Ku soo Dhowoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Fatax Farshaxan

kula xidhiidh qoraaga EMAIL

Abdi salad Abdulle "Dacas "

     Tusmada Cutubyada

                                          Arimaha Bulshada

Tusmada:

Ababinta ubadka
Ubadka soomaalida
Ubadka reer miyiga:
Gabdhaha reer miyiga ah
Wiilasha reer miyiga ah
Ubadka ee magaalada
Ubad ababinta Denmarka
Raadraaca qormada
  Ababinta Ubadka

    Duunyada iyo dugaagga waa wax caado qariisi (sanin/abuuris) u ahaan jirey, haddana u ah, una ahaan doona, inay ubadkooda tababaraan, dadkana waa wax dhaqan u ahaan jirey, haddana u ah, una ahaan doona, inay ubadkooda ku ababiyaan, hadba sida ay jecelyihiin inay noqdaan ama ay u rabaan inay u dhaqmaan, marka ay waaweynaadaan (koraan).
Had iyo jeer waxa ababinta door weyn ka qaata waa hooyada, oo si gaar ah ugu xiran ubadka, taasoo ay sabab u tahay sida aan filayo qaadka ay caloosha ku qaaddo, nuujinta ibaha caanahooda, kuwooda caanaleyda ah, quudinta iyo dugsiinta.

Haddaba ababinta ubadka dadku waa wax soo jireen ahaa, tan iyo inta aadami koonkan ku abuurnaa. Qaabka ababinta ubadka dadka, hadba heerka nolosha dhaqaale ee ay bulshadu taagantahay ayey ku xirantahay.
Ababini marka ay dhegaheenna ku soo dhacdo, waxaa ka fakaraynaa sida ay ubadku tababarka iyo u carbinta nolosha wax u qaataan ama u maqlaan; sida: inay dhega nugulyihiin ee wixii la yiraahdo ay maqlaan, yeelaanna. Waa wax dabiici ah, in waalid walbaa uu jecelyahay in waxa uu yiraahdo ay ubadkiisu u dhega nugulyihiin.

Qayb walba oo ka mid ah bulshooyinka adduunkan ku nool, waxay mid waliba guud ahaan ubadkeeda u ababisaa qaabka ay u nooshahay, oo la rabo inay hadhow ku noolaadaan. Dabatadu waxay ubadkeeda u tababartaa inay dabashada ku xeel dheeraadaan, qodatuna qodashada, jillaabataduna jillaabashada, ugaarsataduna ugaarsiga, raacataduna raacidda, farsamooleyduna farsamada, ganacsataduna ganacsiga iwm.

Ababinta ubadku waxay soo martay heerar kala duwan, hadbana waxay ku xirnayd/ku xirantahay/ kuna xirnaan doontaa hadba heerkii/heerka ilbaxnimo ee ay bulshadu maraysey/marayso/mari doonto.
Dad badan ayaa wax ka qoray ababinta ubadka ha u badnaadeen Reer Yurub iyo maraykanka iyo Aasiya.
Waxaa dhammaan qoreyaashu isku raacsanyihiin, in qofku, sida uu u dhaqmi doono marka uu weynaado iyo ababintiisu ay isku
xiranyihiin; Sida, naxariisashada, xaasidnimada, dagaal badnida, amar qaadashada aan laga fakarin, dhega adaygga, dabci samida, iwm.
Waxaa dib loo raacay taariikhdii nimankii dhibaatada badnaa qaarkood, Sida Adolf Hitler, Adolf Eich iyo Rudulf Hos, waxaana saddexdaa nin oo naxariista darraaba la ogaadey, in barbaarintoodii ay ka dambeysey amaba saamayn ku yeelatay qaabka ay u dhaqmayeen. Adolf Eich oo la wariyey inuu 6 milyan oo yuhuud ah diley, ayaa markii maxkamadda la saarayey la weydiiyey, " Ma ka xuntahay falkii aad samaysey" ? Wuxuuna ku jawaabey, " aad iyo aad baan ugu faraxsanahay shaqadii aan qabtay, had iyo jeerna shaqadayda waxaan u gudan jirey sida la ii faro. Shaqaa la ii diray waxaan u gutey siday ahayd, maantana haddii la ii diro sidoo kalaan u gudan lahaa."
>Taasi waxay ku tusaysaa in lagu abibiyey inuu amarka siduu yahay u qaato oo uusan ka fakarin natiijada, haddii uu fulin waayana la ciqaabi jirey.

