Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

SDWO (London) Qaybtani waa tii labaad ee waraysigii Canjeex oo aanu ku qaadnay khadka Internet ka isagoo jooga dalka Syria, qaybtii koowaadna hore ayaan idiinku soo gudbinay. Waraysigana waxa la yeeshay Canjeex Mr Guled Cabdi oo ah gudoomiyaha SDWO. 

1.Su,aal - SDWO -Waraysigaagii hore waxaad ku sheegtay in aanad waxba ka ogeyn xasuuqii Jaziira,  Hadaba waxa jira wiil ka badbaaday oo Magacaaga sheegay, taasi oo ah sida qudha ee lagu ogaaday, Maxaad u malaynaysaa hadaa sababta uu ninkaasi magacaaga u maqlay habeenkaas xasuuqa ama uu adiga oo qudha u xasuustay magacaaga?

Jawaab - Canjeex  - Wiilka aad sheegteen waxaan arkay waraysi uu bixiyay 2001 isagoo kuwait jooga uuna siiyay jariidada maandeeq cadadkii iyo maalintii ay soo baxayba waad haysataan,wuxuu yiri:anaga  oo hurudna goor habeen badhkii ah ayaa waxaa noo yimid ciidan koofi cas ah waxay nagu soo kaxeeyeen goyaashii aan qabnay anaga oo argagagsan wax dhibaato ah ay noo gaysteen waxaa naloo kaxeeyay meeshii ay masiibadu ka dhacday waxaana ku dhex dhuuntay dad mayd ah,marka waa bilaahi idinkaan idin waydiiyay ah ninkaasu muxuu ka ogaan karaa cid wadatay ciidankaas meel waajib laga soo siiyay sidee se ku helay magacayga iyo inaan ciidanka watay? anigu waxaan dhihi karaa ninkaasu wuxuu ahaa mayd noole ,haddiise uu ninkaasu wax xaqiiq ah hayo soo kaxee oo keena siiriya si uu uga markhaati furo oo igu cadeeyo inaan ciidanka anigu taliyahiisii ahaa maxkamad horteed.taas horay ayaan uga jawaabay anigoo iri<waa muaamarad dowle ah> waxaana cadaynaya isla bishiiba hargeisa ayaa ila bedelay markii warkaas suuqa la geliyay oo snm afarta dhinac ka taagan tahay,taas faafaahanteeda wakhtigeeda hala gaaro

2. SDWO -Xasuuqan lama ogaadeen hadii aan wiilkaasi ka badbaadin habeenkaas,  Maadama aad xukuumada gaar ahaan ciidnka ku jirtay sarkaalna aad ahayd sidee bay saraakiishii iyo dowlada inteedii kalaba u arkeen markay maqleen xasuuqii Jaziira?

CANJEEX - Arintan argagax bay wadanka oo dhan gelisay waxayna soo dedejisay burburkii dowlada somaaliyeed ee markaas telinaysay,waxayna noqotay qaadan waa,dadka badankiisna maba rumaysan dhicitaankeeda.

3. SDWO - Maadaama adigu aad tidhi kumaan jirin  Saraakiishii xasuuqa geysatay marna arintan wax ma ka weeydiisay sideey  u arkayeen markaas iyo ka dib sideey u arkayeen falkii foosha xumaa ee ay geysteen?

CANJEEX - Horta aniga markiiba waxaa ila ii bedelay hargeisa laakiin intaan ogaa jaha wareer ayay ku jirtay oo dadka intiisa badanba waxay uqaaten waxaan dhici karin oo burobugaan ah,xataa kuwa la leeyahay way gaysteen waxaan qabaa in waa ku beryay,waayo waxay galeen fawaaxish weyn,oo nadaamka dowliga ah ku xun.

