hollado in la raadiyo, waxna laga qoro duug-yaal badan oo tiir-dhexaad u ah taariikhda ummadda iyo hidde- sidayaasheeda ay ku dhaadato. Maxamuud Axmed Cali Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid yahay tiirarkaas waaweyn ee sooyaalka ummadda, waxanu macagiisu buuxinayaa oo lagu soo baadi-sooci karaa tilmaansi-ahaan nuxurka ereyadii Alle ha u naxariistee C/laahi Qarshe : Aqoon la’aani waa iftiin la’aan. Waxa uu Maxamuud ahaa aasaasihii iyo hirgeliyihii waxbarashada casriga ah, waxanu ahaa macallinkii suurta geliyey in ay tacliin qaataan oo wax bartaan, aflaxaanna koox ahaan in badan oo ka mid ah qalinleydii ugu horreysey ee soomaalida.

    Maxamuud Axmed Cali waxa uu ku dhashay gobolka Togdheer, degmada Burco hilaad-ahaan kala guurkii labadii qarni ee tegey (dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad). Waxa uu Maxamuud waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay magaalada Berbera dugsi ku yaalley oo wax lagu bari jirey arday isugu jirtey Carab iyo Hindi. Waxa uu ka mid ahaa arday fara-ku-tiris ah oo soomaali ah oo dugsigaas loo oggolaaday. Sannadkii 1919kii waxa waxbarasho loogu diray waddanka Suudaan, waxanu tacliintiisa ka bilaabay magaalada Khartuum kulliyad lagu baran jirey macallinnimada oo loo yaqaanney Bakhta Al-Ruda. Dhammaadkii tobanlihii 1920aadkii ayaa Maxamuud Axmed Cali ka soo laabtay waxbarashadaas.

    Markii uu gumaysigu soo galay arlada soomaalida waxa la yimi oo weheliyey kooxo horseed u ahaa waxbarasho ka soo jeedda oo laga soo dheegtey Diinta Kiristaanka. Waxa 1891 dugsiyo noocaas ah oo Baaderi (wadaad masiixi ah) madax u yahay laga furay magaalada Berbera iyo Bulla-xaar. 1905- tiina waxa laga furay magaalada Saylac. Waxa dugsiyadaas ugu caansanaa Dhaymoole oo ahaa duleedka Berbera. Dadkii soomaalidu waxa ay ka hor yimaaddeen furitaanka dugsiyadaas. Waxa soomaalidu la diiddanayd ubadkooda in la baro diin aan ahayn diintooda Islaamka, waxana soo baxay dareen muujinaya in qasdiga ka dambeeya iskuulladaasi uu yahay mid la xidhiidha fidinta Diinta Kiristaanka. Sidaas darteed way xidhmeen muddo ka dib dugsiyadaasi. Iskuulladaas Baaderiga raggii ugu horreyey ee waxbarashada ka bilaabay waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Xaaji Faarax Oomaar, Xuseen Kaatoli, Ciise Faranji, Axmed Cali (Maykal Maryama aabbihii), Fideer, Maxamuud Diiriye Suulaawe iyo qaar kale. Waxa markii dugsiyada Baaderigu xidhmeen nimankaas loo qaaday dhinaca magaalada Cadan oo looga sii ambaqaaday tacliintaas Baaderiga.

    Markii uu Maxamuud Axmed Cali waxbarshada Suudaan ka soo laabtay, waxa uu noqday shaqaale dawladeed. Waxa uu Maxamuud ku baraarugsanaa ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, waxanu ka dheregsanaa oo fahansanaa khilaafka dhex-yaallaa soomaalida iyo maamulayaashii gumaysiga. Sidaas darteed waxa uu ka fekerey in ubadka soomaalidu ay helaan waxbarasho ka duwan taas fashilantay ee Baaderigu hormuudka u ahaa. Waxa uu isku taxalujiyey in gumaysigu taageero u fidiyo rugihii waxbarashada ee soomaalida oo ahaa malcaamadihii qur’aanka, si la isugu soo taago oo ubadka loogu oggolaado in ay ka qayb qaataan barashada aqoonta kale ee caadiga ah oo Maxamuud Axmed Cali uu gadh-wadeen ka ahaa. Waxa uu Maxamuud Axmed Cali la noolaa dadkiisa, waxanu hiil u ahaa, una taagnaa sii horu marintiisa. Waxa uu daba joogey dedaalkii soo taxnaa ee Sh. Yuusuf Kownayn ee Alif wax maleh, Ba’ hoos ku hal leh ama Alif la’ kor-dhabey, Alif la’ hoos-dhebey, Alif laa godey, waxanu ku qanacsanaa in hore halkaas looga sii heetiyo oo tallaabo kale la sii ruqaansado.

