Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Singub iyo dumistii Hargeysa |   | 

  Hordhac










   Maxamuud C/laahi "Singub"              Qorigii Singub                   Burburkii Hargeysa                          Ciidanka S/Land

           
    
    
    
     
Hargeysa In La Duqeeyo Way Habboonayd    Dib U laabo
    
     	Moxamed Cabdullahi Ciise "Sangub" markuu erayada kor ku xusan iyo gefaf
    kale ka yidhi kulankii loogu yaboohayey eedaysane Moxamed Cali Samatar lacag lagaga
    difaaco dembiyadii cuslaa ee uu ka galay dadka iyo dalka Somaliland xilligii
    dagaaladii sokeeye, siiba sannadkii 1988, kaas oo lagu  qabtay magaalada Minneapolis
    ee dalka Maraykanka 30kii bishii Janauary 2005, waxa uu marka horeba ahaa nin
    habowsan oo shirka khalad u tegay soona dhexgalay arrin ka dhaxaysa Somaliland iyo
    Somalia isagoo ku abtirsada Gobolka Somali Galbeed ee Itoobiya hoos yimaada kuna soo
    kacaamay magaalada Dhagaxbuur. Arrintiisu  waxay  la mid yahay nin ka tirsan
    Saxaaraha Galbeed ee Marooko gumaysato oo soo dhexgalay dhibaato ka dhextaagan
    Aljeeriya iyo Leebiya dabadeedna ku aflagaadeeyey ummad dhan, halkaasna waxaa ka cad
    inaanu Sangub weli aqoon dalkiisa.  Waxa uu ahaa nin isaga oo ka yimid Somali
    Galbeed sannadkii 1961 soo galay dalkii lagu magacaabijiray “Jamhuuriyadda
    Somalia” isagoo huwan magaca Somaliweyn dabadeedna Suugaanta Somalida aad ugu
    soo caan baxay.  Sangub waxaa shirka keentay caadifad qabiil isagoo u arkayey in
    Moxamed Cali Saamatar difaacayey Talis Daarood.
    
    Sida saxaafadda Somaliland soo werisay, Sangub waxa uu kulankaas dadweyne ka yidhi
    dhawr hadal oo si weyn ugu gefaya dadka Isaaqa si cadna u taageeraya xadhigii,
    dilkii, xasuuqii iyo burburintii uu Taliskii dhiig-yacabka ahaa ee Siyaad Barre kula
    kacay maatada, rayidka, magaalooyinka iyo tuulooyinka sannadihii u dhaxeeyey
    1982-1990, arrintaasuna waxay dhaawac weyn u geysatay sharafta abwaanimadiisa iyo
    dadnimadiisaba.  Bal aan halkan kaga jawaabo gefafka culus ee laga soo weriyay
    Moxamed Cabdullahi "Sangub."
    
    SANGUB:  DACWADA MOXAMED CALI SAMATAR WAXAA WATA KOOX YAR OO HORENA
    SOMALINIMADII U DIIDAY  ISLA MARKAANA AAN TEGIN SHIRARKA DADKA LAGU
    HESHIISIIYO.
    JAWAAB:  Sangubow arrinta shirarka iyo waxa lagu magacaabo midnimada waa dagaal
    siyaasadeed oo ka dhex oogan Somaliland iyo Somalia mana kusayso dadyowga Jabuuti,
    N.F.D, iyo Somali Galbeed oo aad adigu ka soo jeeddo, wax door ahna kuma lihid
    kamana hadlikartid waayo waxaad weli ku hoos nooshahay gumeysi, nin la gumaystana
    wax kama sheegikaro dad iyo dal xor ah.  waxa kaliya ee kula gudboon waa wax ka
    xoraynta dalka aad wax ka degtid si aad u geydo ka qaybgalka iyo ka hadalka shirarka
    aad sheegtay.  Waxaad la caqli tahay kuwa ka yimid Qabridaharre iyo Dhagaxbuur ee
    xubnaha ka ah maanta waxa lagu magacaabo “Baarlamaanka Federaalka
    Somalia” oo aan Somalia ku lahayn degaan laga soo doorto mustaqbalka waqtiguna
    ku celindoono Somali Galbeed.  Ogaadeenka dega Afmadow iyo Badhaadhe ayuunbaa xaq u
    leh inay ka qaybgalaan Baarlamaanka Somalia maadaama ay wax ka degaan Somalia kuna
    leeyihiin degaan laga soo doorto.
    
    Somalinimada ama Somaliweynta aad tidhi Isaaq ayaa halisgeliyey maaha mid beeshaada
    wax ka degta Somali Galbeed keentay ama u soo halgantay, adigoo weli gumeysi ku
    hoos-noolna la garanmaayo waxaad ku soo biirinlahayd Somalinimada iyo midnimada ay
    isku hayaan dadka xorta ah.  Dadkii u soo halgamay isla markaana hirgashay dhalinta
    Somaliweynta iyo midnimada, beeshaadu qaybta weyn ka qaadatay burburintooda iyadoo
    qaxooti ah markii ay la safatay Taliskii Siyaad Barre iyo Somalia, waa dadka aad
    kulankaas ka dhex tidhi waxay istaahileen in la xasuuqo, magaalooyinkoodana la
    burburiyo.  Sidaas darteed, Somalinimadu ama Somaliweynimadu dhab kaama aha ee
    waxaad weli raadinaysaa xukunkii iyo hanti-boobkii Somaliland iyo Somalia ee
    Absamaha Somali Galbeed, siiba beeshaada Ogaadeenku ku waaliftay xilligii Taliskii
    Siyaad Barre oo qabiil ahaan loo majarahabaabiyey dawladnimadii Jamhuuriyaddii la
    odhan jiray Somalia ee ka dhaxaysay dadka Somaliland iyo Somalia oo qudha.  Waxaad
    ka mid tahay dadka aaminsan figradda ah in haddii qofku Somali yahay aan laga xigin
    5ta Somaliyeed (Somaliland, Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, iyo Gobolka Somaliyeed
    ee Waqooyi Bari Kenya) iyada oo cudurdaar laga dhiganayo in Somalidu wadaagto
    dhaqan, diin, iyo af sidaas awgeedna qofka “Somaliga” ah marba midka uu
    rabo degikaro, ka shaqaysankaro, wax ka xukumikaro, barwaaqadiisana ka qaybgelikaro.
    
