Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Hijaab Farshaxan

Bahda Farshaxan EMAIL ..

    
    
    
    Axmed Siciid Cige- London
    
    Waxaa maanta magaalada Pretoria ku geeriyooday, Madaxweynaha
    Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
    
    Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay da'diisu tahay ku dhowaad
    siddeetan sano, waxaa uu Soomaaliya ka soo noqday Ra'iisal
    Wasaare lixdamaadkii.
    Warkan waxaa BBC-da u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta ee
    Somaliland Cabdullahi Maxamed Ducaale.
    
    
    Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaaliyed
    ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa
    nolosha siyaasadda.
    
    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii
    1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.
    Yaraantiisii waxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco,
    Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii
    malcaamadda qur'aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.
    Warbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirta xagga
    ganacsiga magaalada London, ee waddanka Britain,
    waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii
    kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii
    xornima-doonka xisbigii SNL.
    
    Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji
    Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo
    xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey
    xornimadii Soomaali-Land.
    
    Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
    Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha
    U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, waxuu
    gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay
    xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska
    taariikhdu markeey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.
    
    Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay
    ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur,
    Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.
    
    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee waxuu
    noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib
    markey xornimadeeda gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.
    
    1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee
    Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda
    Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya,
    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii
    ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii
    gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.
    
    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxuu kaluu noqday wasiirka
    tacliinta ee Soomaaliya 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase
    yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi,
    isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran
    jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL.
    
    10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra'iisul-wasaaraha
    Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma'arke loo doortay
    xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.
    
    Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra'iisul-wasaaraha
    doorashooyinkii 1969-kii .
    
    21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu
    hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya,
    Maxamed Ibraahim Cigaal waxuu ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu
    dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray,
    wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii
    February, marka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd
    1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo agacaabay Danjiraha
    Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna
    islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.
    
    1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha
    Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska
    casilay markiiba.
    
    Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qeyb
    galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee
    Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal
    waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo jagadaasi
    dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-dii.
    
    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu todobaadkii hore daweeyn u
    tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa
    Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee
    Soomaali-Land.
    
    Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu
    guursaday intii uu noolaa shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan
    caruur ah oo kala ah sadex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba
    ay u dhashay Marwo Caasha Saciid Caabi.
    
    
    
    
    
     

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.