Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha   |
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Safarka Nabadee Hadraawi IYo Rayiga dadweynaha;

Safarka nabada
Hadraawi


Hordhac

Been Abuurka
Hadraawi
A.F.Dualeh

Ma Gayo Gef
Maxamed Cabdi

Safarka Shaxaadka
Cawl Mareero

Uma Qalmo
Colaadin

Maxamed Baashe

Gabayo

Halyeyga
Hadraawi

Yuusuf Sh.cumar

Digdigta
Hadraawi

Axmed Xasan

Abwaanka
Saboolka

Rooble M.Issa

Qiiro
Habawsane

Cali J.Axmed

  Hordhac

    Halgankii dheeraa ee laguala dagaalamayey keligii taliyihii dalka gacanta ku hayey , waxaa ka qayb qaatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada , iyadoo qayb waliba ayb si uga qayb qaaadatay ,Bulshadu waxay muujisay dadaalkeeda si ay uga xuubsiibato maqaarka dusha laga saaray, iyagoo huray naf,maal,aqoon,iyo wax kasta oo mudnaa agtooda si ay u gilgilato.Hadaba Hadraawi aad baa loogu amaanaa ka qayb qaadashada halgankaa waxaana lagu tiriyaa inuu umadda runtii u tilmaamay dhaliilo badan oo uu xukunku lahaa, aadna wuu u dhiiri galiyey umadda ,isagoo sida ka cad gabayadiisii qiimaha lahaa ku baraarujiyey umadda inay huraan wax kasta oo ay haystaan, taasina ay tahay sida qudha ee hogaankan foosha xun loo tuurayo,waxaa in badan dadku xasuustaan gabayadiisii qiirada,baraarujinta iyo hogatusaalaynta lahaa ee bulshada u jihaynayey halgan hubaysan oo dhinaca kasta leh.

Hadaba dhawaan buu Hadraawi bilaabay safar uu ugu magac daray "Safarkii Nabada", kaasoo ku dhaliyey ummada jahawareer aan la sawiran karayn, dhan loo qaadana aan lahayn.Sidaa darteed halkan waxaanu ku soo bandhigaynaa rayiyada kala duwan ee umadda .

Been abuurka safarka Hadraawi     Dib u laabo

Nin baa gabay ku yiri : Runtu beenta ma oggola – beentuna Run ma oggola.

In qofku ka noqdo oo uu dib uga toobad keeno qaldaad kasta ee uu galay waa arrin xaq ah oo ruux kasta u’ bannaan. Balse waxaa lagama maarmaan ah, haddii la doonayo inay ka noqoshada falalkii xumaa ee qofku horay Eebihii abuurtay, diintiisa ama dalkiisa iyo dadkiisa uga galay ay noqoto mid dhab ah oo ruuxaa lagu aamini karo, qofka toobad keenayaa bal horta inuu falalkiisii xumaa waddooyinkii uu u’ maray iyo qalabkii ama xirfadihii uu xumofalka u’ adeegsaday, dib samaha uu xumaantii ku saxayo intuu u’ adeegsado, halkaa uu ku muujiyo sida hubban oo cad ee uu xumofalkiisii samofal ugu beddelay!.
Haddii ay taasi sugnaan weydo, ama uu qofku is yiraahdo dadka xasuustiisu way gaabantahaye meel gaban ka dus, qofkaasu durbaan been ah buu tumay, bani aadamkuna sidaa uma wada xasuus gaabna. Taariiqda been lagama sheegi karo maxaa wacay taariiqda mar waa la qoraa, mar waa la duubaa oo giraan bay ku duubantahay ama dushaaba laga xafidaa sida suugaanta soomaaliduba u’ badan tahay.


Toddobaadyadan dambe, waxaa dunida oo dhan lagu shaaciyey, aad iyo aad si daacadnimada uga fogna loogu buun-buuniyay idaacadaha Soomaaliya wax ka qora ama aqbaaraha ka baahiya, iyo weliba shabakadaha internetka, wax lagu tilmaamay” Safarkii- Nabadda ee Hadraawi”.


Maxamad Ibrahim Warsame ”Hadraawi” inuu dib uga shallayo, oo uu si cad bulshada soomaaliyeed, inta soo hor fariisto cafis waydiistaa waa waajib waana xaq, bulshada soomaaliyeed bayna meel utaallaa oo go’aankeeda leh, inay cafido isaga iyo intii kale oo la dembi ah oo dagaal oogeyaal ah, iyo inaanay cafiyine ay la sugto mar ku habboon in maxkamad qaran lasoo taago, oo maxmaddaasy ay go’aan maxkamadeed ka gaarto, wixii uu dembi bulshada soomaaliyeed ka galay.


Maxamad Ibraahim Warsame ”Hadraawi”, waxaa weeye ninkii isaga iyo Gaarriye, iyagoo ah abwaanno qaran oo loo han weynyahay, intay dalkoodii iyo bulshadii u’ caleemo saaratay inay u’ yihiin abwaanno qaran ka qaxay, dadnimo u’ magansaday cadwga koobaad ee qarannimada iyo jiritaanka soomaaliyeed, hoggamiyeheedii ugu dhiigyo cabsanaa, Mingistu Haile Maryam!!! Isna, waa Mingistee, qalabka warka baahiya intuu siiyey ku amray inay gabayo qabiil ku salaysan oo sumeeya oo dagaal ka dhex ooga bulshada soomaliyeed halkaa uga soo tiriyaan, iyana intay sidaa uga amar qaateen, hibadii Eebbe u’ siiyay aftahannimada bulshadii soomaaliyeed, ee ay ka dhasheen una dhasheen, gabayadoodii sumeeyay uga turi waayey, iyaguna isaga turiwaayay, magac xumada iyo caaqibo darrida, qofka dalkiisa iyo dadkiisa qiyaanaa uu falkaa xun ka dhaxlo.


Hadraawi iyo intii kale oo la wadaagtay, haddii ay illaaween ama ay isleeyihiin bulshada soomaaliyeed way illowday, inay taasi tahay riyo been ah bal an halkan in yar, gabayadiisii sunta ahaa oo aan dadka soomaaliyeed wada illaawin ka xasuusiyo.

Gabayaadi afka ”miishaarta” ah Hadraawi kusoo tiriyay, isaga oo qabiil qura dagaal gelinaaya, doorka weynna ka ciyaaray burburka qarannimadii soomaaliyeed, iyo dhiigbaxa bulshada soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa tixda sunta ah oo ay ku jireen erayadan caanka ah:


Haddaanan Haddaanan
Waxaan Hubo Caawa


Dhammaan huga xaaska
Haylaha Maryahayga


Sariirta Hambaadha
Ashuunka Humbuuca


Kuraasta Hadoodan
Haraaq iyo Daahyo


Waxaan Jaqaf Haysto
Haddaanan Hub siisan


Dadkayga Habaynin
Lasoo Harin Guusha


Cabdow Hadalkaygu
Hawaawir Kac Weeye………….!!!