4. SDWO -Adigu laftaadu sideed u aragtay wakhtigaas xasuuqaas dhacay, ama siduu kuu taabtay?

CANJEEX - Anigu waxaan u arkay masiibo qaran oo siday u dhacdayba keeni doonta bubrbur qaran sidii dhacdayba ,siday ii taabatayna dad shacab ah oo aan dalkooddii iyo guryahoodii hurda kuna nool caasimadii soomaaliya yaa intii la laayay oo la xasuuqay dush ala ii saaray oo maqrib iyomashriq loo kala fuliyay

5.SDWO -  Xasuuqan Jaziiri kolayba muu ahayn ka qudha ee dhacay ee waxa lagu ogaaday uun ninkaas ka badbaaday, maadaama aad sarkaal ciidan ahayd ma ka war heshay xasuuq kale oo loo geystay dadkii Isaaqa ahaa ee ku noolaa Xamar,  ama qofqof ha loo dilo ma koox kooxbee?

CANJEEX - Xanuuqaan horta wuxuu ku yimid kacdoon shacbi ah oo la mid ah kii dowlada lagu riday oo kaa ka dambeeyay muddo labo sano ah kaas hore,gacanta ayaa laysula tegay waxayna gaartay askarigii lebisnaa intuu lebiskii xooro inuu xaafadaha ku dhexdhunto siduu u badbaadiyo naftiisa taasu waa wax lawada ogyahay oo caan ah ,kolay maadaam aad qabyaalad u noqotay qabaailadii dowlada la diriraayay mahay isaaq oo kale ah,haddad u jeedid reer sarakiishii dalka waxaa isaaqu ku nabadgeli jiray meesha sarkaal mareexaan ah uu joogo,isdas darteed wajiga ilaahay inaan arag maqalna maxaa yeelay jabhadaha ayay ahaayeen wixii dadka qabiilka u layn jiray meesha ay indhaha ku saaran,mid jariirana  waxay uga duwanaatay xasuuqyada kale oo jabhadahu geli jireen waa tii kale ah ee ka dhacday caasimada dalka

6. SDWO - Maxaad u malaysanaysay wakhtigaas sababta loo xasuuqayey dadka Isaaqa ah?

CANJEEX - sidaan maqlay mar dambe oo aan dad badan waydiiyay waati dagaaladu ka dhaceen waqooyiga dhilinyaron aad u badan baa ka soo qaxday waqooyiga oo timid muqdisho,marka kacaan waxaa u sabab ahaa inay rabaan sidii hargeisa oo kale inay dagaal uga ridaan magaalada xamar ah,taasu inay burobugaan ahayd iyo inay jirtay ilaahay ayaa iga og,inkasta oo aan mar dambe maqlay waxaa ka dambeeyay odoyaashii sulaxa la magac baxay.

7.SDWO - Adigu ma tagtay goobtii xazuuqu ka dhacay markii laga warhelay waxa dhacay?

CANJEEX - Weligay ma tegin marka ka hor iyoka dambe midna ,maxaa yeelay waa baadiye ilaa 25 km ka fog magaalada sida la yiri

8.SDWO - Dad badan oo elehkoodii ku jaray ayaa kolayba waraysigan akhrisanaya, markaa ma u sheegi kartaa waxa ku dhacay meeydkii bada lagaga agtegay, hadii la xabaalayna, xabaalahee lugu aasay?

CANJEEX - War xataa inay dhinteen war kama hayo waana iga daacad ,siddaad u maqashay ayan umaqlay.

9. SDWO - Goormaa aad ka warhesheen in uu wiil ka badbaaday xasuuqaas maadaama aad sarkaal sare ahayd, se sidee u arkayseen warkuu bixin doono, se ragii kale ee ciidmada ku jiray marna ma isku dayeen in ninkaas la soo qabto intaanu sirta faafin?

CANJEEX - Horta arintaan  waxaan maqlay anigoo harseisa jooga goor galab ah ayaan bbc da ka dhigaystay waraysigiisii ay ka qaaday sidaanse ku arkay waraysiigiissii lagu soo daabacay jariirada maandeeq miyoosan guriga ahmed sulayman joogin,sidee loogu dhacaa ooloogala bixaa guriga ahmed sulaymaan

10. SDWO - Waraysigaagii hore dad badan oo akhristay ayaa intooda badani ku doodayaan Hadii ay dhab kaa tahay maxaad ula soo xidhiidhi weyday xukuumada Somaliland una sheegi weeyday inaad diyaar u tahay inaad maxkamad hortago kana cadayso diidmadaada, sababtoo ah xukuumadu way qaadi kartaa nabadgelyadaada hadii ay dhab kaa tahay inaad sharci kaga baxdo eedeemaha?

CANJEEX - Horta arintaan ka hor 2000 anigoo america u socda ayaa canaasiir isaaaqa ka mid ah i dacwaysay waxayna igu dacweeyeen ins ka dibna interta <open> ayay geliyeen,markaa waxaa lagu soo daabacay magaalada harseisa jariirada al jumhuuriya oo uu yiri qoraagaasu<ganaraalki xasuuqii jaziira ibrahin xasan oo nairobi iska dhex mushaaxaayaa oo magac been ahwiilkiisu ugu soo diray sponsor si uu america ugu dhoofo iyo hadalo ka daran> halkaa waxad ka garan karta dulmiga beenta ahoo dusha layga saaray xataa ma aqoon waayay magacayga ama muxuu u weydiin waayay saraakisha isaaq ah oo i taqaana   hadu kolay i masabidanaayo iasga iyo kula la mid ahba ,waxay qaateen masawirkagay anigoo nairobi dhex socda,waxayna u direen meel kasta oo aduunka ka mid ah ,taasi sharci islamka ama kan dowliga ah kii banaynaaya ?dowlada soomaliland laga bilaabo madaxweynaha ilaa kan u hooseeya waa ragii dowlada soomaaliyeed u shaqayn jiray sidaan amba u aqaano qaar badan oo ka mid ah,bal horta maxay iyagu xog ka hayaan iyaba waa ragii dowlada u shaqayn jiray?

11.SDWO - Diyaar ma u tahay inaad maxkamada Somalilad adigoo qareenkaaga wata la soo istaagto wiilkii ka badbaaday xasuuqaas ee magacaagana shaaciyey?

CANJEEX - Hada waxaan jooga suuriya waxaan ku leeyahay qareen wiilkuna wuxuu jooga kuwait waxaan idinka codsanayaa intaad qareenkiina soo kaxaysataan ,maadaam wiilkana aan meel isu dhow aan joogno soo kaxeeya kalkana isugu kaaaya keena taasi waa codsi ,mar labaad codsi iyo sadexaad si aanu maxkamad ku taala dal carbeed oo walaalaheen ah ugu kala baxno

12.SDWO - Waad ka warhaysay xasuuqii mudada ka socday Somaliland iyo burburkii loo geystay, taas darteed waxay dhalisay in somaliland ay gaar isu taagto oo anay somaliya ka mid noqon arinkaas sideed u aragtaa shaqsi ahaantaada?

CANJEEX - Guleedow somaaliland oo kaliye ma burburin ,soomaaliya oo dahn ayaa burburtay waxaa la dilay ama gaajo loo dilay la malyan iyo bar ,waxaa dibada u cararay labo malyan iyo bar ,haddii aad i weydiisay somaaliland gooni isu taageeda anigo siyaasdi la ahayn hadana kuwa qabqablayasha ma ku jiro,laakiin aragtidatda shaqsiga ah ummadda soomaaliyeed waxay wadaagtaa dhiig iyo dhaqan waxayna ku maarmin dhaqaalaha iyo bulshada,haddayse kala goayso ama isla jirayso ragga siyaasiyeenta hormoodka u ah ayay u taala,waxaase jirta oo aan qabaa aduunku sharci buu ku dhisan yahay bulshada caalamkuna waxay isticmaashaa sharcikaas ,marka kolay sida magaciina ku cad waxaad tihiin qolooyinka u ololeeyaa gooni usu taagaa somaliland,waxaan idinkula talin lahaa qanuunka dowliga ah waafajiya

13.SDWO -Bubrburkaa Somaliland ka dhacay iyo guud ahaanba Somaliya waxa loo lagu eedeeyaa ciidamadii xukuumada ee la odhan jiray ciiidanka xooga dalka oo awoodoodii u isticmaalay sideey rabeen, adna sarkaal ka tirsan baad ahayd ciidankaas, sideed u aragtaa arinkaas?

