Ku soo Dhowoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan H.Amaan Farshaxan

kula xidhiidh qoraaga EMAIL ..

"Cabdi-Raxmaan C. Faarax" Barwaaqo" "

Xasilloonidarada Af-Soomaaliga
          

Afna ma taabbagalo haddii aanu xasilin. Xasilloonidarraduna waa dhibaatada ugu weyn ee hadda Af-soomaaliga haysata. Dad badan oo qoriddiisa xiiseeyana waa arrin walaac ku haysa. Waxaan haddaba qoraalkan wax yar kaga ifini arrintaa aniga oo u kala saaridoona dhibaato ka taagan xagga dhawaaqa iyo mid ka aloosan dhinaca qoraalka. Waxa kale oo aan isku deyi inaan tilmaan yar kabixiyo sida ugu habboon ee loo maarayn karayo dhibaatooyinkaa iyaga ah.

1972kii waxa la qaatay in Af-soomaaliga xuruufta laatiinka lagu qoro. Hayeeshee lama guddoomin in isku si loo qoro. Waxan ujeedaa lama qeexin sida loo kala duwayo qoraalka iyo hadalka. Arrintaasina, runtii, waxay dhalisay in qofkastaa Afka u qoro sida uu isagu ugu hadlo. Tusaale ahaan:

1. Shibbanayaasha:

a) DH............. R
Adhi ............ Ari
Foodhi.......... Foori
Yidhi ............Yiri
Cadho ..........Caro
Gabadh ........Gabar

b) B............. M
Laba .......... Lama
Habeen .......Hameen
Toban ........Toman
Tabar .........Tamar

C) C .......... Q
Candhuuf ......... Qandhuuf

d) D ........... dh
Bud ........ budh

e) X ......... Kh
Xaako ......... Khaakho

f) M .......... N
Shimbir .......... Shinbir
Sambab ..........Sanbab
Dambe ........... Danbe
Gambo ............Ganbo

g) J ........... Y
mooji .......... mooyi
jaxaas......... yaxaas

2. Shaqallada:

a) I ........ U
Dib ......... Dub

b) 0 ........... A
Gobol ......... Gabal

c) U ........ I
Dhufasho ........ Dhifasho

d) A ............. I
Tallaabo ......... Tillaabo

Arrintani runtii waxay dhibaato xoog leh ku haysaa dad badan oo afka barta oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Dhab ahaanna, dhibaatadu maaha mid Af-soomaaliga keli ku ah ee waa mid ay afaf badani soo mareen kana soo gudbeen loona baahan yahay inaynu dhugmo gaar ah u yeelanno. Waxa afafkaa ka mid ah Af-carabiga. Tusaale ahaan, dalalka gacanka carabta, dadku xarafka Kaaf ‘ك’ waxay ugu dhawaaqaan Jiim ‘ج’. Marka ay isbariidinayaanna waxay yidhaahaan ‘Jeef xaalaj?جيف حالج’. Hayeeshee kolka ay qoraal noqoto wa-xay qoraan ‘Keef xaalak?كيف حالك’. Dalka Masar dadkiisu xarafka‘Qaaf ق ’ waxay ugu dhawaaqaan ‘A أ ’ Marka uu haddaba qof Masriyihi doonayo inuu kugu yidhaa ‘waxan ku leeyahay’ wuxuu ku odhanayaa ‘A’ullak’. Hase ahaatee kolka uu qoraal maago waxa uu qorayaa ‘Aqullak أقلك’.

Afka Ruushka haddaan dhankiisa eegno sidaas oo kale ayaan aragtidan mid la mid ah ugala kulmaynaa. Tusaale ahaan dadka u dhashay ama ku barbaaray jamhuuriyadda Ukraa’iin xaraf ka ‘g’ waxay ugu dhawaaqaan ‘H’. Kolka uu qof doonayo inuu ku yidhaa ‘waxan ku hadlaa af-ruush’ wuxuu ku odhanayaa ‘Yaa habaa -ruu baa Ruski’. Hayeeshee kolka ay qoraal tahay waxa uu qorayaa ‘Yaa gafaaruu baa Ruski’.

