Hargeysa (Haatuf): waxa beryahan soo baxayey warar ka hadlaya masuuliyiin lagu eedeeyey inay ka qayb
ahaayeen duqeyntii 1988-kii loo geystay dadka rayidka ahaa ee goboladii waqooyi ee Soomaaliya
(Somaliland) gaar ahaan dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kuwaas oo loo adeegsaday
iyadoo loo soo kireeyey duuliyayaal calooshooda u shaqaytayaal reer Koonfur Afrika ah iyo duuliyayaal u
dhashay dalkii Soomaaliya.
Haddaba waxa jiray ilaa sanadadii u dambeeyey xogo kala duwan oo laga bixinayey sidii ay arrintaasi ku
timid, iyada oo ay wargeysada dalka qaarkoodna wax ka qoreen, sidoo kalena lagu qoray qaar ka mid ah
warbaahinta caalamka, iyada oo la sheegay in qandaraasyo lagu bixiyey, sidii loo soo kireyn lahaa
calooshooda u shaqaystayaashaa, iyo waliba dalal iyaguna ku caawiyey diyaaradihii Hawkerhunters-ka ahaa
ee lagu duqeynayey dadka rayidka ah.
Waxa kale oo jira rag iyaguna arrintaas qayb libaax ka qaatay sidii loo hirgelin lahaa.
Wargeyska Maandeeq ayaa sanadkii 2000 wax ka qoray mawduuc arrintaas ku saabsan, haddaba anaga oo
xiganayna mawduucaas iyo xogo kale oo aanu ka helnay meelo kala duwan, ayaanu halkan idiinku soo
gudbinaynaa xogo arrintaas ku saabsan. Waxa la sheegay in 1983-kii ay dawladda Imaaraadka Carabtu ugu
deeqday dalkii hore ee Soomaaliya 14 diyaaradood oo noocoodu kala ahaa 10 nooca loo yaqaan
Hawkerhunters, iyo 4 noocoodu yahay Islander.
Waxa ay taasi keentay baahi loo qabo in la helo rag aqoon dheer u leh diyaaradahaas, kuwaas oo tababar
siiya saraakiil soomaaliyeed, waxaana qandaraas lagu siiyey nin ganacsade Soomaali ah oo magaciisa la
yidhaahdo Jaamac Buluug, isaga oo Koonfur Afrika iyo Zimbabwe ka soo kireeyey afar duuliye iyo afar
farsamo-yaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshooda u shaqaystayaalnimo ah, iyada oo heshiis dhexmaray
taliyihii ciidanka cirka Soomaaliyeed iyo gacanyarihii Jaamac Buluug oo la odhan jiray Idiris Shidle loo
xilsaaray hirgelinta arrintaas, isaga oo xafiis ka samaystay saldhiga diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Dabadeed nimankii calooshooda u shaqaystayaasha ahaa waxay bilaabeen inay tababaraan saraakiishii ugu
horeysay, kuwaas oo kala ahaa G/Sare Duuliye Cali Ibraahim Axmed, G/Sare Duuliye Maxamed Warsame Mooto,
G/Sare Maxamuud Mad Khaliif, G/Sare Duuliye Aweys Xuseen Cali.
Taliskii qaybta 26aad ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi, waxa soo food saaray marxalad adag, markii
xoogaga SNM ay soo galeen goobihii ay ku sugnaayeen xoogagii Siyaad Barre, ayna ku sigteen inay gebi
ahaanba burburaan, iyaga oo u babac dhigi kari waayey dagaalyahankii SNM, iyaga oo taageero hiil iyo
hooba ka helay bulshadii rayidka ahayd.
Si looga hortago xoogagii SNM waxa la qaaday duulaan cirka iyo dhulka ah, kaas oo isla jaan-qaaday, bari
ilaa Galbeedka iyada oo aan loo kala aabo yeelayn goobaha rayidka iyo dagaalyahankii SNM, waxa sahan loo
diray diyaaraha nooca loo yaqaan CESNA oo ay wadeen duuliyayaasha kala ah Axmed Maxamed Maxamuud, Suufi
Jaylaani Maxamed, Faarax X. Salaad, Juseeb, iyo Xasan Yare, inta badan ciidanka cirku wuxuu isticmaali
jiray Mig 19, guud ahaan hawlgalkii lagu fuliyey gobolada waqooyi, waxa ka qayb qaatay ragga kala ahaa
G/Sare Khaliif Ciise Yuusuf, taliyihii ciidanka cirka Bali-Doogle, Faarax Siciid taliyihii ciidanka
cirka Hargeysa, Maxamed Aadan Dirir ciidanka cirka ee Berbera, Yuusuf Maxamuud Maxamed Duuliye Mig 17,
Mursal Muufo Duuliye Mig 19, Maxamed Xasan Raage Duuliye Mig 19, Xuseen Xasan Duuliye Mig 19, Axmed
Gurxan Hoori, Duuliye Mig 19, Maxamed Axmed Xaayaw duuliye Mig 19, Xirsi Maxamed Faarax Duuliye Mig 19,
sidoo kale kooxdii diyaaradaha Hawkhunters-ku waxay kala ahaayeen G/Dhexe C/laahi Xaaji taliye xigeenkii
Baydhabo, G/Dhexe Maxamuud X. Warsame Duuliye Hawkerhunters, G/Dhexe Maxamed Khaliif Isaaq Duuliye
Hawkerhunter.
