![]() |
![]() |
Mareegta Far-Shaxan |
![]() |
![]() |
| ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha |
| Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan |
|
Hordhac
Halkan waxaynu ku soo bandhigaynaa mahadhooyin, oo sida aanu jecelnahay u badnaan doonta mahadhooyinkii dadka ugu caansanaa ama leh mahadho la taaban karo oo saamayn ku leh nolosha Soomaliyeed ,kuwaasoo aynu had iyo jeer u soo qaadan karno inay tusaale u noqon karaan ummada,
Xasan Cilmi Diiriye, 1979.
Dhinaca kale ee abwaan Xasan Cilmi uu xoogga saaray intii uu noolaa waxa ka mida, Qasaa’id Nebi ammaana iyo Alla bari uu tiriyey oo aad iyo aad loo jeclaysto. Qasaa’idka ilaa imika abwaannadu tiriyeen ee ku kaydsan Raadiyoga iyo Telefishanka Jabuuti kuwa Xasan baa ugu tayo sarreeya. Qasaa’idkii af Carbeedka ahaa ayuu af Soomaali toos ugu tarjimay,ereyadii oo keliya muu tarjimine Godkii Carabiga ahaa ayuu Soomaaliyeeyey.Intaan xasuusto toban qasiidadood ayuu sidaa u tarjumay.Curintaasi waa hibooyinka gaarka uu ahaa ee uu kaga duwanaa abwaannada kale.Qasaa’idkaa iyo Alla bariga uu Xasan tiriyey oo fara badan awgood baan mid ka soo qaadanaynaa, Yaa Rabbi saalli calaa Muxamad Nabiyunaa ashrafil anaami Maareeyeheennu, Mustafe weeye Maynuunka diintu, Mustafe weeye Mukhliska dhaartay, Mustafe weeye Muxubbo gaara,magac wanaagsan Sharaf aan maydhmin, Maxamad baa leh Macallinkeennu, Mustafe weeye Malkada khayrku, Mustafe weeye Maaxdii garaadku, Mustafe, weeye Muxubbo gaara, magac wanaagsan Sharaf aan maydhmin, Maxamad baa leh Macallinkeennu, Mustafe weeye Malkada khayrku, Mustafe weeye Madax la dhawro, Mustafe weeye Iftiinka muuqda, hillaaca miiqmay Marinka toosan, Maxamad baa leh Maamulaheennu, Mustafe weeye Maahmaah-yaqaanku, Mustafe weeye Maaxdii garaadku, Mustafe weeye Maskax awood leh, miyir hoggaansha Mabda’aan guurin, Maxamad baa leh Mideeyeheennu, Mustafe weeye Maganta-dhawre, Mustafe weeye Muddeeca Eebbe, Mustafe weeye Marti la sooro, muquuno buuxda Oo maanka deeqda, Maxamad baa leh Allaa mahad leh, macaan Jannaa leh Socod maguugan, midiidin baa leh Addoon macaashay, Mustafe weeye Mug iyo qaayo, lagu mannaystay Mataallo dhawra, Maxamad baa leh Yaa Rabbi saalli caalaa Muxamad Nabiyunaa ashrafil anaami.
Tani waa maanso Alla bari ah oo Xasan Cilmi ummadda Islaamka ugu sheegayo in adduunyadu tahay mid laga guurayo oo laga sii socdo isla markaana loo sii tabaabushaysto aakhiro oo lama huraantii ah.Maansada waxa uu ku soo gebagebaynayaa duco ballaadhan oo uu Ilaahay ka baryayo in Muslimiinta uu geeyo aakhiro guryo raaxo.Maansadan Alla bariga ahi xasuus gaara bay ii leedahay, waayo abwaan Xasan Cilmi ayaa aniga iyo saaxiibkay Maxamad Ibraahim Kulmiye oo aannu kawada tirsannahay RTD nagula dardaarmay, haddii ay tii Alla u timaaddo oo uu naga horreeyo in maalintaa Raadiyooga iyo Telefiishanka laga siidaayo, Ilaah mahaddii dardaarankii Xasan sidii baan u meel marinnay. Maansadan godka uu ka tiriyey abwaanku waa God uu isagu ku soo kordhiyey Godadkii horay looga tirin jirey maansada Soomaalida. Maansadii oo dhanna waa tan Garannoo adduun waa geeddiyoo laga guuryeGuullow Allow Aakhiro nagee guryo raaxo Adigoo gefkiyo geerida ogsoon Ka il gibidhso hana gelin dambiga Kugu gana cadaabta gunteeda Dadku waa gucliyo nin gaboobayoo Gebax yidhi goobtaan la hurin Sahayda u gurtoo u gu’tiriya Gashi laguma