CANJEEX - Ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed wuxuu ahaa ki dalka daafici jiray waad garanaysaan 64 sanaadku markuu ahaa amaa 77,marka waxay ila tahay ciidanku wixii siyaasigu u diro ayuu qabtaa anigu waxaan wax ku soo bartay wadanka ruuhka,waxaan ka baranay maahmaah ciidanku aad u istcmaalo oo ah:<anigu hadaan taliye kuu ahay adigu xoolaad tahay>macnahu waa amarka qaado hana fakerin,markaa waa dalka daafac oo kale ah,miyaadanse ogayn guuleedow in ciidanka siyaasad la geliyay in qabiil walba intiisii u yeertay inay siyaasiyeentu guryahooda kula shireen habeenkii  iyo la yiri orda ethopia taga oo soo dagaalama wax kasta oo aad u baahataana annaga dalka gudihiisa idinla fadhina,saraakiishii dalka wax u soo baratay oo haday maamulka saluugeen inqilaab samayn karay waxaa loo wada diray ethopia oo adba aad ogtahay qadiyada noo dhexaysa oo soo jiraagga ah<waa dad iyo dul>marka waxaan kugu raacsanahay in xoogga dalka soomaaliyeed uu dlka dumiyay,laakiin yaa ku dimiyay? siyaasigiisii, maalqabeenkiisii, aqoonyahankiisii.

14.SDWO - Gebogebadii maxaad odhan lahayd dadkii ehelkoodii lagu xasuuqay Jaziira iyo dhamaan shacbi weynaha Somalilandba?

CANJEEX - waxaan ka xumahay in la xasuuqay dadkiina ayaa oran lahaa ,waxaan kaloo oran lahaa samir iyo iimaan alla hagana  wada siiyo,waxaan aidinla qaba xasuuqaas ummad  soomaaliyeed oo aad iyo aad u badan min waqooyin ila koonfur welina hada waa socotaa alla ha ka joojiyo ,gabagabada qoraalkaygan waxaan ku leeyahay guleed cabdi sheekhaashow ilaahay baan kugu daarsee ilaa xaqiiqo laga gaaro haka harina arintaan adiga iyo saaxiibadaaba waxaana la hadlayaa inta ilaahay ka baqaysa oo daacada ah ogna in qabri iyo qiyaami ka dambeeyo,  waa bilaaahi towfiiq.   

Halkana waxaan ku soo gebogeeynay qaybtii labaad ee waraysiyadii aan la yeelnay Gaashaanle Sare  Ibraahin Cali Bare (Canjeex) isagoo jooga dalka Syria,  Hadii aad xiisaynaysid inaad su,aal gaara weeydiiso Canjeex waxaad noo soo dirtaan email ama wax warbixin ah aad ka hayso xasuuqaas gaar ahaan nimankii uu xusay canjeex  inay habeenkaas la joogeen hadii aad garanaso meel lagala xidhiidhi karo sida Maxamed Cabdilaahi Buraale(ina wilad) oo wakhtigaas ahaa Taliyah Hawlgalinta Guutada ee Guutada Labaad ee Taangiyada,  sida  uu canjeex sheegay markii udanbaysay ninkaasi wuxuu ka tirsanaa ciidamada Somaliand iyo Sadex Xadhiglle Maxamuud Afrax shunuunac oo Canjeex sheegay inuu ku sugan yahay Xamar iyo Gaashaanle Sare Cabdi Hire Guhaad oo markaas joogay halkuu armarku ka soo baxay siduu Canjeex ku sheegay waraysigiisii qaybtii hore imikana jooga dalka Maraykanka (Minosto).

Waraysigan waxa khadka internetka ku qaaday Gudoomiyaha SDWO Mr Guled Cabdi  

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.