Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

MA DHABBAA QABIIL WAA QAB IYO IIL?

     Hees, Qabiil.
     C/qaadir Xirsi Yamyam
    
     QABIIL WAA QAB IYO ilL
    
     Dhibaatada maanta Soomaalida heysata asalkeedu waxaa uu ka soo jeedaa
     Qabiil .Qabiilka markaan micnihiisa furfurno waxaan u kala qaadaynaa
     labada erey ee kala ah QAB iyo ilL.. Qabku waa (kibir) iilkuna waa
     (Qabri). Soomaaliduna waxay ku  maahmaahdaa: "nimaan kibir jabin maroodi
     ma jabiyo". Waa run kibirkii baan ku jabney kuna burburney. Mar kale,
     Qabiilka haddaan micneyno waxaa uu noqonayaa, mishin xiran, furihiisuna
     waxaa weeye "Jabhad". Jabhadey maxaad tahay ? waa "jab iyo had". Jab waa
     qof jabey hadna waa dhimasho. Qabiilka iyo furihiisu waxay ka koobmaan,
     12kaa xaraf oo marka la isku hoos qoro u qormaya sidatan:
    
     "QAB" "HED"
     	"JAB" "ilL"
    
     kalkaa waxaa ka soo baxaya micne aan garan karnno 00 ah (kibir baa jabiyey,
     heddiisii baa gashay wuuna dhintay). Micne kale 00 ay heesta hoos ku qorani
     inoo sheegayso ayaa ah, in qabiilku magaciisu asal ahaan ka soo jeedo,
     magacii "Qaabiil" taasna waxaan kaga bogan doonaa heestan aan halka bayd ka
     soo qaadaney. Qabiilka waxaan uga bixi karnaa inaan dareenkeena ku Wacyi
     galin doonaa dhibaatada uu dalkeennii iyo dadkeenniiba u geystey iyo sida
     aan maanta xaalufka uga nahay qarannimadeennii hodanka ahayd. Intaa markaan
     garanno, iskuna war galinno, waxaa laga yaabaa inaan dad noqonno oon ka
     biskoonno cudurada inkaarta qaba ee na diloodey. Si kastaba ha ahaatee bal
     aan wada akhrisanno maansadan baraarujinta iyo wacyi galinta isugu jirta ee
     aan u door biday, in ay qoraallada "WACYI" turitaan u noqoto.
    
     Qabiil waa "QAB" iyo "ilL"
     Waana magicii Qaabiil
     Qof qof dila aduunyada
     Kow weeye Qabiil
     Qabrigiyo xabaashiyo
     sida iilka loo qodo
     "Quraab" iyo tukaa baray
     Qabiil markuu baxay
     Kama tagin wax qaali ah
     Danbi iyo qurgooyiyo
     Dhiig iyo qab mooyee !
     Qaladkii uu galey iyo
     Danbigiisa oo qura
     Dhulkoo qaadi waayaa
     Naadshay dhaxalkii qabiil
     Qori tuurad baa dhacay
     Tartankii qaraaraa :
     QAB" "ilL "baa ku soo baxay
     Qolo waliba qaybtay
     Heshay farax bay ku qaateen
     Dhiillada qaraar iyo
     Qurunkey wadaageen
     Falkii ay qabteen baa
     Qori iyo rasaas dhalay
     Geedkii aadan qoonsaday
     Mid ka sii qaraar iyo
     Qaad baa haddana baxay
     "QAB" iyo "ilL" qori sitaa cunay
     Dareenkaa qabsaday meel
     Maskaxdaa ka "qabo" tiri
     Iyana qalabkii kaydkaa
     Dab intuu qabsaday gubey
     Waxaa xigey qabruu galay
     Ama dhawr qot buu dilay
     Maantoo khamiisana
     Toogashuu ku qoran yahay
     Haanyahay qaboy qoor yar
     Adoo qaran laguu dhaansho
     Haddii aad qabiil mudatay
     Geel jire ku qooraansay
     Qooraha ku saarsaaryey
     Labo qaalin kula buubtay
     Labo qaar u kal go'
    
     (intaan war la qabin wax baa maqan) waa inoo ballan iyo"wacyi iyo war
     galin"
    
    
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.