Gabayadaa sunta ahaa, ee uu Hadraawi uga qaybqaatay burburinta qarannimadii soomaaliyeed, iyo dagaal oogiddii bulshada soomaaliyeed dhiig baxa iyo caaqibo xumada dhaxalsiisay, waly isaga oo si caqliga insaanku rumaysan karo uga xun oo u’ qashuucsan, gabay suugaanta qabiilka iyo munaafaqadda ka caaggan, si shallayti leh kama aanu tirinin, oo cafis kuma weydiisan bulshada soomaaliyeed ee uu dembigaa cad ka galay.


Haddaba, inta Hadraawi taariiqdaasi meel u’ taallo, lagana sugayo inuu cafis bulshada soomaaliyeed weydiisto ama maxkamad soomaaliyeed laga soo hortaagayo, waa aflagaadho iyo dembi hor leh, inuu bulshada soomaaliyeed ka dhex humbaalleeyo isagoo cimaamado been ah sitta!


Waxaan haddaba isaga iyo inta kale oo been abuurkan lagu magacaabay ” Safarkii Nabadda ee Hadraawi” dunida ku baahinaya, kana been sheegaya xaqiiqadu waxa ay tahay leeyahay:


Hadraawi waa oday soomaaliyeed, xilbaana ka saaran inuu qayb ka qaato nabadaynta, hanuuninta iyo waaninta bulshada soomaaliyeed. Balse waxaa lagama maarmaan ah, ninka wax hanuuninayaa inuu naftiisa iyo gurigiisa ka bilaabo oo uu markuu sugo taa, bulshada inteeda kale usoo jeesto.


Haddaba Hadraawi, gabaygaagii Haddaanan…Haddaanan , intaad beeniso, mar kale gabay xalaal ah ka tiri inaad bulshada soomaaliyeed dembi ka gashay markii aad gabaygaa tirisay!


Haddii aadan sidaa yeelin ama aadan aqoonsanayn inaad dembigaa gashay, adna ha is daalin, bulshadan aad adiga iyo dagaal oogeyaasha kaleba u’ horseeddeen inay dhiig baxdo oo ay barakacdana been hor leh ha u’ sheegin.


Salka dhig Hadraawi, oo dembiileyaasha kaleba waa iska noolyihiin cidina imminka wax uma haystee, adiguna iska noolow, oo cimaamadaha beenta ah ee aad wirfinayso, bulshadan dhiig baxday oo daallan meel kala fariiso!.

A.F. Dualeh
E-mail: somdana@it.dk
Web : www.dangedo.com

Mudane Hadraawi Ma geyo gef iyo meel ka dhac:            Dib u laabo



Beryahan danbe waxaa maqaalada bogoga internetka ku soo baxayey gaar ahaan hadhwanaag qaar ka mid dadka reer somaliland oo eedayn iyo meel ka dhac u soo jeedinayey abwaan maxamed ibrahim warsame iyaga oo ka duulaya ama ku haaraamaya socdaalkiisa iyo heshiisiinta walaalaha soomaaliyeed
waxaan filayaa dadkan eedaynaya abwaan hadraawi inay yihiin ama u badanyihiin dhalinyaro ama dad aan aqoon u lahayn shaqsiyadda hadraawi iyo ujeedooyinka falsafaddiisa intaba, waxa haboon marka qof la qiimaynayo ama laga hadlayo afcaashiisa in marka hore lays waydiiyo qofka iyo himilidiisa ama hadafkiisa nololeed qofka iyo taariikhdiisii shalay, iyo qofka iyo shaqsiyaddiisa si ay u buuxiso tacbiirtaada iyo sawirka aad jeceshahay inaad qofka ka bixiso, taasi waa haddii aad jeceshahay inaad ku aroorto runta iyo xaqiiqada aad is leedahay soo bandhig. haddiise aad u jeedo kale ka leedahay ha ahaato ama eedayn ama ammaan way fududahay inaad iskaga dhex dhacdo oo si hawl yar wax u qorto taas oo laga yaabo inay aad uga fogaato runta iyo qofka aad is leedahay wax ka sheeg, haddaba Abwaan maxamed ibraahim warsame( Hadraawi) wuxuu leeyahay taariikh cad oo aan laga been sheegi karin oo qof kasta oo u kuur galaaba si fudud ku ogaan karo. Haddii aan u soo gonda dego maqaalka iyo u jeedadayda Abwaan hadraawi wuxuu weligiiba u taagan abwaan u dhexeeya dhammaan ummadda somaliyeed toosinteeda iyo tilmaanteeda intaba. hadraawi uma xuub siibin siyaasad, siyaasadna ma aaminsana mana aha nin u jeelan kursi ama lacag ama dabaqad sare oo uu ku biiro haday tahay somaliya amaba somaliland isla markaa ma leh xuduud ama (Boarder).
markaad ka soo bilowdo ilaa bilowgii dowladdii kacaanka maxamed siyaad barre awalkii todobaatanaadkii iyo ilaa waqtigan xaadirka ah ee aynu joogno waxaad arkaysaa in murtida hadraawi yool qudha iyo ujeedo isku mid ah ka hadlayso taas oo aan laga soo helayn muddadaas ku siman sodomeeyada sanadood is burin iyo iska hor imaad ama (Contradiction). dhanka kale iyo qaddiyada somaliland abwaan hadraawi maaha nin looga baqo wax yeeladeeda iyo aafada somaliland sidaa darteed waxaan leeyahay haddaynu nahay reer somaliland hadraawi yaynaan xuduud u samayn isla markaa aan u dayno falsafaddiisa iyo aragtidiisa uu xorta u yahay ee aanu cidna wax ku yeelayn ama wax kaga xumayn waxaan ku soo gebagebaynayaa xoor laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geela lagu xergeeyaa hadraawi maaha nin hawl yaraan lagu illaawi karo isagoo aan helin abaalkiisii waxaan odhan lahaa dhalin yarada iyo dadka marba dabayshu dhankay ka hayso la garaadka ha ku degdegina maagga hadraawi.



wabilaahi tawfiiq


Mahamed Abdi Elmi

London UK

wabilaahi tawfiiq

mahamed.abdi1@btinternet.com

Xigasho: Mareegta Goobjoog

Safarka Shaxaaadka ee Hadraawi            Dib u laabo

Socdaalka Nabadeynta Hadraawi maxaa ka run ah?