    
    Figraddaasu waa halis waayo waxay horseedaysaa fawdo muujinaysa dal iyo dawladnimo
    aan la kala lahayn iyo qaran aan summad lahayn.  Arrintan oo jirijirtay xilligii
    Taliskii Siyaad Barre waa tii u suurtogelisay in qaxootigii Absamaha, siiba
    Ogaadeenka Somali Galbeed, laga dhigo wadani, wadanigiina laga dhigo qaxooti, waa
    siyaasaddii Daaroodiisamka ku dhisnayd ee suurtogelisay in qaxootigaas loo oggolaado
    inay  si sharcidarro ah ku soo galaan, degaan, shaqaystaan, waxna ka xukumaan dalkii
    la odhanjiray  “Jamhuuriyadda Somalia”  lagana fadilo dadkii dalka lahaa
    ee xoraystay lagana dhigo xubno gole sare, baarlamaan, wasiirro, janano, taliyayaal,
    iyo guddoomiyaal gobollo iyo degmooyin halka wadannigiina laga dhigay qaxooti aan
    xuquuq lahayn.  Tusaale haddaan u soo qaato dhawr, waxaa la yaab lahaa in Moxamed
    Cumar Cosman (Taliyihii Ciidanka Badda Somaliyeed), Bile Rafle Guuleed
    (Guddoomiyihii Togdheer iyo W/Galbeed), Cabdiwahaab Moxamed Xuseen (Taliyihii
    Ciidanka Guulwadayaasha Ummadda), iyo Siyaad Daa`uud (Taliyihii Qaybta 26 aad) oo
    afartuba  ahaa qaxootigii ka yimid Somali Galbeed, iyo  Aden Gabyow (Wasiirkii
    Gashaandhigga Somalia) oo isna ahaa qaxooti ka yimnid Gobolka Waqooyi Bari Kenya) oo
    inta darajo weyn iyo jagooyin sare  oo aanay xaq u lahayn lagana boobay dadkii dalka
    lahaa lagu taxay dabadeedna dhibaatooyin laxaad leh u geystay ummaddii dalka lahayd.
     Sangubow waa taas waxa aad weyday ee ku gubaya, Somaliweynimada aad ku soo
    gabbatidna waxaad ku raadinayaa in beeshaada Somali Galbeed ku degto, xukunto, kuna
    boobto hantida dal iyo dad aanay u dhalan.  Somalidu waxay ku maahmaahdaa,
    “Ninka aan quus aqoon, naftiisa quus ah.”  Dadyowga Somaliland iyo
    Somalia waa ka tashadeen inaan qaxooti dambe u xukumin dhulkooda kuna tagrifalin ee
    Sangubow iimaanso Qabridaharre iyo Dhagaxbuur.  Wax la aqbalikaro maaha inaad
    dalkiinna ka soo yaacdaan si aad u xukuntaan dalal iyo dadyow aydaan u dhalan
    (Somaliland iyo Somalia).  Iyaduna macquul maaha in qaybta qabiil ka degta dal ay ku
    soo gabbadaan qaybaha kale ee isla qabiilkaas ka deggan dalalka ku hareeraysan.
    Afrika ama dunidaba qabiil kasta waxa uu kala degganyahay dhawr dal, qaybkastana
    waxay dhulka, dawladnimada, waajibaadka, iyo xuquuqda la wadaagtaa dalka ay
    deggantahay, xuduudiisa qaranimana ku jirto.
    
    Somalidu haddii ay ku fashilantay inay 5ta Somaliyeed isu keento ama dawladnimo si
    caadil ah u  wadaagto waa inay kala madaxbanaanaato si ay u kala badbaado.  Somalidu
    kama duwana 18ka dal ee Carbeed oo isku diin, dhaqan, iyo af ah, laakiin ku
    heshiinwaayey inay midoobaan,  midkastana gaar u leeyahay qaranimadiisa iyo
    dawladnimadiisa, inta kalena ku soo galaan kuna joogaan si  sharci ah iyaga oo aan
    faragelin siyaasaddda iyo xukunka dalka ay joogaan.  Sidaas oo kale ayaa 5ta
    Somaliyeed loo kala leeyahay mid kastana sharci kuwa kale ku soo gelikaraan.
    
    SANGUB:   KUWA WAX DACWEYNAYAA WAA YACDII.
    JAWAAB:  Gefkaa foosha xun macnihiisu waxa weeye Cali Samatar waxa dacweynaya waa
    Isaaq, Isaaqna waa yac.  Waa nasiibdarro weyn in nin isku sheegaya abwaan uu si
    foolxun ugu gefo ummadd dhan oo ka duwan laba qof oo inta wax dhexmaraan waxay
    rabaan ku wada hadla.  Aqoontu waa shay qiimo leh waayo qofka waxay ka ilaalisaa
    xad-gudubka intaas le`eg waxayna bartaa xushmaynta, adaabta, iyo qiimaynta.  Waxaa
    halkaas ka cad in Sangub yahay geeljire abwaan ah oo aan garanayn miisaanka qadafka
    ama gefka uu samaynayo.
    
    SANGUB:  WAY HABBOONAYD IN HARGEYSA LA DUQEEYO OO LAGA SAARO KUWA
             QARANKA DUMINAYA.
    JAWAAB:  erayadan waxa loo fasirikaraa way habboonayd in la xasuuqo maatada iyo
    rayidka Isaaq,
    magaalooyinkooda iyo tuulooyinkoodana la burburiyo si dhulkooda loo dejiyo
    Ogaadeenka waayo waxay ka horyimaadeen oo ridayeen xukun Daarood.  Sangub waxa uu u
    dhashay Beesha Ogaadeenka taas oo 30kii sano ee Israac-ku -sheegga (1960-1990)
    iyadoo habaqle ah, ilmaha iyo calalka dusha ku sidatana ku soo qulqulaysay dhulka
    Isaaqu dego ee Somaliland iyaga oo sheeganaya in gumeysi dabada ka wado, soo
    barakicii ugu weynaana socday intii u dhaxaysay 1978-1988.  Mudadaas dheer  dadka
    Isaaqu waxay soo dhaweeyeen qaxootigii Ogaadeenka waxayna u oggolaadeen inay
    dhulkooda ku nabadgalaan, waxaana loogu deeqijiray degaan, cunto, weel, caano, dhar,
    xaabo iwm.  Markii SNM dagaalka ku qaadday dulmigii, tacadii, iyo
    dawladnimo-duudsigii uu Taliskii Siyaad Barre ku hayey dadka Somaliland, siiba
    Isaaqa, madaxdii iyo odayadii qaxootiga Absamaha ee Somali Galbeed, siiba
    Ogaadeenka, oo xoogooda la dejiyay duleedka Hargeysa iyo Berbera way illaaween
    abaalkii loo galay 30kii sano waxayna ku fashilmeen inay fahmaan dhibaatooyinkii
    cuslaa ee Isaaqu ka dagaalamayey, oo haddii aanay la safanayn ay arrinta ka ahaadaan
    dhexdhexaad maadaama mustaqbalkana laysu baahankaro.  Inta caadifad Daaroodiisam
    madaxmartay ayay madaxdoodii iyo odayadoodiiba hubeeyeen jabhadoodii iyo
    qaxootigoodii kuna jeediyeen maatadii iyo rayidkii Isaaqa qaybweyna ka qaateen
    xasuuqii iyo qaxintii dadka iyo burburintii magaalooyinka iyaga oo lagu
    dagaalgeliyey in Isaaqa laga dhigayo wax la qaxiyo iyo wax la tirtiro dabadeedna
    iyaga la dejinayo dhulkooda.  Markaas Sangubow waa nasiibdarro in Isaaqa oo weligood
    soo dhaweynjiray qaxootiga Ogaadeenka abaal weyna u galay taariikhda aad maanta
    taageerto xasuuqii iyo burburkii loo geystay, kulase yaabi maayo waayo tolkaa ayaa
    abaalkaas dheer ku wacadfuray, waase arrin  la ogaaday oo aydaan mar dambe ugu soo
    gabbandoonin Somaliland  magac Somaliweyn mustaqbalka, dib-dambana la idiinku
    martigelindoonin.  Sangubow Taliskii Siyaad Barre ee dhiig-yacabka ahaa iyo kuwii u
    adeegayey ayaa ahaa qaran-dumis, SNM iyo shacabkii taageersanaa waxay dalka iyo
    dadka ka badbaadinayeen qaran-dumisnimadaas,
    Eebbana waa ku guulleysiiyay xaqii ay ku dirirayeen.
    