ã( ga ) H( ha )

Af-ingiriiska qudhiisa aragtidan oo kale waan kala kulmaynaa. Tusaale a-haan magaalamadaxda Kanada dad-ka reer Kanada waxay ugu dhawaaqaan ‘Odhowa’. Hase ahaatee kolka la qorayo waa ‘Ottawa’. Ereyada kala ah ‘bottle’, ‘Bottom’ iyo ‘Butter’ waxay ugu dhawaaqaan ‘Bodhol’ , ‘Bodhom’ iyo ‘Badhar’.

Sida aan haddaba soo tibaaxay, xasilloonidarradu dhawaaqa oo qudha kuma koobna ee qoridda lafteeda way saamaysaa. Waxa iyana loo baahan yahay in si uun laysku raaco si qoraalku isku mid u noqdo. Tusaale ahaan:

  • Barayaal - Bare-yaal.
  • Biyamareen - Biyo-mareen.
  • Caanagaleen - Caano-galeen.
  • Furayaal - Fure-yaal.
  • Indhakuul - Indho-kuul.
  • Kaaliyayaal - Kaaliye-yaal.
  • Qaansaroobaad - Qaanso-roobaad.
  • weriyayaal - weriye-yaal.

Waxa tilmaan gaar ah ayana mudan ereyada isku dhigmada ah hayeeshee kala dhihidda ah oo ay adagtahay in la kala saaraa. Tusaale ahaan:

  • Addoon - Addoon
  • Awr - Awr
  • Baqal - Baqal
  • Baraarug - Baraarug
  • Beer - Beer
  • Curad - Curad
  • Dameer - Dameer
  • Diin - Diin
  • Fool - Fool
  • Gar - Gar
  • Gool - Gool
  • Inan - Inan
  • Raran - Raran

Haddii erey kasta oo ereyadaasi ka mid ah qodobkiisa la raaciyo si hawlyar baa loo kala garan karaa sida:

  • Addoon(-ka) - Addoon(-ta)
  • Awr(-ka) - Awr(-ta)
  • Baqal(-ka) - Baqal(-sha)
  • Baraarug(-ga) - Baraarug(-ta)
  • Beer(-ka) - Beer(-ta)
  • Curad(-ka) - Curad(-da)
  • Dameer(ka) - Dameer(-ta)
  • Diin(-ka) - Diin(-ta)
  • Fool(-ka) - Fool(-sha)
  • Gar(-ka) - Gar(-ta)
  • Gool(-ka) - Gool(-sha)
  • Inan(-ka) - Inan(-ta)
  • Raran(-ka) - Raran (til.)

Waxa, haddaba, jirta kol aanay ereyadaasi qaadan karin qodobbo oo ay adagtahay in la kala saaraa. Kolkaasi oo ah kolka ay ereyadu weedho ku jiraan. Tusaale ahaan, haddii la yidhaa:

  • Xaddiyo inan bay ummushay.
  • Geeddi baa gool dilay.
  • Shukri waa curad.
  • Cali dameer buu fuulay.
  • Baqal baan arkay.

Weedha hore lama kala garan karo inay Xaddiyo gabadh ummushay iyo iney wiil ummushay. Midda labaadna lama sheegi karo inuu Geeddi awr gool ah dilay iyo inuu baranbarqo dilaytoona. Shukri ma curaddii reerkaa mise waa curadkii? Cali muxuu fuulay ma dameerkoodii mise dameertoodii? Aniga qudhaydu maxaan arkay ma baqalkii la cunayey mise baqashii gammaanka ahayd?

Ereyada shaqalka culus iyo kuwa sha-qalka fudud baa qudhoodu u baahan in qoraalka lagu kala qeexo sida:

  • Dul(-ka) - Dul(-sha)
  • Duud(-da) - Duud(-ka)
  • Daaf(-ka) - Daaf(-ta)
  • Duulid(-da) - Duulid(-da)
  • Maagid(-da) - Maagid(-da)
  • Sugid(-da) - Sugid(-da)
  • Tuur(-ka) - Tuur(-ta)

Tusaalooyinkii hore (kuwa dhawaaqyada) waxa innooga dhuroobey iney jiraan dad badan oo dhibaatooyinka aan ka cabanayno soomaray oo aan la wa-daagno. Hayeeshee ay si habboon oon turxaan lahayn u maareeyeen. Waxa kale oo halkaa innooga muuqata in afkii loo kala saaray mid qoraalka u goonniya oo laga simanyahay iyo mid hadalka u gaar ah oo qofkastaa u hadlo sida uu isagu jecel yahay. Waxa kale oo tilmaan mudan in la sheego inaanay dadkaasi afkooda kala sheeganin ama kala xigteysanin. Haddaba, sida keliya ee uu Af-soomaaliguna dhibaatadaa kaga bixikaraa waa iyada oo afka loo kala saaro sida afaf -kaa aan soo tilmaamay

  • a) Af qoraalka u gaar ah, iyo
  • b) Af hadalka u goonniya (af-guri ).

Midhkaas oo aan ula jeedo inaan qof waliba u qorin afka sida uu isagu ugu dhawaaqo ee uu Af-soomaaligu noqdo, sida afafka kale, mid si loo wada qoro.

Waxa haddaba isweydiin leh sida loo xulanayo dhawaaqa la qaadanayo. Qof ahaan waxa aniga ila qumman in laba arrimood mid la yeelo. Waa ta koobaade in la qabto guddi-aqooneed afka aqoontiisa ku talax tagtay kana kooban dhammaan gobollada Af-soomaaliga lagaga hadlo. Guddidaas oo xilkeedu noqon doono inay inoo soo xusho dhawaaqa aan qoraalka u qaadandoonno ayaka oo ka eegaya dhinacyo badan sida: naxwaha, dhaqaalaha, afka quruxdiisa iyo weliba aragtiyo kale oo laga yaabo iney jiraan hayeeshee aanan hadda haabka ku hayn. Waa ta labaade in tirakoob la sameeyo oo dhawaaqa loo bato qoraalka loo qaato iyada oon loo arkayn, kii la doonaba ha la qaatee, in dhawaaqa la qaataa ka wanaag sanyahay kuwa kale een la qaadan.

Tusaalooyinka dambe dhawr aqoonyahan baa isku deyey iney wax ka qabtaan. Tusaale ahaan Dr. Yaasiin C. Keenaddiid wuxuu ku adeegsaday buuggiisa la yidhaa Qaamuuska Af-soomaaliga (1976) astaantan soo socota:

  • Dulº (-ka)
  • Duuf° (-ka)
  • Duudsi°(-ga)
  • Duulidº (-da)
  • Sugidº (-da)
  • Maagidº (-da)
  • Tuur° (-ka)

Waxa ayana astaanta hoos ku qoran ku adeegsaday buugga la yidhaa Dizionario Somalo-Italiano (1985) aqoonyahannada kala ah Ciise Maxamed Siyaad, Agostini, Francesco, and Annarita Puglielli:

  • Dul(-ka)
  • Duuf (-ka)
  • Duudsi(-ga)
  • Duulid (-da)
  • Sugid (-da)
  • Maagid (-da)
  • Tuur(-ka)

** Astaantii lagu adeegsaday ereyada kor ku xusan qalabkaan adeegsanayey wuu qoriwaayey!

Aniga qudhaydu waxan damcay inaan ku adeegsado buugga la yidhaa Abwaan cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya (1995) astaan ka geddisan kuwa aan sheegay. Tusaale ahaan:

  • Dul (-ka)
  • Duuf (-ka)
  • Duudsi(-ga)
  • Duulid (-da)
  • Sugid (-da)
  • Maagid (-da)
  • Tuur(-ka)

Haseyeeshee, markii aan ogaaday iney jiraan aqoonyahanno arrinka dhaaday iskuna deyey iney hortey wax ka qabtaan ayaan go’aansaday inaan uga hadho kalana doorto labadaa astaamood ee ay adeegsadeen. Waxanan qaatay midda dambe, iyada oo ay ujeeddadaydu ahayd inaan lays barbar cararin, qof walibana doonin in la yidhaa isaga ayaa tiisii la qaatay. Haddii aragtiyo kale la keenayana waa arrin furan.

Astaamahaasi waxay gaar u yihiin, sida muuqata, ereyada shaqalladoodu culusyihiin iyo kuwa la dhigidda ah oo qudha, kuwaasi oo ayana u baahan in la mideeyo. Kuwa isku dhigidda iyo kala dhihidda ah een soo tilmaamayna waxa habboon oo lagama maarmaan ah in ayana astaamo kuwaa la mid ah ama ka geddisan lagu adeegsado. Tusaale ahaan:

  • Xaddiyo ínan(wiil) bay ummushay.
  • Xaddiyo inán(gabadh) bay ummushay.
  • Geeddi baa gòol(awr) dilay.
  • Geeddi baa góol(baranbarqo) dilay
  • Shukri waa cúrad.
  • Shukri waa curád.
  • Damèer baan fuulay.
  • Daméer baan fuulay.
  • Báqal baan arkay.
  • Baqál baan arkay.

Hadal iyo dhammaantii, qoraalkan kooban waxaan kaga soo hadlay qaar ka mid ah xasil-loonidarrada ka jirta af-soomaali ga, aniga oo tusaalooyin ka bixiyey, tilmaamayna sida ugu habboon ee loo maarayn karayo. Waxan soo bandhigay aragtida ah in afka, sida afafka kale, loo kala saaro af qoraalka u gaar ah (si afka iskusi loogu qoro) iyo mid hadalka u goonniya ( si uu qof kas -taa ugu hadli karo dhawaaqa jiiddiisa u gaarka ah). Waxa kale oo aan tibaaxay iney jiraan ereyo ay adagtahay in lagu kala saari karo dhanka qoraalka oo ayana u baahan wax ka qabasho. Aniga oo aragti ahaan tilmaamay sida ay iila muuqato in wax looga qaban ka-rayo. Haddii aan, haddaba, arrimahaa iyo qaar badan oo kale wax laga qaban waxa hubaal ah inuu afku sidaas u murugsanaandoono murankuna u jiridoono.

Raadraac

Abraham,R.C.1964,Somali-English Diction -ary, London: University of London Press (reprinted in 1968 ).

Agostini,Francesco, Annarita Puglielli and Ciise Moxamed Siyaad (Eds.) 1985 Dizionario Somalo-Italiano Rome: Cooperazione Italiana allo Sviluppo.

Andrzejewski, B. W., The development of a national orthography in Somalia and the modernization of the Somali lang -uage, Horn of Africa ( journal ), Vol.1 No.3, July / September 1987.

Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo", Abwaan Cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya: A Modern Somali-English Dictionary, printed by Ottawa Roman Catholic Separate School Board, 1995. xxix,468 pp.

___Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddoo yin ka magacyada iyo Naanaysaha Soomaaliyeed, published by the author, Ottawa, September 1998. 1st edition. x, 209pp.

Cabdiraxmaan C. Mansuur iyo Axmed Cabdullaahi A., Qaamuus Af Talyaani-Soomaali, Daa bacaaddii Koowaad, 1985. xii,180pp.

Cabdiraxmaan Ciise Oomaar iyo Siciid Warsame Xirsi, Af-garad: Qaamuus Ingiriisi-Soomaa -li/English-Somali Dictionary, Mogadisho.

D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cusmaan, Abwaan Urursan Af-soomaali iyo Ruusha, Ruush iyo Soomaaliya, Moscow, 1969. 319pp.

Luling, Virginia, Somali-English Dictionary, Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi, 605pp.

Maxamed Cabdi Maxamed, Eraybixin Soomaali-Faransiis/Lexique Somali-Francis, Besancon, 1987. ix, 128pp.

____Dictionnaire Francis-Somali/Qaamuus Faransiis-Soomaali, 2vol. Paris, 1986. ix, 598pp.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaa rinta,Eray-bixin, Muqdisho.


Waxaa soo diyaariyey -
Cabdi-Raxmaan C.Faarax "Barwaaqo"

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.