Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

LAMA RAACIN RAADKII RAAGE OOMAAR IYO MAXAMED CABDILLAHI

    
    
    Aniga argtideydu waa BBC wey lumisay dhexdhexaadnimadii iyo waliba kalsoonidii shacbiga soomalidu u
    hayey idaacadan, intii uu qeybta afka-soomaliga horjoogaha uu u noqday wiilka la yiraahado Yusuf Garaad.
    Sida aan ka warqabno waxay aheyd waqtigii mustacmarka markii la furay laanta af-soomaliga, ee idaacada
    BBC, waqtigaas oo shacbiga soomalidu baahi weyn u qabay waraabahin casri ah, oo tayo leh, oo bedasha
    qaab kii war isugu gudbin ee qadiimiga ahaa, ee shacbiga soomalidu adeegsan jireen waayo badan, mid kaas
    oo ahaa mid maxali aha, ama local ahaa, oo ay beel ama degmo kaligeed ay iyadu iska war qabtay, dhib iyo
    waqti badana ay ku qaadan jirtay in ay degmo, degmo kale oo daris la ah ay warkeeda helaan, ama warkooda
    u gubiyaan, iskaba daa caalamka ay ku nool yihiin in la socdaan aqoonta iyo horumarka ku soo kordha, ama
    ka jiraa markaas " Warbaa ugu gaajo kulul".
    
    BBC waxaa markaa magceeda la raaciyey oo lagu daray laanta SOOMALIGA, ereygaa soomali wuu waxuu
    mujinayaa, inuu yahay mid lagu soo hirto, oo dadka u dhaxeeya, lagagana baxay qoqobkii iyo degmo-
    degmadii, waxaa xusid mudan in halkan laga sheego, in taariikhda lagu arkay magacyo iyo dhacdooyin hore,
    oo sifada ama ereyga soomali la raaciyey, oo ummada soomalida xushmo iyo qadarin ay u hayeen, ilaa
    maantana u hayaan, sida Sheekh-soomaali, war-soomali side, calanka-soomalida, safaarada -soomalida,
    dhaqanka-soomalida, markaad magacaydaa maqasho, waxaa markaba maskaxdaadu kuu sawireysaa in ay yihiin
    hanti ummada soomaliyeed ka dhaxeysa, oo ay u siman yihiin, waajibna ay tahay in wixii sifo soomali ah
    wata, aan cidna lagu wax yeeleyn, cidna si xaqdaro ah lagu gacan siin, balse qofkii xumaan iyo xaqdaro
    wataa, uu magaciisa muujiyo oo uu ku shaqeysto, waxaa markaa ila quman in la yiraa BBC- laanta Yusuf
    Garaad.
    
    Yusuf Garaad intuu hayey xilka laanta wax uu lumiyey tayadii, sumacadii, kalsoonidii shacbigu ay ku
    qabeen xaqiiqada wararka iyo barnaamjiyada ay idaacadu baahiso. Ujeedadeydu ma ahan in aan xag-xagto
    Yusuf, lakiin waxaa muhiim ah in la muujiyo maamul xumada iyo sharaf dhaca uu u geeystay laanta, intuu
    uu masuulka ugu sareeya u ka ahaa.Waqti fiican idaacadu way soo martay, oo shacbigu aad u xiiseyn jiray,
    hormarka aqoonta shaqaalaheeda iyo farsamaduba ay aad u korayeen, wey soo martay, lakiin taas
    waqtigeedii waa dhamaatay, oo balaayo ayey gacata u gashay, kuwaas oo aan laheyn xirfad saxaafadeed,
    lakiin ku mashquulsan waxyeelo iyo colaado qabiil
    
