BAAXADDA SUUGAANTA HAWEENKA
SOOMAALIYEED KA WEYN WAX LA
CABBUDHIYO OO CAGTA HOOSTEEDA
LA GESHO
C.C. Faraax “Barwaaqo”
Buugga la yidhaa "First Foot-steps in East Africa" ee soo baxay 1894kii waxa
lagu sheegey in ay dadka Soomaaliyeed wada gabayaa yihiinl. Tan iyo xilIigaasna
reer galbeedku waxay Soomaalida u yaqaan¬neen iney yihiin dad wada maansooda.
Rijard Beerton, (qoraaga buugga) oo ah ninkii ferenji ee u horreeyey ee cagaha
soo dhigay carrada Soomaaliyeed, muu kala sheegin ragga iyo dumarku sida ay u
kala suugaan badan yihiin. Hadalkiisii¬na lagama dhadhansankaro iney ragga
Soomaaliyeed ka suugaan badan yihiin dumarka iyo in kale. Hayeeshee, sida ka
muuqata suugaanta la ururshay, intii farta la qoray, waxaad dareemaysaa, ama
runtuba tahay, in ay kaalintii haweenku meesha ka maqantahay. Runtiina waa
arrin tilmaan u noqonkarta inaanay haweenku maansoon. Waxa, haddaba, isweydiin
leh waxa loo ururin waayey ama laysugu hawliwaayey soo ururinta suugaanta iyo
murtida haweenka Soomaaliyeed? Haddii ay raggu hag¬radeense maxaa loo waayey
haween u daddaabbaxidha soo ururinta suugaanta haweenka? Sida ragga, haweenka
Soomaaliyeed suugaantooda utun iyo uurxumo kuma beeraan, beelana iskuma
jebshaan. Hayeeshee, abaabul iyo dhiir¬rigelin dagaal way u adeegsadaan.
Cadaadis, cabbudhin iyo cagajugleyn lagu hayana dhaaxay iskaga deeddifeeyeen.
Markay wax qoonsadaan dareenkooda way ku tilmaamaan. Hawl kolka ay hayaanna way
isku maaweeliyaan. Gabayga ka sokow, hees¬hawleedda iyo hees-ciyaareeddaba qayb
libaax bay ku leeyihiin. Bu¬raanburka, suugaanta Sitaadka, ta Saarka iyo ta
maaweelada ubadka midna looguma tago. In kasta oo aan qoraal keliya lagu soo
koobikarin suugaanta haweenka Soomaaliyeed, waxaan kan ku eegi baaxadda
suugaanta haweenka Soomaaliyeed iyo sida ay u tahay waxaan la cabbudhin karin,
cagta hoosteedana la gelin karin. Waxa kale oon wax kaga taataaban qaar ka mid
ah badaha aan looguba te¬gin iyo sida ay suugaantooda u adeegsadaan .
Hab nololeedka Soomaalidu ku dhaqmijirtey, haddana badideed ku dhaqanto, oo
reer-guuraa u badnaa awgeed, ayaa sida loo kala rag badanyahay laysu muquunin
jirey. Haweenka waxa loo arki jirey iney ahaayeen soo saarka wiilasha. Hooyaba
hooyada ay ka wiilal-dhalid badan tahay ayaa laga jeclaa. Middii aan hablo
mooyee wiilba hoosteeda laga soo jiidin waa lala guursan jirey ama waaba la
furijirey. Colaad gaara ayaa loo qaadijirey iyada oo layska indha-tirayo
xanuunkii ay soo martay iyo culayskii ay sagaalka bilood la soo kacaakufeysey.
Habnololeedkaasi ayaa ragga ka indhasaabay dareen-diineedkii ahaa in ubadku
yahay deeq uu Eebbe bixiyo, noole kalana aanu awood u lahayn abuuridda dheddig
iyo labtoona. Hooyo Xabiiba Yuusuf Cali oo arrintaa lagu dhaleeceeyey ayaa
tirisay buraanburkan soo socda tiiyoo inanteedii la hadlaysana waxay tidhi:
SHUKRI WAXAAN KUU IDHI EEN
SHAALKA KUUGU XIDHAY
WAA SHISHEEYIYO SOKEEYABA
DAD KAA WADA SHAKIYEY
SARARAHAYGA GO’AYIYO
SAAFTINTAYDA MAQAN
AYAAN KAA URINAYAA EE
ANIGU KAAMA IRDHIYIN
WIIL HADDAY DOONAYAAN
WEDKA MAY KA OOLIYAAN
ABUURKA MIYAAN LAHAA
OON ILAAH AHAA
MAXAY II CAAYAYAAN
CAAQILLADAII KU XIGEY?
