Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Boobe Farshaxan

Bahda Farshaxan EMAIL ..

 

"Dhagaxtuur Ma Been Baa?" Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale



Thursday, 24 February 2005

N.B:Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu ka qayb galay  xafladii dhagaxtuurka ee Ming Sing

Waxba yaan hordhac iyo tiigsan iyo tooxid arareed, Dooc iyo dareenba maan is-raacsado.
Dhagax-tuurkii Barbaarta iyo Haweenka ee 20-kii-22-kii Feeberweri 1982-kii. Maalmo halgameed.
Maalmo ay Barbaarta iyo Haweenkubamuujiyeen keni adeyg ay dhagax kaga hor tegeen dabaabadihii
nidaamkii Siyaad Barre. Ma ay ahayn maalmo dad ka dhexeeyay. Gaar waxa uu lahaa Barbaarta iyo
Haweenka. Dhacdo gadoodkeedi dhul gariir la xejin waayay ka kiciyay xarumihii gobollada waqooyi
ee dalkii Soomaaliya la odhan jiray. Maansada oo halka wargeyska inoogu jirtay haddii aynu soo
xiganno. sow tii uu Hadraawi Maansadii Hanbabber sida xarraggada iyo dareenkaba leh ugu xardhay
ee yidhi:


"Hanbaaber dhawaanta      Dareen ma hurdaan ah

Dagaal wata heeso         Hidday u lahayde

Hargeysi ma toostay       Hoggaanka ma diidday

Harqoodka ma tuurtay      In aanay hummaagga

Hadoodilan yeelin         Sidii hebel geel ah

Hashii Nebi Saalax        Horaaddada dhiiban

Hankeedu ma siiyay        Waxay hibanayso

Nin kay la hadlayso       Hagaag ma u sheegtay

Hadday samo weydo         In ay hantideeda

Nafteeda hurayso          Hubaal ma caddeysay

Alleylehe waa hog         Shax aan la hilmaamin

Malaa hugur tiisa         Waxaabu u haystay

In aan hayal toosan       Harraati aqoonne

Maskii hilqadaale         Ma soo hardaf booday."

Halkan, Hargeysa waxay u taagan dhamman xarumihii gobolladii Waqooyi ee kacdoonnada Barbaarta iyo
Haweenku ka hano qaadeen. Haddii uu Hadraawi tuducyadaa hore ku caddeeyay ujeeddada loo dagaallmay,
cidda lala dagaallamayay, in aanay dadku hummaag iyo dhalanteed qaadanayn iyo in ay naftooda
halgankaa u hurayaan, waa kan isaga oo tilmamaay ciddii dagaallantay.
Wuxuu yidhi:-

"Haddaanan haddaanan

Haddaanan Dhawaaqa

Hireyda wireyda

Hayaay ka cayda

Jihaadka Hargeysa

Barbaartu hagayso

Haweenka gadooday

Ka qayb gelin hawsha,"

20-kii-22-kii Feeberweri sidaa ayay taariikhda ma guurtada ah ugu xardhan yihiin. Waa maalmo shacbiya
oo dadweyne. Waa maalmo gadood. Waa maalmo diidmo iyo babac-dhiig. Shacbiga oo ay hormood u ahaayeen
Barbaarta iyo Haweenku ayaa gadoodkan iska lahaa. Markasta wuu dhici karayay. Goob kastana wuu ka
dhici karayay.

Is weydiintu waxay tahay muxuu gadoodkaasi u dhacay saddexdii maalmood ee 20-kii-22-kii Feeberweri
1982-kii? Wuxuu u dhacay maalmaha gaarka ah, dhallinyaridii UFO ayaa Maxkamadda saarreyd oo dil iyo
xabsi daa'in u taagnaa.

Maxkamaddaa iyo dhallinyaradaa taagnayd waxay gadoodkaa ku lahaayeen muddaynta. Jilayshaau waxay
ahaayeen Barbaartii iyo Haweenkii gadoodka hubeysan ku tallaabsaday. Milgaha iyo maamuuska iyagaa
lahaa. Xuska iyo xusuustaa iyagaa lahaa. Xurmada iyo qaddarinta iyagaa lahaa. Intii ku dhimatay,
intii ku dhaawacantay, intii xabsiyada ku gashay, intii diiwaanada madow ee nidaamkii Siyaad Barre
ku gashay iyo qaar kaloo badan . SHahiid Barre Xaaji Daahir Cilmi ayaa ahaa ardaygii maalintaa ugu
horreysay shahiiday. Magaciisa ma maqallo. Intii la xidhay xidhay, intii ku dhaawacantay, intii
abaabushay iyo intii horseedka u ahaydba ma maqallo. Maye heesihii iyo suugantii laga tiriyay
maalmahan taariikheed ee ma guuranka ah?

