Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Waxaan Akhriyey ”Hal ka haleel”

Sannadkan horraantiisii markii aan maqlay Maxamed Baashe Xaaji Xasan in uu faraha kula jiro qorista buug naqdi ah oo ku saabsan halabuurka Hadraawi waan ku farxay laba sababood dartood:



1) in ay qudhayda ila ahayd in la joogo goortii maansada Hadraawi ee ciidda iyo camaarka ka badatay wax laga qori lahaa. Waayo waxaan dareensanaa baahida weyn ee loo qabo in halabuurkaa miisaanka iyo baaxadda leh la furfuro, la faaqido, la fududeeyo oo si ama si kale la isula fahmo. Isla markaas in dood waxtar leh laga abuuro, ee aan weligeed midho daray duudduub lagu liqin.

2) in aan Maxamed Baashe u arkayey nin hawshaas aad ugu habboon. Taas gelisteeda in uu cid walba ka mudan yahay waxaa igu dhaliyey maqaal uu Hadraawi ka qoray oo aan dhammaadkii kalhore ka akhriyey bogga suugaanta Aftahan. Maqaalkaas oo cinwaankiisu ahaa ”Shakhsiyadda Hadraawi” waxaa si aad ah ii soo jiitay xeeldheerida af soomaaliga la adeegsaday iyo tilmaamid-ogaanta ujeeddada. Isla markaa maqaalku wuxuu igu duxiyey dareen ah qoraagu in uu Hadraawi iyo suugaantiisa ogaal iyo aqoon shakhsi ah u leh yahay.

Isla markaas waxaa igu soo dhacday ”Maxamed Baashe waxaa hor yaal imtixaan adag oo xilkasnimo badan uga baahan”. Waayo qofku haddii uu qofka uu wax ka sheegayo eheshado ama jacaylkiisa la waalan yahay hawshu waxay noqotaa mid aan xaqiiqada la raadinayo u dheellitirnayn oo caaddifad iyo hiil u afduuban. Natiijaduna kama fogaato sida lagu yaqaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) marka uu ka hadlayo Maxamed Cabdulle Xasan ama isaga iyo soomaalidii la waqtiga ahayd u gar naqayo.

Guud ahaan mas’aladan (naqdiga suugaanta) mushkilado dhawr ah ayaa inaga haysta haddii aynu soomaali nahay. Waa marka koowaade buugga, buugba), wax ku sheeggiisa iyo wax ka sheeggiisu weli dhaqankeenna ma ay degin. Marka labaad waxaynu moodnaa haddii qof halabuurkiisa wax laga sheegayo in ay tahay in la ammaano uun; haddii aan la ammaanayn maxaaba loo soo hadal qaadayaa, ayey inala tahay. Mar kale haddii qof suugaantiisa la dhaliilo ama la ammaano waxaa loo qaadanayaa in shakhsiyaddiisa laga hadlayo, xataa haddii ay tahay hawl heer ummadeed ah. 

Labadan arrimood ee dambe marka la isku kiciyo waxay salka dhigtaan qabiil iyo qabyaalad, sida ay dadnimada soomaalida oo dhami halkaa u sal dhigato. Waa mucjiso haddii la arko qof si xilkasnimo iyo daacad ah wax uga sheegaya qof aan la qabiil ahayn ama la qabiil ah.

Maxamed Baashe ma ku guulaysan doonaa in uu waajibka uu qalinka u qaatay sida uu u yahay u guto? Waxay ahayd weydiin aan hubo in ay waxgaradka suugaanta jecel oo dhan maskaxdooda ka guuxaysey muddadii uu buuggu soo socday. Buuggii, ”Hal ka haleel (sooyaalka Hadraawi iyo maansadiisa)” waan akhriyey, waxaanan inooga soo tuujiyey nuxurkan:

Waa buug daabacaad ahaan qurux badan, farsamo ahaan dhammays tiran, af soomaali ahaanna aad u heer sarreeya. Waa buug ka nabadgalay qaladaad qalin iyo madbacadeed, labadaas dhaliilood oo qoraallada af soomaaliga ah faro baas ku haya. Wuxuu ka kooban yahay 304 bog oo ah warqadda caadiga ah, wuxuuna u qaybsan yahay laba cutub oo waaweyn. Qaybta hore waa taariikh-nololeedda Hadraawi iyo halabuurkiisa ka horreeyey dhicistii dawladnimada Soomaaliya. Qaybta dambena waa siddeed maanso oo xilligaa ka dambeeyey, kuwaas oo uu qoraagu ula baxay ”maansada run ku sii durugga ah”.

Maxamed Baashe wuxuu si buuxda u caddeeyey in uu yahay suugaanyaqaan ka haqabla aqoonta, xeerarka iyo qaabka maansada. Taas waxaa si fudud looga arki karaa intaas oo maanso oo buugga ku qoran sida aanu beyd keliya laaxin u gelin. Suugaan-aqoonnimada ka sokow wuxuu muujiyey wacyi sare iyo in uu la socdo wareegga xawliga leh ee giraanta dunida; dunidaasi ha ahaato mid jahowareer iyo fawdo ah, sida ay isaga iyo Hadraawi isaga marag kacayaan, ama yey ahaane. Fiirodheerida Maxamed Baashe ee buugga ku jirtaa waxay si gaar ah u soo shaac baxaysaa marka uu faaqidayo meelo ay ka mid tahay tixda ”Dabohuwan”.

Sidii aan filayey qoraagu wuxuu xogo cusub ka soo dhiraandhiriyey duruufo muhiim ah oo maansooyinka qaar dhaliyey amaba si kale u khuseeya. Tusaale ahaan isaga ayaan ka bartay Hadraawi in uu tixo ka mid ah kuwa suugaantiisa ugu qiimo badan uguna halista badan Xamar ku curiyey, kuwaas oo uu deldelaad ku mudan kari lahaa. Tixahaas waxaa ka mid ah labada kala daran ee ”Heelliya” iyo ”Hambaaber” oo sida ay u kala horreeyaan uu abwaanku ugu hiilinayey kacdoonkii siyaasadeed ee gobollada dhexe iyo kuwa waqooyi.

 Xogta aan helay waxaa ka mid ah tixda ”Dallaallimo” in ay tooganaysey madaxdii ururrada SSDF iyo SNM, kuwaas oo inta ay carro xabashiyeed is-hor yuurursadeen ku gorgortamayey aayaha dadkoodii ay ahayd in ay badbaadiyaan. Xogta aan helay waxaa ka mid ah maansada qiimaha badan ee ”Sirta nolosha” ama ”Sahra” in ay ka abuurantay xaalad ”daraama” ah oo xiiso leh. Intaas oo dhan ka hor xogta aan helay waxaa ka mid ah Maxamed Siyaad Barre bilawgii Hadraawi in aanu necbayn. In kasta oo shan sano oo xorriyad la’aan ah Qansaxdheere lagu liqsiiyey, haddana markii ay rag kale ciqaab joogto ah mudanayeen, oo god madow ku jireen, isagu khudrad ayuu beeranayey digaagna wuu dhaqanayey.


Xulka murtida maansooyinka buugga

Hadraawi oo ay maansadiisu noocyo badan tahay, sida la wada yaqaan gabaygu ma aha doorashadiisa koowaad. Haddana dhawrkiisa gabay waa heerka koowaad marka la dhinac dhigo gabayga soomaalida. Tixda ”Gudgude” ee gabaygiisa ugu dambaysey ayaa buuggan ”Hal ka haleel” ku qoran. Tixdaasi dherer iyo laxaadba waa ay sheegatay. Waxay si aan la arag oo la maqal u muujinaysaa fahmo darrada iyo farsamo xumada soomaalida kaga dhacday, welina haysata, dawladnimada. Bal meerisyadan soo socda dhuux:

hadduu gaar u maamulo qof waa geel nin leeyahaye
in kastoo gantaal iyo wed iyo gawrac lagu hooyo
meel loo gunraaciyo haddaan gogoldhig loo yeelin
mar haddaan garaad loo lahayn way iska gubataaye
geedkeed be waa sixir haddaan garasho liilayne
hadduu gaws dhurwaa ruugi karo waa laf guri taalle


Bal arag haddana dibinaabyada iyo dulmiga dawladnimadaas weligeed lagu soo wadey:

iyadoo gashaantiya sidii loola gogol dhaafay
guurkeedu tuuguu ahaa gaabsi iyo beene
iyadoo garoobiyo markay guudka fidhanaysey
inan uu gumaysigu dhalaa gaadhka ka ahaaye
gabowgeeda way doonnan tahay gedaha waayeele
marka ay geyaan sheelataa garacu yeeshaaye
hadba wiil isgaalaynayaa loo gu tiriyaaye.

Beydad kuwaas ka sii dambeeya wuxuu ku caddaynayaa mawqifkiisa siyaasadeed ee had iyo goor ogaan madmadowga loo geliyo:

ummad yahay dib uma guuri karo gooshkan manta ahe
gosha hooyo waa laga koraa goodir kay tahaye
geyigaygu waa kow intuu waajib ii galo e
dhulka kale intaan gaadhi karo waw gol leeyahaye
adduunyada go’doon kagama jiro garangar loo yaalle
garaadkaygu wuu dhaafsan yahay xaajo goboleede.

Siddeedda maanso ee ka dambeeyey isbeddelkii weynaa ee Haraawi ku dhacay, oo giddigood buuggan “Hal ka haleel” ku qoran, qiimaha murtiyeed kama dhacaan kuwii hore, waxaadse mooddaa in ay isku meel ku aroorayaan. Waxay ku wada aroorayaan wacdi diineed iyo waano oday. Haddii aynu “Dabohuwan” oo aad u caan baxday ka tagno, inta kale malaha waxaa ugu culus, uguna yaab badan, tix lagu magacaabo “Afkusiran”. Bal u fiirso tuducan ka mid ah tuducyo badan oo uu abwaanku ku sifaynayo iimaan-yoognimada maanta dunida ka taagan:

dabashada atoorkiyo
qalashada ugaybkiyo
ummulraaca maqashiyo
waxa dheri olkomayaa
waa abaydinkeedii
lagu cunay amaahdoo…


Haddana fiiri basanbaaska iyo nabaadguurka dabeecaddii asiibay:

waxa damal abguuree
la engegey harraadkee
berkaduhu asqeeyeen
waxa lebi agoonee
ehelkiyo bahdiisii
olligii ku xeerraa
laga guray unuunkee
cidla keli ku awdalan


Iyo karamaada aadamiga la huwiyey ee laga doonayo in uu abaalkeeda muujiyo:

dadku waa ab culus yahay
ohli maaha weelkiyo
lagu guro alaabtee
ha addoomin garashada
waxaad tahay ugaaskii
hanashada adduunkiyo
ifka loogu hiishee
ha la biqin awoodaha
lagu furo albaabbada
xujadood adag tahay.

