Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Hijaab Farshaxan

Bahda Farshaxan EMAIL ..

Taariikhdii SNM oo Faahfaahsan
    
    Sannadguurada 23-naad ee ka soo wareegtay aasaaskii SNM [News Category -
    Posted by Haybeyare on Wednesday, 7 April 2004, 14:16:20 GMT]
    
    Maalmaha adduunyada midba waxay leedahay xasuus gaara iyo taariikh gooni ah
    oo lagu xasuusto. Haddaba maalintani waxay kaga duwan tahay maalmaha kale
    waa maalintii rumeysay himiladii xaq u dirirka, waa maalinta dhabaysan in
    la diidi karo yeeshii taliskii Siyaad Barre, waxay taabatay ruux kasta oo
    reer Somaliland ah, waxay wax ka badashay fikirkii iyo siyaasadii mandaqada
    Geeska Afrika. Waxayna horseeday qaab iyo hanaan cusub oo dimuqraadiyada oo
    ka hana qaada gobolka isla markaana tusaale u noqda dadyowga dunida.
    
    Haddaba Maalinta Salaasada ah ee fooda inagu soo haysa ee bisha April tahay
    6-du waxay ku beegna tahay sannadguuradii 23-naad ee ka soo wareegtay
    markii magaalada London lagaga dhawaaqay jabhadii xorreynta ee SNM.
    Dhaqdhaqaaqa SNM oo ahaa mid maalinba heer joogay waxa ay xarakadiisu ka
    soo unkatay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo ay sannadihii toddobaatanadii u
    haajireen aqoonyahano, siyaasiyiin, arday iyo dad badan oo xoogsato ah ,
    kuwaas oo in badan oo ka mid ahi shaqooyin ka raadsadeen, ka dib markii ay
    dadka reer Somaliland ku hungoobeen midowgii Soomaaliya 1960. Arrintana
    waxay sababtay in halkaasi xarun u noqoto dhaqaaq hor leh oo lagaga wada
    tashanayay qaabkii iyo hanaankii dalka looga xorreyn lahaa taliskii dhiig
    yacabka ahaa ee Muqdisho. Dadka reer Somaliland-na waxay wakhtigaa ay
    wadaagayeen dareen guud oo ay ka sinaayeen, kaasi oo ay kaga soo horjedeen
    nidaamkii cagajugleynta iyo cabadhusika ku dhisnaa ee ay ku hayeen
    dolwdihii talada Jamhuuriyadii Soomaalida isaga danbeeyay.
    
    Dhalashada iyo dhawaaqida SNM ay kaga dhawaaqeen mujaahidiintii tirade
    yarayd waxay ahayd mid shacbigu in badan ku dhololeen kana dhursagayeen
    dhalashadeeda, tan iyo intii uu dhicisoobay inqilaabkii Allah ha u
    naxariistee Xasan Keyd Horseedka ka ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1981-kii
    markii dalkan Ingiriiska ay soo gaadheen niman aqoonyahano ah oo reer
    Somaliland, kuwaas oo intooda badani ay ka soo kicitimeen dalka Sacuudiga.
    Sababaha ugu waaweyn ee kalifay ragaasna waxay la odhan karaa waxay ahayd
    dhibaatadii ay dalka ku haysay xukuumadii Siyaad Barre iyo iyagoo ay u
    cuntami wayday xaalada dalkooda hooyo ka jirtay. Waxa haddaba 6-dii
    April,1981kii, isugu yimid magaalada London ilaa 200 oo ruux oo reer
    Somaliland ah oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, iyo qaybaha kale ee
    bulshada oo ka kala yimid daafaha dunidu. Kullankaasina waxa uu ka dhacay
    hoolka shirarka ee Conaut Rooms Hotel oo ku yaallay faras magaalada
    magalada London. Halkaasi oo dhidibada loogu taagay jabhadii xorreynta ee
    SNM ee dalka ka xoreyso taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre.
    
    Haddaba dadka qaar ayaa walaac ka muujiyay sida ay u adag tahay in dagaal
    hubaysayn lagala hor yimaado dowladii diktaatooriyada ahayd oo lagu tirin
    jiray waddamada ugu xoogga badan qaarada Afrika. Halka dad badan oo guddaha
    iyo dibedda dalka ku sugnaaba si aada oo kalsooni badani ka muuqato u soo
    dhaweeyeen.
    
    Aasaaska SNM wuxuu ahaa mid si aada loogu farxay oo noqday naruuro iyo rajo
    iftiimaysa oo ay ku soo hirtaan dadka xaq u dirirka ahi. Doc kale haddii
    aynu ka eegnana ku dhawaqidii SNM waxay ku soo begantay xilli uu marayay
    meel daran cadaadiskii iyo cabudhintii talisku ku hayay shacbiweynaha reer
    Somaliland oo dadku si cad uga hor yimaadeen nidaamkiisii. Sidoo kale waxa
    iyana dalka ka jiray dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ah oo waxa xayiraad
    culus la saaray ganacsiga oo dad reer Somaliland ay xirfad dheeraada u
    lahaayeen iyagoo ka faa’iideysanaya xidhiidhki maayacmushtari ee ay la
    lahaayeen dalalka gacanka carbeed.
    
    Shirkan xubnihii miiska fadhiyay ee ku dhawaaqay aasaasaka ururkii
    xorreynta ee SNM waxay ahaayeen.
    
    1. Axmed Ismaaciil Dikhsi (Allah ha u naxariistee)
    
    2. Xasan Aadan Wadaadiid
    
    3. Maxamed Xuseen Yuusuf
    
    4. Dr. C/Salaam Yaasiin
    
    5. Maxamed Xaashi Cilmi
    
    Abuuritaanka dhaqdhaqaaqa SNM wuxuu naxdin iyo niyad jab weyn ku noqotay
    kaligii taliyihii Siyaad Barre oo kaga jawaabay xadhig, dil, dhac iyo
    dulmigii uu dadka reer Somaliland ku hayay inuu sii laban laabo, taasi oo
    shiidaal u noqotay halgankii xorreynta.
    
    Isla dabayaaqadii sannadkii 1981-kii ayaa waxa shir kale la isugu yimid
    magaalada London, kaasi oo lagu doortay guddoomiyihii ugu horeeyay ee
    Jabhadii SNM
    
    Axmed Jimcaale Guuleed (Allaahu Yarxam) Guddoomiye
    
    Axmed Ismaaciil Dikhsi (Xoghaye Guud)
    
    Dr. C/salaam Yaasiin(Xog-arrimaha dibadda)
    
    Xasan Adan Wadaadiid (Xoghayaha arrimaha siyaasadda)
    
    Maxamed Xaashi Cilmi (Xog-arrimaha Guud)
    
    Siciid C/llaahi Guuleed (Xoghayaha arrimaha guddaha)
    
    Waxa iyana durbadiiba u gudbay dhinaca dalka Itoobiya saraakiil sar sare oo
    ciidanka ka tirsanaa oo ka mid ahaa aasaasayaashii garabkii milatariga ee
    SNM, kuwaas oo bud dhig u noqday ciidamadii xorreynta ee ugu horeeyay ee
    jabhadda SNM yeelato. Waxaana ka mid ahaa saraakiishaa Allah u naxariistee
    Muj. Aadan Sheekh Maxamuud (Aadan Shiine), Muj. Axmed Dhagax, Muj. Maxamed
    Cali iyo Muj. Maxamed Kaahin. Waxa iyana jirtay in isla sannadkaa lagu lagu
    toogtay Bariga G/Togdheer (Dharkeyn geeye) Allah u naxariistee Col.
    C/llaahi Siciid, taasi oo ka cadheysiisay saraakiil badan oo reer
    Somaliland ah.
    
    Ururka xorreynta ee SNM wuxuu isla markiiba ku tallaabsaday horumar mug leh
    oo dhinaca kasta ah waxaanu fajaciso iyo amakaag ku riday ciidamadii ka
    amar qaadan jiray xukuumadii Siyaad Barre. Waxa haddaba xusid mudan marka
    laga tago mahadhooyinkii mujaahidiinta SNM ka geysteyn goobihii dagaalka ee
    la isku haleelay, hawgaladii guddaha dalka ay ka fulliyeen sida Jabintii
    jeelka Mandheera, furashadii Muj. C/llaahi Askar, dilkii taliyihii
    nabadsugida ee gobollka W/galbeed iyo kuwo kale oo badan. Hawgaladaasina
    waxay ku dhaliyeen ciidamdii Afweyne qalbi jab, argagax iyo in ayna u babac
    dhigi Karin xabadda xaq u dirirka, taasi oo dhinaca kalena kor u qaaday
    niyadii dagaalyahanka SNM.
    
    Jabhadii SNM iyadoo ka duulaysa heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex
    maray ayaa waxay qaateen go’aan adag oo hal adaygnimo iyo kalsooni leh,
    waxayna weeraro ku eekeeyeen ciidamadii cadowga ee ku sugnaa Somaliland,
    halkaasna waxa ka bilowday dagaalkii guddo galka dalka 27kii May 1988kii,
    oo ugu danbayntii horseeday gobanimada iyo xorriyada dadka reer Somaliland
    maanta haysto.
    
    Taariikhda ururka SNM maaha mid maqaalo lagu soo koobi karo balse waxay u
    baahan tahay in buugaaga iyo filimo badan laga sameeyo inta ay nool yihiin
    mujaahidiintii ka qayb qaatay halgankii xorreynta dalku.
    
    Guud ahaanba intii SNM jirtay waxay yeelatay 5 guddoomiye oo si xor ah loo
    soo doortay, oo kala ahaa:
    
    Muj. Axmed Jimcaale Guuleed (Allah Yarxam)
    
    Muj. Sh Yuusuf Sh Cali Sh Madar (Allah Yarxam)
    
    Muj C/qaadir Koosaar (Allaah Yarxam)
    
    Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo
    
    Muj. C/raxmaan Axmed Cali (Alah ha naxariisto).
    
    Dimuqraadiyada ururka SNM dhex diisa taallay ayaa ahayd mida gogol dhig u
    ahayd horumarkii, cududii milatari iyo guulihii mudda yar ururku sida
    dhakhsaha ah u gaadhay. Taasi oo ahayd mid cajiib ah oo lagu faani karo,
    waxay ahayd mid aan ka suurtagalin jabhadihii kale ee taariikhda dunida soo
    maray. Waxayna markii danbena tiirar iyo sal ay ku is taagto u noqotay
    Jamhuuriyada Somaliland.
    
    Ururkii xorreynta ee SNM isagoo tixgalinaya distoorkii u yaallay ayuu
    markiii uu muddo 2sanno ah tallada dalka hayay dib ugu celiyay gacanta
    shacbiga reer Somaliland si ay aayahooda uga tashadaan. Jabhadii SNM waxay
    gadh wadeen ka ahayd nabadayntii beelaha reer Somaliland dhex martay iyo
    geedis socodkii nabada Somaliland ka hana qaaday.
    
    Maalinta xuska 23 guurada SNM awgeed waxaynu xasuusan doonaa qaar ka mid ah
    Allah ha u naxariistee Mujaahidiintii horseedka ka ahaa dagaalkii hubeysnaa
    ee geeriyooday.
    
    Muj. C/qaadir Koosaar
    
    Muj. Aadam Sh. Maxamuud (Aadan Shiine)
    
    Muj. Aadan Saleebaan
    
    Muj. Axmed Dhagax
    
    Muj. Dayib Gurey
    
    Muj. Gacma Dheere
    
    Muj. Aadan Dhamac
    
    Muj. Mahdi Cali
    
    Muj. Dhuxul
    
    Muj. Ibraahim Koodbuur
    
    Muj. Maxamed Xaashi Lixle
    
    Muj. Ina Macalin Haaruun
    
    Muj. Maxamed Mooge Liibaan
    
    Muj. Cali Xuseen
    
    Muj. Maxamed Cali
    
    Muj. Maxamed Haybe
    
    Muj. Xuseen Xasan
    
    Muj. Xasan Saleebaan (Ina Saleebaan weyne)
    
    Muj. C/llaahi Cuddo
    
    Muj. Maxamed Axmed Maxamuud (Islaweyn)
    
    Muj. Haragwaafi
    
    Muj. Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre)
    
    Haddaba iyadoo dagaalyahankii SNM ay ka badheedheen halgankii ay la soo
    galeen taliskii nacabka ahaa oo ay naf iyo maalba u hureen. Waxayna inaga
    mudan yihiin mujaahidiinku qadarin iyo tixgalin dheeraad ah oo la siiyo
    maadaama ay yihiin kuwii horseed ka ahaa gobanimada iyo xoryada dadkeena
    maanta hadhsanayaan. Illaahay waxaanu uga baryaynaa inta shahiiday inuu
    naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna waxaanu leenahay farxad nagula
    ciida maalintan taariikhiga ah.
    
    Khadar Hassan Ali Jamhuuriya London
    
    
    
    
    
    
    
     

oo ah fadhiyaha mareegta farshaxan London-England-
Cabdi-Fataax Ibraahin Sh.Xasan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.