    Maanta oo shacabiga soomalidu ku jiro xaalad aad u qalfsan, oo uu mahlikeeyey ama ay la dageen, colaado
    iyo dagaalo qabiil, is-necbaysi isreed, been, borbogaan,dulmi, dhac, boob, baro kicin iyo xasuuq aan loo
    aabo yeelin, oo aan hore loogu arkin taariikhada soomalida. Waa maanta oo kale maalinta ay soomalidu ku
    halqbasan jireen "YAA MAALI JIRAY" waa maalintii loo baahan jiray, ama loo baxasan jiray, waxii garasho
    leh, aqoon leh,diin leh, daacadnimo leh, dad u dhaxeyn iyo dadaalba leh, rag iyo dumarba in ay u kacaan
    sidii loo dabo qaban lahaa, ama loo badbaadin lahaa hambada ka soo hartay xasuuqa iyo dulmiga, ama looga
    hor tagi lahaa in khasaaraha iyo burburku aanu ku baabin ummadada oo dhan idilkeed. Warbaahintu waa
    aalada ugu horeeysa ee la adeegsan karo, sidii loo wacyi galin lahaa ummadda, isla markaana looga fidin
    lahaa fariimo iyo dhawaaqyo nabdeed, oo dadka quluubtooda iyo qalbigooda isu soo jiida.Macal asaf taas
    badalkeeda idaacada bbc iyo hogaankeeda Yusuf Garaad ilaahay midaas ma tusin, lakiin waxay kow ka
    noqdeen colaada iyo dagaalada ka socda dalkii soomaliya waayo la oran jiray, idaacada iyo Yusuf Garaad
    waxay ka mid noqdeen oo ku milmeen dagaalada iyo isbaheysiyada qabiileed ee dagaalada ka wada dalka,
    waxay bilaabeen baahinta dhawaaqyo iyo dhiilooyin colaadeed, been iyo cadaalad la'aan bulshada
    soomaliyeed dhexdeeda, iyadoo la adeegsanaayo magacii iyo muunadii wacneyd ee dadka ka dhaxeysay, ee
    aheyd BBC laanta afka-soomaliga, taas oo maanta noqtay BBC laanta Yusuf Garaad iyo ciidankiisa.Waxaa
    
    XOOLO ILAAH NINKUU SIINAYO, MARKA HORE DADKII DHAQAN LAHAA BUU SIIYAA
    
    Yusuf Garaad si uu u fuliyo ujeedooyinkiisa guracan, isla markaana idaacadu u noqto mid isbahaysi
    qabiileed iyo dano shaqsiyaad u adeegta, wax uu ka takhalusay markuu xilka la wareegay, dhamaan
    shaqaalihii aqoonta iyo waayo argnimada dheer u lahaa shaqada suxufino, isla markaana ka madhnaan
    caadifada qabiil, kana koobnaa dhamaan beelaha soomaliyeed, waxay ahaayeen shaqsiyaad damiir leh, waayo
    argnimo aqooneed leh, isla markaana ahaa ruug cadaayo mudo ku soo dhex jiray hawsha warbaahinta, waxay
    ahaayeen shaqsiyaad ka xishoonaya in ay si raqiis ah u adeegaan ama ay been iyo ku tiri ku teen ummadda
    dhexdeeda ku faafiyaan. Goormaa kugu danbeeysay codkooda wariyeyaashii qiimaha iyo qaayaha, laanta u
    yeelay sida , Maxamed-Rahiid, Dalmar, Ducaale, Maxamuud Xasan, Siciid Farax iyo kuwo kaloo badan, oo aad
    wax uga qabtay kordhinta tayda iyo dhexdhexaadnimada idaacada, dhamaantood waxaa ka dhacay contractkii
    shaqo, Yusufna waa uu u diiday in uu u cusbooneysiiyo, halka kuwa badan oo odayshii ka hareyna ay
    haystaan contracktiyo sannad sanad ah, oo uu u diiday in shaqo rasmi ah la siiyo, halka kuwo xaabo ah,
    oo uu magac qabiil Yusuf Garaad ku soo urursadayna, uu ku siiyey shaqo rasmi ah
    
    Madaxa laantu waa Yusuf Garaade waxaa uu sameystay,isla markaana furtay idaacado iyo websideyo uu isagu
    shaqsiyan leeyahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Idaacada iyo websideka Hornafrika, sababaha ugu waaweyn
    ee Yusuf u sameystay idaacadaha iyo websideda localka ah ee ka hadla magaalada muqdisho waxaa ugu
    waaweyn,kuwan
    
