Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Maxamed Maxamuud C/laahi  | 

  Hordhac

Qalinkii - Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan

    
    
        Taariikh Suugaaneedkii Abwaanka da'da yar ee Maxamed Maxamuud C/laahi
    
    April 02,2009
    Maxamed Maxamuud C/laahi
    
    
    
    Maxamed Maxamuud C/laahi waa hal-abuur da’ayar oo Reer Somaliland ah Maxamed waxaa
    uu ku dhashay deegaanka gobolka togdheer sanadku markuu ahaa 1987 waxaa uu
    waxbarashadiisa   hoose /dhexe ku qaatay  magaalada Burco .
    
    Maxamed waxa uu kamid yahay dadka uu ilahaay hibada hido raaca usiiyey  badaha
    maansooyinka ee faraa badanle Waxana uu inta badan dareenkiisa ku cabiraa.
    Oo uu kahadlaa xaaladaha kala duwan ee dalku iyo dalkuba maraayo  ilaa hada
    waxa uu ka hadlay. Dhaqanka.  Hiddaha. Deegaanka.
    
    Sibiq dhaqaaqa dhalinyarada dalkii hooyo  waxay maansooyinkiisu ku caanyihiin
    murtida xikmadaysan hal abuurnimada uu ilahay hibada usiiyey  iyo wadani nimo
    
    
    
    
    
     
Umad Maxamed(SCW)   Dib U laabo
    
    
    Gabaygan waxaa magiciisa la yidhaahdaa
    
              "Umad Maxamed-SCW-"
    
    Gabaygan wuxuu hal abuurku  kaga hadlayaa
    
    dareenkiisa ku aadan  aduunka iyo sida aan loogu negaanayn,
    
    isla markaana wuxuu hoga tusaalayn badan ka muujinayaa
    
    wax yaabaha qofka muslimka ah looga baahan yahay
    
    
    
    Taariikhda gabaygu soo baxay waa 2/9/2008
    
    
    
