Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Xasuuqii Jaziira - Warbixintii  Ninkii ka badbaaday xasuuqaas Mr.Cumar Muuse

"Habeenkii taariikhdu ahayd 16 - 17 Julaay 1989, mar ay saacadu ku beegnayd 1 habeenimo. Shan koofiyad cas ah ayaa soo jabsaday gurigii aanu jiifnay. Waxan ahayn 5 rag ah iyo 4 dumar ah. Afar nin oo ka mida shantii nin ee aan guriga ku jiifnay, oo uu ku jiro ninkii guriga lahaa Cabdirisaaq Caydiid Maxamed, ayaa la duubay/qaaday. Nin da' weyn oo curyaan ah kaasoo aan socon karayn ayaa laga tagay."

"Waxa naloo qaaday meel aan ku qiyaasayo inay guriga u jirtay ilaa 30 talaabo halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah kuwaasoo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Ciidamadu waxay ku jeeniqaarnaayeen qoryaha AK. Dadka ay koofiyad castu ku hareeraysnayd qaarkood way feedho qaawanaayeen. Dadka meesha fadhiyey madaxoogu lugahooda ayuu ku hoos jiray. Waxan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo uu saaran yahay qori Braun ah. Qaar askarta ka mida ayaa nagu garaacay qoryihii ay siteen dabadooda. Waxba nalama waydiin. Waxa nala fadhiisiyey meeshii dadka kale ay fadhiyeen. Mid askarta ka mida ayaa tirinayey dadka markasta oo qaar cusub lagu soo biiriyo. Ugu dambayntii wuxu u sheegay sarkaalkii watay in tirada dadku yihiin 47 qof."

"Waxa nalagu qaaday mid kamida labadii Paggazi. Intaanu saarnayn gaadhiga xamuulka ah si isdabajooga ayaa naloo garaacayey, iyadoo naloo cagajuglaynayey. Gaadhiga xamuulka ah jembiyadiisa waxa saarnaa askartii na ilaalinaysay. Waxa naloo dhaqaajiyey dhinaca Koonfurta Muqdisho. Waxa na daba socday laba gaadhi. Waxan u leexanay dhinaca bada, anagoo si tartiib ah ugu daadagayna dhinaca biyaha bada. Markani waxay ahayd markii aan garawsaday in nala tooganayo oo aan xabsi naloo wadin. Nin da' weyn oo i agfadhiyey ayaa isna dareenkaa mid la mida qabay."

"Sadexdii baabuur waxay istaageen meel u dhow xeebta. Meel noogu beegnayd bariga waxa ka muuqday ciidii bada oo si taal taal ah u tuulan. Askartii nala socotay waxay isku qaybsheen laba kooxood: kooxi waxay isku xeereen baabuurkii xamuulka ahaa ee aan saarnayn, kooxdii kalena waxay fuuleen ciidii tuulnayd. In yar kadib waxay ka soo noqdeen ciidii tuulnayd waxaana naloo waday oo nala geeyey ciida tuulan guudkeeda, waxaana amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda iyadoo shan shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax ddhawaaq ah. Waxan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu,Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."

"Si isdabajoog ah ayaa naloogu cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeyey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."

"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabkayga bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudogaleen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhamaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo agjoogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen."

"Askartii waxay fuuleen baabuurtoodii wayna tageen. Meeshiibaan ka soo kacay, waxan eegay hareerahayga. Markaan hubsaday in askartii ay gebi ahaantoodba muuqan ayaan dadkii la laayey dhex jubaaxay si aan bal baadigoobo wax naftu weli ku sii jirto. Cid nooli may jirin, qudhu 46 kii qofba waa ka baxday. Waxan u tukubay dhinaca bada si aan iskaga maydho dhiiga iyo ciida jidhkayga ku dhegan."

"Qoraxdiibaa soo baxday, waxan u dhaqaaqay dhinaca galbeedka. Waxan gaadhay degmada Jaziira mar ay saacadu ku beegnayd ilaa 11 subaxnimo. Waxan ka codsaday nin bas waday in uu i qaado wuuna iga aqbalay. Waxan markiiba soo gaadhay xaafadii aan deganaa waxanan dadkii uga waramay wixii dhacay. Dumarkii guriga joogay markii aan u waramay qaylo dheer ayey ku dhufteen waxayna baroorteen baroor tiiraanyo badan. Dumarka waxa ka mid ahayd Faadumo-Amal oon u adeer ahaa oo uu qabay Cabdirisaaq Caydiid "Carab Saqiir". Qayladii ayey xaafadihii jiiraanka ahaa iyaguna maqleen kadibna ay isku soo baxeen. Markii ay ogaadeen in dadkii xaafadaha laga raafay la laayey ayey xaafadihii baroor iskuwada dareen. Anigoo markii horeba didsanaa waan xamili kari waayey qaylada iyo baroorta tiiraanyada iyo quustu ku ladhan yihiin."

"Si aan la iigusoo raacain qaylada oon mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska bedelay macawistii aan guntanaa, kadibna aan uga baxay xaafdii. Waxan raacay bas waxaanan tagay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oon wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdixaliil. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kexeeyey iguna qariyey meel uu ku jiray. Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid oo igu soo siyaartay gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan iqiiney. Way iga tageen markii aan uga waramay wixii dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabniumo, ayaa hadana waxa isoo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mida saddexdii hore iyo nin janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku lebisan. Waxay wateen gaadhi Landcruiser ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan "Karaj". Dadka kale ee la socday qaar ka midi waxay ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii."

"Way i qaadeen waxayna i geeyeen bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jaziira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaala, dabayshuna ciidii lagu rogay ka qaaday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay ku arkeen indhahooda wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonay."

"Markii aanu ku soo noqonay Muqdisho Jeneraal "Karaj" wuxu soo jeediyey in aanu u tagno Siyaad Barre oon uga soo warano wixi dhacay. Nin ka mida nimankii kale ayaa figradan diiday isagoo oo u muuqday inuu baqanayo, wuxuuna soo jeediyey in aanu u tagno Janaraal Axmed Saleebaan Dafle oo isagu markaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha."

"Waxa naloo sheegay in Janaraal Axmed Dafle uu joogo Xarrunta Ciidamada Booliiska. Janaraal Karaj ayaa xarruntii galay, intayadii kalena waxanu ku sugaynay dibeda. Waan baqanayey, markaasaan isku dayey in aan baxsado. Haseyeeshee waxa isoo qabtay laba askari oo Janaraal Karaj ilaaladiisa ahaa. Wax yar kadib ayaa la gudaha la i geeyey. Waxa la ii geeyey Axmed Saleebaan iyo shan nin oo kale oo la fadhiyey. Waxay igu yidhaahdeen waran oo bal sheeg siday wax u dhaceen. Markii aan u waramay ayuu Axmed Saleebaan Jeneraal Booliska haystay ku yidhi kaxee ninkan oo gurigaaga ha joogo. Haseyeeshee Janankii wuu diiday wuxuna yidhi: 'gurigayga iyo gurigii lagala baxay waxba kuma kala duwana ee adigu gurigaaga gee'. Axmed Saleebaan ayaa amar laba askari ku siiyey in ay i kexeeyaan oo ay i geeyaan gurigiisa halkaana la igu ilaaliyo. Laba bilood ayaan guriga Ina Saleebaan Dafle ku jiray. Mar mar ayey ii ogolaan jireen in la isoo booqdo."

"Mudo markaan ku jiray guriga Axmed Saleebaan Dafle waxa la ii qaaday guriga madaxtooyada halkaasi oo aah kula kulmay shan nin oo iskugu kay sheegay in ay yihiin Guddida Baadhista Jaziira oo uu Siyaad Barre aasaasay. Waxay ii sheegeen magacdoodii iyo qabiilada ay ka dhasheen. Waxan imika sii xasuustaa keliya Jeneraal Abuukar "Suley" oo ahaa Janan ciidamada ka tirsan."

"Waxay gudogaleen waraysigoodii waxayna igu yidhaahdeen: 'sheeg wixii dhacay adoon baqanayn beena aan sheegayn'. Waxan suaalay oon ku idhi: 'hadii ay run idinka tahay in aad rabtaan inad ogaataan wixii dhacay maxaad u baadhi weydeen markuu meydku yaalay banaanka?'. Iimay jawaabine way uun qosleen. Hadana waxay yidhaahdeen: 'Waxaa iska ilow oo sheeg waxaad ogtahay', tiiyoonay iiga jawaabin su'aashaan weydiiyey. Markaa kadib waxan uun u sheegay wixii dhacay. Way qoranayeen, suaalona way i waydiiyeen waanan uga jawaabay."

"Intaa kabacdi waxa la ii qaaday gurigii Axmed Saleebaan Dafle. Maalmo kadib ayaa hadana la ii qaaday qasrigii Madaxtooyada si aan ula soo kulmo shantii nin. Waxay ii akhriyeen wixii aan u sheegay oo daabacan. Kadibna waan u saxeexay. Hadana waxa la igu ceshay gurigii Axmed Saleebaan Dafle."

"Axmed Saleebaan Dafle iyo qaraabadiisu jimce kasta waxay tagi jireen Afgooye oo ay ku soo nasan jireen, anigana waa la i kaxayn jiray. Intii guriga aan joogay asxaabtayda ayaa guriga Ina Saleebaan Dafle igusoo siyaaran jiray waxayna ii qorsheeyeen in la i saaro oon baxsado. Maalin Jimce ah ayey Axmed Saleebaan iyo reerkiisii ay igu yidhaahdeen ina keen Afgooye ayeynu aadaynaaye, hase yeeshee waxan ku idhi anigu maanta waan yara xanuusanayaa oo waan iska jiifayaaye idinku iska taga. Gurigii ayaa la igaga tagay. Waxa uun guriga ku hadhay aniga iyo askartii ilaalada ahayd. Wakhti ay qoraxdu kulushahay oo ah saacatul-qaafuur ayaan dayrka ka booday tiiyoonay askartu i arkayn. Waxan ordaba waxan soo gaadhay maqaaxi ay asxaabtaydu joogeen. Halkii ayaabaan gaadhi ka raacay wuxuuna i geeyey Baladweyn. Laba maalmood ayaan Baladweyn ku dhuumanayey, kadib waxa iga daba yimid gaadhi kale oo la iisoo diyaariyey. Sidaasi ayaan ku imid xeradii Daroor ee qoxootiga Somaliland degenaayeen."

Xigasho:http://www.angelfire.com/tn3/sdwo/news76.htm http://www.angelfire.com/tn3/sdwo/Jaziira.htm

Copyright 2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.