Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

Taariikhda Aaskii Midnimada iyo Raja-gabka Somaliweyn

    
    
      (Maqaalkanu waxa uu ku saabsanyahay taariikhda soo
     ifbaxii Aragtida Somaliweyn, dhalashadii midnimada
     labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, iyo sidii Somalia
     iyo Somali Galbeed midnimadaas u aaseen, yididiiladii
     Somaliweyna uga dhigeen raja-gab)
    
     Figradda Somaliweyn waxay xooggeedu soo ifbaxday
     badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939-1945)
     xilligaas oo ay bilaabmeen halgamadii siyaasiga ahaa
     ee gobonimadoonka Somaliyeed oo socday intii u
     dhaxaysay 1943-1960.  Halgamadaas oo ay hormood ka
     kala ahaayeen  Xisbigii SYL oo la aasaasay 1943 una
     halgamayey xornimada Gobolladii Koonfurta  oo maanta
     ah Somalia iyo Xisbigii SNL oo la aasaasay 1947 una
     halgamayey xornimada Gobolladii Waqooyi oo maanta ah
     Jamhuuriyadda Somaliland.  Halgamadaasu waxay
     dhammaantood ka midaysnaayeen aaminsanaanta Aragtida
     Somaliweyn oo ahayd in la xoreeyo, mideeyo, hal calan
     iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed ee
     Gumeysiga Reer Yurub u kala qaybiyey geyigii
     Somaliyeed, taas oo ahayd sidatan: Somaliland iyo
     Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay
     Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya
     Gobolka Waqooyi Bari ee Somaliyeed (1963) , Koonfurta
     waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta
     u gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna
     waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889), dibna Dhulka
     Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954).
    
     Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee
     Somaliyeed oo gobonimada qaatay 26kii June, 1960,
     ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey
     ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii
     ay 1dii July 1960 la midoobeen Koonfurta (Somalia)
     lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia.  Midowganu waxa uu
     yididiilo weyn ku abuuray dhammaan dadyowgii 5ta
     Somaliyeed waxaana rajo weyn laga qabay in dawladda
     cusub ee Israaca ay horseed u noqondoonto xoraynta iyo
     keenidda 3dii gobol ee kale si figradda Somaliweyn u
     dhabowdo loona abuuro jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed
     kana dhalata Geeska Afrika.
    
     Nasiibdarro, Aragtida Somaliweyn waxay figrad ahaan
     iyo ficil ahaanba u jirtay intii u dhaxaysay
     1943-1960.  Burburka midnimadii dhalatay iyo
     yididiiladii laga qabay Somaliweyn waxay la kowsatay
     Israacii 1960 kadib markii ay Somalia diiday inay
     ixtiraamto wadaagga dawladdii ka dhalatay midnimadii
     cusbayd si toos ahna u boobtay.  Somali Galbeed inta
     Taliskii Siyaad Barre u oggolaaday ka qaybgalka
     dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia iyaga oo qaxooti
     ah ayey qabiil ahaan ula safteen Taliskaas kana
     qaybgaleen dagaalladii Somalia ku qaaday Reer
     Waqooyiga.  Bal  aan eegno qaybta ay labadan (Somalia
     iyo Somali Galbeed) mid kastaba ka qaadatay burburinta
     midnimadii labada gobol iyo mijo-xaabinta Aragtida
     Somaliweyn.
    
     Israacii 1960 waxa uu dhexmaray laba dawladood oo
     cusub oo siman kana  kala dhashay Maxmiyaddii
     Ingiriiska ee Somaliland iyo Mustacmaraddii Talyaaniga
     ee Somalia kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Ra`iisal
     Wasaare Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Waqooyiga) iyo
     Ra`iisal Wasaare  Cabdullahi Ciise Moxamuud
     (Koonfurta).   Waxa la filayey in marba qolada
     madaxweynaha qaadata mooyee ay qolada kale qaadato
     ra`iisal wasaaraha, jagooyinka kale ee muhiimka ah ee
     dawladdana si caadil ah loo wada qaybsado.
     Ayaandarro, Waqooyiga waxa loola dhaqmay sida gobol ka
     tirsanaa Koonfur oo kale sida Mudug ama Banaadir,
     dadkiisiina waxa si cad looga duudsiyey qaybtii ay ku
     lahaayeen jamhuuriyaddii wadaagga ee cusbayd.
     Sidaasna Koonfurtu waxay markiiba ku fashilantay inay
     fahamto qiimaha midnimada.  Markii Koonfurtu qaadatay
     madaxweynihii  ugu  horreeyey oo ahaa Aden Cabdulle
     Cosman (1960-1967), waxay ku darsatay ra`iisal
     wasaarihii oo noqday Cabdirasheed Cali Sharma`arke
     (1960-1964) iyo jagooyinkii ugu muhiimsanaa golaha
     wasiirada iyo ciidamada sida Cabdirizaaq Xaaji Xuseen:
     Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdullahi Ciise Moxamuud:
     Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Cosmaan Axmed Rooble:
     Wasiirkii Maaliyadda, General Daa`uud Xirsi: Taliyihii
     Xoogga Dalka Somaliyeed, General Moxamed Abshir
     Haamaan: Taliyihii Ciidanka Boliiska Qaranka iwm,
     barlamaankiina si xaqdarro ah ayey u bursatay
     Koonfurtu.  Marlabaad ayaa koonfurtu qaadatay ra`iisal
     wasaarihii oo noqday Cabdirizaaq xaaji Xuseen
     (1964-1967) oo isla madaxweyne Aden Cabdulle Cosman
     magacaabay xilligiisii labaad.   Madaxweynihii labaad
     waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma`arke (1967-1969)
     oo isna Koonfur ahaa.
    
     Wacadfurka, inkiraadda, iyo cadaaladarrada ay
     xukuumadihii rayidka ahaa ee Koonfurtu kula kaceen
     dadka Waqooyi intii u dhaxaysay 1960-1969 waxay
     muujisay sida dadka Koonfurtu jaahil uga ahaayeen
     qiimaha midnimada iyo fahmidda dawlad-wadaag ah.
     Duudsigaas foosha xumi waxa uu keenay in dadka
     Waqooyigu isku-ciilkaambiyaan sidii fududayd ee ay
     dawladnimadoodii cusbayd ugu loogeen Koonfurta,
     waxayna kaga cadhaysiisay siyaasiyiinta
     indheer-garatada, madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo
     saraakiisha ciidamada.  Cadhadaasu waxay keentay in
     qaar ka mid ah saraakiisha militariga  ee Reer
     Waqooyiga ahaa  uuna  hoggaaminayey Xasan Kayd ay
     inqilaab dhicisoobay ka ridaan magaalada Hargeysa
     bishii Diisambar 10dii, 1961 si ummadda Waqooyi loogu
     soo cesho dawladnimadii laga duudsiyey iyo
     madaxbanaanidiiba.
    
     Halkii la dersilahaa sababta keentay gadoodka ciidanka
     lana bilaabilahaa dib-u-heshiisiin qaran, ayaa waxa uu
     madaxweyne Aden Cabdulle Cosman (1960-1967) ku
     dhaqaaqay tallaabooyin lagu sii cadaadinayo Reer
     Waqooyiga si loogu ciqaabo inqilaabka fashilmay
     loolana dhaqmo sida mustacmarad ay haysato Koonfurtu.
     Waxa uu isku-bedalay ciidamda, macallimiinta, iyo
     shaqalaaha dawladda, isagoo kuwii Koonfurta keenay
     Waqooyi, kuwii Waqooyigana geeyay Koonfur si
     dhaqangeddin loogu sameeyo dadka Waqooyi.
    
