Ku soo Dhawoow
Mareegta Far-Shaxan
  ha moogaan mareegta u ban baxday raadraaca taariikhda, dhaqanka iyo hidaha
  Tifatirayaasha Farshaxan way ka madax banaan yihiin fikradaha gaarka ah ee ku sugan halkan

Farshaxan Amman Farshaxan

kula xidhiidh Bahda Farshaxan EMAIL ..

  

Shirkii Mingeste iyo Afweyne

     Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
    Sida laga wada war-qabo beryahan danbe oo dhan, waxa BBC-da ka baxa barnaamajyo taxane ah oo loogu magac-daray “Taariikhda Soomaaliyeed” kuwaas oo idaacaddaa laga baahiyo habeen kasta oo Axad ah. Barnaamajyadan waxa lagu wareystaa dad aanay dhegaystayaashu garanayn sababaha ama siyaabaha lagu doorto. Dadkaa laga wareysto Taariikhda Soomaaliyeed waxay u badan yihiin dad ka tirsanaan jiray nidaamkii Siyaad Barre, kuwaas oo aan inta badan ka run-sheegin dhacdooyinkii ay goob-joogga u ahaayeen ama dhagartii aan qiyaasta lahayn ee laga galay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Bal mararka qaarkood waxaabay u muuqdaan ama iska dhigaan qaar nasteex u ahaa shacbiga Soomaaliyeed, taas oo uu garan karo qof kasta oo xogogaal u ahaa wixii Soomaaliya ka dhacay. Iyada oo ay marka horeba mugdi ku jirto sida dadkaa lagu soo xushaa ama waxa loogu xisho in ay helaan fursado ay ku baahiyaan wax aan u cuntamayn dadka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah, ayay hadda na ka sii yaab badan tahay in fursad la siin waayo dadkii ka soo hor jeeday ama fikirkooda wax ka sheegi lahaa. Waxa laga hadlayaa waa Taariikh,waana mowduuc aad u murugsan oo la isku khilaafi karo amaba la isku maan-dhaafi karo. Weliba waa taariikh Soomaaliyeed. Kaaga sii darane waa iyadii oo aan qornayn ee odhaah ah, marka ay sidaa tahayna in lagu murmaa wax la yaab leh ma aha. Tusaale haddaan soo qaato, 28/12/2003dii oo habeennimo Axadeed ahayd ayay BBC-du wareysatay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo sheegay in ay SNM ku gacan-saydhay Dawladdii Siyaad Barre oo u soo jeedisay in la wada hadlo. Weriyuhu ma weydiin Cabdiraxmaan Jaamac Barre goorta ay ahayd? Meesha ay ahayd? Iyo cidda ay SNM kala kulmeen. Waa su’aalaha aasaasiga ah ee saxaafaddu ku socod-barato. Toddobaad ka dib isla barnaamajkaa waxa habeennimadii lagu wareystay Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaan jiray Guddoomiyihii SNM.Iyada oo uu Aadan Nuux Dhuulle barnaamajkaa gadh-wadeen ka ahaa labadaa habeenba, Axmed Siilaanyo muu weydiin in ay arrintaa wada-hadallada ee la sheegay in SNM ku gacan-saydhay wax ka jireen iyo in kale. Ma barnaamajyada ayaan u taxnayn weriyayaasha BBC-da? Ma iyaga oo aan waxba diyaarsan ayay dadka wareystaan? Mise waxay ku talo-galeenba in ay sidaa wax u dhacaan? Waa arrimo is-weydiintooda leh. Saddex toddobaad (Axadood) oo is-xigay oo ka soo bilaabmayay 28/12/2003dii, waxa Heshiiskii Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam ee 1988kii laga kala wareystay: Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Maxamed Cabdi Gabboose,
    Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Axmed Mire,
    Axmed Maxamed Aadan (Qaybe),
    Aniga oo mowduuca laga hadlayo xiisaynayay xogogaalna u ahaa markaan dhinaca SNM ka soo joogsado ama aan cuskado wararkii rasmiga ahaa ee ay na siiyeen madaxdii Itoobiyaanka ee Heshiiskaa goob-joogga u ahayd, waxaan isku dayay in aan BBC-da la xidhiidho. Aniga oo idiin soo koobaya, Aadan Nuux Dhuulle ayaan E-mail u diray. Waxa ii xigay Axmed Xasan Cawke oo aan tilifoon kula hadlay oo ii sheegay in uu arrintaa Aadan Nuux Dhuulle kala hadli doono. Mar labaad ayaan Aadan Nuux Dhuulle E-mail u diray in kasta oo uu fasax ku maqnaa. Waxba yaan hadalka idinku daallinne, aakhirkii Yuusuf Garaad ayaan la hadlay waxna kama suuro-gelin in kasta oo uu tilifoonkaygii iga qortay oo uu iga ballan-qaaday in uu ila soo hadli doono. Marka hore inta aanan dulucda qormadaydan u gelin, laba halba aan idhaahdo: Hal waxaan ka leeyahay wareysigii Cabdiraxmaan Jaamac Barre, halna waxaan ugu marag-furayaa Maxamed Cabdi Gabboose oo si mowduuciya (objective) ah arrimihii uu soo qaaday uga hadlay. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaan ku leeyahay: “Wada-hadallo ay SNM ku gacan-saydhay ma jirin.” Intii aan SNM ka tirsanaa waxaan ku jiray hay’adaheeda hoggaaminta, marka aanan hay’adaha hoggaaminta ee SNM ku jirinna, waan ka ag dhawaa. Arrintaasi mid marna gole timid ma ahayn. Cabdiraxmaan Jaamac Barre wuu is-moodsiiyay in uu SNM la xidhiidhaye, waxay u badan tahay in uu arrintaa kala hadlay niman Isaaq ah oo Xamar la joogay. Cabdiraxmaan se wuxu mooggan yahay in aanu Isaaqu SNM wada ahayn. Ha u bateene, SNM ma wada ahayn ayaa lagaa yidhi. Dr. Gabboose wuxu wareysigiisii BBC-da ku sheegay in Siyaad Barre gobolladii woqooyiga u soo ambo-baxay si uu indhihiisa ugu soo arko ka dibna ku tallaabsado sidii uu maamulkiisa wax uga beddeli lahaa. Sidaa ayuu Jabuuti ku yimid 1987kii. Mengistu Xayle Mariam ayay is-arkeen. Kulankaa dabadii, Gabboose wuxu inoo sheegay in Siyaad Barre ciddiyo libaax yeeshay oo aanu ahayn kii Xamar ka yimid, bal se talo kale oo aar-goosi ahi ku dhalatay. Dr. Gabboose waxaan ugu marag-furayaa warar ay I siiyeen odayaasha Reer Gebilay mar ay Siyaad Barre oo jidka soo maray halkaa kula kulmeen. Waxaan soo xiganayaa war-galeenkii looga-qaateenka ahaa ee Chief Caaqil Maxamed Ibraahin Khaliif, naxariistii Janno Ilaahay ha siiyee. Maxamed Ibraahin Khaliif wuxu ii sheegay in uu Siyaad Barre ku yidhi: “Waxaan jeclaan lahaa in maanta cimrigayga labaatan sannadood dib la ii celiyo. Markii ay sababta weydiiyeenna wuxu ugu jawaabay:Waxaan u joogi lahaa waxaanu rag kala yeello.” SNM ayuu u jeeday. Siyaad Barre wuxu aamminay haddii uu Mengistu la heshiiyo oo SNM meesha ka baxdo in uu cid walba ka adkaanayo. Sidii uu Dr. Gabboose sheegayna Siyaad Barre waan-waantii uu Muqdisho kala yimid wuu ka digo-rogtay oo aar-goosi iyo cadaawad ayuu u beddeshay. Waa halkii Hadraawiye, arartan aan ku soo xidho: “Aafrtaa xan durugtiyo,
    Danni jira wax-sheeggii,”

