Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha   |
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

                                           Mahadhadii Cabdi Aadan "Qays "

Tusmada Mahadhada

Hordhac

Gabadhyahay

Saxarlaay

Danab iyo Hilaac

Habar iyo Habeenkeed

Ubaxii Baxaayaay

Umaleey

Hadduu Sigo Caashaqu

Curadii

Shibaa

Aduun waa

waan kuu Hogaansamay

Darin Ku Jiifsado

Xeebtaa Jabuuti

Dhulaan Ceelba

  Hordhac

    Cabdi Aadan Xaad "Qays "

Aad baanu u soo dhawaynaynaa cid kasta oo dhamaystirka ama ururinta maansooyinkan ka qayb qaadata

Gabadhyahay

Qays

           Cabdi Aadan xaad
Gabadhyahay
Heestan oo midhaheedu ay aad u qoto dheeryihiin, wuxuu Abwaanku kaga waramayay sidii ay ku dhaqmi jireen dawladihii Xamar ka dhisnaan jiray ila 1968kii. Sifaha heestu waa Somaliland markii calankeedi u horeeyay ay sida hawl yaraanta ah ugu gaysay Koonfurta, iyada oo dawladaha ka dhisnaa Xamar wax dhaqaala ah iyo waxtar ah midna aanay u gaysan magaalooyinka ku yaalay waqooyiga. Abwaanada waaweyni waxay aaminsanyihiin in heestan iyo heeso kalooy ka mid ahaayeen, Aakhirooy Xageebaad naga xigtaa, Gooni u halaabaye, Aduunyooy Xaalkaa be' iyo hees iyana la odhan jiray Ninkii Dooxo Reer Fura oo u dhammaantod Cabdi Qays sameeyay ay u ahaayeen aasaas bilowgii Siinlayda iyo Deenlaydaba. Isla markaana mija xaabisay taliskii faqashta ahaa ee gumaysan jiray dadka iyo dalka Somaliland labadaba. Hadaba ku soo dhawaada midhihii macaanaa:

Aduunbaaba gabadhyahay    gadafeeyay timahoo
gogol lagu bulsheeyiiyo    guur u feedhanaaye
miyuu wiil gayaani   go'e maanta jooga
geeri weeye caydhu ye    sawtan laysay gaajadu
mid aad garabka saartiyo   miyuu geesi noolyahay
Aduun baaba geenyooy   wabigii ganaaniyo
gacan wabi ku yaaloo   haraad li'i u gamaayex
geestayada miyuu faras   gaashaan qaadi joogaa
geeri weeye caydhu ye   sotan laysay gaajadu
midaad garabka saartio   miyuu geesi noolyahay
anigiyo naftaydaa   habeen madow gudaysoo
geedbay qof moodee   tii oon gudin u hayn bay
laama goo i leedoo   gacmihii i daaleen
garaad dumar ma dheeree   yaa garwaaqsan jirayeey
gabadh kibirtay oo ladan   yaa garawsan jirayeey
geenyo aan jaraysnayn   yaa dagaal ku galayeey
gooni u halaabee   Yaa garan waxa i gubay


Saxarlaay            Dib U Laabo

Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xaad kuna magac dheer [Qays]. Heestani jawaab waxay u ahayd hees uu tiriyay Abwaan Maxamad Ibrahin Warsame Hadraawi oo la odhan jiray SAXARLA halkan ka akhriso Saxalaay ha fududaan , oo ku jirtay riwaayad la odhan jiray Aqoon iyo afgrad. Jawaabtan Cabdi Qays tiriyay, waxay bilawday sisiladdii la odhan jiray SIINLEEY. Waxa heesatan iyo Saxarlaba ku qaadi jiray Ilaahay haw naxariiste Fanaankii weynaa ee caanka ahaa ee la odhan jiray Maxamed Mooge Liibaan Heestu waxay ku bilaabmatay sidan:

