Bahda Farshaxan
EMAIL
..
Hargeysa In La Duqeeyo Way Habboonayd.
Moxamed Cabdullahi Ciise "Sangub" markuu erayada kor ku xusan iyo gefaf
kale ka yidhi kulankii loogu yaboohayey eedaysane Moxamed Cali Samatar lacag lagaga
difaaco dembiyadii cuslaa ee uu ka galay dadka iyo dalka Somaliland xilligii
dagaaladii sokeeye, siiba sannadkii 1988, kaas oo lagu qabtay magaalada Minneapolis
ee dalka Maraykanka 30kii bishii Janauary 2005, waxa uu marka horeba ahaa nin
habowsan oo shirka khalad u tegay soona dhexgalay arrin ka dhaxaysa Somaliland iyo
Somalia isagoo ku abtirsada Gobolka Somali Galbeed ee Itoobiya hoos yimaada kuna soo
kacaamay magaalada Dhagaxbuur. Arrintiisu waxay la mid yahay nin ka tirsan
Saxaaraha Galbeed ee Marooko gumaysato oo soo dhexgalay dhibaato ka dhextaagan
Aljeeriya iyo Leebiya dabadeedna ku aflagaadeeyey ummad dhan, halkaasna waxaa ka cad
inaanu Sangub weli aqoon dalkiisa. Waxa uu ahaa nin isaga oo ka yimid Somali
Galbeed sannadkii 1961 soo galay dalkii lagu magacaabijiray “Jamhuuriyadda
Somalia” isagoo huwan magaca Somaliweyn dabadeedna Suugaanta Somalida aad ugu
soo caan baxay. Sangub waxaa shirka keentay caadifad qabiil isagoo u arkayey in
Moxamed Cali Saamatar difaacayey Talis Daarood.
Sida saxaafadda Somaliland soo werisay, Sangub waxa uu kulankaas dadweyne ka yidhi
dhawr hadal oo si weyn ugu gefaya dadka Isaaqa si cadna u taageeraya xadhigii,
dilkii, xasuuqii iyo burburintii uu Taliskii dhiig-yacabka ahaa ee Siyaad Barre kula
kacay maatada, rayidka, magaalooyinka iyo tuulooyinka sannadihii u dhaxeeyey
1982-1990, arrintaasuna waxay dhaawac weyn u geysatay sharafta abwaanimadiisa iyo
dadnimadiisaba. Bal aan halkan kaga jawaabo gefafka culus ee laga soo weriyay
Moxamed Cabdullahi "Sangub."
SANGUB: DACWADA MOXAMED CALI SAMATAR WAXAA WATA KOOX YAR OO HORENA
SOMALINIMADII U DIIDAY ISLA MARKAANA AAN TEGIN SHIRARKA DADKA LAGU
HESHIISIIYO.
JAWAAB: Sangubow arrinta shirarka iyo waxa lagu magacaabo midnimada waa dagaal
siyaasadeed oo ka dhex oogan Somaliland iyo Somalia mana kusayso dadyowga Jabuuti,
N.F.D, iyo Somali Galbeed oo aad adigu ka soo jeeddo, wax door ahna kuma lihid
kamana hadlikartid waayo waxaad weli ku hoos nooshahay gumeysi, nin la gumaystana
wax kama sheegikaro dad iyo dal xor ah. waxa kaliya ee kula gudboon waa wax ka
xoraynta dalka aad wax ka degtid si aad u geydo ka qaybgalka iyo ka hadalka shirarka
aad sheegtay. Waxaad la caqli tahay kuwa ka yimid Qabridaharre iyo Dhagaxbuur ee
xubnaha ka ah maanta waxa lagu magacaabo “Baarlamaanka Federaalka
Somalia” oo aan Somalia ku lahayn degaan laga soo doorto mustaqbalka waqtiguna
ku celindoono Somali Galbeed. Ogaadeenka dega Afmadow iyo Badhaadhe ayuunbaa xaq u
leh inay ka qaybgalaan Baarlamaanka Somalia maadaama ay wax ka degaan Somalia kuna
leeyihiin degaan laga soo doorto.
Somalinimada ama Somaliweynta aad tidhi Isaaq ayaa halisgeliyey maaha mid beeshaada
wax ka degta Somali Galbeed keentay ama u soo halgantay, adigoo weli gumeysi ku
hoos-noolna la garanmaayo waxaad ku soo biirinlahayd Somalinimada iyo midnimada ay
isku hayaan dadka xorta ah. Dadkii u soo halgamay isla markaana hirgashay dhalinta
Somaliweynta iyo midnimada, beeshaadu qaybta weyn ka qaadatay burburintooda iyadoo
qaxooti ah markii ay la safatay Taliskii Siyaad Barre iyo Somalia, waa dadka aad
kulankaas ka dhex tidhi waxay istaahileen in la xasuuqo, magaalooyinkoodana la
burburiyo. Sidaas darteed, Somalinimadu ama Somaliweynimadu dhab kaama aha ee
waxaad weli raadinaysaa xukunkii iyo hanti-boobkii Somaliland iyo Somalia ee
Absamaha Somali Galbeed, siiba beeshaada Ogaadeenku ku waaliftay xilligii Taliskii
Siyaad Barre oo qabiil ahaan loo majarahabaabiyey dawladnimadii Jamhuuriyaddii la
odhan jiray Somalia ee ka dhaxaysay dadka Somaliland iyo Somalia oo qudha. Waxaad
ka mid tahay dadka aaminsan figradda ah in haddii qofku Somali yahay aan laga xigin
5ta Somaliyeed (Somaliland, Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, iyo Gobolka Somaliyeed
ee Waqooyi Bari Kenya) iyada oo cudurdaar laga dhiganayo in Somalidu wadaagto
dhaqan, diin, iyo af sidaas awgeedna qofka “Somaliga” ah marba midka uu
rabo degikaro, ka shaqaysankaro, wax ka xukumikaro, barwaaqadiisana ka qaybgelikaro.
Figraddaasu waa halis waayo waxay horseedaysaa fawdo muujinaysa dal iyo dawladnimo
aan la kala lahayn iyo qaran aan summad lahayn. Arrintan oo jirijirtay xilligii
Taliskii Siyaad Barre waa tii u suurtogelisay in qaxootigii Absamaha, siiba
Ogaadeenka Somali Galbeed, laga dhigo wadani, wadanigiina laga dhigo qaxooti, waa
siyaasaddii Daaroodiisamka ku dhisnayd ee suurtogelisay in qaxootigaas loo oggolaado
inay si sharcidarro ah ku soo galaan, degaan, shaqaystaan, waxna ka xukumaan dalkii
la odhanjiray “Jamhuuriyadda Somalia” lagana fadilo dadkii dalka lahaa
ee xoraystay lagana dhigo xubno gole sare, baarlamaan, wasiirro, janano, taliyayaal,
iyo guddoomiyaal gobollo iyo degmooyin halka wadannigiina laga dhigay qaxooti aan
xuquuq lahayn. Tusaale haddaan u soo qaato dhawr, waxaa la yaab lahaa in Moxamed
Cumar Cosman (Taliyihii Ciidanka Badda Somaliyeed), Bile Rafle Guuleed
(Guddoomiyihii Togdheer iyo W/Galbeed), Cabdiwahaab Moxamed Xuseen (Taliyihii
Ciidanka Guulwadayaasha Ummadda), iyo Siyaad Daa`uud (Taliyihii Qaybta 26 aad) oo
afartuba ahaa qaxootigii ka yimid Somali Galbeed, iyo Aden Gabyow (Wasiirkii
Gashaandhigga Somalia) oo isna ahaa qaxooti ka yimnid Gobolka Waqooyi Bari Kenya) oo
inta darajo weyn iyo jagooyin sare oo aanay xaq u lahayn lagana boobay dadkii dalka
lahaa lagu taxay dabadeedna dhibaatooyin laxaad leh u geystay ummaddii dalka lahayd.
