Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Bbc_Somalilander

    
    
     "nin dharaar xun kaa tagay adoon dhiman wax kuu sheeg "
    
    Sallaan ka bacdi in dhawayd kama aan faalloon faallooyinkii ama maqaaladii aan u soo gudbin jiray
    dhammaan umada reer somaliland meel kastba ha joogaane maanta oon jeclaystay in aan ka hadlo cinwaanka
    sare ee ah isbadalka Somaliland yaa saamayn wayn ku yeelan kara.
    
    wakhti dheer baa laga joogaa kadib markii ay u soo hayaameen in ka badan boqolaal kun oo qof qaaradaha
     kala ah Yurub Ameerica iyo Aasiya oo ka tagay ka dib dagaalkii qadhaadhaa markii u dhacay dadkani waxa
     ay joogeen in ka badan ama ku dhaw 10sanno waxaan u malaynayaa in badan in la qaadaa dhigo xaalada ka
     taagan dalka, dadka qaadaa dhiga ee fursada u hela in ay ku baahiyaan warbaahiyaasha ku leh shabakadaha
     mareegtada internetka ay u badan yihiin dad jooga dibadaha.
    
    waxaa ah in ilaahay loogu mahad celiyo in dad aad u tira badini ku guulaysteen in ay cilmi aad u heer
     sareeya ka barteen dibabadaha kuwooda kalena ay ka heleen xirfado kala duwan oo ah hab ganacsiga
     nololeed kuwooda kalena ka heleen khibrado kala duwan oo ka mida nolosha aadamaha ee aan laga aqoon
     Geeska Africa.
    
    waxa hadaba la joogaa wakhtigii uu ruuxu uga faaiidayn lahaa dalkiisa ama dadkiisa waxa uu yaqaano
    hadaba Qurba joogoow dalku wuxuu tabayaa kaalintaadii, Somaliland siyaasad iyo dhaqaaleba waxaa soo hagi
    jiray dad intooda badan dibada ku luglahaa wakhtiga is riixaya ayaa maanta adiga (qurba jooge ) kuu
    keenay fursadan in aad uga faaiidayso naftaada iyo dalkaagaba.
    
    wadamo badan ayaa jira oo ay ka mid tahay Eletriya oo ay noqdeen qurba joogayaashoodii  A) adiga waa kuu
    faaiido ah in aad bal isku daydo in aad noqoto oo aad oo aad ula noqoto jiilkaaga soo kacaya wadankii si
    aanad u tafiir lumin  waayo dadku wuxuu qurux leeyahay inta uu garanayo dhaqankiisa iyo meesha uu ka soo
    jeedo 10kii sanno ee la soo dhaafay waxaa ka batay boqolaalkii kun ee qof tafiirtoodii waxaa
    loobaahanyahy in bal tafiirtan lagu soo celiyo dalkoodii b) waa kuu faaiido oo maal iyo caqli ama cilmi
    waxaad haysay waxaad u maalaysaa oo dheefteeda oo qaadanaya dalkaaga waxaanad wax taraysaa markaad
    canshuurta bixiso ay gaadho danyartaada.
    
    waxaa in dhawayd socday hadal weerar dhex taagnaa shaqaalaha BBCda waxaad se moodaa in ay gaabsadeen
    shaqaalihii u dhashay Somaliland ee BBCda dalkani wax tar buu cidiwalba ooga baahanyahay ninka bbcdaka
    shaqeeya ee uga gaabsanaya shaqadaada ayaad lumin waxaan leeyay ragbaa nafdoodii maalkoodii iyo
    caruurtoodiiba u waayay xoraynta Somaliland  Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa  (nin dharaar xun kaa tagay
    adoon dhiman wax kuu sheeg ) dalku wuxuu u hayaa mahad naq nin walba oo dalkan ku dadaala suu wax ugu
    tari lahaa idinkuna idinkoo jooga mediaha ayadaan ka faaiidaysanayn fursadiina.
    
     ugu danbayn waxaan ku boorinaya dhammaan qurba joogaha Somaliland kaalin wayn ood leedahay buu dalku
     tabayaa waxaan mahadnaq u soo dirayaa Ururka Somalilandforum ee ka dhisan dalka dibadiisa, Xisbiga
     qaranka Ucid ee ka aasaasmay dalka dibadiisa iyo dhammaan shabakadaha Internetka ee ka aasaasan dalka
     dibadiisa iyo umadda taladan wax ka qaadan doonta ee ku dhaqan dalka dibadiisa
    
               wa billaahi towfiiq
    
                        Cumar Cabdi nuux
    
                          calaydh2@hotmail.com
    
                              Helsinki Finaland
    Xigasho:  http://www.sdwo.com/aragti16.htm
    
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.