Ina wallanwaloow samir   haweenka isa seegtee
siddeed nabar adoo qaba   wakaa kii sagaalaad
seedaha ku gooyee    maxaan kuu sameeyaa
siinkaa ku jiidhee    Gabadhii ku sidataan
sabadii Jabuutiyo    xeebaha sintoodii
iyadoo nin sare qabo    subax aan ku kullanoo
sababtiina caashaqa    markii aan su'aal idhi
waxay suuban leedahay    wax markii la sugi jiray
aduunyadii ka socotee   sadka ugu wanaagsane
Sifaheedu waxu yahay   samir wuu dhintee koow dheh
saadaal lama hayee laba dheh   waxay Saafi kugu tidhi
ha iisoo socone noqo    waxaad soo sidana celi
anigu waan sal fududee
Waxay suuban leedahay    hadba saaca joogaan
tukadaa salaadee   adoo sabowanaag yaal
ruuxa Seylac kaa jira   looma sacab garaaceee
sifaheedu wuxu yahay   siri way jirtaa koow dheh
samo lama hayee laba dheh    waxay Saxarli kugu tidhi
ha iisoo socone noqo    waxaad soo sidana celi
anigu waan sal fududee  
Waxay Suuban leedahay    safar meel fog kaa tegay
iyo lama dhawro socotee   waa sabankii beentoo
wacad la isa siiyiyo    runi way sal guurtee
sifaheedu wuxu yahay   sabool waan nacee kow dheh
saxal waa madhniye laba dheh   waxay Saxarli kugu tidhi
ha iisoo socone noqo   waxad soo sidana celi
anigu waan salfududee    maxaan kuu sameeyaa
saaxiibkay Hadraawow.  


Danab iyo Hilaac            Dib U laabo

Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xaad kuna magac dheer [Qays].
nin damqadayba taahyeey   ninuu dagayba heesyeey
waa sidaa daruurtoo   danab iyo hilaac
jacaylku igu da'ay   ninkii dooxa reer fura
daad kamaa foogaade   anigoo taydiiba u daran
biyo igu dulaame   doon raacayeey
duufaan cir iyo   doonidii bad weyn
ila durugtayeey   dibnaheeda ruux gala
ilayn way dudubisaa   doqon waan ka quuste
dabaday jirrow
haween waa kuwa i dilay   igu duwayna naaskee
waa belo rag loo diray   lama dayn karaaye
dahan racayeey   ??? doontayeey
dadan iyo hanfada   damac igu xidhyeey
hadday dabacdu nacastuba   walaal way u dirirtaa
doqon waan ka quustee   dabaday jirrow
ninkii duulimaad tagga   dirir kama fogaade
anigoon digniin qabin   laygu soo dagyeey
dirgan waayayeey   dugaag igu shiryeey
dadqal iyo libaax   debed iga helyeey
dibnaheeda ruux gala   ilayn way dudubisaa
doqon waan ka quuste   dabaday jirrow
hadday dabacdu nacastuba   walaal way u dirirtaa
doqon waan ka quustee    dabaday jirrow
waa iga dardaarane   doqon lama gargaarsado
dabaday jirrow   doqon nabigaa sheegay
dabaday jirrow    dumar waa cadaawe
dabaday jirrow


Habar iyo Habeenkeed           Dib U laabo

Hilaacaad la socotaa   Dayaxaad hadhaysaa
daruurahaad u hoyata   heegadaad dul jiiftaav
wey kuu hagaagtee   wey kuu hagaagtee
hadaad maanta hodantahay   midna haybsan mayside
Habeen miyaan lulooda   hurdo miyaan xasuusta
hamibaa i lumiyee   Waa la soo hadhiyeey
hawli wey imanay   Nafsaa hiilin doonee
Habar iyo habeenkeedaa   Habar iyo habeenkeeda


Ubixii Baxaayaay            Dib U laabo

ugbaadka iyo doogay   aduunyadu ku naaxdaa
ayaan malha meeshii   ugub lagu tilmaamaa
Alla magane waan rabbay   in ay kugu adkaatood
cidna eersan weydee   waa aduunyoo
ilayn aaya ma lahee   ubaxii baxaayaay
sowdigan abaarsaday  


Umaleey Jacayl            Dib U laabo

Midhaha waxa sameeyay Cabdi Aadan Xayd (Qays] Waxa ku luuqeeya, Axmed Gacayte
Umaleey jacayl   Weli jaar ma noqoteen?
Jid ma wada lugeyseen?   Ma la cuntay jidiin wali?
Jihaad ma isku aragteen?   Jiidhkaad ka dhalatiyo?
Ma kaa jaray dadkiinii?   Gooni socod makaa dhigay?
Umaleey Jacayl   Wali jiif ma kugu helay?
Jir-jirada ma kaa galay?   Hadba dhinac ma ku jaray?
JIbaadka iyo taahii   Jeerdhaaf ma oydoo
Ilmo jagac ma kaa tidhi?  
Umaleey Jacayl   Jalow ma kula yidhi?
Jarro adag ma kugu xidhay?   Heeryo jaan ma kugu raray?
Jilbahana ma kuu riday?   Waxaad jeefad socotaba
Intuu jalowgii kula dhacay   Lugahaad ku joogtiyo


Hadduu Sigo Caashaqu            Dib U laabo

Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xaad kuna magac dheer [Qays].
Haduuu ku sigo caashaqu   inan'yahay sidaydaa
miyaad seexan kari layd   saqda dhexe habeenkii
inaad suuf ku hurudaa    miyay suurta gali layd
Alla waa sir iyo caadeey   sidan lama amaanayneey


Curadii Aan Dhalayeey            Dib U laabo

Cosob iyo dhul baadloo   geed caws ku caan oo
iyo dhira caleemeed   sadexdu is cidhiidhsheen
oo darar cawaysimay   kaga hooray cidhifyada
qoraxduna cadaysoo   casaan gaaban ay tahay
oo camalka doogada   dhulku midab cagaar yahay
curubtii magooshiyo   lagu mood tin iyo cidhib
falaadhaha cadceede
Ilaahay nin caasi ah   yaanu cududa kuu galin
Ilaahay mid cadho badan   yaanu cidhifka kuu sudhin
midaan caashaq kuu noqon   yaanu calaf ba kuu galin
noloshaadu caarcaar   yaay cidhib xumaan noqon
Timaheedu waa culay   camal saynata gari lo
caaro looga duwin faras   caynadeeda guud ke
cadaan haw badnaatee   indhaheedu waa cawl
cidhifkana madooboo   nuur lagu cidaadshe
curdin weeye uguboo   oon seed ku celisiyo
lafa culus lahaynoo   cunaha kuu maraysoo
caydhin yahay jidhkeedu ye
Ilaahay nin caasi ah   yaanu cududa kuu galin
Ilaahay mid cadho badan   yaanu cidhifka kuu sudhin
midaan caashaq kuu noqon   yaanu calaf ba kuu galin
noloshaadu caarcaar   yaay cidhib xumaan noqon


Shibaa Igu Haboonayd            Dib U laabo

Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xaad kuna magac dheer [Qays].
shibbaa igu haboonayd   dibnahoon shakaale
wuxuu sharafki iga lumay   caqli jiray shaniyo toban
markii aan la shawree   shaw ileen haweenkubaa
shir ma moodo caashaqa   shil haduu ku haystee
waan kuu shareeree   waxaan shalyto kugu idhi
inaad dumar shirkoodiyo   ka dhex sheegto ma ahayn
sharftidaadi heedhe   waxa shiday naftaydii
ama dhididka iga shubay   nabarkaan shaqlaaayaad
shaacii ka qaadee


Aduun waa Garab            Dib U laabo

Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xayd[Qays].
Adduun waa gabaabsiye   bal aan kuu gar sheegtee
waxaan ahay galgalashiyo   gawdiisi mooye
hurdo nimay ka giuurtee   haddaa geesi tahay
cadow kaa ?????????    kuu go'an ma weydide
haddaad guunyo la'dahay   caydh laguu gabobiyoo
golka nugul ma weydide   adna gacaladaydaay
nacab ii guntadaybaad    hanti ugu garowdoo
gaagixisay candhadadaan   usoo qaatay gorof koon
godolkii ka waayee  
waa garasho naagoodeey   waa garasho naagoodeey
geedigaan u baaqaa   guruc u horseedayoo
markaan guri yagleelaba   adaa gees baneeyee
waa garasho naagoodeey   waa garasho naagodeey
markan guur idhaahdeen   awrka gibilka saareen
guri doogle geeyaba   adaa gees ka dhaafee
markaan guunyo waabeen   geed hadhaca oodeen
galabtii caraabaha    adna iga garaacdaa
waa garasho naagoodeey   waa garasho naagoodeey
gacal iyo xigaalaba   adigayga gooyoo
godob aawadaaba   la ii gooniyeeyee
intaad galabba cayntahay   gali maayo taladoo
gartaa layga helayaa    labadeena geesood
gol daloolo yay iman