    SANGUB:   WAXBA LA IGAMA QAADIKARO OO TOL XOOGAN AYAAN KA DHASHAY.
    JAWAAB:  Waxaa lagu maahmaahaa,"Nin is faanshay waa ri` is-nuugtay"
    Sangubow Ogaadeenka aad ku faanayso farihiisa ma dego Somaliland iyo Jabuuti midna,
    Somalia waxaad ka degtaan tuulooyinka Afmadow iyo Badhaadhe, Somali Galbeed waxaad
    ka degtaan tuuloweynta Qabridaharre, Dhagaxbuur iyo Godey oo la idinla wadaago,
    N.F.D waxaad ka degtaan tuuloweynta Gaarisa ee sidaas ula soco haddii aadan aqoon
    degaankaaga.   Faankaagu waxa uu la mid yahay faankii Majeerteenka ee 80ka sano ku
    xukumayey Hawiye weedha beenta ah ee ahayd, “Majeerteen iyo Madax-madow ayaa
    is le`eg.; Dabadeedna inta Majeerteen aasaasay jabhad lagu magacaabo SSDF
    sannadkii 1979, oo ka soo horjeeday Taliskii Siyaad Barre, aakhirataankii isu
    dhiibtay Taliskaas markii ay tuulo qabsankariweyday, beeshoodii la baaba`shayna ku
    hungowday.
    
    Dagaaladii Sokeeye ee Somalida ka dhexdhacay waxay kashifeen tirada faanka ku dhisan
    ee Ogaadeen iyo Majeerteen waxayna muujiyeen inay yihiin laba qabiil oo caadi ah
    lana mid ah beelaha kale.  Sannadkii 1988 oo SNM duulaanka ku qaadday dulmigii ku
    jiray daaraha Hargeysa iyo Burco ayaa waxaan maqlijiray Ogaadeenka Mogadishu joogay
    oo yidhaahda, "Iidoor! awowgiin la gub!, caqlixumaa! waxay la tahay inay
    ridikarayaan Kacaanka ee 10ka milyan ee Ogaadeen difaacayso".  Dadka ku hadla
    Af Somaliga ee degan Geeska Afrika waxaa tiradooda lagu tilmaamaa 9-10 milyan
    markaas 5ta Somaliyeed oo dhami ma Ogaadeenbaa?  Sangubow waxaad kulankaas ka
    caddaysay inaad adiga iyo kuwa waxaas ku hadaaqijiray isku caqli tihiin markii aad
    qabiil-ku-faan maciin mooday adiga oo isku sheegaya abwaan Somaliyeed.
    Kacaan-ku-sheeggii aad difaacaysay waadigii intaad tidhi "Ibixiyow ibixi" kaga
    cararay Xamar iyo Hargeysa, neef-kudisna ku galay Qabridaharre, Dhagaxbuur, iyo
    Gaarisa, xageebuu jiray tolkaaga xooggan ee aad Isaaq ugu faanaysid maanta?  Miyaad
    illowday markii shalay Cali Dhuux tolkaa ku lahaa:
    
         Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye
         Loo diid Dannoodiyo hadduu, degi lahaa Ciide
         Niman baa dalkoodi xukuma, labada daaroode
    
    Ogaadeenka maanta joogaa kama duwana ka maalintaas joogay oo lama oga meel intaad ku
    xorrowdeen aad ku samaysateen gantaallo ku jeeda Isaaq.  Ogaadeen iyo Majeerteen oo
    si gaar ah dembiyo culus uga galay dadka Isaaqa xilligii dagaaladii sokeeye ayaa
    maantana ugu af xun, waxaase lagu maahmaahaa, "Af xumo nabadna waa kaa geysaa
    colaadna wax kaagama tarto."
    
    Midna waxaan leeyahay Cali Khaliif Gallaydh.  Caliyow markaad tusaale u soo qaadatay
    colaadii koobnayd ee  dhexmartay qaar ka mid ah beelaha Isaaqa sannadkii 1992,
    beelo weligoodba waa is-dilijireen waxaana lagu dhammaynjiray xeer iyo dhaqan kamana
    duwana beelaha Daaroodka ee maalin kasta isku laaya Somaalia siiba Kismaayo. Arrinta
    Cali Samatar loo haystaa waa dawlad dadkii ay ka mas`uulka ahayd ee rayidka ahaa
    xasuuqday, barakicisay islmarkaana magaalooyinkoodii burburisay iyada oo
    adeegsanaysa qabiil. Arrintu waa dembiyo culus oo aadanaha laga galay oo leh
    markhaatiyo iyo caddaymo aan la dafirikarin sida: dad, Filimo, qoraallo, sawirro,
    buugag iwm, waana waajib in ciddii geysatay dembiyada noocaas ah, cid kastaba ha
    noqdeenee, cadaaladda la horkeeno.
    
    Sangubow waxaan kugula talinlahaa inaad si deg deg ah meel fagaaro ah kaga noqdo
    hadalladii gefka culus ahaa ee aad kulankaas ugu geystay dadweynaha Isaaqa, kana
    raalligeliso, cafisna weydiisato si aad u badbaadisid sharaftaada abwaanimo iyo
    dadnimo.
    Haddii Sangub taladan diido kuna adkaysto cadaawadaas foosha-xun ee uu u hayo dadka
    Isaaqa, waxaan markaas u soo jeedinayaa dadka Isaaqa:
    1-  In Sangub laga xayuubiyo sharafta abwaanimo.
    2-  In dadka Isaaqa ee ku nool dalka Somaliland
        gudihiisa iyo dibediisaba ay gubaan dhammaan
        cajaladaha ay haystaan ee ay ku duubanyihiin
        heesaha, gabayada, riwaayadaha, majaajilooyinka
        iwm ee Sangub maadaama uu taageeray siyaasaddii
        la rabay in lagu dabargooyo.
    3-  In Dalka Somaliland laga mamnuuco Sangub iyo
       suugaantiisaba mustaqbalka.
    
    Qore: Ibrahim Hassan Gagale
    Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
    February 5, 2005.
    
    Soo bandhige: Fu,aad Sh.
                  Bahda Mareegta Farshaxan
    
    	   
    	   

    Xigasho: somaliland poets



    Soo saxa soona dhameeya


      - 

SANGUBOOW HADII DURIYADU YAC NOQOTAY,
DUGAAGU MUXUU NOQONAYAA?
  Dib U laabo
    
    Waxa naga yaabiyey hadalada ka soo yeedhay Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed
    ee weliba aanu moodaynay in uu sharaf nin leh oo xididka qadarin yaqaan uu
    yahay. Waxa fajac iyo afkalaqaad noqday waxa uu ku tilmaamay Reer Sheekh
    isaxaaq, iyo ereyada uu quudhay ee afkiisa ka soo baxay. Waa yaabe toloow
    Odaygu miyuu si-kalaysnaa?
    
    Goobta uu duqu ka dhawaaqay ayaa iyaduna layaab lahayd. Dadka meesha isku soo urursaday
    maxay doonayeen? maxay diidayeen? yey u hadlayeen? yeyse ka hadlayeen?. Waxan
    moodayey in eedaysanaha loo haysto ku tumasho xuquuq bini-aadmi. Waxaan moodayey
    in ninka la eedeeyey qareemo u dooda leeyahay, hadii aanu dambiga loo haysto
    lahayna maxkamadu cadayn doonto. Mar hadii xaal sidaa yahay maxaa keenay is-urursi,
    is-gaashaanbuuraysi, iyo isu-oorin?
    
    Fajac kale iyana waxa ahayd dadka meesha iskugu yimi ee eeda ka leexiya isleh
    gacan-ku-dhiigle loo haysto umad Islaam ah oo uu gumaadkeeda ka qaybqaatay.
    Waxa layaab lahayd muuqashada uu Cali Khaliif Galaydh ka soo muuqday meesha wadhidu
    ka socotay. Sidoo kale waxa layaab lahaa dumarka iyo maxasta meesha lagu soo ururiyey,
    iyo weliba hadalada qoomaya nabarada dahaadhan ee hoosta ka ololaya. Reer Sheekh
    isaxaaq meel ay joogaanba waxa ay arrintani ku noqotay qaadan-waa. Hayeeshee,
    haatan iyo dan ninkaan ogayn ha loo sheego in dhiilo guntan tahay, warmo afbeelayna
    la soo beegsanaayo. Hadii uu rumaysan waayona haloogu dhaarto!.
    
