Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

KEYSE XASSAN GABOOBE | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
        Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee KEYSE XASSAN GABOOBE
    
    Maarso 11,2009
    TAARIIKHDII KEYSE XASSAN GABOOBE
    
    
    
    Keyse Hassan Gabobe wuxu ku dhashay magaala Gabiley, sanadku markuu ahaa 1979.
    Abwaanku quraanka iyo dugsigiisii hoose wuxu ku soo qaatay Mogadishu.
    Dugsisigiisii dhexena Magaalada Hargaysa, Dugsigiisii sarena Magaalada Gabiley.
    Sanadkii 2000 markuu ka qalin jabiyay dugsigiisii sare wuxu galay Jaamacada
    Camuud oo ku taal magaalada Borama, wuxuna ka soo qalin jabiyay sanadkii
    2004lii gaar ahaan Qaybta Maamulka iyo Maaraynta.
    
               Abwaan Keyse intii ka dambaysay 2005kii wuxu la shaqaynayay Hayadaha
    sama falka ee ka shaqeeya dalka Somaliland gaar ahaan HAVOTOCO, Ubax Social and
    Welfare Organization, Save the children UK, iyo Candlelight Burao oo uu hada
    la shaqeeyo.
    Hadaba Abwaan Keyse wuxu galay badwaynta suugaanta sanadkii 2003 markaas oo uu
    daganaa magaalada Boorama kana mid ahaa ardayda  Jaamacada Camuud. Abwaan Keyse
    suugaantiisa markii ugu horaysay waxay wada gaadhay dhamaan ardayda jaamacada
    taas oo xiisa wayn ku abuurtay ardayda. Taasina waxay keentay in ay asxaabtiisu
    aad ugu dhiiri galiso Keyse inuu halkaa ka wado suugaanta, asxaabtaas oo ay ka
    mid ahaayeen sida Mustafe Moh’ed Khayre, Mawliid Nuur Shire, Abdi kariim Ibrahim
    Ahmed, Ali Maxmuud Taani, Fu’aad Abdi Samad Sheekh Moh’ed, Naasir Osman Shiekh
    Hassan. Xasan Abdi Madar, Moh’ed Xuseen Ciisood iyo asxaab kaloo badan.
    
    Abwaanka waxa kale oo suugaanta ku ababiyay, ka gacan qabtay, kuna sii dhiiriyay
    Macalinkiisa Moh’ed Xaashi Dhamac (Gaariye). Sidoo kale waxa ka caawiyay abwaan
    Keyse inay suugaantiisu hana qaado asxaabta ay ka midka yihiin Abiib Iiman Xasan,
    Xasan Moh’ed Yusuf, Moh’ed Xuseen oo ay intuba ka mid ahaayeen markaa wariyayaasha
    Radio Hargaysa,
    Abwaan Keyse wuxu leeyahay suugaan badan oo dhaxal gal ah, aadna loo xiiseeyo,
    hadaba in kastoo ay yarayd mudada uu abwaanku ku hawlanaa badwayntan wuxu curiyay
    heeso iyo gabayo badan oo ka hadlaya xaalado badan oo bulshada taabanaya sida wacyi
    galinta, horumarka, siyaasada, iyo Jacaylka. Suugaantaas oo qaar ka mid ahi ka
    baxaan Radio Hargiesa
    
    Abwaan Keyse waxu hada aad ugu xidhanyahay abwaanka caanka ah ee Moh’ed Ibraahim
    Warsame (Hadraawi) oo imika saldhigiisu yahay magaalada Burao ee gobolka Togdheer.
    Keyse waxay suugaan wadaag leeyihiin abwaan Axmed aw Geedi.
    
    
    
     
SALKA DHIGA CAMUUD   Dib U laabo
    
    
    MAANSO (SALKA DHIGA CAMUUD)
    Maansadan oo ahayd tii ugu horaysay ee uu Abwaan Keyse curiyo taas oo
    uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo loo qabtay arday ka qalin jabinaysay
    Jaamacada Camuud, sidaa darteed maadaama ay dad badani uga yimaadeen
    qalin jabinta dal iyo dibadba maansadan abwaanku wuxu sooryo iyo soo
    dhawayn uga dhigay marti sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay.
    
    Wuxu yidhi
    
    
    1.	Marka hore salaam
    2.	Sacab iyo mashxarad
    3.	Soo dhawayn haboon
    4.	Sooryiyo wanaag
    5.	Marka xiga samaan
    6.	Safarkiina daga
    7.	Siinada camuud
    8.	Buuraha sar go’an
    9.	Sineheeda tuban
    10.	Sooc sooc dhirtoo
    11.	Ubax saaranyahay
    12.	Sagal iyo daruur
    13.	Seerma waydo roob
    14.	Dhibic siisayoo
    15.	Subixii cadeed
    16.	Sayixii dhulkiyo
    17.	Dharab seexday ay
    18.	Ku sintooy falaadh
    19.	Midabada sibaaq
    20.	Kala saartayooy
    21.	Ku salaantay nuur
    22.	Casarkii si leeg
    23.	Sugul iyo casaan
    24.	Ku sagootidoo
    25.	Isha saayataa
    26.	Qurux saamigeed
    27.	Ku saxaabatoo
    28.	Naftu saakintee
    29.	Saan saan wanaag
    30.	Salka dhiga camuud
    31.	Seeraha cilmiga
    32.	Sumadeedu waa
    33.	Suuraynta bug
    34.	Cilmigii sidoo
    35.	Qalin saaranyahay
    
    36.	Soomaaliland
    37.	Sool iyo sanaag
    38.	Soonaha galbeed
    39.	Ilaa saylac gee
    40.	Sohdu waa halkii
    41.	Sabadiyo rugtii
    42.	Sabankii tagiyo
    43.	Saakiyo hadeer
    44.	Sawraca tacliin
    45.	Loo sahamiyee
    46.	Seeskeeda iyo
    47.	Sarta looga dhigay
    48.	Surinkay wadaa
    49.	Waa kii samoow
    50.	Sirta noloshu ay
    51.	Ka siraadatoo
    52.	Sooc sooc maloo
    53.	Bulshaday saxdaa
    54.	Caqligay sugtaa
    55.	Waxba siinku yuu
    56.	Ila sii siqine
    57.	Saadaashu khayr
    58.	Idinkuna sidaa
    59.	Sedan iyo si leeg
    60.	Sumcad iyo wanaag
    61.	Ma saluugayee
    62.	Waad nala siddaan
    
    
    
    
    
     

Booqasho    Dib U laabo

    
    
    Maanso (Booqasho)
    
    Maansadan wuxu abwaan Keyse ka tiriyay xaflad balaadhan oo markii ugu horaysay
    ay ku kulmeen arday ka socota jaamacada Camuud, taas oo xafladana lagu qabtay
    Hoolka Jaamacad Hargaysa, maalintan oo ay taariikhdu ahayd 2 May 2003,
    laguna magacaabay maalinta jaamacadaha Somaliland. Sidaa darteed xafladan
    waxa ka soo qayb galay Marti sharafeed ka kala socday Golaha guurtida oo
    uu ka mid ahaa allaha u naxariistee Sheekh Ibrahim Sheekh Yusuf Sheekh Madar,
    Golaha Baarlamaanka iyo xukuumada iyo marti sharafeed kale oo aad u badan.
    Hadaba abwaanka oo ku hadlaya afka jaamacada Camuud ayaa wuxu si farshaxan
    le ugu dhigay ugana mahad ciliyay sidii wanaagsanayd ee ay ardayda Jaamacad
    Hargaysaad u soo dhaweeyeen, iyagoo kaga hor yimid Magaalada Arabsiyo oo
    intay baabuurtii ka dageen saf dheer wadada dhinaceeda u is taageen si ay
    u salaamaan, una soo galbiyaa dhinaca Hargaysa.
    
    
    1.	Dhulka oo barwaaqa ah
    2.	Camuud beereheedoo
    3.	Midhihii bislaadeen
    4.	Dhirtu baarka soohdooy
    5.	Bixisooy mankeedii
    6.	Shimbiruhu baxaan baxa
    7.	Ka dul baaqayaanooy
    8.	Boodaa fadhiisiga
    9.	Hadba dhinac u buubaan
    10.	Oo badi dharaartii
    11.	Baah baah daruuruhu
    12.	Circa buuxiyeenooy
    13.	Dhibic soo burqanayaan
    14.	Baalaha cadceeduna
    15.	Bilicdiyo casaankii
    16.	Casarkii u beegtoo
    17.	Ishu bogoto nuurkii
    18.	Ruuxii mar booqdoow
    19.	Uma baahnid faalee
    
    20.	Anaguna baxaanbaxa
    21.	Shalaytaan baqoolkii
    22.	Saw baaleheediyo
    23.	Boorama ka nimidoo
    24.	Daw baali boodh iyo
    25.	Kuma arag bus iyo oon
    26.	Xooluhu bariisay
    27.	Barqa dharag la jiifeen
    28.	Quruxdiyo bidhaantii
    29.	Waxan baala daymood
    30.	Bidix midig jaleecaba
    31.	Wuxuunbaa baraarugay
    32.	Markii aan ku beegnayn
    33.	Arabsiyo badkeedii
    34.	Bugbugtiyo mashxdiyo
    35.	Baabuurti socotee
    36.	Calamadu babanayeen
    37.	Ooy baratankoodii
    38.	Barbaartii Hargaysaad
    39.	Noo soo baxeenooy
    40.	Saf balaadhan joogaan
    41.	Si ay noo bariidshaan
    
    42.	Baladkaan ku soconiyo
    43.	Soo gaadhnay baradii
    44.	Barashiyo Kalgacalkii
    45.	Siday noo bogaadsheen
    46.	Bini Aadam daayo
    47.	Birtii aan la soconiyo
    48.	Basaskaa dareemoo
    49.	Booqashiyo dalxiiskii
    50.	Beertii xoriyadiyo
    51.	Bari iyo Galbeedbaan
    52.	Badhtamaha magaalada
    53.	Hadba baal u raacnoo
    54.	Baashaal ku soconoo
    55.	Cashadiina baarkiyo
    56.	Hudheel baaxad waynoo
    57.	Ka ag dhaw biriishkiyo
    58.	Bilay nagu casuumeen
    
    59.	Waa dhul lagu badhaadhee
    60.	Baxsaneey Hargaysaay
    61.	Badnigii dalkaygaay
    62.	Boqorkeena waynbaa
    63.	Bala kaa xijaabee
    64.	Baradaadu hoy iyo
    65.	Barda hoos qabaw oo
    66.	Bulshadeena deeqiyo
    67.	Ha ahaado bayd nagi
    
    68.	Saakana bishaarada
    69.	Barbaartii Hargaysiyo
    70.	Madaxdii bilaydeey
    71.	Salaam baaxad waynbaan
    72.	Dad idiin buseeliyo
    73.	Badhtamihi camuudeed
    74.	Barayaashi joogiyo
    75.	Intii ay baraayeen
    76.	Ka sidaa bahdaydee
    77.	Idinkuna bilkhayrtii
    78.	Ka guduuma baaqaa
    
    79.	Balankii ilaahay
    80.	Been laguma dhaartee
    81.	Sidaan noo bisheenbaa
    82.	Beerkayga qaadoo
    83.	Inan baydad tiriyiyo
    84.	Bushimaha dhaqaajoo
    85.	Kal gacayl balaadhaa
    86.	Qalbigayga buuxshoo
    87.	Badnigiyo calooshaa
    88.	Maansada butaacoo
    89.	Mahadii burqanayee
    90.	Baanaha warkaygii
    91.	Barbarkaan ka taagnahay
    92.	Boqolkii daloolbaan
    93.	Hal dalool bayaanshee
    94.	Dulucdii kamaan bogan
    95.	Ha yeeshee bu’deediyo
    96.	Baritiyo ayaamaha
    97.	Uur baadhka taariikh
    98.	Bayjkaan ku qorayaa
    99.	Baalkiinu waa dahab
    
    
    
    
    
    
    
    
    
ALLAYLEHE WAA SHIL   Dib U laabo

    
    MAANSO (ALLAYLEHE WAA SHIL)
    
    Maansadani waxay si dhaba u taabanaysaa hadimooyinka aan kala go’a lahayn
    ee kufaartu ku hayso muslinka gaar ahaan falastiin iyo ciraaq. Maansadani
    waxay dhalatay habeenadii ciraaq la weerarayay, ayaa iyagoo meel ku
    daawanayay TVga ayaa abwaan Keyse uu la daawanayo Mawliid Nuur Shire,
    ayaa dhibtii iyo murugadii meesha ka dhacaysay kicisay dareenka abwaanka,
    sidoo kale isla habeenkaa waxay soo galeen xiisad suugaanta ah oo abwaan
    Gaariye iskuul magaalada gudeheeda ah ku siiyay. Taas oo uu uga waramay
    siday xaraf higaadeedyada afka soomaaligu u kala hodansanyihiin una kala
    adagyihiin. Taas oo Abwaan Gaariye u sheegay in xarafka Shiinku ka mid
    yahay kuwa ugu adag.
    Ayaa hadaba Abwaan Keyse isagoo la hadlaya Mawliid una sheegaya in xaraf
    higaadeedka adkaantiisa iyo fudaydkiisu ku xidhanyihiin hadba dareenkaagu
    siduu yahay ayaa isagoo Shiinka laftigiisii kaga hadlayo sida ay xaaladani
    dareenkiisa u samaaysay, ugana waramayo dhibaatooyinka haysta dalalkii
    muslinka, una sheegaya in haduu maraykanku ciraaq qabsado in aanu aayar
    uun iska haysanayn oo markay kumanaan askari kaga dhintaan aayar faraha
    ka qaadi doono. Ayaa wuxu yidhi ;
    
    
    
    1.	Shiroow arartayda
    2.	Sidii shalilaadka
    3.	Tixdaan shirabaayo
    4.	Anoon shigshigaynin
    5.	Halkii laga shaagay
    6.	Shinlay ku dhawaaqay
    7.	Anoo ku sharxaaya
    8.	waxay shu’aynayso
    9.	Shucuurta naftaydu
    10.	Dareen wada shiina
    
    11.	Ayaan shubayaaye
    12.	I sii shaqfadaada
    
    13.	Shiroow dunideenan
    14.	Shaqaaqada taagan
    15.	Bal shaashada fiiri
    16.	Shucuub falastiintan
    17.	La sheegtay dhulkooda
    18.	Shalay iyo manta
    19.	Sharoon ku dul joogo
    20.	Haweenkan shukaysan
    21.	Asayda shareertay
    22.	Shabaabkan la laayay
    23.	Caruurtan shafeecday
    24.	Shuyuukhdan tolwayday
    25.	Shariig alle diiday
    26.	Ku shiish baranaayo
    27.	Ee shiidka naf mooday
    28.	Inuu shimbirlaaye
    29.	Shabaaxdan wax loogo
    30.	Nimaan shaqsi haynin
    31.	Qoyskisii shahiiday
    32.	Ayaan shatiyaynin
    33.	Inuu shabac joogo
    34.	Shicroole aduunkan
    35.	Xumaantu shareertay
    36.	Intuu is shakaalo
    37.	Inuu shab yidhaahdo
    38.	Yuhuuda shamuuntay
    39.	Halkay ku sharaabto
    40.	Shul uu qaraxyeedho
    41.	Fardoowsa shu’aysto
    42.	Kufaari shuf beesho
    43.	Ayaw sharaf dhaanta
    
    44.	Dhamaan shulug wayna
    45.	Anoon kala sheegin
    46.	Shaqaaqada taagan
    47.	Habeen kama shawrto
    48.	Alleylehe waa shil
    
    49.	Ciraaqna shuraako
    50.	Shucaac iyo laysar
    51.	Kuruus lagu shiiday
    52.	Ayaan shaqsi reebin
    53.	Shaqdii wadankooda
    54.	Shidaal iyo duunyo
    55.	Waxay shilin haysay
    56.	Shisheeyuhu boobay
    
    57.	Shinaan malabkeeda
    58.	Waxay shucubaysay
    59.	Qardhaasa shakaashay
    60.	Gugii ku dhidootay
    61.	Ayaan shatiyayn
    62.	Inuu shaqsi qaato
    63.	Ciraaq shacabkeedu
    64.	Hadaanu shahiidin
    65.	Kun shii lagu loogin
    66.	Kufaari shax guurin
    67.	Maraykan shiraacan
    68.	Anaa shicir beena
    69.	Dadkayga u sheegay
    
    70.	Allow shibi gaalo
    71.	Shu’dhoo ka dhaqaaji
    72.	Dhulkaad shucubaysay
    73.	Islaamkana shaaci
    74.	Rabow shashadooda
    75.	Shujaaca ku biiri
    
    
    
    
    
ADUU AXDI RAALI GALI   Dib U laabo
    
    
    HEES (ADUU AXDI RAALI GALI)
    
    Heestan waxa curiyay abwaanka da’da yar ee Keyse Hassan Gaboobe,
    sidaa darteed heetani waxay ka turjumaysaa dareen ku wajahan
    sheekadan gaaban ee soo socota;
    Waxa jirtay wiil iyo gabadh jaar ahaa ayaa in sanado ah xidhiidh
    lahaa. Kadib ayaa siduu xidhiidhkii iyo sheekadii ugu socotay,
    ayaa inankii waxa u soo baxay dhoof, sidii baanu inankii ku
    tagay Yurub. Runtiina aayar uun kamuu tagin inantii ay mudada
    wada socdeen ee balan adag ayuu inantii la galay. Waxay sidii
    ahaataba, oo ay gabadhii ilaaliso balantii, ooy isaga dartii
    u goysay dhamaan ragoo idil, ayaa ilayn waa aduunyo e, gabadhii
    daacada ahayd ee inankaa dartii u dulowday, maqashay war ku
    noqday filanwaa. Hadaba maxaa dhacay?. Maalinbaa goor barqo ah,
    oo ayaa gabadhii daacada ahayd la kulantay hablo ay wiilka walaalo
    ahaayeen oo ay hore isku yaqaaneen ilayn waa jaare, oon laakiin
    ka war hayn xidhiidhkan mudada badan u socday inanka ay walaalaha
    yidhiin iyo gabadhan.
    Salaam iyo waraysi kooban ka dib ayaa mid ka mida labada hablood
    ee ay inanka walaalaha yihiin ugu bishaaraysay in walaalkoodii
    yurub joogay uu shalay maahee daraad aroos galay, filanwaa,
    fajac iyo amakaag, gabadhii oo yaaban ayaa  ku celisay su’aashii
    naa maxaad tidhi? Kadibna way ugu celisay, walaalkay hebelbaa
    shalay maahee doraad aroos galay. Hebelku waa kay dadkoo dhan
    uga hadhay, way is badashay, hadana ma doonayso in ay habluhu
    ogaadaan murugadan ku habsatay, qasabay ku noqotay in ay la
    faraxdo hablaha,
    Kadib gabadhii oo yaqiinsatay in waxani qoraal yahay ayaa iyadoo
    inankii u bandhigaysa, dhibta iyo leeleelka ay dartii mudatay,
    waxay ka filanaysay, iyo siday rag oo idil aawadii ugu jartay,
    ayaa waxay ku leedahay aniga waxba ha raali gainine balantii
    iyo axdigaad ila gashay raali gali.
    Waxaanay tidhi
    
    
    
    1.	Jacaylkan I riiqayee
    2.	Rafaadka naftayda baday
    3.	Maxaan u rucleeyayoo
    4.	Maxaan raadshoon u lumay
    5.	Inaan ribixiisa helo
    6.	Ilayn calaf roorayaan
    7.	Qof rabay raadkiisa helin
    8.	Wuxuu rabigeen qoraan
    9.	Rigee lagu joojin Karin
    10.	Haduu waayuhu is rogay
    11.	Dhufaan rajadii ka dhigay
    12.	Ragaadisay caashaqee
    
    Dadkaa rayn raynta jecel
    Ayaan u riyaaqsanoo
    Anuu risiq iyo wanaag
    Hibaan Rabi kuu baryee
    Aduu axdi raali gali
    
    
    1.	Inaan raka wada dagniyo
    2.	Rafiiqbaan filanayee
    3.	intaan raga kuu jaraan
    4.	naftiyo qalbigii ku raacshay
    5.	Runbaa samir ii sidoo
    6.	adaa raas kale dhistee
    7.	Abaal ruux guda ma tihid
    8.	Jacaylkuna waa riyoo
    9.	Ridada kuma waarayee
    10.	Bilee isku kaa rogaa
    11.	Anoon aragaaga rabin
    12.	Adigu ad I raadisaa
    
    Dadkaa rayn raynta jecel
    Ayaan u riyaaqsanoo
    Anuu risiq iyo wanaag
    Hibaan Rabi kuu baryee
    Aduu axdi raali gali
    
    
    
GOOGAAYE GARO   Dib U laabo

    
    
    MAANSO (GOOGAAYE GARO)
    
    Maansadan sida uu abwaan Gaboobe sheegay,wuxuu abwaanku ku halqabsanayaa
    abwaan Axmed Aw-Geedi isagoo ka daba qaatay hees u leeyahay Axmed oo ay
    midhaheeda ka mid ahaayeen
    
    Guuloow Allow,
    Guri Roon Nagee,
    Oo geel ku dhalay
    Meel Gacal Fadhiyo…..
    Markaan Gogol Wanaag,
    Geediga Ku Furo,
    Waa Iga Go’aan
    Inan Beesha Guban,
    Gacan Siiyo Oon,
    Gaadiid u diro
    
    
    Hadaba sida tixdan Axmed Aw-Geedi ka cad in uu isagoo geedi ah uu dagay
    gogol wanaag oo barwaaqa ah, sidaa darteedna uu dad kale oo dagan guban
    oo markaa baahan inuu gaar gaar u fidinayo si uu ugu soo raro halkaa
    barwaada ah. Sidaa darteed Abwaan Keyse isagoon ku dhaliilayn sida Axmed
    uu xalka u arkay, ayaa uu isaguna dhinac kale ka istaagay  isagoo ku
    sababeeyay in aanay dad meel abaara inta laga raro meel barwaaqa la
    geeyaa aanay jiritaanka nolosha xal u noqonayn, ooy ay bariba u
    baahanayaan gargaar kale. taas oo u ku leeyahay maaha noloshu inay
    dadka hagto oo marba loo guuro halka barwaaqada ah, oo nolosha wanaageeda
    la samaysto oo laga faa’iidaysto xiliga barwaaqada oo la maareeyo biyaha
    gu’ga ay dooxyadu qaadayaan ee ay badwaynta ku darayaan, waayo Alaahay
    S.W.T bini aadamka wuxu kaga fadilay makhluuga kale wuxu siiyay caqli
    iyo awood ay u suurta galisa in ay iyagu nolosha wanaageeda samaystaan
    oo aanay sida xoolaha noloshu hagin waayo neefka xoolaha ihiba wuu
    garanayaa doonana karayaa halka biyo ugu dhaw, laakiin meel kaloo ka
    dhaw kama samayn karayo,
    Markaa wuxu leeyahay Abwaanku iyadoon gaalo iyo cidkale toona xalka
    noloshaada aan lagu xidhin oo duruufta lagu taamilo qaato, oo haday
    mar kugu dhacdo marka labaad aad ka tabaabushaystid.
    Hadaba sida abwaanku sheegay qisada maansadani ku timid laguma koobi
    karo tuduc iyo laba toona waayo waxay taabanaysaa dhinacyo badan oo
    noloshad saamayn ku le, ha ahaato dhaqan-dhaqaalah bulshada,
    siyaasada maanta taagan, iyo mushkiladaha maanta inagu gadaaman.
    Sidaa darteed bal aynu eegno humaagyada kala duwan iyo sida farshaxan-
    nimada le ee abwaanku u dhigay tixdan isagoo Axmed waydiinaya dhawr
    masalo oo maanta xal in loo helo u baahan. Masalooyinkaas oo uu ku
    sugayo jawaabahooda Axmed Aw-Geedi iyo qof kasta oo fahma dulucda
    iyo ujeedada maansada.
    Wuxu yidhi;
    
    
    
    1.	Axmed Geediyoow
    2.	Maqlay Galab Dhawayd
    3.	Inad Gogol Wanaag
    4.	Gurigii Furtee
    5.	Ii Guud Mar Oo
    6.	Gundhigii Xaguu
    7.	Geedigu Ka Yimid?
    
    8.	Gahangaha Xagaa
    9.	Suudiga Golmaday
    10.	Waa Gaba Gabee
    11.	Adoon Beesha Guban
    12.	Gacan Siininoo
    13.	Gaadiid U Dirin
    14.	Goodiga Cidlayn
    15.	Waxa Geediyoow
    16.	Ka Gol-Roon Midhaa
    17.	Adigoo Gargaar
    18.	Xays Gaaxday Iyo
    19.	Gu’ Barwaaqa Oo
    20.	Gayigeena Sima
    21.	Gacma Hoorsadoo
    22.	Guulaha Baryee
    23.	Ila Soco Garaad
    
    24.	Gabal Daye Ha Noqon
    25.	Hadba Gees Ushee
    26.	Dooxyadan Gabraar
    27.	Gabigooda Dumi
    28.	Oo Galal Samee
    29.	Galacleeya Iyo
    
    30.	Durdur Aan Go’ayn
    31.	Guur Guurka Daa
    
    32.	Gurgurshaaga Dabar
    33.	Goobtaad Fadhido
    34.	Geediga Nagee.
    
    35.	Ninkan ii Guntaday
    36.	Waa Giib Macii
    37.	Waa Gumaysigii
    38.	Gaasiray Dadkee
    39.	Gacalkiyo Xigtada
    40.	Kala Gooyay Oo
    41.	Axmadoow Gu’ Hore
    42.	Dadku Wuu Gartoo
    43.	Wadar Gaylantaa
    44.	Ku Gadoodayoo
    45.	Gadiidbay Xor Nimo
    46.	Ka Gudoonsadeen
    47.	Nina Muu Gufayn
    48.	Galdalooladii
    49.	U Ka Soo Galee
    50.	Dadku Wuu Gam Oo
    51.	Guulbaa La Yidhi
    52.	Galabtiiba Shaw
    53.	Gad Kaluu La Yimid
    54.	Dadka Qaar Gunnee
    55.	Guule Lama Baryee
    56.	Gacma Hoorsigii
    57.	Gabi Loo Sinaa
    58.	Gaalkaan Arkaa
    
    59.	Guunyo Iyo Maal
    60.	Wuxu Kuu Gashaday
    61.	Mabda’ Uu Gatiyo
    62.	Garaad Uu Lunsado
    63.	Ayuu Goobayee
    64.	Goolkaasi Dhalay
    
    65.	Goobtaan Fadhiyo
    66.	Giriyaad Dhexdii
    67.	Waxa Geediyoow
    68.	Iga Dhigay Gadaal
    69.	Waa Reer Galbeed
    70.	Dulmiguu Iga Galay
    
    71.	Hadii Aan Gabyiyo
    72.	Hadii Aan Garramo
    73.	Garawshiyo Ma Helo
    74.	Anna Galin Dhixiyo
    75.	Dadka Oo Gab Yidhi
    76.	Ciil kam Gam’oo
    77.	Gobo’diyo Ilmada
    78.	Ma Gudhaan Indhuhu
    
    79.	Goblan Talo Aduun
    80.	Duni Reer Galbeed
    81.	Garashiyo Hogaan
    82.	Gadh-Wadeen U Yahay
    83.	Guul Lama Fishee
    84.	Galad Iyo Wanaag
    85.	Gibilbaa Ku Dadan
    
    86.	Geesteena Kale
    87.	Xilku Waa Gon Daal
    88.	Ulo Aan Guntoon
    89.	Guud Dhigay Maqaar
    90.	Horta Geediyoow
    91.	Igadh Geel Hadmuu
    92.	Geerida Tabaa
    93.	Ma Ogtahay Garaad
    94.	Anna Garabsigii
    95.	Garbahayga Siman
    96.	Kala Gaabiyoo
    97.	Gacantayda Bidix
    98.	Gur Miciinsadoo
    99.	Midig Gooyayoo
    100.	Gobokaan Jaraan
    101.	Wali Goobayaa
    
    102.	Hami Iyo Go’aan
    103.	Iyo Gudashadii
    104.	Waayahan Gurmaa
    105.	Kala Geeyaybaan
    106.	Gar U Qaadayaa
    107.	Ruux Geediyoow
    108.	Guray Iyo Dagaar
    109.	Ka Min Guuriyoo
    110.	Garab Daar Lahoo
    111.	Murti Lagu Galaday
    112.	Abwaan Gaasa Baxay
    113.	Loo Wada Gartee
    114.	Lagu Yidhi Gudoon
    115.	Dalka Gabi Ahaan
    116.	Gidi Maansayahan
    117.	Gadhwadeen U Noqo
    118.	Guubaabaduu
    119.	Garbiyaay Lahaa
    120.	Inta Loo Guntaday
    121.	Halgan Loo Galee
    122.	Guushii La Helay
    123.	Hadii Uu Gaddii
    124.	Halkii Loo Gol Laa
    125.	Ka Gadoomo Oo
    126.	Dib U Gurasho Galo
    127.	Dibnuhuna Gudhaan
    128.	Dadku Gaagaxaan
    129.	Uu Guul Darada
    130.	Gabayguu Tirshiyo
    131.	Gacantuu Fidshaa
    132.	Ay Kala Gadmaan
    133.	Kala Gees Noqdaan
    134.	Gudashada Xilkiyo
    135.	Geeraaradii
    136.	Deel Qaaf Ka Galo
    137.	Una Garawsanayn
    138.	Sida Geediyoow
    139.	Loo Gacan Qabtee
    140.	Garta Loogu Dhigo
    141.	Googaaye Garo
    142.	Gunud Oo Ka Gudub
    
    143.	Gidi Habar Dugaag
    144.	Boqor Guud Haday
    145.	U Garteen Lixbaax
    146.	Ma U Hawl Galaa
    147.	Mid Gabraar Tagiyo
    148.	Mid Godkii Ku Qaday
    149.	Xaalkooda Guud
    150.	Ma U Kuur Gala
    
    151.	Garba Wayne Aar
    152.	Wuxu Magan Gashaba
    153.	Gooshaa Dishee
    154.	Garan Waa Dadkuye
    155.	Ma Go’aamisaa?
    
    156.	Tolow Yaan Galaal
    157.	Gaar Loo Xamane
    158.	Xoolaha Gadmiyo
    159.	Muudaa Galbaday
    160.	Bahalaha Gudee
    161.	Kala Goosta Muu
    162.	Ku Guhaada Oo
    163.	Gar Allee Mar Uun
    164.	Muu Goosan Lumay
    165.	Magan Gaaxiyoo
    166.	Garab Raratadii
    167.	Gacalkii Madhnaa
    168.	Gurigay Ka Timid
    169.	Ugu Geeya Oo
    170.	Gacan Qaad Ku Daro
    171.	Gob Ha Loo Baxshee
    172.	Dad Wanaag Gashado.
    173.	Anigoo Gadh Liyo
    174.	Anoo Gaban Ahaa
    175.	Sheeka Gaaban Oo
    176.	Gacalkii Samaa
    177.	Isku Gees Ahaa
    178.	Kala Gaysay Iyo
    179.	Gar Adkaatayoo
    180.	Guurtidu Nacdaan
    181.	Kugu Soo Gudbee
    182.	Bal Aduu Gorfee
    
    183.	Gole Loo Dhamaa
    184.	Galabuu Dhurwaa
    185.	Neef Gorod Madaw
    186.	Ooy Gawracdeen
    187.	Googoo Ku Yidhi
    188.	Fulahaa Gaddii
    189.	Is Gamaariyee
    190.	Cadliguu Gartee
    191.	Xayawaan Goleed
    192.	U Garbaynayaa
    193.	Shir Gudoonshihii
    194.	Ku Giriifayoo
    195.	Goof Iyo Il Jaray
    
    196.	Dayoo Galan Galkii
    197.	Gal Siyaasadeed
    198.	Garan Garin Ogayd
    199.	Baa Gaylankii
    200.	Is Galuubtayoo
    201.	Adiguna Gal Oo
    202.	Garta Soor La Yidhi
    203.	Raqdii Goobta Tiil
    204.	Qabo Iyo Gol Jiid
    205.	Waxay Kala Gurtaba
    206.	Gabi Qaada Tidhi
    207.	Gaada Waynihii
    208.	Dulmi Uu Galuu
    209.	Gah Gah Aan Fogayn
    210.	Ku Gunaanadoo
    211.	Yidhi Jeenya Gab
    212.	Gadan Yaa Ku Baray
    213.	Waxay Tidhi Gartaa
    214.	Runta Lama Gafee
    215.	Waxa Gacan Samaan
    216.	Gacaloow I Baray
    217.	Caliyoo Dan-Guud
    218.	Ku Gubtaan Arkaa
    
    219.	Idil Duud Gashoo
    220.	Goonyahay Tubnayd
    221.	Wax Ka Giiga Iyo
    222.	Laga Waa Gadood
    223.	Shaxdan Goobta Taal
    224.	Waxay Uga Game En
    225.	Uga Gaabsadeen
    226.	Googaaye Garo
    227.	Gunud Oo Ka Gudub
    228.	Awr Guuna Oo
    229.	Guna Aan Da’ Furin
    230.	Ahna Doob Gulaan
    231.	Cadho Guuxa Oo
    232.	Ka Gotoo Dhexdii
    233.	Gadhmadoobe Iyo
    234.	Geelaba Ka Adag
    235.	Wuxu Geel Jirkii
    236.	Gabankii Yaraa
    237.	Uga Goojiyee
    238.	Ama Geediyoow
    239.	Garka Ugu Xidhuu
    240.	Gadh Wadeen U Yahay
    241.	Googaaye Garo
    242.	Gunud Oo Ka Gudub
    
    243.	Gabadh Aad U Wayn
    244.	Guga Ay Jirtaa
    245.	Uu Galay Khamsiin
    246.	Oon Guri Lahayn
    247.	Gabgab Iyo Is Waal
    248.	Ninka Gaadh Yidhaa
    249.	Gaadada Salaax
    250.	Misna Kama Gurtee
    251.	Bal Inuu Gob Iyo
    252.	Inu Yahay Gunbay
    253.	Gacantiisa Madhan
    254.	Gunno Ugu Ridaa
    255.	Haduu Gaajo Cuno
    256.	Ma Tihide Gayaan
    257.	Galbo Bay Tidhaa
    258.	Gugan Iyo Gu’ Dheer
    259.	Ruux Guursadiyo
    260.	May Helin Gurbood
    261.	Xilkas Iyo Gayaan
    262.	Xulada Gobaad
    263.	Loomaba Gadbee
    264.	Waa Laga Gadfaa
    265.	Galti Iyo Abeer
    266.	Gurac Waxan Ahayn
    267.	Calafba Uma Galo
    
    268.	Nimay Guud Haldhaa
    269.	Gacaloow Tidhaa
    270.	Dadkan Goobayaa
    271.	Wax U Gaara Iyo
    272.	Sifihiisa Guud
    273.	Horta May Gartaan
    
    274.	Yay Ila Gudbine
    275.	An Gunaanadee
    276.	Dareen Gaaxday Iyo
    277.	Xaalada Guracan
    278.	Gondahadeena iyo
    279.	Gibilkeena Sare
    280.	Ku Gadaamanbaa
    281.	Garashada Damqoon
    282.	Xal u Goobayee
    283.	Hayeeshee Guntii
    284.	Gaba Gaba Warkii
    285.	Maansadan Gundheer
    286.	Waan Goolafee
    287.	Maan Gaasa Bixin
    288.	Gocashada Dhibtiyo
    289.	Xilka Loo Gudboon
    290.	Galabtana Aday
    291.	Kuu Soo Gashee
    292.	Ruuxii Gartoow
    293.	Godol Heeladoo
    294.	Yaanuay Gaagixine
    295.	Gaawaha U Culo
    296.	Geestaada Maal
    
    
    
    
NOLOL KAABA   Dib U laabo

    
    
    HEES (NOLOL KAABA)
    
    CURIYE: KEYSE HASSAN GABOBE
    LAXAN: ABDI YARE
    MUSIC: CABDI YARE
    CODKA: CADBI FANAX
    
    Heestan wuxu abwaanku u sameeyay inan ay aad iskugu wanaagsanaayeen,
    taas oo uu inanta u sheegayo in  uu u qabo dareen  quruxda, dadnimada,
    kartida iyo dadaalka ilaahay ku manaystay, wanaag badan oo ay samaysay
    iyo siday noloshiisa iyo horu markiisa ugu hanwayntahay iyo sida
    wanaagsan ee ay talo iyo tusaalaha ula garab joogtaa ay ku dhaliyeen
    qalbigiisa dareen naxariis iyo kal gacal xambaarsan oo u tusay inay
    tahay nasteexiisa, waxaanu u sheegayaa inaananay jirin qof uu
    barbarshigayaa oo aanu niyadba u hayn, kuna hamiyayo hadii calaf isku
    qoro inay nolosha macaankeeda la qaysato, waxanu ugu u sheegayaa mar
    haduu u arkay inay nasteexiisa tahay ay wadaagto nuxurka jacaylka oo
    aanay nacab ku noqon, runtii inkastoon eray iyo labo lagu soo koobi
    Karin dareenka iyo dulcda ka dambeeya in abwaanku uu heestan curiyo,
    bal aynu wada dhuuxno sida farshan nimada le ee uu u dhigay.
    waxay leedahay;
    
    
    1.	Ma ogtahay nadaay
    2.	Nudihii jidhkiyo
    3.	Udugii naftaay
    4.	Niyadiyo qalbiga
    5.	Xubi nuujisee
    6.	Nadarkaaga wacan
    7.	Naxariis indhahay
    8.	In yar kugu nastaa
    9.	U nuglaa jacayl
    10.	Noloshii ifkaay
    11.	Nidar caashaq hoo
    12.	Rajadaad nal iyo
    13.	Nuurkeeda tahay
    
    Nolokaaba iyo
    Nasabbaad tehee
    Nimco iyo kal gacal
    Ku nagoow ifkoo
    Naawilo najaax
    
    
    1.	Inanyahay naq iyo
    2.	Naadiyo dadaal
    3.	Rabbi kugu nudaa
    4.	Lagu noogayoo
    5.	Nacab kuma higsado
    6.	Kuma gabo nasiib
    7.	Anigana nasteex
    8.	Adaa ii noqdoo
    9.	Naruuroow mid kale
    10.	Niyad uma hayee
    11.	Nacab haygu noqon
    12.	Nuxur caashaq iyo
    13.	Ila nuug jacayl
    
    Nolokaaba iyo
    Nasabbaad tehee
    Nimco iyo kal gacal
    Ku nagoow ifkoo
    Naawilo najaax
    
    
    
    
    
MA DA’DAA JACAYLKABA   Dib U laabo

    
    
    
    
    HEES (MA DA’DAA JACAYLKABA)
    
    Heestan sida abwaanku sheegay waxa ku dhaliyay inu tiriyo, waxa jiray
    inan ay xidhiidh wadaageen oo uu aad ugu hanwaynaa wax walbana uu la
    jeclaa ayuu ka dareemay cago jiid, kadib markuu waydiiyay waxa ugu
    wacan waxaanay ku tidhi waxaan u sameeyay waxaa waayo ima jeclid oo
    adiguba xidhiidho kalaad leedahay, dabadeedna si uu ugu cadeeyo in
    aanay jirin haba yaraatee wax xidhiidh kale ah oo uu leeyahay ayaa
    wuxu ku yidhi,
    
    
    Xiisaha qalbigu
    Xubiyeey aduu
    Kugu xidhanyahoo
    Dadka kaa xushoo
    Xaawalayda idil
    Xaasha e dhamaan
    Ma xidhiidhno oo
    Xaaraam calayk
    Inan xeeriyoo
    Maskaxdiyo xiskiyo
    Xididada jidhkaa
    Kuu xaadhan oo
    Kuu xalan qalbigu
    Xubi iyo wanaag
    Xurmo iyo kal-Gacal
    Xiisaha jacayl
    Adna xeeriyoo
    Xidhigiisa qabo
    
    
    Laakiin nasiib daro eraydan quruxda badani waxba kamay badalin
    dabeecadeedii, kamanay saarin shakigay ka qabtay iyo iyo caga
    jiidkii, Si hadaba uu runta ugu cadaynayaa una muujinayaa halka
    ay ka taagantahay iyo sida uu ugu hiyi dabacsanyahay  dhanka
    kalana uu ku leeyahay kolay dumarbaad tahay oo wanaagaan kuu qabo
    ma qiyaasi karayside, marka horeba waxa qaldanaa dareen
    wadayaashayda bilaa hubsiimaha ah ee mar kaliya kula booday
    isagoo kala dooransiinaya laba inay mid soo gasho inay faraha ka
    qaadaan xidhiidhkan iyo inay daadahshaan oo aanay jirin xaalad kale
    oo labadaa u dhaxaysaa
    waxanu yidhi.
    
    
    1.	Dagmo Weheshigeenii
    2.	Waadigan Ka Dayrshee
    3.	Iga Sii Durkaayoo
    4.	Laba Eef Ka Daaqdoo
    5.	Dafirtaye Wanaagii
    6.	Anna Waan Dayooboo
    7.	Jacaylbaa I Dagayoo
    8.	Maankayga Doorshoo
    9.	Marmarbaan Daraadaa
    10.	Is Idhaa Ma Duushaa
    11.	Ma Dabaylo Raacdaa
    12.	Daruur Roob Ma Noqotaa
    13.	Ma Da’daa Jacaylkaba
    14.	Bal Inay Dareentoo
    15.	Qalbigeedu Doogsado
    
