Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Madhxinta Af Soomaliga



Maxamed Baashe Xasan

Waxa la tilmaamaa in afafka ama luqaduhu aanay waxba ka duwanayn ilmo yar oo la gardaadinayo, loona korinayo si uu u hanaqaado. Tisqaadka afku haddaba waa arrin si adag ugu xidhnaan karta hadba sida afkaas loo daryeelo ee loo ilaaliyo. Soomaalidii hore afka oo aan weli qoraal gelin ayay haddana dhaqaalayn jirtey oo aanay waxba ka tasoobi jirin, kana lumi jirin.

Gabayga, geeraarka, guuxa, saarka, guurowga, buraanburka, maahmaahda, ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka iyo hiddaha, hal-ku-dhigyada ama halhaysyada murtiyeed iwm, ayaa ahaa kayd hodan ah oo ka qayb-qaata ilaalinta iyo madhxinta Afsoomaaliga, waxana kaydkaasi suugaantu uu Soomaalida uga dhignaa oo ugu jirey halka ay dadyowga kale ee dunida ay ugu jiraan Rugaha Kaydka Kutubka iyo Taariikhda ee loo yaqaano Library-yada iyo Museum-ka.

Kaydkaas suugaanta ayaa haddaba waxa lagu tilmaami karaa hantida keliya ee Soomaalida ay wax uga baxsadeen, ugana soo hadheen dagaaladdii iyo burburkii ka dhacay waddanka soomaaliya ee ilaa haatanna weli meelaha qaar ka sii dhisaalan. Suugaanta waxa kale oo lagu tilmaamaa in ay tahay il kale oo lagala soo bixi karo, lagana soo dheegan karo taariikhda iyo waayihii ummadda ee sooyaalka ahaa, sidii loo noolaa, wixii dhibaatooyin soo jiitamayey iyo sidii xalka loo raad-goobi jirey ee wax loo furdaamin jirey iyo xitaa qalabyadii la adeegsan jireyba.

Soomaalida waxa lagu tilmaamaa ummaddii maansada ama gabayga, Waxana dhici jirtey in lagu wada xidhiidhi jirey mararka qaar marka geedka iyo tala-goynta la isugu yimaaddo, in kulanka oo dhan inta uu dhammaanayo lagu adeegsado oo lagu wada xidhiidho hadal tixaysan oo sidii maansada qaafiyad ku socda. Waxa la yidhaahdaa Af-soomaaligu waa Tix iyo Tiraab.

Tixdu haddaba waa hadalka intiisa geedaysan ama maansaysan. Tiraabtuna waa intiisa caadiga ah ee maalin walba loo adeegsado wada xidhiidhka.

Haddaba waxa ay tixdu kaga duwan tahay tiraabta, tixdu waa hadal kasta oo leh dhacdo iyo higgaad ama qaafiyad. Dhacdadu waa miisaanka ereyga oo la raacinayo khad jeexan oo aan laga duwi karin; haddii jidkaasi laga baxana waxa la yidhaahdaa waxa yimaadda Deelqaaf. Higgaadda ama qaafiyadduna waa adeegsiga xaraf isku mid ah, iyada oo aan laga leexan fikraddii loo dan lahaa in la soo gudbiyo. Haddii higgaaddaasi laga baxana waxa yimaadda baa la yidhaahdaa Laaxin. Miisaanka maansada Soomaalida waxa aabbe u ah oo asteeyey abwaanka weyn ee aqoonyahanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye. Isaga oo Gaarriye haddaba ka hadlaya miisaankaas maansada Soomaalida waa kii lahaa; Dhegtaa diidda; meeshay xarfuhu dalab ku yeeshaane. Dhacdada uu miisaankeedu jaban yahay, waxa ka soo boodda dhegta oo dhegaysigeedu ma dhadhan samaado, si fudud ayaana loo soo saaraa meesha uu laaxinku ku jiro.