    Cali Samatar iyo gacan-ku-dhiiglayaasha kale ee dhiig Islaam galayoow kollaba badbaadi
    maysaan,ha dheeraato ama ha dhawaatee masiirkiino waa hoog. Intii iimaan leh ee
    Islaamnimada meel uun ka beegsataa xaqiiqdaasi waa yaqiinsan yihiin, kii jeestay ee
    kufriyeyna loo sheegi maayo. Ilaahay agtiisa nafta muslimka ahi waxay ka culustay cirka
    iyo dhulka iyo inta ku dhexjirta oo la isku daray. Cali Samatar miyaanu ahayn kii qirtay
    in uu isagu amray in Hargeysa iyo Burco bambooyin lagu baabiiyo?..... raganimadii uu
    maalintaasi ku qaatay go'aankaa isaga ah, muxuu maantana ugu qiran laayahay dunuubta
    Rabi agtiisa laga ogyahay een kolayto ku sugaaya meel uu garanaayo?. Waxa hoogay ninkii
    umad muslimiin ah oo maati ah oo aan waxba galabsan kibir kula kacay ee qudhoodii
    gooyey, xoolahiidii dhacay, karaamadoodiina wiiqay.
    
    Taa hadii aan halkaa ku dhaafo, horto Soomaali iyo aduunyaduba waa ogtahay gobnimada
    reer Sheekh isaxaaq. Gun Alaa nacaye waxaa YAC ah ninkii fijaankii hilbo geedo leh
    lagu siiyey ku xaaray. Sanguboow "THANK YOU" -dii ay reer Sheekhisaxaaq kaa sugayeen
    ma taasay noqotay?.
    Wallee YAC adigaa ah, YEY adigaa ah, YOC adigaa ah. Waxa hore loo yidhi: "ciirtaa
    dhamaa,caydaa yaqaan". Duriyada waad ku geftay, waadse seegi doontaa. Haatan iyo dan
    GOBTII hadii aad YAC ku sheegtay, GUNTANA maxaad ku sheegi lahayd?
    
    
    Samsam I. Samatar
    
    PhD Candidate and Math. Scientist
    
    Stockholm, Sweden
    
    samsam_sweden@yahoo.se
    Feb/06/05
    
    Soo bandhige: Fu,aad Sh.
                  Bahda Mareegta Farshaxan
    
     
SANGUBOOW ayaa dilay CABDI IIDAAN iyo AXMED GAACAYTE iyo marxuumyo
kale oo badan(alla ha u naxariistee)??
  Dib U laabo
    
     " Sanguboow Danbiilaad tahayee ma adigaa DANBIILE kale difaaci kara" doqoni
       xadhkaha lagu xidhayo xusulada ayaa ay ku sidataa''..
    
     Alla naxariistii jano ha siiyo ee Abwaankii waynaa ee CABDI IIDAAN iyo Fanaankii
     waynaa ee AXMED  GAACAYTE,oo labaduba ahaa laba nin oo ka muuqda,Fanka iyo suugaanta,
    waxa ay labaduba ku dhinteen Gacan  Cadaawe,su aashuse waxa ay tahay maxaa uu ka ogaa
    SANGUB dilka nimankaa?qaybse ma ku lahaa??? jawaabtu  waa SANGUB wax waa ka ogaa oo
    qaybta ugu wayn isaga ayaa lahaa.
    
     Hadii aan kala saaro labada Marxuum,CABDI IIDAAN iyo AXMED GAACAYTE(alla ha u naxariistee),
     oo aan midba wax yar ka sheego sida uu ahaa iyo dilkoodii ,iyo SANGUB doorka uu ka ciyaaray.
     uus-aaskoodii,waxa ay ahayd sidan hoos ku qoran.-
    
    1.CABDI  IIDAAN waxa  uu ahaa alla ha  u naxariistee nin reer hargaysa  ah,waxa uu
      ahaa nin ka mid ahaa ragii  u soo  halgamay gobanimadii ex-somalia,waxa uu ahaa
      nin alla ku manaystay Hal abuurka oo heerka kowaad  kaga jiray,suugaanta soomaaliyeed,
      ninkaasi oo ahaa ninkii 1960, sameeyay gabaygii calanka ee ku guulaystay  kaalinta
      kowaad.CABD IIDAAN  waxa uu ahaa nin gabayadiisu ay yihiin qaar marwalba u halgama
      bulsha    waynta   soomaaliyeed,sidii uu ugu  dagaalami jiray  Gobanimadoonkii ayaa
      uu   markii gobanimada la qaatayna  ugu halgami jiray  inay hesho umada soomaaliyeed,
      dawlad xaq ah oo ka shaqaysa danta dalka iyo dadka.Cabdi  iidaan  waxa uu  ahaa nin
      aad ugu  xeel dheer samaynta  gabayada oo  aan cidi ku hawaysan jiray.waxa  uu  ahaa
      nin  ilaahay ugu deeqay  sad bursiimona  ku siiyay curinta  gabayo tayo iyo culays
      miisaan leh ah,oo aan marnaba duugoobin.
    
    Cabdi Iidaan waxa uu ahaa nin afkiisa ugu hiilaya dan yarta,oo ku iftiimaya had iyo goor
    meelaha  madmadoowgu ku jira,isaga oo si xeel dheer oo qiimo leh,u tusi jiray dadka halka
    ay maamuladii wadankii  ex-somaliya soo maray dalabta ka lahaayeen,ha ugu daraato maamul
    ku sheegii qabiilka ahaa ee SIYAAD  BARE,oo isagu ku caan baxay,qabiil iyo qaran biis,
    maamulkii uu hogaanka u ahaa siyaad bare oo ahaa,mid  ay qabiil gaar ahi lahaayeen oo ay
    dantood qabiilnimo ku fushan jireen,iyaaga oo xoolahii ama maalkii  dalka si qabiilnimo
    ugu tagri fali jiray,oo awoodii iyo karaamadii qaranku lahaa si qabiilnimo u  adeegsan
    jiray,oo ka dhigay qarankii soomaaliyeed hanti dhaxal ah oo uu qabiil keli ahi gaar u
    leeyahay,ayaa waxa uu Marxuun Cabdi Iidaan ku jiray sidii caadada u ahayd ABWAANADII ay
    DAMAQDAY ee u  adkaysan kari waayay dulmigii lagu hayay dadka soomaaliyeed iyo sidii
    cawaannimada qaawan ahayd ee ay  qabiil kali ahi u bililiqaysteen DHAXALKII GOBANIMADII
     UMADDA SOOMALIYEED EE KALE U SOO HALGANTAY.
    
    Waxa ay abwaanadaasi uu Cabdi Iidaan ku jiray,bilaabeen inay gabayo xaq u dirir ah oo dulmi
    diid ah  tiriyaan,gabayadaasi oo ay kaga soo horjeedeen,xaq daradaa lagu hayay dalkii iyo
    dadkii,waxa ka mid  ahaa gabayadaa lagu diidanaa dawlad ku sheegtii qabiilka gaarka ah u
    adeegi jirtay oo badnaa,gabayo  silsilad noqday oo ay ka mid ahaayeen silsiladii SIINLAY
    iyo DEELAY,oo ay ku kala roganayeen,abwaano  DULMIGA IYO XAQ DARADA KA DHIIDHIYAYA iyo QAAR
    si qabiilnimo oo indho-la oo aad u garasho gaaban u  difaacayay dawlad ku sheegtii qabiilka
    ahayd ee siyaad bare.
    
    Marxuum cabdi iidaan waxa uu ka mid ahaa dadkii waranka galka ka saaray,ee xaq u dirirka ahaa
    ee danta  dadka iyo dalka u halgamayay,Cabdi iidaan waxa uu ku jiray oo ka qayb galay
    Silsiladii DEELAY,oo uu ku  ganay madaafiic culculs,isaga oo markii danbena ee uu arkay in
    Deelay cid kasta oo gabay-yare  ahiba(afarleh)isku soo tuurayso ama soo gabyayso,xidhay
    DEELAYDII oo bilaabay SHIINLAY,si ay ragu u  kala hadhaan oo alif-yari iskaga hadho, oo nin
    is huba oo kali ahi u gabyi karo.abwaanku waxa uu  tiriyay Gabaygii ugu horeeyay ee
    SHIINLEYDA  ahaa oo ay ku jireen erayodani,-
    
    
     Kolkii midho-yare wada shuq yidhi,shidantay deellay-e
    
     shinbir dharabtu meel aar fadhiyo,shuuqa kama dayne
    
     Sha-dii baan hayaanka u rarayiyo,shaanbis geedigeh
    
     Shaabuugga nadigaa tixyare,sheexa ka lahaane.
    
     Afaray ha lala soo shirtago,shoolo booliyahe
    
     Halkaasaa sengaha noo sharaxan,shaalka loo sudhiye.
    
     Shafshafaha duxda ah leefihii,cid u shaqaynaayay.
    
     Iyo shurunshur malagiisu galay,ha isa soo shubo-e
    
     Shil ma qabe tixdaan Gaariyoow,shiinka ka steeyay.
    
     Ama geenyadaan xalay shiragay,shalaw abaarkeeda.
    
     Meeshaan shakabaada ugu xidhay,sheeg hadaad garato.
    
     ^^^^ sheeg hadaad gaarato.(ya salaaaaam)waxaasaa gabay ah^^^^
    
    
    Sidii uu sheegayay ayaa ay u dhacday,oo midho-yarihii dawlad ku sheegta difaacayay,
    wuu gali kari  waayay(marka horeba dasado madhan ayaa ay tumayeene).Abwaanka waxa ay
    u qaadeen Colaad ka wayn tii ay  hore ugu qabeen,markii ay caabiyi kari waayeen,kuwii
    dawlad ku sheegta difaacayay,oo uu ku jiray  SANGUB,dabadeed waxa au maamulkii umulo
    dooxa ahaa iyo kuwii ay adeegsan jireen dileen MARXUUM CABDI  IIDAAN.alla ha u
    naxariistee.
    
    Hadaba su'aashu waxa ay tahay SANGUB ma ku jiray kuwii dilkaa sida ay doontaba ha
    ahaatee WAX KA  QORSHEEYAY?? jawaabtu waa haaaa.oo si uu ugu jirayba waa ku jiray.
    
    SANGUB,waxa uu ka mid ahaa,kuwii colka kula ahaa Marxuum CABDI IIDAAN dagaalkii
    suugaanta,sangub waxa  kale oo uu ahaa kuwii dawlad ku sheegtii qabiilka ahayd gar
    iyo gardaroba ku difaacayay ee cid kasta oo  ka hor timaada,ama wax ka sheegta ku
    colaadinayay,waxa hadaba dhab ah,mar hadii uu marxuum Cabdi iidaan  ahaa,nin abwaan
    wayn ah oo ilaahay ku manaystay hal abuurnimo iyo aragti dheeri,oo ay kuwii uu ku
    sheegay abwaanku'' shashafo leefeyaal" sida SANGUB oo kale,ay difaaci kari waayeen,
    in ay yidhaahdeen ha  la khaarajiyo aan ka raysano Warmaha adag ee marxuum CABDI
    IIDAAN ee aan gaashaan loo hayne.
    
    Hadii aanay Sangub iyo kuwii kale ee shishifo leefayaashu aanay gacan toos ah ku
    lahayn,waxa dhab ah  inay MIDIDA U AG DHIGEEN ama colaada loo qabay abwaanka
    abuuristeeda gacan wayn ku lahaayeen.Hadase  marka aan eego falalka uu ku kacay
    SANGUB,sida dirayskii milatariga iyo qorigii ak47 ee uu sitay 1988  dagaalkii
    hargeysa,iyo hadaladan kale ee ah in Hargeysa la dukheeyaa waa haboonayd.iyo garashadii
    siisay inuu gabayo ku difaaco taliskii qabiilka ah isaga oo sheeganaya inuu yahay nin
    abwaan ah,waxa  dhab ah,inaanu ka FARA LA-AYN.DILKAA iyo kuwa kaleba.
    
    2.Marxuum Axmed Gaacayte oo ahaa alla ha u naxariistee,Fanaan dhab ah oo hibo alla u
    siiyay luuq  baxsan,waliba ku ahaa khabiir laxan saarka heesaha,ayaa isna waxa uu ka
    mid yahay marxuumyada ka badan  100.000 ee ku dhintay gacantii dawlad ku sheegtii uu
    hogaanka u hayay,gacan ku dhiigle Siyaad Bare.
    
    Dawlad ku sheegtaa oo ahayd midii ay ku difaaci jireen reernimada SANGUB iyo kuwii kale
    ee ay isku  haybta ahaayeen.Sida la ogyahay waxa uu AXMED GAACAYTE ka mid ahaa dadkii
    shacabka ahaa ee aan  hubaysnayn ee Hargeysa lagu dilay,hadaba waxa ay su-aashu tahay,
    ma ka qayb qaatay SANGUB dilkii  Fanaankaa,AXMED GAACAYTE?? jawaabtu waa haa.waayo?
    
    SANGUB.waxa uu ka mid ahaa dadkii markii ay SNM soo gashay qoriga qaatay,ee toos ula
    soo saftay,maamulkii qabiilka ahaa ee uu markii horeba afka ku difaacayay,waxa SANGUB
    iyo ninka kale ee la  yidhaa AXMED CALI CIGAAL.ay labaduba xidheen(labisteen)
    TUUTAHII ASKARTA iyaga oo QORYO AK47 ahna la  siiyay oo dagaalka soo galay,hadaba warar
    la isla dhex marayay markii la dilay Marxuum AXMED GAACAYTE  oo la xaqiijinayay waxa
    ay sheegeen inay si toos ah uga qayb qaateen DILKAA MARXUUM AXMED GAACAYTE  labadaa
    nin ee SANGUB iyo AXMED CALI CIGAAL....
    
    Wararkaa la sheegayay waxa ay sheegayeen in la qabtay Marxuumka oo la geeyay xeradii
    askartii maati  layska ahayd,oo ay SANGUB iyo AXMED CALI CIGAAL ay iyaguna markaa
    joogeen,oo ay yidhaahdeen hala dilo  waa IIDOOR kacaaan diid ahe,warar kalena waxa
    ay sheegayeen inay iyaga laftoodu dileen,waa wax dhici  kara labaduba,waayo?kolayba
    waxa ay dilayeen dad la hayb ah Marxuumka,isna waxba kagama duwanayn,oo  waliba waxa
    uu ahaa nin caan ah,Godobtaa ay galeen ee uusaaska ahayd waxa sii xoojinaya
    xaqiiqadeeda,hadalada uu hada ku hadaaqayo SANGUB ee ah HARGEYSA IN LA DUKHEEYAA waa
    ay HABOONAYD.iyo  qaran dumis ayaa ahaydeen iyo soomalidiid ayaa ahaydeen.....
    
    Waxa dhab ah,in ninka maanta ku hadlayaa hadaladaasi ee weliba difaacaya GACAN KU
    DHIIGLAYAASHII XASUUQAY maatidii iyo caruurtii,inaanu maalintii uu hargeysa joogay
    ee uu qoriga iyo tuutaha sitay ee  dagaalku socday aanu cida uu helo naxariis u
    galayn.waa dhab in intii ay xasuuqi karayeen ay SANGUB iyo  AXMED CALI CIGAAL
    xasuuqeen,sidii kuwa uu hada u difaacayaa ay u xasuuqeen ee diyaarado ugu
    duqeeyeen  dad aan waxba galabsan,waxa kali ah ee lagu dilayayna ay ahayd
    waa ISAAQ.
    
    Waxan leeyahay hadaba Sanguboow HARGEYSA hadii aad dukheyseen oo aad is lahayd
    weligeed soo noolaan  mayso.maanta cirkas ayaa ay maraysaa.dadkii aad xasuuqdeen
    waa sii batay,GODOBTII aad gasheena waa ay  NOOSHAHAY oo weligeed dhiman mayso.
    maantase si haboon ayaa aan wax u doonaynaa oo dacwad iyo xeer ayaan  wadnaa,
    hadiise taasi ay kula xumaatay tu kale ayaa noo furan,weligayana dayn mayno kuwii
    maatidayada  xasuuqay,.adiguna SANGUBOOW la soco wax wayn ayaa kugu maqan
    (cabdi iidaan iyo axmed gaacayte iyo kuwa  kale oo badan)...Midna aan kuugu daro,
    ADIGU DIYAARSO IS DIFAACAAGA,inta aad cid kale daafacayso..'' dhubuq dhubuqdaad
    mooyee dhul u dhacaaga hubso''
    
    SANGUB'' waxa uu yidhi hada ayaan gabyayaaa.sida ay soo wariyeen niman la kulmay.
    .waxan leeyahay sangub  ma AWALBAAD TEELO DHIGATAY.....Qori AK47 ah iyo TUUTE
    iyo Gabayba waad isku dayday oo afka ciida laguu  daray..ee ma wax kalaa kuu
    hadhay....CIRKA SOO DUMI......waa lagu CAABIYI, sidii Caadada ahaydna waad
    Calaacali.
    
    F.G... marxuumyadii Cabdi Iidaan iyo Axmed Gaaceeyte.iyo dad kale oo badan adaa
    laguu haystaa.sangubooooow.''la soco
    
    
    Cali cumar xasan
    
    
     
     
Macawistii uu Sangub Tiyaatarka Hargeysa ku hor aastay
markii la soo saaray inuu hantaatacaa waa gartii!
  Dib U laabo
    
    
    Kawsar M.F.
    
    Waxa, marka hore, hambalyo iga mudan dadka reer Somaliland ee uga jawaabay,
    Sangub, aflagaaddadii uu u geystey dadkooda iyo dadnimadooda iyaga oo aan
    waxna u dhimin waxna u dhaafin. Runtii ma ihi dadka meelahaasi wax ku qora,
    hayeeshee, arrinta lama filaanka ah ee ka soo yeedhay ninka ay farriintaydu u
    jeeddo ayaa igu kelliftey inaan qalinka hollado. In kasta oo aanay dadkii u
    jawaabay waxba reebin,  bal haddana aan wax yar ku daro hadalladoodii.
    
    Soomaalidu waxay tidhaa: dheriga waxa karka ka keenaa waa kulaylka, waxa
    haddaba Sangub maanta karka ka keeney waa la yaqaan oo waa laba arrimood:
    
    1. Ta u horreysa waxaad ogtahay inaad laftaadu ku jirtey dadkii loo adeegsadey
       xasuuqii iyo dabargoyntii Isaaqa oo aad is leeday haddii maanta Dhiigyacab
       Tuke iyo Cali Samatar maxkamad la soo taago adiga iyo kuwii kula midka ahaa
       ayey waddo ku furmi. Haddaba haddii aad is leedahay laguma oga, waxaad isu
       sheegtaa in lagu ogyahay oo lagugu soo maqanyahay. Waxa la hayaa sawirradii
       la qaaday 1988kii adiga  oo Hargeysa dhexdeeda  qori  sita,  alaabtii aad
       fadhataysatayna  dhawr baabuur kuugu ku rarantay.
    
    2. Ta labaad, sida la wada ogsoonyahay,dagaalkii 77-78kii kadib kolkii maamulkii
       Siyaad Barre ku guuldarraystay siyaasaddiisii ku aaddanayd dalka Itoobiya,
       waxa uu bilaabay hirgelinta siyaasad yool- dheer leh oo ku saabsabsan sidii
       loo dabargoyn lahaa dadka Isaaqa ah dalkoodana loo dejin lahaa beesha uu
       Sangub ka soo jeedo. Wuxuu maammulkii Siyaad Barre adeegsadey siyaasaddii
       ay Yuhuuddu ku barakicisey dadka reer Falastiin. Waxa la bilaabay in dadka
       Isaaqa ah lagu qasbo iney dalka debedda uga qaxaan.
       Beesha Sangubna waxa lagu wargeliyey in la siin doono guryo iyo dhul dadkii
       lahaa ka qaxay. Dadka wixii markii hore xeryaha lagu hayey mooyaane dadkii
       reer guuraga ahaa ayaa xoolihii iska soo xaraashay. Iyada oo uu qofkastaa
       cindiga ku hayo inuu daar dheer oo uu nin Isaaqihi ka qaxay taabi doono.
       Dadka reer Hargeysa waxay ku war heleen kolkii ay arkeen dadkii oo ku
       mashquulsan iney macawiso ku hor aasaan guryaha. Kolkii la warsadayna waxay
       yidhaahdeen waxannu doonaynaa inaan guryahan qaadanno kolkaad ka qaxdaan.
       Dadkaasi kolkii la weydiiyey xagga loo qaxayo iyo cidda ku tidhi waxay
       sheegeen iney dawladdu u sheegtey in dadku Hargeysa ka qaxayo oo dadku
       dalkooda naceen, loona baahan yahay dad dhulkaa qaata.
       Hadal iyo dhammaantii, Sangub wuxuu ka mid ahaa dadkaas macawisaha ku hor
       aastay guryaha. Guryaha faraha badan ee uu astaystey ka sokow wuxuu, Sangub,
       si gaar ah u astaystay oo uu macawis cas ku hor aastay Tiyaatarkii Hargeysa.
       Kolkii, haddaba, Macawistii uu Tiyaatarka  ku hor aastay  la soo saaray inuu
       hantaatacaa waa gartii! Horaana loo yidhi: damac iyo dacaritoona rag kama
       dhammaatee, damacaa qofnimo ayaa Sangub illowsiiyey dadnimadii, sharaftii
       uu dadka ku dhexlahaa iyo inuu abwaannimadii u adeegsado si gurracan oon
       la fileyn.
    
    Sangub wuxuu nagu eedeeyey Soomaalidiidnimo. Waxan rabaa inaan isaga iyo inta la
    aragtida ah u sheego, marka hore inaanay Soomaalinimadu ahayn xusbi iyo mabda’
    la galo markii la doonana laga baxo ee ay tahay wax loo dhasho. Dalalkeenna waxa
    la kala odhan jirey, malaha mahadhadaa kugu yare, British Somaliland;
    Italian Somaliland iyo French Somaliland. Ururkii gobonnimaddoonka ahaa ee
    calankii u horreyey dhaliyey waxa la odhan jirey SNL. Haddii aanad garaneyn
    waxa ay xarfahaasi ka taaganyihiinna waa: Somali National League.
    Ururkii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM isna waxay xarfihiisu ka taagan yihiin:
    Somali National Movement. Dalkayagana waxa hadda la yidhaa Somaliland
    ( Ka naxaw nafta waa!). Waxa halkaa kaaga cad inaannaan adiga iyo inta kula
    garaadka ah toona ka sooxadin kana soo ergisan magaca ee uu yahay mid
    aannu u dhalanney, cid nagu khuukhinkartaana jirin. Haddii cidi Soomaalinnimo
    necebtahay cidda necebi waa beesha aad ka dhalatay ee ilaa hadda ku dheggan
    magac qabiil ee uu gumeysigi u bixiyey gobolka shanaad ee Soomaalidu degto
    (Ogaadeeniya) una haysta iney ayaku keligood leeyihiin, runtana iska
    indhatiraya. Majeerteeniya yaa la odhan jirey. Miyaanay reer tolkaa kuwaasina
    ahayn. Cidda qudha ee Soomaalinimadu ku yartahay ama neceb halkaasi ayey kaaga
    caddahay.
    
    Haddii aad u jeeddey Soomaaliweyn iyana mid baan ka odhan. Soomaaliweyn ciddii
    ku dawarsanjirtey ee dheefta ku qabtay ayey ka kala daadatay. Annaga hadda ayey
    Maandeeq noo curatay. Dadkii kaadhka qaxootiga Hargeysa looga qoray ee aad ka
    midka ahayd iyo kuwii uu Ibraahin Gaaggaale xuseyba iney uu ooyaan la yaab male,
    oo waa gartiin. Hayeeshee, dib u dhicimeyso inaad Hargeysa u fadhataysato.
    
    Waxaan aad uga xumahay inaan tilmaamo inuu Sangub meel kaga dhacay sharaftii ay
    abwaannimadu lahayd.Falaadkiisanna wuxuu inna tusayaa inaanay abwaannimadu markii
    horaba run ka ahayn ee uu ku dawarsan jirey. Haddaba, waa sidii uu u sheegay
    Mudane Ibraahin Gaaggaale, mar haddii ay ku fashilantay beeshaadi wixii loogu
    ballanqaaday ee ahayd in aad yeelan doontaan Somaliland ma cay iyo aflagaaddo
    ayaad itaal ka dhigatay? Aad baan uga xumahay inaad dadkii iyo dalkii wax kaa
    dhigey abwaannimadaadana halkaa gaadhsiiyey ee ku soo saaray ee aanad la’aantood
    wax noqoteen aad maanta iyaga u adeegsato suugaantii ay kugu dhiirrigeliyeen.
    Waxaanan ku leeyahay: Waraabe cagna lagu gaadhi waa, cayna wax lagaga qaadi waa!!
    Waxa kaloon ku xasuusinayaa in dawladdii Soomaaliyeed cid ka xoog weyn oo Isaaq
    u babacdhigeysaa jirin ee qiraahaga geli. Waxa kale oo aad ogaataa inaan
    xaq-u-dirir, ha yaraado ama ha badnaadee, cid horjoogsan kartaa jirin!
    
    Ugu dambayntii, waxa isweydiin leh, waa sida ay Marwo Samsam u dhigtaye, haddii
    gobi yac noqotay, dugaaggu wuxuu noqon? Waxan ku taageersanahay aragtida uu soo
    jeediyey Ibraahin Gaaggaale ee ah in la takooro suugaanta Sangub cafis ha dalbado
    ama yuusan dalbane, Somaalilaandna  waa inaanu soo gelin weligii. Waxa kaloon ku
    darayaa inaan isaga ereyga ‘Abwaan’ lagu tilmaamin maadaama uu si xun u adeegsadey
    oo magaxumo Abwaannadii uu u soo jiidey. Hadalkaygii waxan ku soo gebagebeynayaa
    Sangubow,adiga oo maanta wax ma garata ah, fadhata ah ama mooryaan ah maxkamaddii
    way ku sugeysaa, waana lagu sootaagayaa hadheeraato ama ha dhowaatee. Inta ka
    horreysa waxa iga talo ah inaad afkaaga anshaxa iyo asawda wacan barto.
    
    
     
Gabagabo   Dib U laabo
    
    
    
    
     
Gabagabo   Dib U laabo
    
    
    
    
     
Maansadii Garneyl   Dib U laabo
    
    
    Gabaygan layidhaahdo, “Garnayl” waxa tiriyay abwaan Maxamed Cali Cartan
    “Haldeeq”, taariikhdu markay ahayd 07.02.2005 , waxana uu gabaygan kaga
    jawaabayaa erayadii ka soo yeedhay “Singub” iyada oo bulshada
    Soomaaliyeed u haysatay inuu dhex u yahay oo dhammaan tood yahay abwaan
    koodii ayuu bilaabay isaga iyo rag kale oo iyagu is sheegi doonaaba inay
    reeraha [qabiilada] aflagaaddeeyaan oo kala guraan markaa anigu sidii
    aad iiga barateen qabiil afkayga waa ka xaaraan laakiin ciddii qabiilada
    cayda ama dadka kala gurta ayuun baan u jawaabaa.
    
    Afeef:Gabaygani ma aha mid bulsho gaar ah ku socda ama abuuraya colaad
    ee waa mid ku kooban ‘Singub’ oo
    keliya.
    
    iminkana waxan idin leeyahay :
    
    “Waataa garashadiisii sangube, geliya taariikhda.”
    
    Waa kan gabaygii “Garnayl”:-
    
    
    
    
    Markaan gabayga daayaba wax baa curiya geerraare
    Waqtibay godlaayoo I bara kaan gunaanadaye
    Caawana guddoon dhaha tixbaan gani sidii leebe
    
    
    Hadday gaadho maanso oo abwaan arar u soo gaafto
    Oo golaha hawraar calculus la is gudoon siiyo
    Garnayl baan faraqayaa rasaas gumucyo waa wayne
    Hubkaan ganayo wiil baa ku go`I guuto kaamila`e
    Keligay lix gaas baan ku gubi weerar galabeede
    Gantaalaan la dhacayaa raggii gaaftay sheekada`e
    Caawana guddoon dhaha tixbaan gani sidii leebe
    
    Gabaygaygu galbeed iyo baruu gaadhi daafaha`e
    Sidii galangal roobuu arliga gelin ku saamayne
    Waa suugaan gaboowday iyo abwaan gololadiisiiye
    Midhahaygan gaamuray ragbay gaas ku shidayaane
    Gafuurkiyo ragbay jebinayaan gaws danbeedada`e
    Geeridaa u dhaanta`e ragbay nolol ku googooyne
    Ma gabado`e maalmahan ragbaan geed ku xidhayaaye
    Caawana guddoon dhaha tixbaan gani sidii leebe
    
    Libaaxii gaddoodaa waxbuu gam isu taagaaye
    Gawsuhu ma taabtaan wixii micidu gaadhaaye
    Ana gabaygan wayn iyo madfacaan kugu garaacaayo
    Adaa galabsigiisa leh hadduu gaysto nabar wayne
    Xuduudaha guduudka ah inaan gaadho maan rabine
    Ra`yigiisanse gaaban baan gelinayaa fuudhe
    Caawana guddoon dhaha tixbaan gani siddii leebe
    
    Guyaal iyo guyaal baan dulqaad gooni u ahaaye
    Gadaafana u saaburay inbadan gef iyo deelqaafe
    Ay guudka saarayd gardarradu igu gadaannayde
    Aan samir ku gaaxdoo wad-waday gaabsi iyo dhawre
    