    Ifka laguma waaree beryaa loo ag hoydaa
    
    Ayaamaha tirsiista aha ayaa miduun la is ajalayaa
    
    Aakhiro halkay tahay ayaa uub laguu qodi
    
    Iil yaroo madowbaa maruun la isku awdaa
    
    Iyadoon arimahaa lagalin maalinta adkaatay
    
    Oo aan amuurtaa la furin aalada xisaabta
    
    Malaaig ordaysaa u iman iil qofkii gala
    
    Ayarbay su’aashaa wuxuu ku ismana waah
    
    Aayar bay su’aashaa ciday soo adeeceen
    
    Axadkii afeeftaa saxee eebe garan siiyo
    
    Iftiinbaa janada looga furi daaqado ilays
    
    Iilkaa dhexdiisaa qol wayn loo ahaan siin
    
    Inta la isisoo saaarayuu ku irtikaaxaa
    
    Kii erey ka sixi waayay ee jin u alaambeeyay
    
    Ee uu alhuumo iyo been uurka uga buuxshay
    
    Iilkoo lagu yareeyiyo dhibaa la ogolaysiin
    
    Abris iyo mas qooqaayaa lagu itixaanshaa
    
    Olokeeda naartana dhanbaa lagaga uunshaa
    
    Inta la isisooo saarayuu ku urugoodaa
    
    Abaal baa xisaabtaa  horteed lagu ogaysiin
    
    Aradkii waxaad kala timaad ku arki doontaa
    
    Illaa maalintaad baaluqdiyo eegii aad dhimatay
    
    Erey waxaa tidhoo urursanbaa lagu ag keenaa
    
    Ajar iyo shar kaad leedahaa  lagu ag keenaa
    
    Ilaahbaa xisaabaayoo waa xisaab la’aan
    
    Albaabkeeda naar ama janada alabsan doontaa
    
    Ayaankii wuxuu jabaday ninkay maalintaa naari aragtaa
    
    Aayihii wuxuu dhacay ninkii gala albaabkeeda
    
    Waa lagu abaadaa dhibaa la isku ururshaa
    
    Aabe iyo hooyona maleh ehel wax kuu keena
    
    Asxaab iyo walaalkaa ma jiro kuu arimiyaa
    
    Ilmaadeeradaa iyo tolkaa kuu  arxami mayo
    
    Inan aad dhashiyo lagama helo uun ku saacida
    
    Ee adiga uunbaa qofyohow eersan camalkaaga
    
    Aduunyada waxaad kala tagtaad aakhirna heli
    
    Imakaynu joognaa dadow balu alaab qaata
    
    Oo is eega ehelkaad tihiin aafada horteed
    
    Oo asteeya eed waxaad fasheen maalmaha aduunka
    
    Oo ogaada aakhirona waa lagama iishaan
    
    Oo arkaanta diintiyo qabsada tiirarka islaamka
    
    Oo salaada oogo tukada ooga waaberiga
    
    Oo aslaaxa ramadaanka ku jira aad uga faa’ida
    
    Oo alifkun khayraa ku jiree geliya iimaanka
    
    Oo asxaab qofkii aad tihiin aad ufahansiiya
    
    Udgoonow rasuulkiina baro akhlaaqdiisa
    
    Oo asluubta kaga dayo sidii uu ahaan jiray
    
    Hadii aan intaa soo idhiye erey yar sii raacsho
    
    Imaka ialaah bari ducaan soo aftaxayaa
    
    Ee badiya aamiinta waa intaan ku aflaxnaa taase
    
    Allahayow abuuraha wac-wacan adiga uunbaa leh
    
    Allahayow aduunyada dhamaan adiga uun baa leh
    
    Allahayow awoodaha  dhamaan adiga uun baa leh
    
     Ilhaankiyo quraankana adigaa noo keenay
    
    Adigaa  udgoonow rasuul soo igmaday waayo
    
    Umad maxamed baan  nahaye rabow Diinta na aqoonsii
    
    Umad maxamed baan nahayee rabow naar ha nagu oogin
    
    Umad maxamed baan nahayee rabow noo aslixi baytka
    
    Umad maxamed baan nahayee rabow sahal amuurtaada
    
    Umad maxamed baan nahayee rabow adugu nala saayir
    
    Umad maxamed baan nahayee  rabow noo ajiib ducada
    
    
    
    
     

Goleheena    Dib U laabo

    
    
    
    