Maalinba ninkii muraadlihi miyaanu dadka ka sheegan iyada oo ay intii badnayd iska shaqo tagtay iyaga
oo aamminsan in ay xil sarnaa oo taariikhi aha guteen. Miyaan hadba kooxdii ama kii dawladda gala
odhanin SNM xiligeedii wuu dhammaday, markuu caleen ahaan ugu soo dhaco Gargaarna odhan "Naafadii
iyo agoontii xaggee la dhigay". Miyeynaan ka daalayn filimmada aynu kunka jeer daawannay.

Hoos aan u soo dego. 20-kii feeberweri oo habeen Isniineed ahayd ayaa tegay Ming Sing oo xaflad la
yidhi munaasabaddaa ayaa lagu maamuusayaa lagu qabanayay. Bisin iyo ducaa dhacay Maxamed Xaaji
Maxamuud ayaa makrifoonka qaatay. Ku ye, Xaal ayaanu ka bixinaynaaye, raali ka haada wixi maanta
Kheyriyada ka dhacay, dadka halkan ka hadlayayna waxaanu u sheegaynaa in ay mowduuca ku ekaadaan oo
aanay siyaasadayn munaasabada. Yaabay oo garan waayay wixii saaka ka dhaay kheyriyada, hadalkii uu
yidhi se hadal xun uma qaadan Shir-guddonka waxa fadhiyay dad u badan Kooxdii UFO, in kasta oo ay
midkood ka soo dhacaday in qabanqabada munaasabaddan ay u igmadeen urur dhallinyaro oo aan sida
muuqatay waxba ku lahayn agaasinka madashaa aanu joognay ee xusku ka dhacayay.

Yaabay! Oo is weydiiyay goorta kooxdani maalinta yeelatay ee ay gadheen heer ay meel fagaare ah ka
yidhaahdaan: "Qabanqaabada munaasabadda cid ayaanu u igmannay". In aan riyoonayo iyo in aan soo
jeedo ayaan kala garan waayay. Belo wa ta danbaysa.

Nimankii furitaanka xafladda noo dardaarweriyay, ayaa mar keliya is fireeyay, hadalladii meesha ka
socday qadsiiyay majare siyasadeed oo malahayga la mid ahaa ama kaba fool xumaa kii subaxnimadii
dhacay ee aanan goob joogga u ahayn. Wixii hadal xumo madashaa ka dhacay mar qudha ma ay waabin.
Maan dhammaysan oo markiiba madashii intaan ka baxay ayaan iska hoyday. Illaahay waa ogaaye
habeenkii oo dhan ayaan hadba dhinaca isu rogayay oo aniga oo aan laba indhood isu keenin ayaan
salaad hore sidii ku shaqo-tegay.

Maalmihii sharfana ee ay ummaddani ka yeelatay maalmihi jaan ee Siyaad Barre ayaa baxsan la'. Oo
weliba ka baxsan la' kuwii wax ku noqday ee ay ahayd in ay muuneeyaan. Waa ayaan darro haddii aynu
isu aammusno oo waxba isu sheegi weynno qaladkana iska qaban weyno. Dhul, magaca maalmo, hanti iyo
waxyaabo kale oo qiimo leh oo Qaran ahaan inooga dhexeeyay ayaa qof ama koxi iska qaadanaysaa oo
ka aammusaynaa.

Haddii aynu soo qadnona hadalkeennu wuxu ku kooban yahay calaaalka taag wa ee qayilaadaha dadka
lagu suuxiyo ee weliba inta aynu dhegta isu saarno aynu nidhaahno "Waxa dhacay ma maqasheen?"

Maalmaha xurmada iyo qaddarinta inaga mudan ma aha in la siyaasadeeyo o lagu yooyootamo. Madaxda
Qaranka: dawlada iyo xisbiyoba hadallo la isku xumeeyo loogama fadhiyo. Dadku wuu dhego barjoobayoo
ugama fadhiyaan inta hoggaaminaysa makrifoonno iyo joornaallo la isku qabsado. Miyaanay ayaan darro
ahayn in aanay aragtideennuba buurtan kala jeexan dhaafsiisnayn. Bal ka warrama haddii aynaan ka
war qabin oo aynaan ka hadleyn wax hareeraheenna ka dhacay ama is beddelada ka socda ka dalalka
aynu jaarka nahay. Somaliya haba ugu horreysee!

Wiilasha UFO mid aan idhaahdo: Dhagaxtuurkii 20-kii-22-kii Feeberweri UFO ma aha, UFO-na ma laha
Dhagaxtuurkii 20-kii-22-kii Feeberweri. Waa se laba dhacdo oo isku xidhan Muddaynta ayaa lahaydeen
oo weliba gurmad la idiin ku ahaaye dadka ha ka sheeganina. Oo weliba waad ka sheegateen oo
maalintii siyaasadayseene faraha uga qaada barbaarta iyo haweenka maanta leh ururrada tisqadka ah
ee xuska maalintooda ka adag. Haddaad SORRA ahaan jirteen maanta urur siyaasadeedna wuu idinka
baaba'ay, xisbiyo siyaasadeedna waa ka tirsan tihiine, dhex dhexad ma noqon kartaane maalmahan ka
hadha.

Ma suurtowdo in aanu idinka idin xusno oo aanu iska ilowno kuwii ku dhintay ama ku dhaawacmay soo
furashadiinni. La idin ma sheeline, waa la idin sheegaaye idinku ha iska sheegina. Maalmahana
taariikhiga ah halka aad soo gaadhsiiseen waad ku mahadsan tihiine, ka hadha inta aydaan qudhun uga
dhaadhicin. Sow tii hore loo yidhi "Hadalna sii dheh ba dhisay".

Waxa ila habboon in aad ka hadashaan oo aad culayska saartaan sababihii la idiin xidhay. Cisbitaalka
Hargeysa markii aad nadiifinayseen miyaanay duur xul ahayn oo aydaan ku jirin halgan siyaasadeed?
Miyaanay hawshaashi ahayd mid sharfan oo mudan in wax laga qoro oo la sheegto oo anay aasmin. Bal
ka warrama Maxkamaddiinni? In kasta oo anaay gadhin, aama u dhigminba, miyaan lagu suureyn karin
tii Rivonia ee Maandela la taagay iyo tii Nurenberg ee Nasiyihiinta? Miyeydaan wax ka qori karin?
Buug, Riwaayad iyo filinba waa laga samayn karaa.

Hadda iyadii oo qoran waa la helayaa. Waxaad ka hadlayaa hadal qorkii maxkamaddaa lafteeda. Kuwaaba
dururus laga faa'iidaysan karo ayaa ku jirta. Maxaad ku mutaysateen xabsi daa'inka iyo dilka? Ka
hadla mowduucaan iyo waayo-aragnimadan aanay cidina idin la lahayne. Waa talo idin ma xaman Xaasha!
idin mana caayine, inta la idin ku xanto ayuun baan idin soo qoray.

Ha dhibsanina aniga e' dhibsada inta nasteexa iskaga kiin dhigaysa ee intaa aan kor u idhi hoos idiin
leh maalin kasta ama mar kasta oo ay idin arkaanba illaah wuxu igu og yahay wanaag mooyaane in aanan
xumaan idin la jeclayn. Saxiibbo halgan wadaag ah ayaynu ahayn oo weligeed dibada iskuma aynaan
soorin. Ma diiddani in Malamahan iyo dhacdooyinkani ay xidhiidh toos ah ama mid dadbanba leeyihiin.
Waxaan diiday in la is cunsiiyo dadka qaarkina xuquudooda la duudsiiyo.

Madaxda dalka, Dawlad iyo xisbiga mid aan idhaahdo: Ma aydaan waayin madal, fagaare, qaab ama habab
kale oo aad isku weerartaane, waxaanu magan idiin ka nahay in ay idinka nabad galaan maalmaha
sharfan ee ummaddan u suntani. Waxaanu idin leenahay "Goojiya  ama ha goojinina, geele gu'gan
dhalaya ayaa la idin ku tirinayaa". Waayaha taagan nin ogi, malahayaga weerar iyo af-lagaaddo
midnaba ma haleelo.

Ururada Dhallinyarad iyo Haweenkana mid aan ku idhaahdo: Waad joogtaan heer aad ku hanaataane,
maalmihiinna xejista oo ka adkaada alooska munasabadaha lagu xusayo idinka oo aan cidna ka jeedin
cidna u jeedin.

Qormadani waa mid shakhsiya oo aanan cidna kaga wakiil ahayn. Ugu danbaynna aan afeef ka dhigto
tuduc Hadraawi lahaa oo ku jiray tixdiisii Daalacan ee Deelleeyda:

"Geenyadayda Daalacan

 Dabar Saari maaye

 Dibso aan idhaahdoo

 Dagagaro ayaamee

                         Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

                                   cankaabo@hotmail.com



   Soo Bandhige:   Fu'aad Sh.
                Bahda Mareegta Farshaxan
                Http://www.farshaxan.com

Copyright 2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.