Hitler waxaa lagu soo barbaariyey in la xukumo, aabbihiis hadalka uu guriga ka yiraahdo lagama daba hadli jirin.
Isaguna markuu weynaaday, wuxuu isku dayey in uu sidii aabbihiis guriga uga amar ku taaglayn jirey, uu adduunyada ugu amar ku taagleeyo. Sida ay tiri Alice Miller; " Ilmo waalidkiis si xun u ciqaabi jirey maxaa laga filayaa inuu noqdo marka uu weynaado? Waxaa laga filayaa inuu xaasid noqdo oo uusan cidna jeclaan, waayo jacayl iyo naxariisba kuma soo barbaarin. Qof waliba hadba wuxuu noqdaa sida waalidkiis ama bii'adda uu ku soo koray ka dhigaan."

Ababintii ubadka Soomaalida

Sida aan wada ognahayba, dadka soomaalida badankoodu waxay ahaayeen dad reer guuraa ah.
Sidaas darteed ababinta ubadka soomaalida waxaa doorweyn ka ciyaara, meel walbaba ha joogee, ababintaas miyiga.
Hooyada Soomaalida ahi, marka ay ilamheeda ababinayso, shaki ugama jiro waxa ay ku ababinayso, sababtoo ah waxay u ababinaysaa sidii loo soo ababiyey oo ah mid soo jireen ahayd muddo dheer.
Hooyada reer Yurub had iyo jeer shaki baa uga jira sida ay wax u ababinayso inay sax tahay iyo in kale. Ababinta waxaan u kala qaybin karnaa:
1- Ababinta miyiga (raacatada)
2- Ababinta tuula joogtada (qodato, jillaabato iwm.)
3- Ababinta magaalooyinka waaweyn.
Ubadka reer miyiga:

4- Ababinta ubadka ee miyiga (raacatada) Ubadka marka ay da'doodu tahay 0 - 1 sano jir, inta ugu badan waa la xambaarsanyahay ama dhabta hooyo ayaa lagu hayaa, hooyaduba ha u badnaatee, maadaama ay nuujinayso, dhabarkana ay ku siddo . Waa loo qosqoslaa, loo heesaa, la koolkooliyaa iwm., laakiin caadi ma'aha in lala hadlo. Marka ilmuhu hal sano gaaraan waxaa lagu bilaabaa in ay dad badani qabtaan, sida gabdhaha walaalaha ah oo ka waaweyn, eeddo, habaryar, ayeeyo iwm., waxaana lagu bilaabaa in lala hadlo. Ilmuhu 2 sano marka uu gaaro, badanaaba naaska waa laga gooyaa. Walaalaha ka waaweynna waa lagu halleeyaa inay hayaan. Ka bilaabata da'da 3 sano wuxuu ilmuhu bilaabaa in walaalihiis raaco markay ciyaarayaan. Muhiim ma aha inuu ciyaaro, laakiin waxaa muhiim ah inuu ciyaarta fiirsi ku barto. Waxay u badantahay, ilmaha ka waaweyn marka ay ciyaarayaan, inuu meel u dhow fariisto oo uu fiirsado. Ababinta ilmuhu waa kala duwanaanaysaa, marka ay saddex sano gaaraan. Gabdhaha iyagoo aad u yaryar, ayaa waxaa lagu ababiyaa inay xishoodaan, sida inaysan is qaawin, dhiidhiibsi u fariisashada, hadalka oo ay gaabsadaan iwm., waxaana lagu bilaabayaa in lagu ababiyo anshaxa gabarnimo. Wiilashana waxaa lagu ababiyaa in ay kor u hadlaan, geesi noqdaan, adadayg iyo raganimo yeeshaan, , waxaana daliil u ah tixdan gabayga ah oo oranaysa: Wiil 12 jir ah hadduu lali ahaan waayo; marti leyl dhexaad timid, hadduu luun ka rogi waayo; raganimo luddiis kuma jirtee, liicyaye ogaada !!!! Waxaa caadi ah, inta ilmuhu ay ka gaarayaan ilaa shan sano ina ay hooyadu gacanta ku hayso iyadoo had iyo jeer garab ka helaysa ayeeyada iyo gabdhaha ka roonroon ilmaha la ababinayo. Carruurta miyigu, marka ay shan sano gaaraan, waxaa lagu bilaabaa, in ay hawl qabtaan oo ay xil qofnimo qaadaan. Waxaa ka mid ah hawlaha loo diro: inay maqasha (waxaraha iyo naylaha), weylaha iyo nirgaha ka reebka ah raacaan. Waxaana kaloo lagu bilaabaa barashada quraanka. Sida caadiga ah quraanka waxaa loo dhigaa bulshada raacatada ah labada cirgaduud (gabbal dhaca iyo waaberiga) iyada oo la kaashanayo iftiinka oog la shido. Badanaaba dhawrkii jeesba waxay samaystaan hal wadaad oo ilmaha quraanka u bara.

Waxyaabaha ay ubadka reer miyigu ku maaweeloodaan waxaa ka mid ah: Saala tuur, rays dhabid, godadaysi, tubyar, dhuxula dhabataysi, culay tuur, ulyeer, tigaantigle(ulaha), seemid, kabdhootan, dalabka, jare, yib, jara ka booddo, caraatan, googaalaysi, hal xiraale, hiireysi iwm.

Gabdhaha reer miyiga ah

5- Ababinta gabdhaha reer miyiga Gabdhuhu marka ay lix sano gaaraan, waxay bilaabaan inay ariga wax ka raacaan. Toban jir iyo ka weynna waxaa lagu bilaabaa inay keligood ariga raacaan. Waxaa gabdhaha intay yaryar yihiin lagu bilaabaa in la baro hawsha ay dumarka reer miyiga ah qabtaan. Sida la ogyahayba, hawlaha haweenka iyo ragga, waa ay u kala qaybsanyihiin. Hawsha haweenku waa tan guriga, xannaanaynta ubadka iyo raacidda ariga iyo maqashooda, haddii uu reerku ishkin leeyahay(geel iyo lo'), ari lisidda, caano lulidda, subag shiilidda iwm. Gabdhuhu inta ay yaryaryihiin, waxaa loo tababaraa hawlaha kala duwan ee ay haweenku bulshada raacatada ah u qabtaan oo dhan. Hawlahaas waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan: Cawda oo la falkiyo ayna ka sameeyaan: darinta (salli, gogol, jeex gogol iyo feeragashi), qufadda, satiga, babiska, xaarinka iwm. Cawska waxay ka sameeyaan: rarada oo laga sameeyo cawska, mayraxda la sooho, marriinka iyo xaskusha. Raradu waxay leedahay noocyo kala duwan oo mid walba shaqa gaar ah loogu tala galo. Waxaa ka mid ah: Dheegsaarka, barbargashiga, dhextuurka, daaha, jarcaysiga, dabagashiga iwm. Waxaa kaloo oo ay haweenku cawska ka sameeyaan: Gogosha, daroofka, abjadka iwm. Calallada waxay ka sameeyaan: Kebed ratida, karbaashka, aloolka (ilxirta ama digo xaaraha)iwm. Mayraxda waxay ka sameeyaan: Kebed (aqal/galool), xargo kala duwan; sida, geeddiga, qoosha (mareegta), xargo samays ah, marriinka rarada, xargaha aloolka, xargaha kebed aqasha, iyo kuwa kale oo badan. Qabada oo la tolo, waxay ka sameeyaan: haamaaha biyaha lagu shubto, kuwa ciirta lagu lusho dhiilaha caanaha lagu shubto/kaydsado oo haruubkoodana ariga lagu maalo, doobiyada geela iyo lo'da lagu maalo, qufad oo ah sanduukh oo kale, xaarinka (masafta) badarka lagu haadiyo iwm. Argeegta xididkeeda waxay ka sameeyaan: Haamaha (cabayo iyo biyoodba), dhiilaha, ubbooyinka, qufadaha, xaarinka (masafta). Hargaha iyo saamaha xoolaha waxay ka sameeyaan: adabta, qalqalaha, xashinta, abxadda, xabka, sibraarka, tebbedda, qumbaha, jilka oo loo isticmaalo dhigaha, saababka haamaha iyo tebbedaha, dahaarka satiyada iyo weelasha sariirtooda. Waxay kaloo ka sameeyaan higaagga haamaha, suumanka dhiilaha, siddooyinka, naarka (darta iyo wadaanta), lammada, weylaalista ( hargo weylaad oo la isku tolay oo la goglado), kaldho (hal harag oo ishkin ah), harag waxar, indhisha oo ah hargaha naylaha iyo sagaarada (mid wax lagu tolo ama afsaar (durbaan) ah) , cukadda oo ah harag dhisan iwm. Saamaha waxaa kaloo laga sameeyaa hoggaanka ratiga, shakaalka fardaha, qoofalka, xargaha aqalka. Waxay kaloo sameeyaan dhigaha oo ka kooban lool iyo qabax oo laga sameeyo harag la aslay iyo laamaha geed miroodka, sida kuwa dhuyaca, dhebiga iyo geed miroodyo kale. Gabdhaha waxaa loo ababiyaa in ay hawl kasta oo ay hooyadu qabato ay bartaan.