    Haddii inan-gumeed iyo nin xumi gelelef dayn waayay
    Uu gunaadkii waayiyo ragaad guudka soo dhigayo
    Uu eelkii gaamuray xilligan golaha keenaayo
    Uu gilgilayo godobtii horiyo aramidii gaadhay
    Uu gocashadeedii hurdada gogosha hayn waayay
    Uu geyiga qiiq iyo la rabo olol guryaa taabta
    Garaadkiisa weeye`e darwiish gaadhan baa jira`e
    Waataa garashadiisii “sangube” geliya taariikhda
    
    Adaa nabada geedkaa ku xidhay gebiga ay taale
    Beladaad godlaysiyo dhibkaad gaawahaw sidato
    Gawarada bannaan iyo aday gooni kaa heliye
    Gubniyaal u heegmiyo wax jira guuto reedhiya`e
    Gabbashada iyo ragbaan aqoon gooja beenada`e
    Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye
    Gunto oo diyaar garow banbaa laysku gelayaaye
    
    Adaa qadafka gaystaye raggaad goray ku suuraysay
    Inuu gacanta laabto iyo inuu gam isukaa taago
    Waran gallalac leeyiyo inuu seef ku gelin waayo
    Dhinbiil wada guduudiyo inuu gaan ku marin waayo
    Qorraxdoo gadiidaa warmaa laysku ganayaaye
    Gaadaha fulaa lehe hadh baa la is gan taalayne
    Gunto oo diyaar garoow banbaa laysku gelayaaye
    
    Afartaa galaalaye haddaan kor ugu sii guuro
    
    Gawrac baa ku sugayiyo mindida gaadhhayuu sido`e
    Adigaaba lagu goobayaa gooshkan maanta ahe
    Gantaal baa lagula doonayiyo geylan warameede
    Adigaanba ku kala gooynayaa jeeray gaadhaba`e
    Halkaad geli lahayd iyo halkaad geysan lahayd ruuxda
    Adoo hore u goobtaa ka wacan soo gunuunuca`e
    Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye
    Aqoontaada geeraar nin kale gaadhi haw noqone
    
    Gibladiyo cayaartiyo murtidan golaha loo xaadhay
    Garoon kaan u joognaa ninkii gabay yaqaanoowe
    Liishaanka goobtaan ku wado waad garoowsaniye
    Markaan giringirshaabaad ogaan geesigaan ahaye
    Gu`gii horeba guul waan hantiyay lib iyo gaashaane
    Gool kaygu waa dhalanayaa haddana gole dharaarreede
    Maantana anaa guri midhaha guudka sare yaale
    Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye
    Aqoontaada geeraar nin kale gaadhi hawnoqone
    
    Raad gadashadii iyo waxad waddaa geed ismarintiiye
    Gashiga iyo adigaa hantiyay godobta reerkaase
    Gabooyaha Hargeysiyo adoon reero kale gaadhin
    Wiil garasha liita iyo adoon gabano dhiilaabin
    Adoon Xamar ku gooraamin oo Bacadle guubaabin
    Gabashada tolkaa iyo adoon geed ku maran saynta
    Waxba yaad is gaabine anaa geeso kaa jariye
    Aqoontaada geeraar nin kale gaadhi hawnoqone
    
    Yaanu gabaygu ila sii durkine waxan ku soo gaabshay
    
    Gaban iyo carruurbaad dhac-dhaca ugu garoowdaaye
    Gefka waw badheedhiyo illeen hadalkan giiraaye
    Waa garaad habaabiyo aqoon gebi dhac layskeede
    Nin gaboobay weeyoo caqligu dib u gudhaayaaye
    Waataa garashadiisii “Sangube”geliya taariikhda
    
    Inkastuu is gaabshoo lix goor soo gelgelimaysto
    Inkastuu go`wayn iyo huwado maro la guud saaray
    Inkastuu gufaaco iyo habaas iyo qiiq is gelin siiyo
    Ma gedmado munaafaqu hadduu beel u soo galo`e
    Wax ka guuxayaa jiray qalbiga ciil ku gaamuraye
    Gocashadii calooshay dibnahu golaha keeneene
    Waataa garashadiisii “sangube”geliya taariikhda.
    
    Dhammaad.
    
    Maxamed cali cartan [Haldeeq] hindiya
    
    Haldeeq1@hotmail.com
    
    
    
    
     
Maansadii Xishood Laawe   Dib U laabo
    
    
    Jawaabtii Sangub -
    Gabey Cali Jama Toronto,Canada
    Feb/07/2005
    
    Sanguboow xishood nimaan aqoon; xeerka iyo dawga
    Xiliga isbedelayana la socon; xaaladiyo eelka
    Ma xushmeeyo ehelkii; iyo intay xilo wadaagaane.
    Xiisaha qabiil ee dambe; maanta kugu xoomey
    Nin  xisaabtamaa kuma hadleen; xaalka ay tahey
    Miyaan xaal ku qaban; reer tolkaa xeerar baa jiraye?
    
    Xurmo may laheyn; sheekadaad  xaw la soo tidhiye
    Waxaa kula xafyidhi; xaajadaad waayo xigateene
    Xasuustii madoobeyd; baa qalbigu soo xadleeyahey’e
    Xiligii dhamaadaan ka hadhin; weli xiskaagii
    
    Xasuuqii ka dhacey; ceelka aad xumo la dooneyso
    Xabaalaha ku yaal; een la tirin xaadufkiyo maydka
    Inta xaas ku maqan; een la helin weli xabaashooda
    Inta odey xijaabtee dileen; xaasidkiyo tuugu
    Inta guulwadii xiiqsanahaa; qorey xuluulsiiyey
    Xoogii dalkii aad ogeyd; tuu xadkaba dhaafshey
    Xamastii ku nooleyd; midduu xuliyey hawdkeeda
    Hubkii xabashi loo iibsadey; tuu ka dhigey xeebta
    Duyuuradaha xiinka leh; middii lagu xabaadhaayey
    Xadi ma leh, dhibaatada; markaan dayo xageedaase.
    Xaq hadaad taqaan;  kii xukumey lama xidhiidheene
    Xoolii ka lumey; ka ma gurteen xaasilkii hadhay
    Miyaan xaal ku qaban reertolkaa xeerarbaa jiraye?
    
    Adigoo xamaal ka ah, digiyo xodoyo guudkooda
    Xayraan gaajada; addoo xididku uu muuqdo
    Xariiqaha jidkaadkiyo; la dhayo nabaraddii xiiqa
    Tii ku soo xareysee ku tidhi; xeedhadaba hooya
    Xaragada aduunkiyo; ku baray xaajo iyo hawlba
    Adigoo xumaan wada; iyadu samo ku  xiiqeysey
    Xaalkaaga meeshii ogeyd; looma duurxula’e
    Miyaan xaal ku qaban; reer tolkaa xeerarbaa jiraye?
    
    Xadigtii  hargeysee aheyd; xurunta reer sheekhba
    Iftiinkii xoriyadee; la sudhey kay xadeen shalleyto
    Xafiiskii aqoontiyo; fankuba xaadir ku ahaa
    Nin xumeeyey waligeed; ma helin libin xalaaleed’e
    Hadaan xaasidnimo kuulagelin; kama xumaateene
    Xikhdi iyo nabsigu; waa xunyahey xeerka aakhira
    Miyaan xaal ku qaban; reer tolkaa xeerarbaa jiraye?
    
    Ali Jama
    Toronto,Canada
    ahmedfayr@hotmail.com
    
    
    
    Soo bandhige: Fu,aad Sh.
                  Bahda Mareegta Farshaxan
    
    
     
Gabagabo   Dib U laabo
    
    
    
    
     
              Dib U laabo Soo bandhige: Fu,aad Sh. (Bahda Mareegta Farshaxan) Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.