     Siyaad Barre oo sugayey fursad uu ku hanto xukunka
     dalka kuna hammiyayey dhisid boqortooyo Daarood ayaa
     si lama filaan ah afgebi-milatari ku qabsaday xukunkii
     dalka bishii oktoobar 21dii, 1969 isaga oo ka
     faa`iidaysanaya buuqii ka dhashay dilkii madaxweyne
     Cabdirasheed cali Sharma`arke ee ka dhacay magaalada
     Laas-caanood bishii Oktoobar 15dii, 1969.  Si
     keli-taliye Siyaad Barre u hirgesho hammigiisa una
     helo cudud Daarood oo ilaalisa isla markaana difaacda
     xukunka ayaa waxa uu markiiba u baaqay si sharcidarro
     ahna dalka ku soo geshay Ogaadeenkii Somali Galbeed .
     Wadanigii dalka u dhashay waxaa laga dhigay qaxooti,
     qaxootigii Ogaadeenna waxaa laga dhigay wadani iyada
     oo lagu taxay darajadii iyo jagooyinkii laga boobay
     dadkii waddanka lahaa lagana dhigay  xubno gole ,
     wasiirro, danjirayaal, janano, guddoomiyayaal iwm
     intii u dhaxaysay 1970-1990.  Tusaale waxa loo soo
     qaadankaraa: Col. Moxamed Cumar Jees (Reer DHagaxbuur)
     oo xubin ka ahaa wixii lagu magacaabijiray Golihii
     Sare ee Kacaanka, General Moxamed Cumar Cosman
     (DHagaxbuur) oo ahaa taliyihii Ciidanka Badda, General
     Bile Rafle Guuleed (Wardheer) oo guddoomiye ka kala
     noqday Mudug, Togdheer, iyo gobolkii W/Galbeed,
     Cabdiraxmaan Afar Jeeble (Qabridaharre) oo guddoomiye
     ka ahaa gobolkii W/Galbeed marna ka ahaa danjire dalka
     Imaaraadka, General Cabdiwahaab Moxamed Xuseen
     (Qabridaharre) oo ahaa taliyihii Ciidanka
     Guulwadayaasha,  General Siyaad Daa`uud (DHagaxbuur)
     oo ahaa taliyihii Qaybta 26 aad.  Intaas iyo kuwo kale
     oo badan waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Ogaadeen ee
     ka yimid Somali Galbeed.  General Adan Gabyow
     (Gaarisa) oo isna ahaa qaxooti Ogaadeen ah kana yimid
     Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxa uu noqday wasiirkii
     Gashaandhigga dalka.  Tirada jananada qaxootiga ahaa
     ee Ogaadeenka kuna jiray ciidankii la odhanjiray
     "Xoogga Dalka Somaliyeed” aad ayey uga badnayd marka
     la isku geeyo tirada jananada Isaaqa iyo Hawiyaha ee
     isla ciidankaas.
    
     Madaxdaas iyo saraakiisha Ogaadeen waxa intooda badan
     loo bedelijiray Goboladii Waqooyi, siiba kuwa Isaaqu
     dego waxayna qaybweyn ka qaateen u cabbudhintii iyo u
     sandullayntii Isaaqa Taliskii Siyaad Barre,isla
     markaana qayb-laxaad leh ka qaateen siyaasaddii
     Taliskaas ee dejintii boqolaalka kun ee qaxootigii
     Absamaha Somali Galbeed ee Ogaadeenka u badnaa, kuwaas
     oo la dejiyey duleedka Hargeysa iyo Berbera intii u
     dhaxaysay 1978-1985 si tartiib-tartiib Isaaqa looga
     qaado dhulkooda looguna dal-ballaadhiyo Daaroodka
     mustaqbalka.  Qayb ka mid ahayd qaxootigii Absamaha ee
     Somali Galbeed waxaa isla sannadahaas la dejiyey
     dhulka beeraha ku fiican (jalalaqsi) ee Gobolka
     Hiiraan si Hawiyahana looga riixo gobolkaas.  Haddaan
     ujeeddo siyaasadeed laga lahayn, Dadkaas waxay xaq u
     lahaayeen in si ku meel gaadh ah loo dejiyo laguna
     masruufo xeryo qaxooti (Refugee Camps) looga sameeyo
     dhinaca xuduudaha inta lagu celinayo dhulkoodii hooyo
     ee ay ka soo qaxeen halka la dejiyey dalka gudihiisa
     iyo magaalooyinka waaweyn duleedkooda.
    
     Dadka Reer Waqooyigu  markii ay arkeen sida loo
     duudsiyey dawladnimadoodii, dhulkoodiina loo soo
     dejiyey qaxooti laxaad leh si loo dhaxal-wareejiyo dad
     iyo dalba, ayaa waxay 1981 go`aansadeen aasaaska
     Ururkii Hubaysnaa ee SNM si dadka iyo dalkaba looga
     samata-baxsho halistaa weyn ee soo food-saartay.
     Kadib markii Ururka SNM weerar burburin ah ku hayey
     ciidamada Koonfurta iyo Jabhaddii Somali Galbeed ee
     Ogaadeenka  muddo 5 sano ah (1982-1987), ayaa waxaa
     ururkaasi duullaan weyn ku qaaday bishii May, 1988
     magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kaas oo si dhab ah u
     burburiyey awooddii ciidan iyo siyaasadeed ee Talisku
     ku lahaa Gobolladii Waqooyi, ugu dambayntiina kaga
     xoreeyey geyigaas bishii January 1991.
    
     Sannadihii u dhaxeeyey 1982-1987, ka hor intaan
     Ururkii SNM duullaankii weynaa ku soo qaadin
     magaalooyinka waaweyn, waxaa dadka Isaaqa loo gestay
     dil joogto ah, silic-dil, xadhig, tuulooyin baabi`in,
     berkado qarxin, wadooyin miinayn iwm.  Xilligii
     duullaanka weynaa ee SNM (1988-1990), waxay ciidamadii
     Koonfurta, Jabhaddii Somali Galbeed (Ogaadeen),
     Jamhaddii SSDF (DHafoor-qiiqii Majeerteen), Jabhaddii
     Abowga, iyo Calooshood-u-shaqaystayaashii Koonfur
     Afrika u geysteen dadka Isaaqa: gummaad, magaalooyin
     burburin, qaxin, boob, xadhig, iyo macalluulin
     dadweyne taas oo aan hore taariikhda u soo marin dadka
     iyo dalka Somaliland.  Magaalada Hargeysa xilligii
     Moorgan waxa la shidanjiray daaqadaha iyo albaabada
     markii lagu soo rogay bandoo lagana joojiyey
     dhuxushii, xaabadii, caanihii, iyo hilibkii uga
     imanjiray miyiga sannadihii 1986-1988.  Waxaa la
     xusuusanyahay in dad rayid ah oo gaadhaya ilaa 50,000
     qof oo Isaaq ah lagu dilay Waqooyi siiba magaalooyinka
     Hargeysa, Burco, iyo Berbera.  Waxaa iyana xusid mudan
     Gawracii Xeebta Gasiira ee Xamar halkaas oo bishii
     July 17, 1989 goor saq-dhexe ah dhegta dhiigga loo
     daray 46 rayid ah oo Isaaq ah, dadkaas oo isla
     habeenkaas lagala baxay guryahoodii ku yiil
     Buulo-Xuubey ee Degmada Madiina, Mogadiisho.  Ujeedada
     loo galay dembiyadaas culus waxay ahayd in dadka
     Isaaqa la qaran-guuriyo lagana dhaxal-wareejiyo
     dhulkooda hooyo si loo dejiyo Absamihii laga soo raray
     Somali Galbeed iyo kuwo kale.   Arrintaasu wax
     qarsoodi ah ma ahayn oo si cad ayaa loogu dagaal
     gelinjiray jabhadaha iyo maliishiyada hubaysan ee
     Beelaha Daaroodka.   Waxaa kale oo arrintan sii
     xaqiijinaya warqaddii SIRTA CULUS ahayd ee taariikhdu
     markii ay ahayd January 28, 1987 uu dembiile dagaal
     Moxamed saciid Moorgan u kala diray soddogii
     madaxweyne Siyaad Barre, General Aden Hirsi Gabyow,
     Wasiirkii Gashaandhigga, iyo General Axmed Suleman
     Cabdalla, Wasiirkii Arrimaha Gudaha, warqaddaas oo
     Moorgan ku soo jeedinayo talo ah in dadka Isaaqa si
     tartiib-tartiib ah  looga dhaxal-wareejiyo dhulkooda
     hooyo laguna bedelo waxa uu ku tilmaamay “Dadka ehelka
     u ah Kacaanka”, kuwaas oo uu ulajeeday dadka Daaroodka
     maadaama warqaddu ka timid madax Daarood kuna socotay
     madax Daarood oo qudha.
    
     Mudadii 30ka sano ahayd ee midnimada Waqooyi iyo
     Koonfur (1960-1990) waxaa madaxweynanimada  iyo
     ra`iisal wasaarahaba isku haystay Koonfurta (Xilligii
     Siyaad Barre isaga ayaa labadaba isku haystay nuxur
     ahaan) marka laga reebo labadii sano ee uu Madaxweyne
     Cabdirasheed Cali Sharma`arke ra`iisal wasaaraha u
     magacaabay Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (1967-1969).
     Magacaabidda Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal waxay
     dhalisay dilkii madaxweyne Cabdirasheed Cali
     Sharma`arke oo uu shirqool siyaasadeed ku dilay nin la
     odhanjiray Saciid Jahannama oo Majeerteen ahaa sababta
     oo ah waxay Majeerteenku ka xumaayeen raii`sal
     wasaaraha laga qaaday lana siiyey Reer Waqooyiga.
     Madaxda Reer Waqooyiga waxaa lagu maaweelinjiray
     jagooyin maqaar-saar ah oo dusha laga ilaasho, waxaana
     xabsi dheer oo sharcidarro ah lagu tuuray madaxdii ugu
     waaweyneyd Reer Waqooyiga oo kala ahaa Moxamed Xaaji
     Ibrahim Cigaal (Alla ha u naxariisto), Ismaciil Cali
     Abokar, Cumar Carte Qaalib, iyo saraakiil badan oo
     rayid iyo ciidanba lahaa.  22kii sano ee ugu horreeyey
     Israaca (1960-1982) waxaa dadka Waqooyiga lagu hayey
     duudsi dawladnimo, cadaadis siyaasadeed, bulsheed,
     dhaqaale, ciidameed, iyo horumar, 8dii sano ee ugu
     dambeeyeyna (1982-1990) waxaa loo geystay
     dhibaatooyinka iyo dembiyada culus ee kor ku xusan.
    
     Taariikhdan marag-ma-doontada ah waxay caddaynaysaa in
     Somalia (Koonfurta) iyo Somali Galbeed (Beesha
     Ogaadeenka) ay si wadajir ah toos uga mas`uul ahaayeen
     burburinta iyo aasidda midnimadii labada gobol
     (Waqooyi iyo Koonfur) sidaasna ku  mijo-xaabiyeen
     yididiiladii laga qabay Somaliweyn kana dhigeen
     raja-gab.  Dawladda Jabuuti oo gobonimada ka qaadatay
     Faransiiska bishii June 27, 1977, way ka caagtay inay
     ku soo biirto midnimada ka dib markii ay aragtay
     duudsigii iyo tacadigii lagu sameeyey Reer Waqooyiga
     17kii sano ee ugu horreeyey midnimada, 1960-1977.
     Waxaa kale oo figradda Somaliweyn sii wiiqday
     siyaasaddii ku dhisnayd laab-la-kaca iyo caadifadda
     wadaninimo ee ay ku kaceen xukuumadihii iskaga
     dambeeyey maamulka dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda
     Somalia kuwaas oo markiiba qori caaradiis ku raadiyey
     gobolladii maqnaa ee N.F.D (waqooyi Bari, Kenya) iyo
     Somali Galbeed halkii la adeegsan lahaa siyaasad
     qunyar socod ah maadaama adduunku ka soo horjeeday in
     xoog iyo xabbad wax lagu qabsado. Xabbad wax ku
     raadintaasu waxay keentay dagaallo lagu hoobto oo lala
     galo Itoobiya sannadihii 1964 iyo 1977, arrintaas oo
     sii fogaysay rajadii laga qabay xoraynta gobolladaas
     isla markaana keentay in Kenya iyo Itoobiya
     isubahaystaan cadaawadda Somalia, awood ciidanna ku
     muquuniyaan gobolladaas.
    
     Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u
     ololaynaya Somalia iyo Somali Galbeed oo ah labadii
     godka dheer ku riday.   Raadintanu dhab iyo daacadnimo
      kama aha ee waa damaacinimo iyo hunguri ay rabaan
     inay mar labaad degaan, xukumaan isla markaana boobaan
     barwaaqada Somaliland.  Somali Galbeed haddii  aanay
     dal xor ah gacanta ku hayn, waa maxay midnimada ay
     raadinaysaa? Maxay dad kula midoobaysaa?   Waxaa
     halkaas ka cad in Beesha Ogaadeenka ee Somali Galbeed
     oo ku waaliftay dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda
     Somalia xilligii Taliskii Siyaad Barre aanay ku
     iimaan-qabin qaybta ay beeshaasu ka degto dhulka
     Somali Galbeed welina raadinayso Somaliweynimo ay ku
     soo gabbato si ay u degaan, xukumaan, una boobaan dal
     aanay u dhalan, sidaasna kaga tanaasulaan wax ka
     xoraynta Somali Galbeed.  Mar haddii ummadd Somaliland
     lagu baaba`shay midnimo iyo Somaliweynimo ay horseed u
     ahayd iyada oo la adeegsanayo gobolaysi, qabyaalad,
     iyo keli-talisnimo, waxay aad uga digtoontahay maanta
     in dib-dambe lagu beer-laxawsado laguna khiyaameeyo
     midnimo iyo Somaliweyn dibnaha ku eg dhagarna huwan.
    
     Marka la eego dawlad la`aanta mudada 14 ka sano ah ku
     habsatay ummadda Somalia kuna haysa dilka joogtada ah,
     qaxinta, cabsida, dhaca, iyo macalluusha waxa muuqata
     in madax-ku-sheegga iyo dagaal-oogyaasha Somalia uu
     weli  garaadkoodu ku eg yahay heer qabiil iyo heer
     degaan oo aanay weli fahmin qaran iyo waddan, sidaasna
     waxaa caddaynaya sida Somalia loogu kala jarjaray
     degaamo beeleed midkasta ka taliyo caaqil-dagaal kuna
     adkaatay inay dawlad dhistaan.  Dadka sidaas ah ma
     istaahilaan inay u ololeeyaan midnimo iyo Somaliweyn
     ama lala wadaago dawlad  maadaama ay ku fashilmeen
     gurigooda.   Waxaa kale oo la yaab leh in weli dalka
     Somalia ay wax ka xukumaan qaxootgii Somali Galbeed
     iyo shakhsiyaad sheegta Jamhuuriyadda Somaliland oo
     aan cidna matalin, arrintaasuna waxay ka dhigtay
     Somalia dal aan la kala lahayn isla markaana sii
     carqaladaysay xallinta dhibaatada dawlad la`aanta ka
     jirta.  Waxaa kale oo la yaab leh in siyaasiyiinta iyo
     indheer-garatada Somalia, intooda badan, ay inkiraan
     in Somalia ka gashay dadka iyo dalka Somaliland duudsi
     dawladeed iyo dembiyo culus waxayna eedda dusha ka
     saaraan Taliskii Siyaad Barre.  Waxay illowsanyihiin
     in Taliskii Siyaad Barre ahaa Reer Koonfur (Somalia)
     eedduna tahay eed Koonfur iyo eed Somali Galbeed.
    
     Dadka Waqooyigu markii ay arkeen duudsigii, dulmigii ,
     iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay mudadii 30ka  sano
     ahayd ee Israaca (1960-1990) si buuxdana uga xoroobeen
     Koonfurta, ka dib guushii weyneyd ee SNM ee January
     1991,  ayaa waxay badhtamihii sannadkii  1991
     shirweyne ummadeed ku qabteen magaalada Burco kuna
     go`aansadeen inay gobonimadoodii la soo noqdaan kuna
     dhawaaqaan dal madaxbannaan oo loo bixiyay:
     Jamhuuriyadda Somaliland.
    
     Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin
     figrad aad u khaldan taas oo ah in haddii qofku Somali
     yahay aan laga xigin 5ta Somaliyeed (Somaliland,
     Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, iyo Gobolka
     Somaliyeed ee Waqooyi Bar Kenya) maadaama Somalidu
     wadaagto dhaqan, diin, iyo af sidaas awgeedna qofka
     “Somaliga” ah marba midka uu rabo degikaro, ka
     shaqaysankaro, wax ka xukumikaro, barwaaqadiisana ka
     qaybgelikaro.   Figraddanu waa halis waayo waxay
     horseedaysaa fawdo muujinaysa dal iyo dawladnimo aan
     la kala lahayn iyo qaran aan summad lahayn.  Arrintan
     oo jirijirtay xilligii Taliskii Siyaad Barre waa tii u
     suurtogelisay qaxootiyada Somali Galbeed iyo Waqooyi
     Bari Kenya inay si sharcidarro ah ku soo galaan,
     degaan, shaqaystaan, waxna ka xukumaan dalkii la
     odhanjiray  “Jamhuuriyadda Somalia” oo markii dambe ay
     u geysteen dhibaatooyin laxaad leh.  Somalidu haddii
     ay ku fashilantay inay dawladnimo si caadil ah u
     wadaagto waa inay kala madaxbanaanaato si ay u kala
     badbaado.  Somalidu kama duwana 18ka dal ee Carbeed oo
     isku diin, dhaqan, iyo af ah, laakiin  midkastaba gaar
     u leeyahay qaranimadiisa iyo dawladnimadiisa, inta
     kalena sharci ku soo galaan.
    
     Jamhuuriyadda Somaliland waa dal xor ah oo leh qaran u
     gaar ah iyo xuduud caalami ah waxaana leh dadka isir
     ahaan iyo taariikh ahaan ka soo jeeda dhulka
     Somaliland isla markaana deganaa xornimo-qaadashadii
     1960.  Xuquuqda muwaadinimada waxaa leh dadka
     Somaliland oo qudha.  Dadka ka yimaada Somalia,
     Jabuuti, Somali Galbeed, Waqooyi Bari Kenya ama
     adduunka kaleba waa inay sharci ku soo galaan,
     joogaan, isla markaana kaga baxaan Somaliland hawl
     kastaba haw yimaadeen  marka laga reebo dadka deggan
     Dhulka Hawdka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha
     dega Somaliland isla markaana aan dalka Somaliland ka
     maarmikarin nolol ahaan.   Shakhsiyaadka ama qoysaska
     dawladda Somaliland u aqoonsato in naftoodu ku
     badbaadayso  joogista Somaliland, naxariis joogis waa
     loo fidinkaraa sida insaaniyadu farayso dal kasta
     (Asylum seekers). Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha,
     iyo madaxbanaanida Somaliland waxay  faraysaa in si
     joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqa shisheeyaha dalka
     jooga, ciddii ku xad-gudubtana tallaabo sharci ah laga
     qaado.  Maamulka, matalaadda, xukunka, difaaca, iyo
     dheefta Somaliland waxaa leh Ummadda Somaliland oo
     qudha.
    
     Qore: Ibrahim Hassan Gagale
     Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
     March 24, 2004.
    
    
    
          

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.