    Samirkiyo Dulqaadkiyo
    Hiyi Dabacsanaantani
    Doqoniimo Maahee
    Dookhiyo Kalgacalkaa
    Ii Kaa Dabraayoo
    Hada Waan Ka Daalee
    Kala Dooro Inanyahay
    Inan Daadahayniyo
    Inan Daayo Caashaqa
    1.	Dumar Iyo Kaskoodiyo
    2.	Digashada Nin Caashaqay
    3.	Kow Maaha Dunidoo
    4.	Dambi Maad Samaynine
    5.	Qalbigaygan Doqonkee
    6.	Dad Ku Mooday Adigiyo
    7.	Dibnahayga Eersaday
    8.	Waxa Dabinka Ii Dhigay
    9.	Lahashada Dareenkiyo
    10.	Laabtayda Dabacdiyo
    11.	Lugahayga Doontiyo
    12.	Maqalkiyo Indhaha Dayay
    13.	Diir Haween Ku Yaaloon
    14.	Darajayn Jacaylkiyo
    15.	Jamashada Il Duufka Ah
    
    
    Samirkiyo Dulqaadkiyo
    Hiyi Dabacsanaantani
    Doqoniimo Maahee
    Dookhiyo Kalgacalkaa
    Ii Kaa Dabraayoo
    Hada Waan Ka Daalee
    Kala Dooro Inanyahay
    Inan Daadahayniyo
    Inan Daayo Caashaqa
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Heesta Ciida   Dib U laabo

    
    
    
    HEES (Ciida ciida)
    
    Curiye: Keyse Hassan Gaboobe
    Laxam: Ali Aanso
    Music: Ali Aanso
    Heestan waxa curiyay Abwaan Keyse si uu dareenkiisa ugu muujiyo farxada
    maalmaha ciidaha uu alle inoo cayimay si aynu ugaga duwanaano maalmaha
    ay gaaladu cayimatay.
    Waxaanay leedahay
    
    
    1.	Maalin caan ahoo
    2.	La cadeeyayoo
    3.	Caalamu islaam
    4.	Cadaan iyo madaw
    5.	Dadku ciidayaan
    6.	Waa dharaar cayiman
    7.	Cisho ruuxba ruux
    8.	Uu caawiyuu
    9.	U calool sanyahay
    10.	Qalbiyada la culay
    11.	Codad farax ku ladhan
    12.	Isku celinayaan
    
    Ciida ciida
    Waanu ciidnee
    Idina ciida
    Oo ciid mubaarik
    Ciidal caafiya
    Nabad ku ciida
    
    1.	Cawo iyo ayaan
    2.	Safafkaa camiran
    3.	Wax loo cartamay
    4.	Loo cararayaa
    5.	Waa cibaado iyo
    6.	Ciid iyo salaad
    7.	Culimadu ducada
    8.	Caadil noo baryeen
    9.	Cimri dharar nasiib
    10.	Carfi iyo shugroo
    11.	Caafimaad qabaa
    12.	Nala ciidayee
    
    Ciida ciida
    Waanu ciidnee
    Idina ciida
    Oo ciid mubaarik
    Ciidal caafiya
    Nabad ku ciida
    
    1.	Daruuraa curtiyo
    2.	Cosob iyo tigaad
    3.	Cisi iyo wanaag
    4.	Caradeena oon
    5.	babanaaya calan
    6.	Hadimiyo colaad
    7.	Cabsi aan lahayn
    8.	Caana iyo nabad
    9.	Labis caynba cayn
    10.	Caruur loo xidhaa
    11.	Inta ay cugteen
    12.	Dheelaya ciyaar
    
    
    
    
    
    
HA TAHRIIBIN CAASHAQA   Dib U laabo

    
    
    
    HEES (HA TAHRIIBIN CAASHAQA)
    
    Heestan waxa midhaheeda curiyay Abwaan Keyse Hassan Gaboobe,
    heestan oo runtii ka hadlaysa waayaha iyo wacyi cusub ee maanta
    ku habsaday saameeyayna bulsha waynta soomaliyeed, mida mida kale
    waxay heestani tilmaamaysaa in tahriibku dhan kastaba ka saameeyay
    bulshada soomaaliyeed, hada heestu waxay gaar ahaan sii tilmaamaysaa
    saamaynta Tahriibku ku leeyahay Jacaylka. Hada isagoo abwaanku inan
    ku soo hal qabsanaya ugu sheekaynaya dhibaatada uu tariibku leeyahay
    si ay uga waantoowdo, iskuna barbar dhigayo meesha waxaas oo dhib
    ihi u dhaxayso ay ka noqonayso waxaan sharaf cisi iyo karaamo aanay
    ku lahaan doonin, iyo dalkeeda siday ugu tahay qof jira.
    Hadaba heestu waxay leedahay;
    
    
    
    1.	Ha talamin ayaaneey
    2.	Imisaad taqaanoo
    3.	Talo xumo asaaggaa
    4.	Tamaniga aduunyada
    5.	Tahalukay naftoodoo
    6.	Tiimbaday badwayntoo
    7.	Tabantaabo helinoo
    8.	Taa iyo tan seegoo
    9.	Maydkooda tarab tarab
    10.	Xeebaxa la tuuloo
    11.	Aduu aad u taagnayd
    12.	Tacsi iyo baroor diiq
    13.	Waa kuu tusaalee
    14.	Quruxdii Tog-dheereey
    15.	Badda haysku tuurine
    
    Jacayl iga tanroonbaad
    Ku talaashay maankoo
    Qalbigaa ku tabayee
    Ifka taws kalgacal iyo
    Tiiraanyo hay badin
    Aynu taaba galinee
    Ha tahriibin caashaqa
    
    
    1.	Aakhiray u taalaa
    2.	Talo naftiisii
    3.	Qof halaag ku tuuree
    4.	Sharaf lama taseeyee
    5.	Ha tilmaansan ruux tagay
    6.	Caydh lagu takooroo
    7.	Tuugsada shisheeyaha
    8.	Dibad waad ku tabantahay
    9.	Dalkaagaad ku togantahay
    10.	Ka heshaa tol iyo gacal
    11.	Caqli taama iyo edeb
    12.	Baad ku taaba qaadoo
    13.	Tusmadii naftaydaay
    14.	Anna  waxan ku taamaa
    15.	Inad taydi noqotee
    
    Jacayl iga tanroonbaad
    Ku talaashay maankoo
    Qalbigaa ku tabayee
    Ifka taws kalgacal iyo
    Tiiraanyo hay badin
    Aynu taaba galinee
    Ha tahriibin caashaqa
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
    
HA TAHRIIBIN CAASHAQA   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.