Waa saddex da’ faceed ama jiil, soona
kala noolaa saddex casri ama sebaan oo dareere taxan isu daba
yaalla. Waxa ay saddexdu u soo kala taagnaayeen saddex amuurood
ama adduun-arag oo kala geddisan, kuna kala duwan wakhtiga
iyo dookha.
Aabbahay aabbihiis oo awoowgey ah, awoowgey inankiisii oo
aabbahay ah iyo aniga oo aabbahay inankiisii ah, ayaa u soo
kala joogey saddex xaaladood, saddex waayo-nololeed iyo saddex
fikir adduun- arag.
-Awoowgey saddex buu soo joogey:
xoolaha la dhaqdo oo uu farasku ugu mudan
yahay, ugu qiimo badan yahay, looguna jecel yahay, inanta
la doonayo in la guursado oo la hidde aroor-raaco, dibna loogu
noqdo halka ay ka soo jeeddo min hooyadeed ilaa ayeeyooyinkeed,
aabbaheed ilaa iyo awoowayaasheed iyo garta niqiddeeda oo
lagula eerto, loona geeyo oo loola tago, laguna aamino wadaadka
ama sheekha ugu af-dheer culuunta diinta islaamka marka meselo
la isku qabto.
-Aabbahay ayaa isna seddex kale u
soo joogey:
xoolaha la dhaqdo oo uu geelu ugu mudan yahay,
uguna qiimo iyo qaaye badan yahay, looguna jecel yahay, inanta
la doonayo in la guursado oo aan si durugsan loo hidde-raacin
ee la is weydiiyo waa ina ayo iyo waa tuma hooyadeed oo keliya
iyo garta oo loola tago, loona geeyo niman xeer-beegti loo
yaqaan oo ka mid ah odayaasha geed-joogayaasha ah ee ardaayada
qabaliga ah.
-Aniga ayaa u soo taagan maanta saddex
kale:
xoolaha oo uu ugu mudan yahay, looguna jecel
yahay naqadku ama kaashku (lacagta caddaanka ah), inanta la
doonayo in la guursado oo uu dookha iyo wejigeedu go’aamiyo,
mudnaanta koowaadna aan la siin qoyskooda (aabbaheed iyo hooyadeed)
iyo halka ay ka soo jeeddo iyo garta oo lagula eerto oo loola
tago, loona dhiibto odayaal koofiyad-baclayaal loo yaqaan
oo suuq-joogayaal ah.
GAMMAANKA, GEELA IYO NAQADKA
Jiilkii soomaalida ee noolaa muddo laba qarni ku siman, waxa
ay xoolaha ugu jeclaayeen gammaanka oo uu farasku ugu horreeyo.
Soomaalidu waxa ay u noolaayeen hab-degsiimo beeleed oo qabali
ah, waxa ka dhexeeyey loollan ay ku kala riixanayaan dhulka
carro-sanka ah ee baadka iyo biyaha leh. Dagaallo xilliyada
qaar riiq dheeraada ayaa wakhtiyada qaarkood ka dhex qarxan
jirey. Farasku haddaba waxa uu ahaa gaadiidka ugu firfircoon
dhanka weerarka, ilaalada, qayla-dhaanta, war tebinta, sahaminta
iyo u dul-qaadka gaajada iyo harraadka dhulka omoska iyo baaxad-sooraha
ah. Haseyeeshee ilaa boqolkii sannadood ee la soo dhaafay,
waxa dhiigga soomaalida dhex muquuranayey jamashada iyo jacaylka
geela.
Ood-wadaag kasta oo qabaa’ilka soomaalida ka mid ah,
waxa ka dhex oloosmi jirtey colaad ka soo jeedda geelal la
kala qaaday. Arladu waxa ay ahayd meel qaxar iyo lur badan
oo guhaadda colaadahaas iyo abaaro u kala dambeeyaan. Geelu
haddaba waxa uu noqday ishin (xoolo) buuxiya baahidii soomaalida
xilligaas. Waxa uu geelu xammiley kulaylkii dhulka oomanaha
ah, waxanu ka soo hadhay abaartii oo waxa uu u adkaystay gaajadii
iyo harraadkii. Waxa lagu beegay magta ragga la kala laayo,
waxa laga bixiyey yaradkii gabdhaha, waana la rartay oo waxa
uu noqday gaadiidkii rasmiga ahaa ee soomaalida.
Xilligan casriga ah faraska iyo geeluba way banneeyeen kasha
soomaalida iyo kaaalintaas ay buuxin jireen oo waxa beddeley
lacagta caddaanka ah iyo guufafka bagaashka ah ee la rog-rogo,
waxana suurta gal ah in dad badani boqol Gini qaataan oo ka
door bidaan dhowr tuldood oo geel ah. Ninka dhowrka kun ee
Doolar ama guufka u dhigma haystaa waxa uu ka magac iyo maamuus
roon yahay ninka kadinka geela ahi uu u foofo.
GUURKA
Dhinaca kale soomaalidii hore ee awoowayaasheen iskama guursan
jirin dumarka. Waxa guurka ka horrayn jirey u kuur-gal iyo
xog raadin fara badan oo ku arooraysa inanta calaamo saaran
iyo halka ay ka soo jeeddo, waxa la raadin jirey dhaqanka
qoyskooda iyo xitaa jilibkooda, lama guursan jirin ilaa waxyaalahaas
la soo xaqiijiyo oo la ogaado in dhaqanka reerkoodu uu wanaagsan
yahay. Muddo ka dib jiilashii danbe waxa ay arrinta ku koobeen
in mudnaanta la siiyo oo wax laga ogaado gaar ahaan dhaqanka
hooyada iyo guud ahaan raganimada aabbaha inanta la guursanayo.
Xilligan aynu nool nahay iyo maanta, waxa sheekadaasi u muuqataa
mid isbeddel weyni soo foodsaarayo. Waxa inanka guur-doonka
ah ee maantu muhiin u arkaa dookhiisa, waxa ay qanaacaddiisu
ku xidhan tahay quruxda inanta uu guursanayo; dhabankeeda
iyo shanshadeeda, waxba kama gelin aabbaheed iyo hooyadeed
iyo halka ay ka soo jeeddo.
GAR-NAQSIGA
Soomaalidii hore marka la is qabto waxa lagu kala bixi jirey
kitaabka Qur’aanka ah. Wadaadka ayaa garta loo geyn
jirey oo dadka kala guri jirey oo lagu kalsoonaa. Xaq-soorka
wadaadka ayaanay ugu dhammaan jirtey laba dhinac ee is haya.
Muddo ka dib xilliyadii ku beegnaa soo gelitaanka gumeysigii
Reer Yurub wixii ka danbeeyey, waxa taas beddeley oo soomaalida
dhexdeeda ku faafay in garta loo dhiibo qabyaaladda!
Wax kasta oo la isku qabto waxa la geeyey geed ay hoos fadhiyaan
niman xeer-beegti loo yaaqaan oo ka tirsan garabyada is haya.
Waxa odayaashu ahaayeen niman dhaqanka iyo caadooyinka soomaalida
aad ugu xeel dheer. Halka wadaadku uu kitaabka ka eegi jirey,
odayaashu waxa ay kaashadeen dhaqankaas iyo sida ay iyaga
la tahay. Taas ayaanay odayaasha xeer-beegtidu ay dadka ku
kala guri jireen, kuna kala hagaajin jireen, iyaga oo isku
taxalujin jirey in aanay gar-eexo niqin.
Muddooyinkan dambe waxa odayaashaasi iyana laga qaaday talo
goyntii geedka taalley, waxana taladaas loo soo raray oo la
keenay xafiisyada magaalada. Waxa qaatay talo-goyntii iyo
gar-niqiiba oo meherad ka dhigtay odayaal suuq-joogayaal ah
oo aan xitaa aqoon-durugsan u lahayn dhaqanka iyo hiddaha
soomaalida. Odayaashaas oo dadka qaar ugu yeedhaan meelaha
qaar Koofiyad-baclayaal ayaa la igmadey oo loo daba fadhiistay
dalandalintii danaha dadka iyo maarayntoodiiba. Halkii odayaasha
geed-joogayaasha ah ee ardaayadu ay ka cuskan jireen xeerarka
ka soo jeeda awaasha dhaqanka iyo hiddaha soomaalida, waxa
ay odayaashan suuq-joogayaasha ahi ka cuskanayaan maanta xeerar
iyo qawaaniin aanay xitaa iyaga laftoodu fahmi Karin, aqoonna
aanay u lahayn oo laga soo min guuriyey dhaqamo iyo caadooyin
qalaad oo aan xidhiidh la lahayn dhaqanka iyo yiqiinta ummadda
soomaalida.
GUNTII
Saddexda da’faceed ee saddexdan u soo kala joogey waa
caqli-gal in jiilba ka kale la yaabaa, waxase xaqiiqo ah in
jiilba uu leeyahay samaan iyo xumaan, meel uu ku wacnaan karo
iyo mid uu ku xumaan karo, haseyeeshee waxa hubanti ah in
facba facii uu ka horreeyey uu ka asalsanaa, dhaqankiisu ka
dhaladsanaa, yiqiintiisu ka toosnayd, dadnimadiisuna ka wacnayd.
Waxa ay ahayd in casrinimadu horumar keento, waxa ay ahayd
in ilbaxnimadu ay nolosha sii macaanayso oo dhadhan u sii
yeesho, siina hagaajiso oo sii fududayso, haseyeeshee marka
la eego saddexdan saddexda u soo kala joogey, waxa muuqanaysa
in markasta hoos looga sii dhacayey halkii hore ilaa sag-xadda
la qaniiney oo la waayey maanta wax la dugsado, meel wax loo
tix-raaco iyo wax la kala xigto midna.
Qofka aadamiga ahi marka uu hiddihiisa iyo xaqiiqadiisa ka
sal kaco, waxa uu mutaa waa waxaanu lahayn oo booli ku ah.
Wuu la qabsan waayaa oo daalaa-dhiciisa ayaa bata, meel cidla’
ah ayaanu ugu dambaynta ku soo dhacaa. Waxa qummaan in qofku
hiddiihiisa iyo dhaqankiisa la fal-geliyo yiqiintiisa iyo
qiyamkiisa diineed, sooyaalkiisana aanu ka hayaamin ee ku
sargooyo diintiisa iyo nolosha casriga ah oo aan is diidanayn.
Soomaalida ayaana hore ugu maahmaahday oo u tidhi “Faras
aanad lahayn futo qarrar baa laga qaadaa”.
Maxamed Bashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
|