Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

Duudsiga Ay BBC-du Ula Badheedhay Somaliland,

    
    
    
    "Waa La Arkaa Duudsiga Ay BBC-du Ula Badheedhay Somaliland,"
    Jamaal Cabdi Gaboobe
     (Qurba-Joog u Ololeeya Ictiraafka Somaliland)
    
    Sida la ogsoonyahay warbaahinta caalamkuna ka war qabto waxa jirta in xiligii Cabdiqaasim Salaad loo
    magacaabay inuu ahaado Madaxweynaha dawladii ku meel-gaadhka ahayd uu ku dhammaaday 12-kii bishan August
    2003. Haddaba, intii muddadaas ka dambaysay, waxay qaybta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du weli ugu
    yeedhaa Cabdiqaasim Salaad “Madaxweynaha Dawladda Ku-meel-gaadhka ah”, laakiin maadaama uu dawladdaa
    xiligeedii dhammaaday weedha ugu haboon ee loogu yeedhi karo marka wararka la sheegayo waxay noqonaysaa
    “Madaxweynihii dawladii xiligeedu dhammaaday”, laakiin waxa kale oo iyana la ogyahay in dawladii kooxda
    Carta ee uu madax ka ahaa Cabdiqaasim intii aan muddadeedu dhammaan ay u kala jabtay laba garab, taas oo
    garab ka mid ah oo ay hor kacayaan Gudoomiyihii Baarlamaanka Cabdalla Deerow iyo raysal-wasaarihii
    xukuumaddaa Xasan Abshir ay qayb-galeen shirka Kenya, halka garab uu hogaaminayo Cabdiqaasim ay shirka
    ka baxeen oo Muqdisho dib ugu soo laabteen, sidaa darteed weedha kale ee ku haboon in Cabdiqaasim loogu
    yeedho waxa weeyi, “hogaamiyaha garab ka mid ah dawladii ku meel-gaadhka ahayd ee kala jabtay”. Laakiin
    arrinta xusidda lihi waxay tahay BBC-du dawladii Cabdiqaasim iyadoo aan xukunkeedu wada gaadhin xaafad
    ka mid ah Muqdisho ayay ugu yeedhi jirtay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, halka ay Somaliland
    oo in ka badan 13 sannadood ahayd dawlad madaxbanaan oo leh nidaam maamul iyo shuruuc dawladnimo ugu
    yeedho “Jamhuuriyadda Isku-magacawday Somaliland”, iyadoo keliya naaneystaa dalo uga dhigaysa Ictiraaf-
    la’aanta Somaliland.
    
    Weriyaha laanta Af-Soomaaliga uga soo warama Muqdisho ee Xasan Bariise, ayaa isna weli u dhaqma sidii oo
    dawladii ay halkaas weli ka dhisan tahay. Tusaale ahaan, markuu Cabdiqaasim maleeshiyada qabiilkiisa la
    kulmo, Xasan Bariise wuxuu dhacdadaas oo kale ka bixiyaa sawir ah in Cabdiqaasim la shiray ciidamadii
    Bilayska Soomaaliya, isaga oo madaxda maleeshiyadaas ugu yeedha xilal iyo darajooyin buunbuunsan, sida
    Janaraal hebel oo ah madaxa hogaanka ciidanka meel hebla iyo gaashaanle sare hebel.
    
    Dhinaca kale, waxa laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du la xidhiidhsan tahay 5 website oo internet-ka laga
    akhristo, kuwaas oo afar ka mid ah ay leeyihiin dad Soomaalida koonfureed ah, sida: Hiiraan, HornAfrik,
    Stn-tv iyo Tababar Suxufi, halka ka shanaadna yahay Raadyow Hargeysa oo aan isagu in muddo ahba
    shaqaynin.
    
    Ta kale marka aad gasho bogga Internet-ka ee ay laanta Afka Soomaaligu wararkeeda ku baahiso, waxa aad
    dareemaysaa in ay maamulka qaybta Internet-ka gacanta ku hayaan dad aan Somaliland waxba ka aqoon ama
    aanay ku jirin haba yaraatee cid Somaliland u dhalatay, iyadoo ay markiiba muraayadda kumbiyuutarka
    kaaga soo boodayso lahjadda laga isticmaalo koonfurta Soomaaliya, sida: “Nagala soo xiriir” iyo “wuxuu
    yiri”.
    
    Tusaale kale haddii aynu soo qaadano Kililka 5aad ee Itoobiya oo ah dhulka Soomaalidu degto, waxa la
    yidhaahdaa “Dawladda Is-Maamulka Soomaalida”, magacaasina waa kii ay la baxeen is-maamul-hoosaadka
    Soomaalida Itoobiya.
    
    Sidoo kale, markasta oo ay BBC-du soo hadal qaado Somaliland, waxa markiiba la daba dhigayaa “Isku
    magacowday” xataa haddii uu weriyaha warka soo diray aanu isticmaalin weedhaas ama aanu warkiisa ku
    darin. Sidaa awgeed, waxa baahinta wararka BBC-da laga dareemayaa midab-takoor dhinaca saxaafadda ah ama
    eex ay u kala eexanayso dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee ay wararka u tebiso.
    
    Sidaa awgeed, waxay is-weydiintu tahay Maxay BBC-du u dafiraysaa magaca Somaliland, maadaama xeerka
    caalamiga ee saxaafaddu yahay in ummad walba loogu yeedho waxa ay la baxdo ama magaca ay leedahay, ileyn
    idaacadaha iyo Jaraa’iddadu maaha kuwa ummadaha dunida u magac-bixiya.
    
    Haddaba, su’aasha meesha taal waxay tahay, maxaa sababaya in ay BBC-du u dhaqanto qaabkan ku foosha xun
    hidda-samida Saxaafadda xorta ah.
    
    Marka hore, waxaa masuuliyaddaa lambar kow ka noqonaya madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo
    dhalasho ahaan ka soo jeeda Muqdisho, laakiin su’aasha kale ee meeshan taallaa waxay noqonaysaa haddiiba
    ay suxufiyiinta Soomaalida Koonfureed ee BBC-da ka shaqeeyaa u xagliyaan dhinaca dalkooda, kuwa
    Somaliland u dhashay miyaanu arrinkoodu ka badnay keliya war la soo qoray oo ay akhriyaan, taas oo
    macnaheedu yahay miyaanay saameyn ku lahayn siyaasadda (policy) ay BBC-du ku dhaqanto, iyadoo ay wararka
    qaar sheegayaan inuu nin Somaliland u dhashay bilihii u dambeeyay si ku-meel-gaadh ah madax uga yahay
    Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da?
    
    Dhinaca kale, weriyayaasha BBC-da uga soo warama gudaha Somaliland, waxa BBC-da kaga fursado iyo warar
    badan weriyaha Muqdisho ee Xasan Bariise, kaas oo maalin walba Muqdisho war ka dirra, isaga oo sheega
    xataa haddii ay habari jabto, isla markaana baahinta istuudiyaha London laga siiyo wakhtiga ugu badan,
    halka ay weriyayaasha Somaliland ka warama baahinta istuudiyaha London laga siiyo wakhti intaa ka yar
    xataa haddii uu Somaliland ka jiro dhaqdhaqaaq aad u ballaadhani, iyadoo ay had iyo goor Somaliland ka
    jiraan dhaqdhaqaaqyo farabadan, haddii ay tahay dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha, ciyaaraha iyo guud ahaan
    arrimaha bulshada. Sidaa darteed, waxay dad badan oo reer Somaliland ahi u arkaan in ay Madaxda BBC-du,
    gaar ahaan laanta Afka Soomaaligu ay mar walba mudnaanta siiyaan wararka Soomaalida koonfureed iyo
    weriyayaasheeda, mooyi haddii aanay Madaxda BBC-du odhanayn weriyayaasha Somaliland ka soo warama waa
    laga dedaal badan yahay.
    
    Waxa kale oo iyana xusid mudan Barnaamijyada ay weriyayaasha BBC-du ku soo qaataan arrimaha Soomaalida
    ama weraysiyada ay siyaasiyiinta Soomaalida kaga wareystaan dhacdooyinka iyo arrimaha taariikheed ee
    Soomaalida isuma dheeli-tirna ama isuma miisaanna marka la eego Somaliland iyo Soomaalida Koonfureed,
    waxayna badiyaan ama buunbuuniyaan dhacdooyinka iyo shakhsiyaadka aan Somaliland ahayn ee Soomaalida
    kale ah.
    
    Tusaale ahaan, Barnaamij-taariikheedka beryahan ka socday laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ee ku
    saabsanaa Sooyaalkii Taariikheed ee Soomaalida, oo uu gacanta ku hayo ama daadihinayo weriye dhalasho
    ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ah Aadan Nuux Dhuule, waxa uu u muuqdaa mid aan isu miisaanayn marka la
    eego xilliga iyo sawaxanka uu siiyay siyaasiyiinta Soomaalida koonfureed iyo kuwa reer Somaliland;
    masallan, wakhtiga uu siiyay C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu aad uga badnaa wakhtiga uu siiyay ka-qayb-
    galayaashii reer Somaliland ee Barnaamijkaas oo la odhan karo wuxuu ahaa wakhti aad u yar.
    
    Waxa kale oo iyana xusid mudan mar kasta oo ay jiraan xaalado la xidhiidha xintan siyaasadeed, waxay
    laanta Afka Soomaaligu ee BBC-du had iyo goor fursado wareysi oo badan siisaa shakhsiyaad reer
    Somaliland ah laakiin ka mid ah xubnaha tirada yar ee ka soo horjeeda qadiyadda madaxbanaanida
    Somaliland, sida labada wiil ee walaalaha, ilma Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galaydh, kuwaas oo ay
    BBC-du marka ay wareysanayaan ugu yeedhaan “Aqoonyahan nagu soo booqday daarta Bush House”, taasna waxay
    dad badan oo reer Somaliland ahi aaminsan yihiin inay kaga raad-gadanayaan in aanay wakhti siin
    siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada reer Somaliland ee aaminsan qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo
    madaxda dawladda Somaliland.
    
    Iyadoo dhaliilahan aan soo xusay iyo qaar kaleba ay jiraan ayaan mowduucan u diray Idaacadda BBC-da,
    balse ilaa hadda wax jawaaba kamaan helin. Haddaba, qolyaha laanta Afka Soomaaliga u shaqeeya ee ka soo
    jeeda Somaliland, waxaa la gudboon in ay ogaadaan in ay wixii dheg-xumo ah la qaybsan doonaan hawl-
    wadeenada kale ee ay wada-shaqeeyaan. Laakiin Idaacaddan oo aad moodo in ay noqotay hub loo adeegsado
    jiritaanka Somaliland, waxaan dawladda, warbaahinta iyo dadweynaha reer Somaliland ku baraarujinayaa in
    ay ka dareen qaataan, dagaalka ay BBC-du, gaar ahaan laanta Afka Soomaaligu kula jirto dalkooda iyo
    aaya-ka-tashigooda, taas oo loo baahan yahay in ay ashkatooyin ay arrimahaas kaga cabanayaan
    gaadhsiiyaan BBC-da, gaar ahaan laanta Afka Soomaaliga, iyadoo lagala xidhiidhi karo ciwaanadan:
    
    Email: somali@bbc.co.uk
    Telephone: 44-020-7557-1631
    Fax: 44-020-7497-1374
    
    
    
    Xigasho: http://www.haatuf.net/Archive2003/00040700.htm
    
    

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.