Hees ku luqaynta ama samaynteedu marna ma noqon xirfad lagu shaqeysto, balse waxay weligeed ahayd balwad qofku yeesho. Hase yeeshee waayadii dhexe ayaa waxaa soo baxay labo kooxood oo iyagu ku calaf doonta hoobalaynta. Waa qolyaha la ka yidhaahdo Suufuyiinta iyo fannaaniinta.iyadoo ay qolyahaas meel fiican u marayso ayaa waxaa ku soo baxay qolo cusub waa wadaaddada Cusub(Ikhwaanka), kuwaas oo yidhi heesuhu waa xaraan lagumana shaqaysan karo lamana dhegeysan karo.nooc kastoo ay ahaadaanba. Jeylaani ammaan,awliyo u yeedh yeedh,jacyl iwm. iyagoo u cuskanaya diinta, dabcan soomalidu waa dad wada muslimiin ah, dadka intoodii badnaydna way qaateenhadlakii wadaada cusub hoobalayntii iyo dadkeediiba xadhigey u jareen. markaas ayaa labadii kooxdna dhibaato culusi la soo deristey.
weligoodna labadaas kooxood waxy ahaayeeyn kuwo aan xagga shaqada loogu ducayn.

Arrintaas ayaa sababtay in aad maqashid maalin kasta fannaan hebel aya macaluuli ku haysaa meel hebla wuxuuna codsi u dirsanayaa xertiisii intii ehel fiican lahayd ee dibadaha u tacbirtay.
Sheekh habel (markii hore Suufi lagu yaqiin)ayaa Muxaaddaro Jihaad/caqiido ah ka jeediyey magaalo hebla.
Fannaan hebel ayaa socdaal nabadayn ah ku maraya Norway iyo Sweden,Laascaanood iyo Bosaso iwm.
Halkaas ayaad ka arkaysaa in ummadu ay kala caqli badan yihiin.
haddii ay meeli kugu soo oodanto meel kale u diga rogo.
waa in aadan dhagax meel yaalla noqon, isu daad raaci hadba meeshaad ka cayshi karto.

bal eeg dooddan na dhex martey aniga iyo Hobal.
Dhowaan ayaan booqasho ku tegey magaalada BOOSASO, waxaan ku arkey hoobal caan ahaa oo aad loo jeclaa oo macaluul meel la yuurura, waxaan weydiiyey sidey wax u jiraan,dabadeed wuxuu ii sheegay in aan maalinkaas maanta ah waxba hiyaayaddiisii lagu cunayan. niman Gadhadh dhaadheer oo carabaha lacag ka soo qaataana ummaaddii ku direen.oo heesihii xaaraa ku sheegeen,farsamo kalena aanu aqoon, haddana uu baryo ku nool yahay.
waxaan ku idhi waar hooge maxaad reer tolkaa ugu hagoogan weydey oo intaad is yarehe habaysid magaalooyinka ku wereegtid koox dhallin yaro ahna ka xaysatid aad tidhaahdid waxaan wadnaa nabadeyn.
intuu qoslay buu igu yidhi waar arrinkaa waa la iiga hormaray, oo markii harena Rabbi ima solonsiin haatanse Nin Tolkiis ka soo murudsaday baa kaygii iyo qurbo jooggiiba iiga hormaray,oo arrintaa hadda wada. ee hadal badan uma baahniye bal maanta waxaan caaruurtii qado u siiyo ii dhiib.
anigii waan qaadan waayey "Addunyo" ma Hoobalkii Hebel Ahaa ayaa maanta wax baryaya/shaxaadaya?

Haddaba baryadu soomalida ceeb ayey ku ahayd,qof maarmi waayey ayaana wax baryi jirey. laakiin soomalidu waa dad caqli badan oo magacii ayey yarehe baddeleen oo waxay baryadii u bixiyeen shaxaad.
Baryadu waxay ahayd intaad is miskiinisid in aad gacanta hoos dhigato ruuxa aad wax ka doonaysid. Shaxaadkuse waa intaad codka weynayso qofkii aad waxa ka doonaysayna dhuunta ka gashid aad tidhaahdid waar noo dhiib waa ku sidee.
Shaxaadkii ayaa haddana sii qabsama oo waxaa jira mid yarehe maamuus leh. oo qof kuu soo shaxaad tegey ayaad meeshii aad ka odhan lahayd qofkaasu wuu ii soo shaxaad tegey ayaad oranaysaa hebel ayaa ii yimid oo waan sooryeeyey(sooryo). macnaa waa qof aad xushmayanaysid oo aad u quudhi weydey in aad tidhaahdid wuu ii baryo yimid ama ii shaxaad yimid.

Socdaalkaan beyahan uu Hoobal hadraawi dalka inta aanay reerihiisu degin iyo dibadaha ku marayaa wax kale ma ha ee odaygu wuu soo shaxaad tegey. waayo waa nin maskax eebbe siiyey kana caqli badan hoobalada kale ee Bosaso,laascaanood Xamar,baydhabo macaluushu ku hayso.

Maxaa sababay in aanu socdaalkiisa shaxaad raadinta ah ku tegin Burco iyo Hargesa toona. intuu meelkasto waddanak soo maray ayuu Laascaanood oo Labo boqol oo KM in ka yar u jirta halka reerihiisu degaan .wax kale ma aha ee dadkaas dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu ka gurayey, markaa caqligiisa ayuu isticmaalay oo qolyo dihin ayuu arkay.
waa maxay nabadda Denmark iyo Swedebn loga baahan yahay ee aan looga baahnayan Burco iyo Sheekh. Bal adba???
Hadraawi intaas oo magaalo midda uu tagoba waa la sooryeynayey. xoolahaa doorka ah ee uu soo ururiyeyena waxaan u rajaynyaa in uu waxa ka siiyo saaxiibadiisa kale ee ku macaluushu ku hayso Xamar,Bosaso,Hargeysa,Jigjiga.
waddankaan Burburintiisiina qayb libaax ayuu kmu lahaa ee maanta yaanu cidna isu geeda saarin.
ha rumaysan Afwenye ayaa lala dirirayey. in waddanka lalaka gooyo waxay ahayd ujeeddada kali ah ee SNM. hadraawina waad ogtihiin siduu uga qayb qaatay.
Haddii aad ka qayb gashid kulamada uu sooryada ku qaadanayo Hadraawi bal waxaad weyddisaa waxa uu ka qabo in waddanka la kala gooyo. Bal car si cad ha kuu yidhaahdo ma oggoli.
waxaan xusuustaa beri aan degganaan jirey Magaalada Gothenburg ee Sweden oo aan filayo in ay ahayd dabyaaqadii 1992 in uu booqasho Hadraawi noogu yimid, xaflad balaadhanna loo qabtay. Waxaa su,aal weydiiyey nin aanan geeridiisa maqal oo la yidhaahdo Maxamuud Daahir Seed(Sanweyne).
Mudane Hadraawi waa sidee argtidaada goonni isutaagga Somaliland?.
su'aashaa ilaa iminka Hadrawi kama uu jawaabin.

