Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Talo dibood ah

     Qoys hooyo xun iyo qaran hoggaamiye xun midna hanoqaad ma noqdo 
    
     "Qoys hooyo xun iyo qaran hoggaamiye xun midna hanoqaad ma noqdo" waxay ka mid ahayd
     murtiyo badan oo beri dhexdii ahayd si habaysan loogu daabacay bogga suugaanta lagu
     kaydiyo ee www.farshaxan.com.
    
     "Qoys" iyo "qaran" waxay jirsiiyaan, isla-markaana sii wadaan nolol hagaagsan oo uu
     aadanuhu yeesho; taas oo ka duwan ta noolaha aan caqliga lahayni ku sugan yahay.
     Haddii labadaa dhinac ay caynaanka u qaban weydo ciddii ku habboonayd waxba ma
     hagaagaan, tallaabo taransi ahna hore looma qaado. Xaaladdaas ayey xikmaddu ku
     tuntuunsanaysaa, waana mid Soomaalida dhexdeeda si weyn uga muuqata.
     Karaamada iyo magaca Soomaalida waxyaalaha hoos u dhigay waxaa ka mid ah "taloxumo"
     iyo "garasho la'aan" inaga haysata dawladnimada iyo qaabaynta bulshada. Labadaas
     qodob ee aynu carrabka ku dhufannay oo keliya ma aha waxyaalaha aynu eersannay, ee
     awoodo, xoogag, iyo qodobbo kale oo si toos ah iyo si dadbanba inoo saameeya ayaa
     jira, waxaana ugu horreysa qabyaaladda, hase yeeshee kuwaas hadda uma jeedno.
     Dawladdu dadka ayey guud ahaan u adeegtaa, danahoodana ilaalisaa. Waxay bartaa inay
     muwaaddiniin yihiin iyo in ay si xeerarka qaranka waafaqsan u shaqaystaan. Hase
     ahaatee innagu shacab iyo madaxba waxaynu u fahamnay si qaldan, waxaynuna ugu
     dhaqannay sidii ay ahayd lidkeeda. Arrintaasaa keentay burburkii dhacay iyo
     kala-irdhowga ilaa maanta taagan.
    
     "Mar haddaan garaad loo lahayn wayska gubataaye" 
                                       Maxamed I. Warsame "Hadraawi" .
    
     Sannadkii 1960-kii midnimadii ay yeesheen labadii meelood ee xornimada qaatay way
     hagaagi weyday, sababtuna waa inay ahayd xaalad inagu cusub oo aynaan ka
     baaraan-degin, waqtigii rogrogiddeedu u baahnaydna aynaan siinnin. Wax heshiisyo iyo
     shuruudo ah oo midnimadaa lagu ilaaliyey ma ay jirin, sidaa darteed waxii dhacay ma
     ay ahayn midnimo xeerar ku salaysan, ee waxay ahayd farsamoxumo heer ummadeed ah!
     Adduunka laguma arag labo bulsho oo midoobay oo haddana aan marin qaababkii ay
     midnimadaasi ku ansaxmi lahayd, oo haddana qaarkood weli sidaa iskula toosan yihiin.
    
     Mar Alla markii ay gumaystayaashu arligeenna ka huleeleen, calankii Soomaaliyeedna
     la saaray ayey labada bulshoba xamaasad iyo qiiro awgeed is-madax mareen, dabadeedna
     xaajo aan la lafo-gurin duudduub lagu guddoonsaday.
     Shacabka xamaasadaysan nimanka keenayn lahaa ee waxii dan ah kula daali lahaa, waxay
     ahaayeen nimankii horgaleyaasha ahaa ee hoggaamiyeyaasha sheegtay. Nasiib-darrose
     nimankaasi halkii laga filayey way ka baaqsadeen. Markii ay arkeen in uu shacabkii
     jibbeysan yahay uunbay iyaguna iska dabo galeen. Arrintaasi waxay diirka ka
     qaadaysaa sidii ay talada toosani baadida inooga ahayd iyo sida aanay
     masuuliyiinteennu wax u hoggaamin, ee ay shacabka kolba dhan u dillaamaya isaga dabo
     socdaan!
    
     Taas waxaa ka daran sida xilligaas iyo immikaba aynaan u garan waddo toosan oo aynu
     doonisteenna u marno. Dhisidda bulsho xor ah, oo caddaalad iyo horumar higsanaysaa
     waxay u baahan tahay falsafad iyo nidaam miiggan oo ujeeddadaa darteed loo dejiyey.
     Shisheeyuhu markii ay geyigeenna soo galeen waxay samaysteen nidaam yar oo danahooda
     waafaqsan; kaas oo ay ugu talo galeen inay ummad reer miyi ah maslaxad kaga
     fushadaan. Kolka ay wax u baahdaanna dadkeenna waxay ka abbaari jireen afhayeennada
     ama horjoogeyaasha beelaha. Haddaba markii uu shisheeyuhu tegey hiraalladeennii uma
     aynaan astaysan hab aynu samaysannay, ee waxaynu iska raacnay nidaamkoodii. Halkaa
     waxaa inooga muuqanaysa in aynaan xilli walba aragtideenna qorsheyaal qeexan u
     dejisan, ee aynu dad qalaad uun iska dabo oradno. Berigaas uun ma aha, ee maantaba
     shisheeyaha waynu dabo soconnaa. Bal arag arrimaha Soomaalida ee maanta. Gebigoodaba
     dad kale ayaa qorsheeya. farsamoxumadaa hore waxa inoogu wacnayd baa lagu doodi
     karaa waayo'aragnimo la'aan, laakiin ta maantu waa fakar la'aan.
    
     "Weli seetadii baa ku xidhan saan-madoobaha'e" 
                    Cabdillaahi Suldaan Maxamed "Timocadde" .
    
     Halkaas ayey ka bilaabantay taloxumada iyo garasho la'aanta ujeeddo ee ilaa maanta
     ina haysataa. Innagoo dhisid bulsho doonayna ayeynu nidaam kale oon taa ina
     gaadhsiinayn iska raacaynaa. Ma garowsannin kala duwanaanta u dhexaysa rabitaanka
     bulshadeenna iyo danta shisheeyaha. Halkii aynu arrimaha caynkaas ah toosintooda
     iskaga hawli lahayn ayeynu waxaan nafci inoo lahayn hadh iyo habeen ku daalnaa.
     Waxaad arkaysaa dad mar walba u xaydan difaaca qaskii iyo taariikhdii madoobayd ee
     Kooxdii Kacaanka. Taariikhda dhow ee Soomaalida haddii si walba loo fiiriyo, waxaa
     dawlad inoogu danbaysay tii la riday 21kii Oktoobar, 1969. Xilligaa waxii ka
     danbeeyay waddanku wuxuu ku sugnaa dawlad la'aan, dalka iyo dadkana waxa
     sharci-darro ku haysatay budhcad ay gar tahay in goor kasta oo xilli ku habboon la
     helo caddaalad la muquursiiyo.
    
     Waxaynu had iyo jeer aragnaa dad aad isu yeelyeela, oo iska dhiga inay ka
     murugoonayaan xaaladda ay maanta Soomaalidu ku sugan tahay. Kuwaasi waa kuwii 21
     sano burburka ummadda ka shaqaynayey, ugxanta maanta dillaacday ee hoogga dhalisayna
     sii aasay. Waxaa kale oo iyaguna jira qaar aan caqligooda ku socon, ee wax
     maskaxdooda lagu shubay goob walba ka duddubiya. Kuwa noocaas ah in aan hadalladooda
     waxba laga soo qaadin ayaa fiican, waayo? Waxaa laga yaabaa inay soo akhristaan
     qoraallada aan dhex-dhexaadka ahayn ee ay dadkii Kacaanka ka tirsanaa amaba u adeegi
     jiray bulshada ku dhex baahiyaan. Dadka qoraallada caynkaas ah faafiya waxaynu ka
     xusi karnaa Axmed Faarax Cali "Idaajaa" oo isaga lagu bartay qabyaalad caddaan ah,
     xilligan ay xumaan iyo samaani kala caddaadeenna ammaana siyaasaddii Kacaanka ee
     bulsho-weynta Soomaaliyeed burburka u horseedday .
    
     Waxaa fiican in aan xisaabtan la'aan la iska socon sida noolaha aan caqliga lahayn,
     ee wax la derso. Waayihii shalay oo la garan waayo iyo xasuus-darriyi waxay
     keenaysaa in berritada soo socota laga habaabo. Kuwii raadinta xaqa bulshada u soo
     dhanqalmay iyo kuwii kale in maanta la kala garan waayaa waxay ka dhigan tahay, in
     waxa aynu dooneyno iyo waxa aynu diideyno aynaan kala garanayn.
     Adduunkan aynu ku noolnahay waxaa ka socda isbeddelo siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan,
     feker iwm. Haddaba in aynu isbeddeladaa dhacaya ka kororsano waayo'aragnimo iyo
     barasho cusub ayaa fiican. Ummad aan barasho samaynayni horukac ma samayso.
     Waxaad mooddaa in ay Soomaalida ka maqan tahay "barasho". Ereyga "barasho" ugama
     jeedno in inta agabkii wax lagu baranayey la qaato dabadeedna la tago meel wax lagu
     dhiganayo. Taasi waa "waxbarasho" waxayna u dhacdaa si toos ah oo ula-kac ah, waana
     wax taxane ah.
    
     "Barasho" waxaa lagu qeexi karaa isbeddel ku dhaca fakarka dadka, kaas oo dadka u
     suurta geliya in ay fahmaan waxii maslaxaddoodu ku jirto. "Barasho" waxay inta badan
     u dhacdaa si aan toos ahayn, isla-markaana aan inta badan taxane ahayn.
     Waxtar weyn ayey ahaan lahayd haddii barashada caynkaas oo kale ah ay Soomaalidu
     joogto u helayso. Nasiib-darrose la waa! Intaan ogahay malaha mar keliya ayaan
     waayadan danbe maqlay dhaqdhaqaaq arrintaas loo galay oo fakarka Soomaalida kor
     loogu qaadayo. Markaasi waa markii abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame
     "Hadraawi" uu gobollada Soomaalida oo idil socdaalka nabadeed ku maray. Arrintaas
     aad bay dadweynaha Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba ugu farxeen, sababtoo ah
     waxay ahayd hawl waxqabad ah, oo abwaankii maansada dadka afka Soomaaliga ku hadla
     ee casrigan kaalinteeda koowaad looga hadhay uu waday. Laakiin waxay ahayd in
     dariiqaas abwaanka lagaga daydo si loo faa'ido, wacyiga bulshadana kor logu qaado.
     Kolbaan buug ka akhriyey in aan dabeecadda uu qof leeyahay lagu baran karin iyada oo
     la barto sida jidhkiisu u dhisan yahay iyo sida Kimistariga jidhkiisu u shaqeeyo oo
     keliya. Sidaa si ka duwan mushkiladaha Soomaalida ama is-faham la'aanteeda laguma
     ogaan karo in Huteello waaweyn lagu xereeyo oo jiraallo qayaxan marba mid loo soo
     jeediyo iyo in xilal badan la iska magacaabo iyadoo aan waxii mililka keenay la is
     waydiin.
    
     Shirkii Soomaalida Keenya loogu qabtay waxa u ahaa mid shisheeye qabanqaabadiisa iyo
     habsocodkiisaba lahaa. Shakina inagagama jiro in cidda kulanka qabatay iyo cidda loo
     qabtay ay kala ujeeddo duwan yihiin. Labo cidood oo kala ujeeddo ahina isku jiho uma
     soconayaan. Si kastaba arrinta u daayoo, dhinacyadii qabanqaabada lahaa sidii ay ugu
     talo-galeen ayuu kulankii u qabsoomay. Haddaba mar kasta oo ay bulsho-weynta
     Soomaaliyeed natiijadii shirkaas wahan ka muujiso, waxaa dhegaha lagaga afuufaa
     odhaahyo sheegaya in uu shirku fiicnaa. Daliilka loo haysto in uu shirkaasi mid
     fiican ahaa waa in uu muddo dheer socday oo keliya!
     Sideedaba marka hawl la qabanayo danta hawshaas laga leeyahay waa in natiijo fiican
     la gaadho; natiijadaasna la qiimeeyo, lana hirgeliyo. Haddii ay natiijadu xumaato
     macnaheedu waxa weeyi in wakhtigii hawsha lafteeda ku baxay ay su'aali ka taagan
     tahay. Haddaba wakhti natiijo aan lala wada dhacsanayn ku baxay inta la hadal hayo
     waxa ka fiican in la isa saxo.
    
     Shirarka Soomaalida loo qabtaa inta badan waxay maraan jid isku mid ah. Shanta
     meelood ee ay Soomaalidu ka kooban tahay mid ka mid ah - Koonfur ama Soomaaliyada
     maanta - ayaa xal u baahan. Haddaba qaladka ugu weyni waxa uu ka yimaaddaa
     ajendayaasha oo aan mar walba lagu salayn halka xalka u baahan, ee lagu saleeyo
     fikraddii galbatay ee Soomaaliweyn. Waftiyo iyo dad badan oo danaystayaal ah oo
     xataa cid ay matalaan iyo cid kale aan la hubin ayaa la shiriyaa, dabadeedna halkaas
     ayaa xaqiiqada lagu hurdamiyaa, dadkii xalka u baahnaana dantooda lagu dayacaa.
     Ajandeyaasha iyo hawlaha shirarka haddii "koonfur" ama "Soomaaliyada maanta" lagu
     koobi lahaa guul weyn baa la gaadhi lahaa.
    
     Haddaba dawladdii Keenya lagu soo dhisay ilaa maanta si wadajir ah uma ay hawl
     gelin. Sababtuna waa inay labo qaybood oo aan isku dhan wax u wadin u kala
     qaybsantay. Madax iyo siyaasiyiin halkii laga filayey ka gaabiyaa waa waxa danihii
     Soomaalida baabbi'iyey, halka ay maanta ku abaaddeyna sababay. Haddaba ismaandhaafka
     waqtiga lagu luminayo in lagu beddelo tanaasul shacabka loo sameeyo ayaa door ah.
     Wada-xaajood ayaa wax lagu wanaajin karaa, ee xoog la adeegsado waxba kuma
     hagaagaan. Horaa loo yidhi: "xoog oo dhami musuq buu keenaa; xoog kama-danbays ahina
     burbur kama-danbays ah ayuu keenaa."
    
     Lix iyo soddon sannadood muddo ku dhow ayaanay Soomaalidu helin nidaam dawladeed oo
     si hufan dalka uga shaqeeya. Dawlad awooddeedu baahsan tahay, oo sidii caadiga ahayd
     ku salaysan hannaanka kala madax-bannaanida saddexda awoodood ee Golaha Shacbiga,
     Fulinta iyo Garsoorka isla-markaasna hay'adaheeda Maamulka Dhexe kaaba sida
     Hantidhowrka Guud, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Baanka Dhexe ay si daacad ah u
     shaqeeyaan, ee aanay noqon qaar wax loo yeedhiyo ayey bulshadu u baahan tahay.
     Dawladdu in ay taag iyo tamarba ku bixiso sidii loo heli lahaa nabadayn,
     turxaan-bixin, dibuheshiisiin, isu-soo-dhoweyn bulsho iyo hanashada kalsoonida
     dadweynaha ayaa ah arrin fiican oo la rajaynayo. In sidaas si aan ahayn ay u
     shaqaysaa waa abdo' la'aan.
    
     Xal kale oo muhiim ah ayaa waxa uu ku jiraa Soomaalilaan oo dawladnimadeeda iyo
     gooni-isu-taaggeeda la taageero, lana hambalyeeyo. Soomaalilaan waxay xornimadeeda
     qaadatay 26-kii Juun, 1960. Waxayna xornimada ka hor heshay dalalka Simbaabwe,
     Soomaaliya, Saambiya,Jabuuti, Yugaandha, Burundi iwm. Sida diiwaannada taariikhda ku
     xusanna waxa la sheegaa in ay 35 dawladood oo ay Masar ka mid tahay waagaa
     aqoonsadeen Soomaalilaan iyo xuduuddeedii caalamiga ahaydba; taasoo ilaa maanta ku
     cad xeerarka Ururka Midowga Afrika oo sheegaya in soohdimaha dalalka Afrika ay
     yihiin sidii ay ahaayeen markii ay xornimada qaateen. Arrimahaasi waxay caddaynayaan
     in Soomaalilaan-ta maantu aanay ahayn dawlad dalkeedii ka go'aysa, balse ay tahay
     Jamhuuriyad israac ay beri hore ku dhaqaaqday ka noqonaysa.
     Soomaalilaan ma ay yeelin sidii ay Jabuuti yeeshay sannadkii 1977, ee waxay
     door-bidday hirgeinta shantii Soomaaliyeed ee waagaa la raadinayey. Haddaba haddii
     ay suurtogeli weyday himiladii sidaas ahayd in meel waliba ay halkeeda wax ku
     qabsato ayaa talo fiican ah. Sababtoo ah, labo meelood oo keliya oo la isku daraa
     waa qabyo; qabyona in danta laga raaco ayaa habboon.
     Dad badan baa laga yaabaa in ay ii qaataan in aan qaldanahay ama moodaan in
     kala-noqoshada labada meelood wax lagu waayayo. Haddaba ha la ogaado in ay taasi
     tahay aragti aan sal lahayn oo bulshada dhexdeeda ogaan loogu faafiyay, welina laga
     shaqaynayo!
    
     Dalal badan baa innaga horteen iyo dabadeenba midnimo tijaabiyey, markii ay ku dan
     seegeenna iska daayey. Masar iyo Suuriya waxay midoobeen 1-dii Febraayo, 1958,
     waxayna la baxeen Jamhuuriyadda Carabta Midowday. Hase ahaatee waxay midnimadaa
     joojiyeen sannadkii 1961-kii markii ay garaysteen in aanay waxba ka dheefin.
     Sinigaal iyo Gaambiya waxay israaceen 1981-kii, waxayna kala noqdeen 21-kii
     Sibtember, 1989. Itoobiya iyo Ereteriya oo israacay sannadkii 1952, waxay labo
     maamul kala noqdeen sannadkii 1991, ka dib markii ay fawdo ka bixi waayeen.
     Haddaba ummadahaas oo dhami markii ay israacyadaa aan waxba laga dheefin ka noqdeen
     ma waxbay waayeen, mise waxbaa u kordhay ? Falcelinta waydiintani waa mid cad oo aan
     madmadow ku jirin, waxaanan u dhaafayaa akhristaha.
     Waxaa muhiim ah in aynu maanka ku hayno in dhacdooyinkii ina soo maray oo dhami
     aanay iska dhicin, ee ay wax sababsanayaan. Hoggaamiyeyaal kaalintooda ka gaabiyey,
     bulsho bur aanay bahal ka dayin isku qaadaysa, falsafad la'aan, doonisteenna oo aan
     inoo qeexnayn iyo qabyaalad wax kasta oo dan ummadeed khuseeya gadhka loo geliyaa
     waxay caddaynayaan sida waayadii hore iyo haddaba ay talada toosani diboodda inooga
     tahay.
    
     Midnimadii labada geesood haddii ay isu kabmi weyday, waa in si kale wax loo
     xalliyaa, lana taageeraa fikradda qaabaynaysa labo maamul oo waxtar leh oo ay
     Soomaalidu kala yeelato. Carabtuba iyaga oo Carabnimadooda meel uga soo wada jeeda
     ayey haddana garowsadeen in sida ugu fiican ee ay ku caano-maali karaan ay tahay
     sida ay maanta u dhaqan yihiin ee ku salaysan maamullo hufan oo kala madaxbannaan.
     Innaga waxii danteennu ku jirto wax inoo diidaya, oo xaqiiqo la taaban karo ku
     salaysani in aanu jirin waa mid la wada og yahay.
     Abwaankii qaran, Alle ha u naxariistee, Cabdillaahi Suldaan Maxamed "Timocadde" ayaa
     xilliyadii u danbaysay noloshiisa gabay tiriyey. Abwaanku wax uu waano iyo toosnaan
     ummadda faroba markii danbe ayuu gabaygii ku daray beydadkan:
     
     Dhabbadaa aan soo jilay haddii laga dhabayn waayo
     Dhutis xaalku kama baaqsadee dhuuxa hadalkayga 
    
     Haddaba waxaan leeyahay haddii aynaan xaqiiqada u soo noqon, oo aynaan taageerin
     samaanta, taladeennu dhutis ka baaqsan maysee taa hala ogaado!.
    
     Qalinkii :      Axmed Iid Aadan
                Akhyaarta Bahda Mareegta Farshaxan
    
Soo Bandhige :Fu,aad
              Bahda Mareegta Farshaxan

Copyright 2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.