    Goleheenan waynow
    
    Gidigiin rag iyo dumar
    
    Gabadh iyo nin iyo oday
    
    Bal gorfeeye xaajadan
    
    Guntintiyo layaabka leh
    
    Gedo iyo wax  yaab liyo
    
    Sheeko wada guracaniyo
    
    Guna waxaan la aragbaa
    
    Dhegahayga gelayoo
    
    Garan waayay hawshan
    
    Halka ay gondaha dhigan
    
    Wax la yidhi gugume iyo
    
    Good ina abeesbaa
    
    Guunyo isku haystoo
    
    Mudaa la isku guuxoo
    
    Hadal la isku gurayoo
    
    Geedkaa la isla tegayoo
    
    Garbaa loo fadhiistoo
    
    In tolkood u gooyiyo
    
    Gar nasteexo diidoo
    
    Geed kama kacday timi
    
    Gugumaa muduci ka ah
    
    Kuye good abeesow
    
    Gaankan aan ku noolnahay
    
    Geyigeennii waynaa
    
    Guunyadii ku xeernayd
    
    Badii guuxa waynayd
    
    Buurohoo gimgiman dahab
    
    Goolkiyo hashaan dhalin
    
    Gurgurshihii biyaha siday
    
    Gurboodkiyo ciyaalkii
    
    Guunyada dhamaanteed
    
    Guud ahaan dadkii yiil
    
    Gurigii barwaaqada
    
    Wadigan ku gooheee
    
    Afka kula gudaayee
    
    Ku gawlamay salaadee
    
    Mici Dhiig leh geliyee
    
    Goobaaroo banaaniyo
    
    Gegi laga hayaamiyo
    
    Gabaahiir ka dhigayee
    
    Goodow sidaad  tahay
    
    Goodoo mudaaciyah
    
    Garashiyo jawaabtii
    
    Gugumow walaalow
    
    Haataan gelelefkaagiyo
    
    Boogtan aad gujinaysiyo
    
    Golfoofkaad fadhaysiyo
    
    Waxaad soo guraysaba
    
    Waxaad uga gol leedahay
    
    Gugan aan ku qooqoo
    
    Dadka faraha goostoo
    
    Dantay aan ka gaadhee
    
    Godka ii baneeyoo
    
    Gacalow iska raw dee
    
    Goobta waa markaygiiye
    
    Gugumow inaadeer
    
    Gacal aad walaalaysiyo
    
    Guunyo aad dabaalaysana
    
    Midna goobta umaad iman
    
    Sidii garab cas shilineed
    
    Is gamaarintaadana
    
    Ged kalaa u lifaaqanoo
    
    Aniguna ku garan sani
    
    Waxba se ha u galgalinine
    
    Gugan aniga iidaa
    
    Dhiigaa iiga gobo’liyo
    
    Hilbo aan ka goostee
    
    Ka dambana ku guuxoo
    
    Meeshaad  doonaysiba gee
    
    Gugumena ku soo noqoy
    
    Goodkii uu dhegaystiyo
    
    Dood gaaban soo celi
    
    Ma adigii guhaadiyo
    
    Gulcubaha sameeyee
    
    Gobanimo wax  yeelaa
    
    Madigii gabneeyee
    
    Gorofkii dalooshaa
    
    Aniga igu geediya
    
    Waa se hadal gobeelehe
    
    Waxba ha u gelgelimaysanoo
    
    Geedka ha isku soo beeginoo
    
    Gaafaf ha usamayninoo
    
    Go’  rishwaanah ha u qaadanoo
    
    Gudcur ha isku soo qarinine
    
    Go’e waa lagu ogyahay
    
    Ee garo ujeedada
    
    Goodna hadal ka soo celi
    
    Gugumow inaadeer
    
    Markaad gorof hogaysaa
    
    Geela loo yimaadaa
    
    Maad se garan dantaatiyo
    
    Halkaad guul ku leedahay
    
    Waadigan igawshee
    
    Kaadhka iga gubaayee
    
    Horta geela yaa waday
    
    Yaa gulaanka geyn jiray
    
    Gabdhaha yaa meherin jirey
    
    Ama  guursan jiray beri
    
    Gugumow walaalow
    
    Inaan kuu guneeyoo
    
    Garab aan ku siiyoo
    
    Adna aad igarataan
    
    Gelinaayay laabtee
    
    Sowdigan idaba galay
    
    Waa waxaad se gurataaye
    
    Orodoo dudumo ka gal
    
    Itnaaan gebigu kugu dumin
    
    Hadii kale garbaa ii taaliyo
    
    Godbaa aniga ii hadhay
    
    Waligaa golaha keenoo
    
    Gabalkuna ha  kuu dhaco
    
    Geekii lagu shiraayiyo
    
    Gartii soo dhamaatoo
    
    Nin waliba gedii  hadal
    
    Gudoonkiina wuxuu yidhi
    
    Labadiina guul wade
    
    Goolka laga hadlaayiyo
    
    Garasho waad ka simantihiin
    
    Aragiina guud iyo
    
    go’aan waad ku saxantihiin
    
    dadkana ha u gamaara gurdayn
    
    gacan haadis fara badan iyo
    
    guuto soo dabaashiyo
    
    googol xaadhan ugu yeedh
    
    markay soo gudbaane
    
    guudka kaga fadhiistaane
    
    gudintana lawada dhigo
    
    la dhex gala sidiinii
    
    garo oo guurtidooduno
    
    waa galaydhka duulee
    
    warka dunida geeyee
    
    hadba dacal ugooshoo
    
    gunta hawshu leedahay
    
    gelin waa farihiiyoo
    
    inuu talo gorfeeyoo
    
    runta garabka saarona
    
    gacmihiisa kala baqay
    
    hayeeshee golihii iyo
    
    gartii waxa ka soo baxay
    
    inay nimanku gudhanyihiin
    
    adigana god kuu qode
    
    gunta hoose dheertahay
    
    ee iska garo intaad jabin.
    
    
    
    
    
    
    
    
Ducfiga Gumaysiga   Dib U laabo

    
    Gabaygan wuxuu hal abuurku si qoto dheer ugaga hadlayaa
    
    halgankii dheeraa ee loo soo maray madax banaanida Somaliland
    
    Isla markaana wuxuu ka digayaa  in ay wixii dhacay dib u dhacaan
    
    
    
    Ducfigiyo gumaysiga markaan daab-cada u qaatay
    
    Ee aan calanka duuga ah ka helay waa dadnimadaye
    
    Dal jacayl daraadii markaan daadah socod siiyay
    
    Hal-kaan derejo lay saaro iyo samo ka doonaayey
    
    Dacartaan kabaday waa ogaa ruux damiir lihiye
    
    Dib haw raacin raadkaaga yaan lagu dayaysiine
    
    Durbaan laguma keenine ragbaa  loogu dawlagay
    
    Dadow dhawra heelada marbaa nala dab raacdeene
    
    
    
    Daluun ruuxku dhacay oo rabigay debeda soo joojay
    
    Dib haduu jaleecada udayo wa u damiir xumo,e
    
    Darmaan ruux lasiiyo misane baqal ka door mooday
    
    Damcigiisa iyo wuxuu rabaan dookhku hoos jirine
    
    Dahab ruux haystaa malahay dacar ma siisiteene
    
    Dib haw raacin raadkaaga yaan lagu dayaysiine
    
    Durbaan laguma keenine ragbaa  loogu dawlagay
    
    Dadow dhawra heelada marbaa nala dab raacdeene
    
    
    
    Dalka nimaan lahayniba markuu diiqad gelinaayay
    
    Maalintii diyaaraad ka kaca lagu duqay naayay
    
    Ilaa daraf ilaa daraf markuu jiibku dananaayey
    
    Hal doorkiyo ninkii ladan markii suuqa lagu dooxay
    
    Dumarka iyo maatada markuu dacawgu hiigaayay
    
    Doob iyo barbaar baa ukacay oo daacada umaraye
    
    Durbaan laguma keenine ragbaa  loogu dawlagay
    
    Dadow dhawra heelada marbaa nala dab raacdeene
    
    
    
    Dalkan  nabada haystiyo nimcadan daayin ina siiyay
    
    Durdurada xareediyo arladan lagu dal-xiisaayo
    
    Aduunyadan dekaynaysa iyo xarago lagu dangiigaayo
    
    Dermadaadku jiiftiyo hurdadan debeca loo seexdo
    
    Damaashaadka noloshiyo xornimo debeda loo joogo
    
    Doraad lama ba haynine haday degelka taalaa
    
    Durbaan laguma keenine ragbaa  loogu dawlagay
    
    Dadow dhawra heelada marbaa nala dab raacdeene
    
    
    
    Daruur curatay degaan baxdiyo dooga iyo rayska
    
    Daad soo rogmaday iyo biyahan dulun dul caynaaya
    
    Dureemada ku taaliyo dixida darifka maajeenta
    
    Duqowgiyo sarmaantiyo dhirtaa damasha waa weyna
    
    Debecdaadku maashiyo hashaa darartayee joogtay
    
    Doraad lama ba haynine haday degelka taalaa
    
    Durbaan laguma keenine ragbaa  loogu dawlagay
    
    Dadow dhawra heelada marbaa nala dab raacdeene
    
    
    
    
    
    
    
Qaadka Sumadiisa   Dib U laabo
    
    
            Qaadka sumadiisa
    
    Waa gabay ka hadlaaya dhibaatada qaadku lee y ahay iyo sida
    aan qofka qaadka cunaa haba yaraatee wax faa,iido ah ulahayn
    
    Wuxuuu soo baxay 01/01/09
    
    
    
    Quwadiisa ruux eebahay qarada miisaamay
    
    Qalbigiyo lixaadkii ninloon shayna qabanaynin
    
    Qoraxdii udhalataba nin raba qawlalo labuuxsho
    
    Qori iyo caleen ruuxdhishoo quudku sheegaaya
    
    Qarqarsiga nimaan furi aqoon qaalin iyo layli
    
    Qaalmaha ninaan dhaqan karayn qawrax iyo kaatun
    
    Qalwo nimaan samayn Karin misna qaadhka iyo edega
    
    Qaadiga nimaan gaadha hayn qaariyada diinta
    
    Quraankiyo xadiiskii nimaan qaybka garanaynin
    
    Qiimaynta nololeed nimaan qaybna lagu sheegin
    
    Oo qaba inuu yahay hadana ruux quruun hagaya
    
    Qolqol jooga isfaanshaaba waa qaadka sumadii
    
    
    
    Qaadirkaa ismaaciil ibaray qaabka loo dhigo’e
    
    Ma qotomiyey qaabaynta gabay qiimihiyo luuqda
    
    Afartaa qiyaastii miyaan qodobna meel seejay
    
    Qalad miyaan ka galay bahalku sawqaaxo wade maaha
    
    
    
    Nin qayilay qardoofadu kumaqan qiiro kay tahaye
    
    Qaxar iyo dhib inuu geedku yahay waa qiraal dhaba
    
    Qaniyaad aduun inuu latagay. Qalinku suuree
    
    Qarnigaa ii markhaatiya dalkii qaabka uu yahay
    
    Marhadii caleentaa qoyan uun qarash lagaa siiyo
    
    Oo ay qasaariyo lurtahay qaan laguu haysto
    
    Quulaha adoo soo gurtaa qurux badnaan layd
    
    Qofna kuguma haystee dhirtaa qubane hoosyaal
    
    Ninka quutul awliyaha yidhi waa u qorshe la’aan
    
    Waa qudhun qadhaadh lagu dariyo qoofal soobaxaye
    
    Waa qawaacib ina haysta oon laga qatoobayn
    
    Waa quud iblays iyo midaan qurux hilmaamayn
    
    Qaabka xumada wuxuu uga egyahay qodax sarmaaneed
    
    
    
    
    
    Qaadirkaa ismaaciil ibaray qaabka loo dhigo’e
    
    Ma qotomiyey qaabaynta gabay qiimihiyo luuqda
    
    Afartaa qiyaastii miyaan qodobna meel seejay
    
    Qalad miyaan ka galay bahalku sawqaaxo wade maaha.
    
    
    
    Dhamaad.
    
    
Gudoon   Dib U laabo

    
    
    Dad gudoon xalay iga tegaan gaadh islee yahay
    
    Iyaguna galbadoo iiga tage gegi habaas weyn
    
    Oo gaadhe meeshay rabeen gurigi fiic naa
    
    Geediyo naqii gooste oo gure wixii yiil
    
    Gablo iyo ciyaar bay tuntaan goor iyo alley
    
    Gaashaan qaadkibaa ukacay intay guri gayleeleen
    
    Aniguna garaad kaygi baan gegi lajoogaa
    
    Hashaan godol lahaa baa gabniyo noqotay geed jaan
    
    Geenyadaydiyo faraski baa gaabiyoo hadhay
    
    Halkaan guul kadeyay baa dhibkuba iiga soo galay
    
    Gegi madhan garoon baabihiyo gubad madoobaaday
    
    Intaasoo galiilyood anaa gaar ahaan helay
    
    Guumays sideedii ayaan geed usaarahay
    
    Guuguule qaabkiisi baan goobi ka ciyaa
    
    Sidii hooyo gaban keed dhintaan goor kastaba ooyay
    
    Gurma go an sidii say ilmadu gabax ilee dahay
    
    Gabaahiir baan  ku hadhay garabla,aan tayda
    
    Anigaa isu gaystee dhibkani igama gaadheen
    
    Afartaa gadii gabayga iyo garasho waayeel dheh
    
    Guubaabo talo galacnimiyo gobiyo xaalkeed dheh
    
    Godka kale galkay daarantiyo hoosu geliday dheh
    
    Guricii siyaad lagu ridiyo dawladii gaani
    
    Go,e waxa uwaynaa diintanay garani waayeen
    
    Wixii galay islaam kay sidii gaal ulaayen
    
    Galyixii rasaastiyo tabay geli yidhaahdeen
    
    Sidii adhi lasoogawracay gabax ka siiyeen
    
    Adiguna gedeedii hadaad godadba dheeraatay
    
    Gariirkii ku dhacay waad ogayd goorti uu jabay
    
    Ee garo xumaantood ka jog geeri nolol moodka
    
    Oo hays ka gubin beertanay guunyaduba daaqdo
    
    Hadii kale guhaad iyo dhibaad galabsan doontaa
    
    Gucumaale aar iyo masbaa gogosha kuu geli
    
    Oo good micida saydhayaa goosan farahaaga
    
    Oo gogosha lagu wada hurdaa gaadhimeel dheer
    
    Waxay gaadhi meeshii marhore looga hawgalay
    
    Guntawaxay utegi waa halkaan geeri dhaafsaday
    
    Galbatoo majoogtaa ka dhici guul daraanteena
    
    Ee hooy ugaalgaala oo godol intay joogto
    
    Afartaa ga’dii gabayga iyo garasho waayeel dheh
    
    Guubaabo talo gacalnimo iyo gob iyo xaalkeed dheh
    
    Godka kale galkay daarantiyo hoos ugaliday dheh
    
    Gugii ay rintoba waxay dhashaa gawlaliyo jiic
    
    Gumar iyo qadhadhbaa ka baxa gacanka beertooda
    
    Goombaar  jin bay daaqday iyo geedo yaab badan
    
    Garaabiido  iyo waxaa ku dhacay cudurka geel laaye
    
    Guudaan dalooshaa ka helay garabadoodii
    
    Waa ged lagu yaqaanoo saxay kugu giriifaan
    
    Guraca iyo maroorbaa ku jira gabi ahantoode
    
    Gedis bay talaabada dadkani din ugucleeyeene
    
    Goortaan  haru socod rabay dib ugadasheene
    
    Hadaad gudimo soo iibsatoo daabna soo gadato
    
    Oo aad geliso gudintii halkay gacantu qabanaysay
    
    Oo goo isleedahay dhirtana geedka ugu waynba
    
    Ma garaacdo laan qudha hadaad goyn lahayd qaar
    
    Gedi oo dhankale daab ugali inay wax kuu goyso
    
    Oo guri barwaaqo ah bal doon inaad wuxuun geyso
    
    Oo  gaar u eeg meeshan aad geediga usaartay
    
    Oo yaan gufaaciyo dabayl lagugu gelinsiin
    
    Imikay hashii gaaxatee gaawa ha uqaado
    
    Oo yaaanay gaagixin intaad gurada meerayso
    
    Oo intaad hadhow gocanlahayd imaka meel geyso
    
    Afartaa ga’dii gabayga iyo garasho waayeel dheh
    
    Guubaa bo talo gacalnimiyo gobiyo xaalkeed dheh
    
    Godka kale galkay daarantiyo hoosu geliday dheh
    
    Sidii goosan adhiyoo dibjiray yaan ugudaynaa
    
    Gidigeed barbaarti wataa guratay heensaa
    
    Waataa galbeed qabatayee galab caraabaysa
    
    Gaaladii islaam nici jireen wataa gacalka moodaysa
    
    Giriiga iyo shiinaha wataa geeskastaba joogta
    
    Waakuwaa dhulkii gubay islaam goobta saxa mooday
    
    Waataa aynu guree jarmali gaadhay dacal keenu
    
    Inta gegi banana diib ku cunay geesna laga waa
    
    Inta badaha guuxaa cuneen waa gu kaa maqan
    
    Inta galab socdaashaan lahayn geeri iyo nololba
    
    Intagtaajolaysiyo hablaha qurux la guumoobay
    
    Inta gololo inaaneed dhulkaa gaalo ku cashaysay
    
    Inta wada gurboodkee danigu gubayo laabtooda
    
    Inta geed caleemaad ka jaan guratayee daaqday
    
    Ee gurigi jiifteen dhanaba hawl ka garanaynin
    
    Waxaa guuldariyo ciil ihelay waa gefkaygii
    
    Guud ahaan wixii igu dhiciyo garabla,aan tayda
    
    Anigaa isugaystaye dhibkani igama gaadheen
    
    Afartaa gadii gabayga iyo garasho waayeel dheh
    
    Guubaabo talo gacalnimiyo gibiyo xaalkeed dheh
    
    Godka kale galkay daarantiyo hoosu geliday dheh
    
    Galoof noqoy cirkii oo beryahayn goobna heli waa
    
    Galool iyo gahaydhii caleen geedna laga waa
    
    Gudgudii biyaa shubi jiriyo mayaygi gawdaa
    
    Haday galal wiriireed biyuu waayo gawdiideen
    
    Oo ay gacal ubuuxeen dadoow labada gooroodba
    
    Go,oo haatan laga waa iyana gu iyo dartiiba
    
    Gurtidu haday waayo hore xaaja goyn haysay
    
    Gawsbaa lasiistaa hadoo looma geda baxo
    
    Waxba yaan intaan gabayga wado gaadhin meel dheer
    
    Waxbayaan galiilyada dhacdiyo godadkan faalayn e
    
    Geesigiifahmale baa igaran goobta aan degay
    
    Ee iga gudoon faysaloowgabayga miisaaman
    
    Afartaa gadii gabayga iyo garasho waayeel dheh
    
    Guubaabo talo gacal nimiyo gobiyo xaalkeed dheh
    
    Godkalena waa maasadaan soo gunaanado
    
    Guulaha ilaahoow adaan cidi ku gaadhayn
    
    Guulaha ilaahoow adaa garan sidii roon ba
    
    Gidigii dhulkaa wayn adaa guud ahaanba leh
    
    Gasiin kana adaa siiya & wax ku goostaan
    
    Guryo samo adaa qaar ku fura gobo raaxaad
    
    Gaban goobi adigaa badh fura  guri aan loo hoyan
    
    Gawraar adaa qaar deg yidhi gabaxa jiilaal
    
    Guulaha ilaahoow adigu guusha nagu toosi
    
    Allahayoow adaagelinkaree xaqana garansii
    
    Allahayoow shariciga geli dadkaa garab mare dhaafay
    
    Allahayoow geyiga nooga yeel meel wax lagu goosto
    
    Allahayoow garaadkaygan jabay garasho ii doori
    
    Allahayoow falaadha igu ganan geesun iidhaafi
    
    Oo iigargaar waaxidoow goor xun baan socone.
    
    
    
    
    
    Dhammaad
    
    
    
    
    
Hayb Sooca   Dib U laabo

    
    
    Maansadani waxay ka hadlaysaa dadka la isir sooco ama la quudhsado
    isla markaana waxay tilmaamaysaa cidhib xumada uu leeyahay quudhsigu.
    
    Hayb soocu waa ceeb
    
    Waxay soo baxday 19/11/2008
    
    
    Sinji ku waan wadaagniyo
    
    Sabadaan ku ababiyo
    
    Waxa saran dunidaa
    
    Safafkaan ujeceliyo
    
     soomaali laaneey
    
    sahwi iyo wax yeeliyo
    
    suluf iyo dhibaatiyo
    
    selel iyo is diidiyo
    
    sakatiyo hujuuniyo
    
    saymaha iyo hoogiyo
    
    sur-suur eebe kaahay
    
    sifihiii islaam kiyo
    
    yeelo saw riciisii
    
    waan idin salaamaye
    
    side xaalku yahayoo
    
    maxaad saaka joog taan
    
    Marka xiga sarbeebiyo
    
    Suugaan murti leh iyo
    
    War baan kuu sidaa hoo
    
    Dhulkoo seben barwaaqo ah
    
    Adoo sabo banaan yaal
    
    Seer mawaydo joogoo
    
    Sagalkiina kuu da,ay
    
    Marti socota layl dhexe
    
    Salaa loo fid shaayoo
    
    Salkaa loo dhigaayoo
    
    Wanka sarar wenyliyo
    
    Saabuun caanaheediyo
    
    Xeedho sixin la raacshaa
    
    Lagu soo dhoweeyaa
    
    Soor yaa la bixiyaa
    
    Ruuxii salaad necebee
    
    Marna aan sujuudaynee
    
    Soomin bilaha ramadaanee
    
    Sadaqaadka aan bixinee
    
    Wax sag-saaga mooyee
    
    Samaa aan wax ku lahaynee
    
    Misne saira adoomaha
    
    Rabigay ma saamaxo
    
    
    
    
    