Noloshuna waa ayaanba ayaan qadoodi iyo dheregba leh, waa beer sugid iyo dulqaad u baahan, waana hanti ay tahay in la kala kaydsado lana dhaqaaleeyo ee aanay ahayn in lagu bahaloobo, oo sidii raq dugaag helay goob keliya iyo goor keliya laga dhigin:

ma irmaana weligeed
igadh maaha yu’ashada
lagu ibosalaaxee
marka ay asooshiyo
markay uurka leedahay
ilmorogashadeediyo
ku baxnaani iimaan

samaheedu waa iib
ha amaahan teedoo
oogadeeda waxa yaal
ha ku urursan boobkee
oggolaansho weydii
asturkeeda mooyee
yaan ayaanku kaa noqon
furashada abguurka ah
in ka gooso mooyee
ha ku agagas dheeraan

ashkir weeye qurux badan
inannimo carteediyo
ugubkay ku tahay shay
araggay ku wacan tahay
afka laguma gaacshee
indhahana wax kaga guro
wuxu waa adduunoo
lama sudho agtaadee
waa la aakhireeyaa.

Dhaliilo aan jirin

Markii uu Maxamed Baashe muujiyey in uu dhaliilo maansada Hadraawi ku jira tilmaami doono waan ku ammaanay, laakiin markii aan dhaliilahaas akhriyey ammaanta waan kala noqday. Wuxuu durduriyey meel cidlo ah oo aad uga fog dhaliilaha runta ah. Toddobadan qodob ee soo socda in ay qoraaga iyo abwaanku isla qireen in ay dhaliilo yihiin waa arrin aan aad ula yaabay, waxayse muujinaysaa xaqiiqo kale oo aan suugaan waxba ka gelin. 

Waa arrin caddaynaysa isbeddelka feker ee Hadraawi ku dhacay sida uu u fog yahay khatarna u yahay. Taas ayuu qoraaguna kala mid yahay. Dhaliilaha la sheegayo ee buugga lagu carrabbaabay aniga iyo qof kasta oo ay maskaxdiisu xor tahay oo fanka iyo halabuurka jecel waxay ku ridayaan qaadanwaa. Haddii ay hirgashana waa dhabarjab weyn oo suugaanta soomaalida loo geystay. Akhriste, bal aan kula qaybsado dhaliilaha uu Maxamed Baashe halabuurka Haraawi ka soo dhex helay:

1) Heesta “Toddobaatan midabley ” taas oo uu abwaanku bilawgii toddobaatanaakii qof dumar ah ku bahdilayo.

Qofkaas dumarka ah ee uu Hadraawi tixdaas ku maagay innagu ma naqaan, haddiiba ay qof gaar ah tahay, waxaysa inoo tahay qof kasta oo xun oo dabeecadahaas yeesha. Waana wax dabiici ah oo akhlaaqda iyo dhaqanka dadka ka mid ah in xumaanta la caayo wanaaggana la ammaano.

2) Heesta “Guducur aan caddaba jirin”:

Labadan beyd ee soo socda ayey Maxamed Baashe iyo Hadraawi rabaan in ay ku sheegaan denbi iyo meelkadhac.

badhi lay cabsiiyiyo
cashar muxuu i tarayaa


Waa maxay qaladka labadaas beyd ku jiraa? Qof jacaylkiisa xadka ka baxay la kadeedan, oo malaynaya in aan tahliil iyo subag dawo u noqon karin, waa si wax loo cabbiro oo dareengelin ah. Xataa haddii dhinac diineed loola dhaqaaqo ma jirto aayad Qur’aan ah oo sheegaysa badhida iyo casharku in ay dawo Ilaahay soo rogay yihiin.

3) Heesta “Xamareey ma nabad baa”:

xajkii Geeska bariyeey
Xamareey ma nabad baa


Hadalkaasi Xamar u rogi maayo Maka, kana dhigi maayo meel loo xajiyo, mana jiro qof moodi kara arrintu in ay sidaas tahay, xataa ka dadka ugu doqonsan iyo ka ugu jaahilsan. Abwaanka qudhiisuna kama wadin Muqdisho in ay Xaram noqon karto. Afafka dunida oo dhan meesha la jecel yahay ee loo wada jeesto waxaa lagu sarbeebaa ”meeshaasi waa Makadii waxaas”.

4) Heesta “Cajabeey”:

haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
dadku inuu ku caabudo
madowgiyu caddaankuba
ku caleemosaaraan
sow kuma canaanteen!