bixin goonyaha dadkii Laga guraye mawdkii gembiyey Nimuu gaadayow ha is giijin Moron gaabanoon meel gaadhsanayn Lagu gama’ye gogoshii jannada Guubaabiyo gurmad kiciya Geel baan dhaqdiyo gabay aan Wax tarin an ka gudubno,gar Alliyo Axdiga adigoon ka gu’in gudo faralka Goor iyo ayaan gaadiid u noqo werdiga Gobo’le gawsaha ka tiri carrabka U gaadan gefka ka cabso Gebageba cidliyo gega madhan ha furin Galab reerka goolkaaga shilis gaadiyo Dhurwaa ha u geynin Guutiyo col baa inna goobayee Garo nacabka gunti xume Ibliis Godob ha u dhintee guji wecelka Gadantaye naf yahay naartood Gashiyo Janna galacle u galgalo Middii adi kuu gol roon ha garbadhine Gaagaabsigiyo xanta loo guddiyey Ha ku gubannin hilbo aanad geyin Ha ku godin ilkaha sida garowga Godobta iska eeg xumo haw gargaarin Hana garabsan runtu yay gablamin Gacalkeed ahaw qabo gacanta Annagoo gardaran gocashada naftana Garab taagan na gargaar Allow Galladdaadu waa mid aan gudhine Garannoo adduun waa geeddiyoo Laga guurye Guullow Allow Aakhiro na gee guryo raaxo, Aamiin
TANINA WAA SIINLLEYDII XASAN CILMI DIIRIYE Maansadan Siinley waxa uu Xasan tiriyey sannadkii 1973kii bishii Juulaay Sannadkani intuu yahay Iyo kii sidqee hore Sahannada is jiidhiyo Heesaha socdaalka ah Ee siinka laga wado Nimankii sameeyow Horta idin salaannaye Subax wacan ma toosteen? Marka xiga sangaabtiyo Magacani la saanyaday Balaa idin su’aalee Saxarladu ma gabadh baa ? Kuwa sabanka joogiyo Safka haatan soo kacay Ma ta ugu sad roon baa? Ma sindheer koraysoo Sibir geenyo uguboo Quruxdii Suleekhiyo Nabi Yuusuf sidataa? Ma abeer sigsiganoo Soddon laba gu’dhaaftoo Sararaha ka naaxdaa? Ma duq samaha talisoo Isaseegga necebiyo Soddoh loo bogaa? Ma sir hoosta socotoo Inaad sare u qaaddaan Dadka laga sandahayaa? Ma siraad baxaayoo Halka uu ku sugan yahay Weli laga sokeeyaa? Ma sareedo iyo maadh Laga seexan waayoo Ragba wada sugaayaa? Ma siddeetan guuriyo Suus iyo nuxuusiyo Cudur soo sinqaayaa? Ma sagaal jir curatoo Ugu sidata geeloo Candho saab la moodiyo Samayuhu ku yaal baa? Ma gu’soore baaqdoo Sayrkii abaartii Kala sooci waayaa? Ma sabeen hallawdoo Saddex beri maqnaydoo Reer wada saboolii Subax raadinaayaa? Ma suldaaro iyo been Doqon lagu sabaayiyo Sawir lala hadlaayaa? Ma rag soofka maansada Seeraha u yaalliyo Marikeedi seegoo Summad doorshay gabaygaa? Xaajadu silloonaa Soomaali oo idl Salaw bay ku kicisee Sanqadhaha baxaayiyo Sooyaanku waa maxay? Ma sac baa idiin dhalay? Dibi laga sidkaayoo Salowga u shidaysaan Waxba yaanan sii wadin Sawraxanka dooddee Suugaanta dheeriyo Kaftan laga sargooyoo Kala soocan mooyee Anigoon murtida saarin Seedahana gaadhsiin Sigib tiray warkaygii Waanan saadinaayaa Haddaan seeftu igu dhicin Inaan sugo jawaabtee Sidan ararta loo simay Anse aan la kala sixin Surgimaha iswada sudhan Waan saluugay anuguye Sifihiyo ujeeddada Ma na siin karaysaan
WAA DEELEEYDII XASAN CILMI DIIRIYE
(DURKIYEE AN DHAAFEE) 1980kii
Deeq loo bogaa iyo
Dahab weeye barashadu
Dirir soo hillaaciyo
Derbi lagu caweeyiyo
Damal weeye barashadu
Dayax kuu iftiimiyo
Duhur weeye barashadu
Waana derejo qaaliya
Indho kala dednaa bay
Daahyada ka fayddaa
Debno kala xidhnaa bay
Dusha uga adeegtaa
Dabeed way is-gaadhaan
Haasaawe dihin iyo
Xigmad lagu daleeyey
Isku daadsadaanoo
Dunta loo adkeeyaa
Innaguna duqaydaay
Derisnaye ma doodnaa
Mise waan ka daynaa?
