Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Ibraahim Sulaymaan (Ibraahim Gadhle) | 

  Hordhac

    Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Afrikada Ilaahow    Dib U laabo


Ibraahim Sulaymaan (Ibraahim Gadhle)

Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda
Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo
Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga

Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay

Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh
Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay
Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo

Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye

Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh
Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge

Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata
Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane
Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna

Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?

Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye

Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene

Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu

Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye

Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye

Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye

Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye
Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku

Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?




Maxaa kala Haysta!    Dib U laabo



Ibraahim Gadhle


---------------------------------------------------

Gabaygani waxa uu ku saabsan yahay dhibaatada xun
ee uu hablaheena u leeyihiin kareemooyinka la isku
caddeeyo (Bleaching creems) ee qayira midabka quruxda
badan ee maarriinka. Waxa uu abwaanku ku halqabsaday
Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali (Jawhar) oo daraasad dheer
ku sameeyey halista caafimaad ee dawooyinkani u leeyihiin
dadka isticmaala. Maadaama aan gabaygan soo bandhigay,
haddii Eebe idmo, waan soo gudbin doonaa qaar ka mid ah
qoraallada ku saabsan dawooyinkan ee Dr. Jawhar.
Cabdullahi Abukar.



--------------------------------------------------------


Muran baa adduunyada ka jira amase maandhaafe
Marwo iyo ninkeedii maxaa maanta kala haysta!!
Maariin dhalaaliyo hablahaa madawga diidaaya
Hablahaa madiidee wejiga madhiyey diirkiisa
Maskax xumo kolbaa loo cabbaa mur iyo diibaaqe "sun"
Malab iyo nimaan kala aqoon midhaha waabayda
Isaguba kol buu Jowharoow dacar magaabshaaye
Haddii ay masiibada ogyiin mawdku daba yaalo
Oo ay micnaha garanayaan may is mariyeene "ie Bleaching Cream"
Maxaa midabka dheehiyo hablii maanta kala haysta !!
Maaley qadhaadh iyo kuwaa morohda soo qooshtay
Sidii neef muqloobay ayey lugaha kala maroorshaane
Maxaa kii murqaamiyo qof weyn maanta kala haysta !!




--------------------------------------------------------


Waxa ku deeqay: Mustafe Jaamac (Moonash), Australia

Dayr cad Geel    Dib U laabo

"Ibrahin Gadhle"


    Heestani waxay ka mid tahay heesaha tirda badan ee abwaanka
    caanka ah Ibrahin gadhle uu sameeyay . Heestan waxa cod aad u
    macaan ku qaaddaJiray fanaankii weynaa Ilaahay naxariistii janno
    ha ka waraabiyee Maxamad Mooge Liibaan.
  Heestan waxay ku bilaabantaa sidan :

Maxaa dayr cad geel hallaaboo
Dib jiray uu cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydayaa

Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan

Adigoo degganaa abaar
Mar baa dirir kuu da'ayoo
Daruuruhu kuu curtaan oo
Xareed ku dabbaalataa

Ha dilin hana iga dagaalin
Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa

Soo saxa soona dhameeya


             
Dib U laabo
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho: http://www.fortunecity.com/victorian/russell/348/maanso/bleach.htm

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.