Waan Kuu Hogaansamay           Dib U laabo

Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xaad kuna magac dheer [Qays].
waan kuu hogaansamay   kugu soo hamiyi jiray
hadba kugu warwari jiray   oon hoos iyo guud
hawlahaaga wadi jiray   hor Ilaah walaahiye
hamadii aan kuu qabay    hiladaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo   hir lagaaga baaqe
hadalkii macaanaa    hilaadaydi toosnayd
adaa haw ka yidhiyoo    hir lagaaga baaqe
horta waa abaalkaa    hadimada ku gaadhiyo
waxaad hawl la kulantee   ma ka heestay ceel dheer
Darin La Jiifsado           Dib U laabo

Dumarkiyo ragoo idil   haddii lay isku soo daroo
Qofba dookhii meel dhigo    ee duurka iyo kaymahaa
haddii roob ku wada da'o   dusha laac ka wada maro
duunyadaad dhaqaysanaa    neefba doobi loo culayey
Naf jacayl damqaayana    maal laguma dagi karo
Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
DARIN INAAN LA JIIFSADO
Dumarkaba dhamaantood   dadku waxay u haystaan
inay duunyo raadshaan e   haddii daaro fooq liyoo
dukaamaad la ii dhigo   kuma dawoobo caashaquyee
anna dihashadaydii   damac duunyo ima galinay
jacayl baa daashaday   inkastoo la doodee
Dadkoo dhami ha weriyeen
dareenkaygu inuu yahay
naftu kay la duubnayd
DARIN INAAN LA JIIFSADO


Xeebtaa Jabuuti           Dib U laabo

Heestan midhaheeda waxa curiyay Abwaanka weyn ee la yidhaa Cabdi Aadan Xaad kuna magac dheer [Qays].
waxaan ahay nin xaasoo   soo xoogso yidhiyoo
Xamar subax ka duuloo    xeebaha Jabuutiyo
u yar kacay xagaasoo   xiligii dambuu yimid
dabadeed la xidhayo   xubin uu qaloocshiyo
loo sheegin xarafoo    lagu tuuray xeradoo
adigaan xan iyo been   aan jeclayn xumaantee
???? xaqiiqiyo    bal xogtayda baadhoo
xeerka laygu qaadiyo   xukunkan saluuge
xabsigaan ku suganahay   xalaal iyo miduu yahay
xaran bal iga hubi    xabadkaagaa jiiftee
bal xaqayga soo baadh


Dhulaan Ceelba           Dib U laabo

           Dib U laabo
Dhulaan ceel lahaybaa    dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaadiyo   dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay   dhankan anigu kaa xigo
Dharka lama yaqaanee   dhuug baanu xidhanaa
Adna dhogorta xoolaha   malaa waad ka dhigataa
Buuraha dhexdoodiyo   dhagaxbaan ku seexdaa
Adna wax ima dhaantide   dhulka hoos u qodan iyo
Dhufays baad u hoyataa   dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer    yeysu soo dhaweeya
Markaad adigu dhimataa   naftu iga dhaqaaqdaa
Markaad adigu dheregtaa   dhibaatadu I deysaa
Dheehaagan wacan baa   aniguna ku dhaashtaa
Dhaxalkii ad reebtaa   dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhowaadana   waad iga dhaqaaqdaa
Ana kuma dhegaystee   anoon dhuumanayn baan
Dhegaha kaa furaystaa   wixii adiga kaa dhimin
Anigana I dhaafoo   dhaan-dhaan hadaan ahay
Adna dhoohanaa tahay   dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer    yeysu soo dhaweeya
Kol hadaynu dhuuxiyo   dhiigii ka simanahay
Midabkiyo dhawaaqiyo   diintiyo dhalashada
Iyo dhaqan wadaag nahay   dhudhunkaad I goysaa
Waa dhantaalan kaagee    labadeenu dhuun iyo
Moqor baan ka dhiganee   dhidibkaynu taagniyo
Dhismihii adkaan jiray   inaan kala dhaltaalaa
Dhegxumo iyo yaab iyo    talo dhacan tay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee   aayaha dhasheeniiyo
Midnimada ma dhowraa


Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Xigasho:
  • Hoyga Suugaanta
  • Waraysi Abwaanka Laftigiisa-Fu,aad Sh.

  • Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
      Tusmada Mahadhada

    soo socda

    soo socda

    soo socda

    Soo Socda

    Soo Socda

     |