Wiilasha reer miyiga ah

6- Ababinta wiilasha reer miyiga Waxaa lagu ababiyaa hawlaha ragga: sida; sahaminta, dhaaminta, shubidda ceelka, xero ooddida, ilaalinta geela, dagaal gelidda, gar naqidda/soorka, raridda iyo dejinta reerka iwm. Wiilasha waxaa kaloo loo tababaraa in ay dagaalyahan noqdaan. Qaababka loo tababaro waxaa ka mid ah, iyagoo markay yaryaryihiin lagu bilaabo in la baro, legdinta oo isugu dhafan: farafootan, qonofka (dhexaad, xagal daaco), weydaarashada, tabcada, qool sagaarada (darada), sinsaaryada, dabamaryada, hoos ka duska, xambaaro gudubka, dibir seexatada iwm. Waxaa kaloo intaa sii dheer hurdanka oo u dhigma nooc ka mid ah, waxa afafka qalaad loo yaqaan karateeyada. Waxaa kaloo la baraa xeeladaha kala duwan ee loogu dagaallamo hubka fudud sida waranka, hootada, gaashaanka, toorreyda, gamuunka iyo qaansada, warafka, nishaabta buntukha, seefaha, burarka iwm. Waxaa kaloo la baraa rakuubsiga, fardofuulka, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, taasoo ah waxa ay ku caweysimaan dhallinyarada reer miyigu wiil iyo gabarba. Waxaa wiilasha lagu ababiyaa hawlaha kale ee uu raggu qabto oo ay ka midka yihiin: Qoridda qabaalka, mooyaha, kasha, xeera salleyda, kalaxa, quddaha, fandhaalka, dhakalka (doobi qori), dhiil qori, udbaha, koorta, kooraha fardaha, iyo rakuubbada, takiga (samayada/ waranka), burka, gadowga naarka iwm. Waxaa kaloo ka mid ahaa farsamada ragga jirdinta xargaha, sida dawliga, iyo yeesha, duugista suumanka, cararinta (aslidda) yeelka, oodidda, sahaminta, raacidda ishkinka iwm. Intaas oo dhanna waxaa loo taba baraa wiilasha reer miyiga ah, markay da'doodu 10 sano kor u dhaafto. Wiilashu markay 12 sano gaaraan waxaa lagu bilaabaa hawlaha adag oo ay ka midka yihiin: raacidda xoolaha soofka ah, aroorinta xoolaha, horidda xoolaha marka la waraabinayo, dhuridda ceelka, raacidda geel horweynka, gacan ka geysashada oodidda xerada xoolaha iwm. Waxaa wiilasha lagu ababiyaa si ay Rabbi ugu xeer dhigtaan, ragna ula xisaabtamaan. 7- Ababinta ubadka ee magaalada Qaabka saldhigga u ah ababinta ubadka reer miyiga ee aan kor ku soo xusnay iyo tan magaaladu waxyaabo badan ayey isaga midyihiin. Tan magaalada, waxa ka maqan waa habka xil saaridda iyo shaqada badan oo ay ubadku qabtaan, marka ay gaaraan 6 sano iyo ka weyn. Waxaa miyiga iyo magaaladu guud ahaan ku kala duwanyihiin; madadaalada, hawl qabadka iyo barbaarinta oo ay door weyn ka ciyaarto degaanka iyo dugsiga barashada asaasiga ah.

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ubadka ku barbaara ee ka dhasha qoys ladan, waxaa ababintoodu u dhawdahay tan reer galbeedka oo aad u saamaysa dhammaan ilmaha magaalooyinka ku barbaara, taas oo ay sabab u tahay aflaanta, wargeysyada iyo buugaagta la akhristaba. Waxaa hubaal ah xagga dhaqan Soomaaliga ee codkarnimada iyo raganimada ay soomaalidu ku faanto in reer miyigu uu aad uga horreeyo.Waxaa taas sabab u ah, ubadka reer miyiga oo dhaqan mudda dheer soo jireen ahaa lagu ababiyo. Taas waxaa u daliil ah, marka laga eego dhaqanka soomaalida xagga suugaanta oo ka mid ah waxyaabaha soomaalidu caanka ku yihiin. Qofaan miyiga ku xeel dheerayni suugaanta Soomaalida kuma xeel dheeraan karo. Haddii uusan qofka soomaaliga ahi dhaqanka reer miyiga waxba ka aqoon, waxaa lagu tilmaami karaa dhaqanka curyaan (wax badan ka maqanyihiin). Qofnimadii Soomaalida lagu yaqiiney wax badan ayaa ka dhimman oo soomaalinimada inuu matalo waa ay ku adkaanaysaa. Gabdhaha magaalada waxaa inta badan lagu ababiyaa inay naag wanaagsan u noqoto ninka ay guursan doonto. Taas waxaan ula jeedaa, in loo tababaro hawsha guriga iyo ababinta ubadka. Caweysinka magaalooyinka waaweyn aad buu uga duwanyahay tan reer miyiga ee heesaha lagu wada hadlo ama la isku shukaansado. Caweyska magaaladu waa qoobab ka ciyaar iyo heeso af qalaad ah. Ciyaaraha carruurtu ku madadaashaan wiilal iyo gabdhaba, waxay ku sal leeyihiin tii reer miyiga, Sida; kabeybilataa, kuukuun(guunguun), googaalaysiga, Quful naar, dhuumaalaysiga, imbiliga, angaleesha, qori tuurka iwm. Waxay kaloo sameeyaan oo ku madadaashaan ilmaha magaaladu waxyaabo kala duwan oo ay iyagu sameeyaan; sida, garangarta oo laga sameeyo fuustada girgirkeeda, baabuurta oo laga sameeyo silig, alwaax, koombooyinka iwm oo shaagagna looga dhigo kabaha dacaska ah oo goobo ahaan loo jaray. Gabdhuhu waxay sameeyaan boombalooyin nin, naag iyo carruurba leh oo ay ka sameeyaan qoryo, galley iyo xaskul, waxayna ku ciyaaraan alaaboalaabey oo ah nin iyo naag la isu guuriyo, carruur ay dhalaan, aqal loo dhiso iwm. Soomaalidu miyi iyo magaalaba waa caadi, in ilmaha ababintooda ay hoggaamiso "ku kululayntu" ama ha ahaato xaarxaaro(canaan) ama dhengadeyn ama dharbaaxayn. Ilmaha waxa waajibka ku ah, haddii uu gudan waayo waa la ciqaabayaa. Waajibaadkaas waxaa ka mid ah, haddii uu ilmuhu baran waayo cashar laga rabo ama in uu xoolaha dayaco, inuusan dadka ka waaweyn ku afcelin iwm. Marka waxbarashada laga hadlayo, Soomaalida waxaa hal qabsiyadeeda ka mid ah; " ilmo waajib gudashadood waa laab ha u hayo ama laan ha ka baqayo" oo macnaheedu yahay ama ilmuhu xanjafin bay wax ku bartaan ama inay u qalbi furanyihiin. Soomaalidu waxay kaloo tiraahdaa; " Hanti waxaa xafida lix jir ul ka baqaya iyo lixdan jir cayr ka baqaya."

Ubadka ee magaalada

7- Ubad ababinta waddanka Denmarka Ababinta ilmaha ee waddankan Denmarka waxay soo martay heerar kala duwan. Wixii ka horreeyey intii aan diinta masiixigu dalka soo gelin iyo ka dibba. Ababinta ilmaha wax sharci ah oo ka dhigan ma jirin, waxaana loo ciqaabi jirey sida dadka waaweyn, haddii ay dembiyo kasbadaan. Sharcigii ugu horreeyey ee ku taxalluqey daryeelka ubadka waxaa la sameeyey 1683. Waxaa sharcigaas loo sameeyey dhibaatooyinkii ku xadgudubka ubadka oo badtay. Waxaa sharcigaas sameeyey Boqorkii Kiristiyaankii 5aad, si uu ubadka uga badbaadiyo ciqaabta xun ee lagu hayey. Tusaala ahaan haddaan u soo qaadanno ciqaabaha xun ee ilmaha lagu hayey waxaa ka mid ahaa: " Afar carruur ah ayaa dukaan ka jabsatay magaalada Helsingør, taariikhdu markay ahayd 1563-dii. Da'doodu waxay u dhexeysey 12 - 14 jir. Ilmihii waa la soo qabtay oo waxaa la soo taagey maxkamadda magaalada. Ninkii dukaanka lahaa baa waxaa la weydiiyey; " maxaan ilmaha ku xukunnaa ? Wuxuu ku jawaabey, ". Waa in ilmaha qudha laga jaraa." Waxaa laga codsaday in uu ilmaha yaryar noloshooda badbaadiyo ee si kale loo ciqaabo. Ugu dambayntiina waa uu oggolaaday. Waxaa ilmihii lagu xukumay, labo waxaa laga gooyey midkiiba hal dheg, midna waa la karbaashey, kii kalana waxaa lagu xukumay inuu Boqorka u adeego inta uu ifka saaranyahay oo noolyahay." Ka bilaabata wakhtigaas kor ku xusan ee sharciga ubadka la sameeyey, waxna waa lagu darayey, waxna waa laga beddelayey. Qoddobbada Sharciga ilmaha ee la sameeyey waxaa ka mid ahaa: - In ilmaha meeshii maxkamaddu ciqaabi lahayd, waalidku ciqaabo iyada oo ay maxkamaddu waalidka u sheegayso sida ay u ciqaabayaan. - In ubadka aan waalidkiis u dhega nuglaan, uusan dhaxalka waalidka waxba ku yeelan. - In la xanjafiyo, xagga dugsiga iyo gurigaba, haddii aysan waajibaadka laga rabo gudan iyo haddii ay edeb-darro sameeyaanba. - In ilmaha edeb darro sameeya, marka la tukanayo ama wax yeella u geysta shimbiraha iyo xayawaanka ku nool goobta reer boqor, oo da'doodu u dhaxayso 10 - 15 sano, in lagu xukumo 25 karbaash ( oo ka samaysan dhengedo la isku xirxiray), oo laba maalmood loo kala qaybinayo iyo qodobbo kale oo badan oo aanan halakan ku soo wada koobi karin. Waxaa jirtey oraah deenish ah oo oranaysey; " ninka ilmihiisa jeceli waa inuu ciqaabaa, marka ay edeb darro sameeyaan." Waxaa jirtey mid kale oo oraneysey, " Adeecid la'aan natiijadeedu waa ciqaab." Waddamada Reer Galbeedka oo dhan waxaa doorweyn ka qaatay niman badan oo cilmi nafsiga bartay, taariikhyahanno iyo qoraayaalba inaan ilmaha la ciqaabin. Waxaa dadkaa ka mid ahaa Alice Miller, Philippe Aries, Stanley Milgram, Sigmund Freud, Anne Freud iyo kuwa kale oo badan. Sannadkii 1800 ayaa la mamnuucay in ilmaha da'doodu 15 sano ka yartahay la soo hortaago maxkamad oo ciqaabo lagu xukumo. Ilmuhu waagii hore waxay ka qayb qaadan jireen soo hoyinta masruufka iyo marashida qoyska, sababtoo ahayd way shaqayn jireen. Sidaas daraadeed waxay qoyska ka ahaayeen qof muhiim ah oo wax soo geliya reerka. Waxay ilmuhu wax u tari jireen qoyska ay ka dhasheen iyo bulshada ay ku dhex noolyihiimba. Dadka waaweyn iyo carruurtu sida ay maanta u kala soocanyihiin uma kala soocnaan jirin ee waxay ka soo wada jeedeen hal dhinac. Horumarka dhaqaale iyo farsamamada casriga ah ayaa keenay shiddooyin badan oo aan la aqoon, sida ilmihii inay ilma noqdaan oo dadkii waaweynaa ka fogaadaan, sababtoo ah waxaa ka wareegey xilkii ahaa in ay reerka wax ka masruufaan. Shaqadoodii waxay noqotay inay wax bartaan iyo inay dheelaan. Waxaa soo baxay dad badan oo naftooda u huray inay ku xeel dheeraadaan sida ilmaha loo ababiyo. Waxaa bilaabatay in waaliddiintii lagula taliyo, talooyinka ay ka mid yihiin kuwan hoos ku xusan: - Haddii ilmaha wax gaaraan jiljileec iyo naxariis badan yay kaa arkin oo kaa dareemin. - Khalad baan sameeyey adoo leh ilmuhu yay ku maqlin. - Ilmuhu reerka taladiisa wax kuma laha. - Hadafka ababinta ubadku waa inay dhega nuglaadaan. Maanta waxaa dunida horay u martay isku raacsantahay in ilmaha barbaarinta wanaagsan helay uu yahay: Kan waalidkiis u sameeyo xad uusan dhaafi karin. Kan waalidkiis tusiyo naxariis iyo kal gacayl badan. Kan waalidkiis waqti badan siiyo ee lala sheekaysto. Kan waalidkiis tuso ixtiraam iyo xaq dhawr gaar ahaan waxa ilmuhu danaynayo. Kan waalidkiisa tixgeliyo heerka kormadiisa. Kan waalidkiis ka qayb geliyo talada qoyska. Barbaarinta ubadka deenishka ee maanta waxaan oran karaa waa sidan iyada oo kooban: - Waxaa loo barbaariyaa si madax bannaan, iyada oo xad loo samaynayo - Marka ay ilmuhu 3 sano gaaraan, waxaa la baraa in ay wax xil ah qaadi karaan. - Waxaa loola hadlaa sidii qof weyn oo waa lala sheekaystaa. - Korriimada ilmaha waa la tixgeliyaa, oo da'da iyo ixtiraamka qofnimo waa isfeer cararayaan. - Talada qoyska waa ay ka qaybqaadanayaan ilmuhum, marka ay afar jir gaaraan. - Xannaanada 6 bilood ilaa 3 jir, ilmaha waxaa la baraa hadalka iyo siduu ula dhaqmi lahaa ilmaha kale ee la dhigta xannaanada, xagga wada ciyaarta, wax qaybsiga, cunta cunidda, wax u akhrintana waa lagu bilaabaa. - Xannaanada 3 - 6 jir, ilmaha waxaa loo tababaraa oo loo carbiyaa inay xaqdhawrka iyo wada shaqaynta bartaan, midabaynta, sawiridda iyo intii horay loogu soo bilaabay oo loo sii wado. - Fasalka xannaanada Ilmaha waxaa loo carbiyaa oo loo tababaraa siday dugsi u dhigan lahaayeen, xagga dhegeysiga, wadashaqaynta, xasilooni u fariisiga, sida qalinka loo qabsado, qaabka wax loo qoro oo lagu bilaabo sannadkaas. - Ilmuhu inta ay dhiganayaan ilaa fasalka 4aad waxay tagaan xannaanada (Xarunta madaddaalinta) dugsiga ka dib, halkaas oo ay ilmuhu ku bartaan waxyaabo badan oo kala duwan, haba u badnaadaan waxyaabaha lagu maaweeliyaaye. Xannaanada ubadka Denmarka ee maanta waxaa doorweyn ka ciyaara xannaanooyinka oo ay ka shaqeeyaan dad soo bartay ama loo tababaray sida ilmaha loo barbaariyo loona xannaaneeyo. Waalidku xagga xannaanada wuxuu gelayaa sidaan qabo kaalinta labaad. Barbaarinta ubadka deenishku waa mid guud oo ilmo badan hal meel loo wada jihaynayo. Sannadkii la soo dhaafay 1998-kii waxaa la soo saaray, sharci oranaya waa mamnuuc, in ilmaha la dilaa (garaaco) ama lagu fara saaro wax jirkooda iyo muraalkooda nafsiga ah dhaawac u geysta. Sharcigan waxaa la soo jeediyey 1986 in kastoo sannadkii la soo dhaafay uu dhaqan galay. Ilmaha waa la ciqaabaa, laakiin dilid laguma ciqaabo ee waxaa lagu ciqaabaa in qol lagu xiro, ama wax la siin lahaa loo diido. Dad badan ayaa waxay u arkaan in qol ku xiriddu ka xuntahay xanjafinta. Qol ku xiriddu aniga waxay iila muuqataa ciqaab aad u xun, waxaanan la fikrad ahay dadka oranaya xanjafi intaad qol ku xiri lahayd. Alice Miller oo u dhalatay waddanka Iswisarlaand, baratayna cilmi nafsiga, waqti badanna u hurtay barshada xannaanada ubadka waxay tiri oraahahan xusuusta mudan: - Marka ilmaha la ababinayo, waxaa la barayaa siday iyaguna ay wax u ababin doonaa. - Marka loo wacdinayo, waxaa la barayaa siday u wacdin doonaan - Marka wax loo dhigayo, waxaa la barayaa siday ugu dhigi doonaan. - Marka la canaanayo waxaa la barayaa siday wax u canaanan doonaan - Marka la liido, waxaa la barayaa siday wax u liidi doonaan. - Marka la caayo, waxaa la barayaa siday wax u caayi doonaan. - Marka niyadda laga dilo, waxaa la barayaa siday niyadda wax uga dili doonaan - Marka loo qoslayo, waxaa la barayaa siday wax ugu qosli lahaayeen - Marka loo naxariisto, waxaa la barayaa siday ugu naxariisan doonaan. - Marka la gargaaro, waxaa la barayaa siday wax ugu gargaari doonaan. - Marka loo dulqaato, waxaa la barayaa siday ugu dulqaadan doonaan. - Marka la ixtiraamo oo la xaqdhawrana, waxaa la barayaa xaqdhawr iyo ixtiraam.

Ubad ababinta Denmarka

8- Dhibaatooyinka ugu badan ee ay waaliddiinta Soomaalidu kala kulmeen xagga ababinta ubadka, markay Denmaarka yimaadeen waxaa ka mid ah: - Qaabka aan ilmaha u ababsan jirney badankeennu oo mid xilli hore laga tegey ah, marka loo eego tan Denmark. - Waalidkii badankooda oo aan u bislayn ama aqoon xumo ha ugeyso ama diidmo e, qaabkan ababinta casriga ah. - Waxyaabaha dhibka nagu aha, haddii aan waalid soomaaliyeed nahay waxaa ka mid ah: Ilmo la sheekaysiga, buug u akhrinta habeenkii markay seexanayaan, inaan sidii qof weyn ilmaha u ixtiraanno, inaan xaq dhawrro inay korayaan ee sannad walba wax iska baddalayaan, inaan talada guriga wax ka siinno, inaan kala tashanno hadba wixii nala soo gudboonaada, inaan u aragno ilmuhu inay yihiin dad maskax leh oo wax garan kara, inaan fahamno inay ilmuhu u baahanyihiin ababinteenii hore mid ka duwan.

Ababinta Soomaalida badankeedu waa mid dabiici ah oo soo jireen ahayd muddo dheer, tan deenishkuna waa mid wakhtiga iyo hadba heerka la marayo la socota, taasaana keentay in waalidka deenishka ah shaki ka galo qaabka uu wax u ababinayaa inay sax tahay iyo in kale. Waxaan qoraalkan ku soo xirayaa, haddii aynnaan qaabkeenna ababinta ubadka wax ka beddelin, halis bay ku jirtaa, inay ababin fiican helaan. Haddii aysan ababin ku habboon helinna, waddankaan wax kama qabsanayaan oo waa ku halaagmayaan. Waa jiraan qoysas Soomaaliyeed oo fahmey baahida iyo muhimmada ay u leedahay ubadkooda in waddankan cusub ee ay yimaadeen nolol ilmeedkiisa ay ku ababiyaan ubadkooda, iyaga oo ka reebaya wixii diintooda iyo dhaqankooda wax u dhimaya. Waxyaabaha waaliddiinta Soomaaliyeed argagaxa ku ridey, ee ay qaar badan uga didsan yihiin xannaanooyinka iyo goobaha ilmuhu ku madaddaashaan waxaa ka mid ah uguna weyn:

Fara xumaynta (galmo) ubadka oo ah wax soomaalidu dhimasho ka xigaan, inkastoo waaliddiin aan ka xumaaneyn aysan jirin, haddii ilmahooda la fara xumeeyo, waddan walbaba ha u dhashaane.

Waxaan qabaa waa muhiim, in uu waalidku ogyahay waxa uu ubadkiisa ku ababinayo, samaheeda iyo xumaheeda. Sidaas daraadeed waa ku khasbanyihiin waaliddiinta Soomaalidu inay fahmaan, waxna ka bartaan dhaqanka deenishka iyo sida ay ilmaha u ababiyaan guud ahaan. Haddii kale, ilmuhu waxay noqon; dawacadii socodkeedii ka tagtay, kii libaaxana gaariweydey.

Waxaan hadalka ku soo koobayaa:

Ubadkiis ma ababsade, ciil iyo catow iyo kama baxo calool xumo; Ubadkiis ma ababsade, ciil inuu ku seexdaa waa wuxuu mutaystaye, yuu ka heli naruuriyo nasteexayn;

Qore: Abdi salad Abdulle (Dacas) Wixii dhaliil iyo talo ku biiran ah,fadlan iigu soo dir E-mail: Dacas@mobilixnet.dk ====================================================== Raadraaca qormada

Raadraaca Raadraaca xagga ababinta ubadka soomaalida: Waxaan soo wareystay ilaa toban qof oo soomaali ah oo da'doodu u dhaxayso 20 - 75 Kuwaas oo run ahaantii fikrado badan igu biiriyey. Buugaagta raadraaca xagga ababinta ubadka deenishka: Ababinta ubadka ee Denmarka ee uu qoray Ole Varming. Aragtida ubadka iyo ababinta ee dadka waaweyn ee ay qoreen Erik Sigsgaard & Ole Varming. Ababintu ma muhiimbaa ee uu qoray Erik Sigsgaard