Farshaxan
Farshaxan
Bahda Farshaxan
EMAIL
..
FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU
SAARANYAHAY MIISKA BEESHA
CAALAMKA DUSHIISA
Tan iyo intii ay Madaxbanaanida la soo noqotay Jamhuuriyadda
Somaliland sannadkii 1991-kii waxaa hubaal ah in shacabka
Reer Somaliland yar iyo weyn, ku dibad jooga iyo ka dalka
dhex gooshayaaba ay u heelanaayeen aqoonsi caalami ah oo
beesha caalamku u garawsato Jamhuuriyaddii lumisay
xorriyadeeda 1960-kii 26 June, waxaa hubaal ah in shacbi
iyo dawladba arrintaasi si isku mid ah loogu guntaday
dedaalka caalamiga ah ee Somaliland-ta cusubi u gashay
aqoonsi caalami ah oo ay kasbataana rajo weyn ka muuqato,
waxaa marag ma doonta ah in aqoonyahan, siyaasi,cuqaal,
salaadiin, waxgarad,culuma-awdiin, iyo dhamaan qaybaha
kala gedisan ee uu ka koobanyahay mujtamaca Somaliland ay
hirar dhaadheer u direen beel wadaagta ku odoraysa xidhiidhka
caalamiga ah xarunta Qaramada Midoobay ee New York, balse
akhriste su,aasha ay daalacan karto maskaxdaadu ayaa waxay
noqonaysa intee uu le'egyahay dedaalka Xukuumadda
Jamhuuriyadda Somaliland ku baadigoobayso waxaa shacbigeedu
u heelanyahiin oo ah aqoonsi caalami ah (International
Recognition),laga soo bilaabo dawladdii Maxamed Ibraahim
Cigaal alla naxariistii Janno ha siiye ilaa xukuumaddan
rigliga ah ee Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxaa la odhan
kara siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland waxay ku
socotay xaami weyn oo laga dheehan karo durtaba
natiijooyinka ka soo ifbaxaaya, waxay Xukuumadda Madaxweyne
Daahir Riyaale Kaahin rukunada u aastay xidhiidhka Sokeeye
ee Dawladaha Ethiopia, Jibouti, Koonfur Afrika, Senegal,
midawga Europe, Maraykanka, Britain.
Inkasta oo aan la wada odhan karin xukuumadda Madaxweyne
Riyaale Kaahin waa ka wada dhargisay beesha caalamka
mansabka Shacabka Somaliland hadana waxaa la odhan kara
dedaalka ay xukuumaddu ku jirto lama yasi karo, Madaxweyne
Riyaale iyo Wasiiradiisa arrimaha Dibadda Marwo Adna Aadan
Ismaciil waxay garaaceen albaabo badan oo loogu qaabilay
si layaableh, taasi oo farakanax ku noqotay cadaw badan
oo aan jeclayn horumarka shacabka Somaliland,waxay
xukuumaddu geed dheer iyo ku gaabanba u kortay siday u
bikaacin lahayd hamiga shacabkeeda, balse akhriste waxaa
hubaal ah talaabo kasta oo diblomasiyadeed oo xukuumaddu
qaado inay leedahay caqabadeeda, siyaasadeed, dhaqaale
iyo bulsheed, waxaan jecelahay hadaba inaan qoraalkani
ku gorfeeyo caqabadaha la taaban karo ee la doonayo inay
xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si taxadar ku jiro
uga gudubto iyada oo adeegsanaysa khibrado siyaasadeed
oo ku dhisan cilmi iyo aqoon la gorfeeyey.
