Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Beerka ka ogsooni ( Xaaji Gabay-Xaddi )

    
    
    
    
    W/Q : Axmed Iid Aadan
    
    
    Inkasta oo sidii la rabay aan diirka looga qaadin, haddana markaynu eegno inta aynu
    hayno ee suugaan ah , waxaynu garowsanaynaa in ay Soomaalidu leedahay murti badan oo
    meel sare gaadhsiisan; murti bad ah, oo tix iyo tiraabba haddii loo kuurgalo aan
    qaybaheeda si hawl yar looga dhammaan karayn.
    
    Gabayga oo ka mid ah jaadadka maanso ee ay xikmadda, mahadhada iyo waayo'aragnimada
    Soomaaliyeed ku dhan tahay ka ugu miisaanka culus, ayaa waxa uu waayadii hore kaalin
    sare kaga jiray, ilaa imikana door weyn ku leeyahay nolosha bulsho-weynta
    Soomaaliyeed.
    
    Qoraaga sare ee Cabdi Yuusuf Ducaale "Boobe", ayaa waxa uu qoraalladiisa midkood ku
    sheegay in Lewis iyo Andrzejewski oo ah aqoon-baadheyaal ku xeeldheer Taariikhda iyo
    Suugaanta Soomaaliyeed ay 1994kii qoreen: in uu gabaygu kaalin mudan kaga jiro
    dhaqankeenna, lana wada daneeyo; in xirfaddiisu tahay wax la wada jecel yahay,
    isla-markaana aynu karti iyo awoodba u leenahay; iyo in dhaxalka suugaaneed ee
    dadkeennu uu yahay xoog nool, oo ku taxan dhalanrogga joogtada ah , ee ku socda
    nolosha bulshooyinkeenna.
    
    Halkaas waxaynu ka garanaynaa in Soomaalida marka laga tago, ay xataa shisheeyuhu
    qirsan yihiin in ay suugaanteennu tahay xoog muhiim ah, oo xumaan iyo samaanba
    nolosha dadkeenna  raadad waaweyn ku dhiga; raadadkaas oo muuqan kara xilli kasta oo
    la joogo.
    
    Haddaba waxaynu halkan ku soo bandhigaynaa Gabay aad iyo aad u qiime badan, oo aan
    inagu cusbayn, hase ahaatee suugaanta Soomaalida meel sare oo lama-illoowaan ah ka
    galay. Waa gabaygii caanka ahaa , ee uu halkudhiggiisu ahaa "Beerka ka ogsooni",
    uuna tiriyey Eebbe ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Xaaji Gabay-Xaddi , oo
    haddii aanan gefsanayn aan filayo inuu daba-yaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad ama
    horraantii qarnigii tagay degi jiray Hawd ama gobolka maanta loo yaqaan Togdheer.
    
    "Sow godobi surinkaad martoba, sabab qarsoon ma aha
     Sow  nabadi  gogoshaada  ood sida uun ma aha"
    
    Labadaa beyd ee gabayga ah, waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen maansooyinkii
    qiimaha lahaa ee  uu tirin jiray abwaanku, dadkuna aadka u jeclaayeen.
    
    Xaaji Gabay-Xaddi maanta suugaan badan kama hayno, hase ahaatee marka aynu dhuuxno
    tixihiisa inta aynu ka hayno, waxaa malaha qasab inagu noqonaysa in aynu qirno in uu
    Xaajigu ka mid ahaa abwaannadii Soomaaliyeed ee ay suugaantoodu qiimaha sare lahayd,
    loona han-weynaan jiray . Waxa aynaan ka fursanayn in aynu sheegno in maansada
    abwaanku xagga tayada sare iyo laxaadka murtiyeedba ay kala mid tahay maansooyinkii
    Salaan-Carrabey, Cali Jaamac Haabiil, Ina Jadeer, Gammuute, iyo Maxamed Nuur Fadal.
    Raggaas oo ahaa raggii casriyadoodii maansooyinka Soomaalida hoggaanka u hayey,
    dadweynuhuna ay afkooda ka dhawri jireen xikmad aan duugoobayn, ilaa inta ay
    Soomaali nooshahayna aan macaankeeda laga xiisa-dhacayn
    
    
    Buugaagtii suugaanta ee dugsiyadii dalka manhajka u ahaan jiray mid ka mid ah, ayaa
    waxaa lagu qoray in Xaaji Gabay-Xaddi abwaannimada marka laga tago uu ahaa
    Garyaqaan, uuna ka mid ahaa niman guurti ah, oo dadka u garnaqi jiray.
    
    
    Haddaba si ay wax u dhaceenba, waxaa la sheegay in maalin maalmaha ka mid ah, uu
    abwaanka qaddar asiibay, jabniinna uu lug ka gaadhay. Haddaba rag rajo kama
    idlaatee, inkastoo wanaaggii uu abwaanku rajeynayay ee uu mudnaa la mariyey, haddana
    waxaa dhacday in ay dadkii dhawr qaybood u kala baxeen.
    
    Laba bulsho oo uu abwaanku beryahaa ka hor u garnaqay, ayaa qoladii garta laga helay
    sida la sheegay ay ku diirsatay dhibtii abwaanka soo gaadhay, sida gabayga ka
    muuqatana ay "Baga" tiri. Halka qoladii kale  wanaag iyo waxtar intii karoonkooda
    ahayd ay la garab joogsadeen. Dadkii kale ee abwaanka soo booqan jiray muddadii uu
    jiifay qaarbay booqashadoodu daacad ahayd, qaarna waxaa booqashadooda ku hoos
    lammaanaa -  sida ereyga "burunji" ee gabayga ku jira aynu ka dhadhansanayno -
    dano kale. Qaarbaa dhul shisheeye ku maqnaa oo fursaddu u saamixi weyday in ay
    abwaanka guurtida ah soo booqdaan, hase ahaatee halkaa kala jiray, samona la jeclaa.
    
    
    Haddaba tixdan "Beerka ka ogsooni" ee cajiibka ah, ayaa waxa uu abwaanku si
    farshaxannimo, garasho-dheeri, iyo wacyi sare dugsanaysa inoogu sheegayaa qolo kasta
    oo qaybahaa aan soo xusnay ka mid ahi waxa ay mudan tahay, abaalka loo ogyahay inta
    uu le'eg yahay iyo sida maanka  loogu hayo, oofintiisana loogu talo jiro. Waana kan
    gabaygii oo hadda intan hoos ku xusan uun laga hayaa:
    
    
    Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
    Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye
    Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
    
    Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
    Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi,
    beerka ka ogsooni
    
    Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
    Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
    
    Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
    Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
    
    Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
    Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay  beego
    
    Abaal badh ah abaal bur ah  abaal bur iyo dheeraad ah
    Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .
    
    ________________________________
    F.G: Inkasta oo magaca abwaanku sidii uu igu soo gaadhay aan u qoray, haddana waxa
    jira aqoonyahanno sheegay in abwaanka la odhan jiray Xaaji Axmed Gabay-Xaddi.
    Haddaba taariikh-nololeedkii abwaanka iyo murtidiisii inta maqanba waa in la
    raadiyaa. Waa hawl u taalla qof kasta oo suugaanta wax ka qora ama ku lug leh.
    
    
    
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright �2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.