    Aan kuu sifeeyoo
    
    Kuu saafo eraygoo
    
    Sida aan ujeediyo
    
    Warka  aan ku siiyee
    
    Sadar yuu ku dhaafine
    
    Siday tahay uqaadoo
    
    Sadrigaaga ii geli
    
    Inaad kala saraysoo
    
    Subad kala lahaatoo
    
    Sagaal magac ku yeedhiyo
    
    Hayb soocu waa ceeb
    
    Dadku waa so,o qudha,oo
    
    Waa sideed walaalo ah
    
    Waa sawrac keliyoo
    
    Waa suul iyo gacantii
    
    Rabibaa ina simayoo
    
    Lama kala sareeyee
    
    Sidaa aaminoo garo
    
    Ninka taa saluugee
    
    Samada isla joogee
    
    Ka qabweyn sidaasee
    
    Reer hebel ku seexdee
    
    Sadrigiisa geliyow
    
    Subxaan kaan ku dhaartee
    
    Su,aal ba dambaysiyo
    
    Meel aan cid cid saacidine
    
    Sidaad yeeli doontaa?
    
    
    
    Safka aad yasaysee
    
    Salowga aad ku beertee
    
    Sadcaal beegsanaayee
    
    Ka socdaalay beledkee
    
    Suuradeeda noloshaba
    
    Seere madhan ka joogaa
    
    Xumaan lagu saluugoo
    
    Dadka lagaga saariyo
    
    Hala may samaynine
    
    Waa idin la siman yiin
    
    May seegin noloshoo
    
    May sal guurin dhaqankee
    
    Soomaalay uwacan yiin
    
    Ninka taa saluugow
    
    Subxaan kaan ku dhaartee
    
    Su,aal baa dambaysiyo
    
    Meel aan cidi cid saacidine
    
    Sidaad yeeli doontaa?
    
    
    
    Ilaa seben ilaa seben
    
    Sana waadadii tegay
    
    Wixii aa samayseen
    
    Dadkii aa sir baad teen
    
    Suurtaa boog uyeesheen
    
    Intaa inan sed iyo calaf
    
    Seeji seen geyaankeed
    
    Sidig taa ka gudhiseen
    
    Intaa shay samaa ku xun
    
    Sir iyo cad ba fuliseen
    
    Haday daan ka saahidin
    
    Sarac kaama hadhayee
    
    Ninka taa saluugow
    
    Subxaan kaan ku dhaartee
    
    Su,aal baa dambaysiyo
    
    Meel aan cidi cid saacidine
    
    Sidaad yeeli doontaa?
    
    
    
    Diin taa  sifaysoo
    
    Suubanow rasuulba
    
    Saf xadaa xadiisyada
    
    Saxiix iyo bukhaariba
    
    Sidaa  kuu cadeeyoo
    
    Suuradaha quraanka ah
    
    Sadaradooda qaar iyo
    
    Subucyada badhkood baa
    
    Sidaa laguugu sheegoo
    
    Saadir baa xaqsooraye
    
    Ninka taa saluugow
    
    Subxaan kaan ku dhaartee
    
    Su,aal baadambaysiyo
    
    Meel aan cidcid saacidine
    
    Sidaad yeeli doon taa?
    
    
    
    Marka siidhi dhaco,ee
    
    Saacadii qiyaamaha
    
    Wakhtigeedi sara kaco
    
    Ee uu malagu seefaha
    
    Ku saafaayo noolaha
    
    Samadiyo aduunkana
    
    Sikin qudha la laabee
    
    Soo baxu bilaabmee
    
    Subaxaa qiyaamee
    
    Dad ku soogan yahayee
    
    Saaxiiba daa iyo
    
    Ilmaadeer ku saacida
    
    sina lagu  helaynee
    
    samhariira muuqee
    
    indhuu ay sas qaadeen
    
    Sida naan ahaa iyo
    
    Waxa naan sameeyiyo
    
    Sanka oo lataagiyo
    
    Reer hebela soconayn
    
    Subxaan kaan kudhaartee
    
    Su,aalbaa dambaysiyo
    
    Meel aan cid cid saacidine
    
    Sidaad yeeli doontaa?
    
    
    
    
    
    Dhamaad .
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Sccda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
Soo Socda   Dib U laabo

    
    
    
    
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
soo socda   Dib U laabo

    
    
    
    Wuxuu yidhi:
    
    
    
    
Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.