Xeel-dheeraanta suugaanta iyo afka soomaaliga waxa ka mid ah in nolosha oo dhan lagu also oo lagu sargooyo hab suugaanaysan. Dhinacyo iska dhan oo nolosha Soomaalida ka mid ah ereyo afeedka lagu isticmaali jirey waxa ay raacayaan habkaas higgaadaysan ee qaafiyadda ku socda. Tusaale ahaan marka la is qabto ee laba dhinac ama laba qof ay wax dhex maraan, waxa loo kala bixi jirey mudduc iyo maddaacaley oo ah dhinac wax sheeganaya oo dacwad ku soo oogaya dhinaca kale iyo dhinaca labaad oo dacwaddaasi iska deedafaynaya oo iska difaacaya. Waxa markaas la tegi jirey geedka oo gar-naqsi laga furi jirey sida maxkamadaha casriga ah oo kale.

Waxa haddaba guurtida xeer-beegtida ah ee geedku ay arrinta u qaybin jireen laba qaybood oo waxa ay odhan jireen waxa la isku hayo ee meeshaa yaallaa: Ma dhur baa mise waa dhaqan.


Dhurka waxa looga jeedaa wixii dhiig ama gacan-ka-hadal ku saabsan ee madasha geedka la keenay ee la xukumayo, dhaqankana waxa looga jeedaa wixii ku saabsan hanti ama dad la kala haysto ee ku kala maqan labada dhinac ee wax kala tirsanaya.

Haddaba haddii uu Dhur yimaaddo waxa dhibaabaha kiiskaasi loo kala saaraa isna laba qaybood, waxana laga soo qaadaa Qudh ama Qoon.

Qudh waxa looga jeedaa wixii dil ah ee gaadhsiisan naf la jaray oo qudh-gooyo ah, Qoontuna waa wixii nabaro la is gaadhsiiyey iyo dhaawacyo la xidhiidha.

Dhibaabaha qaybtiisa labaad ee dhaqanka loo yaqaan oo ku saabsan hantida ama dadka la kala haysto ayaa isna waxa loo kala qaybiyaa xilo iyo xoolo.

Xilaha waxa looga jeedaa dumar la kala qaaday ama la kala haysto iyo wixii la mid ah, xooluhuna waa wixii hanti ku arooraa ee ku kala maqan labada dhinac.

Marka ay arrintu haddaba xoolo timaaddo ayaa waxa la odhan jirey: ma bar xoolaad baa mise waa beer, dadka qaarna waxa ay odhan jireen ma maal baa mise waa mood.

Barta xoolaad amaba maalka waxa looga jeedaa xoolaha la dhaqdo ee la isu sheeganayo, sida geela iwm. Beerta ama moodkana waxa looga jeedaa wixii dhul ama wax la mid ah la xidhiidha ee aan noolayn ee la isu sheeganayo, geedkana la keenay ee la xukumayo.

Barta xoolaad ayaa haddaba waxa iyana loo sii kala qaybiyaa magan iyo mooro.

Maganta waxa looga jeedaa wixii xoolo ah ee baadi ahaan ama dhac ahaan ama xatooyo ahaan beesha ku galay ee lagu haysto iwm. Mooradu laba macne ayay af-soomaaliga ku leedahay, waxase halkan looga jeedaa wixii xoolo ah ee xerada ku jira ee ku saabsan dhaxal iwm. Macnaha labaad ee Mooradu waxa uu la xidhiidhaa faalka iyo maluugta.


Dhinaca kale marka neefka xoolaha ah la shidaysanayo ee la qalanayo amaba martida loo loogayo, ayaa waxa hilibkiisa loo qaybiyaa abla ablayn ku sar-jaran habkaas maansaysan ee soomaalidu ay u adeegsato nolosha caadiga ah, waxana neefka shidhada ah loo qaybiyaa hilibkiisa: So’ iyo Saan.

So’du waxa ay yeelataa af-soomaaliga macneyaal badan. Mar waxa ay noqon kartaa meel cayiman oo ka mid ah darka ceelka ama inta uu degaanka reerku yahay ee uu ku fadhiyo, halkanse waxa ay ugu jirtaa oo looga dan leeyahay inta haragga ama maqaarka neefka ka hoosaysa ee hilibka, lafaha, xumaysta, uuska iwm. ee neefkaasi loo qalanayo shida-ahaanta.

So’da lafteeda ayaa waxa iyana loo sii kala qaybiyaa laba qaybood oo look ala yaqaanno: Laf iyo Lud.

Waxa uu Ludka mancihiisu yahay oo looga jeedaa wixii ka soo baxsan ee aan ahayn lafaha neefka, waana hilibka oo dhan ludku.

Ludkaas ayaa isna waxa loo sii kala qaybiyaa Jiidh iyo Jibaad. Hilibka intiisa aan jiidhka ahayn ee baruurta iwm ayaana jibaadha loo yaqaan.

Haddaba quruxda iyo farshaxannimada af-soomaaligu leeyahay ee uu ku dhaadan karaa, loona baahan yahay in la soo bandhigaa, waa habkaas higgaadda ama qaafiyadda leh ee geedaysan, kuna taxmaya ee xitaa ku milmaya noloshii caadiga ahayd ee Soomaalida. Si loo xusuunaado, loona haysto oo aan loo iloobin, ayaa waxa la adeegsanayaa ereyo sidii gabayga xaraf keliya ku wada socda oo maansaysan.

Waxa kale oo halkan soo gelaya ereyo badan oo kale oo ay ka mid yihiin:
Tiro iyo Tayo, Af iyo addin, If iyo Aakhiro, Bad iyo Berri, Buur iyo Bannaan, Talo iyo Tusmo, Hiil iyo Hoo, Xidid iyo Xigaal, Dad iyo Duunyo, Garre iyo guntane, Wadaad iyo Waranle, Wadaad iyo Wabiin, Ficil iyo Falaad, Faq iyo Fagaare, War iyo Wacaal, Werwer iyo Walaac, War iyo Waayaale, Bog iyo Beer, Calaf iyo Cawo, Ciil iyo Cadho, Haad iyo Haanraawe, Garab iyo Gaashaan, Habar iyo habeenkeed, Biyo iyo Baad, Dufan iyo Duugmo, Kaaf iyo Kala-dheeri, Qoob iyo Qaylo, Gar iyo Garowshiinyo, Arag iyo Arrin, Hiif iyo Haaraan, Bur iyo Bahal, Dhib iyo Dheef, Rabbi iyo Rag, Raq iyo Ruux, Cidliyo Ciirsila’, Naq iyo Negaadi, Nabsi iyo Nasiib, Bash-bash iyo Barwaaqo iwm.

Haddaba ereyadaasi laba- labada isugu qodbani iyo qaar kale oo badaniba waxa ay ku aroorayaan oo ay beegsanayaan tubtii Higgaadda ama Qaafiyadda ee hadalka tixaysan. Sida muuqatana laba erey oo kastaba waxa ka dhexeeya xidhiidh iyo xadhko isku haya macnayaashooda oo isku mid noqon karaya amaba iska soo horjeedi karaya oo isku lid ah. Sababta haddaba keenaysa in uu Afsoomaaligu awooddaasi yeesho, ayaa lagu tilmaami karaa arrin ka soo jeedi karta hodannimadiisa iyo saamaynta ay maansadiisu ku yeelan jirtey nolosha Soomaalida, waana arrinta loo baahan yahay in maantana la sii ambaqaado, lagana sii shaqeeyo oo si cilmiyaysan boodhka iyo habaaska looga sii jafo, iyada oo lagu simayo oo la gaadhsiinayo da’faceeddan jiilka cusub iyo kuwa laalan ee jiilasha dambe. Madhxinta Afsoomaaligu waa ma-guuraannimadii sooyaalka dhaqanka Soomaalida..

Maxamed Bashe X. Xasan

Mohamedbashe@hotmail.com

Xigasho: Mareegta Aftahan

Copyright 2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.