Farshaxan
Farshaxan
kula xidhiidh qoraaga
EMAIL
..
"Cabdi-Fataax Ibraahim "
DUDADDA BAHALLAA FADHIYA DHALAANKANA DAMAC YAQAAN
Diin iyo dacawo, dhega dheer caws iyo biyo ku nool, iyo sheeko
caruureedkii haalaasin jiray dhalaanka yar-yar kuna bari jireen
dhaqankeena kaasoo kaalin weyn ka geli jiray xejinta dhaqanka iyo isku
xidhka inta guri usoo wada hoyata. heesihii gaagaabnaa, maqaleey
warlaay, shimbirayahow heesa, alla dheeriyaayeey iyo qaar
kaloo badan oo caruurtu ku hadaaqi jirtay, way galbadeen.
sababta ugu weynina waxa weeye macalimiintii oo is bedeshay,
macalinkii hore oo ahaa AABAHA ama HOOYADA ama Walidiinta iyo
dadka waaweyn ee xigtada u ah caruurta ee haasawin jiray oo aan
iminka ku lahayn meel iyo maqaam toona dhalinta manta joogta.
Waxa halkoodii calfaday oo si cad uga bara bixiyey dudada guriga
bahalaha fadhiya oo dhalaankana aad u af yaqaan kuwaasoo ah Video,
Radio dhagaha la sudho, TV-ga,Mobile cidkalle lagula xidhiidho,
iyo internet oo caalam kale u fara geliyay.
Markii technology-gani horumarayeen cid waliba naruuro iyo
farxad bay kusoo dhaweysay horumarka maanta aduunku gaadhay waxa ay
noqotay in lagu tilmaamo inuu yahay tuulo, waxa uusoo koobay caalamkii,
waxa uu fududeeyay iska war hayntii, waxa uu wax ka qabtay kobcinta caafimaadka
waxa uu sahlay gudbinta war ama wacdi, isku soo wada duuboo waxa uu ku leeyahay
mug weyn koradhka horumarka aduunka. Hada aynu yara digo rogano oon eegno
wejigiisa kale ee uu leeyahay. Waxa markaba ku hor imanaysa in uu yahay
mindi laba af leh, kaasoo sahlay in dhalaankii xadhka goostay halkii uu
waalidka ka qaadan jiray casharada ah dhaqanka, edebta, wanaaga iyo xumaantuba
sifayntooda ay noqotay in uu ka qaato technology-gan oo uu isagu xukumo
taasoo uu ka door bido macalinkii hore waa walidiintee.
Waxa technology-gani sababay in caruur iyo ciroolaba
lugu haftay barnaamijyada kala duwan ee laga soo daayo idaacadaha oo
dhaqan xumo aad u balaadhan ku lamaan tahay, mabay xumaateen haday
yihiin barnaamijyadani kuwo aynu xakamayn karno ee waa bello aad ula
saaxiibta dhalaanka, ayna kaa jecel yihiin. Hadaba ta is weydiinta
lihi waxay tahay hadmaynu u heli awood aynu ku samaysano barnaamijyo
ubadku xiiseeyaan oo ku qotoma dhaqankeena iyo diinteena suuban,
mise isaga jeedinta aynu ku jeedinayno aafadan ayaynu ku nahay
mabsuud.
Hadmaa kuugu danbaysay wiil ama ubad aad dhashay
oo kaa waraysta dhaqanka soomaalida, ma xasuusan kartaa
ubadkaaga oo xiiseeya sheekadaada waa hadii aad ku nooshahay
dalalkan galbeedkee mise waxa ay kaa door bidaan filimada kartoonka
ah, Musikada, Kubadah IWM. Ma ku faanaan dhaqankooda mise waa ka
faanaan, ma xiiseeyaan ku hadalka afsoomaaliga mise todhotodho-da
dalalka ay joogaan bay doorbidaan. Bal da’ yarta soo koraysa weydii
erayadan inta uu ka garto, kadibna niyada gali facani ka ay dhalaan
inta ay ka garan karaan.
Xarafkan S-da aan u doortay.
Sibraar..        Surmocaad..       
Sooftaran_haboow..
Saryan..       Sardho..       Salsal..
Sagal..       Surmo_seegto..       
Saami..       Sakati..
Gebogabadiina ma quman tahay in lala tacaalo sidii loo
badbaadin lahaa ubadkan laysuguna dayi lahaa sidii loogu soo dabaali
lahaa dhaqankii iyo diintii suubanayd ee aynu u lahayn asal iyo sinji,
mise waxa yanu sugnaa inta aynu si aan soo noqosho lahayn ugu
milmayno bulshooyinkan kale dhaqamadooda. Ma haboon tahay in
waqtiyada farxadaha, sida labada ciidood, maalmaha xoriyada amaba fasaxyada dalalkan lagu dhaqan yahay in la kireeyo goobo lagu maweeliyo lagu wacyi geliyo laguna dhiirigaliyo da’yart. Si xigmadaysan maanka haloo geliyo lama kari waayin ileyn waa ta lagu qabsado xafladaha qoob ka ciyaarka, aroosyada futayska ah iyo waliba kulanada guno doonka ah. Maxaa loogu waayay kulan kaliya oo ka madhan siyaasad, dhac-dhac ku doon ama qoob ka ciyaar, kaasoo loo bixiyo
BADBAADO lana sameeyo laba amaba hal mar sanadkii,…!!!!!!.
Duddada bahalaa fadhiya
Dardaaran adag bay qabaan
Duruuso loo igmaday
Duduuc iyo darxumaay fidshaan
Garaadka dabar bay sudhaan
Dareenka wacan bay dhibaan
Da’yarta soo if baxay
Duruufo adag bay bideen
Daacuun iyo darxumay bideen
Dafshaanimo sillan bay bideen
Allow da,yarta noo astee
Oo deggan noogu beer
Aamiin…!!!!!!!!!!!
|
Waxaa soo diyaariyey u fadhiyaha
mareegta farshaxan London-England-
Cabdi-Fataax Ibraahin Sh.Xasan
|
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |