Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Dixdhagaxeed

    
         Ilaa iyo inta aynu taariikhda ku hayno, tolalka Soomaaliyeed waxaa ka dhex
    aloosnaan jiray loollan iyo colaado aan macne iyo dhamaad midna lahayn,
    kuwaas oo ay qabyaaladda, damaca , dhaca iyo wixii la mid ahi  sabab u ahaan
    jireen, soona noqnoqon jiray. Loollankaas iyo colaadahaasi waxay ahaayeen
    qaar xattaa dawladihii xilligii xornimada ka dambeeyay la dhisay ay si rasmi
    ah u afjari waayeen; in kastoo ay tii u dambaysay sii hurisayba, tolalkii
    Soomaaliyeed ee ay ahayd inay giddigood wada ilaalisona ay qaarna garab iyo
    gaashaan u noqotay, qaarna fogeysey.
    
    Colaadaha iyo legdenka ka dhasha loollanka ka dhexayn jiray tolalku waxay
    ahaayeen qaar kol-kol halkooda lagu xalliyo lana joojiyo iyagoon khasaare
    iyo dhib la sheegi karo midna keenin. Mararka qaarkoodna waxay sababi jireen
    in ay tolalka qaarkood si aan qiyaas lahayn oo laga xumaado isugu rogmadaan,
    dhaca iyo dooxatada oo badata iyo nabadgelyada oo dhexdooda ku yaraata;
    taasoo keenta in ninba ninka uu arko uu bixin waayo.
    
    Falalkaas murugada leh ee Soomaalida ka dhex dhici jiray, walina ardigeeda
    meelo ka mid ah ka sii jira ayuu Alle ha u naxariistee abwaankii caanka ahaa
    ee curinta murtida hibada dhabta ah u lahaa ee Cabdillaahi Suldaan
    "Timacadde" in badan joojintooda bulsho-weynta Soomaaliyeed ka waanshey,
    hase ahaatee dheg loo dhigi waayey. Cabdilaahi waxa uu ka mid yahay
    abwaannada Soomaaliyeed ee suugaantooda heerka sare ah aadka loo jecel yahay
    kuwa ugu horreeya, haddii aanu ahaynba ka koowaad. Gabayadii iyo
    geeraarradii faraha badnaa ee uu abwaanku danta ummadda kaga hadlay waxaa ka
    mid ah tixda caanka ah ee aynu "Dixdhagaxeed" ama " Dugsi ma leh
    Qabyaaladi..." u naqaanno.
    
    "Dixdhagaxeed" waxay ka hadlaysaa isla mawduuca ay tixo badan oo uu abwaanku
    tirshey ka hadlaan, sida faa'iidooyinka ay leeyihiin "wadajirka iyo wax wada
    qabsiga" iyo ka hadhitaanka falalka maroora ee ay qabyaaladdoo lagu dhaqmaa
    ka mid tahay, dulmigu ka mid yahay, dhacu ka mid yahay; kuwaas oo ah
    waxyaalaha dadkeena dib u dhigay. Bal eeg beydadkan :
    
    " Dadka waxaan ogeysiinayaa dawgu suu yahaye.
    Dulmi iyo dhac waa waxa kharribey degelladeeniiye.
    Soomaalidaay daya wanaag idinka doorsoonye."
    
    Colaadaha iyo dulmiga waagii beryaba la soo sheegaa waxay sababeen in ay dad
    badani "halkii loo badnaa" iyo "aakhiro" u guuraan , sidaasna ay Soomaalidu
    qowmiyadaha kale kaga tiro yaraato. Bal mar kale akhri beydadkan:
    
    "Dab markuu bakhtiyoba meel kalaa dogob ka qiiqaaye.
    Dubbe madaxa way iskala dhacdaa daa'in abidkeede.
    ' Waagii dillaacaba naxdin dihinbaa la sheegaaye. [1]' "
                         &
    "Dadka kama ay yaraateenee way is dabar-jaraysaaye."
    
    Meel kale "Dixdhagaxeed" waxay inoogu sheegaysaa in inta tol-tol loo
    dirirayo,ama duullaamo aan macne lahayn la humayo amaba dulmigu si kale u
    socdo in aanay Soomaalidu waligeed dhogor-goynayn ama doogsanayn oo xattaa
    inta yar ee aafada dirirtu leedahay ka bedbaaddaa ay halis u tahay inuu
    cadawga dibadda oo malaha daadka la sheegayo ahi uu si fudud mareegaha ugu
    furo mar haddii ay iyadu cid walba isu wiiqday. Bal haddana midhadhkan kale
    ee aynu isla tixda ka soo qaadannay eeg:
    
    " Dirdir laysu laayiyo intaan weerar daba joogno.
    'Debec yaa lahaayeey intaynu isugu duulayno [2]'
    Oo ay dumarku weerkii sitaan danabbadii waayey.
    Uu sida dareemada u yaal meydku dibaddiina.
    Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane."
                       &
    " Goortay iswada dooxataybaa daad u soo geliye."
    
    Tixda "Dixdhagaxeed" waxaan filayaa inay tahay tixda ugu caansan ee
    qabyaaladdu waxa ay tahay si weyn loogu sheegay ee ilaa maanta aynu
    xusuusannahay, waligeedna la xasuusnaan doono. Waxaa ku jira halqabsigii
    caanka ahaa ee macnaha weyn xambaarsanaa kaas oo aynu wada naqaanno, hase
    ahaatee aan maskaxda dad badan u dhaadhicin. Halqabsigaas oo keligii
    wacyi-gelin ugu filan cid kasta oo rabta inay iyadoon meerisyo badan
    maskaxda gelin ogaato xaqiiqada dhabta ah ee qabyaaladda ayaa ah kan: "
    Dugsi ma leh qabyaaladi,waxay dumiso mooyaane"
    
    Waxaa fiican isku soo dhowaansho bulshada dhexdeeda ah in la helo; jidka
    fiican oo aan la moogaan; in guud ahaan waxii ummadda nacfi u leh si laysla
    oggol yahay loogu guntado iyo in waxyaalahii bulshada horey u soo wareemay
    ka feejignaantooda hiyiga lagu hayo, si aan dib dambe loogu qatalmin.
    
    Waxaynu maqaalkan kooban ee bulshada lagu wacyi-gelinayo ku soo oodeynaa
    beydadkan :
    
    " Waxii horey usoo daashaday bay degeshaneysaaye.
    Doc hadday u wada jeedsatoo ay duunka ka heshiiso.
    Dadka kama ay yaraateenee ways dabar-jaraysaaye.
    Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela'e.
    Nin ka duday distoorkiyo waxyigu diintii ka carrowye.
    Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane."
    ___________________
    Xusuus :
    
    A)  Akhristuhu waa inuu aad ula socdaa in aanay tuducyada kor ku qorani
    isugu xigin sidii caadiga ahayd ee ay tixda ugu jireen.
    B)   1 & 2 , Samo-ka-talis, India, 1997.
    
    Axmed Iid Aadan
    
    
    
    
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.