Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Weriyayaasha laanta afsoomaaliga ee BBC-da

    
    
    Idaacadda BBC-du waa idaacad caalami ah, soomaaliduna si aad ah ayay u dhegaysataa gaar ahaan laanta
    afka soomaaliga. Idaacaddaas qaybteeda afka soomaaliga waxaa ka shaqeeya weriyayaal aad u khibrad badan
    oo aan qaarkood garanayno oo ka shaqayn jiray idaacaddii Muqdisho waagii ay soomaaliya dowladda ahayd.
    
    Anigu waxaan ka mid ahay dadka jecel in ay idaacaddaas dhegaystaan maxaa wacay waxaan xiiseeyaa wararka
    guud ahaan, gaar ahaanna wararka soomaalida. Hasee ahaatee, waxaan arkay marar badan in weriyayaashaasi
    ay adeegsanayaan afsoomaali aan fiicnayn oo jajab ah.
    
    Tusaale ahaan waxaan dhegaystay warkii jimcihii la soo dhaafay idaacaddu sii daysay, markaas baa mid
    weriyayaasha ka mid ah yiri "Saacaddu waa Sagaalkii habeennimo oo buuro ah" waxaan ka yaqyaqsaday
    hadalkiisa uu yiri "oo buuro ah", erayadaas dadka suuqleyda ah ayaa adeegsada ee qoraaga kuma habboona,
    waxaa badanaa la yiraahdaaa "sagaalkii oo gaw ah" ama "sagaalkii oo buuxa" iwm. ee erayga "buuro ah" ma
    qumana maxaa yeelay waxaa adeegsada suuqjoogta.
    
    Tusaale kale nin akhrinayay warka oo aanan doonayn in aan magaciisa sheego ayaa asiguna yiri mar uu ka
    hadlaayay Kashmiir dagaalka ka taagan "mintidiinta" ka dagaalamaya kashmiir, erayga "mintid" waa eray
    soomaali ah oo sax ah, laakiin wadartiisu "mintidiin" ma aha, maxaa yeelay, haddii aan raacno xeerarkii
    guddiga afsoomaaligu qoreen sanadkii 1972kii kolkii afka la qorayay waxaa "iin" wadar looga dhigaa
    erayada diinta xaggeeda inaga soo galay ee erayada afsoomaaliga ah "iin" wadar loogama dhigo.
    
    Tusaale ahaan "Muslim-iin" "Muumin-iin" iwm ayaa guddigu jideeyay, ee "mintid" "mintid" ama "mintidyo"
    ama "mintidyaal" ama "mintidyow"iwm ayaa wadar looga dhigaa. Marka "mintidiin" waa eray isaguna afsuuq
    ah ee eray ku habboon weriye caan baxay ma aha.
    
    Labadaa tusaale waa wixii aan kala kulmay idaacaddii jimcaha laakiin mar kasta oo aan dhegaysto qalad
    afsoomaali ah ayaan ka maqlaa idaacaddaas, tusaale kale, nin weriye ah ayaa ka hadlay maalin afka
    soomaaliga, idaacaddan lafteeda, kolkaas buu yiri "afka soomaaliga kuma jiro eray u dhigma erayga "blue"
    ee ingiriisiga ah! waxaan la yaabay sida uu hadalkaas ugu dhiiraday, maxaa yeelay afka soomaaliga
    dhammaantiis lama qorin lamana oga erayadiisu inta ay yihiin iyo waxa uu leeyahay iyo waxa uusan lahayn.
    
    Hadalkii oo kooban waxaan duqayda weriyayaasha ah ee BBCda inooga sheega warka ka codsanayaa in ay ku
    dadaalaan in ay ilaaliyaan xeerarka afka soomaaliga maxaa yeelay carruur badan oo qurbaha ku dhalatay oo
    aan afka aad u aqoon ayaa idaacadda dhegaysanaya, tan kale marnaba haddii aad tahay nin weriye ruug
    caddaaya ah hafyada iyo af-suuqu kuguma habboona ee waa in warkaagu miid ahaado.
    
    Hersi M. Labagarre
    
    Xigasho:  http://www.angelfire.com/ms/sej/csc881999.html
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.