Sangubow waa taas waxa aad weyday ee ku gubaya, Somaliweynimada aad ku soo
gabbatidna waxaad ku raadinayaa in beeshaada Somali Galbeed ku degto, xukunto, kuna
boobto hantida dal iyo dad aanay u dhalan. Somalidu waxay ku maahmaahdaa,
“Ninka aan quus aqoon, naftiisa quus ah.” Dadyowga Somaliland iyo
Somalia waa ka tashadeen inaan qaxooti dambe u xukumin dhulkooda kuna tagrifalin ee
Sangubow iimaanso Qabridaharre iyo Dhagaxbuur. Wax la aqbalikaro maaha inaad
dalkiinna ka soo yaacdaan si aad u xukuntaan dalal iyo dadyow aydaan u dhalan
(Somaliland iyo Somalia). Iyaduna macquul maaha in qaybta qabiil ka degta dal ay ku
soo gabbadaan qaybaha kale ee isla qabiilkaas ka deggan dalalka ku hareeraysan.
Afrika ama dunidaba qabiil kasta waxa uu kala degganyahay dhawr dal, qaybkastana
waxay dhulka, dawladnimada, waajibaadka, iyo xuquuqda la wadaagtaa dalka ay
deggantahay, xuduudiisa qaranimana ku jirto.
Somalidu haddii ay ku fashilantay inay 5ta Somaliyeed isu keento ama dawladnimo si
caadil ah u wadaagto waa inay kala madaxbanaanaato si ay u kala badbaado. Somalidu
kama duwana 18ka dal ee Carbeed oo isku diin, dhaqan, iyo af ah, laakiin ku
heshiinwaayey inay midoobaan, midkastana gaar u leeyahay qaranimadiisa iyo
dawladnimadiisa, inta kalena ku soo galaan kuna joogaan si sharci ah iyaga oo aan
faragelin siyaasaddda iyo xukunka dalka ay joogaan. Sidaas oo kale ayaa 5ta
Somaliyeed loo kala leeyahay mid kastana sharci kuwa kale ku soo gelikaraan.
SANGUB: KUWA WAX DACWEYNAYAA WAA YACDII.
JAWAAB: Gefkaa foosha xun macnihiisu waxa weeye Cali Samatar waxa dacweynaya waa
Isaaq, Isaaqna waa yac. Waa nasiibdarro weyn in nin isku sheegaya abwaan uu si
foolxun ugu gefo ummadd dhan oo ka duwan laba qof oo inta wax dhexmaraan waxay
rabaan ku wada hadla. Aqoontu waa shay qiimo leh waayo qofka waxay ka ilaalisaa
xad-gudubka intaas le`eg waxayna bartaa xushmaynta, adaabta, iyo qiimaynta. Waxaa
halkaas ka cad in Sangub yahay geeljire abwaan ah oo aan garanayn miisaanka qadafka
ama gefka uu samaynayo.
SANGUB: WAY HABBOONAYD IN HARGEYSA LA DUQEEYO OO LAGA SAARO KUWA
QARANKA DUMINAYA.
JAWAAB: erayadan waxa loo fasirikaraa way habboonayd in la xasuuqo maatada iyo
rayidka Isaaq,
magaalooyinkooda iyo tuulooyinkoodana la burburiyo si dhulkooda loo dejiyo
Ogaadeenka waayo waxay ka horyimaadeen oo ridayeen xukun Daarood. Sangub waxa uu u
dhashay Beesha Ogaadeenka taas oo 30kii sano ee Israac-ku -sheegga (1960-1990)
iyadoo habaqle ah, ilmaha iyo calalka dusha ku sidatana ku soo qulqulaysay dhulka
Isaaqu dego ee Somaliland iyaga oo sheeganaya in gumeysi dabada ka wado, soo
barakicii ugu weynaana socday intii u dhaxaysay 1978-1988. Mudadaas dheer dadka
Isaaqu waxay soo dhaweeyeen qaxootigii Ogaadeenka waxayna u oggolaadeen inay
dhulkooda ku nabadgalaan, waxaana loogu deeqijiray degaan, cunto, weel, caano, dhar,
xaabo iwm. Markii SNM dagaalka ku qaadday dulmigii, tacadii, iyo
dawladnimo-duudsigii uu Taliskii Siyaad Barre ku hayey dadka Somaliland, siiba
Isaaqa, madaxdii iyo odayadii qaxootiga Absamaha ee Somali Galbeed, siiba
Ogaadeenka, oo xoogooda la dejiyay duleedka Hargeysa iyo Berbera way illaaween
abaalkii loo galay 30kii sano waxayna ku fashilmeen inay fahmaan dhibaatooyinkii
cuslaa ee Isaaqu ka dagaalamayey, oo haddii aanay la safanayn ay arrinta ka ahaadaan
dhexdhexaad maadaama mustaqbalkana laysu baahankaro. Inta caadifad Daaroodiisam
madaxmartay ayay madaxdoodii iyo odayadoodiiba hubeeyeen jabhadoodii iyo
qaxootigoodii kuna jeediyeen maatadii iyo rayidkii Isaaqa qaybweyna ka qaateen
xasuuqii iyo qaxintii dadka iyo burburintii magaalooyinka iyaga oo lagu
dagaalgeliyey in Isaaqa laga dhigayo wax la qaxiyo iyo wax la tirtiro dabadeedna
iyaga la dejinayo dhulkooda. Markaas Sangubow waa nasiibdarro in Isaaqa oo weligood
soo dhaweynjiray qaxootiga Ogaadeenka abaal weyna u galay taariikhda aad maanta
taageerto xasuuqii iyo burburkii loo geystay, kulase yaabi maayo waayo tolkaa ayaa
abaalkaas dheer ku wacadfuray, waase arrin la ogaaday oo aydaan mar dambe ugu soo
gabbandoonin Somaliland magac Somaliweyn mustaqbalka, dib-dambana la idiinku
martigelindoonin. Sangubow Taliskii Siyaad Barre ee dhiig-yacabka ahaa iyo kuwii u
adeegayey ayaa ahaa qaran-dumis, SNM iyo shacabkii taageersanaa waxay dalka iyo
dadka ka badbaadinayeen qaran-dumisnimadaas,
Eebbana waa ku guulleysiiyay xaqii ay ku dirirayeen.
SANGUB: WAXBA LA IGAMA QAADIKARO OO TOL XOOGAN AYAAN KA DHASHAY.
JAWAAB: Waxaa lagu maahmaahaa,"Nin is faanshay waa ri` is-nuugtay"
Sangubow Ogaadeenka aad ku faanayso farihiisa ma dego Somaliland iyo Jabuuti midna,
Somalia waxaad ka degtaan tuulooyinka Afmadow iyo Badhaadhe, Somali Galbeed waxaad
ka degtaan tuuloweynta Qabridaharre, Dhagaxbuur iyo Godey oo la idinla wadaago,
N.F.D waxaad ka degtaan tuuloweynta Gaarisa ee sidaas ula soco haddii aadan aqoon
degaankaaga. Faankaagu waxa uu la mid yahay faankii Majeerteenka ee 80ka sano ku
xukumayey Hawiye weedha beenta ah ee ahayd, “Majeerteen iyo Madax-madow ayaa
is le`eg.; Dabadeedna inta Majeerteen aasaasay jabhad lagu magacaabo SSDF
sannadkii 1979, oo ka soo horjeeday Taliskii Siyaad Barre, aakhirataankii isu
dhiibtay Taliskaas markii ay tuulo qabsankariweyday, beeshoodii la baaba`shayna ku
hungowday.