    Maxamuud Axmed Cali waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u koray in uu aqoon ku ababiyo ubadka soomaalida iyo sidii loo heli lahaa goobihii waxbarashada lagu siin lahaa ee la isugu keeni lahaa marka ay malcaamadaha ka soo aflaxaan. Maxamuud waxa uu geli jirey safarro dhaadheer si uu u soo ururiyo carruur waxbarashadaas ka qayb qaadata. Waxa uu kaxaysan jirey rakuub (awr la fuulo) ama faras, waxanu dhex mari jirey dhulka daaqsinka ah ee beelaha xoolo dhaqatada reer guuraaga ah ee soomaalida. Waxa uu weydiisan jirey in ay 20 ama 10 ama 5 wiil ku daraan, si uu u geeyo goobaha waxbarashada. Inta badan waa lagu diidi jirey arrintaas, meelaha qaarna waxa uu kala kulmi jirey or iyo canbaarayn. Dadku waxa ay uga biya-diidayeen waxbarashada casriga ah, waxa ay ka dareen qabeen dugsiyadii bilowga ahaa ee Baaderigu hor kuutinayey, hase yeeshee Maxamuud Axmed Cali waxa uu aqoonsanaa, una muuqatey baahida loo qabey in la abuuro waxbarasho maaddi ah oo la jaanqaadi karta diinta iyo dhaqanka ummadda oo aan ahayn taas laga wayiigayey ee baaderiyeysnayd.

    1929 oo ku beegnayd xilligii uu Maxamuud waxbarashada ka soo laabtay, waxa dhulkii soomaalida ee uu Ingriisku xukumi jirey (British Somaliland Protectrate) ka furnaa dhowr iskuul oo Ingriisku maal gelin jirey, niman waddaado ah ayaana ardayda ugu dhigi jirey qorista iyo akhriska carabida iyo barashada xisaabta. Dhinacii kale Talyaanigu xukumayey ee Koonfurta waxa xilligaas si fiican uga hana qaadayey dugsiyo badan oo hoos tegayey Kiniisadda Talyaaniga, waxanay dugsiyadaasi ka furnaayeen magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe, Jilib, Afgooye, Baydhabo, Kismaayo, Raas Xaafuun iyo meelo kale. Talyaanigu kalama kulmin Koonfurta cadaadiskii iyo diidmadii waxbarashada ee Ingriisku kala kulmay Waqooyiga. Taas ayaana keentay in dugsiyo badani hore uga furmaan Koonfurta. Hormuudkii waxbarashada xilligaas bilowga ahaa ee geyigaas soomaalida ee Talyaanigu gumaysanayey (Koonfurta) waxa uu ahaa Alle ha u naxariistee Macallin Jaamac Bilaal oo dedaal weyn u galay tis-qaadka dugsiyada waxbarashada ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxideeda. Fartii Cismaaniyada oo uu horseed u ahaa Alle naxariistii janno ha geeyee Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa iyana xoog ku lahayd meelo badan oo dhulalka soomaalida ka mid ah. Udub-xooggii dhaqanka iyo hiddaha soomaalida Muuse Galaal ayaa isna dedaal u galay xilliyadii kuwaas ku taxnaa kobcinta iyo soo bandhigidda bilicda iyo qanninamada suugaanta iyo afka soomaaliga.

    Sannadihii 1930-naadkii waxa kordhaysey tirada dugsiyada, waxana iskuullo laga dhisay magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeysa. 1936 waxa Ingriisku Somaliland u soo magacaabay agaasimihii ugu horreeyey ee arrimaha waxbarashada. Agaasimahaasi markii uu magaalada Burco soo gaadhey waxa lagala hor yimi bannaan-baxyo xoog leh, dadna ay ku dhinteen. Maxamuud Axmed Cali iyo rag kale oo la fogaan-arag ahaa waxa ay isku deyayeen mar walba in la isku soo dhoweeyo soomaalida iyo waxbarashada. Waxa xilligaas durba la bilaabay dhaqdhaqaaqii ciyaaraha (sports) gaar ahaan cayaaraha fudud, sida jimicsiyada iwm. Waxa ay Maxamuud aragti-wadaag ahaayeen Alle ha u naxariistee Cabdi Siciid Xuseen oo Cadan wax ka soo bartay, una go’ay gardaadinta iyo kobcinta cayaaraha (Sportiga). Cabdi Siciid waxa aynu ugu yeedhi karnaa Aabbihii Sportiga. Waxa la tilmaamaa in maalin lagula soo qamaamay dhagxaan magaalada Berbera Cabdi Siciid iyo Maxamuud Axmed oo carruur jimicsi ku siinaya deyr meel iskuul ah ku dhex yaalla. Waxa laga tibaax bixiyaa in niman sheedda ka halacsadeen carruur jimicsi ahaan u foor- foororsanaysa, waxanay u maleeyeen in carruurtu sujuudsan tahay. Suuqa dadkii joogey ayay ku dhex dheceen, waxanay ku dhiillo geliyeen in carruurtii lagu khasbayo in ay cadceedda u sujuudaan. Waxa halkaas ka dhashay baa la yidhi weerar lagu soo qaaday goobtaas carruurtu jimicsiga ku qaadanaysey.

