Bahda Farshaxan
EMAIL
..
Maahmaaho
Maahmaaho Cusub:
Abwaan Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo) oo furay albaab cusub ka dib ,
markuu alifay maahmaahyo cusub ,iyadoo aan looga horayn hawshan iyada ah.
Qofkii dood ka qaba ama dhiirigelin raba inuu soo jeediyo ha la soo xidhiidho
xubnaha bahda Farshaxan.. Waana kuwan maahmaahihii ee la soco:
* Qoon hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hana qaado:-
Hadii ummad madaxdu ka xumaato iyo hadii qoys hooyadu ka
xumaato midna halka uu doonaayo ma ma gaadho, sababtoo ah
madaxda waa hogaanka bulshada ee shacbiga iska hortaaga
dhibaatada una sahamiya wanaaga, hooyaduna waa udub
dhexaadka nolosha qoyska sidaa darteed hadii ay xilkeeda
la turunturooto, qoyskaasi ma gaadho qayrkii.
* Inta barasho ku tarto, bahdaa kuma tarto:-
Inta saaxiibadaa, dad aqoonta iyo waxbarashadu ku taraan
reerkiinu kuma taro, waxaana jira waxyaabo badan oo
reerkiinu kugu eego oo aan saaxiibkaa kugu eegin.
* Qaxoonti ku faane, facii ma higsado:-
Qofka beni aadmiga ahi waxaa uu horumar cisi leh ku gaadhaa
dalkiisa hooyo oo keliya, waa suurtogal in qof wadan
shisheeye ah ku nooli oo noqdo qof aad maalqabeen u ah,
balse marna wadnihiisu ma garo inta uu ka duwan yahay
dadweynaha badan ee bulshada, sidaa darteed ninka dugsada
nolosha qaxootinimadu,waa in u aqoonsadaa in uu weligii
ahaanayo qaxooti, hadaa haduu lacag helo qiimayntiisu tahay
waxaa uu lacagta ka helay dhulkaga.
* Aqal aanad lahayn, awaare hantiya baa dhaama:-
Waxaa jirta in dad badan oo ka mid ah bulshada afka
soomaaliga ku hadashaa in ay u qaxeen dunida gaar ahaan
wadamada galbeedka,waxaanad moodaa in qaar badan oo ka mid
ahi ay dugsanayaan guryo aanay lahayn oo ay ku jiraan,
balse marka xaqiiqadu timaado waxaa ka hurdo fiican ninka
daarad yar oo uu leeyahay dareen la’aan ku seexanaya
dhulkiisii.
* Dulmi xigaal iyo dagaal sokeeye midna laguma degdego:-
Guud ahaan dulmigu waa wax ifiyo aakiro labadaba ku xukun,
dagaal sokeeyana waa dagaal hadii aad wax layso iyo hadii
lagu laayo midna aan libi kugu raacin oo, hadaad adigu wax
laysana dadkiibaad laysay, hadii qolada kale ku dilaana
dadkoodii bay laayeen, sidaa darteed midna laguma degdego,
waxaa loo baahan yahay in waxkasta laga horeysiiyo sidii
lagaga baaqan lahaa.
* Ummad caddaalad weyday iyo muslim cibaado diidey midna laguma cigto:-
Hadii umadi ay cadaalad weydo, oo lagu socon waayo xeerka ama
qaciiqadada hadba waxay ku heshiiyeen, taasi waxay keenaysaa
in uu dhaco bubur dhinaca damiirka saameeya, kaas oo lagu
talaabsado, waxkasta oo damiirku diido, dhinaca kale hadii
dadka muslinka ahi ay cibaado diidaan, taasi waxay noqonaysaa
in aan la fulin awaamiirtii illaahay bulshada u abuurey,
taas oo iyana dhaxalsiinaysa hadba ma siibo aan xal loo helin
iyo aafooyin isdaba joog ah.
* Gar xeerdiiday iyo ummad gole diiday midna guul ma dheelmo:-
Hadii gartu ay diido sharciga oo xaqdarada sharci qabta la
waayo, umaduna marka wax dhacaan urur laga waayo oo aan inta
la isu yimaado laga doodi waayo hadba dhibaatada sidii looga
hortegi lahaa, hadii wanaag lagu jira sidii loo hayn lahaa
taasi waxay keenaysaa in lagu guuldaraysto dhamaan wixii
himiladu ku dhisnayd.
* Talo waa gole ku nool:
hadii aadmigu tashan waayo oo inta la isu yimaado aan la la
fagurin hadba marka arinku meel cakiran shanshada dhigo, oo
nin waliba garaadkiisa toocsado taasi waxay keenaysaa burbur
iyo in aan qofna himiladiisa gaadhin, talada qofku ku
noolaana ay noqoto mid la dayaco
* Talo qori saaran iyo tumaati sokeeye tagoog jabay baa laga dhaxlaa:-
Hadii talada loo dhiibo qoriga iyo dagaalka ninka wada sida
maanta ku badan aduunka, taasi waxay keenaysaa in rixin goys
bato, oo dadku arxan waa isugu ururo, marbana la majeerto qofka
dhiig yacabka ah, tumaati sokeeye waa dilka lagula kaco bulshada
xigtada ah, xigtadaas oo marba heer taagan, mar la odhan karo
soomaali ahaan waxaynu xigto nahay mar dadka madow, mar waxaynu
xigto nahay bulshada ku nool qaarada Afrika, mar waxaynu xigto
nahay dunida muslinka, mar waxaa xigto ah bulshada soomaaliyeed,
mar waxaa xigto ah, beesha ama ardaaga qofku ka yimi marna waxaa
xigto ah ehelka qofka. isla markaana maahda macneheedu maaha
in ay fasaxayso tumaatida shisheeye.
* Nabar aan bogsan naxli sokeeyaa leh:-
Hadii dagaal idin dhexmaro wadankaa durugsan, waxaa dhacda in
waqti yar ka dib la iska ilaawo, markase qofku uu gaysto nabar
sokeeye, waxaa weeye nabar aan weligii bogsanayn sababtoo hadii
xataa lagaa samro, marwalba markaad aragto qofkii aad qoonta u
gaysatay ama ilmihii aad aabihii dishay, ama wiilkii aad walaashii
faraxumaysay, hooyadii aad boobtay inkasta oo arintaas laga
bogsaday oo laga yaabo in aan cidi kuu qabsan, hadana markasta
wadnahaagu ma garra, isla markaana waxaa ku dilaysa hadal haynta
markasta oo la soo qaado dhacdooyinkii xanuunka lahaa.
* Xumaan nin ku foogan, xil looma asteeyo:-
Waxaa dhacda in, in badan caalamka maanta oo ay bulshadeenu ka mid
tahay in xil loo doorto nin lagu og hayey waxaa uu ka shaqeeyo in
aan wax qudha oo saxi ku jirin, waxaa dhacda in mid loo taagwaayey
la yiraahdo farahaa lagaga gubtaye halkaa inooga dhiiba, iyada oo
la hilmaansan yahay ama aan la dhaadayn waxa loo dhiibay in ay
tahay dan umadeed.
* Nin qoys ku hungoobay, qaran ma hogaansho:-
Waxaa iyana aad uga dhacda bulshada soomaalida in xil la huwiyo nin
gabay xaaskiisii iyo caruurtiisii ama intii kale ee qoyskiisa xilku
ka saaraa, oo aan lagu hayn dhaqaalihii qoyskiisa, ixtiraamkii iyo
xanaanayntii waalidkii, markaa ninkii qoyska hanan waayey sidee buu
u hanan karaa bulsho dhan daneheeda.
* Dal faqriye ma jiree, dawlad faqri ah baa jirta:-
Inkasta oo khayraadka illaahay dunida dhigey kala badan yahay hadana
bogcadkasta oo illaahay ummad ku beerey waxaa uu u geliyey,
khayraadkii ay ku noolaan lahayd oo u baahan dedaal, muruq iyo
maskax laysu geeyo, markaa hadii ay hogaanka qabato dawlad ku hagta
bulshada horumarka dalkeeda waxaa hubaal ah in si dhibyar loo
dhamabli karo khayraadka, balse hadii uu maamulka wadanka haystaa
noqdo mid jideeya oo dhiiri geliya qaybta xun ee qofka oo laaluushku
bato, cadaaladu baaba’do oo sharciga la ixtiraami waayo taasi waxay
noqonaysaa in aan bulshadaasi ka bixin silic iyo baayaal.
* Nin cunto kaa martiyey iyo qof cilmi kaa martiyey midna lama caydhiyo:-
maahmaahdan macneheedu waxaa weeye calool baahan hadaad wax ku dhaanto
looma dayriyo, qof cilmi daalib ah oo doonaya in u wax kaa korodhsadana
lama eryo ee waxaa wanaagsan in aad wixii aad ku dhaanto si habsami ah
ugu sheegto.
* Wixii adiga ku dhibaya, walaalkaa looma quudho:-
Waxaa aad u fool xun in aad wax aad adigu dhibsanayso walaal kaa u
quudho, markaa walaalku kuma koobna ka aabahaa iyo hooyadaa dhaleen,
balse waxaa weeye qofkasta oo aduunka ku nool midabkuu doono ha la
haadee.
* Inta hadal duulo, haad ma duulo:-
Halka warku gaadho, haadka duulayaa ma gaadho, sababtoo ah haadku waa
wax nool oo daala isla markaana ay dhibaato ku tahay cimilada ku
xeerani, balse hadalku waa wax aan daalin isla markaana aadmigu isugu
gudbiyo siyaabo badan.
* Rag waa afkii maal, aduunkii maal, adoogii maal :
Nin waxaa uu ku nool yahay afkiisa, oo afsoomaaligaba raga noocaas ah
waxaa la yiraahdaa afmaalo, waa nin hal abuur ah, xeerdhaadhi ah,
suugaan ruug ah ama hadal yaqaan ah, Ninka waxaa la yiraahdaa aduunkii
maal oo nin isagu ku nool xoogiisa ama xoolihiisa, waxaa jira nin kale
oo la yiraahdo adoogii maal oo waxaa uu ku nool yahay dhaxalkii
aabihii, dhaxalkaas oo noqon kara aduun iyo magac dirkaba, waxaa jira
rag badan oo wax lagu siiyo waa ina hebel oo waxaa dhalay nin magac
ku lahaa bulshada uu la nool yahay, marka laga hadlaayo dhinaca
jacaylka waxaa soo raaca nin la yiraahdo aragii maal oo ah nin
shalaqsan oo qurux badan oo laga yaabo in gabdhuhu isku dilaan iyada
oo aan la eegin aqoontiisa iyo shaqsiyadiisa midna.
* Aduun aan laga faqriyin, aqoon baa jirta:-
Qof aadmiga ah wax kasta oo uu hanti dhaqo, maaha wax la hubo in uu
haysanayo inta noloshiisa ka hadhay, balse aqoonta qofku barto waa
mid la hubo in ay ka soo doogayso dhibaatooyinka nolosha soo wajaha.
* Ubad waa beer oo ninba si bay ugu baxdaa:-
Ubadku waa sida beeraha, beerahana laba isku xiga ayaa midba midhaha
ka baxaa ay noog gaar ah yihiin, iyada oo ay qayb wayn ka qaataan
hadba sida looga shaqeeyo, ubadkuna sidaa beeraha ayaa laba qoys oo
isku xiga midba ay si noqdaan, waxaana inta badan ku xidhan tahay
sida waalidku u barbaariyo.
* Dan gaar, mid guud looma dulleeyo:
Wax umada oo dhan u dan ah looma duleeyo wax qof keliya dan u ah,
sababtoo dhan taasi waxay keenaysaa in qofkasta oo bulshada ka mid
ahi uu waayo wixii uu xaqa u lahaa.
* Nin shalay ilaaway, beri ma odoroso:-
Hadii umadu ay illowdo wixii ay soo martay dhibaato iyo dheefba wixii
keenayayna lagu darsan waayo talada, taasi waxay keenaysaa in aan la
saadaalin karin berito waxa dhici kara, taas oo dhaxalsiinaysa in
markasta ay dhibaato bulshada shalay soo martay aan laga tashan karin
oo ay mar walba dib ugu habsato.
* Ifka waxaad taransataad aakhiro ugu tagtaa:-
Aduunku waa goob shaqo oo qofkastaa wixii uu shaqaystay ayuu aakhiro
marka uu dhinto hor Illaahay ugu tagaa.
* Hadii dulmi gurigaaga yaal, dudada samo lagama raadsho:-
Maahmaahdan macneheedu waxaa weeye hadii aad adigu dulmi samayso ama
qaarka mid ah bulshadaada dulmido oo aad gurigaaga ugu awood sheegato,
waxay adna dhibaatadu kugu dhacaysaa markaad ka baxdo dayrka aad ku
amar ku taaglayso.
* Hed lama baajiyo ee hawl baa la korodhsadaa
Waxay maahmaahdani ka hadlaysaa in kasta oo dhaqtar loogeeyo ama
quraan la saaro ama faaliye iyo fareeye loo geeyo in aan hedla
baajinayn,balse aadmigu ay kharash korodhsadaaan.
* Nin dhukuran bidaartiisa lama dheehdo:
Waxaa beryahan dambe beesha caalamka ku badan in raga bidaarta lihi
ay hadda xil qarsiinyo ka dhigtaan in ay timihiisa dhukuraan,
dabadeedna waxaa hadha magacii la odhan jirey bidaaar waxaana laga
yaabaa in markaas loogu yeedhaa aden dhukur.
* Dhib nin yaqaan, Colaad ma dhidhiyo:
Ninka yaqaana dagaalka iyo waxyaabaha uu keeno ama waayo badan soo
taagnaa goobaha nafwaagu kuma dedego hurinta collaadaha, sababtoo ah
waxaa uu axadhaa dhibtaada collodhkeeda.
* Tacab baa lagu hodmaa, Tuugsi laguma dhergo:
Qofka aadamka ahi waxaa uu cisi iyo sharaf ku leeyahay marka uu
maskaxdiisa iyo muruqiisa maalo, balse qof gacan kale sugayaa marna
ma gaadho nolol uu haakah yidhaahdo, waxaynu hadaba tuugsiga u kala
qaadi karaa laba arimood oo kala ah, tuugsiga aynu dawarsiga u
naqaano ee ay ku kacaan qaar badan oo ka mid ah bulshada caalamku
waxaa kale oo isna tuugsiga la mid ah lacagaha kaalmada ah ee
wadamada galbeedku bixiyaan, taas oo aadmoodo in bulshada
soomaalida ee soo barakacday intooda badani ku nooshahay.
* Nin aan gaadhi fuuli jirin, geedka dhaafayuu ku wareeraa:
Qofku marka uu gaadhiga ugu horeeya raaco, waxaa dhacda in uu indhaha
iyo fekerkaba isugu geeyo dhirta gaadhigu dhaafayo ku waas oo aad
moodo in ay yaacayaan, markaa waxaa qofkaasi ku dhaca wareer dhinaca
maskaxda ah, waxaanu noqdaa sidii qof dhulku la wareegay oo kale.
* Dal aanad afkiisa aqoon duxdiisa ma heshid:
Hadii qofku uu ku nool yahay wadan shisheeye ah oo aanu baran afkiisa
ama luqadiisa, waxaa dhacaysa in aanu marnaba qofkaasi helin ubucda
khayraadka wadankaas, isla markaana qofkaasi kama gaashaaman karo
dhibaatada umadaas, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in bulshada
ku nool wadamada galbeedku ay bartaan luqadaha laga hadlo dhulalka ay
joogaan taas oo markaas keenayso in qofkaasi fahmo qaab nololeedka
cusub ee ay leeyihiin dadkaasi uu la dersay, taas oo dhaxalsiinaysa
in uu waxyaabaha ay ku fiican yihiina kaga daydo, waxyaabaha ay ku
xun yihiin kaga badbaado.
* Daar burburtay waa la dhisaa, damiir burburey baa adag:
Bulshada caalamku waxay soo martay dagaalo iyo colaado baahay oo
saameeyey bulshooyinka dunida intooda badan, waxaana iska cad in intii
ku dhimatay laga bogsaday, wixii ku lumayna laga kabtay, laakiin hada
waxaa muuqda in aduunka dagaal lagula jiro damiirka aadmiga oo wixii
xumaa ay bulshada caalamku ka dhiganayso ama u aragto horumar, waxaana
muuqata in xadhkii aduunka oo ahaa caqiiqdadu ay hada yihiin wax laga
faano, waxaana dagaal lagula jiraa akhlaaqiyaadkii aduunka, qofka lagu
tuhmana waxaa loo haysto qof ka dambeeya bulshada maanta oo aan la
talaabsan karin nolosha casriga ah.
* Ninkuu dhimanaayey dhiigaaga ma xalaashado:
Maahmaahdani waxay in badan khusaysaa bulshooyinka caalamka ee marka
bulshada cadaadis ku dhaco sida bulshada soomaaliyeed ay ka dhacaan
kacdoonada milaterigu, taas oo ay hogaamiyaan saraakiil in badan
bulshadu madaxa ku siday oo magacooda la majeeranayey, hase yeeshee
markii la rido maamulada halkaas ka jira waxay markiiba qaybiyaan
bulshadii ay shalay ugu balanqaadeen in ay aawadood qoriga u qaadeen
diyaarna ugu yihiin in ay u dhimanayaan, markaa waxaad is waydiinaysaa
qofka aadamiga ah waxaa ugu qaalisan wax uu hure naftiisa, markaa
dadkii uu ogolaa in uu naftiisa u huro suurtogal ma tahay in uu
rasaasta la dhaco dadkaas ama laayo, sidaa darteed waxay maahmaahdani
sheegaysaa in aanay ninkaas markii hore dhabka ahayn arintu balse ay
ahayd nin wax kale u dagamsanaayeen oo aanu dhab ka ahayn una kicin
ama ka damqan dhibaatada bulshada.
A. HASSAN
with respect
Bahda Mareegta Farshaxan-London/England
Soo Bandhige:
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
|
|
Copyright ©2003- Mareegta Raadraac ee Farshaxan. All Rights Reserved. |