Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Xasuuqii Hargeysa iyo kawaankii bani’aadamka

Magaalada Hargeysa waxay ka mid aheyd magaalooyinka si cad looga dareemi jiray hagardaamadii, dhacii ,tirtirkii ku salaysnaa wada tashi iyo is bahaysi uu hagayo maamulkii dhiig yacabka ahaa ee ka jiray wadankii la odhan jiray Somalia.

Markii ciidamadii xaq u dirirka ahaa ee diiday dulmigu ay si lama filaana oo huwan geesinimo u soo dhex jibaaxeen ciidamdii laysku ciilka iyo cuqdadu isku keentay ayna soo galeen magaalada Burco, ayaa maxaysatadii bilawday inay ururiso ganacsatadii,cuqaashii,culumadii,aqqonyahankii ,dhalinyardii beesha Isaaqa kuna buuxieen xabsiyo sida xaruntii Nabad Sugida Hargeysa, Jeelkii Madheera iwm. iyagoo kuna cadho baxaya rabana inay wiiqaan tayada iyo tirada mujaahidiintii SNM ,waxaa si xigsiimo leh u balaadhay weerarkii mujaahidiinta oo waxay soo galeen Hargeysaba

Waxaa markan isbahaysatadii u soo dirtay Hargeysa Cali Samater si uu u hago diyaaradaha, qoryaha cululus,ciidamada lugta oo dhamaantood raadsanayey maatida qaxaysa iyo hantida sida dhismayaaashii Hargeysa oo dhulka lagu simayey

Si kastaba ha ahaatee waxaa markan magaalada Hargeysa laga sameeyey laba kawaan oo kala ahaa:

  
  • Kawaankii Morgan:
  • Kani wuxuu ku yaalay ka sii jeedka gurigii Morgan uu gali jiray, waxaana la isticmaalayey qoriga "Brownka" ee ku rakibnaa gaadhiga Laandkuruuserka ah.waxaana dadka lagu laayey u badnaayeen dadkii guryahooga loogu galay ee deganaa agagaarka Guriga Gobolka ilaa dhakhtarka Hargeysa ..dadka lagu xasuuqay halkana waxaa ka mid ahaa Maxamed Iid IYO Cali Saddex oo si fiican loo garanayo kuwa soo qabtayna garanayeen laakiin ku sifoobay reerkii kawaanka loo qoondeeyey..
  • Kawaankii Maka Durdure:
  • Kanina wuxuu kii ugu tirada badnaa ,dadka lagu dilay waxay u badnaayeen dadkii guryahooda laga soo qabqabtay ee deganaa daanta dumbuluq ,dhinaca idaacada diyaaradaha iyo madfaca oo laga daba geeyo mooyee qabqabasho may suurto galayn.Waxaa kale oo ka mid ahaa dadka ku nafwaayey kawaankan dadka ku jiray ciidamadii xooga dalka ee ku sifoobay haybta Isaaqa. sida ku cad sheekadan la soo bandhigay ee dhacdada xaqiiqiga ah:

    Gabal dhac ay qoraxdu godkeeda ku sii caraabayso,anaguna aanu u diyaar garoobayno salaadii maqrib, ayaa dhawaaq wata sanqadh iyo guhaadin ku dhacay dhegahayagii, jaleecnay mise albaabka deyrk ayaa si degdeg ah loo hirdiyey lana furayaa si kadinka loogu baneeyo ooy noogu soo biiraan dad sida xoolaha dabada lagaga soo dhacay iyadoon loo eegin sharafta ay bulshada dhexdeeda ka mudnaayeen kol haday ku sifoobeen sidashada reerka ay SNMtu u badan tahay.

    Markay dadkii soo wada galeen oo guryihii qaadi waayeen ayaa badh loo ogolaaday kadinka hortiisa ama daarada iyadoo albaabada furnaan lagaga tagay ,intayadii ku sii jirtay meesha naruuray u aheydoo kol haddii albaabadu xidhmi waayeen, inkastoo kolna neeftu yarayd.Lays waraysay waa odayaashii,cuqaashii,suldaanadii ,ganacsatadii iyo aqoonyahankii beesha la soocday oo loo soo dareeriyey golaha duliga iyo xaq darada.Cabaar ka dib ayaa oday da’ ahaa yidhi isagoo kor u dhawaaqaya "adkaysta Ahlu Baytka waa la dhibaaa oo waa sunaha Ilaahay",lays wada eeg iyadoo lala yaabanaa geesinimadan xad dhaafka ah dhana lays nabayey sidii wax aan maqalba.

    Habeenimadii ayey na war geliyeen qoladan cusubi in xalay Burco SNMtii soo gashay,ka dibna Hargeysaaba la soo galay…markay xaaladu marayso xaalad dagaal oo Hargeysa dhexdeeda ah ayaa ciidamdii faqashata oo uu hogaanka u hayo Cali Samatar oo jooga guriga fooqa ee isha Boorama weheliyana Morgan ,Yaasiin Canbaar ,iyo kuwo kale .

    Waxaa amar ku bixiyey in Hargeysa laga sameeyo laba kawaan mid waa gurigii kulmiye restaurant ka soo horjeeday, dhiniciisa danbe oo la isticmaalayey qoriga brownka-midna waa dooxa maka durdure …Amarku anagu wuxuu noogu dhacay in lana geeyo ka maka durdure, waxaa dadkii la dhex mariyey xeradii guulwadayaasha dhexdeeda oo gaadhiga laga saaray maktabadii masaarida horteeda ilaa iyo xeradii ciidamada ee ka danbaysay 1 july school , saacadu waxay ku beegnay 5:35pm ,waayo bbc-daa ku jirtay oo warkaa socday , sidaadii gaadhigii la nooga dajiyeyba waxaanu la kulanay iyadoo sideed sideed, toban toban lays kugu xidhxidhayo oo dooxa maka durdure lagu daadniayo dabadedna qoriga si isdaba jooga loogu furayo ilaa la waayo dhaqdhaqaaq waxaan asuusta in uu askari Ilaahay ha u naxariistee Sheekha Ceel bardaale ka dhuftay go’ shaala oo uu huwanaa kuna yidhi "xun yohow sii daa waad ku xigtaayeee , waxaanu galnay kayuugii kawaanka si la noo qisaaso,inkastoo ay cadcaeedu ku siqayso hogeeda oo madawguna soo durkayo dadka markaa la laynayey waxay u badnaayeey askartii ka tirsanayd ciidamii dawladii Soomaliya la dohan jiray laakiin hayb ahaan ka soo jeeday beesha isaaqa .

    Waxaa kawaanka haystay nin la yidhaa Ducaale Ganaane oo Ogaadeen ahaa ,isagana waxaa amarka siinayey Cali Samatar , meel aan sidaa uga fogayn waxaa qoriga hoobiyaha amraya oo labaatan laabanta (waa eray ciidameed ah markiiba labaatan xabi is raaci) haya Aways oo loo xil saaray duminta magaalada , iyadoo waliba ay diyaaraduhuna ka kacayaan madaarka ,baa’biinta magaalada ka sokow dadka maatida ah ee qaxayana laga daba gaynayey dayuurada iyo hoobiyahaba..taana waa tuu qirtay Cali Samatar inuu isagu amray duminta magaalada .

    Waxaa dhacday cadceedii dabadeedna guri aad u yar lanagu xareeyey oo hadaad fadhiisan karto aanad lugaha fidin Karin haddii kalena joogsigaa miciin ahaa dad badni awgeed, waxaanu guriga ugu galnay nin sheegtay hayb aan aheyn ta kawaanka u suntanaya oo yidhi dhawr boqol oo nin oo ciidamada laga soo ururiyey buu ka hadhay waxaase u dheeraa daanta dunbuluq iyo siinaay oo rag badan laga soo qabqabtay aroornimadii intii laysku haystay dhinaca idaacada ….

    Waagii markuu baryey ayaa hadana dib loo bilaabay hawshii dilka , iyadoo sidii laysugu xidhxidhayo qorigana loogu ridayo maxaa iga galay,intaa dadka waa lasoo gurayaa horena loogu xidhayaa xadhiga si loogu furo qoriga iyagoo rabdad rabdad isugu xidhan ,xoolahana sidaa looma galo iyadoo aynu si tafatiran uga warami doono tani waa uun sheegmo kawaanku siduu ahaa iyo muuqaal guud..

    Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.