HAL KA HALEEL iyo dareenkayga
Jul 15 2004
Ku: Maxamed Baashe X. Xasan (qoraaga buuga HAL KA HALEEL),
Ku: Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi),
Ku: Bulshawaynta reer Somaliland
Marwooyin iyo mudanayaal, Asalaama caleykum wa raxmatulaahi wa barakaatu, Walaalayaal qoraalkani waa
dareen ka dhashay ka dib markii aan akhriyay buuga Hal Ka Haleel ee Maxamed Baashe ka qoray abwaanka
wayn ee Hadraawi. Ugu horayn waxan walaalkay Maxamed Baashe u dirayaa Hambalyo iyo boogaadin, ilaahayna
waxan uga baryayaa inuu ka jasaai siiyo wacyiga diinigee balaadhan ee uu usoo jeediyay umada Soomaalida
iyo cid walboo Islam ah oo buugan akhrisan karaysa. Hambalyada iyo boogaadintu kama dhigna inaan
nuxurka buugan gabi ahaanti u riyaaqay ee waxa weeyi ficilka iyo dadaalka qoraaga buugani la yimid ayaa
qadarin iyo hambalyo iga mudan.
Kasokow taariikh nololeedka Hadraawi buugani waxa kale oo uu ka kooban yahay taariikh guud, waana taas
(taariikhda guud) ta aan qoraaga buugan ku raacsanayn qoraalkaygana u sababta ah.
Horta waxan doonayaa in aan shaqsiyada Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) ka yara faalloodo sida
buugani u dhigay. Hadii buugani (Hal Ka Haleel) iigu horayn lahaa maqalka Hadraawi ama hadaladiisa iyo
fikradihiisa, waxa weeyi nin ay tahay in lagu daydo oo tusaale (example) laga dhigto. Anigu Hadraawi
aqoon uma lihii, manalihi buugani beenbu sheegayaa. Hadraawi hadaladiisa waxa iigu horaysay, marka laga
reebo gabayadiisa oo aan dadka waawayn ka maqli jiray wakhtiyadii halganka SNM, markii uu bilaabay
socdaalkii uu ugu yeedhay socdaalka nabada. Waxan mabdi-iyan u aaminsanahay in qofka hadafkiisa lagu
ixtiraamo oo lagu nabad galiyo. Hadafka Hadraawi ka leeyahay gooni isutaaga Somaliland waa mid uu xaq u
leeyahay ama hakasoo horjeedo ama ha taageeree laakiin dhaliisha Hadraawi waxay tahay in uu maanta
hadafkiisa daacad uu u noqon waayo oo uu kolba hadal nooc ah ku hadlo. Walaalayaal tani waa mid aan
anigu dareensanahay waxaanan ku salaynayaa dhacdooyinka soo socda.
Hadraawi marku Somaliya kasoo noqday ee uu Somaliland kusoo laabtay waxa magaalada Burco waraysi kula
yeeshay saxaafada. Waxa Hadraawi hadaladiisii ka mid ahaa: "yaan Somaliland laga dhigin cuqdad meel
yururta". 16kii novambar 2003 mar Hadraawi xaflad loogu sameeyay magaalada Hague (The Netherlands) waxa
madasha uu Hadraawi fadhiyay sudhnaa oo ka lushay calanka Somaliya. Suaalihii Hadraawi halkaa laga
waydiyay waxa ka mid ahaa: adeer nin Soomaali ah ayaad tahaye oo Soomaaali oo dhan ka dhaxeeye maxay
dadkani (qabanqaabiyayaashi xaflada) calankan kuu dul sudheen? Hadraawi wuxu ku jawaabay: "calankani
waa calankaygiiye hadii aad ku faraxsantahay xidigta dhinacaaga gooso". Sanadkan bilawgiisi (January
ama February) waxa magaalada London Hadraawi ku waraystay wargayska Jamhuriya suaalihii la waydiyayna
waxa kamid ahaa: miyaad kasoo horjeeda gooni isutaaga Somaliland? Jawaabti Hadraawi wuxu ku bilaabay:
"wax walba waa inaan ka jawaabe tana waan ka jawaabi". Intu Somaliya joogay laftigeeda mar uu shir
jaaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho wuxu yidhi: "dalkaygii baan joogaa".
Hadaba anigu walaalayaal hadaladan meel aan u qaado garan maayo ee laakiin hadii an isku dayo inaan
turjunto, wuxu Hadraawi marna leeyahay nin Somalilander ah ayaan ahay oo waajibkii Islaamnimida ee
saarna kasoo baxaya, marna wuxu leeyahay nin Soomaali ah ayaan ahay wax lakala qaadqaadana ma ogali oo
wuxu mataanaynayaa kalmadaha Soomaali iyo Somaliya waana ta buugan laga dhandhansan karo. Qoraalkan
ujeedadiisu maaha in aan faalleeyo hadafka saxsan iyo ka kale ee waxa weeyi in aan ogaado hadafka
Hadraawi ka leeyahay kala taga dalweynihii Somaliya la odhan jiray waayo shaqsiyada buugani soo
bandhigay waa mid had iyo jeer mawqif cad taagan diidana inay noqoto gorayadii lugna ciyaarta kula
jirtay, lugta kalena dibadda kala joogtey.
Dhinaca kale sidaan horeba usoo sheegay buugani noloshii Hadraawi oo qudha kama koobne wuxu kaloo ka
kooban yahay taariikh guud. Maxamedaw (qoraaga buuga) walaal aan ku xasuusiye mar uu ninka Cisman
Abokor la yidhahdo taariikhdaada si kooban ugaga waramayay buuga (Hal Ka Haleel) dabayaaqadiisa,
sheekadiisii waxa ka mid ahaa: "bishii August 1987kii waxa uu qoraagu deeq waxbarasho ugu kicitimay
waddankii loo yaqaanney Czechoslovakia, waxanu magaalada Prague ee The Czech Republic ka bilaabay
jaamacadda The Charles University". Cisman Abokor isagoo ujeedadiisu ahayn inuu taariikhda magaalada
Prague inooga sheekeeyo ayuu hadana akhristayaasha ogaysiiyay in Prague ay ka mid ahayd dal la odhan
jiray Czechoslovakia wakhtigii aad wax ka baran jirtay imikana ay ka mid tahay The Czech Republic.
Sideedaba sentence kani (jumlad-dani) waa ka qudhe taariikhda guud ee buugan ka saxsan. Hadii bacda 5
sanadood, qof 1990kii dabadeed dhashay buugan akhristo wuxu ogaanayaa in The Czech Republic dalka la
yidhahdo iyo dalka Slovakia la yidhahdo, wadan qudha wada ahaan jireen.
Adiguna Maxamadaw markaad nolosha abwaan Hadraawi ka sheekaynaysay, waxaad kalood qortay taariikh,
taariikh aad dariiqeedii ka leexisay. Waxaad tilmaamtay inuu Hadraawi qiyaastii 1943kii ku dhashay
miyiga gobolka Togdheer. 1943kii, garan maayo inuu magaca Togdheer jiraye oo adiga ayaa iga og baan u
malaynayaaye ee laakiin Togdheer waxay ka mid tahay dal xilligaas la odhan jiray British Somaliland
imikana la yidhahdo Somaliland Republic oo 13sanadood jira. Mar walbood tilmaamaysid dalkii Somaliya la
odhan jiray adigu waxad leedahay Somaliya oo waxaad baal maraysaa taariikhdii 60kii ka horaysay iyo
taariikhdii qormatay 18kii May 1991. Mida kale dareenkaagu wuxu ku siiyay inu qalinkaagu qoro
madaxweyne Maxamed Siyad Bare adigoo odhan karayay kaligii taliyihii Maxamed Siyad Bare waayo marka
Adolph Hitler taariikhdu qorayso ma tidhado madaxweyne Hitler ee waxa la yidhahdaa dictator Hitler iyo
wax la mid ah.
Maxamadaw walaal markii aynu iskugu nimid shirweynihii SSE (Somaliland Society in Europe) bishii May 22
iyo 23keedii ayaa waxa tidhi markii la isbaranayay: "waxan ahay Somalilander suxufi ah oo madax
banaan". Hadaba waxan kaa codsanayaa inaad isoo sharaxdid waxaad ugala jeeday Somalilander. Waxa laga
yaaba inaad hadafka aad ka qabtid gooni isutaaga Somaliland aawadeed aad taariikhda u qaloocisay,
xaqbaanad u leedahay oo kugu caayi maayo. Laakiin hadii ay sidaa tahay waxa kula gudboon inaad xilka
SSE lagaaga magacaabay, inkastoo aanad adigu isu sharixin, iska casishid waayo SSE himilooyinkeeda waxa
ka mid ah oo kuwa ugu waawayn ku jira in taariikhda Somaliland la qoro oo siday tahay loo dhigo intaan
la qaloocin. Adigoo nasiib u helay inaad taariikh sax ah qortid ayaad mid khalad ah qortay, hadana SSE
ayaan ka mid ahaanayaa oo waliba xil ka haynayaa waxay noqonaysaa sidaad aduguba sheegtay gorayadii
lugna ciyaarta kula jirtay lugna dibadda kala joogtey. Hadii aad khaladkan qiratidna xalku waxa weeyi
iyadoo buuga la saxo ama buug kale oo aad kan ku saxaysid soo saartid.
Ugu dambayn waxan doonayaa inaan khaladkan oo kale uga digo ninka la yidhahdo Boobe Yusuf Ducaale oo
sheegay inuu buug soo wado magaciisu yahay "Maalmihii nasoo maray". Boobe dhawaan wuxu saxaafada usoo
gudbiyay qoraal uu ugu jawaabayay gudoomiyaha baarlamanka Somaliland mud. Qaybe oo ku saabsanaa
heshiiskii dhicisoobay ee labadii dictator ee Maxamed Siyad Bare iyo Mengistu kala saxeexdeen. Boobe
qoraalkiisa waxa ka mid ahaa: "dhacdo dhagareed oo laba kali-taliye ku makalayeen labada shicib ee
Somaliya iyo Itoobiya ayaan kaga hadlayay". Sidii Maxamed Baashe ayuu Boobena u qoray Somaliya isagoo
inu yidhahdo ay ahayd dalkii Somaliya la odhan jiray. Sidaa daradeed mud. Boobe waxan ku leeyahay
walaal hadii buuga soo socdana taariikhdu sidan ugu dhigantahay, intay gori goor tahay sax hadii kalena
dadka hadafkaaga u cade fadlan.
Wa salaama caleykum wa raxmatulaahi wa baraakaatu.
The Author: Id Hasan Muse.
Authors Location: The Netherlands
Authors Email: iidsl@hotmail.com
|