    Docda kale aan u soo noqdo qormadaydii aan qalinka u holladay. Intaasi haddii ay dhacday ayay ila noqotay in aan si kooban wax uga qoro Heshiiskii aan taabbo-galka noqon ee dhex maray Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam 1988kii. Sida aan aamminsanahay ma ahayn Heshiis laba dal iyo laba dad dhex maray, wuxu se ahaa Heshiis ay laba shakhsi oo taladii dalalkooda xoog ku maroorsaday ay ku muraadsada is-yidhaahdeen, waxba se aanay uga naaso-caddaan. Runtii waxay noqotay in ay labadoodiiba eedeen oo dagaaleen. Waxaan dib u halacsaday Buug aan ku ururiyay Xusuustayda Halgankii Hubeysnaa ee SNM oo la yidhaa: “Dharaaraa na soo maray”, oo weli qabyo ah, in kasta oo aan is-leeyahay intiisii badnayd way qorantay. Waxa laga yaabaa in aanay adkayn in qof xusuustiisa qoraa, marka se laga hadlayo halgankii hubeysnaa ee SNM inta qof ahaan iigu beegmaysa iyo inta la iga filayo ayaan is-lahayn. Inta qof uu qaban karo ayaaba iska kooban. Waa hawl ay hay’adi qaban lahayd, fallaadhi se gilgilasho kaagama go’do. Geeddi (Chapter) Buuggaa qabyada ah ku jira ayaa ku saabsan Heshiiskaa hagaasay ee Siyaad Barre iyo Mengistu aanu midkoodna midhihiisii goosan, bal se soo deddejiyay dhicistoodii. Burkaba bahal kama ay filan, shakina kuma jiro in ay nimankaa odayaasha ahaa tiradii ka gedmatay oo ay gudcur gudayeen ama ay lafba toobin ku hayeen. Qalinkii ay saxeexaa ku duugeen way eedeen oo dagaaleen. Aniga oo aan Geeddiga Buuggaa qabyada ah ku jira sidiisii u soo wada qaadnayn oo uu badan yahay, bal aan wax idiin ka soo garooco. In aan mowduucan ka hadlo markii aan goostay, waan ka maarmi waayay in aan raad- raac ka dhigto. Waan idiin soo koobayaaye, dhareerka ceshada oo yaanu hunguri idin qaadin. Aan maalin-qorkaa idiin qodobbeeyo, aniga oo meelaha qaarkood ku yar hakan doona: Heshiiskii Siyaad Barre & Mengistu Xayle Mariam: Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuuusf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuusni.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray? Maxaa Heshiiskaa Jabuuti loogu saxeexi waayay? Maxaa se maalmo yar ka dib Muqdisho loogu saxeexay?
    Haddii uu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” la socday wefdigii Maxamed Siyaad Barre, aniga oo la socday wefdigii Guddoomiyaha SNM ee 1988kii Adis-Ababa wada-hadallada u tegay, waxa noo warramay madaxdii Itoobiyaanka ahayd ee wefdigii Mengistu Xayle Mariam la socday. Waxaan soo xiganaya hadal-qorkii aan ka qaaday laba nin oo mas’uuliin ahaa oo aanu berigaa kula kulannay Hudheelka Guennet ee Adis-Ababa. Waxaan xiganayaa Ato Demise tafarre oo ahaa Jeneraal hawl-gab ah oo Mengistu kala talin jiray arrimaha Soomaaliyeed iyo Ato Mogus Habte Mariam . Si aad u qiimaysaan nimanka aan xiganayo aan ku yar hakado

    Xigasho:

    M. Amiin Jibriil

Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved.