Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Qori cabbaysan

    
    
     Qori cabbaysan:
    
    Weli dadka soomaalida ah oo magacooda qori karaa aad bay u yar yihiin, hase ahaato ee inta qorigooda
    cabbaysan karaa waa ay badan yihiin. Taariikh ahaan soomaalidu waxay ahaayeen dad qalabka dagaalka jecel
    oo uu qof kastaa ku dadaalo sidii uu naftiisa iyo ehelkiisa u hubayn lahaa.
    
    Hubku noocyo badan ayuu ahaa. Xagga birta waxaa jirey qalab kala duwan oo uu ninka soomaaliga ahi
    diyaarsan jirey, oo aan la soo koobi karin noocyada ay u kala baxaan. “Waran” waa ul dheer oo magaceeda
    “samayo” la yiraahdo oo bir bacafsan oo foodda u dhuuban caaradda lagaga daabay, salkana bir kale oo af
    fiiqan leh oo “kati” la yiraahdo laga geliyey.
    
    Noocyada warmuhu u kala baxaan aad bay u badan yihiin, waxaana ugu waaweyn “teeri” iyo “mardar”, waxaase
    aad u badan noocyada yaryar sida “sallaaddo”, “hooto” iyo “eebo”. Inta nooc oo kuwa aad u waaweyn iyo
    kuwa yaryar u dhexeeya toban jaad waa ay ka badnaayeen.
    
    Siyaalo kala geddisan ayaa warmaha wax loogu dilaa, waxaase ugu naxdin badan qaab uu soomaalida baray
    Maxamed Cabdulle Xassan. Habkaas qiso ku saabsan ayaa waxaa noo sheegtay qof waayeel ah oo soo aragtay
    daraawiish qaabkaas uu sayidkoodu baray wax u dilayey. Qiyaastii boqol waa ay ka weynayd markii ay
    islaantaasi qisadaan nooga warrantay, waxayna tiri:
    
    “Aniga oo saddex carruur ah leh, midna uurkiisa leh ayaa waxaa ninkaygii oo geel baxsaday baadigoobayey
    diley daraawiish. Isla ayaamihii ay ninkayga dileen ayuu Maxamed Cabdulle Xassan wuxuu tiriyey gabay ay
    ka mid ahaayeen mirahaani:
    
    ‘Nin gungume ka daran baan ahoon, gabanna dhaafayne.
    Waxaan goosan karo eegga waan, gurubsan doonaaye.
    Geyiga oo dhan waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye.
    Gartay weeye dunidaan inaan, galalafeeyaaye’
    
    Markii uu gabaygaas oo ahaa tix xoogaa dheer mariyey ayey daraawiishi weerar nagu soo qaadday, waxaanna
    anigu ka warhelay mar ay soo gaareen meeshii aannu degganayn. Arigii iyo aqalkii waa aan iska illaawey
    oo saddexdii carruurta ahaa ayaan midkii ugu yaraa xanbaarsaday, labadii kalena gacnaha ayaan qabsaday
    oo hawdka ayaan la xulay. Markii aan cabbaar sidaas u ordayey oo aan meel labo toomood dhexdood ah
    ordayey ayaan waxaan maqlay gurdan iyo ci fardood, markaas ayaan go’aan ku gaarey in aan ilmaha uurka
    iigu jira keli ah badbaadiyo. Saddexdii carruurta ahaa waxaan ka cararay ayaga oo iga daba leh
    ‘Hooyoy!’, waxaanna galay meel jiq ah. In kasta oo aan cuslaa oo xaamilo ahaa haddana geed dheer oo
    hunbulan baan fuulay oo meel shakal ah oo aan la iga arki karin ayaan galay. Carruurtii oo weli
    bannaankii ka soo ooyaya ayaa waxaa hareereeyey daraawiish uu watey nin magaciisa la oran jirey
    Ismaaciil Mire. Markaasi waxay ahayd mar ay gurigaygii soo gubeen, arigaygiina ay dhaceen. Seddexdaydii
    saqiir waxaa loo diley si naxdin badan. Mid kasta inta kor xoog loogu tuuray baa markii uu hoos u soo
    noqday waxaa loo dhigay waran caaraddiis. Caloosha ama wadnaha ayey warmuhu dhallaanka ka mudayeen,
    waxayna ka murbaxayeen dhabarka. Markaas ayaa warmaha hoos loo foorarinayey si ay carruurta dooxani
    dhulka ugu dhacaan!”
    