Arrintan sideedaba doodi kama furmi karto, mana fahamsani halka ay maansoyahanka iyo qoraagiisu wax ka eegeen. Haddiise ay meesha ”cibaado” soo gashay, miyaa la yidhi ”naagta ha la caabudo”? Afeefta ah haddii aan la igu cadaabayn sidaas ayaan yeeli lahaa, ma denbi baa? Maya ee waxaaba ay muujinaysaa Alle ka cabsi dheeraad ah.

5) Arraweelo:

sow ma tihid ilayskii
iidaanka noloshiyo
iimaanka lahashada
sideen kaaga oolaa!


Sida muuqata tuducan waxaa lagaga diday beydka ah ”iimaanka lahashada”, laakiin Hadraawi iyo Maxamed Baashe iyaga ayaa iga af soomaali badan ee iimaanka halkan ku xusani run ahaantii miyuu yahay iimaanka Ilaahay lagu rumeeyo? Sow ma jiro ”iimaan” kale oo af soomaaliga lagu wada yaqaan, kaas oo aan diin shaqo ku lahayn? Haa, iimaan af soomaaligu wuxuu ku leh yahay macne si walba ka diinta uga duwan. Qof iimaanla ama iimaanlaawe waxaa laga wadaa oo aynu u wada naqaan qof hunguri xun. Qof iimaan qabaa waa qof qanacsan oo aan dayday ahayn. Halkaas ayuu macnaha beydku jiraa ee caqiido waxba kama gelin.

6) Heesta ”Hooyo”:

weligay hoggaagaan
ka dul heesayaayoo


Hadalkaas cidda keliya ee ceeb u yeeli kartaa waa kooxda lagu ibtileeyey in ay fekerkeeda ku mashquuliso waxa lagu sheego ”xabaal caabudid”. Meeshan xabaal la caabudayaa kuma jirto, ee waa buunbuunin iyo qurxin faneed oo la doonayo in dareenka hoose oo dadka loo dhaadhaco si saamaynta loo dan leh yahay loogu yeesho. Haddii caqliga fanka iyo afshaxanka ka baxsan wax lagu xukumo ma jiro qof weligii xabaal ka dul heesi karaa.

7) Heesta “Hambaaber”:

Hargeysi ma toostay
hoggaanka ma diidday
harqoodka ma tuurtay
in aanay hummaagga
hadoodilo yeelin
sidii hebed geela
hashii Nebi Saalax
horaaddada dhiiban
hankeedu ma siiyey!


Tuducan waxaa lagaga baqay in hashii Nebi Saalax hebed lagu sheegay. Mar kale hadalku waa sawir faneed ee mas’alo diineed ma aha. Hasha Nebi Saalax waxaa laga sifaynayaa hal geel ah oo dhan oo hebed noqon karta. Abwaanku wuxuu dhihi kari lahaa ”hashii awowgay”.

Waxaas oo dhan ka dib waa nasiibxumo in aan Hadraawi suugaantiisa qaaliga ah ee uu burburinayo ka difaaco. Mushkiladdu isaga iyo suugaanta midna ma aha ee waa aragtida uu beryahan u garboduuban yahay. Dhanka kalena qodobkaas iyo sababayntiisu waa marka uu fekerka labada nin meesha ugu hoosaysa ku dhacayo, waayo waxay isku raacayaan arrintu in ay sidaas tahay. Waxay ka tarjumaysaa aragtida diiqadda ah ee wahaabiyada. Labada nin waxaa ku raran oo ay culayskeeda la kici kari la yihiin aragtidaas oo ah mid dadka ka dhigta cabsi- iyo argaggax-ku-nool, oo xayirta kartidooda feker iyo ficil. Waa aragti ku dhisan xukun degdeg ah iyo bandoo maskaxeed, oo dadka afkooda uun eegaysa, ereyga wadiiqadeeda ku carraabi waayana fantaynaysa.

Wahaabiyadu ma oggola adeegsiga khayaaliga iyo qurxinta nolosha ama dheehidda dunida. Ma aqoonsana halabuur ka baxsan allabari iyo wacdi; labadaas oo ay qudhooda u qoondaysay in ay maraan dhabbe uu beri maray nin lagu magacabi jiray Maxamed ibn Cabdulwahaab. Aragtidan waa mid yaab leh oo dadka nolosha ka baqe-eryaysa, kana wiswis gelinaysa. Waxay macnaha iyo maamuuska ka qaadaysaa hiddaha, dareen-wadaagga iyo guud ahaan waxa dadka dad ka dhigaya iyo dunta xariirta ah ee isu haysa, taas oo aan noqon karin cunto iyo cibaado keliya. Wahaabiyadu waxay burburinaysaa, xididdadana u siibaysaa, oo dabargoyn ku waddaa, fanka, halabuurka, cayaar dhaqameedda iyo guud ahaan waxa la kala hiddaysto la isuna hiddeeyo.

Waxaa lagu maahmaahaa “Meel aad madaxeeda tahay mijaheeda lama noqdo”. Run ahaantii Hadraawi sidii uu argaggax- ku-noole u noqday gacmaha ayuu ka taagtey in u difaaco waxyaalo badan oo waajib ka saarnaa. Maya ee wuxuuba noqday dubbe lagu burburiyo waxqabad ummadeed oo uu isaga qudhiisu door sharaf leh ku lahaa. Tusaale ahaan kalhore markii uu guclaha nabadeed Geyiga Soomaalida ku marayey ayey wahaabiyiintu afka u geliyeen weydiin jawaabteeda wadata oo ahayd bal sida uu u arko ruwaayadihii “fisqiga” ahaa ee dalka laga dhigi jiray iyo heesihii? Wuxuu ku jawaabay hadal u eg waxaasi in ay ahaayeen qudhun iyo qashin loo dullaysnaa oo laga baxayo amaba laga baxay!

Mar haddii la hubo aadamigi in aanu sida malaa’igta diinta oo qudh ah ku noolaan karin, weligeedna aan dunida meelna lagaga noolaan, ma habboon tahay in aan nolol adduunyeedda la dux- iyo muunad tirin, iyada oo isla markaa la moodayo in dux iyo muunad loo kordhinayo? Waa weydiin hor taal dadka ay ka midka yihiin Hadraawi iyo qoraagiisa Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

Maxamed Baashe dhaliilahaas faalsada ah ee aan jirin sababtooda wuxuu u cuskanayaa saddex qodob:

1) garasho la’aan halabuurka gees Marisa tubta ugu toosan.

2) hubsiino la’aan iyo degdeg maansoolaha ku keenta hogseeg.

3) halabuurka ujeeddaysan ee danaha gaarka ah laga leh yahay, ee ulakac hadba meeshii la doono loogu jaheeyo.

Dhaliilo jira

Maxamed Baashe inta uu cidladaas ina wadwado waxay ahayd iinta maansada Hadraawi ku jirtaa halka ay taal in uu inoogu geeyo. Waan hubaa taas in aanu ka gaabsan ee wuu ka ilduufay. Aniga ayaanse ka ilduufin kana gaabsanayn. Dhaliilaha runta ahi waa kuwan:

1) dibusocodnimo.

Maansada Hadraawi ee yaabka iyo quruxda badani waxay ku sifoobi kartaa dibusocodnimo. Ereyga “dibusocod" in kasta oo aan afka looga maarmin, haddana wuxuu abuuraa dareen xun oo ka soo jeeda sidii nuxurkiisa runta ah loo fadqalalleeyey ee macne lid ku ah loogu adeegsaday. Suugaanta Hadraawi waa dibusocod, sababta oo ah ma abuurto hiraal horena inooma erido. Marka laga reebo qaddar jacayl iyo waddaniyad ah xooggeedu waa laba mid uun: 1) qayb mucaarad ah – awood kasta oo dalka ama dunida ka jirta mucaarad ku ah. 2) qayb hiddaha, diinta iyo nolosha soomaalida ee dhaladka ah u hiilisa.

Qaybta hore waa loo garaabi karaa, waayo marxaladdan uu Hadraawi dunida ku nool yahay ayaa ah mid dulmi iyo dulli badan, dulmigaas iyo dulligaas oo ka soo burqanaya awoodda siyaasadda, dal iyo duniba. Laakiin waa mas’alada labaad ta ay dibusocodnimada Hadraawi ku jirtaa.

Sida ay taariikhdu ina barayso nolosha ummaduhu waa hayaan joogto ah oo aan habeendhax mooyee negaansho lahayn. Hakad kasta oo hayaankaas gala iyo jalleeco kasta oo dib la dhugtaa waa in ay ahaataa oo keliya uga tilmaan qaadashada geeddiga xiga. Waxay kale oo taariikhdu ina baraysaa dadku guud ahaan in ay jecel yihiin in ay meel iyo xaalad ay la qabsadeen ku negaadaan, taas oo dabadeed u soo jiidda habsaamid iyo dhagaxoobid. Laakiin bulsho walba oo nool waxaa ka soo dhex baxa shakhsiyaad feker toosan kuwaas oo aan raalli ku noqon xaaladda raalliga lagu yahay. Waa dadka keena fikradaha yaabka leh ee bilawga laga dido dabadeed haddii ay guulaystaan loo aayo.

Halabuurka soomaalida waxaa ku badan jaahiliin iyo damiin aan meel dheer wax ka arki karin amaba si qaldan wax u arkaya. Laakiin Hadraawi waa nin tacliin leh, isla markaa lagu xukumi karo nin maskax furan. Haddana wuxuu moodayaa in ay wanaagsan tahay bulshada in lagu hayo dhaqan dhintay iyo hidde abaaday. Halkii uu ummadda sahan u noqon lahaa, oo waxa ay haysato wax dhaama ugu baaqi lahaa, ayuu habeen iyo maalin xayaysiis iyo ammaan ugu wadaa geeldhaqasho iyo fardofuul, kala sarraynta qoyska iyo iskaga dayashada wax aan nafci lahayn.

Hadraawi halkii uu bulshada ku dhaliili lahaa hab- nololeedka gaboobay ayuuba iyada ka sii dambeeyaa. Waa taa sababta ay isaga iyo bulshadu marnaba isu diidi waayeen ee isu khilaafi waayeen, ee ay isu jecel yihiin. Waa taa sababta uu Hadraawi ugu eg yahay oday dhaqameed, ee marba cimaamad loo saarayo, geed walba oo uu tagna looga ducaysanayaa. Filosoof lagama ducaysto ee waa lala yaabaa.