Hadal iyo dhammaantii socdaalakni wax kale ma aha ee waa Baryo-doon/shaxaad-doon/Sooryo-doon hadba kii aad ku qancado.

Nabad gelyo
Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com

xigasho: Somalilandcenter...Posted-Nov-30-2003.

Uma Qalmo Colaad            Dib u laabo


SHAQSIYADDA HADRAAWI IYO SOCDAALKA NABADDA

UMA QALMO HADRAAWI COLAADIN IYO CANBAARAYN!
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waa maansoole ka mid ah hal-abuurayaasha ugu waaweyn, uguna magaca dheer suugaanyahanka soomaalida ee casrigan. Waa hal-door aqoonyahan ah oo ku fogaadey, kuna talax tegey oo ku xasilay culuunta bulshada. Waxa uu Hadraawi ku xeel dheer yahay oo halkooda ugu tegey awaale-warranka iyo hoga-tuska maanseed ee dhaqan ilaalinta, hidde madhxinta iyo xaqiijinta yaqiineed ee ummadda iyo weliba ku dhaadashada dhigaalladeeda iyo qabitaannadeeda. Waxa uu Haddaba dhowaan bilaabay safar la magac baxay Socdaalkii Nabadda, kaas oo ibo-furkiisu ahaa gobolada koonfurta Soomaaliya meelo ka mid ah, haatanna waxa uu abwaanku safarkaas ku marayaa Qaaradda Yurub waddamo ka tirsan meelaha ay soomaalidu ku badan tahay.

Socdaalka Nabadda ee Hadraawi ayaa waxa si weyn u soo dhowaynaya oo la jira quluubta iyo maanka inta ugu badan dadka af-soomaaliga ku hadla ee ku kala nool dunida dacalladeeda gudaha iyo dibaddaba. Waxase ayaan-darro lagu tilmaami karaa in inta ugu badan ee ka horjeedda socdaalkiisa nabad-doonka ah, durbadiina indhaha xambaarsan nacaybka iyo cadaawadda u dhigma sheekadii Bajinta Carruurta ee Reer-guura-raaca ku yuubaysa shaqsiyaddiisa iyo xitaa wax soo saarkiisii suugaaneedba ay noqonayaan in ka soo jeedda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah halka uu Hadraawi laftiisu qof ahaan ka soo jeedo! Si kastaba ha ahaatee waxa ay qormadani ku saabsan tahay dul-ka-xaadsi lagaga hadlayo Hadraawi shaqsiyaddiisa qofnimo iyo wax-soo-saarkiisa abwaannimo qiimayn ahaan.

In la suureeyo, faaqidaadna lagu eego oo la faalleeyo shaqsiyadda qof caan ahi inta badan waxa ay u muuqataa arrin aan fududayn oo aan lagu dhiirran karin, waxase qiime ballaadhan ku salaysmi karta falanqayntaas oo ah soo bandhig ku saabsan sawirka shaqsiyaddaasi ay yeelan karto. M. I. Warsame Hadraawi maaha nin u hadal badan sida magaciisa laga dhadhansan karo ama maansooyinkiisa lagala soo dhex bixi karo. Fagaarayaasha caadiga ah ee kulamada isu baanidda iyo gole-ka-fuulka ee nin toocsiga ah waxa hadiyo jeer dad badani ay Hadraawi ka quuddarreeyaan in uu golaha markiisa ka baano oo ereygiisa ku darsado, asxaabtiisa ayaana qod-qodda si uu u hadlo. Qofka aan Hadraawi aqoonta shaqsiga ah u lahayn ee ay markaas ugu horrayso muuqiisa ayaa waxa uu la yaabaa oo isugu xidhmi waaya dacallo fidsanaanta ama ballaadhnida qarada maansadiisa iyo koobnaanta erey afeedkiisa xilliyadaas gole-ka-baanka. Sida uu ereygiisu u urursan yahay ayaa Hadraawi uu addinkiisuna u xaddidan yahay, waxana taas asxaabtiisa gaarka ahi ugu bixiyeen naanaysta GEED.

Shaqsiyadda Maxamed Ibraahim Warsame waxa u taagan maansadiisa iyo duxda macnaheeda. Fal-dhaca hab dhaqanka qofnimo ee Hadraawi iyo ujeeddada ama nuxurka erey maanseedkiisu waa laba isir oo xaqiiqdii is ceshada, isu dhigma oo isugu sidkan sida hal iyo nirigteed ama isugu ladhan sida ul iyo diirkeed oo aan la kala saafi karin. Marka aad Hadraawi qof ahaan si wanaagsan u taqaano, dhuuxdana maansadiisa ee aad isku dhereriso sida uu u macaamilo ama u nool yahay iyo beydadkiisa maanseed, waxa kuu soo baxaya wax isku mid ah ama isu eg oo aan la kala sooci karin. Sidaas darteed waxa la odhan karaa Hadraawi shaqsiyadiisu waa maansadiisa, halka ay maansaduna isagii uun (Hadraawi) ay ka noqonayso. Waa tan arrinta sababaysaa in lagu nuux-nuuxsado oo la tilmaamo in Hadraawi uu ku guulaystey hanashada in uu is waafajiyo hab dhaqankiisa qofnimo iyo ereygiisa hal-abuurnimo. Qawlka uu leeyahay waxa ka muuqda isaga laftiisii (Hadraawi) iyo dhaqankiisa. Sugashada sifadan wacan iyo sidashada awooddaas, waxa inta badan ka gaabiya ama ku guul-darraysta hal-abuur fara badan oo ereygooda iyo dhaqankoodu ay kala daaq tagaan, iskana horyimaaddaan oo is buriyaan.

Docda kale mawaaqifta, qabitaannada, fikirka adduun aragga Hadraawi iyo wax soo saarkiisa suugaaneedba waxa ay ka samata-baxeen oo ka badbaadeen dalaa-dhac iyo laba gar-daymood u dhigma beerka jecli; xaydha jantay. Ma soo foodsaarin Hadraawi jahawareer noocaas ahi, taas oo ah xogta ka badbaadisey is beenin ama is burin surma-seegto ku keenta oo ka leexisa marinka higsiga iyo himilooyinka hirashadiisa. Waxa maansada iyo magaciisuba caan baxsan yihiin oo bulshada ka dhex ciidaminayaan in ka badan soddon sannadood, waxana aragtidiisa shaqsi ahaaneed iyo midhaha hal-abuurkiisuba ku astaysmayaan oo budulka raadkoodu cagta saarayaa tubta koboca iyo korodhsiga sed-u-burineed ee heerka qaan-gaadhnimada iyo gaamuritaanka. Sidaas darteed laguma tilmaami karo Hadraawi inuu yahay abwaan keliya, waxase loo hibeyn karaa inuu yahay macallin looga dab qaadan karo oo lagaga dayan karo dugsashada inta wanaagsan, la jirka inta samaanta la hal maasha iyo ka horjeedka inta xumaan ku abtirsata.