    1- Inuu tababar gaaban uu ku siiyo kooxo dhalinyaro ah, oo uu sifo qabiil ku soo urursaday, isla
    markaana ah dhalinyardii ku soo barbaartay, isla markaana ka qayb gashay dagaalada qabaa'ilka ee wadanka
    ka socda, waa wiil yar yar oo aan garan karin wax ay qoryaan iyo waxay idaacadaha ka sheegayaan, dhibka
    iyo waxyeelada ay u keeni karto mujtmaca, kaliya waxay yaqanaan in ay xumaato iyo been fidiyaan, si ay
    Yusuf Garaan uga helaan dalaacad ah, inuu ka shaqaaleyo BBC BUSH HOUSE, taasina waxaan markhaati iyo
    daliil cad u ah, imisaa schoolka Yusuf Garaad ka soo baxaday, ayaa ku soo biiray hawlaha idaacada, intii
    Yusuf u ahaa, madaxa laanta afka soomaliga. Fiiri halkan
    
    Waxaa haatan BBC-da xafiiska London ka shaqeeya:
    
    - Aamina Musa Weheliye
    
    - Cabdiraxmaan Maxamed Aaden (Koronto)
    
    - Maxamed Cadow Aadan
    
    - Maxamed Maxamuud Cadde
    
    - Xasan Bariise
    
    - Xafiiska Nairobi
    
    - Cabdiraxmaan Yabarow
    
    - Cabdirisaaq Catoosh
    
    - Yuusuf Xassan
    
    
    
    Muqdisho:
    
    - Farxiya Cali Qaajo
    
    
    
    Jabuuti:
    
    - Kaltuun Maxamed Cali
    
    Waxaan u maleynaayaa in shaxadani masawir cad kaa siinayso, qaabka foosha xun ee uu Yusuf u dhalan rogay
    idaacadii caanka aheyd ee BBC Laantii afka soomaliga,( waxaa xusid mudan, in ay jiraan shaqaale badan,
    oo ah kuwa gunada ku qaata wararka ay soo diraan, kana soo hadala dunida daaf yaheeda, waxaad qoslaysaa,
    markaad argtid qaabka loo maamulo, oo ah nin jecelaysi iyo naas-nuujin, tusaale ahaan waax arkaysaa
    iyadoo waqti iyo daqiiqado badan ah la siinayo, tusaale ahaan wariyaha ka soo warama talyaaniga, waxay
    maalin walba idaacadu soo deysaa dhambaaladiisa, sababtoo ah war kasta wax uu ku helaa lacag guno ah,
    wax uu marar badan ka warmaa mawduucyo aan wax xiriir ah la laheyn, nolsha iyo dareenka dhageystayaasha,
    sida wasiirka hawlaha guud ee Talyaaniga oo is casilay, ama tababare giovanni Tarbatooni oo u tagay
    kooxda Porto ee Bortaqiiska, waxaase nasiib daro ah in wararka iyo hurumarka ka dhaca gobolada dalka
    qaarkood, aan loo ogolaan wariyaha jooga in 2daqiiqo la siiyo )
    
    Fiiro gaar ah: rumeyso ama ha rumeysan, Xasan Cade oo Hornafrika ka qayliya, Maxamed Xaaji Ingriis oo
    websidemaster ah, Cabdiqaasimna ku sheeg caalin islaam ah, iyo Daahir-yare oo Dayniile ku dhaarto,
    dhawaan ayey rajeynayaan in Yusuf dalacsiiyo oo BBC BUSH HOUSE, si ay wareysiyada siyaasadeed iyo
    doodaha u soo jeediyaan
    
    2- Ujeedada kale ee uu Yusuf u maalgaliyo iyo isla markaana u dhiiri galiyo idaacadahiisa khaaska aha
    sida Hornafrika iyo websideyo badan, waa sidii loo majara-habaabin lahaa raayul-caamka soomalida, isla
    markaan loo jahawareerin lahaa da'yarda soomaliyeed ee ku barbaaray ama ku soo qaxay qurbaha, kuwaas oo
    xaalada iyo dhibaatada wadanka ka jirta u sawira sida Yusuf iyo kooxaha dulmiga wada ee ay bahda yihiin
    jecel yihiin,isla markaana u difaacan danaha dulmiga , dhaca, dilka iyo xasuuqa ay dalka iyo dadka ku
    hayaan Yusuf iyo Xulufadiisa siyaasadeed ee uu calanka u sido Cabdiqaasim salaad
    
    Waxaa kaloo jira ururo iyo dalado isku sheega in ay ku midoobeen suxufiyiinta soomaliyeed, oo
    dhamaantood laga xukumo, isla markaana hoos taga idaacada BBC iyo horjooga-heeda, kuwaasoo si raqiis ah,
    isla markaana si caadifad qabiilaysan u soo booda, una difaaca, markii dhaliil shaqo loo soo jeediyo
    madaxa idaacada bbc
    
    KALIGIIS WIIL 
    
    Sideedba shaqo waxaa horumar iyo tayo u yeelaa, waa wada shaqeyn , isfahan iyo shaqo-qaybsi dhex marta
    shaqaalaha hal goob ka shaqeeya, sifada wada shaqeeynta iyo wax isla curintu, waa hore ayey ka suushay
    idaacada. Qofka kaliya ee hor booda idaacadu waa Yusuf, isagaa ah mufekerka, wariyaha wareysiyada qaada,
    qoraha faalooyinka qora, wararka uu xiiseynaayo isagaa shaqsiyan akhriya, inta kale ee shaqaalaha ahina
    waa xerta subciska iyo aamiinta. Arintaas waxaan daliil uga dhigayaa, Yusuf isagaa kaligiis go'aamiya
    qadiyada iyo dhacdada la waaweyneynaayo, iyo mida la inkiraayo, tusaale, shirkii ka dhacay Jabuuti
    sannadkii 2000, waxa uu Yuusuf u soo bandhigay inuu yahay shirweyne guul iyo liibaan u horseedaya ummada
    soomaliyeed, isagaa shaqsiyan hor booday, soo jeediyey musalsalaad ka kooban warar, barnaamjiyo, doodo,
    heeso, wacdiyo diini ah, oo dhamaantood lagu quweynaayo qiimaha shirka, waxaan xusuustaa barnaamjiyo
    ahaa su'aalo live ah oo la weydiinayey madaxweynaha Jabuuti, oo si xiriir ah idaacada looga baahin
    jirey, isla markaan dhegeystayaasha idaacada lagu khasbay in ay si toos ah, ama si dadban u taageeraan
    natiijada shirka, oo aheyd in Yusuf Garaad adeerkii loo doorto xilka madaxweynenimo, iyadoo si guracan
    loo adeegsanaayo idaacada bbc, waxaa xarunta shirka Yusuf uu u wakiishay shaqsiyaad ay ehel yihiin, in
    ay waraka uga soo tabiyaan, waxaa hawshaa si shaqsiyan ah u soo fulin jiray Yusuf Xasan,oo jabuuti
    markaas fadhiyey.
    
    Okey midkan hadda dabada dheeraday ee Kenya ka socdaa, isweydii oo ma helay fursadii warbaahineed ee uu
    Yusuf Garaad siiyey midii Carta ee Jabuuti, jawaabti waa mid fudud, waana maya, sababtuna waa
    isbahaysiga siyaasadeed ee uu Yusuf Garaad ka tirsan yahay, ayaa shirkaa u argta mid iyaga dantoodu
    aaney ku jirin, markaa uma baahna in idaacada bbc ay shirkaa warkiisa soo gudbiso, waxaase u Yusuf
    Garaad mar kale u fasaxay in ardeygiisa isaga u adeega ee Xasan Bariise, uu ku tilmaamo in shirku yahay
    mid cadawga soomalidu maamulayaan, isla markaana Cabdiqaasim iyo Yusuf iyo bbc dani uguma jirto, waxay
    istimaaleen odhaahada ah Sheekhow findhicilku ma xaraanbaa, mise waa xalaal, sheekha oo kitaab gaab
    ahaa, oo aan jawaab cilmi ah u hayn su'aasha, ayaa ku gaabsaday, waar sheeg-sheegisaa ka liitee inaga
    daaya
    
    Yusuf lafta inta hilibka leh isagaa ka cuna, taas oo macnaheedu tahay, waa shaqsi wada shaqeynta ku
    liita, oo mar walba jecel in uu kaligii is muujiyo, wax walbna uu ka dhex muuqdo, taas oo calaamad u ah
    shaqsiga aan anftiisa kalsoonida fiican ku qabin. Tusaale waxaa kugu filan wareysyada mihiimka u ah
    dhacdo siyaasadeed, bulsho,dhaqaale, ee markaa taagan, isagaa Yusuf jecel in uu ku boodo oo makaroofanka
    uga hor maro shaqaalaha kale ee la shaqeeya, sababtoo ah wax uu fulinayaa dan siyaasadeed iyo ujeedooyin
    qabiil oo isaga iyo isbaheysigiisa siyaasadeed u gaar ah. Lakiin qadiyada qaarkood malagu aamini karaa,
    mise laga dhageysan karaa in shaqsi sifooyinkaas lihi ka faaloodo, ama barnaamji dood-wadaag ah ku
    daadihiyo iyo waxii la mid ah.( waxaan xusuustaa habeen Yusuf makarfoonka la booday, oo akhriyey faalo
    iyo taariikh nololeedkii mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxaha soomalida, oo wali nool, uu si aan
    cadaalad iyo akhlaaq suxfinmo midna aheyn ayuu wax uga sheegay, nasiib wanaag habeenkii ku xigay, ayuu
    isla ninkii wareystay, markaasu odaygii, wariye Yusuf weydiiyey, adeer anigoo nool, yaa kuu fasaxay in
    aad taariikh noololeydkeyga ka hadashid, anigoon kuu fasaxin, markaas idaacadii bbc waxay yeelatay
    dhaqankii Yoobsan
    
    Tusaale wararka, wareysiyada iyo doodaha siyaasdeed ee ku saabsan colaadaha iyo dagaalada xilligan ka
    socda gobalada Shabeelada hoose iyo Jubbooyinka, Yusuf dhexdhexaad ma ka noqon karaa, mise lagu
    kalsoonaan karaa warbixinaha iyo wareysiyada uu ka diyaariyo, jawaabta oo cad, isla maarkaana kooban waa
    maya, sababtoo ah,tusaale
    
    1- Dagaalka Shabeelada hoose iyo Jubooyinka waxaa wada, oo ku jira Yusuf Garaad jufadiisa hoose iyo
    eheladiis, tusaale cad aan ku siiyo, waxaa dagaalka qayb ka ah, oo degaanada haysta malashiyooyinka
    Cabdiqaasim, ina-daylaaf, sheekh indha-cade, sheekh xasan daahir aweys, ina-darmaan, galaal, goobaale,
    seraar, walaahay waa wada jufada Ceyr, ee uu ka dhashay madaxa idaacada bbc Yusuf Garaad. Qadiyadan oo
    kale dhexdhexaad kama noqon karo, shaqsi Yusuf oo kale ah, oo ku soo barbaary, isla markaan xubin ka
    ahaa ururkii dhalinyarda ee xisbigii hantiwadaagu, kadibna ay uga danbeeyeen dagaaladii qabiil ee dalka
    ka dhacay, isagana waa uu ceeb, inuu makaroofan u soo qaato dagaalkan, oo yiraa waa wareysi idaacada bbc
    ay la yeelanyso Morgan iyo Barre Hiiraale, waayo waxuu fidinayaa been raqiis ah, isagoo baal marya
    xaqiiqada iyo dhiibatada rasmiga ah ee ka jirta deeganadaasi, in ay tahay jufadiisa, balse waxa uu la
    wareegayaa su'aalo aad u tabar daran, oo aan aqoon iyo cilmi baarisi midna ka danbeyn oo ah, Morgan,
    oday maxaad Ceel-barde uga timid iyo habeenka ku xiga su'aal cusub oo ah Barre Hiraale, oday xildhibaan
    baad tahay, ee maxaad shirka uga timid kaliya, laakiin waxaa ilaah dhinac mariyey, aqoontii iyo
    dhexdhaxaadnimadii warbaahineed,oo aheyd inuu boogta taabto, oo dood iyo wareysiyo u qabto Cabdiqaasim,
    Galaal, Indha-cade, Ina-deylaaf, Sheekh Xasan Daahir Aweys, Ina-darmaan, Goobaale, Seeraar, iyo isaga
    laftiisu ka qayb galo, oo ay is weydiiyaan waqtiga ay soo afjaryaan dhac,kufsiga,dulmiga,barkicinta,
    xasuuqa ay ka wadaan gobolada Shabeelada hoose iyo Jubooyinka
    
    2- Waxaa kaloo yaab leh faalooyinka iyo warbixinaha mihiimka ah ee taabanya ummuuraha siyaasadeed iyo
    dhaqaale ee dalka, waxaa soo uruuriya, oo isku soo duba rida madaxa laanta, marar badna waxaa dhacda in
    Yusuf shaqsiyan uu noqdo khabiir isaga laga wareysto dhacdooyinka siyaasdeed, dhaqaale iyo bulsho ee
    dalka ka dhac, isagoo odorsa ama mala-awaala, waxa kooxdiisu markaa doonayso, isku soo duubo, waa cantra
    baqaash, ay aqoon, hufnaan iyo xilkasnimo maskaxeed ka maqan tahay
    