Sida buraanburka ka muuqata Hooyo Xabiiba inanteeda ayey la hadlaysey,
hayeeshee waxay si sarbeeba gaashaanka ugu dhufatay arrintii lagu
dhaleecaynayey ee wiilal dhalid la’aanta. Waxay tilmaantay iney hore wiilal u
dhashay hayeeshe ay ka noqdeen (dhinteen). Waxaanay raggii weydiisay iyada oo
xujeyneysa waxa ay wedka uga celin waayeen haddii ay ayagu awood intaa leeg
lahaayeen. Waxa kale oo ay qirtay inaanay iyadu ka xumayn dhalashada inanteeda,
wixii uu Eebbe siiyeyna ay ugu mahadnaqayso.
Hooyo Xaliimo Muxumad Madar ayaa iyana gaashaanka ku dhufatay kolkii ay eedi
kaga timid dhanka xigaalka iyada oo dareensiinaysa dadkan Deeqa dhalashadeeda
ka xumi inaanay ahayn ayaku kuwa risiqa loo weydiinayo ee uu Eebbe risiqeeda
gacanta ku hayo. Meeshana waxa ku jira nacayb ama jeclaysi la'aan ka timid
xagga xigaalka. Waxa kala oo ay dareensiineysaa halka ay iyada ka taagan
tahay. Hadal iyo dhammaantii waxay Hooyo Xaliimo 2 tidhi:
DADKUNA WUU KUU DUDAA
DEEQA XAAJIYEEY
DALAYSEY HOOYO ANNA
WAAN KU DAAWADAA
MURAAYAD SIDEEDII BAAN
MAASHAN KUGU HAYAA
SABAAD BAAD II TAHOO
KAAMA SEEXAN KARO
WAXAAN DUMARKOO HURDANA
KUUGU HEESAYAA
DADKOO XEESDAYNA WAXAAN
KUUGU SELELAYAA
BILLAAYOOD U AYDAY BAAN
AAMINAAY LAHAA
KUWAN KU DIIDAYAA DAHABOOY
HADDAAD I GARAN
MA DAAYIN BEY KUU YIHII
DEEQDA KUU XAWILEY
HORTA MAXAY KUUGU DUDI
DAHABO XAAJIYEEY?
Labadaa buraanbur dhawr arrimood ayey ka siman yihiin. Ta u horreysaa labada
magacba waxay tilmaamayaan dhego-ku-hadal. Hooyo Xabiiba waxay inan-teeda u
bixisay “Shukri” oo ay uga jeeddo iney Eebbe ugu mahadnaqayso deeqda uu siiyey.
Hooyo Xaliimo iyana waxay ragga u sheegeysaa sida ay inanteedu u deeqday iyada
haddii ayagu saluugsanyihiin. Labada buraanburba waxay ka simanyihiin oo ay
muujinayaan sida uu dareenka diintu ragga ugu yaryahay. Waxa kale oo ay
muujinayaan awood la’aanta ragga.
Dumarku suugaantooda kuma cawdaan oo qudha ee abaalna wey ku ceshaan.
Xaawa Cabdillaahi Gasle 3 oon filayno inay hadda ku nooshahay magaalada
Gabiiley ee Dalka Soomaalilaand ayaa tirisay buraanburkan soo socda.
Xaawi iyada oo indho la’ ayey u qaxday xeradii qaxootiga ee Dulcad
(dalka Itoobiya). Halkaasi oo ay kula kulantay dhakhtar Soomaaliyeed oo
cudurrada indhaha wax ka yaqaan. Dr. Saleebaan Cabdillaahi Faarax oo ah
dhakhtarkii arkay Xaawa ayaa ii sheegey iney Xaawi u qaadan weydey
kolkii uu u sheegey inuu indhaheeda wax ka qaban karayo. Dhakhtarku
waxa uu intaa ku daray, “Markii aan arrintii u muujiyey ugana
sheekeeyey sida aan rabo inaan wax uga qabto waxa ay Xaawi ka walaacday
dhankii jeebadda!” Dhakhtarku wuxuu dabadeed u sheegay inaan waxba
looga baahnayn haddii ay doonayso in wax loo qabto. Arrintaasina waxay
noqotay arrin ay Xaawi liqiweydey. Hadal iyo dham-maantii, Dr.