MAXAA BEESHA CAALAMKU HOR DHIGI KARTA XUKUUMADDA SOMALILAND
Hanaanka diblomasiyadeed ee ku salaysan xidhiidhka
caalamiga ah (International Relations) ee ay badana
ku shaqeeyan quruumaha ku midoobay ururka qaramada
midoobay (U.N) ayaanay mar walbaa ma maqnayn ama ka
madhnayn shuruudo caalami ah iyo kuwo maxali ah oo
la hor dhigo dalkasta oo bisayl xoriyadeed kasbaday,
taasi hadda waxay u hadhaynaysa xukuumadda Jamhuuriyadda
Somaliland si lama filaan ah oo la odhan karo xukuumaddu
taxadar kama muujinayso, u hanqal taagidda aqoonsi
caalami ah waxaa ka horeeya lafa gurridda caqabadaha
horyaalla (Preliminary obstacles), tusaale buuxda
arrintaasi markaynu usoo qaadno waxaa todobaadkii ina
dhaafay Guriga Baarlamanka ee ingiriisku (The house
of Commons) uu dood baaxadleh oo jilbaha la is
dhigtay ka yeeshay qaddiyadda Somaliland, taasi oo
marka si loo eego leh rajo aad iyo aad u weyn oo u
bildhaantay shacabka Somaliland, balse marka loo eego
sida xukuumaddu Jamhuuriyadda Somaliland uga midho
dhalin karto bildhaanta Siyaasadeed ay u muuqato mid
aanayba xukuumaddu u xadhka xidhanin, isweydiinta
muhiimka ahi waxay tahay ma ka badbaadi karaan
saraakiisha arrimaha dibadda ee Somaliland haddii
guriga baarlamaanka ee britain ay horyimaadan
guuxitaanka ku caanka ah dimuqradiyadda guriga
baarlamaanka ee britain (oooooow) iyo (yeeeeeee)
labada weedhood ee aynu kor ku dhignay waxay
bartilmaameed ama hufnaan weyn u yahiin yeelitaan
balaadhan iyo diiditaan qayaxan oo lagala hor iman
karo hawlwadeenada Madaxweyne Daahir Riyaale
Kaahin, macnaha ku jirta murtidu waxay tahay
xukuumadda Britain lagama yaabo inay xukuumadda
Somaliland ugu yaboohdo aqoonsi deg deg ah balse
waxaa hubaal ah in britain soo hor dhigi doonto
shuruudo badan iyo weliba su,aalo la xidhiidha
sababta ay Somaliland qaddiyadeeda u lumisay 7
cisho ka dib markii ay Great Britain gacanta ka
gelisay, waxaa looga baahanyahay Hawlwadeenada
Madaxweyne Riyaale inay jawaabo hufan u
diyaarsadaan su,aalahaa ku iman kara oo aan hadda
u muuqanba inay xukuumaddu barnaamij cad ka
samaysatay.
2. HALKAY KA TAAGANTAHAY XUKUUMADDA SOMALILAND
MAWQIFKA SHACABKEEDA
Xukuumad kasta oo dunida ka jirta waxay leedahay
barnaamijyo siyaasadeed oo waafi ah oo ay ku
turjumayso rabitaanka iyo baahida shacabkeeda,
taasi waxaa marag ma doonta u ah in Xukuumadda
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ay tusaale u
tahay, markasta oo ay xukuumaddu qaadayso
tallaabo diblomasiyadeedna waxaa haboon inay
taageero buuxda ka haysato garabyada bulshada
Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo xukuumaddu
xeerinaysa dastuurka jamhuuriyadda Somaliland,
dhaqanka bulshada, iyo weliba danta guud ee
dalka Somaliland, xukuumadda waxaa ku waajib
ah inay soo dhawayso fikradaha xorta ah ee
bulshadeed ku dhaqan gudaha iyo dalka
dibadiisaba, waxaa haboon inay xeeriso
talooyinka iyo tusaalooyinka, aqoonyahanka,
xeerbeegtida, siyaasiga, ururada siyaasadda,
ururada samafalka, ururada diiniga, culuma
awdiinka, iyo qaybaha bulshada ay hogaamiso
dhexdeeda ka jira, xukuumadda waxaa ku
waajib ah inay daraasado ku samayso
afkaarta dadka Somaliland kuwaasi oo ay la
tegi karto ama ugu shidaal qaadan karto
dedaalka loogu jiro aqoonsiga Somaliland,
xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa
ku waajib ah inay qaadato tallaabo kasta
oo dalka dantiisu ku jirto ha noqoto mid
siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid
militeriba.
3. WAA MAXAY WAAJIBAADKA SHACABKA SOMALILAND
Dal waxaa lagu qeexi kara shacabka ku dhaqan
jiritaankooga, go'aankooga, iyo masayrkooda
inay iyagu ka tashadaan, hadaba Shacabka
Somaliland waxaa hor yaalla masuuliyad aad
iyo aad u weyn oo ay ugu muhiimsantahay
inay iyagu gacmaha isqabsadaan, ka
foojignaadan waxaa u keenaya fadqalad iyo
kala fogaansho dhexdooda ah, shacabka
waxaa ku waajib ah inay dawladooda ay
doorteen ku gacansiiyaan wixii maslaxadi
ugu jirto, waxaa shacabka sidoo kale waajib
ku ah inay ka hortaan waxaan dani ugu
jirin ee ay xukuumadoodu ku dhaqaaqayso,
waxaa shacabka waajib ku ah inay
xukuumadooda siiyaan awooda maamul ee
dalkooga waayo dawladdu waa muraayadda laga
hago dalka, balse haddii ay dhinac cararaan
boqolaal calooshooda u shaqaystayaal ahi
waxba uma suuro geli karto xukuumadda,
(parrallel authority is the destruction
of nation but unity is the best they can
develop their interest) waxaa bulshada
Somaliland ku waajib ah inay gartaan in
xukuumaddu tahay maamulkooga ugu sareeya
ilaahay ka sokow (Central Command)
xeerbeegtida iyo suldaankuna yahay mid
dhaqan oo aan lala bar bar dhigi karin
xukuumadda, shacabka Somaliland oo aan
hubo inay bisayl siyaasadeed gaadheen
waxaan kula dardaarmaya inay ilaashadaan
qaranimadooda iyo xorriyadooda aanay
dhayalka ku kasbanin.
Guntii iyo gebo gebadii waxaan leeyahay
Aqoonsigii aynu raadinaynay wuxuu
saaranyahay miiska beesha caalamka
kasbashada aqoonsigaasina wuxuu ku jira
gacmaheena dhexdiisa ee aynu bilawno
sidii aynu uga midho dhalin lahayn aan
u diro shacabka iyo xukuumadda
Somaliland baaqan
Rabow dowladnimaduna
kuma iman dalxiisoo
doorroonayaal baa
u daldaley naftoodoo
dumar baa hugoodiyo
dahabkii u iibshoo
Doondoonisteedii
dhiig baa ku daatee,
Rabow dawlad curatoo
ubadkeeda deeqdoo
dakhrada bogsiisiyo
dawa la isku baantiyo
ka dhig malabka doocaan.
Rabiyow dirkeygii
gobolaa dambeeyoo
u dib jirey caddaawoo
darrayada gumeystuhu
daran-doori lagu dayey
rabiyow ka soo daa
Dibin-daabyadoodoo
Lixda dagal isu keen.
(sool, sanaag,Saaxil,
Hargeysa, Togdheer, Awdal)
Rabiyo dadkaygana
danwadaag isjeceloo
darjaysa qarankiyo (Somaliland)
bulsho laga dabqaatoo
Carro Edeg ku dayatiyo
ka dhig ul iyo diirkeed.
Rabiyow dugaalkiyo
dugsi waa dhul hooyee
dibad ruux u sahan tegey
duli waayi maayee!!
nin da'diisa tuugoo
dawarsadey asaagii
doqoniimo weeyee!
dalkayaga Ilaahow
dheregiyo daryeel iyo
Wax nadeeqa nagu sii.
Rabow doodda akhiro
marka ay durbaankiyo
dawanadu is dhaafaan
dadku kuu yimaadaan
deryka soo fadhiistaan
rabiyow hanagu darin
inta aad ku digatee
u dareerta Naartoo
labadaada daraarood
rabiyow ta door roon
Kuwa dagaya naga yeel
Amiin Allahayow
Amiin Allahayow!!!
Walaalka Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
|
oo ah fadhiyaha
mareegta farshaxan London-England-
Cabdi-Fataax Ibraahin Sh.Xasan
|
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |