Khayriyada Hargeysa: Xuskii 20 February Iyo Dagaalkii Siyaasadeed Ee Fooda La Is-Daray Hargeysa (Haatuf): Waxa shalay magaalada Hargeysa laga xusay sannad-guuradii 20aad ee maalintii ay ardaydu dhagaxtuurka ka sameeyeen qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, sida Hargeysa iyo Burco, iyadoo munaasibadii dhagaxtuurka ardayda sannad walba la xuso 20-ka bisha Febarweri. Laakiin xuska maalintaa ka sokow waxay kooxihii dhinaca siyaasadda kala afkaarta ahaa kala furteen maryo-dhiig leh, ka dib markii ay isu dhiib-dhiibeen hadalo ba’an oo duurxul siyaasadeed ah, badheedhena aan ka taganayn. Bishii 20-kii Jananweri sannadkii 1982-kii ayey ardaydu mudaharaad dhagaxtuur ah kaga jawaabeen xukum ay maxkamadii badbaadada ee taliskii Siyaad Barre ku ridaysay niman dhalinyaro mutacalimiin ah oo ku bahoobay kooxdii ama ururkii la odhan jiray UFO, nimankaa dhalinyarada ah oo reer Hargeysa ahaa waxay isu abaabuleen inay ka shaqeeyaan adeegyada aasaasiga ah ee dadkooda, sida Caafimaadka, waxbarashada IWM, laakiin maamulayaashii dawladdii Siyaad Barre waxay dhalinyaradii ku bahowday UFO si weyn uga horyimi dhaqdhaqaaqoodii samafalka ahaa, kuna tilmaamay niman qaran dumis ah, ka dibna xabsiga u taxaabay, laakiin kooxo ardayda Dugsiyada oo dabcan ay hareerta kaga jireen macalimiintoodu ayaa ka damqaday xaq-darada lagu xukumayey nimnkaa dhalinyada ah ee UFO, ka dibna waxay falkaa kala horyimaadeen mudaharaad ba’an, iyaga oo sawaxankii iyo dhawaaqyadii ay dareenkooda ku muujianayeen ka sokow sacabadooda isticmaalay, ka dib markii ay dhagaxtuur raaciyeen mudaharaadkooda, laakiin ciidamadii taliskii Siyaad Barre mudaharaadkii ardayda sacabaleyda ah kaga jawaabay rasaasta ka dhacda boobayaasha gacanta lagu qaato iyo gawaadhida gaashaaman, waxayna rasaastaasi leeftay oo halkaa ku naf-waayey qaar ka mid ah ardaydii mudaharaadaysay, iyadoo ay kuwa dhintay ka mid ahaayeen arday aad u da’yar oo dhiganayey Dugsiyada baraymariga ah. Xuskii shalay ee sannadkii guuradii 20aad ee dhagaxtuurkii ardayda waxa isu soo baxii looga sameeyey ka qayb galay dad kala duduwan oo ay ka mid yihiin xubno ka nool kooxdii UFO, hogaamiyayaasha axsaabta siyaasadda qaarkood, xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Madaxweyne Rayaale, kooxo arday ah iyo dadweyne kale, waxaana ugu horayn ubax la dhigay taalada ku taal maxkamadda gobolka Hargeysa oo Inkasta oo ay munaasibadaasi ahayd mid lagu xusayey sannad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay dhagaxtuurkii Runtii waxa dhufayska isugu soo galay rag aan dhinaca siyaasadda isu nafsad wanaagsan oo kala korjoogaysta, taasina waxay keentay inay kuraasta masraxa yar ee fagaaraha khayriyadda soo wada fadhiistaan rag aan dareenkooda iyo wejiyadoodu isu san-banaanayn, sidaa darteed waxa markiiba bilaabmay dagaal cumuruq, taas oo ugu horayn isha iyo wejiga la isaga sanqaday, laakiin intaa lagu joojin ee waxa hoosta la isaga dhiib-dhiibay kaftan fiiq-fiiqan oo aan la isu hanbaynayn. Dhinaca dawladda waxa fagaaraha yimi Madaxweyne-kuxigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo raxan wasiiro ah oo ay ka mid yihiin, wasiirka arimaha gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale, wasiirka ganacsiga, Rashiid Xaaji C/laahi iyo wasiirkuxigeenka macdanta iyo biyaha Yuusuf Ciise talaabo. Sidoo kale dhinaca kalena waxa goobta joogay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Maxamed Kaahin Axmed oo isna ka mid ah hogaamiyayaasha waaweyn ee urur-siyaasadeedka ASAD iyo xubno kale oo ka mid ah axsaabta siyaasadda, sidoo kale waxa dadka isu baxaa ka soo qayb galay ka mid ahaa Foosiya Xaaji Aadan oo dhowaan ku dhawaaqday inay u sharax tahay madaxweynenimada Somaliland, laakiin dadka iyaguna madashaa joogay waxa ka mid ahaa Marwadii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Somaliland, marwo Kaltuun X. Daahir, oo ka mid ahayd ardaydii ka qayb gashay dhagaxtuurkii Hargeysa ka dhacay. Hase yeeshee marka laga yimaado dareemadii iyo kaftankii la isku dhaafsaday fadhiga waxa mar kale la iska weeraray cod-baahiyaha, halkaas oo la isku dhaafsaday weedho suluf siyaasadeed leh oo la sir iyo caad-ba la isugu duur-xulay, hadaladaas oo ay dadkii madasha hoganayey si weyn ugu dhegtaageen, waxaana dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa: Madaxweyne-kuxigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirka ganacsiga Rashiid Xaaji C/laahi, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, Muj: Maxamed Kaahin iyo kaltuun Xaaji Daahir, laakiin intii aanay dadka hadlay cod-baahiyaha iman waxa weedho badan oo dareen leh si ritay C/laahi Cukuse ayaa dhegta haystay cod-baahiyaha oo barnaamijka daadihinayey. "Madaxweyne-kuxgeenkiina waa inoo yimi oo malaa doonaya inuu biyihii inooga waramo"ayuu yidhi, C/laahi Cukuse, laakiin wuxuu mar kale yidhi "Inkasta oo ay baratakoolka dawliga ahayd inuu Madaxweyne-kuxigeenku munaasibadda inoo xidho, hadana waa tii la yidhi waa dimoqraadiyad, markaa maanta waa maalintii ardayda, sidaa darteed waxa inoo xidhaysa Kaltuun Xaaji Daahir oo ka mid ahayd ardaydii dhagaxtuurkaa ka qayb gashay." Intaa ka dib Axmed Siilaanyo ayaa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey, wuxuuna halkaa ka jeediyey khudbad uu ku tiiq-tiiqsaday, laakiin khudabadiisa inkasta oo uu ku bilaabay hadalo taariikh waran ah oo la xidhiidha munaasibadda loo dabaaldegayo, hadana kama waabban inuu fursadda ka faa’iidaysto, sidaa darteed waxa uu halkaa ka jeediyey hadal siyaasadeed uu dhinacyo badan u dhigay. Axmed Siilaanyo runtii cid carrabka kuma dhufan, laakiin waxa muuqatay inaanay hadalada qaarkood ahaayeen duur-xul siyaasadeed oo uu u dusinayo rag xilal ka haya xukuumadda Somaliland. "Anigu cid ma magacaabayo, laakiin waxa la yidhi dhagar-qabe dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa, kii dhuumanaya ee dhabarku muuqdow"ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, isaga oo ka hadlaya xasuuqyadii Somaliland ka dhacay xiligii taliskii Siyaad Barre, wuxuuna intaa ku daray "Dunida qofka xasuuq geysta xil looma dhiibto dee hadaad u dhiibato mar kale ayuu ku xasuuqi karaa, waar miyaanay sidaa ahayn"ayuu yidhi, isaga oo su’aasha dhex-dhigaya dadweynihii dhegaysanayey, "Haa"ayey ku dhawaaqeen iyaguna. Sido kale Maxamed Kaahin ayaa hadalka qaatay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Ma aha in idaacadda iyo Maandeeq maalin walba laga caayo dadkii dalkan u soo halgamay, waana kuwa dafira taariikhdii halganka, kuwaasaana u baahan in lagu soo oogo dembiyada xasuuqa," laakiin Maxamed Kaahin marka uu sidaa lahaa waxa meesha fadhiyey wasiirka warfaafinta xukuumadda Somaliland, C/laahi Maxamed Ducaale oo ay hoos-yimaadaan labada meelood ee uu Maxamed Kaahin carrabka ku dhuftay, iyadoo uu C/laahi Maxamed Ducaale muddo dheer wasiir firfircoon ka ahaa dawladda Somaliland, halka uu Maxamed Kaahina xubin firfircoon ka ahaa mucaaradkii ba’anaa ee mudadii dheer ku kacsanaa dawladda Somaliland. Dhinaca kale wasiirka ganacsiga Rashiid X. C/laahi oo gudoomiye ka ah guddi wasiiro ah oo hore loogu magacaabay baadhista iyo dabagalka xasuuqyadii dhacay ayaa madashaa ka hadlay, laakiin C/laahi Cukuse ayaa markii uu Rashiid cod-baahiyaha ku soo dhowaynayey ku tiraabay "Wasiirka ganacsiga ayaa madax ka ah guddiga wasiirada markaa isaga ayaan ku soo dhowaynayaa si inoogaga waramo halka ay marinayaan hawshii baadhista xasuuqa", sidaa darteed Rashiid lama soo degdegin jawaab difaac ah ee wuxuu bilowgii ku dedaalay inuu is-daad raaciyo sheekada dareenka dadka damaqday ee ay fureen ragga qaarkii, laakiin wuxuu hadalkiisa ku soo xidhay "Arimahaasi way fiican yihiin in laga hadlo, laakiin yaan la siyaasadayn." Madaxweyne-kuxigeenka ayaa isna hadalka qaatay, isaga oo u muuqday nin jidh-diidaya hadaladii sulufta siyaasadeed lahaa ee ay qolyaha mucaaradku carrabka la raacraaceen, laakiin Madaxweyne-kuxigeenka uu u muuqda nin aan weli balaaqadda siyaasadda aad ugu doob-dilaacsan uma faadhumaysan inuu jawaab taf-dheer ka bixiyo hadaladii sulufta lahaa ee mucaaradku u duurxulay dhinaca dawladda, hadana kama aamusin inuu wuxuun yidhaahdo, sidaa darteed wuxuu hadalkiisa ku soo xidhay "Siyaasigu waa dano badan yahay, markaa siyaasiga iska ilaaliya anigana ha ahaatee". Laakiin Kaltuun Xaaji Daahir ayaa hadalka ugu dambaysay, waxayna hadalkeeda ku khatintay "Waxaan hayaa xog badan oo ku saabsan xukuumadda maanta talada haysa, waxaanse sheegayaa marka layga baahdo." Marka la isku soo xooriyo hadaladii sulufta siyaasadeed lahaa ee ay nimanka mucaaradku fagaaraha khayriyadda isla kala jiideen waxay ahaayeen kuwo dhinbiilo dab ah ku noqday oo aanay jeclaysanayn raggii xukuumadda ka tirsanaa ee madasha fadhiyey, sidaa darteedna ragga qaar baa jiriidka isgeliyey ama fadhiga kuurkuursaday markii ay ragga mucaaradka ahi hadalada qaarkood kor ugu sawaxmayeen, waxayna qolyaha xukuumadda ee madasha fadhiyey u arkayeen munaasibad ay mucaaradku si kale uga faa’iidaysteen. Xigasho: Haatuf 2003 Soo Bandhige: Fu'aad Sh. Bahda Mareegta Farshaxan Http://www.farshaxan.com