Durkiyee an dhaafee
Deelleeyda koowaad
Duco-qabaha noo furay
Ma dulmin ma duudsiyin
Ma derderina sheekada
Duud iyo xubno u yeel
Docda kama dhawaaqine
Duddaduu ka joogsaday
Ma degdegin Hadraawiye
Daa’imo sideedii
Maansada u daaddihi
Dhegtu xaraf ay diiddiyo
Deel qaafna kuma darin
Ma dabrina Idaajaa
Arartii daboollayd
Iyo dabaqadduu dhigay
Mid na deeqday weeyaan
Waana dux iyo iidaan
Marka la isku kiin daro
Dawgaad bannayseen
Cilmigii digtoorkiyo
Diirad buu ka dhigan yahay
Dib markaad u raacdana
Dhexduu deri ka leeyahay
Dooddiinnu waa qaran
Waa dawlad calankeed
Dusha way ka siman tahay
Kolna waa dig iyo deleb
Quruq baad dalayseen
Xaradh baad ku duugteen
Iyo midab la daawado
Waanay dacalla rogan tahay
Afartaa dabrimada leh
Waxaan baasha kaga daray
Diric xoolo badan iyo
Ruuxii danleey ahi
Dab ma wada kulaalaan?
Geesiga nin dooriyo
Hayb-dalaska liitaa
Dab ma wada lulaalaan?
Gaarida digtoon iyo
Doqon rayska jiiftaa
Dab ma wada kulaalaan?
Dirigdirigta baqalkiyo
Sange orodka dawdabay
Dab ma wada kulaalaan?
Digirii nin haystiyo
Ka debbaray tacliintee
Furka looga qalin-daray
Dab ma wada kulaalaan
Qaamuus da’weynoo
Taariikhihii dumay
Laga daawan karo
Buugga shalay la daabacay
Dab ma wada kulaalaan?
Durkiyee an dhaafee
Dulucdiyo ujeeddada
Darka loo silsilay iyo
Halka loo dan leeyahay
Ma ku soo dindimiyaa?
Nin dardaarmay baa yidhi
Waxay dumiso mooyee
Dugsi ma leh qabyaaladi
Waa dogob la shidayoo
Danbas lagu hadoodilay
Dhamacina ku dedan tahay
Waa sun iyo deebaaq
Iyo dacar qadhaadhoo
Daacuun ku ladhan yahay
Waa cudur digaafoo
Degellada ku baahoo
Daashaday Afrikada
Diric lagu goblamay iyo
Inta geesi loo dilay
Daafida ka badatee
Sow lagama daaloo
Saw lagama daaddego?
Ma dariiqo Nebi iyo
Diintii Islaamkaa?
Duco lagu barbaariyo
Ma dardaaran oday baa?
Ma diyaafad iyo soor
Baahida daryeeshaa?
Isku soo dabbaaloo
Inta daallin iyo tuug
Docda ugu shirayaan
Dawadeeda lama helo
Durkiyee an dhaafee
Bahshii dikhawdee
Duuftee la jiidee
Loo saaray dibaddee
Ina habar-dugaagiyo
Lagu sooray dacawada
Ninka dani ka haysaa
Ha u digigixoodee
Hadalkeeda iga daa
Durkiyee an dhaafee
Sida baarqab dayreed
Rati geela lagu daray
Oo diiray miciyada
Doobtana ruxaayoo
Dardar iyo hafeef qaba
Dawankaad maqlaysaa
Waa doorin curatiyo
Darartii abwaankee
Ha dabbaalin sheekada
Geestii ay doontaba
Ha u dulundulcootee
Qoobkeeda sii daa
Dood waliba xeesheed
Waana lga dmbeeyaa
Gu’darrooray daadkii
Isagaa dammiin ka ah
Nin waliba damiirkii
Waana baro ku daabacan
Maskaxiba dareenkeed
Haku daaqdo weeyaan
Durduriyo itaalkeed
Aniguna kanaan degay.
Xigasho: Mareegta Kaydka Suugaanta |