    Qisadaas keli ah lagama soo werin in qaabkaas ay daraawiishi carruurta warmaha ugu layn jireen ee waxaa
    sugan taariikho badan oo ay ka mid tahay arrintii ku saabsanayd Cabdulle Shixiri, oo intuu ina Cabdulle
    Xassan ka fallaagoobey uu kaga aarsaday in qaabkaas Carruurtiisii warmaha loogu laayo, wuxuuna markii
    carruurtii caloolaha laga soo ridey tiriyey gabay uu mirkaani ka mid ahaa:
    
    “Arkimaysid ina Shixiriyow, inamadaadiiye”
    
    Seefaha kala caynka ah oo ay soomaalidu diyaarsan jireen waxaa ka badnaa billaaweyaasha yaryar oo ay
    toorreydu ugu caansan tahay. “Magli” iyo “amley” waa labo jaad oo toorreyo ah, waxaase ugu weyn noocyada
    toorreyaha “gaallays” oo ahaa billaawe markii la arko laga naxo oo aan “qof muslim ah baa lagu dilayaa”
    la is oran karin, sidaas awgeedna nafta lagu qancin jirey in uu wax gaalo lagu laayo astaahilo oo sidaas
    ayaa “gaallays” loogu bixiyey.
    
    “Qaanso” iyo “gabooye” ama “qulux” waa labo shay oo ay dad badani garanayaan. Qaansadu waa ul la
    qoolaabay oo labada af xarig, suun ama seed laga suray oo lagu nadoociyey si markii ay qooxanto looga
    gano fallaaraha oo leeb ama gamuunna lagu magacaabi karo.
    
    Fallaartu waa ay ka daran tahay leebabka ama gamuunnada caadiga ah, waayo birta afka kaga jirtaa dhego
    xunxun oo aan markii ay birtu hilibka ruubanto laga soo siibi karin bay leedahay, salkana waxay ku
    leedahay baallo ay ku duusho si ay meel fog wax uga disho. Birta fallaaraha afka kaga jirta waxaa sida
    badan la mariyaa “mariid” oo ah waabayo halis ah oo ka soo jeedda geed laftiisa mariid lagu magacaabo.
    Geedkaas qoryihiisa ayaa waxaa lagu kariyaa dheri khaas ah oo magaciisa la dhaho “waabaayokaris”,
    waxaana ka soo baxda sun biyaha midabkooda doorisa oo fallaaraha iyo warmaha afka loo daro si wixii nool
    oo lagu dhufto ay markiiba nafnu uga haaddo.
    
    Suntaas waxaa baabi’in kara kaadida dadka oo haddii mariidka uu qof ku kaadiyo sunnimadii waa ay ka
    suushaa, sidaas darteed ayey soomaalidu markii ay qofka fallaartu ku dhacdo waxay dhaqso u goyaan
    meeshii ay kaga dhacday iyo aaggeeda, markii uu dhiiggu soo butaacana waxaa ku kaadsha wixii qofkaasi in
    uu dhinto aan rabin si ay kaadidu dhiigga u xusho oo ay waabaayada ula falgasho.
    
    Marka ay qofka fallaartu ku dhacdo iyo marka inta la qalo lagu kaadinayo waa in aysan u dhexayn dhawr
    sikin si aysan waabaayadu dhiigga oo dhan u gaarin oo ay kaadidu u hakiso. Sababta fallaaraha dhegaha
    qarqaroofsan loogu yeellaa waa in aan qofkii ay ku dhacdo laga soo siibi karin si ay waabaayadu ugu
    xasisho oo uu u dhinto iyo in uusan cadowgu markii uu qofka ka soo siibo adiga dib kuugu soo toogan.
    
    Dagaalka oo socda ayaa ninkii ay bir mariid lihi ku dhacdo degdeg loogu kaadiyaa oo markaas dagaalka
    laga qaybgalaa si aad hadhaw dhaawaciisa u qaaddid, waxaase laga yaabaa in uu nin kaadi lagu daweeyey
    asaga oo dhaawac ah dagaalka ka sii qaybqaato oo uu xataa asaga oo dhaawacan kuwo kale qudhiisu kaadi ku
    daweeyo.
    
    Haddii ay ciidanka kaa soo horjeedaa fallaaro mariid leh wataan waxaa fiican in dagaalka la bilaabo
    ayada oo dadka oo dhan ay kaadiyi hayso, si aan ragga ay fallaaruhu ku dhegayaan kaadi loogu waayin.
    Markii ay fallaaruhu daban yihiin waxaa labada qolo oo dagaallamay geeri badnaada middii ay kaadidu ka
    dhammaato, sidaas darteed ayaa waxaa waayadii hore dhintay soomaali badan oo kaadi loo waayey.
    
