Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan C/raxmaan Tuur Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL

Taariikh Nololeedkii Madaxweyne C/Raxmaan Axmed Cali-Raximahu Laah-

    
    C/Raxmaan Axmed Cali waxa uu ahaa wiil uu dhalay aabo si weyn looga yaqaan Somaliland,
    waxaanay walaalo ahaayeen aabihii aqoonta ee Somaliland iyo guud ahaan geyiga
    Soomaaliyeed-ba Maxamuud Axmed Cali,Cabdiraxman Axmed Cali oo loo yaqaaney Cabdiraxman
    Tuur ahaana siyaasi weyn oo Soomaaliyeed,jagooyin badanna ka soo qabtey Soomaaliya iyo
    Somalilandba ayaa bishii November 8dii 2003 ku geeriyoodey magaalada London.
    
    
    
    Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) wuxuu ku dhashay miyiga hawdka magaalada Burco,gobolka
    Togdheer sannadkii 1927-kii.
    
    Walaalkii Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabihii waxbarashada Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan
    ka soo kaxeeyay miyiga oo ku daray dugsiga, iyagoo isku fasal noqday rag kale oo uu ugu
    magac dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.Cali Qaadi Maxamed Xaashi iyo rag kaloo aanan
    halkan ku koobi karin.
    
    Waxbarashadiisa waxa uu ka bilaabay magaalada Berbera, sannadkii 1939-1943-kii, halkaas oo
    uu ka bilaabay dugsi gaar ah.
    
    1943-1947kii ayuu Cabdiraxman ku biirey dugsiga caanka ah ee sheekh. Wuxuu ahaa Cabdiraxmaan
    Axmed Cali arday ku fiican waxbarashada iyo ispoortigaba oo marnaba aan laga qaadi jirin
    kaalinta kowaad.
    
    Cabdiraxmaan Axmed Cali alla ha u naxariistee markii uu dhammeystay waxbarashadiisii dugsiga
    dhexe ee sheekh.
    
    Janaury 1947-kii waxa loo direy Isaga, Axmed Keyse, Mohamed Ali Magan, dugsi waxbarasho kuu
    yaala dalka Sudan, halkaas oo ay ku dhamaysteen waxbarashadii dugsiga sare, waxaanay dalka
    ku soo noqdeen 1952-kii 1952-1953-kii waxa magacaabay in maamulka loo tababaro magaalada Hargey.
    
    C/raxmaan Wuxuu 1953-1956-kii  diploma sare oo ah cilmiga maamulka ku soo qaatay jaamicadda la
    yidhaahdo EXETER UNIVERSITY ee dalka Britain.Kadibna Somaliland ayuu Cabdiraxmaan ku soo laabtay.
    1956-1958-kii wuxuuna noqday kaaliyaha DC-ga Boorama oo ahayd shaqadiisii ugu horreysay ,
    1959-1960kii waxa loo magacaabay gudoomiyaha degmada Hargeysa.
    
    Sanooyinkii 1961-1963kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Gobolka woqooyi Bari ee magaalo madaxda ay
    u ahayd Burco ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Sanadkii 1964kii wuxuu kaloo noqday Guddoomiyaha
    Gobolkii Woqooyi Galbeed ee Hargeysa ay magaalo madaxda u ahayd ee Jaamhuuriyaddii Soomaaliya,
    kana koobnaa waagaas iyadoo isla sannadkaasi uu noqday Safiirkii Soomaaliya ee Sudan oo loona
    beddelay Khartuum,
    
    Sanadkii 1968kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ka qayb galay doorashadii baarlamaanka ee Soomaaliya
    isagoo furtay xisbi oo iska soo sharaxay magaalada Burco, laakiin kumuu soo bixin doorashadii.
    
    Cabdiraxmaan wuxuu mar kale ku noqday shaqadiisii Safiirnnimada isagoo mudadii u dhaxeysay 1969kii ilaa
    iyo 1977kii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Addis-ababa ee dalka Ethiopia .
    
    Sanadkii 1978kii wuxuu kaloo noqday safiirkii Soomaaliya ee Barlin ee Jarmalkii Bari, isagoo halkaasi
    sifiir ka ahaa 1978-1983kii markii danbena noqday Danjiraha Somaliya ee Imaaraadka Carabta 1983-1984kii,
    xilligaasi oo uu ka goostay dawladdii Siyaad Bare kuna biiray Jabhaddii SNM.
    
    Cabdiraxmaan Tuur isla sannadkaasi 1984kii wuxuu noqday wakiilka SNM ee Yurub oo fadhigiisuna ahaa
    London. April 1990kii waxaa loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali Guddoomiyaha SNM isagoo xilka kala
    wareegay Axmed Siilaanyo.
    
    May 1991kii waxaa Cabdiraxmaan Tuur loogu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga
    dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland inuu ahaado madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda loo bixiyay
    Somaliland muddo labo sano ah.
    
    Shantii May 1993kii shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama waxaa Cabdiraxmaan
    Tuur uu xilkii ku wareejiyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirku u doortay madaxweynaha Somaliland.
    
    April 1994kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ku dhawaaqay isagoo markaa ahaa guddoomiyaha SNM inuu ka
    noqday mowqifkii goonni isutaagga Somaliland oo uu aaminsanyahay nidaamka Federaalka oo ay ku midoobaan
    woqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya .
    
    Wuxuu noqday Cabdiraxmaan Tuur waqtigaasi ka dib madaxweyne ku-xigeenkii kowaad ee dawladdii Salballaadh
    ee uu Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
    
    Waqtigaasi wixii ka danbeeyay wuxuu marxuumku u badnaa magaalooyinka Muqdisho iyo London, hase ahaatee
    wuxuu Hargeysa yimid bishii April ee sannadkan 2003,isaga oo cadeeyey in uu siyaada faraha ka qaato
    sheegayna in uu dalkiisa doonayo in uu ku nasto Alle ha u naxariistee C/raxmaan waxa uu cadeeyey in uu
    dadkiisa iyo dalkiisaba la shaqayndoono isaga oon siyaasad, markaasoo uu u ololeeyay sidii uu u soo bixi
    lahaa doorashadii socotay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ka sharaxnaa xisbiga UDUB, kadibna wuxuu
    ku laabtay magaalada London oo uu ku geeriyooday 8dii November 2003.
    
    Sida uu Maxamed Kaahin noo cadeeyey isaga oo ah  5 Mujaahid ee ugu horeeyey ee garab milatari una
    talaaba Ethopia ahna ka kaliya ee maanta ka nool Mujaahid Maxamed kaahin oo in badan ay soo wada
    shaqeeyeen waxa uu sheegay in uu ahaa nin Bulshaawi ah go`aankiisunaadagyahay.
    
    waxaa isna hadaladaasi qaar la mida noo sheegay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud silanyo oo ahaa
    Gudoomiyihii uu kala wareegay Xilka SNM sanaddii 1990 Marxuum C/raxmaan Axmed Maxamed oo ah Gudoomiyaha
    Xisbiga Kulmiye ee haatan waxa uu noo sheegay in C/raxmaan ahaa nin la tix galiyo hadalkiisa isla
    markaana Afgaaban isagana Saaxibtino wadaagi jireen isaga oo sheegay in C/raxmaan markii danbe ka mowqif
    noqday somaliland laakiin waa nin Ixtiraam mutaystay taariikhna ku leh dalkan ilaahayna ha u naxriisto
    Samir iyo iimaanna ha inaga siiyo ayuu hadaladiisa ku soo gunaanaday Axmed Silanyo
    
    Alla ha u naxariistee maydka marxuumka waxaa la keenay magaalada Hargeysa 13ka November 2003 oo si heer
    qaran ah loogu aasi doono sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland.
    
    Tacsi wada jira Waxaa halkan
    Marxuumka Eheladiisii iyo Qaraabadiisii uga diraya
    
    Jaaliyaddaha Sweden Finland
    
    Gud. Golaha wakiiladda. Mud. C/qaadir X.  Ismaaciil Jirde
    
    Gud. Xisbiga Kulmiye  Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)
    
    Gud. Xisbiga Ucid     Mud. Faysal Cali Warabaabe
    
    Wakiilka u fadhiya Somaliland Sweden Mud. Hussein Wadaadyare
    
    Ururka Somalilandforum ee Qurba Joogtadu ku bahawday
    
    Iyo Annagoo ah Dhammaan Shaqaalala Halganews
    
    Marxuumka ilaahay Janadii ha ka waraabiyo Aamin
    
    
    
    Hargeysa  Halganews
    
    
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.