Saleebaan wuu fuliyey ballantii uu uqaaday Xaawa, waxaanu ku guuleystey
ishii u horreysey oo uu ugu jeexay xeradii qaxootiga ee Dulcad. Saddex
bilood ka dib, markii Hargeysa laga saarey ciidammadii Siyaad Barre,
ayey Xaawi ugu timid Dr. Saleebaan magaalada Hargeysa halkaasi oo tii
kalana loogu jeexay. Dhawr toddobaad kadib ayey Xaawi u boqooshay
dhanka Gabiiley iyada oo labadeedii laxaadba qabta.
Ammin saddex gu’ ku dhowaad ah ayaanay Xaawa iyo Dhakhtarku wax war ah kala
helin. Dhanka dhakhtarka waxay ula mid ahayd dadkii tabaalaysnaa ee uu dawayn
jirey. Hayeeshe dhanka Xaawa arrinku intaa waa kala cuslaa. Bishii diisambar ee
1993kii ayey Xaawi ku soo laabatay Hargeysa. Markiibana waxay ku dhaqaaqday
iney haybsato gurigii Dhakhtarka. Kolkii ay gurigii timid goor fiid ah waxa loo
sheegey inaanu dhakhtarki weli soo hoyan. Xaawina waxay go’aansatay iney guriga
ku sugto. Habeennimadii, kolkii uu Dhakhtarki soo hooydey ayuu gurigii ugu
yimid Xaawa oo fadhida. Markuu isha ku dhuftayna wuxuu uqaatay in xanuunkii
Xaawa ku soo labakacleeyey. Arrintu siday doontaba hawdhacdee, cabbaar markii
lays war-saday waxay Xaawi af buuxa ku tidhi, “Abaalkii aad igu lahayd maan
illaawin. Lacagna ma sido oo waa sidaad igu ogeyd. Hayeeshee dhawr erey baan
odhanayaa ii keen rikoodh.” Waxaanay tidhi:
Herer walaal kumalahayn
wiilna kuma ogeyn
Ee igama hoogow adaan
haybsigaa ahaa!
Aniga oon baranba kii
ila barbaadayow
Igama hoogow adaan
haybsigaa ahaa!
Waxaan la socdaana
waa duciyo salaan
Ee igama hoogow
adaan haybsigaa ahaa!
Ee Salaamu calaykum
reer sabad wanaagsanow
Salaamu calykum kii
layga siiyayow
Waarimaynee Rabbigu
waayo badan ku daa!
Malaggu kuu aakhir kii
ii miciinayow
Ii dhammeeyow Rabbigu
wax kuuma dhimo!
Saddexda sannadood ee
dhulku saamalayl ahaa
Suleemaanow ka qaday
kaan sugey lahaa
Walaalkay baa qaldhabayey
oo qalbigaa idiley
Haddana quusatayoon
quusi iigu jirin
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Kaama ooleene waan
kuu imimanlahaa!
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Bariidada iyo ducada
waan badbadin lahaa
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Waa horaan Hererey
haheeyo odhanlahaa!
Eeddoy cudurbaa dib
iidhigaye Daahirow
Ninkii cudur naafiyaan
cararin Daahirow
Ee dhawaaquu yidhi ninkaan
dhigine qaadayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Ninkaan ereygii ka baxay
kala dhantaalinow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Ninkii qawlkii ka baxay
qaayo geliyayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Jawaabtiisii ninkii
ii johoradeeyayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Wiilkii layga qaaday
wiilkan laygu dooriyow
Ilahay ii soo diree
ii dadaalayow
Guuleyso oo guuleyso
geesigan dadkow kacow!
Aakhirana reer
aduunyadana reero noqo
Oo adiyo waalidkaaba
Jannadii ku waarigtaan!
Xaawi waxay caddaysey inaanay Hargeysa u iman dan gaar ah, magaaladana cid ku
lahayn. Hayeeshee waxa u weyn ee ay u socotay uu ahaa iney abaal celiso.
