Somali/Somaliland Xal
Abwaankii curinta maansada hibada dhabta ah u lahaa, Alle haw naxariistee,
Cabdillaahi Suldaan Maxamed "Timocadde", ayaa wuxuu goor ku beegan bilowgii
1970nadii innoo sheegay, in meel kasta oo uu gumaysi shisheeye ka tago ay ku hadho
arami iyo ugxaan aan markaa muuqan, hase ahaatee xilliyo danbe dillaacda,
dhibaatooyin hor lehna sababta. Tuducyadii arrintaas wax ka tilmaamayey waxaa ka mid
ah, midhadhkan saddexda ah ee hoos ku xusan, kuwaas oo aan halkan isugu xigin sidii
caadiga ahayd ee ay gabayga ugu jireen:
Isticmaarku meeshuu ka tago, arami baa taalle
Irbaddiisu waayada danbay , aano kicisaaye
Waa waxa Afrikaba kharribay, ugax dillaacdaaye
Haddii aan runta la inkirayn, waxaa arrin xaqiiqo ah oo aan dhabnimadeeda muran ka
taagnayn ah: in dhibaatooyinka faraha badan ee dhawr iyo tobankan sanno ee u
danbeeya Soomaaliya ka jiraa ay yihiin ugxaan-shareedyo 21 sanno la aasayay, kuwaas
oo markii uu xilligoodii galay dillaacay, wax aafeeyay, maalinba maalinta ka
danbaysana sii labo-qarxaya. Dhibaato kasta oo xilli cayimman dhacda, markaa ka hor
baa laga sii shaqeeyay, lana sii qorsheeyay. Hoggaamiyihii kooxdii kacaanka (kooxdii
Oktoobar) Maxamed Siyaad Barre,, ayaa isagoo arrintaa ugaxaanta faahfaahinaya
waxaa laga hayaa inuu yidhi: "Dal waan ka tagi, laakiin wax kale oo aan ka tagayo
lama arko." Waxa kale oo aad xusuusataa tix uu tiriyay nin Ismaaciil Mire la odhan
jiray oo ay tuducyadeeda ka mid ahaayeen kuwani:
Meel ay guuldarro joogto
Gasabbaa u horeeyay.
Mar kasta oo ay dhibaato dhacdo, waxaa la qaadaa tallaabooyin xalkeeda loogu
dhowaanayo iyo kuwo inay xal kama-danbays ah noqonayaan loo malaynayo. Bulsho-weynta
soomaaliyeed wax weynbaa kala gaadhay, waana la kala irdhoobay. 21 sanno oo awooddii
qaranka qaybo qaranka laftiisa ka mid ah lagu tunjilicsanayay, denbiyo culculusna
lagaga galay iyo sannado badan oo 21kaas sanno ka danbeeyay oo ugxaan hoog dhalisay
la sii aasay ayaa loo soo joogay. In soomaalida xorriyadda iyo wanaagga jeceli isku
waafaqdo in mashaakilkii dhacay oo idil ay masuuliyaddeeda leedahay kooxdii 21ka
Oktoobar, iyo in la isla garto goor ay noqotoba in kooxdaas si shuruud la'aan ah
caddaaladda loo hor keeno, dakannooyinkii ay qabeenna loo qabsado, ayaa ah
tallaabooyin mudakar ah, oo xagga is-fahamka iyo xalka loogu dhowaan karo, haddii
aanay noqonba tallaabooyin xalka laftiisa udub-dhexaad u noqon kara.
Gabyaagii caanka ahaa ee Homer la odhan jiray, oo xilli qarniyo badan laga soo
muddaystay noolaa ayaa waxa laga soo wariyey inuu yidhi hadal macnihiisu sidan u
dhowaa: " Waxaa labo gef oo waaweyn oo isku mida ah,in marti kuu timid oo jecel inay
kula sii joogto aad dedejiso, iyo in isla martidaas ama tu kale oo markii ay cabbaar
ama in muddo ah kula joogtay ka dib, rabta inay sii socoto (tagto) aad joojiso."
Innaga waxaa daw innoo ah in aynu xusno in ay labo danbi oo waaweyn yihiin in
bulshada lagu amar-ku-taagleeyo oo la xasuuqo, iyo in haddana markay
amar-ku-taaglayntaas iyo xasuuqaas ka dhiidhido kana galiilyooto iyadii dib loo
eedeeyo, denbigii ay cid kale sababtayna gurada loo saaro. Waa wax aan suurtagalba
ahayn in lala shir yimaado. Waa garasho liidata. Xaq si nabadgelyo ah, tanaasul
badan, wada-xaajood iyo
wanaag lagu waayay in teerri lagu dayo mooyaane, ma si kale ayaa jirta. Ururradii
xaq-raadiyeyaasha ahaa ee Maxamed Siyaad la dagaallamay waxay ka turjumayeen
dareenkii dhabta ahaa ee bulshooyinkii cadaadisku hadheeyay. Inta arrimahaas aan
caadku saarrayn ee garta ah lays diidsiinayo, kuwii burburka u sababta ahaana la
taageerayo in isfaham iyo xal la helaa waxay la mid yihiin baabbacooyin timo laga
dayey.
Goor kasta oo hawl loo guntado, waxaa loo baahdaa hab iyo qorshe fiican oo la raaco
ama wax la iftiinsado. Arrinta 'caddaalaydeynta' ee aynu kor ku soo xusnay, ee in
mar uun la hirgeliyo la rajaynayo waa in loo sameeyaa sidii hawshii dacwadda ahayd
ee dhowaan eedeysanaha weyn ee Maxamed Cali Samatar lagu oogay. Hawshaasi waxay
ahayd hawl fiican oo lagu raadinayo xuquuq maqan. Waxase falxumo weyn oo ceeba ah,
in la arko soomaalida qaarkeed oo hawsha sidaas u fiican ee dawga ah is-hortaageysa,
eedeysanahana garab siinaysa. Dadka eedeysanehaas taageeray ayaa waxay u jeedaan in
ay arrin heer shacbi taagan u beddellaan heer qabiil, ee daacadnimo iyo jacayl ay
Maxamed Cali Samatar u qabaan kama aha mana jirto. Waxay uga dan leeyihiin in ay
dad badan oo denbiyo waaweyn ka galay ummadweynta soomaaliyeed
gaashaan ugu noqdaan. Haddii siday ku doodayaan uu ka dhab yahay jacaylka ay
sheegayaan inay Maxamed Cali Samatar u hayaan, hala xididaan markaasaa la ogaan
jacaylka iyo qaddarinta ay sheegayaane. Haddii aanay sidaas yeelaynna danohooda ha
ku toosaan, oo ha inaga daayaan uurka daban iyo afka qoslaya. Arrimaha noocan ah ee
denbiileyaasha lagu taageerayaa waxay halis ku yihiin habdhaqanka fiican ee
banii-aadanka. Waa arrimo dhaqanka soomaaliyeed iyo mid kastaba guuldarro ku ah. Waa
arrimo keeni kara in cid kasta oo xaq raadsata xaqaas laga hor istaago, iyadoo lagu
xumaynayo beel iyo wax la mid ah. Dadka M.C.Samatar taageerayaa ha ogaadaan in
haddii ay falalka jadkaas ahi ummadda ku dhex faafaan aanay natiijadoodu cidna dan
u ahayn, oo ay cid walba maalin uun si gaar ah u saamayn doonaan. Wax kastaaba ha
sababaan falalka noocan ah ee maroorka ahe, inta fekerka soomaali badani sidaa
yahay, wax badan baa si ah.
Haddii aynu gees kale wax ka eegno,intii ka horreysay bishii Julaay, 1960kii
soomaalidu waxay geyigeeda u kala degi jirtay tol-tol, noloshooduna waxay ku
xidhnayd miyiga, xoolaha nool oo kolba halkii ay biyaha cirku haleelaan loo
sahamiyo, beero-falashada, farsamotunka, kalluumaysiga iwm. Intii ay soomaalidii
xilliyadaasi nabad iyo wanaag ku wada dhaqnaan jireen iyo intii loollan iyo collaado
beeleed ay ka dhex dhici jireen sida ay ila tahay waxaa badan inta ay sidaa hore u
wada noolaan jireen. Hase ahaatee, waxaa marar badan beelaha ka dhex-qarxi jiray
dagaallo ka bilaabmi jiray xoolo la kala meersaday, dad la iska dilay, gabadh naaska
la qabtay, dhul layska riixay iwm. Dagaalladaas waxaa ku naf waayi jiray dad badan,
malaayiin xoollo ahina way ku baabi'i jireen ama waa la kala dhici jiray. Haddaba
1dii Julaay, 1960kii markii qaran
la noqday , calan soomaaliyeed hoostiina lagu midoobay, wixii soomaalida xilligaa ka
hor kala gaadhay, waxaa loo garawsaday in ay ahaayeen loollan iyo legden toleed,
waxaa loo aqoonsaday inay ahaayeen wax dhacay xilli aanay dawladi jirin, sidaa
darteedna ay fiican tahay inaan la qiimayn ama ciddii ku lug lahaan jirtay aan la
maxkamadayn. Maya, ee lamaba soo hadalqaadin, oo haddii ay cidi soo hadalqaadi
lahayd waa lala yaabi lahaa, sababtoo ah dawlad baa dhalatay , oo waxa la doonayay
in nolosha hore loo wado, dawladnimada dheefteedana lagu barwaaqoobo. Haddaba haddii
dawladdan kiiniya lagu soo dhisay ay shaqayso amaba ay tu kale oo ka fiicani ay
goor kale dhalato, xilliyadii aanu qaran jirin ee ka danbeeyay 1991kii ilaa waayadan
wixii hoog ahaa ee dhacay ma sidii kuwii 1960 kii ka hor dhacay ayaa la dhaafi
doonaa, mise la dhaafi maayo? Sideebaase xalka u dhow?
Midnimadii 1960kii oo si sharci ah u hirgeli weydey ama sababo kaleba ha keeneene,
guud ahaan soomaalidu tan iyo waagaa waxyaalo badan ayey kala tabanaysaa.
Dhibaatooyin badan, caddaaladxumo,sadbursi iwm., ayaa dhacay, kuwaasoo inqilaabyo
keenay, u-codayntii dastuurradii dalka oo la qaaddacay keenay, mashaakil kalena
udub-dhexaad u noqday. Haddaba si xal loo helo, burbur danbe looga feejignaado,
soomaalidana loo kala bedbaadiyo, waxaa lagama-maarmaan ah arrimahan soo socda:
1. in laysku hawlo dibuheshiisiinta beelaha kala fogaaday intii dad aan heshiin xoog
dusha lagaga keeni lahaa;
2.in wada-tashi iyo wada-xaajood wax lagu maamulo, mar danbena aanay maamulladu u
dhaqmin qaab keli-talis, dawladdan iyadoon cago-dhigan kelitalisnimada bilowdayna
arrintaa mar walba lala dabo joogo;
3.in isfahamsiinta bulshada lagu dadaalo iyo in la joojiyo nooc kasta oo ay
yihiinba dalbashada cidammada shisheeye. Labadaa arrimood ta hore ayaa u baahan in
xoogga la saaro, ta danbese welwel badan lagama qabo, waayo marka laga tago dadka
Cabdillaahi Yuusuf la haybta ah, shacabka soomaaliyeed oo dhan iyo baarlammaankuba
ma oggola;
4. dawladda Kiiniya lagu soo dhisay waa dawlad koonfureed (soomaaliyada maanta):
Madaxweynaha, Ra'iisal-wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlammaanka, 4ta Wasiir ee ugu
mudan, Caasimadda, Golaha Baarlammaanka laftiisa iyo jagooyin muhiim ah oo aan weli
la magaabinba masuuliyiinta haysaa waxay giddigood ka soo wada jeedaan koonfur,
taasoo caddaynaysa in dawladda lafteeduba ay dawlad koonfureed tahay!
Haddaba si ay wax u hagaagaan, soomaaliduna qas iyo qalalaase danbe uga bedbaaddo,
dawladdaa koonfur oo ah dalkii loo soo sameeyay halagu koobo. Soomaalilaanna
dawladnimadeeda halagu taageero. Sidaas ayaa ah sida ugu macquulsan uguna fiican
wakhtigan xaaddirka ah. Dhowr iyo tobanka dal ee Carabta ah kuna kala yaalla
Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe waxay wadaagaan af, diin, iyo dhaqan. Sidoo kale
waxa jira dalal ku yaalla Ameerikada Koonfureed oo wadaaga af, diin, qowmiyad iwm.,
hase ahaatee waxay ogaadeen in ay dantoodu ku jirto in aanay wax isku marduufin, ee
ay ahaadaan maamullo kala madax bannaan.
Axmed Iid Aadan
|