Dagaaladii Sokeeye ee Somalida ka dhexdhacay waxay kashifeen tirada faanka ku dhisan
ee Ogaadeen iyo Majeerteen waxayna muujiyeen inay yihiin laba qabiil oo caadi ah
lana mid ah beelaha kale. Sannadkii 1988 oo SNM duulaanka ku qaadday dulmigii ku
jiray daaraha Hargeysa iyo Burco ayaa waxaan maqlijiray Ogaadeenka Mogadishu joogay
oo yidhaahda, "Iidoor! awowgiin la gub!, caqlixumaa! waxay la tahay inay
ridikarayaan Kacaanka ee 10ka milyan ee Ogaadeen difaacayso". Dadka ku hadla
Af Somaliga ee degan Geeska Afrika waxaa tiradooda lagu tilmaamaa 9-10 milyan
markaas 5ta Somaliyeed oo dhami ma Ogaadeenbaa? Sangubow waxaad kulankaas ka
caddaysay inaad adiga iyo kuwa waxaas ku hadaaqijiray isku caqli tihiin markii aad
qabiil-ku-faan maciin mooday adiga oo isku sheegaya abwaan Somaliyeed.
Kacaan-ku-sheeggii aad difaacaysay waadigii intaad tidhi "Ibixiyow ibixi" kaga
cararay Xamar iyo Hargeysa, neef-kudisna ku galay Qabridaharre, Dhagaxbuur, iyo
Gaarisa, xageebuu jiray tolkaaga xooggan ee aad Isaaq ugu faanaysid maanta? Miyaad
illowday markii shalay Cali Dhuux tolkaa ku lahaa:
Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
Loo diid Dannoodiyo hadduu, degi lahaa Ciide
Niman baa dalkoodi xukuma, labada daaroode
Ogaadeenka maanta joogaa kama duwana ka maalintaas joogay oo lama oga meel intaad ku
xorrowdeen aad ku samaysateen gantaallo ku jeeda Isaaq. Ogaadeen iyo Majeerteen oo
si gaar ah dembiyo culus uga galay dadka Isaaqa xilligii dagaaladii sokeeye ayaa
maantana ugu af xun, waxaase lagu maahmaahaa, "Af xumo nabadna waa kaa geysaa
colaadna wax kaagama tarto."
Midna waxaan leeyahay Cali Khaliif Gallaydh. Caliyow markaad tusaale u soo qaadatay
colaadii koobnayd ee dhexmartay qaar ka mid ah beelaha Isaaqa sannadkii 1992,
beelo weligoodba waa is-dilijireen waxaana lagu dhammaynjiray xeer iyo dhaqan kamana
duwana beelaha Daaroodka ee maalin kasta isku laaya Somaalia siiba Kismaayo. Arrinta
Cali Samatar loo haystaa waa dawlad dadkii ay ka mas`uulka ahayd ee rayidka ahaa
xasuuqday, barakicisay islmarkaana magaalooyinkoodii burburisay iyada oo
adeegsanaysa qabiil. Arrintu waa dembiyo culus oo aadanaha laga galay oo leh
markhaatiyo iyo caddaymo aan la dafirikarin sida: dad, Filimo, qoraallo, sawirro,
buugag iwm, waana waajib in ciddii geysatay dembiyada noocaas ah, cid kastaba ha
noqdeenee, cadaaladda la horkeeno.
Sangubow waxaan kugula talinlahaa inaad si deg deg ah meel fagaaro ah kaga noqdo
hadalladii gefka culus ahaa ee aad kulankaas ugu geystay dadweynaha Isaaqa, kana
raalligeliso, cafisna weydiisato si aad u badbaadisid sharaftaada abwaanimo iyo
dadnimo.
Haddii Sangub taladan diido kuna adkaysto cadaawadaas foosha-xun ee uu u hayo dadka
Isaaqa, waxaan markaas u soo jeedinayaa dadka Isaaqa:
1- In Sangub laga xayuubiyo sharafta abwaanimo.
2- In dadka Isaaqa ee ku nool dalka Somaliland
gudihiisa iyo dibediisaba ay gubaan dhammaan
cajaladaha ay haystaan ee ay ku duubanyihiin
heesaha, gabayada, riwaayadaha, majaajilooyinka
iwm ee Sangub maadaama uu taageeray siyaasaddii
la rabay in lagu dabargooyo.
3- In Dalka Somaliland laga mamnuuco Sangub iyo
suugaantiisaba mustaqbalka.
Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
February 5, 2005.
Soo bandhige: Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
|
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |