Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

BBC-da iyo Ismaaciil Cumar Geele

    
    
    Dhalasho iyo hilbodirir
    Shaafici Xassan Maxamed
    E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
    --------------------------------------------------------------------------------
    
    
    "Dhalasho" ama "wada dhalasho" uma baahna fasiraad oo waa waxa ugu weyn oo ay soomaalidu rumaysan
    yihiin, laakiin "hilbodirir" baa laga yaabaa in aysan dadka qaar garanayn. Hilbodirirku waa erey dagaal
    oo ah in dadka xagga dhalashada ama hilibka isku dhawi ay si daacad ah dagaalka u wada galaan, oo aysan
    is hagran markii ay dirirayaan, isla markaas aysan dhaawacooda ka tegin, ee ay isu naxariistaan.
    Tusaalaha ugu weyn ee labadaas erey macnayaashooda inoo qeexi karaa waa hadalkaan hoos ku qoran:
    
    "Nimanka Somaliland waa aannu wada dhalannay, iyaka uun baana awel la midoobey dadkaas kale, iminkana
    caynkii ay doonayaan uun baannu u yeelaynaa. Cabdiqaasim iyo raggiisuna iyaka uun baa jira, wax kasta oo
    uu doonayana ilaa imminka waannu u qabannaa, waana u qaban doonnaa"!
    
    Waxyaalo sidaas ah waxaa idaacadda BBC ka yiri madaxweynaha dalka Jibuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle,
    Dalka jibuuti waa waddan aad u yar oo uu weynankiisu yahay 23200km oo labojibbaaran, oo uu macneheedu
    tahay in ay Jibuuti wax badan ka yar tahay gobolka Nugaal. Tirada dadku kama ay dabna nus milyuun, oo
    waxay qiyaas ahaan le'eg tahay tirada dadka ku dhaqan gobolka Sool. Dalka jibuuti waa dal faqri ah oo
    aan wax khayraad dabiici ah oo weyn lahayn, waxayna xukuumadda iyo nolosha dalku ku dhisan yihiin
    cawinaad ay gacmo kale ka helaan, sida Faransiiska.
    
    Intii ay Soomaaliya dagaalladu ku baaheen waxay xukuumadda Jibuuti iskaashi ganacsi la lahayd shirkado
    koofurta Soomaaliya ka samaysmay xilligii ay dagaallada badani ka jireen. Shirkaddii Barakaad baa ugu
    weynayd shirkadaha ay Ismaaciil Cumar Geelle isku milmeen, ka dibna wuxuu xoogaa dhaqaale ah ka helay
    shir uu qabiilooyinka soomaalida qaarkood hoos kala heshiiyey, si ay asaga iyo qabiilka ay heshiiyeen
    ugu xoolaystaan.
    
    Runtii dhaqaale fiican oo aan loo malayn karin buu Ismaaciil Cumar Geelle ku helay mashruucii
    Cabdiqaasim oo uu Carta ugu yeeray "dadaw dad ma tahay". Intii uu uu shirku socdey wuxuu helay xoolo uu
    ku dhaqaajiyey arrimo ka fadhiyey, wuxuuna mushaar u helay ciidamadii iyo shaqaalihii xukuumaddiisa oo
    aan muddo dab shidan. Dabadeed lacagihii badnaa oo uu Cabdiqaasim carabaha ka soo xaabsaday wuxuu
    Ismaaciil ku lahaa saami door ah oo asaga iyo Cabdiqaasim uusan midna sadburaale qaadan.
    
    Dalka maraykanka oo dagaal kula jira wax ay u bixiyeen "Arkagaxiso" ayuu dhawaan siiyeey meelo ay ciidan
    dhigtaan, wuxuuna ka qaatay xoogaa lacag ah. Marka aynu "xoogaa" leenahay waxaa meesha ku jira in uusan
    Maraykanku bixin xoolo la mid ah kuwii ay carabuhu dhiibeen, waayo carabtu ma ay xisaabtamaan, laakiin
    reer galbeedka qorshe ayey wax ku bixiyaan.
    
    Hadda Maraykanku waa ay ka shakiyeen oo waxay ogaadeen in uu ku xiran yahay, kuna xirnaan jirey shirkado
    argagaxiso lagu tuhunsan yahay, oo ka hawlgala bariga Afrika iyo meelo kale.
    
    Dhaqaalaha uu Maraykan dhawaan ka helay waxaa ka badnaa mid weyn oo uu ka qaatay dalal carab ah oo ay ku
    wada dadaalayaan in aysan waxba ka hirgelin shirka ay qabiilooyinka soomaalida isugu yeereen dalalka
    IGAD ku bahoobey.
    
    Lacagahaas labo qaybood ayuu ka dhigay. Qayb wuxuu ku fuliyaa qorshe uu kula bahoobey dalal kale oo waa
    in uu shirka Kenya ku dadaalo in lagu kala dareero. Dhawr jeer ayuu qabiilooyinka ka amarqaata shirka ka
    saaray, oo ay qabiilooyinka kale sugayeen inta ay IGAD shirka ku soo celinayeen, taas ayaana keentay in
    uu shirku muddo aad u dheer xayirnaado, oo hadda sannad iyo dheeraad baa qabiilooyinka qaarkooda nabadda
    lagu baryayey.
    
    Qaybtii labaad ee lacagaha wuxuu Ismaaciil ku abaabuley dagaal ay labo dhinac oo qabiilooyin
    soomaaliyeed ahi isku hardiyaan. Labada dhinac mid waa dhinac uu xilligaan asagu hoggaaminayo oo ay ku
    bahaysan yihiin saddex beelood oo uu shirkii Carta isku beel ka dhigay, dhinaca kalena waa qabiilka
    Puntland la baxay.
    
    Dagaalkaas lacag keli ah kuma uu taageerayo ee wuxuu dhaqaalaha ka sokow ugu hagarxabay in uu ciidan
    badan dalka Soomaaliya soo geliyey iyo in uu soo diray saraakiil iyo ciidan tabobar u fidiya beelaha
    kale oo ay dagaalka isku dhinaca ka soo jeedaan. Baabuur dagaal oo uu ciidan ka buuxo ayaa waddada
    Lowyacaddo habeenno badan guure ku soo maray.
    
    Maaddaama ay Jibuuti dal tahay oo loo oggol yahay in ay hub si sharci ah u soo gataan iyo in ay ciidamo
    debedaha ku soo tabobartaan ayuu Ismaaciil wuxuu Soomaaliland u ballanqaaday in uu wixii hub iyo tabobar
    ah ugu hagarbaxayo, isla markaasna uu ciidanka caadiga ah oo dagaalka gelaya qayb weyn ka qaadanayo,
    waayo ciidamadiisu waxba ma ay qabtaan, oo wuxuu diyaar ula yahay in ay qabiilooyinka Soomaaliya tolnimo
    ula kala jirsadaan.
    
    Xilligaan oo aysan Soomaaliya ka jirin wax xukuumad ahi ayuu madaxweynaha Jibuuti mudane Ismaaciil Cumar
    ka faa'iidaysanayaa in uu dawladnimadiisa kaga takhaluso qabiilooyin uusan jeclayn oo ka mid ah beelaha
    soomaalida. Isla markaas ummadda Jibuuti waa uu khayaamay oo dhaqaale ay naftooda ugu baahnaayeen buu
    Puntland iyo Kismaanyo kaga khasaariyey, haddana wiilashoodii buu wuxuu ku sii wadaa dhimasho iyo
    dhaawac ay ku hoobtaan Burco iyo Laascaanood dhexdooda.
    
    In kasta oo ay Jibuuti dawladi ka jirto haddana dagaal qabiil laguma kala adkaado, oo qabyaaladda in loo
    dagaallamo wax faa'iido ah lagama helo. Kun baabuur haddii uu Ismaaciil Cumar Geelle Soomaaliya keeno oo
    uu dhiig qabiil bilowdo cid wax ka faa'iisa lama arko, waxaana laga yaabaa in ay dhibta ugu weyni ku
    dhacdo ciidamadiisa, waayo qabiilooyinka Soomaaliya dagaalku waa shaqadoodii halka ay ciidanka Jibuuti
    iska qayilaan oo ay muddo nabad ku soo jireen.
    
    Toddobaatanaadkii waxaa in uu kacaankii tumashadu xun yahay ogaa dad farokutiris ahaa, hase yeesho ee
    sagaashankii caaq kasta ayaa ogaadey in uu kacaanku gole fisqi ahaa.
    
    Sidaas oo kale markii uu madaxweynaha Jibuuti soomaalida ugu yeeray bulaankii Carta waxay dadka caqliga
    lihi dareemayeen culays weyn oo ay keentay in ay si qeexan u ogaayeen qabyaaladda iyo ficilada ka buuxda
    maskaxda mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Isla markaas waxaa la ogaa in aysan qabyaaladdu khayr lahayn.
    
    Maanta caaq kastaa waa uu og yahay istolaysiga weyn oo weligiis ka godlanaa geyiga ay soomaalidu degaan,
    kaas oo ka soo rogmadey madaxda magaalooyinka Jibuuti iyo Hargaysa. Horay ayaynu maqaal uga qornay in ay
    qabyaaladda iyo biyuhu ka yimaadaan jihada woqooyi oo ay jihada koofureed u qolqolaan.
    
    Maqaalkaan waxaynu u qoraynaa in aynu qabiilooyinka kaga wacdino in ay islaayaan iyo in uu nin sida
    Ismaaciil qabyaalad badani dhiig soomaaliyeed isku daadiyo.
    
    Inta aynaan wacdigaas qaaliga ah bilaabin ayeynu soo qaadanaynaa maahmaah soomaaliyeed oo ah "Haddii la
    hurdamo naag uur leh yaa ka liita?". Waa maahmaah su'aal ah, oo ku habboon in Ismaaciil Cumar Geelle la
    soo hordhigo.
    
    "Hurdan" waa haraati sida karateega ah oo ay dhallinyarada soomaaliyeed weligood samayn jireen, waxaana
    la wada og yahay in uusan hurdanku u fiicnayn gabdhaha uurka lihi in ay bilaabaan.
    
    Wacdiga aynu qabiilooyinka u jeedinayno waxaynu ka hormarinaynaa in ay idaacadda BBC dhalasho iyo
    hilbodirir xilligaan u furan tahay, oo ay dagaallada qabiilooyinka dhinac si bareer ah ula jirto.
    
    Qofkii ay maskaxdiisu xoogaa furan tahay waa uu og yahay qabyaaladda BBC, laakiin waxaa laga yaabaa in
    ay shacab badani iska dhegaystaan ayaga oo aan waxba isweydiin oo ay iska dhahaan "Idaacadda ayaa
    sheegtay".
    
    Dagaallada hadda laga abuuray Puntland oo isku qabiil ah iyo Soomaaliland iyo Jibuuti oo isku qabiil
    sheegtay dhexdooda yay BBC ilaa iyo hadda wax ka weydiiyeen maxayse ahaayeen sababaha ay wax u
    weydiiyeen?
    
    "Markii wax laguu sheego ayaad wax garataa" waa maahmaah, oo akhristuhu markii uu maqaalka dhameeyo
    wuxuu malaha bilaabi doonaa in uu markii uu qof BBC u shaqeeya arko dilo, si uu ummadda soomaaliyeed
    dhiiggooda u kala badbaadiyo, oo uu xubin kanser qabta uga gooyo soomaalida.
    
    Toddoba nin baa laga waraystay idaacadda BBC muddadii ay xiisaddaan cusub ee qabiilku ka socodey
    gobolladaas soomaaliyeed, ee nabadda ahaa. Shan qabiilka Puntland baa laga waraystay, labana qabiilka
    Soomaaliland iyo Jibuuti.
    
    Labada dhanka Soomaaliland iyo Jibuuti ka soo jeedaa waa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ku
    dhashay gobolka Ogaadeen, aagga Dirirdhaba, oo ay beeshiisu degaan Jibuuti iyo Woqooyiga Soomaaliya
    meelo ay ka mid yihiin. Midka labaad waa wasiirka arrimaha debedda ee Jibuuti oo ah nin sujuu u eg, oo
    ay isku qolo yihiin Maxamed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariistee.
    
    Madaxweynaha waxaa gurigiisa ugu tegey wiil ka dhashay beelaha ay istolaystaan oo BBC ka socdey, wuxuuna
    toos ugu sheegay in ay Soomaaliland wada dhasheen, uuna u hiillinayo, isla markaas soomaalida kale aysan
    waxba ahayn Cabdiqaasim ma ahee! Taas oo caddaynaysa in qabiilooyin Kenya ku shirsan uu mid ka mid ah
    dhinaca saarayo iyo in uu qabiilooyinka Puntland iyo Soomaaliland mid ku hilbodirirayo.
    
    Wasiirka arrimaha debedda ee Jibuuti BBC ayaga ayaa raadsadey, wuxuuna u xanaaqsanaa si caqliga ka
    baxsan, oo sida madaxweynihiisa ma uu degganayn, waayo asagu wuxuu ka dhashay beesha uu Ismaaciil Cumar
    Geelle u hiillinayo oo qabyaaladda ayaa wasiirka si toos ah u taabanaysey.
    
    Waxyaalihii uu wasiirku ku hadlay waxaa ku badnaa magaca Cabdullaahi Yuusuf oo ah nin ka mid ah ergada
    qabiilka Puntland u jooga shirka uu wasiirku Jibuuti u metelayo. Waxaa hadalkiisa ka muuqatey in uu
    qabiilooyinka Kenya ku shiraya qaarkood neceb yahay, waana arrin aan lagula yaabi karin nin uu Ismaaciil
    Cumar Geelle soo dirsaday!
    
    Shanta nin oo qabiilka Puntland laga waraystay mid wuxuu ahaa weriye dhexdhexaad ah oo madax ka ah
    idaacadda laascaanood, kaas oo aan qabyaalad ka hadlin ee war madax bannaan oo aan tolna u hiillinayn
    sheegay.
    
    Afarta nin ee kale waxaa waraystay isku nin! Waa nin Yuusf Garaad la yiraahdo, oo ay Cabdiqaasim isku
    qolo yihiin, laguna xanto ama lagu sheego in uu yahay ninka idaacadda qabyaaladda ku kharribay, oo uu si
    aan xishood lahayn ugu dhiirradey arrimo ay bulshadii kaga xiisodhaceen oo ay ku yaqyaqsadeen dhaqanka
    BBC.
    
    Yuufuf Garaada waa tifaftiraha laanta oo xilligaan, waxayna shaqaalaha BBC sheegeen in uu saaxiib la
    yahay habar ingiriis ah oo laanta madaxda ka ah. Intii aan tifaftiraha laanta laga dhigin wuxuu habarta
    ula saaxiibay si aan caadi ahayn.
    
    Markii uu tifaftiraha noqday wuxuu si xun ula dagaalay Maxamuud Xassan oo ahaa weriyihii iila warsheeg
    fiicnaa weriye afsoomaali ku hadla. Sababta Maxamuud Xassan BBC looga cayriyey waxay ahayd qabyaalad iyo
    xaasidnimo isku dhafan, waxaana ku dadaaley Yuusuf Garaad oo carintiisa u kaashaday habarta uu saaxiibka
    la yahay.
    
    Seeftaybannaanka oo ka dhashay qabiilka Puntland dega ayuu Yuusuf Garaad wuxuu ku waalay telefoon uu uga
    dirayey London. Soomaalida oo dhami waxay wada og yihiin in uu Seeftaybannaanka nin fiican yahay,
    laakiin uusan hadalka ku fiicnayn, oo uusan qabiil afkiis ku hadli karin.
    
    Bahallada xoolaha cunaa waxay u kala baxaan kuwo halis ah iyo kuwo yaryar oo hilib raba aanse lahayn
    awood weyn.
    
    Libaaxa iyo bahallada la midka ahi xoolaha ma ay cunaan ilaa ay diloodaan, oo waxay adeegsadaan tabo ay
    neefka nafta kaga gooyaan, laakiin dawacada iyo kuwa la midka ahi waxay jecel yihiin in ay xoolaha ka
    cunaan meel jilicsan sida in ay idaha barida ka dhaawacaan.
    
    Weligaa arki maysid lax uu libaax barida ka dhaawacay oo nool, laakiin idaha soomaaliyeed waxaa laga
    helayaa 10% ay dawaco barida qaar goosatay.
    
    Seeftaybannaanka wuxuu Yuusuf Garaad u arkaa in uu yahay meel jilicsan oo qabiilkiisa laga dhaawici
    karo, wuxuuna u diray telefoonno badan.
    
    Markii labo jeer Seeftaybannaanka uu Yuusuf Garaad ka jacjacsiiyey buu wuxuu qabiilkiisu ka mamnuucay in
    uu BBC la hadlo waxaana amar lagu siiyey in haddii uu Yuusuf Garaad soo waco uu siiyo telefoonka Maxamed
    Cabdi Xaashi si uu qabiilka Puntland uga difaaco Jibuuti iyo BBC.
    
    Dhibaatadii ugu wenayd waxay ka dhacday in uu qabiilku Seeftaybannaanka ka mamnuucay in uu Yuusuf Garaad
    la hadlo iyo in uusan Yuusuf rabin in uu Maxamed Cabdi Xaashi waco, ee uu Seeftaybannaanka u soo
    dhuumanayo!
    
    Seeftaybannaanka waxaa ayada oo shir loo fadhiyo soo wacay Yuusuf Garaad, wuxuuna ku yiri: "Waryaa
    Yuusuf i maqal! xilahay dalaaqan haddii aad mar kale i soo wacdid lambarka ayaannu iska beddelaynaa! La
    hadal ina Cabdi Xaashi haddii aad Puntland iyo qabiilka deggan la murmaysid!".
    
    Labo nin oo qabiilka Puntland ah oo kale ayuu Yuusuf Garaad wacday, waxayna ahaayeen garaad Cabdiqenni
    iyo Fu'aad, oo Laascaanood wax laga weydiiyey.
    
    Horta Fu'aad magaalada Laascaanood mushaar kama uu qaato, ee wuxuu bil kasta iska xaadiriyaa magaalo aad
    uga fog, taasina waxay muujinaysaa in uusan magaalada u badnayn oo aan wax badan laga weydiin karin.
    Sababtaas ayuu Yuusuf u wacday dhawr jeer Fu'aad oo maalmihii danbe aan laga wacayn telefoon sugan, ee
    ku hadlayey midka gacanta lagu qaato oo uu Yuusuf lanbarkiisa haysto. Waxaa laga yaabaa in uu markii
    lala haday joogey magaaladii uu mushaarka ka qaadan jirey.
    
    Sida Maxamed Cabdi Xaashi in ay wacaan ay BBC uga baqaan si la mid ah bay waxay uga baqaan Cabdullaahi
    Yuusuf, oo mar kasta oo ay waraystaan waxay dhahaan: "Cabdullaahi oo na soo booqday" ama "Cabdullaahi oo
    na soo wacay".
    
    Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu rumaysan tahay in ay qabiilooyinka soomaalidu is horfadhiyaan, oo ay BBC mid
    ka mid ah tahay. Sidaas darteed rag ay cadow isku yihiin in uu wacdo wuxuu ka xigaa geeri, oo ilaa ay
    qabiilooyinku heshiiyaan ma uu rabo in uu BBC iyo Jibuuti midna waco.
    
    Cabdullaahi Yuusuf waa qof aan go'aan sidaas u miiggan qaadan karin, oo maalin kasta wuxuu soo wacdaa
    Yuusuf Garaad, wuxuuna si khasab iyo dhuunkagelis ah ugu sheegaa wixii uu qabo.
    
    BBC qabyaaladdeedu dhan kasta ayey kaga jirtaa oo waxaa isugu soo haray dad iska caddaystay tolnimo aan
    caadi ahayn. London waxaa deggan soomaali badan, oo qabiil kastaa wuxuu leeyahay xarumo ay keligood
    isugu yimaadaan, waayo waxaa luntay soomaalinimadii.
    
    Xarumaha ay beesha Soomaaliland leedahay waxaa mar kasta taga weriyeyaal tolka ah, waxay dadka joogaa ka
    soo qaadaan aragtiyo, maanmaaho, maansooyin iyo wax kasta oo ay sheegi karaan, laakiin xarumaha
    qabiilooyinka kale weligiis Cuuke cag ma uu dhigin. Wuxuu makarafoonka la aadaa meesha ay tolku ku
    qayilayaan.
    
    Tusaale kale oo yaxyax leh waxaa ah socdaalkii uu gabyaaga Maxamed-Hadraawi ku marmaray Yurub, oo ay BBC
    sameeyeen arrin yaab leh.
    
    Dadkii socdaalkaas sameeyey ujeeddo macne leh ma ay lahayn, waxayna Hadraawi, raglamood kale iyo weliba
    gabdho, oo aan isku qabiil ahayn ee magaca lumay ee "soomaali" wadaagey.
    
    "Sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabadgalaan" ayey soomaalidu ku maahmaahaan, waxaana maahmaahdaas ku
    dhaqmay Cuuke iyo Hereri oo BBC jooga, oo ku dadaaley sidii loo qarin lahaa Hadraawi saaxiibbadiisa aan
    tolka ahayn asagana loo sheegi lahaa.
    
    Gabyaaga laftiisa waxaa la moodaa in arrintaas hoos looga sheegay, waayo mar kasta oo ay labadaas nin oo
    tolka ahi soo wacaan wuxuu ku oranayey: "Waxaan joogaa meel hebla, waxaanna u socdaa meeshaas".
    
    Dhaqanka soomaalida waxaa ka mid ah in haddii uu nin gabar la baxo uusan inta ay safarka ku jiraan
    adeegsan karin ereyga "Aniga" ee uu isticmaalo ereyga "Annaga". Tusaale ahaan waa in uu dhahaa "Waxaannu
    ka nimid Balcad, waxaannuna u soconnaa Jawhar".
    
    Haddii uusan sidaas u hadlin wuxuu dhaqanku qabaa in uusan gabadha geyin, laguna meherin karin. Haddaba
    sidee bay ku dhacday in raggii uu Ismaaciil Cumar Geelle isku soo daray, oo Jibuuti iska soo raacay ay
    sidaas isu khayaaneen?
    
    Waxaa laga yaabaa in ay iska wada socdeen ee aysan isfahmayn, waayo waxay wada akhristaan maansadii
    ahayd:
    
    "Muqdishiyo Hargayay Kol haddii mar iyo labo Mooyi mooyi lagu yiri"
    
    Waxaa la hubaa in aysan ikhyaartaasi isku si u fahmayn maansadaas iyo kuwa la midka in uu Hadraawi ula
    jeedey qabyaaladda uu hadda Ismaaciil Cumar Geelle haluuqayo lafteeda. Dadku marmar bay ayaga oo isla
    jooga oo sheekaysanaya in loo kala turjumo u baahan yihiin!
    
    Khubaro badan oo arrimaha soomaalida u fiirsaday baa waxay sheegeen in haddii ay soomaalidu qabiilka si
    toos ah oo xayi ah ugu dhaqmi lahaayeey ay heshiin lahaayeen! Waa arrin in lala yaabo ay dhici karto,
    laakiin markii la fasiro laga yaabo in ay macquul tahay.
    
    Waxaa la sheegay in aan soomaalida qabyaaladda lagaga saari karin in la sheegsheego in ay qabyaaladdu
    xun tahay keli ah, waayo dadku hadal aan tijaabo cad lahayn waxba kuma ay qaataan.
    
    Waxaa caddaatay in ay dadka soomaalida ahi qabiilka iyo diinta aad u haystaan, laakiin aysan wax kale
    haysan, isla markaas ay labadaas arrimoodba aad ugu xoog badan yihiin qofka soomaaliga dareenkiisa.
    Tacliin kasta oo uu qofka soomaaliga ahi barto iyo darajo kasta oo uu gaaro wuxuu isugu biyoshubanayaa
    in uu tolnimo ugu hiilliyo, ee lagama yaabo in uu soomaalida oo dhan ku caawiyo.
    
    Mar kasta oo ay dad soomaali ahi meel isugu yimaadaan waxay afka ka sheegaan in ay qabyaaladdu xun
    tahay, laakiin qof walba haddii aad la saaxiibtid waxaad ogaanaysaa in uu qabyaalad aad u haysto.
    Wadaaddada kuwa ugu qaylo badan haddii aad hoos u sii raacdid qabyaalad baad ugu tegaysaa. Madaxda
    waxaad arkaysaa in ay ugu daran yihiin dadka oo ay qabyaaladdu tahay aragtida ay wax ku xukumaan.
    Ismaaciil Cumar Geelle waxa in uu ciidan ciddiisa ah Yagoori dhoobo ku kallifay wax sahlan ma aha!
    
    Dadka maansooda haddii aad baartid wuxuu mid kastaa marka uu maanso bilaabayo ku halqabsadaa qof ay isku
    qabiil yihiin. Bal waxaad eegtaa maansooyinka magacyada lagu bilaabo oo dhan sida in lagu bilaabo
    "Abdiyow". Ma uu jiro malaha qof soomaali ah oo ku bilaabay qof aan la qabiil ahayn, oo lagama yaabo in
    uu Hadraawi oo kale maanso ku bilaabo "Culusowow", "Tubeecow", "Singuboy" ama "Afraxow"! Laakiin in uu
    "Qaysow" ama "Siilaanyow" ama "Gaarriyow" yiraahdaa waa arrin la hubo.
    
    Haddaba maxay yihiin xiddadaan sidaas u adag oo aan la jari karini? Haddii ay janno ku gelayaan iyo
    haddii ay cadaab ku gelayaanba waxaa la isku raacay in ay soomaalidu qabiilka jecel yihiin, oo haddii ay
    qabyaaladda caayaan ay istustus been ah tahay, ee ay runtu tahay in ay 100% qabyaalada ama la qayliyaan
    ama ay la aamusaan! Waxaaba ugu daran midka cudurka la aammusa, sida uu Ismaaciil Cumar Geelle ula
    aamusnaa intii uusan ciddiyaha ku dagaallamin!
    
    Waxay dad badan oo soomaalida u fiirsaday sheegeen in waxa sidaas loo jecel yahay aan qarintooda guul
    lagu gaari karayn. Haddii la qariyo waxaa soo badanaya dhibtii, oo waxay noqonayaan dheri karaya oo hado
    la saaray!
    
    Sidaas markii loo qeexay waxaa loo maleeyey in ay fiican tahay in uu qabiil kastaa madax samaysto,
    dabadeedna ay madaxda qabiilooyinku sameeyaan wax soomaali la isku yiraahdo oo qaran ah, laakiin haddii
    qaran aan la fahmayn oo aan niyadda lagu wada hayn la iskula soo ordo markiiba colaad iyo wareer baa
    bilaabanaya.
    
    Madaxda qabiilooyinka waxaa laga wadaa madax aan caadoqaateyaal ahayn, isla markaas aan qabiilooyinka
    kale necbayn ee raadinaya in ay qabiilooyinku si daacad ah u wada dhistaan qaran sugan oo ka dhexeeya.
    Kuwaasi waa in aysan qabiilka iyo qaranka midna khayaanin ee ay karti u leeyhiin isu soo dhawaynta
    qabiilooyinka iyo ilaalinta xuquuqda guud.
    
    Waxaa xilligaan aad u badan dad calooshooda u shaqaysta oo aan soomaali iyo qabiil midna dan u hayn,
    kuwaas oo inta ay qabiilkooda ka tagaan qabiilooyin kale la qayila oo kuwaas kale qabyaaladdooda ku
    caawiya.
    
    Gabdhaha yaryarka ahi markii ay suuqa gelayaan waxay ka cararaan reerkooda, waxayna barafuun isu
    mariyaan dad aysan garanayn! Marka waxaa jira kuwa sheega in ay magacii "soomaalinimo" ka
    dhexraadinayaan in uu nin qabiilkiisa u shaqeeyaa biilo, oo ay agtiisa maxaabbiis ku ahaadaan. Kuwa
    sidaas ahi qaran ma ay fahmin, isla markaas ma ay laha aragti dheer iyo dadnimo, ee waxay fahmi karaan
    qaadkooda iyo quudkooda maalmahaas ah.
    
    Shakhsiyaadka sidaas ahi waxay daliil ka dhigtaan in ay qaran sidaas ku doonayaan. Haddaba in uu qofku
    qabiilkiisa qabyaalad ku taageero iyo in uu qabiil kale qabyaalad ku taageero waxaa caqliga u dhow in uu
    qofku qabiilkiisa tolaysto, waayo natiijada uu gaarayaa mar kasta waa iska qabyaalad. Bal su'aashaad
    weydii qof Shiima ama Baraasiil ka yimid oo u fiirso jawaabta uu ku siiyo!
    
    Qarannimo lagu gaarimayo in hadba meel qaad iyo khamro loo doonto, oo lagu hoos qayilo nin tuug ah oo
    aan dan soomaaliyeed fahmi karin, haddana aan rabin dan soomaaliyeed ee cuqdad qabiil meel la fadhiya.
    
    Dabeecadda noocaan ahi waxay fogaynaysaa in ay qabiilooyinku heshiiyaan, waxayna fududaynaysaa in ereyga
    "qaran" uu noqdo wax lagu qayilo oo ay dad maangaabyo ahi ku lebbistaan.
    
    Waxaa kuwaas caaqyada ah ka maqan in ay wixii diriray qabiilooyin ahaayeen, oo ay dagaallameen tolal uu
    iskaashi cuqdadeed ka dhexeeyo iyo tol kale. Haddaba markii la heshiinayo waxaa heshiiya dadkii diriray,
    oo hantidii ay kala boobeen isu celiya kuna heshiisa shuruudo iyo xeer muuqda oo miiggan, ee in uu qof
    caaq ahi ayaamo meelo ku soo qayilaa heshiis ma ay aha!
    
    Qabiilooyinka kala tegey oo mid kastaa meel gaar ah ku uruuray la isuguma soo jiidi karo cayaar iyo
    durbaan been ah oo loo tumo dad aan fiiro dheer lahayn iyo kuwii awal dalka soo kharribay. Marka ay
    qabiilooyinku isku soo noqonayaan waa in uu mid kasta hoggaaminayo qof ayaga ka mid ah, oo aan sida
    gabar suuqa gelaysa dhuundhuumanayn, oo aan geesaha fiirfiirinayn.
    
    Horta maxaa keenay in ay qabiilooyinku kala baydadaan oo ay iscolaadiyaan? Marka dadka dareenkooda la
    eegay waxaa shacabka ku jirta baqdin uu qabiil kastaa u qabo in uu mid kale xaqooda qaadanayo oo uu
    dabargoynayo. Intaas waxaa dheer in uu qabiil walbaa u malaynayo in la dulmiyey oo ay kuwa kale xaq uu
    leeyahay iyo degaan horay uga soo boobeen.
    
    Waxyaalihii hore haddii laga samri lahaa waxay qabiilladu ka baqayaan mustalbalka. Mid aan in uu qaran
    iyo dawlad helo rabini ma uu jiro, ee waxaa laga baqayaa in dawladda soo socota la isku dulmiyo ayada oo
    qabyaalad lagu hoos wado dantii qaranka oo ummadda ka dhexaysey.
    
    Haddaba baqdintaas maxaa lagaga dawoobi karaa? Qabiil kastaa wuxuu u baahan yahay in uu nabad helo iyo
    in aan xuquuqda uu qaranka ku leeyahay la seejin. Haddii uu intaas in uu helayo hubsado xamaasaddu waa
    ay qaboobi lahayd, oo carruurta dhalan doonta qabyaalad wax aan ahayn bay ku mashquuli lahaayeen.
    
    Qofka uu xanuunka qabyaaladdu hayaa waa in uu ogaado in qofka kale oo ka soo horjeeda qudhiisu uu
    jirradaas xun lafteeda qabo, sababtuna ay tahay in uu asaga ka cabsanayo, oo haddii ay cabsidaasi meesha
    ka baxdo uu qaranku cagodhiganayo.
    
    Cabsidaas in qabiilooyinka laga dhexsaaraa waxay u baahan tahay in dadka run loo sheego oo la tuso in ay
    qabiilooyinkii wax macquul ah ku heshiiyeen. Waxaa ugu culus in degaannada ay qabiilooyinku kala degaan
    mid kasta meeshiisa lagu xushmeeyo oo uu helo nabdgelyo muuqata oo ku kalsoonaan karo.
    
    Kalsoonida ugu weyn waxay qabiilooyinku maanta ku qabaan madaxweynaha iyo magaalomadaxda, waxaana
    aragtidaas xun keenay kacaankii oo muujiyey in madaxwenuhu uu yahay wax muhiim ah iyo in ay caasimadduu
    tahay meel muhiim ah.
    
    Aragtidaas ayaa weli maskaxaha shacab badan u xiran, waayo wax ka danbeeya ma ay arag oo waxay u qabaan
    in ay dawladnimadu tahay in madaxweyne la ammaano oo laga baqo iyo in magaalo keli ah la dhoobto.
    
    In uu madaxweynuhu qof dadka ka mid ah oo xafiis xafiisyada ka mid ah jooga yahay, caasimadduna ay tahay
    magaalo magaalooyinka ka mid ah ayaa waxay soo dhawayn kartaa in uu shacabku dareemo in uu dalka asagu
    leeyahay oo uu waajibaad iyo xuquuq ku leeyahay.
    
    Caasimaddu waxay magaalooyinka kale kaga duwan tahay in ay sida badan barlamaanka iyo dawladdu joogaan
    iyo in ay safaaradaha shisheeyuhu ku yaalliin, ee ma aha meel laga helo hanti iyo sharaf aysan ummadda
    inteeda kale heli karin.
    
    In ay magaalada dalka ugu weyn tahay iyo in ay midda ugu yar tahay mace ma ay leh, isla markaas in ay
    gobol shidaal ama beero qeni ku ah ku taallaa macne ma ay laha. Sidaas awgeed marka aad ereyga
    "caasimad" maqashid waa in aad ka fakartaa in ay xafiifyada iyo dhismeyaasha qaranka u dhexeeya
    badankoodu ku yaalliin ee ha ka fakarin in ay tahay meel lagu cuno hanti dalka intiisa kale laga soo
    boobay iyo hanti debedaha laga soo baryey.
    
    Waxay dadka qaarkood rabaan in lagu ordo in qof tuug ah madaweyne loo magacaabo, tuug kale
    ra'iisulwasaare, oo ay ayaguna wasiirro ama safiirro ka noqdaan waxaas hungada ah oo la magacaabay!
    Haddaba hubka qabiilooyinku haystaan ma uu ha qaadi karaa tuug qaxooti ku ahaa dalalka galbeedka oo
    boorso sitaa?! Ma ay isu soo celin karaan dadka sidaas ahi kalsoonidii qabiilooyinka kala guurey? Imisa
    qori baa taal dalka Soomaaliya gudihiisa oo aan xukuumad ka amarqaadan? Dadka madaxweynaha magacaabayaa
    awood ma leeyihiin ay baahida jirta ku raadin karaan mase waa qaxooti iyo danyar aan wax weyn ogayn?
    
    Baahida ummadda soomaaliyeed ma aha in la yiraahdo "hebel baa madaxweyne ah, hebelna waa wasiir", oo ay
    qof ama labo tuugo ahi meelaha qaarkood lacago ay jeebkooda ku ritaan ka soo barbaryaan.
    
    Waxa ugu weyn oo maqani waa kalsooni iyo nabadgelo. Nabdgelyadu waxay ku xiran tahay in hubka ay
    qabiilooyinka ama shacabku haystaan ayaga oo raalli ka ah gacan dawladeed la geliyo. Marka ma tuug lacag
    iyo cunto raba oo aan hubkaba fahamsanayn baa nabad iyo kalsooni keeni kara? Ma qof aan labo jilib oo
    kala tegey xeel iyo xoog midna isugu soo jiidi karin baa lagu caawinayaa in uu tuugnimadiisa sii xoojiyo
    oo uu dadka isku sii diro? Waxyaalaha aan caqliga waafaqsanayni waxay sii fogaynayaan kalsoonidii iyo
    nabaddii qabiilooyinka.
    
    Inta ay dadka maskaxdooda colaaddu ka baxayso, oo kalaguurka laga soo kabanayo waxaa la cuskan karaa in
    awoodda ugu weyn ay yeeshaan degmooyinku oo dadka la tuso in uusan madaxweynuhu awood lahayn ee ay ayagu
    awood leeyihiin iyo in ay taladu degmadooda taal ee aan meel kale oo fog looga talin.
    
    Kalsoonidaas markii qofka la dareensiiyo waxaa ka jabaya xumaddii iyo shakigii uu qabiilooyinka kale ka
    qabey, wuxuuna markaas ka dib raadsanayaa shaqo uu noloshiisa ku socodsiiyo, waayo wuxuu joogaa
    dalkiisii oo nabad ah, oo uusan cidna u ciilqabin.
    
    Shaafici Xassan Maxamed E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
    
    
    
    
    
    
    Xigasho: http://mudugonline.com/2004/january/250104aragti.htm
    
    

Copyright 2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.