Dibusocodnimada maansada Hadraawi weligeed waa ay soo jirtay, laakiin beryahan ayey ugu sii daran tahay. Wuxuu bilaabay in uu curiyo maanso wershadaynta iyo horumarka farsamada aad uga baqaysa, una hiloobaysa xoolo-dhaqasho iyo noloshii dabiicga ahayd. Bal eeg labadan beyd ee ”Dabohuwan” ku jira:

waxay dambas toomiyeen
rugtii digo loo yiqiin


Meel xoolo lagu dhaqan jiray (digo) haddii wershad laga dhiso (dambas) maxaa xumaaday? Noloshu sow ma socoto oo in ay horumar samayso ma aha? Haddiise ay aragtidaasi ka duulayso murtida ah “Aakhiro samaanka waxaa idiinku khayr badan ka buur dusheed riyo ku dhaqda”, riyahaasi iyo naftaaduba sow kaagama baahna awood aad ku difaacdid? Aadamiga kale miyuu kuu joojinayaa sow kaa tegi maayo? Oo markaa sow jiritaankaaga ka takhallusi maayo?

Dibusocodnimada iyo dhagaxoobidda dhaqan ee uu Hadraawi hormuudka inooga yahay Maxamed Baashi ku dhaliili maayo, ee sidii uu wahaabinimada isugu garab taagay ayuu tanna ugu garab taagan yahay. Sida ay isugu aragti dhow yihiin waxay inoo sababaysaa in aynu mararka qaar garan weyno kooda hadlaya ama fikraddu ka imanaysaa ka uu yahay. Taas aan inooga soo qaado tusaale yar oo ku jira faallada uu Maxamed Baashe ku cabbirayo aragtida Hadraawi ee ku saabsan sababihii burburkii dalka iyo dadka:

”Daarta duntay waa tii jidaysey in soddoh iyo inankii inanteeda qabey ay gudaheeda isa soo hor fadhiistaan, wax ku wada cunaan, ku dhex kaftamaan, ku wada murmaan, iskuna aflagaaddeeyaan.”

Waa yaab in la moodo Soomaaliya in ay u burburtay soddoh gurigii gabadheeda gashay, oo ninkii ay soddohda u ahayd meel wax kula cuntay ama la hadashay, ama la kaftantay, ama sida ay durufaha noloshu khasbayaan hadal ku khilaaftay. Maxay qiimo leh dahay in cuntada lala kala dhuunto sidii ay ceeb tahay? Soddog, soddoh, seeddi, dumaashi i w m oo ah isku qoys dadka isugu xiga, kuwaas oo ay dan iyo duruufi isbadday, oo aan sinaba u kala maarmin, isdhexgalkooda miyey tahay in waqtigan wax macno leh laga dhigo? Taa beddelkeedu sow ma aha kala qoqobnaan iyo kala faquuqnaan qoyska ku dhacda. Hadraawi iyo Maxamed Baashe ma waxay isku garab siinayaan maahmaahda liidata ee ah ”Soddohdii tidhi: ninkii aan soddohda u ahaa ayaa i dhirbaaxay, ee lagu yidhi: oo meesha ay dhirbaaxadiisu kaa soo gaadhey maxaa ku taagay?!” Ma aha oo keliya dhaqan gaboobay oo dulmiga haweenka loogu qiilbannaynayo, ee waa qoys mid ah oo la kala faquuqayo. Waxaa laga baqayaa casriga, waaga cusub iyo wax kasta oo waagu sido, xumaan iyo samaanba.

Si buuxda ayeynu u qiraynaa hab-nololeed qalaad oo la soo dhoofiyey in uu door ku lahaa burburkii akhlaaqeed ee bulshada, kaas oo dabadeed sababay burburkii dawladnimo. Laakiin taas waxay doodi ka furan tahay marka loo arko in ay ahayd waddo qaldan oo tii runta ahayd looga ambaday. Doodise kama furna marka la dhaliilayo sideedaba in meel la taagnaa laga dhaqaaqay. Isla markaa doodi kama furna marka lagu talinayo waddadaa qaldan intii la soo hayey in la’eg in maanta dib loo yaaco, oo lagu noqdo jabadkii qarni hore laga soo guuray.

Laakiin horta sideedaba noloshan loo ooyayo ee loo hilobayaa waa tuma? Ma mid la haystay oo luntay baa, mise waa mid la filayey oo iman weyday? Waxa la tebayaa ma tuldihii oommanaa dhacoodii iyo dhicintoodii baa, mise waa wax kale? Duni dhimatay, dabiici u dhimatay, oo aan soo noqonayn lana soo celin karin yaan loo hiloobin. Ma jirto cid dishay ee teedii ayaa dhammaatay. Haddii ay cidi dishay waxaa dilay isbeddelka iyo is-cusboonaynta dabeecadda khasabka ah. Jin iyo insi haddii ay isu tagaan ma joojin karaan socodka iyo isbeddelka nolosha.

2) Maagid.

Hadraawi haddii uu berigii hore hantigoosiga iyo reergalbeedka necbaa caayina jiray, dhaqandhaqale ahaan iyo hab-nololeed ahaan, maanta wuxuu caadaystay in uu dad ahaan u caayo. Laga soo bilaabo “Dabohuwan” wuxuu wadaa weerar aan kala go lahayn oo uu reer galbeedka dadnimada kaga saarayo. Xataa sida uu abwaanku carrabaabay haddii ay Charles Darwin iyo inta la aragtida ahi qabaan aadamigu in uu daayeer ka soo farcamay, taasi Hadraawi iyo cid kale toona u bannayn mayso in dad bani aadam ah daayeer iyo doofaar lagu sheego. Diinta Islaamka ee uu Hadraawi dooddiisa uga duulayo iyo xeerarka wada noolaanta dadka midkoodna ma oggola in cidda la dhaliilayo ama la mucaaradayo dadnimada laga saaro. Waa cunsuriyad, taas oo cidda ugu horraysa ee eedaysaa ay tahay kuwa tabarta yar, innaga. Bal ila arag nacdasha ololaysa ee uu Hadraawi dadkaa ku laba ganayo:

Daayeer nin ka soo farcamay

daayeerka waxaa ka yimid
waxaan dad habboon ahayn

doofaarrada aan gudnayn

diinlaawaha gaalku dhalay.

3) dheelli maanso.

Cidina Hadraawi ugama aqoon roona qaabdhismeedka maansada iyo tiirarka ay isku taagto. Haddana marka uu doono ogaan ayuu xeerarkaas u jebiyaa. Taasi waxay dhacday tiraba laba jeer oo ahaa laba maanso oo soo kala baxay laba waqti oo aad u kala fog, labadubana isku hab-dhac ah. Bal u fiirso tixda “Bulsho”:

bulshooy adigay bokhraday
beerkayga adaa gogladay
boggayga adaa huwaday
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura

Tuducaasi la miisaan ma aha labada beyd ee isa maansadaas tuducan u soo horreeya:

baxaalliga hawlahaaga
bidhaansiga waayahaagaa
bisaylkaba iigu wacan


Haddaba haddii ay khasab tahay in maansada Hadraawi dhaliilo laga raadiyo halkaas ayaa laga dayi karaa, ee kuma jirto weelka madhan ee uu Maxamed Baashe inagu hungeeyey.

Hal iyo halkiis: (Qof iyo fahamkiis)

hal ahaade
halnimadiisa
iyo halkiisa
hal ku ahaade
halnimadiisa
iyo halkiisa
hal ma ahaade
hal ka yeele
hal ku ahaade

hal abuure
hal ka abuure
halal ka abuure
sii halaleeye
kala hal yeele
hal ku abuure
hal ma abuure
halla ma abuure
hal ku ahaade

Waa ay fiicnayd Maxamed Baashe in uu carrabbaabay aragtida dadweynaha ee tixdaas kor ku xusan ku wajahan, taas oo noqotay argaggax iyo cabsi. Qofka caadiga ahi marka uu tixda akhriyo waxaa cabsi iyo argaggax ugu fila in Ilaahiisii weynaa ee abuuray laga hadlayo, oo weliba laga hadlayo jiritaankiisa, dabeecaddiisa, iyo rumayntiisa, isla markaa haddana aanu waxa la sheegayo wax badan ama waxbaba ka fahmayn. Taa waxaa ka daran xataa haddii ereyada macnahooda af soomaali ahaan lagu garto erey walba wuxuu yeelan karaa macnayaal isku liddi ahi. Markaa ereyada tixdu waa sida uu halabuurkeedu u macneeyo oo keliya, taasina waa dhibaato.

Maxamed Baashe aad ayuu isagu dayey in uu tixda furfuro oo fahamkeenna u soo dhoweeyo. Taasi waa ay ina caawisay, laakiin waxaynu u egaannay dadkii iyaga oo aan af carbeedka aqoon diinta loo tafsiiri jiray. Kollay anigu sidii aanan hore ugu qancin tixda in uu ku jiro nuxur dheeraad ahi ayaanan ugu qancin sheegashada Hadraawi ee ah in ay ka mid tahay kuwa maansadiisa ugu yool fog. Sidaa si la mid ah ayaanay i deeqin sharraxaadda dheer ee Maxamed Baashe. Ma lihi ”waa hadal la iska soo celceliyey” sida uu qoraagu dad kale ka soo xigtay, waxaanse qabaa: haddii ay tixdani qiimo badan leh dahay ma aha mid afshaxan iyo suugaaneed, ee waa mid falsafadeed. Waa isku day shakhsi uu Hadraawi ku doonayo in uu abuuro af gaar ah oo uu Ilaahay kula hadlo si uu u qaboojiyo naftiisa cabsida la gubanaysa ee oomman raadinta Eebbe. Taas ayaa isaga uga muhiimsan in uu inoo soo gudbiyo murti aynu la fahmi karno.

Haddii ay sidaas tahay, asuu Hadraawi doonayo in aynu wax aan meesha inooga muuqan la fahamno, xaalku kama duwana ”cilmi baaddinka” ay suufyadu sheegtaan ee ah in ay Qur’aanka iyo guud ahaan diinta ka fahmayaan wax aynaan ka fahmi karin. Kamase jawaabi karaan weydiinta ah: ”Sidee baan u rumaysanayaa in aad og tahay wax aanan kula ogayn asaadan i fahamsiin karin?” Halkaas ayey doodda suufiyadu ku burburtaa, ama cidda ka soo hor jeeddaa ku burburtaa. Waayo luqaddu waa waxa keliya ee la isku fahmo, garaadkuna waa waxa keliya ee wax lagu garto. Hadiise afka la isku fahmi waayo wuu macno beelayaa, caqliguna haddii wax la iskula garan waayo sidoo kale.

Maxamed Baashe isaga oo ka sii duulaya xogtaa cusub ee uu halabuurka ka helay ayuu aad isugu hawlay in uu murtida tixda ku qarsoon debadda keeno. Wuxuu inoo sheegay meerisyada tixdu in ay ku wada socdaan ereyga ”hal” oo aan mar keliya laga tegayn, taasina ay muujinayso qurux, aftahamo iyo hodantannimo luqadeed. Laakiin ereydada guud ee tixda ka muuqdaa sidaas ma aha umana dhowa. Maya ee run ahaantii wabaa tixda ugu saboolsan dhammaan maansada Hadraawi xagga ereyada.

Isku dayga tixdaas ku saabsan ee aan guulaysan waxaa ka mid ah qoraaga oo si uu mucjisada tixda ku qarsoon inoo dareensiiyo naf ka raadiyey in uu tilmaamo in ay ka kooban tahay 99 meeris, 11 tuduc, tuduc walibana ka kooban yahay 9 beyd. Tiradaas wuxuu ku cilmiyeeyey sagaal iyo sagaashanka magac ee Ilaahay. Oo markaa tirooyinka 11 iyo 9 iyagana maxaynu ku cilmiyeynaa? Ma kow iyo toban Qulhuwalle iyo sagaal Faataxo?

Tixda “Hal iyo halkiis” sida la doonaba ha loo fahmo, waxaanse hubaa in ay qayb ka tahay ololaha ba’an ee uu Hadraawi beryahan ugu jiro in uu helo waddo uu Ilaahay ugu dhowaado oo naftiisa ku xasiliyo.

Af soomaaliga

Sida la wada og yahay far soomaalidu weli ma ay sal dhigan, lamana dejin hab-qoraal la isku raacsan yahay oo raacisteeda qof walba ku khasban yahay. 

Dadaal kala gooni gooni ah ayaa ilaa maanta wax lagu wadaa, kaas oo mar lagu midoobo marna lagu kala tago. Meelaha sida daran loogu kala duwan yahay waxaa ka mid ah israacinta ereyada ama kala goyntooda. Marka ay laba erey oo la isku kabay erey cusub isku noqdaan ma xarriijin ayaa la isgu xidhayaa mise sidii erey caadi ah ayaa loo qorayaa? Arrintaas xeer kama yaal, aniguse inta badan, haddii aanu ereygu aad u dheerayn ama isku darkiisu qaabdarnayn, caadi ayaan u qoraa. Laakiin waxaa jira qorayaal xarriijimaha aad u adeegsada. Sidan dambe ayuu Maxamed Baashe X Xasan isaguna sameeyey. Aniga aragtidayda taasi qoraalka af soomaaliga waa ay foolxumaynaysaa, waxayna u bixinaysaa naanays ah ”Fartii xarriijimaha”.

Iyada oo ay taasi jirto ayaad haddana mooddaa Maxamed Baashe X Xasan
in uu adeegsiga xarriijimaha ka badbaadinayo, oo meelo aan looga baahnayn gelinayo. Tusaalahaas waxaa ka mid ah: Dibad-yaal, Daba-huwan, ibo-fur, bah- dil…

Ta ugu daran ee uu Maxamed Baashe ka ilduufay waa ereyada adag oo uga baahnaa in uu qeexid ku sameeyo. Aad ayey u badan yihiin ereyada suugaanta Hadraawi ku jira ee shaqadaas u baahani. Dadka soomaalidu waa in ay wada ogaadaan mar haddii aan qaamuus midaysan oo loo wada noqon karaa jirin in ay af soomaaliga gobollada ku kala baahsan lagu mideeyo in uu qoraa waliba macneeyo ereyada uu filayo in aan lala wada fahmi karin. 

Tusaale ahaan ereyga ”nuxuus” oo suugaanta Hadraawi ku jira asalkiisu waa carabi wadar u ah ”Naxas”. Gobollada waqooyi iyo kuwa galbeed ereygaas waxaa loo yaqaa ”dubuur”. Laakiin gobollada dhexe waxaa loo yaqaan wax shiiqsan, sida iftiin gamaarsan.

”Hal ka haleel” waa buug aayo leh oo taariikhda qoraalka soomaalida ku raagi doona. Qof kasta oo wax akhriska jecel waan kula talinayaa in uu akhriyo. Maxamed Baashe Xaaji Xasan isagana waan ugu hambalyeynaaa shaqadaas sharafta iyo xikasnimada badan.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.