BBC iyo Warbaahin reer Galbeed
BBC iyo Warbaahin reer Galbeed
--------------------------------------------------------------------------------
Waxay aniga ila tahay in laga hadlo laanta afka soomaaliga keliya inay tahay figrad aan
habaysnayn oo waaqiciga runta ah aad uga fog, sababtuna waxay tahay dooda ku saabsan BBC laanteeda afka
soomaaliga waa figrad gabow ah oo imminka laga gudbay waxayna ahayd arrin socon jirtey xilliyadii
TODDOBAATAMEEYADII iyo SIDDETAMEEYADII. Waxaanna imminka la soconnaa in imminka laga soo gudbaayo ku
tiirsanaantii war baahineed ee BBC da oo dhan oo aan ku koobnayn laanteeda afka soomaaliga keliya,
waxaan la soconnaa in waxii ka horeeeyey sannadkii sagaashankii (1990), dadka carabta ah ee dhegeysta
(BBC) da laanteeda afka carabiga ay gaarayeen saddex meelood marka loo qaybiyo laba meelood,mararka
qaarkoodna xitaa qiyaaso intaas ka sii durugsan oo ah afar meelood ahaan saddex meelood ayaaba la sheegi
jiray,waxayna idaacadaas ay carabtu ku tiirsanayd ay ahayd mid borobogaandada aan ku naqaan laanteeda
afka soomaaliga mid ka sii durugsan faafisa, waxaanse la soconnaa maanta in carabtu ay ka bogsadeen
xanuunkii BBC ee ku dhisnaa eexashada, xaqiraada, borobogaandada iyo beenta la dhoobdhoobay intaba.
Waxana maanta dunida carabta la sheegay inay dhegeystaan tiro aad u yar oo ku dhaqan goobaha aadka uga
fog idaacadaha (LOCAL) ka ah, iyo meelaha aan dabka layr tiriiggu (korontada) aanay gaarin, taasoo ay
ugu wacan tahay iyada oo dunida carabta uu ka dhashay isbeddel amaba wax lagu sifayn karo kacaan
warbaahineed ( Media Revolution ) guushaas oo loo aanaynayo isbeddelka ka dhacay adduunka xagga is
gaarsiinta, taasina waxay ka dhigtay in xilligan dhammaan warbaahinta reer galbeedka oo ay (BBC) ugu
horrayso ay ka noqdeen waxaan qiima lahayn dunida carabta isla mar ahaantaana ay warbaahinta reer
galbeedku ay imminka ku tiirsan tahay kana war sugaan tebinta warbaahinta carabta iyagoo xitaa ku
fashilmay inay warar ka soo diraan dunida carabta lagagana dheereeyey tartankii wararka ee sannadahii la
soo dhaafay, iyagoo adduunyada kaleetona oo ka baxsan reer galbeedka iyo reer galbeedka laftiisana ay
tebiyaan wararka warbaahinta carabta oo keliya haysashadoodii warbaahineed ee adduunka ee xilliga dheer
ay imminka qiima beeshay waa war baahinta reer galbeede, waxaa kale oo iyaduna wax xiisa badan leh
iyadoo dalalka ku yaalla qaaradda (Asia) dhammaan aan imminka la dhegaysan idaacadda BBC iyada oo kula
hadasha in ka badan (30 AF) waddammada ku yaalla qaarada Aasiya,waxaana lagu soo warramay in dadka
dhegeysta idaacaddaas ay hoos u dhaceen in ka badan 60% dadkii hore u dhegaysan jirey idaacaddaas oo (
Credebility ) gii uu ka lumay.
Waxaan kale oo akhristayaasha aan xasuusinayaa in dadka ku dhaqan dalka (India) oo daawada
telefishannada BBC iyo CNN ay tiradoodu tahay oo keli ah laba milyan (2,000,000) taasina waxay kuu
caddaynaysaa in xilligii ay qandaraaska warbaahinta reer galbeedka oo ay BBC ugu horraysay uu imminka uu
dhammaaday loona gudbay xilli cusub oo cid waliba ay iyadu xukumayso ( MEDIA ) heeda. Waxaanna
rajaynayaa in dhowaan amaba uu waqti keli ahi innaga xigo markii ay Soomaalida iyo Afrikaanka kaleba ay
ka bixi lahaayeen ku tiirsanaanta BBC lagana sheekayn lahaa (BERIGII BBC) da.
Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadi lahaa sida aynu haddii aynu nahay Soomaali uga kaaftoonnay BBC da
boggeeda internet ka oo dadka akhrista ay tiradoodu ay tahay mid aad u yar amaba aan waxaan jirin
waxoogey uun dhaanta inaynu u tabaabulshaysanno inaynu si buuxda irdaha ugu laabno ku tiirsanaanteenna
idaacadeed iyo weliba war baahinta kale ee reer galbeedka oo aynu furanno iddaacado,telefishanno, iyo
wargeysyo iyo warbaahin kale oo leh nidaam akhlaaqeed oo dhawrsoon oo aan ahayn jaantaa rogan aan
tifaftir lahayn oo sharaf iyo hufnaan ku shaqaya, oo aan looga dan lahayn ka guurnay BBC dii, isla mar
ahaantaa gala meeshii ay buuxin jireen warbaahinta reer galbeedka oo markaa aan innagu xukunno wararka
ka baxaaya dhulkeenna Soomaaliya iyo Afrikaba sidii ay hore u yeeleen Carab iyo Asian.
Mahadsanidiin,
Hamud Aadan
hamudadan@hotmail.com
Xigasho: http://www.mudugonline.com/2004/september/230904aragti3.htm
|