Damiirka iyo mawqifka shaqsi ee Hadraawi ma ogolaadaan in wax tanaasulaad ah laga sameeyo la jirnimadaas saamaanta iyo bidhaansiga xaqa, mana yeelaan in wax gorgortan ah lala galo xumaanta iyo u irkashada dulmiga. Arrintan waxa inta badan ka hadasha maansadiisa, waxana si gaar ah u taabtay oo xambaaray, soona celceliyey meerisyo badan oo tixihiisa ka mid ah. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa tuducyo ka mid ah Gabaygii Durdur (1970) :

Inay dunidu hawl tahay sidii,
Daayinkuba sheegay
In dedaalku dhaxal waara yahay
Duugna laga dheefo
Inuu samuhu door dhalo hadday
Daacadnimo raacdo
Oy dhaqasho ruux doona tahay
Dib u xusuusnaada.

Isla Durdur waxa uu beydad ku lahaa:

Inkastaad dabbaashiyo taqaan
Duurka xuliddiisa
Ood dabin ka bood tahay nimaan
Cidi dareemaynin
Waxa daadka lagu dhaafayaa
Daacaddoo qudhahe.

Riwaayaddii Aqoon iyo af-garad(1972) waxay iftiiminaysaa iilashada dulmiga iyo awoodda daacadnimada (xaqa).

Allahayow nin daacad ah
Allahayow nin daalin ah
Deeqdaada haw simin.

Deelleydii (1980)

Qofba wuxu ku dagan yahay
Halkuu daacad kaga hadho.

Inta ugu badan maansooyinka Hadraawi waxa laga dhex helayaa tuducyo gar-naqsi mudduc iyo maddaacaley ah, waxana uu ugu gar-qaadayaa xaqa iyo baadilka, samaha iyo xumaha, daacadnimada iyo daacad-darrada iwm.. kelmedda daacadnimo ee beydadka sare ku celcelinteedu ku soo noqnoqonayso waxa ay baadi sooc u tahay oo ay tilmaantaa falsamaanta, waana muftaaxa hawl kasta oo la qabanayo.

Maxamed Ibraahim (Hadraawi) waxa u caado ah in uu isku mashquuliyo oo had iyo goor fiirfiirin ugu daymo-fogaado oo dhex muquuro ubucda adduunka iyo jiritaankeeda, abuurta iyo bilicdeeda aanay ishu keligeed itaalka u lahayn in ay gaadho ee ay akhriyaan dareemayaasha kale ee maanku uu ka mid yahay. Waxa uu halkaas kala soo noqdaa dareen dhiillo- sideen ah oo uu kaga warramayo sida loo diley bilicdii dunida iyo sida abuurteedii loogu xad-gudbayo, isaga oo inagu durraamanaya in falsamaanta dunida iyo jiritaankeeda la dhawro, in la ilaaliyo inta guudkeeda saaran iyo inta ubucdeeda jiifta, nabad gelyada iyo qiimaha weedha-san; ereyga wanaagsan, iyo garashada oo iyadu ah halbowlihii intaasba u qaabilsanaa arrimaha maamulka, maaraynta iyo jaangoynta. Arrintan waxa uu maansayahanku si durugsan ugu iftiiminayaa tixdiisa Sirta Nolosha (1986) iyo maansooyinkiisa tub-beegsiga cusub oo ah suugaantiisa intii ka dambaysey Gabayga Gudgude. Bal aynu ku dul hakanno tuducyo ka mid ah maansada Sirta Nolosha oo abuurta ka hadlaya:

Allow yaa wax suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiriddeeda
Wacanaa sansaankeedu
Badanaa sudaaddeedu
Saxanaa hannaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda
Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Allow yaan sinnaanteeda
Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytey
Dadka saaran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan
Iyo soobir caydh jooga
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.

Allow yaa su’aashaasi
Sida ay u tahay yeela!




Miigganaanta shaqsiyaddiisa milaaxda wanaagsan iyo mintidnimada hal-abuurkiisa qayuuriga ah; sama-doonnimadiisa iyo xumo-diidnimadiisa; gudboonaan raadintiisa iyo quudhsi-diidkiisa; guud ahaan xaq u hiilintiisa iyo baaddil la dagaalankiisa, intaasba waxa uu Hadraawi ka dhaxlayaa oo ku mutaysanayaa jacayl iyo nacayb; nasteex iyo cadaawe mar keliya dushiisa ku wada dhacaya, kuna loolamaya oo uu yeesho. Waxa kale oo uu ku mutaysanayaa boogaadin iyo canbaarayn iyana mar keliya wada haleela qofnimadiisa iyo maansadiisaba. Tani maaha wax la yaab leh, waayo waa dhacdo laga rajeeyo oo laga fili karo meel kasta oo xaq iyo baaddil ay ku hirdamayaan iyo cid kasta oo u soo ban baxda la kala safashada samaha iyo xumaha, weliba maanta waxa miisaanku jiraa dhankii xumaha oo sama-dawdarka ayaa badan. Sidaas darteed ayaa samaha iyo cidda isu soo taagtaa waxa ay noqdaan “tu ke baal cad”.

Nin sitaba bar baa saaran
Nin ka sii sitaa jooga
Ragannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.

Beydadkan xagga sare ku xusan oo ka mid ah isla maansada Sirta Nolosha (1986), waxa ay iftiiminayaan in goldaloolo iyo aadami ay deris yihiin. Maxamed Ibraahim Hadraawi daldalool iyo iimo waa u aadami oo ma odhan karo waa dhalliil ka hufane aan khaldamin ama aan iimo lahayn, haseyeeshee waxa Hadraawi dhaliishiisa qof ahaaneed u qarinaya, una daboolaya intiisa wanaagsan ee badan. Haddii qofka aadamida ahi sagaal wanaag ku sifooba, hal wanaagna ka gaabiyo ama seego, maaha in iintaas loo buunbuuniyo, balse waa in loo buuxiyaa oo lagu asturaa sagaalkiisa wanaag ee kale, waana marka ay iintu daboolmi karto oo qudha!



Daallaley (1987)

Nin la yimi dadaalkii
Anigaa waxa ugu dara
Marna waxan daboolaa
Xubnihiisa derida leh

Hadduu daal la kala dhaco
Dul la saaro kuma gabo

Uma qalmo maanta Hadraawi canbaarayn iyo colaadin ku taxmaysa oo ka soo jeedda keliya Socdaalkiisa Nabadeed ee uu dunida gala-bixinayo, waana in Hadraawi lagu qiimeeya waxa uu yahay oo ah Dayax godkiisii ka soo hinqaday habeen shan iyo tobnaad ah oo u dhoolla-tusanaya in nuurkiisu uu dunida wada iftiimiyo laga bilaabo halka ugu sokaysa ee ugu soo xigta (Somaliland), halka ku sii xigta (Djabuuti) halka ku sii xigta (Boosaaso ama Muqdisho), Kililka Shanaad ama NFD, halka ku sii xigta Bariga Afrika ama Afrika oo dhan iyo guud ahaan adduunyada oo idil!

Gud-gude (1990)

Nin kastoo ganbadu saaran tahay; dunida guudkeeda
Gurmadkayga waw baahan yahay; ruux la gaasiraye
Taydana ninkii igu guntadey waw; gar leeyahaye
Marba gooha dhiillada halkii; igu galoollaata
Karaankayga waan geyn intaan; geeri moogahaye
Waxa ina rag ii guulayaa; tiisa gaarka ahe
Anna waxaan go’aansaday inaan; lay gabbood faline.


Gudcur laga tallaabsaday ilays; baadi lagu goobtay
Gamas iishay, gaashaan burburay; gawrac laga maarmay
Dunidoo giblada iidsanoo, gacal walaalowdey
Gudboonaanta xeerkeeda iyo; garasho nuurkeed dheh!!!


Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Xigasho: Mareegta Goobjoog;

Gabayo

Halyeyga HAdraawi     Dib u laabo

Soomaalidu waa dad fiican, firfircoon oo weliba shakhsiyad wanaagsan Alle u hibeeyey. Laakiin arrintaas micnaheedu ma ah in aysan lahayn ceebo. Ummad kastaba way leedahay ceebo iyo wanaagba. Ceebaha  Soomaalida waxa ka mid ah: in aysan  bulsho ahaan qofka wanaagga u gala dhiirro gelinin, midka xummaanta iyo hoogga u gaystana aysan ka hortagin. Arrintaasina waxay keentay in aynaan yeelanin Halyeeyo lagu hirto oo wanaagga ay galeen lagu daydo.



Dhanka kale, waxay keentay in kuwa dhibka iyo hagardaamooyinka wada aan laga gil-gilannin bal laga yaabo in iyadoo la eegayo dhiig wadaag iyo dhalasho lagu garab istaago dulmiga. Laakiin waxaad mooddaa in beryahan danbe in la garwaaqsaday arrintaas oo ay soo if-baxayaan dad badan

Soomaalidu waa dad fiican, firfircoon oo weliba shakhsiyad wanaagsan Alle u hibeeyey. Laakiin arrintaas micnaheedu ma ah in aysan lahayn ceebo. Ummad kastaba way leedahay ceebo iyo wanaagba. Ceebaha  Soomaalida waxa ka mid ah: in aysan  bulsho ahaan qofka wanaagga u gala dhiirro gelinin, midka xummaanta iyo hoogga u gaystana aysan ka hortagin. Arrintaasina waxay keentay in aynaan yeelanin Halyeeyo lagu hirto oo wanaagga ay galeen lagu daydo.



Dhanka kale, waxay keentay in kuwa dhibka iyo hagardaamooyinka wada aan laga gil-gilannin bal laga yaabo in iyadoo la eegayo dhiig wadaag iyo dhalasho lagu garab istaago dulmiga. Laakiin waxaad mooddaa in beryahan danbe in la garwaaqsaday arrintaas oo ay soo if-baxayaan dad badan oo wanaaggana dhiirro geliya xummaantana  ka hortaga. Sidaas daraadeed, waxaan gabaygan ku dhiirro gelinayaa walaalkeen Maxammed Ibraahim Hadraawi, isxilqaankiisa iyo doorka fir-fircoon ee uu ka qaadanayo nabadayta Soomaaliya waxaana iri: 

 

Hadraawi waa halyey kacay   Waa wiil hooyadii dhashay

Hanad ay xanbaartoo               Hawraarta maansada

Rabbi hibo u siiyo                     Hanbalyiyo ammaan mudan

 Waa wiil loo hanwaynyoo      Howlaha dadkeeniyo

Nabadayta hagayoo                 Hilinkii habboonaa

Noo hoggaaminaayoo                Hiil iyo ammaan mudan

 

Waa hoggaan la sugayoo          Ummaddiisa hooggiyo

Hiirtalayda naartiyo                Haadaanta lagu riday

Qalbigiisa holac iyo                Murug ay ku hurisoo

Bal inuu hanbada iyo             Wixii haray bad-baadshaa     

Naftiisii u huray oo                Nabadayta hagayoo   

Hilinkii habboonaa                  Noo hoggaaminaayee

Waa in aynu hiil iyo              Hoo la garab istaagnaa 

Hadraawow walaalow         Hooyooyinkeennii    

Hableheennii quruxdiyo          Hab wanaag ku caan baxay  

Hammi baa gubaayoo           Hodan ciil ayaan dilay

 

Hadraawoow walaalow         Aabbihii harraad iyo

Hammuunyuu la dhimanoo       Madaxii ayaa huray

 Wiilashiina Haad baa           Hilbahoodi cunaayee

Hal ka nool miyaa jira?        Aan koobo hadalkee

Soomaalaay hankeeniyo      Haybadeenni dhumminaye

Bal si aan hufnaan iyo          Himilaba u beernaa

Waa in aan Hadraawiyo        Hilinkiisa wacanee

Nabadayta lagu heli             Wax kastoon helayniyo

Ugu deeqno hiil oon          Hannaankaas ku soconnaa

 

Yusuf Sheikh Omar  (Kawnayn)
Latrobe University-Australia
omar3032@hotmail

Xigasho: Mareegta Goobjoog

Digdigta Hadraawi     Dib u laabo


Anigana Gabaygan ha'iga Gudoomo Abwaan Hadraawi.


Abwaan Hadraawi


Anigoo ah Axmed Xasan Xuseen, mudo dheerna taageere u
ahaa abwaan hadraawi, gabayadiisa iyo heesaha uu
sameeyana dhegeysan jirey, waxaan sidii saxiibkey Cali
Jama ka didey hindisaha siyaasadeed ee uu Abwaanku la
boodey.

Waxaan markiiba aan go'aansadey in aan joojiyo
akhrinta iyo dhegeysiga sugaanta Abwaanka oo Aniga ii
ahaa qof aan higsado intaan ka hubsanaayo sheekadiisa
iyo biyo dhaca hindisahiisa.

Waxaanan halkan ku soo gudbinayaa in ay ila wadaagaan
dhalinyarada suugaanta Jecel iyo ciidii kale ee
xiisayneysaba tix gabey ah oo aan ugu sheegayo
Abwaanka xaalada dalka uu ka dudey, dhibaataddii loo
soomarey oo uu qeyb laxaad leh ka qaatey iyo sida ay
arkaan shacabka somaliland hindisa cusub ee Hadraawi.

Waxaanan ku bilaabey sidan soo socota:

1)cirka da?ey daruuraha curtey; iyo dirirka hooraaya
2)onkod danab leh hogal daahfurtoo; daba madiixeysa
3)deg-biyo leh daad soo jabeyiyo; daw la mariwaayey
4)dab-dab iyo mashxarad baa ka timi; damashiiweyneyde
5)dooxii hargeysaad; hilaac deyrtan maanta ahe
6)ilaah deeqsiweeyee; nasii duudsigii shaleye
7)Waxaan doonijirey waan hellay; iyo dawladnimadiiye
8)Deganaanta waataa ku xidhan; dooro kii roon.
9)Deyr-dhaladku maantuu wataa; daabka qalinkiiye
10)Soodoogey nimankii wax badan; doqon ku oodnaaye
11)Duqey iyo waxgarad wada-socda; ayaa daaha aayahaye
12)Dalhagaagey; ducadii kacdaa lagu dabaalaaye.
13)Daacadnimada waataa la hellay oo daawashaa timide
14)Waxay dunidu wada dooneysaa; kaalintaan degaye
15)Da'daalkeyga dheer baan ku hellay; iyo duurkii aan
galeye
16)Damanaana layguma arkiyo; daayacnimadii.
17)Dib waxaan u urushaa; waxuu daadshey bahalkiiye
18)Diboodiyo waxaan kaga jiraa; daalkii berigiiye
19)Deexdeyda maandeeq; ayaan daran ku maalaaye
20)Dadkale waxuu nagu ogyahay; daaqsin nabadeede
21)kala durugney deriskii xuniyo; daalin taladiiye
22)hayeeshee darbaa jira; samuu deeqin abidkoode
23)jirkastoo u da?a; hadana doogdhaw-uun-raba?e
24)didmo inay qabaan;waan hubaa duhur dharaareede
25)dabeyl raaca caliyo; waa lagu dayoobaaye
26)nin deg-degey diraacdiixun; dooc ma aarsade
27)wadaadkii dagaalamey;markey dunidu qiiqeysay
28)deeleyda wiilkii cuskadey; dirirta awgeed
29)wax la yidhi hadraawaa ka dudey; degalkii beeshii
30)wax la yidhi dawaafbuu u baxay; doorkan maanta ah'e
31)deris waxay noqdeen; guulwadiyo duubcastii hadheye
32)dabkey kala shitaan; nacasyaddii duugey ehelkiie
33)wax la yidhi damiinbuu ka yahay; oo dood u
furayaaye
34)wax la yidhi dadbuu kala hayaa; aan is dirireyne
35)dareenkeygu waxuu sheegayaa; waa darjiifnimo'e
36)duqa reer-u-weyn; oo ka lumey dawguu marilaaye
37)durbaan been ah-baa lootumoo; duubey madxiiye
38)dig-dig iyo ciyaarbuu rabaa; loo dabaal daga?e
39)ilaahey ha daayee; walee dooray meel adag.


Ahmed Xasan Xuseen, Toronto
E-Mail. yacquubyacquub@yahoo.com

Soo diraha: su. omer
bile332002@yahoo.ca

Xigasho:Mareegta Goobjoog..

Abwaanka Saboolka     Dib u laabo

Hadraawi waa abwaan saboolkiyo nin la siray u doodoo maaha saar qabiilee

Roble M Issa (Quruurx )
Doha – Qatar
Issa119@hotmail.com

Waxaan halkan ku soo bandhigaya maanso kooban oo aan jecelahay inay shaafido Mr . SOOL oo hore halkan uga mariyay maanso uu ku weerary abwaanka ugu halkaraan san Dunida afsoomaaliga ku haddasha sabankan aynu joogno . Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) waan ka xumahay inaan soo bandhigin waxyaabo badan oo abwanku ku hodan yahay oo uu illahay ku hibeeyay iyo shaqsiyadiisa asluub wanaaga iyo Geesinimadda, daacadda , dad la dhaqankiisa fiiro dheeraan tiisa .

Waxaanse halkan ku soo ban dhigay maanso koobon oo aan doonay inaan ku tilmaabo walaalkay Sool. Waayo waxaan fiilayay in ay ceeb iyo iimba uu yahay raga manta jooga ee la hiigsado ama inta aqoonta loo tuhmaya inuu dadka ugu canan danbayn lahaa , oo haddii uu waxa galayna .

Waa abwaan saboolkiyo
Nin la siray u doodoo
Sindheertiyo agoomaha
Saacida hanbalah ugub
Sama badanay hooyna
Suugaan ku qeexo
Waano iyo sabaalay
Samayahay afkiisu
Saxa iyo wanaagana
Nin u seeran weeyo
Sodan bariba cayniyo
Maha saar qabiile
Si kale aad u aragtee
Soolow ka xaal amari

Sowdkiisa kuma gado
Shillimadda rag siistaan
Sad ma moodo xoolaha
Gardaradda sokeey ah
Rag baa gees biciid u leh
Waa oday sinaaneed
Waa ardaa xaqsooreed
Waa iftiin siraad liyo
Xididig lagu socdaalaa
Safka iyo da’addiisii
Aynigii ma sana badan
Sarxanyaha waxaa u jaray
Soojeed illaaleed
Beeshu sahankay leedahay
Nin u sooca weeyaan .
Sodan bariba cayniyo
Maha saar qabiile
Si kale aad u aragtee
Soolow ka xaal amari

Roble M Issa (Quruurx )
Doha – Qatar
Issa119@hotmail.com

Mareegta Somalitalk.DAABACAAD: December 2001

Qiirada Habawsan ee Hadraawi     Dib u laabo

HADMEY KUGU SHAXTIDHI QIIRAADAAN MAANTA KUGU HOORTEY (GABEY) Nove -17-03   
KU:Abwaan Hadraawi

Anigoo ah ali Jama, waxaan jeclahey in aan marka hore halkan ka salaamo Abwaan Maxmamed Ibraahim Warsame  "Hadraawi" oo ah nin aan ad u qadariyo kuna ixtiraamo kaalinta uu kaga jiro ama ka soo qaatey Sugaanta Afka Soomaaliga. Sidoo kalena, waxaan halkan Abwaan Hadraawi u soo marinayaa Tix ama Gabey kooban oo aan is idhi ugu xogwaran Abwaanka  falsafadan siyaasadeed ee uu maanta u
xuubsiibtey iyo sida ay u arkayaan dad badan oo ka tirsan taageerayaashiisa.
Hadaba, sidaan la socono Abwaanku, waxaa uu dhawaan ku milmay ama uu ku biiray hirdanka siyaasada somaliya ee mudo laysku mari la’aa, waxaaney dad badan oo aan ka mid ahey is leeyihiin Abwaanka maxaa hawshan geliyey?.
Hadaba, tixdan oo aan u arkey in ay ka turjumeyso sida ay xaajada siyaasada somaliya ee maanta tahey, Abwaankana  la talineysa waxna ka iftiimineysa muruga iyo is maandhafka dadka u ololeeya siyaasada somaliada guud ahaan, waxaan jeclahey in ay noqoto mid inoo furan ciddii hal abuurka wax ka taqaanaana ka qayb gasho ee aqris wacan. Haddii ay  cidi dhibsatana , waxaan rejeynayaa in raali laga ahaado. Waxaa kaloo iyana lagayaaba in qaar badan
oo idinka mid ahi yidhaahdaan waar bal eega ninkan Abwaan Hadraawi u gabyaaya, laakiin waxaad ogaataan in nin-waliba maalin bilaabey suugaanta, Hadraawina maalin anoo kale ahaa. Gabyaana ma  ihi mana jecli inaan gabyo runtii, laakiin waxaa iyana meesha ku jirta erayadii Abwaan Yusuf Xaaji Adan ee ahaa “hadaan gabeyga uurkoo bukiyo aramikaakeenin, abda malaha eragii afkuun laga
yidhaahdaa”.
Sidaa awgeed, taxdani ku timid tabasho iyo u qaadanwaa aan u qaadan waayey halka uu abwaan hadraawi ka fadkudiyey.

Tixdii Gabayga ahaana waxaan ku bilaabay sidatan:

Hadraawow halyeybaad aheyd; hiil nin loo galo e
Hagardaamo kugumaan ogeyn; hoos u soo noqode
Hir-kalaaban kaa eegayeeyiyo; hawl u soo bixide
Hayeesheey imaan-bogin; warkaa haatan ii yimid..

Nabadaad u heenseysatey; iyo halkaad sheeko marineyso
Hooheey ka kaca; iyo hadalkan aad la hindiwaaseysow
Hamadaad la timid; een dadkaa maanta badi-heynin
Hirwaddii xoriyadii; iyo jibaddii waagii lagu hoobtey
Hoga lagama gano; ruux muslim ah laba hilaadoode
Maxaa kugu habsadey; maad aheyn haybtii garanwaaye

Halkiibey inoo taagan tahey;hororkii waagiiye
Halgankiina muudamin; hadaad moodey waa hore
Sidii bay u heeryeysanyiin; hanadadeeniiye
Hooyooyinkiiba fadhiya; weli-habaaskiiye
Hoygiisa loogama waramo; nimaan habaabeyne
Hubsiimey u baahneyd; taladan kaa habowsaniye
Hadmey kugu shaxtidhi;qiiradaan maanta kugu hoortey?

Dadkaad la hadleysaa maxamedow; waa kuwii hore’e
Hu-guunbaa badeleyn; ee qalbiga heer umuu korine
Wadaadkii nahelay; iyo kuwii hasha fulinaayey
Markuu hoydey; waxaa soo hafyidhi hanadadiisiiye
Hurgumaduu ka tegey; baan hadheyn tan iyo haabiile
Hoosaasin waa lagu yaqaan; wiilka reer hodane
Ha iloobin; taariikhdu waa lama huraankiiye.

Haddii ay heshiis doonayaan; hebel ma keeneene
Halyey kuma tilmaameen; fulii hooyadey dilaye
Hayb qolo ma sheegteen ninkii gubey halkeygiiye
Looma soo hagoogeen; ninkii cuney hasheydiiye
Been laguma hiifeen; dadkii hooga soo maraye.

Hindisaha qabiil; ee midnimo lagu hagoogaayo
Haabhaabka beelaha; iyo intaa hebelo doondoonka
Heesaha jeceylka ah iyo ilmada hibitiqleyneysa
Halkan kaalayaaye; Nairobibaa heysataladiiye
Habrahaa lugo’ey; ee hadana hoygood garanwaayey
Shaxdan lagu hongaabee; hadana laga hagaageynin
Hog markii la guuraba; midkale sii hordhigidiisa
Hubaal waa cadeyntii; waxii kii ka soo hadhey.
Hubsiimey u baahneyd; taladan kaa halowsaniye
Ha iloobin taariikhdu; waa lama huraankiiye

Hangagaarka sheekada; shirkaa maanta hadhiyey
Horor iyo dugaagbaa isu yimid hoolif dacowgiiye
Hamuuntii nin qaba; oo qurbaha hawli yara-gaadhey
Hanti aan la tegin oo intaa dhoonut hoganaayey
Isku yidhi hafsii ; midaad  hore u soo waydey
Hiliblihii dad qaley; oo hadana haragshabeel qaatey
Haweenkii darlumey; oon ogeyn hadafkii qoyskeeda
Iyo guulwadii hore; oo intaa hawdka miranaayey
Habaar-qabahii duulkuu ka tagey; yaasoo hanbaabire
Hoosaasin waa lagu yaqaan; wiilka reer hodane
Ha iloobin taariikhda waa lama huraankiiye

Heelo waxay tumayaan; inay xamar ka heesaane
Waxay ay la hiirtaansanyiin; hilinkii waagiiye
Heshiis waxay ku yiin;maalin kale inay ku heeraan
Hantidaada qaybteed; ayaa loo hirdamayaaye
Waxaa laysku haystaa intaa; hoygaad gelileyde
Waxaa heegan loo yahey; sidii loo hantiyilaaye
Hadimadii doraad; ayaad markale soo horleedahaye
Maxaa kugu hamsadey; maad aheyn haybtiigaranwaaye.

Cali Jamac Axmed

Toronto,Canada 

ahmefayr@hotmail.com             

Xigasho: Mareegta RAdio Golis

                     
Dib u laabo
Soo bandhige: (Bahda Mareegta Farshaxan)
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.
  Safarka Nabadee
Hadraawi


Gabayo

Halyeyga
Hadraawi

Yuusuf Sh.Cumar

Digdigta
Hadraawi

Axmed Xasan

Abwaanka
Saboolka

Rooble M.Issa

Qiiro
Habawsane

Cali J.Axmed

Soo Socda