    LAMA RAACIN RAADKII RAAGE OOMAAR IYO MAXAMED CABDILLAHI
    
    Waa laba shaqsi oo runtii taariikhda baal dahab ah ka jira, runtiina waxaan odhan karaa waxay masawir
    fiican, oo lagu hirto u yihiin dhamaan inta ku hawlan warbaahinta dibad iyo gudaba ha jogaane. Waa laba
    shaqsiyadood oo ku sifoobay aqoon, karti, hufnaan,dadaal, daacadnimo, shaqo-badni, iyo dhexdhaxaadnimo,
    isla markaana fahmay, in shaqada ay hayaan ay tahay, mid suxufinimo, ama warbaahineed, loona adeegayo
    ummado ama mujtamacyo fara badan, oo ay kala duwan yihiin hab fakarkoodu iyo damacooduba, lakiin ay isu
    keento, oo ay isu soo dhaweyso warbaahin tayo leh, misaan is leg ku fadhida, kana tegin dhexdhexaadnimo,
    kana fogaata been iyo borobagaan
    
    Waxaa xusid mudan doorkii shariifka ahaa Raage Omaar u ka soo qaatay, soo gubintii dhacdooyinkii
    dagaalkii ka dhacay Ciraaq, waxa uu ku muteystay inuu noqdo weriyhii ugu tayda wanaagsanaa ee ka soo
    warama dagaalkii ciraaq, isagoo tixgalin iyo xushmad ku helay, wararkii dheeli tiranaa, isla markaana
    dhexdhexaadka ahaa ee uu ka soo tabinayey jiidaha hore ee dagaalku ka dhacaayey, raage waxa uu muujiey
    masuuliyad, xilkasnimo iyo karti. Waxaa muuqata in laanta iyo madaxeedu garab mareen jidkii saxnaa,
    waxaa mudneyd in lagu daydo, oo la raaco raadkii guusha dhaliyey, ee uu maray wariye Raage Oomaar
    
    Sidoo kale Maxamed Cabdillahi waxa uu ahaa madaxii ugu danbeyey ee laanta afka-soomaliga ee idaacada
    bbc, waxaan qabaa in aan idaacad si hufan,oo habsami ah u shaqeysaa, aaney ka danbeyn, ka dib markii
    Maxamed meesha ka tagay, waayo waxa uu haa shaqsi aad u dadaal badan, xushmeyn iyo qadarin balaaran ka
    kasbaday shaqaalahii la shaqeynayey, iyo dhamaan dhegeystayaasha soomaliyeed ee idaacada dhageysta,
    runtii waxaan qabaa in xiligii Maxamed uu idaacad maamulkeeda hayey, ay aad uga dhaqdhqaaq iyo dhaqan
    fiicneyd, sida ay maanta tahay . Maxamed waxuu ahaa shqsi mudo badan hawlaha warbaahinta ku soo dhex
    jiray, aan caadifi iyo qabiil midna aan lagu tilmaamin. Warar aad u faafay waqitguu shaqada ka tagay,
    ayaa sheegay inuu Yusuf Garaad ka danbeeyey, shirqoolka shaqada uu Maxamed uga tagay
    
    Gababgabadii waxaa haboon, oo mihiim ah dib loo milicsado taariikhdii dheeraday ee idaacadu soo martay,
    waxaan qabaa in idaacadu magac fiican ku leedahay taariikhda warbaahinta ee ummadda soomaliyeed, waxaan
    qabaa si sumacda iyo wax-qabadka idaacada loo saxo,loona wanaajiyoo,ay haboonaan laheyd, in idaacada
    maamulkeedu furo dood furan, oo ay ka qeyb galaan dhegeystayaal iyo aqoonyahnaba le, si dib loogu
    fiiriyo wax ka khaldamay idaacad iyo muqaalka ay yeelan karto mustaqbalka dhow iyo midkan fogba
    
    Sahal Cartan
    mow15@hotmail.com
    
    Xigasho:  http://www.puntlandpost.com/Opinion.php?id=384
    
    

Copyright 2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.