    Ninkii subaxa uu dagaalka fallaaruhu bilaabanayo aroortii kaadiya wuxuu tolku u arkaa nacab xaasid ah oo
    khasaariyey dawo uu tolku u baahnaa. Waxaa laga yaabaa in ay ciidanka raacaan dumar, carruur iyo
    sirqooyin oo loo soo kaxaystay in aan kaadi looga maarmayn.
    
    Quluxa fallaaraha mariidka leh lagu gurto waxaa magaciisa la yiraahdaa ”gabooye”, waana shay dhuuban oo
    siddo garabka la surto leh. Haddii labaatan fallaarood oo mariidaysan iyo toban aan mariidaysnayn isku
    gabooye lagu guro oo ay muddo ku jiraan kulligood waa ay mariidoobaan, waxaana arrintaas loo yaqaaan
    ”Iskudhiin”. Iskudhiinka waxaa loo baahdaa markii la deggan yahay meel uusan ka bixin geedka mariidku.
    
    Gobollada uu geedka mariidku aad uga baxo waxaa waayadii hore iman jirey dad safarro dheerdheer soo
    galay oo awr ama dameero u soo rartay in ay ka buuxsadaan qoryaha mariidka si ay ugu qalab-uruursadaan
    ugaarta iyo dadka soomaaliyeed.
    
    Birta keli ah aaladda dagaalka lagama suubsado ee dhirta iyo dhagaxa xataa waxaa laga sameeyaa qalab
    badan oo ay soomaalidu isku laayaan. Ereyga “Ul” waxaa hoosyimaada noocyo badan oo ay ugu waaweyn yihiin
    “dhamas” iyo “qaar”. Dhastu waa ul uu madaxeedu aad u weyn yahay, salka la qabtaana uu dhuuban yahay, oo
    aad u culus.
    
    Waxaa dhamasta qaata ragga xoogagga waaweyn, waxaana loogu talogalay in qofkii dhamas madaxa lagaga
    habbiyo ay maskaxdiisu qaraxdo. Geedba geedka uu ka laf adag yahay ayaa dhamasta laga qortaa, waxayna u
    badan tahay in si fiican loo qoro oo waa ul badanaaba qurux badan oo aan dagaal keli ah khusayn ee sida
    bakooradda ama matoobbada lagu xarragoodo.
    
    “Qaar” waa ul weyn oo foolxun. Si fiican looma qoro qaarta oo kurtumada iyo gawtiyada si wanaagsan
    loogama jaro lamana xaquuqo. Xataa in ay meelo ka qalloocan tahay iyo in kale lama daneeyo, waxaana
    loogu talogalay dagaal keli ah oo ninkii qaar sitaa xarrago dan kama uu leh. Qaarta waxaa kale oo loo
    yaqaannaa “qodwaan”. Qaartu waa ul halis ah oo markii uu ciidanku badan yahay alaaba qaro ayey ku
    dagaalgalaan, waayo in ulo qurxo badan la qorto lagama gaaro oo qaarta shaqo badani qoritaankeeda ma ay
    gasho. Waxaa jirta hees geela loogu jawaabo oo ah:
    
    “Toorrey qalabliyo
     Qaar nin aan sidan
     Amaan qori dheer
     Jeeniqaarnayn
     Welle Qaawoy
     Kaama qaybgalo”
    
    “Torrey qalab leh” waxaa looga jeedaa “toorrey si qalabqalab ah u ruxmaysa”, waayo haddii uu nin ay
    toorrey weyni u xiran tahay ordo waa ay ruxantaa, laakiin toorreyda yari ma ay ruxanto, sidaas awgeed
    waxaa meesha ku jirta in markii geel la dhacayo aan toorrey yar la qaadan ee mid weyn iyo qaar geela
    lagu dhaco ama qori la qaato.
    
    Ulaha yaryari aad bay u badan yihiin, waxaana ka mid ah “sarwaan”, “serged”, “qaysaraan” iyo dhenged.
    Waxaa jirta maahmaah ah “Dhengedi nin bay kugu dirtaa ee nin kaama ay dhiciso” oo loola jeedo in ay
    dhengeddu tahay ul yar oo xanuun badan, laakiin aan dhaawac halis ah iyo geeri midna keeni karin.
    
    Dhagaxu waa qalab aan in la diyaarsado u baahnayn oo sida badan meel kasta iska xaruuran, waxaase jira
    qaab khaas ah oo dhagxanta loogu diriro. “Waraf” waa xarig dhexda siriq ku leh oo inta siriqdaas dhagaxa
    la geliyo qaab gaar ah loo tuuro. Dhagaxa warafka laga ganay wuxuu dhagaxa gacanta laga tuuray kaga
    duwan yahay labo arrimood. Midda kowaad waa uu ka tiiro dheer yahay oo waxaa jira rag markii ay warafka
    ridaan kilomitirro wax ka dili kara, isla markaas haddii uu madax ama wadnaha ku dhaco sida badan waa
    loo dhintaa. Midda labaad dhagaxa warafka laga tuuray sida xabbadda ayuu u dheereeyaa oo waxaa ka yeeraa
    xiin (xuuf) uu maqlo noolaha agaggaarka meesha uu maray u dhow joogaa. “Waraf iyo shinbiro war isuma
    hayaan” waa hees ama maahmaah laga yaabo in loola jeedo in dhagaxa warafku uu shinbiraha ka dheereeyo oo
    aysan haaddu ka carari karin. Warafku waa aalad dagaal oo ay dadka ku dagaallami yaqaanaa sida
    banaatiikhda ugu xarbiyaan.
    
    Intaas aynu soo dulmarnay iyo in ka badan oo qalab ah ayey soomaalidii hore farsamaysan jireen si ay
    isaga difaacaan ama u dulmiyaan dadka iyo xayawaanka degaanka kula nool. “Dagaal gondahaaga ayuu ka
    dhashaa” waa maahmaah uu macneheedu yahay in uu dagaalku labo walaalo ah xataa ka dhexqarxi karo, oo
    sidaas darteed loo baahan yahay in uu nin kastaa qalabkiisa har iyo habeen heeggan la ahaado.
    
    Ayada oo qalabkaas kala duwan oo aynu sheegnay uu nin kasta oo soomaali ah u diyaarsan yahay baa waxaa
    yimid hubka casriga ah oo gumuca iyo sumuca (baalootada) leh, markaasna waxaa furantay dhibaatada ilaa
    maanta lagu wareersan yahay, oo ah sababta uu maqaalkaani ula magacxabay “qoraal caddilan iyo qori
    cabbaysan”.
    
    Waxaa laga yaabaa in qof kasta oo soomaali ahi uu maanta leeyahay khibrad fiican oo qoryaha ku saabsan,
    oo aan loo baahnayn in faahfaahin weyn lagu sameeyo hubka darandoorriga u dhaca. In kasta oo qoryaha
    casriga ah uu qof kastaa indhihiisa ku daawaday ama uu gacnihiisa ku hantiyey, haddana kuwii hore oo
    xabbadkelyaalaha loo yaqiin baa laga yaabaa in uu dadka qaarkood war ku seeggan yahay.
    
    Qoryihii ugu horreeyey oo dalka soo galay waxay badankoodu ka soo jeedeen dalalka Yalyaanni, Ingiriis
    iyo Burtuqiis. “Utar-dheere”, “Ustar-gaab”, “Lixle-dheere”, “Lixle-gaab”, “Lixle-dhoonbir”, “Shanle-
    dheere”, “Shanle-gaab” iyo “Kowyatobanle” ayaa ka mid ahaa buntukhyadii hore, waxaana lagu kala gadan
    jirey xoolo badan oo labaatan geel ah baa hal qori laga bixin jirey, waayo waxaa lagu dhici karey xoolo
    intii laga bixiyey ka badan, isla markaas waxaa loogu ugaarsan karey si ka fiican fallaaraha.
    
    Magacii loo yaqiin qoryaha iyo xabbadaha waayadii hore wuxuu ahaa “dab”, waxaana la sheegay in uu
    guddoomiyihii kooxdii soomaaliya caanka ka noqotay oo Daraawiish loo yaqiin markii uu habeenkii hurdo uu
    ku qarwi jirey “rag iyo dab”. Daraawiishtu waa ay ka biqi jireen oo ma ay awoodin in ay u sheegaan in uu
    qaraw badnaa, laakiin gabar uu la seexan jirey baa markii uu shiikh Maxamed Cabdulle Xassan qarowgiisu
    aad u batay weydiisey, wuxuuna ugu jawaabey in uu ragga iyo qoryaha cabbaysan jecel yahay, sababtuna ay
    tahay in ay labadaasi u sahlayaan in uu helo labo waxyaalood oo ahaa yoolka iyo danta uu ciidanka u
    abaabuley. Labadaasi waxay kala ahaayeen “geel” iyo “fardo”.
    
    Inta aynaan ka bixin arrimaha shiikh Maxamed Cabdulle ayeynu xusaynaa qiso muujinaysa sidii uu ninkaasi
    u jeclaa rasaasta iyo qoryaha. Mid daraawiish ka mid ah baa subax wuxuu canaantay wiil yar rabshoole
    ahaa oo ina shiikh Maxamed Cabdulle ah, waxaana carooday aabbihiis oo ninkii uu ku xanaaqo dil ku xukumi
    jirey. Dilka noocaas ah waxay raggaasi u yaqiinneen “xujoobid”, waxaana markaas iska caddayd in ninkii
    wiilka Maxamed ku abtirsada canaantay uu xujoobey. Niman Maxamed Cabdulle aqoon fiican u lahaa baa waxay
    degdeg u dhiseen qorshe lagu badbaadinayey ninkaas uu Maxamed dhiiggiisa u micilisanayey. Waxaa markiiba
    la soo uruuriyey xoogaa saanad ah, oo ninkii xujoobey baa loo sii dhiibey, markaas ayuu intuu dacalka ku
    guntadey wuxuu u laalaadsaday meel lagu ogaa ninka xabbadaha lagu laaluushayey oo madaxda ahaa. Goortii
    uu Maxamed Cabdulle saanadda loo soo sido arkay ayuu aad u farxay, wuxuuna asaga oo khaafsan oo ay
    indhihiisu xabbadaha go’a ku guntan ku maqan yihiin u duceeyey ninkii uu dilkiisa u soo guuxayey.
    Halkaas ayey ku qabowdey caradii uu ina Cabdulle Xassan ku qurgoyn lahaa darwiishkaas rasaasta la soo
    dhalandhoolay.
    
    Jacaylka qoryaha iyo saanadda loo hayaa kuma uu ekaan geeli ay kala dhici jireen jeeljireyaashii
    soomaalida oo ay Daraawiishi ugu darnayd, ee xilliyadii ay soo bilawdeen dawladolamoodyadii dalka soo
    maray waxaa aad loogu dadaaley sidii dalka hub looga soo buuxin lahaa.
    
    Qiso fiican baa waxay ku qoran tahay qoraal taariikheed oo uu diyaariyey Dr Saadiq Enow, oo ah
    aqoonyahan ku nool dalka Sweden. Waa sheeko dhacday 1967-kii. Waxay qisadu ku saabsanayd Dr Xirsi Magan
    Ciise oo xilligaas guddoomiye ka ahaa hay´ad madax bannaanayd ee la oran jirey “society for Somali
    language and literature” in uu ku dadaaley in uu helo makiinado-qoraal. Wuxuu Xirsi damacsanaa in uu
    hantiyo madbacad wargeys soo saarta, waana ay u soortogeli weydey, markaas ayuu waraaq u diray urur ay
    dadka qaar ilaa maanta iska caashaqsan yihiim oo la oran jirey Leego iyo gole la oran jirey “National
    Advisory Congress”, wuxuuna Xirsi Magan waraaqdaas ku yiri: "Waxaad dalka u soo iibisaan taangiyo dagaal
    iyo miigag, laakiin weli nooma aydnaan soo gadin waxyaalaha dhaqankayaga iyo aqoontayada barbaarinaya
    sida madbacad oo kale".
    
    Dr Mirsi Magan Ciise waa fiilasoof ay garashadiisu ka sarrayso heerka ay dadka caadiga ahi u fakaraan.
    Daliil kale uma ay baahna garashodheerida Xirsi Magan ee waxaa inaku filan in uu 36 sannadood ka hor
    ogaa in aysan ummadda soomaaliyeed u baahnayn in hub loo soo iibiyo ee ay u baahnaayeen in aqoontooda
    iyo wacyigooda kor loo qaado. Isla markaas wuxuu walwal iyo walbahaar ka muujiyey in uu hubku sahlayo in
    ay awoodda dalka la wareegaan kuwa ay qoryaha iyo beynaaduhu gacnaha ugu jiraan, oo ay rasaas ku
    aammusin doonaan kuwa ay xikmadda iyo hal-abuurridu maskaxda ugu jiraan.
    
    Maanta oo uu adduunku aad uga horamarsan yahay xilligaas uu Xirsi Magan Leegada ku yasayey hubka dalka
    la soo gelinayey wax madbacado ahi Soomaaliya gudeheeda ma ay yaalliin, hase yeesho ee waxaa ka buuxa
    qoryihii uu Xirsi Magan sii ishaaray in ay xumayn doonaan ciribdanbeedda Soomaaliya.
    
    
    
    Shaafici Xassan Maxamed
    E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
    
    
    Xigasho: http://www.mudugonline.com/2003/Jun/qoraal_cadilan.htm
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.