Midduu kalgacal haleelaa ka kama waabatee way ku tilmaantaa. In kasta oo aan la
aqoon ciddii tirisay waxa ka mid maansooyinka kalgacal lagu tilmaamay maansadan
hoos ku qoran. Waxaanay tidhi haweenaydaasi4:
Subeeciyad wiil benderi baadhasho u tegow
Kaatun feyruus yoo kuman la siiyayow
Miyaan masaalkaa helayaa, mar la i tusyow?
Dallaayadi waa jabtaa, biraha duubanow
Dahabka Nayroobi oo daacad loo tumow
Shamsada oo soo baxdiyo shaaca waaberow
Miyaan masaalkaa helayaa, mar la i tusyow?
Kolka inan la arooso waanada kalama masuugaan. Xilkay qaadday ee reerka iyo
hawlaha ku soo fool leh sidii ay u hanan lahayd iyo sida ay saygeeda iyo
xigaalkiiba u xaslan lahayd way hoga tusaaleeyaan. Buraanburka hoos ku qoran oo
arrimahaasi iyo qaar kalaba tilmaamaya waxaan ka soo dheegannay cajalad laga
soo duubay aroos lagu qabtay magaalada Hargeysaa gu’gan dhexdiisa. Waxaanay
tidhi:
Bilicda gurigaaga ehelkiisu
haw bogaan
Oo naag xun waa lagu bukoodaaye
baarri noqo
Oo hunbanni waa laga fogaadaaye
feejignow
Naa sayga oo shaqo ka yimid
sawdka laguma gubo
Sufur qabaw baa biyaha
loogu sii shubaa
Ubadka waa laga sabaa
lagana seexiyaa
Oo subag sixina baa cuntada
loogu sii daraa
Oo Sariirtuu seexanaayaa
la saxartiraa
Sanqadha waa laga yareeyaa
markuu saldhigo
Soddohdu waa hoos qabaw
waana lagu hirtaa
Haddaanay kaa hoyanin waa
hoyga lagu gam 'aa
Naawaanahilwkaagiiiyo
hooyadaa labaad
Inanna kii hooyo leh ayey
hibadu saaranatay!
Halgankii gobonnimada lagu kicinayey gumeystayaashii reer Yurub kaalin xoog leh
ayey ka qaateen dhanka abaabulka, dhiirigelinta iyo suugaan ku dirirkaba.
Xaliimo Shabeel oo ka mid ahayd xubninhii firfircoonaa ee SYL ayaa laga hayaa
buraanburkan hoos ku qoran iyada oo tilmaamaysey go’aanka la qaatay iyo
kaalinta ay ka qaadandoonaan intaba. Waxaanay ku bilowday:
Go'aan baan gaadhnay isticmaarka inaan gubnaa
Sharduu naga guuro gaashaanka waa la hayn
Guhaad iyo ciil nin qaba yaa wax gaysan jiray
Sharduu naga guuro gaashaanka waa la hayn
Haweenka Soomaaliyeed waa hawl kar. Hawsha reerka badidiisna ayagaa qabta. Inta
ay hawshaa ku jiraan way is maaweeliyaan oo is madaddaaliyaan. Sidaasi awgeed
ayaan hees hawleedda, sidii aan soo sheegey, dumar looga bursan. Haddii rag
geel waraabintii u heesay, ayana heeryo samaynteed, iyo hawl kale ku foog-
naanteedba way u halaanhalaan. Heesahaasi wey isku maaweeliyaan, wey ku
xifaaltamaan, aragtiddoodana wey ku gudbiyaan. Kolka ay kebedda samaynayaanna
waxay yidhaahdaan:
Koronkor cunimaynoo
Kariba maynnee
Karuur geel ma lahayaa?
Naagta Kebeda leheey
Kaalin daraneey
Adaan Kayd Hore u dhigan
Cawska kolkay samaynayaanna waxay yidhaahdaan ayaka oo isku maawee-linaya:
Cawskanow sabool diidow
Waqaan suuqa lagu dhiginoon
Soddon lagugu baayicinoon
Yaa sameeyey lagu odhan!
Xilliga roobabbowga kolka adhigu garagaroodo hablaha adhijirta ah ayaa iyana ku
heesa:
Deylo deyloow hobihoo
Deylo wacaneey hobihoo
Xasan waa kane hobihoo
Yuu xanaaqine hobihoo
Yuu ku xawdine hobihoo
Xasil oo daaq!!
Caanaha kolka ay lulayaanna waxaay yidhaahdaan:
Caanow Hiyow Heedhe
Haanteeydu waa ceeb1a’
Waa ceebla’ caga toosan
Waa naag cas oo gaaban.
Juguc..juguc..juguc..
Haanteeydu waa gaari
Waa gorof aan xooleeyey
Oon geed ka soo qaaday
Gacalkayna ima siinin
Juguc..juguc..juguc..
Hadhuudhka markay tumayaan ayaka oo ragga xifaalaynaya, gaar ahaan
qorqodayaasha, waxay yidhaahdaan5:
Qamreey, Qorqode waa qayliyaa
Naa muxuu yidhaa?
Wuu qayliyaa oo qalax tamaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa ri'da qal oo qari buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa qiiqu yuu bixin buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Qoolaabka dheeree buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa kubadu waa kurus buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa malawad waa miid buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa xiidan waa xubin buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa qoran qoryo u diro buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa dhiigga dhagax saar buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Naa kabahayga kaadka dhig buu yidhaa
Naa muxuu yidhaa?
Qoladiinna tuurtuur buu yidhaa!
Heesaha dhallaanka lagu maaweeliyo dumarka uun baa tiriya. Waana qaybaha ay
ragga dheer yihiin. Hooyo dhallaankeed u heeseysa la arag. Aabbo u heesayase
lama hayo. Heesaha ay wiilasha ugu heesaan waxa ka mid ah6:
Hobeeya hobeey hobeeya
Hobaaladu dhawrtayoowa
Waar ma geelii baa arooray?
Arooroo oon ku raagay?
Waar ma aabbahaa baa socdaalay?
socdaaloo socod ku raagay?
Waar ma naasii baa gabnoobey?
Gabnoobood godol ka weydey?
Waar ma reerkiinnaa sabool ah?
Sabooloon subag ku siinnin?
Maxaad la sammaamuraysaa?
Hablahana waxay ugu heesaan:
Hobeeya hobeey hobeeya
Hobeeyadu dhawrtayeeya
Sidii bilaneey bil dhalatay
Bil dhalatoo beeli aragtay
ama sidii biladayaha adari
laguu soo wada baxaanbax!
Kolka ay xaajo murugto, ama talo faraha ka baxdo sida hadda taagan, waxbay ku
tilmaamaan. Maansadan hoos ku qoran oo laanta Af-soomaaliga ee idaacadda BBCda
laga siidaayey aadna loo xiiseeyey waxay ifisay dareen loo baahnaa in haweenka
Soomaaliyeed laga helo. In badan bay haweenku ka aammusnaayeen falaaddada
gurracan ee ay ragga Soomaaliyeed ku kacaan. Hayeeshee kolkii ay u adkaysan
kariwaayeen, wixii hoos iyo saraba loogu sheegayna dheg u jalaqsiin waayeen,
Nimco Aadan Hurre ayaa galkii seefta ka saartay. Iyada oon waxna dhimin waxna
dhaafin, ragna ka xarrago qaa-datay, waxay tidhi7:
Abwaannada xilligiyo
Xifaaleeyey waayaha
Mid waliba xiskiisiyo
Xusbadee garaadkii
Maansadana la xiisee
Xaq hadday ka hadashee
Aniguna xogtaydii
Xuubka aan ka qaadoo
Xuso garashadaydoo
Xaqiiqadana taabtee
Xarakada adduunkiyo
Xalka nolosha aadmigu
Waxa ay ku xidhanyiin
Xikmad Eebbe weeyoo
Xukunkiisa weeyaan!
Xadhigiyo hoggaankiyo
Sida loo xallilayana
Raggaa loo xilsaaruu
Ku xawiley Ilaahay!
Bal haddaba xadgudubkiyo
Xumaantiyo dulmigan jira
Inta aan Xakiimkeen
Idinkala xisaabtamin
Aan idin xasuus-shee
Xillimaad raggaygow
Xaqu siduu ahaa iyo
Xeerkii Islaamkiyo
Xadiiskiyo Quraankiyo
Diinta nagu xukumaysaan?