Waxa kale oo jirtay diyaarad ay soo rideen xoogagii SNM, saraakiisha ku dhimatayna waxa ka mid ahaa
Maxamed Xasan Raage Duuliye Mig 19, Xuseen Xasan Duuliye Mig 19, Axmed Gurxan Hoori Duuliye Mig
19, Axmed Maxamed Xaayaw Duuliye Mig 19, Maxamed Khaliif Isaaq Duuliye Hawker Hunter, sidoo kale raggii
calooshooda u shaqaystayaasha ahaa ee bamka sidii naxariis darrada ahayd ula dhacay dadka rayidka ah ee
waxba galabsan, J.R. Blythe (Pilot) Duuliye, M. Shegnuller Duuliye, D.R. Jackson (Engineer,) K. Jonnes
(Engineer), C.D Boll (Armament,) J.D. Hurrell (Airfr).
Dagaalada oo ka socday magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, iyada oo dadka rayidka ahina ka qaxeen goobihii
dagaaladu ka socdeen, iyaga oo degay meelo aan ka fogayn labada magaalo, balse dagaalku sii cuslaaday
waxay ciidamada Siyaad Barre kaga daba tageen meelihii ay u bara-kaceen, iyaga oo isticmaalaya diyaarado
,hub culculus iyo qoryaha arltelariga ah, isla markaana waxa halkaa ku naf waayey kumanyaal qof oo aan
waxba galabsan.
G/Sare Duuliye Faarax Siciid taliyihii ciidanka cirka Hargeysa oo isagu hagayey hawlgeinta diyaaradaha
oo hawshii ku balaadhatay ayaa qaylo dhaan u dirtay taliyayaashii ciidanka cirka ee xeryihii ugu
waaweynaa ee dalka wakhtigaas, kuwaas oo ku kala yiil Bali-Doogle iyo Baydhabo, waxaana qaylo-dhaantaa
ugu yimid G/Sare Khaliif Ciise Yuusuf taliyihii ciidanka cirka Bali-Doogle, oo horkacaya kolonyo
diyaarado ah oo noocoodu yahay (Mig 17 iyo Mig 19) iyo G/Sare Duuliye Cali Ibrahim Axmed (Cali Doob)
taliyihii ciidanka cirka Baydhaba oo isna jiidaya raxan diyaaradda oo ah nooca Hawk Hunter-ka kuwaas oo
si deg deg ah uga degay garoonka diyaaradaha Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii ay ciidanka dawladdu ku
ugaadhsanayeen dadka rayidka ah, taas oo sababtay in dadka intii hadhay ee aan ku jirin dagaalku u
qaxaan dhinaca Itoobiya.
Balse waxa xusid mudan G/Sare Duuliye Axmed Maxamed Maxamuud (A/Dheere) ayaa isaga damiirkiisu siin
waayey inuu xasuuqo dad maato ah oo qaxaya, wuxuuna go’aansaday inuu la fakado Mig 17, wuxuuna si
geesinimo leh u dejiyey xeebta Djibouti.
Iyada oo go’aankaa Axmed Dheere hoosta ka xariiqay xasuuqii dadka lagu hayey.
G/Sare Duuliye Yuusuf Maxamed Maxamuud (Y/sare) oo isna waday diyaarad Mig 17 ah, ayaa isagu duqeynayey
goob kasta oo uu bidhaan dad ka arko, isaga oo aan xataa masaajiida dhaafayn.
Yuusuf Yare waxa lagu tilmaamaa sarkaalkii kaalinta 1aad ka galay hawlgalkii xasuuqa iyo burburinta ahaa
ee goboladii Waqooyi, iyada oo uu Jeneral Moorgan abaal marin u siiyey lacag badan iyo baabuur
Landcruieser, kaalinta labaad waxa galay xasuuqaa dadka reer Somaliland lagu xasuuqay G/Sare Duuliye
Maxamuud Xaaji Warsame (Moojo).
Raga ku dalacay xasuuqa dadka loo geystay waxa ka mid ahaa Khaliif Ciise Yuusuf iyo Jeneral Nuur
Dhuudhi, iyada oo Jeneral Dhuudhi u xuubsiibtay inuu noqdo taliyaha ciidanka cirka Soomaaliyeed.
Xigasho:Haatuf News