    Xilligii dagaalkii 2aad ee dunida waxa magaalooyinka waaweyn ka furmay iskuullo kale oo cusub, waxanu Ingriisku bilaabay maal gelinta 19 malcaamadood oo ku yaalley Berbera, Burco, Hargeysa iyo magaalooyin kale. Waxa xilligaas ka dib soo iftiimayey dareen hoosta ka xarriiqaya in indho ka duwan kuwii hore lagu eegayo dugsiyadaas laabta la soo kacayey ee waxbarashada, Maxamuud Axmed Calina uu gadh-wadeenka ka ahaa. Waxa furmay dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud oo lagu qaadan jirey ilaa tacliinta dugsiga sare. 1953 waxa magaalada Burco laga furay dugsigii u horreeyey ee hablaha, waxana dalka ku baahay furitaanka dugsiyadii hoose iyo dhexe. Ragga culimada ah ee furitaanka dugsiyada iyo kobcintooda dhiiri gelinta siinayey, waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Sh. Ismaaciil Faarax oo magaalada Burco malcaamadaha iyo dugsiyadii ugu horreeyey macallin ka ahaa.

    Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu ibo-bixiyey, horseedna ka ahaa in ay wax bartaan dhalliinyaro badan oo degaanno kala duwan ka soo kala jeeda laga soo bilaabo bariga shishe ilaa galbeedka durugsan dhulkii loo yaqaanney British Somaliland Protectorate, maantana ah Jamhuuriyadda faca yar ee aan weli aqoonsiga ka helin beesha caalamka ee Somaliland. Waxa la tilmaamaa in kooxdii ugu horreysey ee qalinka ku raad barataa tacliintaas dhaladka ah ay ka mid ahaayeen: Sh. Xasan Maygaag Samatar, Maxamed Shire iyo Cali Jirde. Kooxdii labaadna waxa ka mid ahaa: Yuusuf X. Adan Qabille, Ismaaciil Yuusuf Samatar-Gaandi iyo Maxamed-Ruun Sh. Madar.

    Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu ahaa nin hal-adayg leh, lana falgalay oo ku milmay duxda hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, kuna xidhan oo ka dab-qaata yaqiinta iyo diinta ummadda. Waxa dad xidhiidh gaar ah iyo aqoon u lahaa ii caddeeyeen in nolosha iyo hab-dhaqanka Maxamuud Axmed Cali ay muxaafid u ahaayeen si wax-ku-oolnimo ah dhaqanka iyo caqiidada ummadda, waxana qalbigiisa ku dheeraa oogidda salaadda. Ingriiska oo hoosta kala socdey shakhsiyaddiisa hanka weyn iyo miigganaantiisa qofnimo, ayaa jeclaa in uu Maxamuud Axmed gumeysiga wax uun kula bahoobo, lana wadaago dhinaca caadada iyo hab-dhaqanka nololeed ee wada macaamilka bulshaawiga ah, wuxuse Maxamuud Axmed Cali tusmaystay baadi-sooc (sumad) lagaga hamrado, lagaga haybadeysto, laguna taxgeliyo oo ah inuu naftiisa iyo ahaanshaha asalkiisa ixtiraamay, yeeshayna dedaal iyo firfircooni dhug leh, garasho leh, abbaarna leh oo ku astaysan dhaabadaynta dhaqanka iyo caqiidadiisa.

    Aabbihii Waxbarashada- Maxamuud Axmed Cali waxa uu la dhashay oo ay walaalo ahaayeen labadoodaba Alle ha u naxariistee C/raxmaan Axmed Cali-Tuur oo ahaa nin ku xeel-dheer arrimaha diblomaasiyadda, ahaana madaxweynihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    Maxamuud Axmed Cali- Aabbihii Tacliintu waxa uu ku geeriyoodey magaalada Muqdisho horraantii 1980-naadka, Allena ha u naxariistee waxa uu ifka kaga tegey wiil iyo dhowr gabdhood iyo dad iyaga ka sii tafiirmay.

    Kani waxa uu ahaa dheeg ku saabsan ibo-furka baadhitaan iyo daraaseyn ku taxmaysa Sooyaalkii Maxamuud Axmed Cali- Abbihii Waxbarashada, waxannuna ka martiyaynaa, ka quud-darraynaynaa, kana codsanaynaa qof kasta oo haya tibaax iyo tilmaan wax nagu biirin karta inuu noogu soo hagaajiyo Toobiyaha xidhiidh-tebineed (E-mail address) ee hoos inshu ugu tegi doonto. Horaa loo yidhi ‘Far keli ahi; fool ma dhaqdo iyo tabantaabaday laba gacmood; tamar ku yeeshaan’.

    Isla toos toosinta wixii tuur iyo tirbiicooyin yeeshaa; turxaan ma leh, tawsna ma reebaan; tiskase aan la isla tiir-tiirin ee la isku tuur-tuuro, ayaa tiiraanyo reebi kara. Tubta toobiyeysan taas baanu u aragnaaye soo tebiya tilmaantiinna. Aabbihii Tacliinta_Maxamuud Axmed Cali.

    Mahadnaq: waxa aan aad ugu mahadcelinaynaa abwaanka Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) oo sawirka Maxamuud Axmed Cali noogu deeqay.

    Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

    Xidhiidhka:

    Maxamed Bashe: mohamedbashe@yahoo.co.uk
    xigasho: Mareegta Somalitalk iyo Aftahan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.