Xaqiiq dawladdeenuna
Weli waa xalkiiyoo
Xigto iyo qabiilbey
Kuraasidu ku xidhantee
Dawladdii xulka ahayd
Xillimaad dhisaysaan ?
Xillimaad raggaygow
Xeer lagu ciqaabiyo
Xabsi loo taxaabiyo
Sharci xidha la helayaa
Kuwan shicibka xadayee
Xoolihii dadweynaha
Xaabxaabsanaayee
Madaxdana la xulifa ah?
Masuulkii xanaaqee
Markii lala xisaabtamay
Is xaamxaamtayee yidhi
Waar ma Xaramki baan gubay
Inyar baan xantoobtee!!
Xillimaad raggaygow
Xarumaha waxqabadkiyo
Geyneysaan xafiisyada
Mudanayaal xariiroo
Xilkasoo waddaniyoo
Xirfad iyo aqoon loo
Xalaal quutayaaloo
Cadligana ku xeeldheer?
Xillimaad raggaygow
Xaafadaha qabiilkiyo
Dilka iyo xasuuqiyo
Xabbadda iyo aanada
Ka xoroobaysaanoo
Inta aydin xoortaan
Nabad lagu xasiliyoo
Qarannimo la xaalayn?
Xillimaad raggaygow
Dumarkiinnan xayadiyo
Xishoodkii ka tegayee
Kolkay xilo-xumaysteen
Waxba xeerin waayee
Diidey xaawaleynimo
Inta aa xaraysaan
Nimanyahow xaslanaysaan?
Xillimaad raggaygow
Xamasta iyo maatada
Xannaanaynaysaanoo
Xuquuqdoodii helayaan?
Xillimaad raggaygow
Macsidiyo xumaatada
Xaaraanta beenta ah
Ka xishoonaysaanoo
Xasanaadka falaysaan?
Xillimaad raggaygow
Xabaasha iyo iilkiyo
Xisaabtii Qiyaamaha
Naaraha xanuunka leh
Aad xasuusanaysaan
Janno xoogsanaysaan?
Hubaal waxa ah inaan xujadaasi weli laga warcelin, diyaarna loo ahayn in
laga warceliyo. Ha la diido ama yaan la diidine, inta warcelintaasi
laalantahay, wanaagga la doonayaana wuu lunsanyahay!
Sitaadka rag shaqo kuma leh. Suugaanta sitaadka iyo ciyaartiisaba haweenka ayaa
iska leh, kolka ay tumanayaan waxay yidhaahdaan:
Sitaay Faadumo Nebaay
Sawjaddii Calaay
maalinta bacadka kulul
Biyo qabaw na sii
Oo maalinta lays xisaabayo
Adigu noo xil qari!
Ugu dambayntii, qoraalkan waxan si kor¬xaadis ah ugu eegey baaxadda suugaan¬ta
haweenka Soomaaliyeed iyo siyaa¬baha kala duwan ee ay u adeegsa¬daan. Waxan
tilmaamay iney jiraan dhinacyo weli dihin, sida suugaanta Saarka, iyo hees-
ciyaareedda, oo aanan ka hadal. Waana marag ma doon inaan qoraal iyo laba iyo
in u¬dhow toona lagu soo koobi karin baaxadda iyo murtida suugaanta haweenka
Soomaaliyeed, aad baanay uga weyntahay wax la cabbudhiyo oo cagta hoosteeda la
gesho.
Raadraac
1. Burton Richard. First Footsteps in East Africa:or An Exploration of
Harar.Edited by his wife, Isabel Burton,Tylson and Edwards, London, 1894.
2. Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”. Magac Bilaash Uma Baxo:ujeeddooyinka magac-
yada iyo naanaysaha Soomaaliyeed. Ottawa, 1998.
3. Xaawa Cabillaahi Gasle. Cajalad ay ku duubtay Hargeysa, 1993.
4. Andrzejewski, B.W. and Lewis, I.M. Somali Poetry: An Introduction. Clarendon
Press, Oxford, 1964.
5. Maxamed Cabdi Maxamed. Ururin Qoraallo la Xulay. Besançon, 1989
6. Hal-abuur
6. Hal-aqoon: warsidaha Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, tirsiga 3aad,
xidhmada 1aad, Ottawa, 2000.
7. Laanta Af-soomaaliga ee BBCda.
|