Ku soo Dhowoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Fatax Farshaxan

kula xidhiidh qoraaga EMAIL ..

"Cabdi-Fataax Ibraahim "

DHIB BADANAA JAADKU ,LANA DAYN WAA!!!!!!!
          

WAANIGII MURAN LI,I MIRQAAMAAYEE MASHRUUCAN IGU FURMAY MUG-WEYNAA.

ALOOW DAD SAN, DHUL SAN & DAL SAN NOOGU DEEQ.

Allow ubad wacan, oori wacan iyo guddoon wacan adigu nasii. Waxay ahaayeen erayo laga soo gaadhay facii horre. Waa weedho suntaya wanaaga, ku xardhan dahab kuna qotoma wacyi iyo garaad sareeya. Waxa ku sugnaaday diinta in Raxiimka ina abuuray habeen kasta uumiyaha ugu deeqo naxariistiisa una fidiyo in cid u baahan danbi dhaaf oo loo danbi dhaafo jirto ama wax waydiisanaysa oo laga aqbalaa. Waxay u muuqataa in Jiilalkii hore maruun ku beegmi jireen waqtigaa oo ducooyinka laga aqbali jiray, Waana ta aan qabo inay ku badbaadeen inkastoo aanay lahayn aqoon maadi/diineed oo saraysa. Inaguna bal aynu ugu horaysiino ducooyinkeena

ALLOW QAADKA QIIL NOOGA SAMEE.

Reerkii daggi waa,rafaadkii hadhi waa, naruurrana daa hadalkeed ee QAADIROOW QIIL NOOGA SAMEE…AAMIIN.
Ummad waliba waxay galabsato dambarkiisay dhantaa. Sooftaran habawgan ku dhacay Soomaalida kuma koobna dhinac gaar ah ee waa mid ragaadiyay dhamaan hab-dhaqameedkii bulshada. Maanta waxa uu marayaa heer horumarka gabaabsi ka joogno. Sababtoo ah waa ummad waxa wacan inta weecsani kaga qaldan tahay, waa ummad sooryada ugu muddan ee laysku marti galiyaa tahay wareer gadasho (Cunida QAADKA/ JAADKA), waa ummad gabbi ka laalaada oo go,aamadeeda la gaadho iyadoo la waalan yahay kaasoo ay ugu xil qariyeen eray la yidhaa MURQAAN, Waa duul ay u taliyaan baddi dad lagu handhariyo narcotic (daroogada cagaaran). Dadkani waa kuwo ka door biday gudashada xilkoodii kaga aadanaa reerkooda, ehelkooda, bulshadooda iyo dhacdooyinka aduunkaba hiiggida suntan. Waa ummad xooggoodu ku saqiiray marfishyada, kuna qaata noloshooda inta badan qolalka la ciiraya CO2 , qiiqa nikootiinka , sheekooyinka halaasiga ah ee bar kuma taalkaa iyo khidadaha laysarka loo yaqaan mirqaanku hago. Aan soo duubee waa xilli nolol dhisida ay ka macno roon tahay muquurashada nolosha khiyaaliga ku salaysan.
Tusaale haynoogu filnaado ninkii afadiisu waydiisay halkeed ku maqnayd, mee biilkii, nolashaada intan u dhaan iyo talooyin reer dhisid u badan uu ugu jawaabay, isagoo u cabanaya saaxiibadii fadhi wadaaga ay lahaayeen. WAA ANIGII MURAN LI,I MURQAAMAAYEE ***MASHRUUCAN IGU FURMAY MUG-WEYNAA. Isagoo ku cabanaya in guurka & reer dhisidu ay tahay bad-weyn uu galay (waa sida aragtidiisu siisaye). Isku soo wada duuboo waxaan laysla diidanayn in aafadani u baahan tahay in lala tacaalo, Laakiin su,aasha ina hor taal waxay tahay: Waa maxay xalka lagaga bixi karaa tumaatidan haleeshay bulshada? Ma ducaynu miciinsanaa waa intoo illaah inaga aqbalee? Ma dagaal hor leh baynu ku qaadnaa geedkan ina gaadhsiiyay tiiraanyada weyn? Kasoo aynu ku darsano sharciyada shaqo siinta, maamulka iyo maaraynta in RUUXA QAADKA CUNAA, QIIL SHAQO AAN LOO HAYN... MISE..??????????????? (QOF WALBA IYO TALADII/ FIKIRKII)
Aan kusoo gabagabeeyo afarlaydan:
Waa aduun halyeey uu u yahay wiilka waalani.
Waa aduun masuul looga dhigay maalin kici waa
Waa aduun marfishyo looga talin kaamil ummadii
Waa aduun masruuf reer laga fadali mijinta qaadkaa
Waa aduun sakati lagu jiriyo sabarkii caal waaye
Alahayoow magan baanu kuu nahee adigu noo maaree
☼☼☼ A.fatah I Shekh☼☼☼
kalkaal76@hotmail.com
London

oo ah fadhiyaha mareegta farshaxan London-England-
Cabdi-Fataax Ibraahin Sh.Xasan

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.